-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
New deputy force Commander of African Union Mission in Somalia (AMISOM) has today assumed his role following a ceremony held in Mogadishu. Lt General James Nakibus Lakara officially took office as the new AMISOM Deputy Force Commander (DFC) in charge of Operations and Plans. According to a statement by the Mission, Maj. Gen. Charles Tai Gituai who has completed his one year tour of duty has handed over the office to his successor, Lt. Gen. Lakara from Uganda. The out-going Deputy Force Commander, Maj. Gen. Gituai gave an overview of the progress and challenges in the ongoing transition process. He cited the AU/UN joint review, the Operational Readiness Assessment (ORA) of the Somali National Security Forces (SNSF), the new Concept of Operations (CONOPS) document and the joint military operations against al-Shabaab militants as some of the progress made in the past one year. “This Mission is at a very critical stage as we will be implementing CONOPS, the Somali Transition Plan (STP) and Resolution 2431 of the UN, which are very specific on the objectives for the military,” the outgoing DFC said. Lt. Gen. Lakara thanked his predecessor for his contributions and reiterated his commitment to ensuring the AU Mission achieves its mandate. “I bring to this mission my passion, my Pan-Africanism, my commitment, hard work, and my experience,” Lt. Lakara noted. The UN Resolution 2431, adopted last year, mandated AMISOM to set out strategic objectives to enable the gradual handover of security responsibility to Somali security forces by December 2021. View the full article
-
View the full article
-
Xafladda Daah-furka Warshada Mac-Macaanka Casriga ah ee “Shaam Sweets” Waxa magaalada Hargeisa lagu daah-furay warshad casriya oo ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee laga hirgaliyo Somaliland 22 February, 2019, waxaana maal-galiyey warshadan muwaadin reer Somaliland ah oo arkay baahida weyn ee loo qabo in loo buuxiyo booskaas oo aan hore uga jirin Somaliland. Shaam Sweets waa Warshad cusub oo casri ah oo soo saarta Mac-Macaanka noocyadiisa kala duwan, waxay wadanka ku soo kordhisay macmaaankii carabta lagu samayn jiray sida Suuriya iyo wadanka Turkey-ga oo dibada la inooga keeni jiray. Warshada oo ku qalabaysan qalab casri ah waxay soo saari doontaan dhamaan noocyada kala gadisan ee macmaanka sida Baqalaawaha, Kunaafada, Mucajanaat-ka, Keegag Kala Gadisan iyo dhamaan mac-macaanka noocyadiisa kala duwan, iyada oo ay samayn doonaan khubaro u dhasahay wadanka Suuriya oo mudo badan ku soo dhex jiray samaynta mac-macaanka. Warshadan Shaam Sweets waxay ugu bushaaraynaysaa dhamaan dadweynaha leh xafladaha gaarka ah sida aroosyada, meherka, dhalashoyinka, dabaal-degyadda, furitaanka goobaha cusub iyo xafladaha kaleba inay kuu diyaarin doonto keegag iyo macmaano kala duwan oo tayadoodu iyo dhadhankooduba sareeyo. Haddaba warshadd Shaam Sweets xarunteeda guud waxay ku taalaa agagaarka Cusbitaalka International-ka ee magaalada Hargeisa, ama kala soo xidhiidh wixii faahfaahina Landline: 564362 ama telefoonadda: 063-6834157 ama 063-3165638 Halkan ka daawo Xafladda Daah-furka Warshadda Shaam Sweets: Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadkii deriska lahaa Allha u naxariistee xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo shalay lagu dilay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qaabkii loo dilay iyo sidii uu dadka degaanka dhaqaaleyn jiray. Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu keligiis ahaa xilliga la dilay oo aanay la socon wax ilaalo ah, isagoo markaasi guri uu dhismo ku hayey ku sugnaa, waxayna odayaasha xaafadda sheegeen inuu ahaa nin si weyn u caawiyey oo samafale ahaa. Mid kamid ah dadka Deegaanka ayaa sheegay inuu u iibiyey Gaari Gacan uu ku shaqeysto, wuxuuna Alle uga baryayey inuu Janadiisa geeyo. Mid kale oo dadka Deegaanka ayaa sheegay inuu ahaa Boqore nin fiican oo u dhaxeyn jiray Masjidka iyo Guriga. Wuxuu intaas ku daray inuu Qalbiga ka ilmeenayo uusana garaneyn sababta loo dilay, wuxuuna ugu duceeyey Janada. Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka uu soo duubay TV-ga Dalsan ee Magaalada Muqdisho Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gollaha degaanka ahna duqa caasimadda, ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 5 xubnood oo u xilsaaran, xallinta khilaafaadka dhulka. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxo hubeysan ayaa Shalay Galab dilay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ahaa Xildhibaankii ugu da’da weynaa Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya. Allaha u naxariistee Xildhibaanka ayaa lagu xasuustaa hadalkii qiimaha lahaa ee uu ka jeediyey kulankii uu Baarlamaanka Soomaaliya 17 September 2018 ku yeeshay Muqdisho kaasoo looga hadlayey Arrimaha Ciidamada. Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa kulankaas ka sheegay in aan wax amni ah laga sugeynin askar mushaarkoodu yahay $100, oo xitaa aan boqolkas si joogta ah loo siinin. Boqore waxaa uu tusaale usoo qaatay qarashka wax looga cabo ama looga cuno hoteelada ay fariistaan madaxda sida Hotel Jaziira, taas oo muujineysa in qidmada maalin qura ku baxda madxda iyo mushaarka bilaha ee askariga iney isla egyihiin. Waxaa uu tusaale usoo qaatay mid ka mid ah askarta ilaalisa oo u gacan qaaday, taas oo sababta in xildhibaanka la dhigo isbitaalka Digfeer ee Muqdisho. “ Mid ka mid askarta i ilaalisa ayaa feer ila dhacay, anoo xanuunsan ayaa la ikeenay guriga gudoomiyaha , lama yaabin inuu askarigaas ii gacan qaaday sababtoo ah wax aan ogahay sida uu ku shaqeeyo iyo in wixiisii yaraa aanu dhowr bilood helin, maalin dhexe gudoomiyaha ayaan labo bilood oo mushaarkiisa ah uga qaaday ayuu yiri Boqore. Waxaa uu sheegay in aan amni jirin, isagoo ku dooday in askartu ay nolol u baahan yihiin, xaasas iyo caruur lee yihiin , oo laga rabo biil, caafimaad iyo waxbarasho waxaana uu soo jeediyay in marka hore ciidamada la daryeelo oo mushaarka loo badiyo hadii ami laga rabo Muqdisho. Hadalkaas ayaa noqday midkii ugu saameynta badnaa oo uu Boqore ka jeediyo Xildhibaanada sanadkii tagay ee 2018. Allaha u naxariiste Boqore ayaa Maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Isman-Boqoro-Alla-yarxma.Askariga...-Abdiladif-Mohamed-Osman-Assasino-fbdown.net_.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baladweyne (SMN) – Dibadbaxan oo ahaa mid ballaaran ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Banaanbaxa ayaa looga soo horjeeday boob iyo masuq-maasuq lagu sameeyay raashin gargaar oo loogu talagalay dadka danta yare ee ku dhaqan magaaladaasi. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa dalbaday in wax laga qabto dhibaatooyinkaasi. Halkan hoose ka dhagesyo Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Banaanbaxa-Baladweyne.mp3 View the full article
-
Garowe (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska duqa degmada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal Axmed Saciid Muuse ayaa lagu magacaabay guddiga xalinta khilaafaadka dhulka ee magaaladaasi. Guddigan oo ka kooban illaa shan xubnooda ayaa ka shaqeyn doona xalinta khilaafaadka ka dhasha muranada la xariira dhulalka. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
-
Tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho ayaa iminka gacanta dowladda ku jirta tan iyo bishii Augusta 2018 waxaana markii ay ka baxeyn ciidmada Amisom aad usoo dhaweeyay bahda ciyaaraha dalka. “Dal dalbo dadkiisa ayaa dhista waxa aan aamin sanahay 100% inta ka hartay Stadium Muqdisho in aan ana dhameysan karno hadii aan si wadajir ugu qeyb qaadano”waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka u sheegay”Daa’uud Axmed Dheere oo ah madaxda horomarinta isboortiga Gobolka Banaadir. Tan iyo Bishii October 2018 waxaa garoonka Stadium Muqdisho booqasho iyo indho indheyn u tagay qaar ka tirsan madaxda dowladda Soomaaliya iyo kooxihii kala duwan ee qurbajoogta ee caasimada Muqdisho u imaaday ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada. “Hadii aanu nahay jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne waxa aan diyaar u nahay ka qeyb qaadashada iyo dib u dhiska tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho waxaanse ku rajo weynahay in aan aragno Stadium Muqdisho oo dib u shaqaneenaayo” waxaa Goobjoog u sheegay Cali Xuseen oo ah tababaraha kooxda Melbourne ee dalka Australia. Dowladda Soomaaliya ayaa dhamaadka sanadkii hore soo gaba gabeesay wajigii kowaad ee nadaafada waxaana dhismaha iyo qeybaha ka haray nadafaada wajiga labaad lacago ku bixinaysa dowladda Norway sida ay kol hore shaacisay wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada. Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Baxday Barnaamijka Xeyndaabka Ciyaaraha Goobjoog TV W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Madaxwayne ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa guddoomiyey shirka maamul-daadejinta iyo horumarinta degmooyinka Puntland oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Garoowe. Shirka waxaa kasoo qayb galay Wasiirada; Maaliyada, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga, Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta, Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, agaasimayaasha Wasaaraddaha ka shaqeeya barnaamijka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka socday xafiisyada Hay’addaha kala ah UNDP, UNICEF, UNCDF iyo UNHABITAT oo taageera barnaamijkan. Barnaamijka oo galay wejigii saddexaad oo maanta la qabtay kulankii koowaad ee 2019 ayaa warbixin ku aadan waxyaabihii qabsoomay, caqabadaha taagan iyo qorshaha 2019 laga dhegaystay agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha, waxaa laga dooday intuu kulanku socdey dardargelinta dedaalada maamul-daadejinta iyo harumarinta degmooyinka Puntland. Madaxwayne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa kula dardaarmay dhammaan mas’uuliyiinta barnaamijkan ka shaqeeya inay dardargeliyaan shaqooyinka maamul-daadejinta iyo horumarinta magaaloonyinka Puntland. PUNTLAND POST The post M xigeenka Puntland oo amray in la dardar geliyo maamul-daadejinta degmooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka wasaaradda cadaaladda XFS ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshe xabsiyo cusub looga hirgalinayo xarumaha maamul goboleedyada dalka. Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb a tahay ballaan qaadyo ay horay u sameysay xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa uu carabka ku dhuftay in horay loogu guuleystay in xabsi laga dhiso maamulka Puntland, kaas oo loogu adeegayo shacabka deegaanadaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu xariga ka jiray xabsi weyn oo laga dhisay xarunta guud ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku taalla agagaarka isgoyska ex koontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Allaha unaxariistee waxaa maanta qabuuraha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho lagu aasay Marxuum Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Xildhibaanada golaha shacabaka ee baarlamaanka Soomaaliya. Aaska Marxuumka waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, wasiiro iyo ehellada uu ka baxay Xildhibaankaasi. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlay aaska ayaa ka hadlay waxyaabaha lagu xasuusan doono Cismaan Cilmi Boqore. Dhankiisa guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuumka, waxaana uu tilmaamay in uu ahaa halyey u soo shaqeeyay dalka. Shalay gelinkii dambe ayaa xildhibaankan lagu dilay degmada Kaaraan ee G/ Banaadir, iyadoona laamaha amnigu ay shaaciyeen in dad loo soo qab qabtay dilkaasi. View the full article
-
Raysalwasaare Kheyre!!!! (Dhagraa Dhakanaya) Qore : Cali Yasiin Gurbe Maqaalkaan Waxaa laga yaabaa in in badan oo idinka mid ihi aad u qaadataan Dagaal Siyaasadeed [...] Source
-
Muqdisho (SMN) – Munaasabad ballaaran oo lagu caano-shubayay Oday dhaqameedka cusub ee beesha Dabruube Maxamed Nabadoon Axmed Maxamed Subeer Gaabow ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Waxgarad, aqooyahanno, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo haween ka mid ah beeshan ayaa ka qeyb galay xafladdaasi. Ugu horreyn Yuusuf Cali Bood oo ka mid ah indheer-garadkii ka soo qeyb-galay caleema saarka ayaa Nabadoonka cusub ka codsaday in uu beesha iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ku hoggaamiyo tubta toosan. Sidoo kale Khadiijo Cumar Axmed oo ah guddoomiyaha ururka haweenka beel weynta Dabruube ayaaa hambalyo u dirtay Nabadoon Axmed Maxamed Subeer Gaabow Guntii iyo gunaanadkii munaasabadda waxaa ka hadlay oo halkaasi khudbad ka jeediyay Nabadoonka cusub Axmed Maxamed Subeer Gaabow, wuxuuna ballan qaaday in uu cadaalad u sameyn doono bulshada masuuliyaddan saartay. Beesha Dabruube Maxamed ayaa ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Laanta-Buure, waxayna beeshan leedahay xirfado dhaqan oo ab ka soo gaar ah, sida dhaqashada xoolaha iyo tacabka beeraha. View the full article
-
Afgooye (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duqeymo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo xalay lala eegtay degmooyin iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan Shabeelaha Hoose. Xalay saqdii dhexe diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeeyay deegaanada Dacaaraha iyo Kuunya Barow, sidoo kale waxay duqeymaha ka dhaceen degmooyinka Janaale iyo Awdheegle. Al Shabaab ayaa soo bandhigay sawiro ay sheegeen inay yihiin dad shacab ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay duqeymihii xalay, balse AL Shabaab ma aysan sheegin deegaanka ay dadkaasi ku sugnaayeen, maadaama goobo badan la duqeeyay. Waxaa ka muuqanayay sawirka canug yar oo madaxa ay ka haleeyay duqeynta iyo aabihii oo isku meel ku geeriyooday, iyadoo dhaawac uu soo gaaray hooyada dhashay canuga yar. Al Shabaab waxay sheegeen in duqeynta aysan geysan khasaaro badan, balse labo ruux ay ku geeriyoodeen. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Mareykanka oo ku aadan duqeynta ka dhacday Shabeelaha Hoose, balse maamulka dowladda ee Shabeelaha Hoose Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com
-
Awdheegle (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay laga fuliyay gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxa ay ka dhaceen deegaanada Kunyo-Barow, Dacaaraha, Janaale iyo Awdhgeele oo dhammaan ka wada tirsan gobolkaasi. Al Shabaab oo ka hadlay duqeymahaasi ayaa sheegay in aysan ka soo gaarin wax khasaare ah. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in duqeymahani lala bartilmaameedsaday guryo ay daganaayeen dad rayid ah, laguna dilay dila ilmo yar oo dhalnaa 20 maalmood iyo Macalin Dugsi Qur’aan oo ku sugnaa deegaanka Kunyo -Barow ee gobolka Sh/Hoose. Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyay duqeymahaasi dhanka cirka ah. Balse inta badan Mareykanka ayaa duqeymo ka dhan ah Al Shabaab iyo Daacish ka fuliya Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dabley ku hubeysnaa bastoolado ayaa barqanimadii maanta askari ka tirsanaa ciidamada milatariga Soomaaliya ku dilay duleedka Muqdisho, gaaar ahaan waddada Jayga ee gasha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Askariga la dilay watay ayaa la sheegay in uu watay mootada nuuca loo yaqaano Fekonta, iyadooanay ay baxsadeen raggii dilay. Ciidamo ka tiirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ay ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dilkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa dilal qorsheysan ay ka dhacayeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. View the full article
-
Afgooye (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay duqeyno ka dhacay Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo lala eegtay saldhigyo ay Al Shabaab lahaayeen. Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in duqeymahaasi lala eegtay saldhigyo ay leeyihiin Al Shabaab, goobo ay canshuurta ku qaadaan iyo maxkamado uu sheegay inay dadka ku xukumi jireen. Guddoomiyaha ayaa sheegay in tirada guud ee Al Shabaab looga dilay duqeynta inay gaareyso 100 dagaanyahan sida uu hadalka u dhigay, isaga oo sheegay in khasaaraha intaasi ka badan karo. Sidoo kale wuxuu sheegay in xarumaha qaar ee duqeymaha lala eegtay inay ahaayeen kuwo ay ku diyaarinayeen dhagarta Shacabka gobolka Shabeelaha Hoose. “Waxaa ka dhacay gobolka Howgalo xoog leh oo nimanka nabad diidka lagu bartilmameydsaday, waxay maleegayeen dhibaatooyin ka dhan ah Shacabka, waxaa lagu dilay 100 dagaalyahan, meelo badan ayaa lagu beegsaday Al Shabaab, Awdheegle, Dacaaraha, Janaale iyo Kuunya Barow ayaa la duqeeyay”ayuu yiri Guddoomiye Barre. Janaale, Awdheegle, Dacaare iyo deegaano ku yaala xuduuda Shabeelaha hoose iyo Jubbooyinka ayay xalay ka dhacday duqeyntii ugu badneyn, waxaana Al Shabaab ay sheegeen in diyaaradaha Mareykanka ay ka dambeeyeen duqeymaha. Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-24022019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii shalay kooxo hubeysnaa bastoolado ay degmada Kaaraan ku dileen Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka, ayaa waxaa dilkiisa ka hadlay Sanotar ka tirsan Aqalka sare ee dalka. Sanotar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore, waxaana uu sheegay in dhawaan ay kulmeen, isagoona xusay in xiligaas marxuumka uu ka walaacsanaa Amnigiisa. Sidoo kale, Sanotar Xuseen Kheekh ayaa tilmaamay in Xildhibaanka Boqore uu u sheegay in Taliska Ciidanka Booliska ay ka kaxaysteen Ciidamadii ilaalada u ahaa, isla markaana uu walaaac ka qabo amnigiisa. War qoraal ah oo Bogiisa Facebook uu soo dhigay Sanotar Xuseen Kheekh oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka ayaa u qornaa sidan . “Aad iyo aad ayaan uga naxay geerida Xildhibaanka oo aan iska tirsaneyn Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka. Xildhibaanka oo aan kulanay dhowr asbuuc ka hor ayaa wuxuu ka walaacsanaa Amnigiisa gaar ka ah maadaama Taliska Ciidanka Booliska ay ka kaxaysteen ciidamadii ilaalada u ahayd sida uu ii sheegey” Allaha u naxariistee Dilka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ahaana Ninkii ugu da’da weynaa Xildhibaanada ayaa waxaa Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-Shabaab . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxtooyada Sudan ayaa sheegtay in wasiirka gaashaan dhigga, Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf, loo magacaabay madaxweyne xigeenka koobaad, xilka gaashaan dhiggana uu haynayo. Madaxweyne Cumar Al-Bashiir ka Sudan ayaa Jimcihii dalka ku soo rogay xaalad degdeg ah oo muddo sannada ah, waxaanu dhisay dawlad ku meel gaadh ah oo ay ku jiraan saddex wasiir oo uu ka soo reebay xukuumaddii hore oo kala ah wasiirrada gaashaan dhigga, arimaha dibadda iyo caddaaladda. Waxa sidoo kale uu Al-Bashiir badhasaabaddii gobollada ku bedelay saraakiil milatari ah. Hadaba waa kuma wasiirka gaashaan dhigga ee madaxweyne xigeenka koobaad noqonayaa: Bin Cawf wuxu bilowgii kontonaadkii ku dhashay tuulada Qura oo ka tirsan degmada Wad Maalik. Wuxu galay kulliyada ciidanka waxaanu tababar milatari markii dambe u tagay Masar oo uu ku takhasusay madaafiicda. Markii dambena waxa uu macallin ka noqday kulliyadda layliga saraakiisha. Intii uu ku jiray shaqada ciidannimada wuxu noqday taliyaha sirdoonka milatariga iyo ku xigeenka taliyaha ciidamada qalabka sida. Wuxuu door weyn ka qaatay isku soo dhawayntii Sudan iyo Eritrea markii uu madaxa ka ahaa gudidii nabadgelyada ee ka qayb qaadanaysay wadaxaajoodkii Sudan iyo Eritrea dhex maray. Markii uu shaqada a fadhiistay sannadkii 2010-kii ayaa loo magacaabay safiir ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda, waxaanu noqday agaasimaha waaxda xallinta khilaafaadka. Ka dib waxa loo bedelay inuu noqdo qusulka guud ee safaaradda Sudan ee Qaahira, markii dambana waxa uu noqday danjiraha Sudan u fadhiya dalka Cumaan. Bishii Agost sanadkii 2015-kii ayaa madaxweynaha Sudan digreeto madaxweyne oo uu soo saaray ugu magacaabay Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf wasiirka gaashaan dhigga. Waxa la sheegaa in intii uu xilkaa hayey ciidanka Sudan ku tallaabsaday horumar dhinaca saanadda ah gaar ahaan sawaariikhda iyo madaafiicda. In kasta oo dadka reer Sudan dalbanayeen in ciidamada dalkooda ee Yemen jooga, ayaa mar uu ka hadlay ciidamada Sudan ee jooga Yemen waxa Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf uu ku nuuxnuuxsaday in xukuumaddiisa ay ka go’antahay in ciidamadeedu sii joogaan Yemen oo ay qayb ka ahaadaan isbahaysiga sucuudigu hogaaminayo ee ilaalinta xukuumadda sharciga ah ee Yemen. Waxaanu shir jaraa’id oo uu ka hadlayey ka sheegay in joogitaanka ciidamada qalabka sida ee Sudan ee dalka Yemen yahay waajib akhlaaqi ah oo saaran. Dhanka kale guddi ka socotay Qaramada Midoobay oo baadhaysay dhibaatada gobolka Darfur sanadkii 2005 tii ayaa magaciisa ku dartay liiska masuuliyiin lagu eedeeyey in ay sababeen dhibaatooyinka halkaa ka taagnaa. Sida oo kale Maraykanka ayaa ku daray liiska madow ee dadka uu eedeeyo oo uu ku sababeeyey doorkii uu ku lahaa dagaalka Darfur markii uu ahaa taliyaha sirdoonka milatariga. Bin Cawf waxa uu bedelayaa Jeneraal Bakri Xasan Saalix oo ahaa madaxweyne xigeenka koobaad ee Al-Bashiir. Source
-
Popular Contributors
