-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska duqa degmada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal Axmed Saciid Muuse ayaa lagu magacaabay guddiga xalinta khilaafaadka dhulka ee magaaladaasi. Guddigan oo ka kooban illaa shan xubnooda ayaa ka shaqeyn doona xalinta khilaafaadka ka dhasha muranada la xariira dhulalka. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
-
Tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho ayaa iminka gacanta dowladda ku jirta tan iyo bishii Augusta 2018 waxaana markii ay ka baxeyn ciidmada Amisom aad usoo dhaweeyay bahda ciyaaraha dalka. “Dal dalbo dadkiisa ayaa dhista waxa aan aamin sanahay 100% inta ka hartay Stadium Muqdisho in aan ana dhameysan karno hadii aan si wadajir ugu qeyb qaadano”waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka u sheegay”Daa’uud Axmed Dheere oo ah madaxda horomarinta isboortiga Gobolka Banaadir. Tan iyo Bishii October 2018 waxaa garoonka Stadium Muqdisho booqasho iyo indho indheyn u tagay qaar ka tirsan madaxda dowladda Soomaaliya iyo kooxihii kala duwan ee qurbajoogta ee caasimada Muqdisho u imaaday ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada. “Hadii aanu nahay jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne waxa aan diyaar u nahay ka qeyb qaadashada iyo dib u dhiska tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho waxaanse ku rajo weynahay in aan aragno Stadium Muqdisho oo dib u shaqaneenaayo” waxaa Goobjoog u sheegay Cali Xuseen oo ah tababaraha kooxda Melbourne ee dalka Australia. Dowladda Soomaaliya ayaa dhamaadka sanadkii hore soo gaba gabeesay wajigii kowaad ee nadaafada waxaana dhismaha iyo qeybaha ka haray nadafaada wajiga labaad lacago ku bixinaysa dowladda Norway sida ay kol hore shaacisay wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada. Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Baxday Barnaamijka Xeyndaabka Ciyaaraha Goobjoog TV W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Madaxwayne ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa guddoomiyey shirka maamul-daadejinta iyo horumarinta degmooyinka Puntland oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Garoowe. Shirka waxaa kasoo qayb galay Wasiirada; Maaliyada, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga, Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta, Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, agaasimayaasha Wasaaraddaha ka shaqeeya barnaamijka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka socday xafiisyada Hay’addaha kala ah UNDP, UNICEF, UNCDF iyo UNHABITAT oo taageera barnaamijkan. Barnaamijka oo galay wejigii saddexaad oo maanta la qabtay kulankii koowaad ee 2019 ayaa warbixin ku aadan waxyaabihii qabsoomay, caqabadaha taagan iyo qorshaha 2019 laga dhegaystay agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha, waxaa laga dooday intuu kulanku socdey dardargelinta dedaalada maamul-daadejinta iyo harumarinta degmooyinka Puntland. Madaxwayne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa kula dardaarmay dhammaan mas’uuliyiinta barnaamijkan ka shaqeeya inay dardargeliyaan shaqooyinka maamul-daadejinta iyo horumarinta magaaloonyinka Puntland. PUNTLAND POST The post M xigeenka Puntland oo amray in la dardar geliyo maamul-daadejinta degmooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka wasaaradda cadaaladda XFS ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshe xabsiyo cusub looga hirgalinayo xarumaha maamul goboleedyada dalka. Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb a tahay ballaan qaadyo ay horay u sameysay xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa uu carabka ku dhuftay in horay loogu guuleystay in xabsi laga dhiso maamulka Puntland, kaas oo loogu adeegayo shacabka deegaanadaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu xariga ka jiray xabsi weyn oo laga dhisay xarunta guud ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku taalla agagaarka isgoyska ex koontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Allaha unaxariistee waxaa maanta qabuuraha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho lagu aasay Marxuum Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Xildhibaanada golaha shacabaka ee baarlamaanka Soomaaliya. Aaska Marxuumka waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, wasiiro iyo ehellada uu ka baxay Xildhibaankaasi. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlay aaska ayaa ka hadlay waxyaabaha lagu xasuusan doono Cismaan Cilmi Boqore. Dhankiisa guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuumka, waxaana uu tilmaamay in uu ahaa halyey u soo shaqeeyay dalka. Shalay gelinkii dambe ayaa xildhibaankan lagu dilay degmada Kaaraan ee G/ Banaadir, iyadoona laamaha amnigu ay shaaciyeen in dad loo soo qab qabtay dilkaasi. View the full article
-
Raysalwasaare Kheyre!!!! (Dhagraa Dhakanaya) Qore : Cali Yasiin Gurbe Maqaalkaan Waxaa laga yaabaa in in badan oo idinka mid ihi aad u qaadataan Dagaal Siyaasadeed [...] Source
-
Muqdisho (SMN) – Munaasabad ballaaran oo lagu caano-shubayay Oday dhaqameedka cusub ee beesha Dabruube Maxamed Nabadoon Axmed Maxamed Subeer Gaabow ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Waxgarad, aqooyahanno, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo haween ka mid ah beeshan ayaa ka qeyb galay xafladdaasi. Ugu horreyn Yuusuf Cali Bood oo ka mid ah indheer-garadkii ka soo qeyb-galay caleema saarka ayaa Nabadoonka cusub ka codsaday in uu beesha iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ku hoggaamiyo tubta toosan. Sidoo kale Khadiijo Cumar Axmed oo ah guddoomiyaha ururka haweenka beel weynta Dabruube ayaaa hambalyo u dirtay Nabadoon Axmed Maxamed Subeer Gaabow Guntii iyo gunaanadkii munaasabadda waxaa ka hadlay oo halkaasi khudbad ka jeediyay Nabadoonka cusub Axmed Maxamed Subeer Gaabow, wuxuuna ballan qaaday in uu cadaalad u sameyn doono bulshada masuuliyaddan saartay. Beesha Dabruube Maxamed ayaa ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Laanta-Buure, waxayna beeshan leedahay xirfado dhaqan oo ab ka soo gaar ah, sida dhaqashada xoolaha iyo tacabka beeraha. View the full article
-
Afgooye (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duqeymo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo xalay lala eegtay degmooyin iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan Shabeelaha Hoose. Xalay saqdii dhexe diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeeyay deegaanada Dacaaraha iyo Kuunya Barow, sidoo kale waxay duqeymaha ka dhaceen degmooyinka Janaale iyo Awdheegle. Al Shabaab ayaa soo bandhigay sawiro ay sheegeen inay yihiin dad shacab ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay duqeymihii xalay, balse AL Shabaab ma aysan sheegin deegaanka ay dadkaasi ku sugnaayeen, maadaama goobo badan la duqeeyay. Waxaa ka muuqanayay sawirka canug yar oo madaxa ay ka haleeyay duqeynta iyo aabihii oo isku meel ku geeriyooday, iyadoo dhaawac uu soo gaaray hooyada dhashay canuga yar. Al Shabaab waxay sheegeen in duqeynta aysan geysan khasaaro badan, balse labo ruux ay ku geeriyoodeen. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Mareykanka oo ku aadan duqeynta ka dhacday Shabeelaha Hoose, balse maamulka dowladda ee Shabeelaha Hoose Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com
-
Awdheegle (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay laga fuliyay gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxa ay ka dhaceen deegaanada Kunyo-Barow, Dacaaraha, Janaale iyo Awdhgeele oo dhammaan ka wada tirsan gobolkaasi. Al Shabaab oo ka hadlay duqeymahaasi ayaa sheegay in aysan ka soo gaarin wax khasaare ah. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in duqeymahani lala bartilmaameedsaday guryo ay daganaayeen dad rayid ah, laguna dilay dila ilmo yar oo dhalnaa 20 maalmood iyo Macalin Dugsi Qur’aan oo ku sugnaa deegaanka Kunyo -Barow ee gobolka Sh/Hoose. Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyay duqeymahaasi dhanka cirka ah. Balse inta badan Mareykanka ayaa duqeymo ka dhan ah Al Shabaab iyo Daacish ka fuliya Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dabley ku hubeysnaa bastoolado ayaa barqanimadii maanta askari ka tirsanaa ciidamada milatariga Soomaaliya ku dilay duleedka Muqdisho, gaaar ahaan waddada Jayga ee gasha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Askariga la dilay watay ayaa la sheegay in uu watay mootada nuuca loo yaqaano Fekonta, iyadooanay ay baxsadeen raggii dilay. Ciidamo ka tiirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ay ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dilkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa dilal qorsheysan ay ka dhacayeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. View the full article
-
Afgooye (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay duqeyno ka dhacay Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo lala eegtay saldhigyo ay Al Shabaab lahaayeen. Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in duqeymahaasi lala eegtay saldhigyo ay leeyihiin Al Shabaab, goobo ay canshuurta ku qaadaan iyo maxkamado uu sheegay inay dadka ku xukumi jireen. Guddoomiyaha ayaa sheegay in tirada guud ee Al Shabaab looga dilay duqeynta inay gaareyso 100 dagaanyahan sida uu hadalka u dhigay, isaga oo sheegay in khasaaraha intaasi ka badan karo. Sidoo kale wuxuu sheegay in xarumaha qaar ee duqeymaha lala eegtay inay ahaayeen kuwo ay ku diyaarinayeen dhagarta Shacabka gobolka Shabeelaha Hoose. “Waxaa ka dhacay gobolka Howgalo xoog leh oo nimanka nabad diidka lagu bartilmameydsaday, waxay maleegayeen dhibaatooyin ka dhan ah Shacabka, waxaa lagu dilay 100 dagaalyahan, meelo badan ayaa lagu beegsaday Al Shabaab, Awdheegle, Dacaaraha, Janaale iyo Kuunya Barow ayaa la duqeeyay”ayuu yiri Guddoomiye Barre. Janaale, Awdheegle, Dacaare iyo deegaano ku yaala xuduuda Shabeelaha hoose iyo Jubbooyinka ayay xalay ka dhacday duqeyntii ugu badneyn, waxaana Al Shabaab ay sheegeen in diyaaradaha Mareykanka ay ka dambeeyeen duqeymaha. Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-24022019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii shalay kooxo hubeysnaa bastoolado ay degmada Kaaraan ku dileen Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka, ayaa waxaa dilkiisa ka hadlay Sanotar ka tirsan Aqalka sare ee dalka. Sanotar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore, waxaana uu sheegay in dhawaan ay kulmeen, isagoona xusay in xiligaas marxuumka uu ka walaacsanaa Amnigiisa. Sidoo kale, Sanotar Xuseen Kheekh ayaa tilmaamay in Xildhibaanka Boqore uu u sheegay in Taliska Ciidanka Booliska ay ka kaxaysteen Ciidamadii ilaalada u ahaa, isla markaana uu walaaac ka qabo amnigiisa. War qoraal ah oo Bogiisa Facebook uu soo dhigay Sanotar Xuseen Kheekh oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka ayaa u qornaa sidan . “Aad iyo aad ayaan uga naxay geerida Xildhibaanka oo aan iska tirsaneyn Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka. Xildhibaanka oo aan kulanay dhowr asbuuc ka hor ayaa wuxuu ka walaacsanaa Amnigiisa gaar ka ah maadaama Taliska Ciidanka Booliska ay ka kaxaysteen ciidamadii ilaalada u ahayd sida uu ii sheegey” Allaha u naxariistee Dilka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ahaana Ninkii ugu da’da weynaa Xildhibaanada ayaa waxaa Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-Shabaab . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxtooyada Sudan ayaa sheegtay in wasiirka gaashaan dhigga, Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf, loo magacaabay madaxweyne xigeenka koobaad, xilka gaashaan dhiggana uu haynayo. Madaxweyne Cumar Al-Bashiir ka Sudan ayaa Jimcihii dalka ku soo rogay xaalad degdeg ah oo muddo sannada ah, waxaanu dhisay dawlad ku meel gaadh ah oo ay ku jiraan saddex wasiir oo uu ka soo reebay xukuumaddii hore oo kala ah wasiirrada gaashaan dhigga, arimaha dibadda iyo caddaaladda. Waxa sidoo kale uu Al-Bashiir badhasaabaddii gobollada ku bedelay saraakiil milatari ah. Hadaba waa kuma wasiirka gaashaan dhigga ee madaxweyne xigeenka koobaad noqonayaa: Bin Cawf wuxu bilowgii kontonaadkii ku dhashay tuulada Qura oo ka tirsan degmada Wad Maalik. Wuxu galay kulliyada ciidanka waxaanu tababar milatari markii dambe u tagay Masar oo uu ku takhasusay madaafiicda. Markii dambena waxa uu macallin ka noqday kulliyadda layliga saraakiisha. Intii uu ku jiray shaqada ciidannimada wuxu noqday taliyaha sirdoonka milatariga iyo ku xigeenka taliyaha ciidamada qalabka sida. Wuxuu door weyn ka qaatay isku soo dhawayntii Sudan iyo Eritrea markii uu madaxa ka ahaa gudidii nabadgelyada ee ka qayb qaadanaysay wadaxaajoodkii Sudan iyo Eritrea dhex maray. Markii uu shaqada a fadhiistay sannadkii 2010-kii ayaa loo magacaabay safiir ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda, waxaanu noqday agaasimaha waaxda xallinta khilaafaadka. Ka dib waxa loo bedelay inuu noqdo qusulka guud ee safaaradda Sudan ee Qaahira, markii dambana waxa uu noqday danjiraha Sudan u fadhiya dalka Cumaan. Bishii Agost sanadkii 2015-kii ayaa madaxweynaha Sudan digreeto madaxweyne oo uu soo saaray ugu magacaabay Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf wasiirka gaashaan dhigga. Waxa la sheegaa in intii uu xilkaa hayey ciidanka Sudan ku tallaabsaday horumar dhinaca saanadda ah gaar ahaan sawaariikhda iyo madaafiicda. In kasta oo dadka reer Sudan dalbanayeen in ciidamada dalkooda ee Yemen jooga, ayaa mar uu ka hadlay ciidamada Sudan ee jooga Yemen waxa Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf uu ku nuuxnuuxsaday in xukuumaddiisa ay ka go’antahay in ciidamadeedu sii joogaan Yemen oo ay qayb ka ahaadaan isbahaysiga sucuudigu hogaaminayo ee ilaalinta xukuumadda sharciga ah ee Yemen. Waxaanu shir jaraa’id oo uu ka hadlayey ka sheegay in joogitaanka ciidamada qalabka sida ee Sudan ee dalka Yemen yahay waajib akhlaaqi ah oo saaran. Dhanka kale guddi ka socotay Qaramada Midoobay oo baadhaysay dhibaatada gobolka Darfur sanadkii 2005 tii ayaa magaciisa ku dartay liiska masuuliyiin lagu eedeeyey in ay sababeen dhibaatooyinka halkaa ka taagnaa. Sida oo kale Maraykanka ayaa ku daray liiska madow ee dadka uu eedeeyo oo uu ku sababeeyey doorkii uu ku lahaa dagaalka Darfur markii uu ahaa taliyaha sirdoonka milatariga. Bin Cawf waxa uu bedelayaa Jeneraal Bakri Xasan Saalix oo ahaa madaxweyne xigeenka koobaad ee Al-Bashiir. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Abwaanada Somaliland ugu culus oo maanta warbaahinta kula hadley magaalada Hargeysa waxaa ay direen fariin hanjabaad u muuqata waxaana ay shacabka ugu baaqeen inay u diyaar garoobaan maansooyin iyo gabayo ay kaga hadlayaan arrimaha ay bulshadu baahida u qabto, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubaysan ayaa xalay Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin Nabadoon ahaa oo ka mid ahaa dadka ku nool Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir. Dilka Nabadoonkaan, oo lagu magacaabay Muxiyaddiin Kilkilow ayaa waxaa gaystay dabley hubaysan oo watay Bistoolado, kuwaasi oo ka baxsaday goobtii ay ku dileen Nabadoonka, iyadoo saaka la soo aasay Nabadoonkaasi. Ciidamada Booliska Dharkiinley ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan dilka Nabadoonkaasi loo gaystay. Dhinaca kale Kooxo hubaysan ayaa goor dhaw tabeelaha Sheekh Ibraahin ee duleedka Muqdisho waxa ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda. Askariga oo la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ayaa watay sida ay Goobjoogayaal sheegeen Mootada nooca fekonta, waxaana la sheegay in sidoo kale ay toogteen rag hubeysan oo iyana Mooto watay,halkaasna ay isaga baxsadeen. Ciidamo Boolis ah ayaa saacado kadib gaaray goobta uu dilka ka dhacay,iyaga oo halkaasi kasoo qaaday Medyka askari balse aaney u suurtagelin inay gacanta ku dhigaan kooxii ka dambeeyay dilkaas. Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in raggii ka dambeeyay dilka askariga ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida ay horay u sii qaateen Qori nooca AK47 ah oo uu watay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno miisaan leh oo ka mid ah golihiisa wasiirrada ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la qaatay ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed iyo xubno sare oo golihiisa wasiirrada ah. Sida ay dhinacyadu saxaafadda u sheegeen waxa laga wada hadlay arrimo la xidhiidha iskaashiga labada dal oo soo jireen ah laakiin, waxa jira su’aalo badan oo aanay xukuumadda Somaliland bulshada u sharrixin kuwaas oo daaran waxa uu noqonayo mustaqbalka xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, wada shaqaynta dhaw ee dhexmaraysa xukuumadda madaxweyne Biixi iyo xukuumadda madaxweyne Farmaajo, heshiiska ah in dalalka gobolku dhawran wada jirka dhuleed ee dalalka ee madaxtooyada Somaliland sheegtay in ay kula heshiisay Itoobiya iyo arrimo kale. Xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga WADDANI Marwo Faadumo Siciid Ibraahim ayaa soo bandhigtay su’aalo door ah oo xukuumadda madaxweyne Biixi looga baahan yahay in ay bulshada u sharraxdo kuwaas oo ay ka mid yihiin erayada uu isticmaalay xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya oo Somaliland ku sheegay maamul iyo arrinta ah in madaxweyne Biixi ka aqbalay Dr Abiy Axmed in uu wada shaqayn dhaw la yeesho federaalka Soomaaliya. Xoghaye Faadumo Siciid oo arrimahan ka hadlaysa ayaa tidhi“ Waxa xusid mudan erayada la isticmaalay ee ay leeyihiin Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu aqbalay inuu si wanaagsan ula shaqeeyo Dowladda(Federaalka Somalia), markaa labada wax ee la isticmaalay waa maxay ,maamulka Somaliland oo aqbalay inay Dowladda Fadaraalka ee Soomaaliya la shaqeeyaan,haddaba Ina Kaahin(Wasiirka arrimaha gudaha) wuxuu inagu yidhi ‘Macno ma laha in la isticmaalo maamul’, taasi maxaa ka sii xun? qoraalka ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ee ay leeyihiin “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan” waa tii uu Raysal-wasaaraha Itoobiya uu qoray ayey iyaguna soo saareen waa maamulka Somaliland oo la shaqaynaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.” Waxa kale oo ay intaasi ku dartay “19-kii bisha ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka dhoofay madaarka caalamiga ah ee Cigaal isaga oo huwan sharaftii iyo maamuuskii Qarannimada Somaliland, shalay(dorraad) oo Jimce ah 22-kii bishana waxa uu soo noqday isaga oo magacii maamul ku soo celiyay huwan, oo weliba wasiirkeenii Daakhiligu ku faanayo oo leeyahay maxaa ka macno ah.” Waxa ay Marwo Faadumo madaxweynaha ugu baaqday in uu tafaasiil ka bixiyo su’aalaha safarkiisii hadheeyay “Anagu waxaanu ka doonayna madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi in uu noo caddeeyo miyaynu tuurnay Qarannimadeenii? Miyaynu qaadanay maamul gobolleed? Goormaynu wada shaqayn yeelanay Soomaaliya? Goormaynu xoojinayna wada shaqaynta halkan lagu xusay ee qoran? Waxa weeye mugdiyo fara badan fara badan ayaa meesha ku jira, marka maanta maaha in aynu ku faanno waa nala soo dhaweeyay ee hadh madow ayaa Qarannimadii Somaliland ku habsaday in la iftiimiyo oo la caddeeyana waa loo baahan yahay.” Marka laga yimaaddo doodda xisbiga WADDANI waxa xusid mudan in marka la eego qaabkii loo qaabilay madaxweynaha Somaliland dadka siyaasadda odorosa sheegayaan in aanay waxba iska bedelin xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya oo ay intii Dr Abiy Axmed xilka hayay hadhaysay in uu kaliya la macaamilayo Madaxweyne Farmaajo horena Farmaajo u sheegay in uu soo xidhay gacan Itoobiya kaga furnaa Soomaaliya. Hase ahaatee hadallada ka soo baxay madaxtooyada Itoobiya, Villa Soomaaliya iyo qasriga Somaliland ayaa abuuraya doodo kale. Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata in aanay dhibsan hadalka xafiiska ra’isal wasaare Abiy Axmed ee ah in madaxweyne Biixi aqbalay wada shaqayn dhaw oo uu Federaalka Soomaaliya la yeesho iyo sidii degdegga ahayd ee Villa Soomaaliya arrintan ugu sacabo tuntay oo dareen weyn abuurtay kaas oo ku saabsan in Dr Abiy Axmed ku qanciyay in Madaxweyne Biixi ku daba faylo Farmaajo. Waxa kale oo dood abuuraya warsaxaafadeed madaxtooyada Somaliland soo saartay 21-kii bishan oo qayb ka mid ah u dhignayd “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay soo dhawaynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah. Dalalka Geeska Afrikana iyadoo mid walba la qadarinayo jiritaankooda dhuleed iyo madax-bannaanidooda qarannimo, in ay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mandaqadda.” Ma cadda in madaxweynaha Somaliland aqbalay in Itoobiya qadarinayso jiritaanka dhuleed iyo madax bannaanida Soomaaliya oo Somaliland ku jirto sidaasna uu kula shaqeeyo iyo in ra’isal wasaaraha Itoobiya aqbalay in Somaliland goonideeda loogu tixgeliyo dhul ahaan iyo madax bannaani sidaasna ay dalalka gobolka kaga mid noqoto. Su’aasha taaggan ayaa ah Ma Madaxweyne Biixi Ayaa Qaddiyadda Somaliland Ka Tanaasulay Mise Dr Abiy Axmed Ayaa Aqoonsaday Xuduudaha Somaliland? Ugu dambeyna waxa la dhawraya doorka dawladda Itoobiya ka qaadato dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya oo la rumaysan yahay in kulamada lagu soo qaaday in dib loo bilaabo wada hadalladii labada dhinac. Itoobiya oo isku haysa qoomiyado kala duwan ayaa la sheega in aanay marnaba taageeri Karin kala go’ida Somaliland iyo Somalia. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dr. Michael Rubin, oo ah madaxa machadka American Enterprise Institute, horena uga mid ahaa waaxda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa ka jawaabay dood uu soo bandhigay Cali Xaaji Warsame oo hore uga soo noqday musharrax madaxweyne Puntland ahaana wasiirka waxbarashada Puntland. Dr Rubin todobaadkan labada qormo oo uu qoray mid ku dhalliilay in dawladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay lacago xad dhaaf ah ku shubaan Muqdisho waxaanu ku taliyay in Somaliland goonideeda loo taageero. Qormada kale ayuu ku sheegay in aan lagu sii foognaan fikradda Soomaali weyn oo keeni karta dhul raadin hor leh oo ammaan darro keeni karta. Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo barta Twitter-ka kaga falceliyay qormada Dr Michael Rubin ayaa sheegay in aanu qormadiisa ku sheegin arrimo la xidhiidha kala duwanaanshaha Somaliland oo uu ula jeedo qabaa’ilka oo macnaheedu yahay in aan qaarkood gooni isu taag ogolayn sida uu ku doodayo iyo laba arrimood oo kala ah sharcinimada gooni isu taagga Somaliland iyo caqabada ay kala kulmayso xuduudaha. Dr Rubin ayaa dooddan si kooban ugaga jawaabay qormo kooban inkasta oo uu tilmaamay in arrimaha qaarkood u baahan yihiin dood balaadhan iyo qormooyin gaar ah, Waxaanu sheegay in Cali Xaaji Warsame ku saxsan yahay in aanay Somaliland ka koobnayn beesha Isaaq oo kaliya laakiin, uu arrimaha qaarkood ku khaldan yahay. “Marka la eego (dooddiisa ah) Caqabadaha dhanka xuduudaha ee Geeska Afrika; kiiska Somaliland ma waxa wiiqaya? Ugu horayn kiiska muranka xuduudda ee maamulka Puntland kula jiro Somaliland waa mid diciif ah. Xuduudka Somaliland wuxuu ku aasaasan yahay heshiisyo kala dambeeyay laga soo bilaabo qarnigii 19-aad,” Sidaas ayuu yidhi Dr Rubin oo intaas ku daray in xuduudaha Somaliland ay aqoonsadeen 1960 dalal ka mid ah golaha Ammaanka Qaramada Midoobay iyo kuwa Afrikaan ah laakiin, Puntland la aasaasay 1998. Waxa sheegay in aanay doodad Puntland ee ku salaysan xuduud qabiilku waxba ka bedelayn xuduudihii gumaysiga. “Maaddaama Midawga Afrika ka soo horjeedo in wax laga bedelo xuduudihii isticmaarka kiiska Somaliland waa mid xiiso leh maxaa yeelay xuduudihii Isticmaarku hore u aqoonsana weeye,” Sidaas ayuu yidhi Dr Rubin. Ugu dambeyna waxa uu sheegay haddii Cali X. Warsame doonayo in uu soo dhigo dood sharci oo ka dhan ah gooni isu taagga Somaliland loo baahan doono dood intan ka balaadhan oo qormooyin gaar ah lagu eego laakiin, dooddiisa xilligan ku jihaysan tahay sidii dawladda Maraykanka, dalalka kale ee Reer Galbeedka iyo Qaramada Midoobay u joojin lahaayeen caawimada ay kaliya siiyaan Muqdisho, islamarkaana Somaliland u soo jeestaan maaddaama ay dadaal badan ka muujisay ammaanka iyo doorashooyinka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa lagu dhex dilay guri uu ka dhisanayay xaafad isku raran ah oo ku taala degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana xiliga la dilayay la sheegay inuu lacago u qeybinayay shaqaalaha dhismaha. Qaar kamid ah dadka degen xaafadda uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in Xildhibaan Boqore uu kamid ahaa saaxiibadooda gaarka ah, islamarkaana uu wax badan u qabtay qaar kamid ah shacabka uu la noolaa. Waxay sheegeen in xildhibaanka uu shalay yimid inuu kormeer ku sameeyo dhismaha guri uu isaga lahaa oo looga dhisayay isla xaafadda dhexdeeda, waxaana la sheegay inuu xiligaasi lacag u qeybinayay shaqaalaha dhismaha. Waxaa soo baxaya xogo kale oo sheegaya in dadka dilka xildhibaanka ka dambeeyay muddo inay ku sugnaayeen Guriga islamarkaana xildhibaanka uu u heystay inay shaqaalaha la socdaan. Kooxaha Hubeysan ayaa rasaas xoogan la dhacay Xildhibaan Boqore, markii uu dhameyn rabay bixinta lacagaha shaqaalaha dhismaha waday. Hoos ka daawo Muuqaalka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Unspecified warplanes have launched an overnight airstrike targeting Al-Shabaab militants in southern Somalia, the latest in a series of aerial bombings in the country, some claimed by the US military. Sources said the fighter jets bombed Awdheegle and Janaale towns in Lower Shabelle region, close to the Somali capital, Mogadishu. There was no immediate confirming of the casualties of the attack. At least seven missiles fired by the warplanes were reported to have stricken residential areas in Awdheegle, but, details of the losses remained sketchy. Heavy gunfight erupted between militants and foreign forces in the town of Janaale following the undercover raid which comes amid joint military operation by Somali and AU troops in the region. Al-Shabaab and Somali government both did not speak about the airstrike U.S. military ramped out airstrikes in Somalia, targeting Al-Shabaab and Islamic State militants since Trump came into office in early 2017. View the full article
-
Somali police have said the law enforcement agencies successfully detained two men in connection with the killing of a federal lawmaker in Mogadishu on Saturday evening. Gen. Abdullahi Hassan Barisse, a police commissioner said the police captured the car suspected to have been used for the attack. Gen. Barisse noted that the forces conducted thorough operations to hunt down the perpetrators of the attack. “The police arrested two suspects and a car which is thought to have been used to carry out the attack,” he said. The commissioner called on the public to work with the security forces to enhance the security of the city. Two young men armed with pistols have assassinated a veteran MP, Osman Elmi Boqorre. The killing of MP Boqorre was claimed by al-Shabaab saying their fighters had executed the assassination of the veteran lawmaker. “Members of our Mujahidiin shot and killed the longest-serving member of the parliament of the apostate government,” the statement reads in part. Late Boqorre was a former deputy speaker of parliament and oldest member of the current house of the people. He was a major in the Somali army who fought in Somalia-Ethiopia war of the 1970s. View the full article
-
Rag hubeysan ayaa goor dhow waxa ay deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho ku dileen askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya. Askariga la dilay ayaa watay Mooto nooca Fekon loo yaqaan, waxaana la sheegay in ragga dilka geystay ay iyaguna sidoo kale wateen Mooto kale. Dilka kadib ayaa raggii hubeysnaa waxa ay qaateen qori AK-47 ah oo askariga uu watey, iyaga oo halkaasna isaga baxsaday. Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliiska oo goobta gaaray ayaa sameeyey baaritaanno, waxaana halkaasi ay kasoo qaadeen meydka askariga la dilay. Dilalka sidan oo kale ah ayaa noqday kuwo kusoo noq-noqday magaalada Muqdisho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com