Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,998
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee golaha wakiillada Somaliland Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere ayaa waxa uu dawladda Ingiriisku ku eedeeyay inay hortaagan tahay ictiraafka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Dhanaane (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee qeybta 12-ka April, ayaa maanta isaga soo baxay deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay muddo ku sugnaayeen, sida ay xubno ka tirsan u xaqiijiyeen Caasimada Online. Deegaanka Dhanaane, ayaa dhaca waddada xeebta ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marka, waana deegaan muhiim u ah ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira Shabaabka Shabeellaha Hoose. Sida warka uu nagu soo gaaray, ciidamada ayaa gebi ahaanba faarujiyey dhufaysyadii iyo difaacyadii ay halkaasu ku lahaayeen oo saldhig u ahaa, islamarkaana ay kala dagaalamayeen kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadan qeybta 12-ka April oo la hadlay Caasimada Online ayaa shaaca ka qaaday in sababta ay uga soo baxeyn deegaanka ay tahay ayada oo afar bil aan la siin wax mushahar ah. Ciidamadan ka tirsan qeybta 12-ka April, ee maanta mushahar la’aanta darteed uga soo dareeray deegaanka Dhanaane, ayaa muddo bilo ka hor howlgallo kula wareegay deegaanada xeebta ee isku xira Muqdisho iyo Marka. Ciidamadan maanta soo baxay oo kaliya maaha, hase yeeshee ciidamada xoogga dalka ayaan inta badan qaadan wax mushahar muddo afar bilood ah, waxaase maalmihii dhowaa ka dhammaaday dul-qaadkii. Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale la’aan iyo musuq-maasuq ay isugu darsameen bilihii dhowaa, waxaana inta badan lacagta lagu bixinayey shaqaalaha rayidka ah, madaxda sare, dagaallada siyaasadeed, iyo warbaahinta iyo shaqsiyaadka dowladda ka ammaan baraha bulshada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maalintii labaad booqasho ku jooga magaalada Muqdisho ayaa qudbad dheer u jeediyay Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Sare, Halkan hoose ka DAAWO khudbadaasi Source
  4. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabagabeeyay booqashadii labada maalmood ahayd ee uu ku yimid magaalada Muqdisho kaddib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa ka hor intii aanu ka duulin Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, waxa ay xarigga ka jareen dhismaha cusub ee safaaradda Dowladda Jabuuti ku yeelanayso Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loogu sameeyay Muqdisho ay ka tarjumayso wanaagga iyo jacaylka ay Soomaalidu u hayso reer Jabuuti, isaga oo adkeeyay muhiimadda xiriirka walaaltinimo iyo wadashaqaynta labada dal. “Sida diirran ee dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool kuu soo dhaweeyeen Madaxweyne adiga iyo wafdigaaga waxay muujinaysaa abaalka iyo wanaagga badan ee Soomaalidu u hayso reer Jabuuti. Horay abaal waan idiin galnay waadna guddeen, annagana waad noo gasheen waana gudi doonnaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Geelle ayaa isna dhankiisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Muqdisho isaga oo sheegay inuu miradhalay dadaalkii ka bilawday Carta ee loo galay sidii Soomaaliya ula soo noqon lahayd dowladnimadeeda iyo sharafkii ay caalamka ku lahayd. “Waxaa qalbigaygu uu la damqanayaa waxa inaga dhexeeya. Socodkii labaatan sano ka soo bilawday shirkii Carte ee ahaa inaan ku adkeyno cisigeenna iyo sharafteenna inagoo isku duuban, dunidaan tartan kula geleynaa taas.” Ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale sheegay inay waajib tahay in la ilaaliyo xornimada ummadeed isaga oo dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyay dadaallada ay dhexdooda mar kasta ku xallistaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay in Soomaalidu wixii is-faham waa ah ay dhexdeeda dhammaysato. Ugu dambeyn, Xarig ka jarka dhismaha cusub ee safaaradda kaddib, waxa uu Madaxweynaha Jabuuti u gudbay Hoolka Shirarka ee Janaraal Kaahiye oo uu khudbad dardaaran ah ugu jeediyay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Somalia ay gudi doonto Abaalka ay u gashay Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  5. John Gibbons oo ka tirsan Booliska Ottawa ee Dalka Canada ayaa booæqasho degdega ugu tagay qaybo kamid ah Muslimiinta Magaalada si uu ula qaybsado Murugada [...] Source
  6. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabagabeeyay booqashadii labada maalmood ahayd ee uu ku yimid magaalada Muqdisho kaddib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa ka hor intii aanu ka duulin Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, waxa ay xarigga ka jareen dhismaha cusub ee safaaradda Dowladda Jabuuti ku yeelanayso Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loogu sameeyay Muqdisho ay ka tarjumayso wanaagga iyo jacaylka ay Soomaalidu u hayso reer Jabuuti, isaga oo adkeeyay muhiimadda xiriirka walaaltinimo iyo wadashaqaynta labada dal. “Sida diirran ee dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool kuu soo dhaweeyeen Madaxweyne adiga iyo wafdigaaga waxay muujinaysaa abaalka iyo wanaagga badan ee Soomaalidu u hayso reer Jabuuti. Horay abaal waan idiin galnay waadna guddeen, annagana waad noo gasheen waana gudi doonnaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Geelle ayaa isna dhankiisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Muqdisho isaga oo sheegay inuu miradhalay dadaalkii ka bilawday Carta ee loo galay sidii Soomaaliya ula soo noqon lahayd dowladnimadeeda iyo sharafkii ay caalamka ku lahayd. “Waxaa qalbigaygu uu la damqanayaa waxa inaga dhexeeya. Socodkii labaatan sano ka soo bilawday shirkii Carte ee ahaa inaan ku adkeyno cisigeenna iyo sharafteenna inagoo isku duuban, dunidaan tartan kula geleynaa taas.” Ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale sheegay inay waajib tahay in la ilaaliyo xornimada ummadeed isaga oo dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyay dadaallada ay dhexdooda mar kasta ku xallistaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay in Soomaalidu wixii is-faham waa ah ay dhexdeeda dhammaysato. Xarig ka jarka dhismaha cusub ee safaaradda kaddib, waxa uu Madaxweynaha Jabuuti u gudbay Hoolka Shirarka ee Janaraal Kaahiye oo uu khudbad dardaaran ah ugu jeediyay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  7. Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad casho sharaf ah oo loo sameeyey Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Xafladda ayaa waxaa ka qeybgalay madax kala duwan oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wadanka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, waxaana xubnahaas ugu sarreeyey Madaxeyne Farmaajo, Madaxweyne Gelle, Ra’isulwasaare Kheyre, Guddoomiyaasha labada aqal, Wasiiro iyo XIldhibaano ka kala socday labada wadan. Sidoo kale waxaa xafladda ka qeyb galay Fanaaniin qaali ku ah Umadda Soomaaliyeed oo aan dhowr iyo 30 Sano is arag sida, Xasan Aadan Samatar, Axmed Cali Cigaal, Salaad Derbi, iyo kuwii horey dalka u joogay Intii ay socotay Xafladda oo si toos ah uga baxeysay Warbaahinada kala duwan ee Soomaalida ayaa waxaa laga dhex arkay qaladaad u badnaa dhanka Protocol-ka ah oo ay aheyd in laga ilaaliyo xafladda, waxaana qodobeyn doonaa qaladaadka laga diinwaan geliyey. Kala daadsanaan Kooxaha Fanka ee Soomaalida ah oo aan si fiican u abaabulneyn, koox walibana ay suugaan u gaar ah la timid fagaaraha, Abwaan walibana uu gabaygiisa soo qaatay bilaa qorshe, taas oo waqti badan lumisay. Dadka qaar ee masraxa ka hadlayay marka ay Madaxda salaamayeen waxay mar walba ku bilaabayeen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ka dib ayey Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiyaasha labada aqal iyo Ra’isulwasaare Kheyre sheegayeen, Laakiin nidaamku wuxuu ahaa iney Madaxweynaha Soomaaliya ku bilaabaan. Calanka Soomaaliya oo Masraxa ku yaraa, xataa markii uu Heeska Calanka Soomaaliya qaadayay Cawaale Aadan iyadoo la yaaban yahay Hooyooyinkii xaflada joogay malaha inta is heyn waayeen ayey Calan yar oo kuwa miiska la saarto ah u keeneen oo uu gacanta ku qabsaday, halka Calamo waaweyn oo kuwa walaalaheen jabuuti ah ay Masraxa dhoobnaayeen. Xiriirinta Munaasabadda oo aad u liidatay sababtuna waa qorsha xumo iyo jadwal rasmiya oo aan loo dhiibin Xariiriyihii Xafladda Jeyte. Background-ka dambe ee Masraxa ama Decoration-ka goobta dib haloogu laabto hadii wafuud caalamiya lagu marti gelin doono goobtaas. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  8. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Xidhiidhka Golleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa ka cadhooday su’aalo laga waydiiyay Khaatumo Iyo Dastuurka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabagabeeyay booqashadii labada maalmood ahayd ee uu ku yimid magaalada Muqdisho kaddib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa ka hor intii aanu ka duulin Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, waxa ay xarigga ka jareen dhismaha cusub ee safaaradda Dowladda Jabuuti ku yeelanayso Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loogu sameeyay Muqdisho ay ka tarjumayso wanaagga iyo jacaylka ay Soomaalidu u hayso reer Jabuuti, isaga oo adkeeyay muhiimadda xiriirka walaaltinimo iyo wadashaqaynta labada dal. “Sida diirran ee dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool kuu soo dhaweeyeen Madaxweyne adiga iyo wafdigaaga waxay muujinaysaa abaalka iyo wanaagga badan ee Soomaalidu u hayso reer Jabuuti. Horay abaal waan idiin galnay waadna guddeen, annagana waad noo gasheen waana gudi doonnaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Geelle ayaa isna dhankiisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Muqdisho isaga oo sheegay inuu miradhalay dadaalkii ka bilawday Carta ee loo galay sidii Soomaaliya ula soo noqon lahayd dowladnimadeeda iyo sharafkii ay caalamka ku lahayd. “Waxaa qalbigaygu uu la damqanayaa waxa inaga dhexeeya. Socodkii labaatan sano ka soo bilawday shirkii Carte ee ahaa inaan ku adkeyno cisigeenna iyo sharafteenna inagoo isku duuban, dunidaan tartan kula geleynaa taas.” Ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale sheegay inay waajib tahay in la ilaaliyo xornimada ummadeed isaga oo dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyay dadaallada ay dhexdooda mar kasta ku xallistaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay in Soomaalidu wixii is-faham waa ah ay dhexdeeda dhammaysato. Xarig ka jarka dhismaha cusub ee safaaradda kaddib, waxa uu Madaxweynaha Jabuuti u gudbay Hoolka Shirarka ee Janaraal Kaahiye oo uu khudbad dardaaran ah ugu jeediyay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
  10. Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo safar ku jooga magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa uu si toos ah u daah furay Safaarada Jabuuti ee [...] Source
  11. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiil ka socda hay’adda ICRC oo ay hogaaminayso Madaxa ugu sareeya [...] Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Soomaaliya ayaa wajahaya dhibaatooyin daran oo dhinaca nolosha ah, waxaana isa soo taraya qayla dhaanta ciidamada ka soo baxayso. Waxaan idinla wadaagayna fariin ka timid askari ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Shabeelaha Hoose, oo codsaday in magaciisa la qariyo, si aan shaqada looga eryin ama aan loo xirin. Hoos ka aqriso farriintiisa. In ka badan 10 sano ayaa ka tirsanahay Ciidamada Qaranka, waxaana dagaalka Al-Shabaab ka billaabay dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya hadana waxaan ku suganahay duleedka degmada Wanla-Wayn ee Gobalka Shabeelaha Hoose. Dagaaladii lala galay Al-Shabaab waxaan ku waayay xubno jirkayga kamid ah, saaxiibo qaali igu ah oo qaar dhinteen qaarna ku naafoobay, walina ma joojin gumaca iyo rasaasta ilaa aan ka dhinto ama dadkaygu nagaadaan waan sii wadayaa dagaalka. Dowlad kasta oo dhalata waxaan naawilaa in lagaari doono maalin Askariga Soomaaliyeed qiimo leeyahay, la sharfo lana mid noqda shaqaalaha kale ee dowladda. Wali rajadayda ma helin balse Madaxweyne Farmaajo waxa uu ahaa qofka kaliya ee aan rajadaas ka qabay. Qoriga uma qaadan badbaadada naftayda ee waxaan u qaatay badbaadinta dadka Soomaaliyeed iyo dalka uma qaadan Al-Shabaab oo kaliya ee waxaan u qaatay cadow kasta balse maanta dacwo ayaan ahay. Ma helo mushaar, Gunno, Garaam iyo daryeel midna waxaysa aheyd xaalad aan ku qanacsanaa maadaama dalkayga dowlad xoog leh ka jirin balse waxaa intaas oo dhan iiga daran oo aan dacwo ka ahay dowladayda oo Al-Shabaab iiga darnaatay. Aniga oo aan helin inta aan soo sheegay ee Xuquuq ah ayey dowladayda sheegtaa in ay isiisay. Waa iga been abuurataa aniga iyo rag kale oo badan kana tirsan ciidamada qaranka Soomaaliya. Sidaas darteed waxaan idinka codsanayaa in Madaxweynaha Jabuuti noo kala garqaado annaga oo ah Ciidamada Qaranka iyo hogaanka dowladda ee naga been sheegay maadaama uu Madaxweynaha Jabuuti yahay oday Soomaaliyeed oo marti noo ah. Hogaanka Dowlada Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre waxay nagu diraan Xaasaskayna iyo Goobaha Ganacsi ee aan biilka carruurta deenta uga qaadno, waxay nagu diraan dugsiyada iyo Iskuulada caruurta noo dhigtaan ee hanagala qabto sababtoo ah lacag aysan na siinin ayey sheegaan in ay nasiiyeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. The navy chief added that the fleet, which consists of Sabalan destroyer and a logistic warship named Bandar Abbas, set off on Saturday for the international waters to safeguard maritime routes used by Iranian vessels, especially in the strategic strait of Bab-el-Mandab, which links the Gulf of Aden to the Red Sea. The Iranian Navy’s 60th flotilla, comprising of ‘Bayandor’ destroyer, Bushehr logistic warship, and Lavan warship, has just returned home after 52 days of a voyage in international waters. The flotilla’s mission included visits to Sri Lanka and Sultan Qaboos port, the largest port in Muscat, Oman, for a four-day stay. According to reports on Friday, Iran’s 60th flotilla conducted a successful operation in the Bab-el-Mandeb Strait, thwarting a pirate attack on one of the country’s oil tankers. The Iranian Navy has been conducting anti-piracy patrols in the Gulf of Aden since November 2008, when Somali raiders hijacked the Iranian-chartered cargo ship, MV Delight, off the coast of Yemen. According to UN Security Council resolutions, different countries can send their warships to the Gulf of Aden and coastal waters of Somalia against the pirates and even with prior notice to Somali government enter the territorial waters of that country in pursuit of Somali sea pirates. The Gulf of Aden – which links the Indian Ocean with the Suez Canal and the Mediterranean Sea – is an important energy corridor, particularly because Persian Gulf oil is shipped to the West via the Suez Canal. View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa ka gaabsaday in uu sheego wakhti cayiman oo la qabanayo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo in uu jiro waddan cayiman oo ay ka qabsoomi doonaan. “Ma jiro wakhti cayiman oo wada-hadallada (Somaliland iyo Soomaaliya) loo qorsheeyay,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Faratoon oo wargeyska Geeska Afrika arrintan wax ka waydiiyay. Hase ahaatee 13-kii bishan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo la hadlayay jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka ayaa sheegay in caasimadda Gaana ee Accra lagu qabanayo wada hadallo Somaliland iyo Somalia ah oo Turkigu hoggaaminayo. “hadda cisho dhawayd waxa yimid Turkiga waxaan ku idhi kaliga ku aqbali mayne caalamka kale hana soo dhex galo wuu aqbalay warqad buu soo celiyay hadda Ingiriiska, Maraykanka, Midawga Yurub, Sweden intaba waxa uu ka codsaday in la isugu yimaaddo 19-ka bishan Gaana (Accra) si loo sameeyo guddi caalami ah oo Somaliland iyo Somalia kala dhex gasha waxaana hubaal ah in Xamar iyo inta la joogtaba ka dagaallamayaan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi. Source
  15. Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay, wakhtiga la qaadayo, imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare degaannada Puntland. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland, ayaa lagu sheegay in imtixaanka shahaadiga la qaadi doono, inta u dhexaysa 25-ka iyo 30-ka bisha May ee sannadkan 2019. “Waxaan la wadaagaynaa dhammaan ardayda, maamulayaasha, waalidiintaba in imtixaankii sannad- dugsiyeedka 2019 ee Puntland uu dhacayo 25ka ilaa 30ka bisha May 2019″ ayaa lagu yiri qoraalka. Wasaaradda ayaa ku amartay, dhammaan maamulayaasha iyo macallimiinta iskuulada, in ay dhammaystiran muqarrarka maddooyinka ka hor wakhtiga loo cayimay imtixaanka. “Waxaan kula talanaynaa ardayda iyo macallimiintuba in ay xil iska saaraan meelmarinta iyo dhammaystirka muqrarkii sannadka” ayaa la sii raaciyay. Sidoo kale, wasaaradda ayaa sheegtay in sannadkan la adkeeyay, imtixaanka maadada Computer-ka iyo maadada siyaasadda, si ay u buuxiyaan shuruudaha qiimaynta muqarrarka u degsan Puntland. “maaddooyinka ICT iyo Government and Politics wax wayn ayaa laga bedelay imtixaankooda waana la xoojiyay si ay u buuxiyaan shuruudaha qiimaynta muqararkii la dejiyay”. Dowladda Puntland ayaa sannad walba imtixaan midaysan ka qaadda, ardayda fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiyada sare guud ahaan degaannada Puntland. Imtixaanka ayaa lagu saleeyaa, muqarrar iyo manhaj midaysan oo ay dejisay wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo shaacisay wakhtiga la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah appeared first on Puntland Post.
  16. Dunedin (Caasimadda Online) – Wadanka New Zealand ayaa ku jira xaalad adag kadib markii muslimiin badan lagu laayay laba masaajid oo ay ku gudanayeen waajibaadkooda diiniga ah, waxeyna dhacdadaan noqotay mid aad looga hadal hayo dunida sidoo kalana saameyn la taaban karo ka dhalisay gudaha wadankaas. Muslimiin badan ayaa ka carooday falkii dhacay kuwaas oo dareen ahaan aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa iney dhacaan falal kale oo dhacdadaas foosha xun looga jawaabayo, inkastoo kadib wixii dhacay si qurux badan loola macaamilay. Maanta waxaa laga soo sheegayaa magaalada Dunedin ee isla wadankaasi in garoon diyaaradeed lagu kala cararay kadib markii la helay bashqad weyn oo la garan waayay waxa ku jira, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli la filan karo falal aargoosi diimeed ah. Booliiska waxey ku guuleysteen iney guud ahaan dadka ka saaraan garoonka diyaaradaha, sidoo kalana ay ku hawlan yahiin iney ogaadaan waxa ku jira bashqadda iyagoo gacan ka helaya koxaha baarayaasha ee arrimahaan la tacaala. Sababo dhanka amaanka ah darteed waxaa la hakiyay duulimaadyo badan oo maanta ka fuli lahaa garoonkaas, waxaana arrintaan ay kusoo aadeysaa iyadoo dadka wadankaas ay yahiin kuwa feejigan oo mar walba xusuusan wixii dhacay maalmahii lasoo dhaafay. Tiro dhan 50-qofood ayaa lagu laayay weerarkii wuxuushnimada ahaa ee ka dhacay laba masaajid oo ku yalla magaalada Kirisjarj (Christchurch) sidoo kalana in ka badan tiradaas ayey waxyeello kala duwan kasoo gaartay. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Xoghaye ku-xigeenka xisbiga WADDANI ayaa waxaa uu si adag uga hadley ciidamo ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland oo uu sheegay in la dul geeyey shacabka deeganka Yube ee gobalka Sanaag, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Muqdisho (SMN) – Kadib shir Jaraa’id oo maanta si wada jir ah ugu qabteen M/Muqdisho madaxweynaha Galmudug Axmed Maxamuud Xasan (Axmed Baasto) iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi Cali Gacal Casir ayaa waxa ay si wada jir ah uga soo horjeesteen go’aanka ka soo yeeray madaxa xukuumadda dowlad goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ee ku aadanaa in ay isbedel ku sameeyeen Dastuurka maamulkaasi. Madaxweyne Axmed Baasto ayaa hoosta ka xariiqay in aysan jirin labo maamul oo la mideeyay, balse Galmudug ay tahay hal maamul , islamarkaana Dastuurka lagu shaqeynayo uu yahay kii horay loogu heshiiyay. Dhinaca kale Axmed Baasto ayaa ka soo horjeestay heshiiskii horay Jabuuti loogu mideeyay maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca. Shalay ayey ahayd markii madaxa xukuumadda Galmudug uu ku dhawaaqay in aysan jirin wax doorasho ah oo lagu qabanayo deegaanada Galmudug. View the full article
  19. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka hor jeediyey Labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Waxa uu muhiimadda ku saaray ka hadalka arrimaha midnimada, ka shaqeynta dib u dhiska dalka iyo arrimo kale. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/KHUDBAD-GEELLE.mp3 Source: goobjoog.com
  20. Boosaaso (SMN) – Hay’adda gargaarka ee Khalifa Bin Sayid Al Nahyan ayaa raashiin gargaar ah u qeybisay Qoysas ku nool magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari. Deeqdaasi gargaarka ah ayaa waxaa ka faa’iideystay kumanaan Qoys oo ku dhibaateysanaa gudaha iyo daafaha magaaladaasi. Maamulka Puntland ayaa dowladda Imaaraadka ku amaanay gargaarka bani’aadanimo ee ay gaarsiiyeen dadka taagta daran ee ku dhaqan M/Boosaaso Sarkaal ka tirsan hay’adda Khaliifa ayaa sheegay in raashiinkaasi gargaarka ah ay u qeybiyeen kumanaan ruux oo badankood ah barakacayaal. Sidoo kale waxaana uu intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan qorshaha ay deeqaha gargaarka ku gaarsiiyaan dadka danta yar ee ku dhibaateysan halkaasi. Dowladda Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalalka sida weyn howlaha samafalka uga fuliya gudaha Soomaaliya. View the full article
  21. Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ay xariga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya. Munaasabaddii xariga looga jarayay dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti oo ay ka qeyb galeen Madaxweynayaasha labada dal, goleyaasha Dowladda iyo diblomaasiyiinta dalalka shisheeye ee Muqdisho ka hawl gala ayaa haatan lasoo gabagabeeyay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhaw khudbad u jeedinaya kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ka dhacaya Dugsiga Tababarka Booliiska ee Janaraal Kaahiye. Xarig-jarka safaaradaan ayaa muujineysa horumarka laga sameynayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, taasi oo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen. Source: goobjoog.com
  22. Cadale (SMN) – Ismaaciil Macalin Muuse guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo xoogan oo saacadiihii la soo dhaafay dib uga qarxay agagaarka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka labada dhinac ay si deg-deg ah ku joojiyaan dagaalladaasi. Sidoo kalena wax weliba ay ku dhameeyaan wadahadal iyo deganaan, si looga baaqsado in mar kale dhiig uu ku daato halkaasi. Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo hadalkiisa sii waata ayaa shaaca ka qaaday in colaada ka taagan nawaaxiga degmada Cadale ay soo jiitameysay muddo fog, loona baahan yahay in xiisadaasi laga gaaro xal waara. Ku dhawaad 10 Qof ayaa ku dhimatay, halka in badan 15 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Sh/ Dhexe. View the full article