Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The United States is proud to support the people and government of Somalia as they seek to create a better tomorrow, including through economic development and job creation. The United States is committed to providing up to $74 million in investment for these programs. This week, U.S. Ambassador to Somalia Donald Y. Yamamoto visited with the Somali companies and owners that are beneficiaries of U.S. support through the USAID GEEL program. (GEEL stands for Growth, Enterprise, Employment and Livelihoods.) During his visit, the Ambassador stated: “The United States is back and is pleased to support Somali job creation activities. And we are pleased to hear that Somalia is ‘Open for Business’ through GEEL support.” Success stories of U.S. economic development assistance are described below.Summary: Habo Tuna Canning Factory, presently directly employs 160 people and buys seafood from over 2,000 fishermen. With USAID support, the company was able to revive and expand its operations. Starting in late 2017, Habo purchased over $500,000 worth of tuna from local fishermen. This has had a huge impact on the local economy, and local fishers are returning to fishing. This season, the additional USAID co-funded blast freezers will allow Habo to produce more than 40,000 cans of tuna, an estimated $2 million value, and plan on hiring 40% more people to work in their factory. Horn Gardens is one example of how USAID is partnering with a Somali business leader with a vision to help that vision become a reality. Horn Gardens has gone from a single greenhouse to become the first local agro-dealer providing high quality agricultural inputs combined with extension services to local farmers. They are now working with 31 farms and have introduced climate-smart greenhouses and drip irrigation systems that reduce water waste by 80% and are providing farm management support to another 400 farmers. We’re creating opportunities for women farmers and entrepreneurs. In partnership with MicroDahab, USAID is helping women business owners to take out loans they need to build their businesses and farms. With USAID’s support, MicroDahab is supporting many women entrepreneurs take out loans to start and expand their businesses. Somali women face serious barriers in accessing finance. To break down such barriers, GEEL is partnering with banks and Somali women-owned businesses to find solutions to such challenges. GEEL has supported one of the leading female agribusiness companies in Somalia, (Somfresh), to access finance and technology for wholesale and retail sales of fruits and vegetables. GEEL provided technical and investment support for her to take out a loan from Dahabshiil Bank to purchase a new farm which will improve her supply chain. GEEL also providing in-kind grant in the form of cold storage to improve her fresh fruits business. USAID is partnering with a number of livestock companies, including Irmaan Dairy, Beder, and Sommilk, to improve milk processing and nutritional value of local milk. The post Press Statement: Overview of U.S. Support to Somalia Economic Development appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (PP) ─ Golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen ku meel-mariyay heshiiska tababbarrada ciidamada ee ay horay u kala saxiixdeen dawladaha Soomaaliya Iyo Turkiga Wasiirrada xukuumadda ee kulanka goob joogga ahaa ayaa dood kadib waxa ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen heshiiska oo horay wasaaradda difaaca dalku ay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada si loo dardar-geliyo qorshaha dawladda Turkigu ay ku tababarayso ciidanka xoogga dalka, arrintaas oo qayb ka qaadanaysa in Soomaaliya ay hesho ciidamo tababaran, tayaysan oo tirsan, lana wareegi kara mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta amniga guud ee dalka. Hal-beegyada wasaaradda difaacu ay ku leedahay tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah in laga shaqaysiiyo qaybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka looguna helo tababarrada iyo agabka ay u baahnayihiin si ay awood buuxda ugu yeeshaan in ciidanka nabad ilaalinta midawga Afrika ay ugala wareegaan mas’uuliyadda amniga. Ugu dambeyn, Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay qorshaha dayn cafinta, dar-dar gelinta qorshaha dib-u-eegisa dastuurka iyo tayaynta shaqaalaha dawladda iyada oo sidoo kale lagu soo bandhigay Xeer Ra’iisul Wasaare, Number 47 oo qeexaya habraaca heshiisyada dawladda federaalka kaas oo faraya hay’ad iyo wasaarad waliba ee dawladeed in ay ku salayso heshiisyada iyo is-afgaradyada ay gelayso si loo haleeshiiyo hannaanka dawlad wanaagga dalka. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirrada DF oo Ansixiyay Heshiis ay horay u kala saxiixdeen Somalia iyo Turkiga appeared first on Puntland Post.
  3. Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo has received the diplomatic credentials from two new ambassadors into the country. The ambassadors are Rahul Chabbra of India and Nigeria’s Vincent Omeokachie. The diplomats delivered a letter from the leaders of their respective states to Somali president. In his letter via Indian ambassador, Prime Minister Narendra Modi has thanked Somali government and its people for the warm welcome and growing bilateral ties between the two countries. On his part, Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo who received greetings letter from his Nigerian counterpart, Mohammadu Buhari has thanked the west African state for its peacekeeping mission in Somalia particularly in the AMISOM police sector that trains the Somali police force. Somali leader pledged to strengthen the diplomatic ties between India and Nigeria. Two diplomats are part of the growing diplomatic interest in Somalia as the country experience relative peace. The post Somali president receives credentials of new ambassadors appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Mudisho (Caasimadda Online) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku meel mariyeen Heshiiska Tababarrada Ciidamada ee ay horay u kala saxiixdeen dawladaha Soomaaliya Iyo Turkiga. Wasiirrada xukuumadda ee kulanka goob joogga ahaa ayaa dood kadib waxa ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen heshiiska oo horay wasaaradda difaaca dalku ay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada si loo dardar-geliyo qorshaha dawladda Turkigu ay ku tababarayso ciidanka xoogga dalka, arrintaas oo qayb ka qaadanaysa in Soomaaliya ay hesho ciidamo tababaran, tayaysan oo tirsan, lana wareegi kara mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta amniga guud ee dalka. Halbeegyada wasaaradda difaacu ay ku leedahay tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah in laga shaqaysiiyo qaybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka looguna helo tababarrada iyo agabka ay u baahnayihiin si ay awood buuxda ugu yeeshaan in ciidanka nabad ilaalinta midawga Afrika ay ugala wareegaan mas’uuliyadda amniga. Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay qorshaha dayn cafinta, dar-dar gelinta qorshaha dib-u-eegisa dastuurka iyo tayaynta shaqaalaha dawladda iyada oo sidoo kale lagu soo bandhigay Xeer Ra’iisul Wasaare, Number 47 oo qeexaya habraaca heshiisyada dawladda federaalka kaas oo faraya hay’ad iyo wasaarad waliba ee dawladeed in ay ku salayso heshiisyada iyo is-afgaradyada ay gelayso si loo haleeshiiyo hannaanka dawlad wanaagga dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Garabkii Jamaal Cali Xuseen Oo Gacmo Madhan Ka Taaggan Shirka KULMIYE Garabkii new UCID ee uu hoggaamiyaha u ahaa Jamaal Cali Xuseen ee la midoobay Xisbiga KULMIYE Sanadkii 2017kii, ayaa sheegay in aan Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE xataa goob joogeyaal looga ogolaan. Siyaasi Cali Guray oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE isla markaana ka mid ahaa garabkii Xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xuseen kula biiray KULMIYE, ayaa in xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanba ay faro madhan ka joogaan. Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray oo qoraal arrintaasi ku faafiyey Bogga Facbuuga uu ku leeyahay ayaa yidhi “Umaddii dhamayd ee New UCID saw kuwii Kulmiyoobay ee heshiiska la galay KULMIYE aniguna aan taageeraha Kulmiye noqday. Maanta xaalkoodu ma uf baa la idin yidhi baa? waxan maqlayay xataa goobjooge loogama ogolaanin madasha Kulmiye eh qof shaqo ka helay xukuumadda Kulmiye-na waxaan ogahay hal qof oo keliya. Qaar baa aniga ila soo xidhiidha oo marka waxaan ugu jawaabo garan waayo ku idhaa INSHA ALLAH KHAYR.” Dhanka kale Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay inay saddex-da Xisbi Qaran ay yihiin qaar isku mid ah oo aan wax-ba Is dhaamin “Dad baa u haysta xisbiyadu inay yihiin sadex laakiin maaha waa guri keliya oo sadex qol ah. Qolkii aad ka joogtaba saw gurigii uun maaha’?. Jamaal Cali Xuseen ayaa bilawgiiba ka maqnaa caleemo saarkii madaxweyne Biixi oo uu sheegay in aan garabkiisii la maamuusin lana siin kaadhadhka xafladda sidaasna hal kaadh oo la siiyay uu ku diiday waxaanu hadda u muuqda mid aan la dhacsanayn sida wax u socdaan. Qaran News
  6. (SLT-Hargeysa)-Qaar ka mid ah haweenka degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay maanta cabasho la hor tageen madaxtooyadda Somaliland iyaga oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi-na ka dalbadey inuu soo daayo isla markaana uu cafis u fidiyo dhalinyaro Culimo ah oo xidhan isla markaana Sheekha Aadan Sune ku jiro, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Riix Sawirkan hoose Ilhan hadii aad rabto Qoraalka Rasmiga Ilhan Omar @IlhanMN Hi @realDonaldTrump– You have trafficked in hate your whole life—against Jews, Muslims, Indigenous, immigrants, black people and more. I learned from people impacted by my words. When will you? https://twitter.com/time/status/1095442482727399430?s=21 … TIME @TIME President Trump says Rep. Omar’s apology for Israel tweets was ‘lame’ http://mag.time.com/4FnfEgv Qaran News
  8. Shirkadda Dp World ee Imaaraadka ayaa maxkamadda sare ee Hong Kong dacwad kaga furtay shirkadda dawladda Shiinuhu kaabto ee China Merchants Port Holdings Company Ltd. Wakaaladda Factwire ayaa heshay warqadaha dacwadda ee Dp World oo ubucdoodu tahay in shirkadda Shiinuhu leeyahay dawladda Jabuuti culays ku saartay in ay dekedda Doorale ka erido Dp World. Shirkadda Shiinaha ee la dacweeyay waa shirkad weyn oo ka shaqaysa dhisidda dekedaha, hirgelinta agabka badaha iyo Koontiidharada iyo maamulidda dekeddaha waxaana lagu tilmaamay mid qayb ka ah fulinta siyaasadda arrimaha dibadda ee Shiinuhu ku hananayo goobaha muhiimka ah ee Afrika. Shirkadda DP World oo ah shirkad weyn oo maamusha 78 dekedood oo ku kala yaalla 42 dal oo caalamka ah ayaa shirkadda Shiinaha ah ku eedaysay in ay dawladda Jabuuti kala shaqaynayso sidii maamulka dekedda Doorale looga dhigi lahaa mid dawli ah si looga eryo Dp World, islamarkaana ay booskeeda u gasho shirkadda Shiinaha ah. Shirkadda Dp World waxa ay ku doodaysa in ay shirkaddu si qarsoodi ah qayb ahaan u iibsatay saamigii dawladda Jabuuti oo ahaa 33% halka Dp World lahayd 66%, islamarkaana ay muddo dheer dadaal ugu jirtay sidii ay boos uga heli lahayd dekedaha Berbera. Shirkadaha DP World, China Merchants Port Holdings iyo dawladda Jabuuti ayaan wax jawaab ah oo arrintan ku saabsan siin wakaaladda Factwire laakiin, warbaahinta Shiinaha ayaa si weyn u qaada dhigtay kiiskan u dhexeeya labada shirkadood. Wakaaladda ayaa sheegtay in ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen in shirkadda Shiinaha ee Merchants Port Holdings doonayso in kiiska loo wareejiyo Jabuuti, islamarkaana DP World oo cadaymaheeda laga sugayo 15-ka bishan, halka dhegaysiga shirkadda Shiinaha la qaban doono October 15, 2019. Dp World ayaa dacwadda gudbisay bishii August ee sanadkii 2018. Shirkadda DP World oo ku doodaysa in heshiiska ay la gashay Jabuuti oo 30 sannadood ahaa uu dhigayay in aanay cid kale arrimaha badda iyo dekedaha ee Jabuuti ka shaqayn Karin muddada heshiiskan ayaa dagaal culus oo siyaasad ahaan iyo sharci ahaanba ah kula jirta dawladda Jabuuti. Shirkadda DP World ayaa dhawr jeer Jabuuti kaga guulaysatay dacwado lagu qabtay Ingiriiska waxaana la eegaya in ay ku guulaysato kiiskan oo saamayn ku yeelan kara Jabuuti. Shirkadda Dp World ayaa u muuqata mid aan rajo ka qabin in ay dib u maamusho dekedda laakiin, ay doonayso in ay carqaladayso horusocodka dekedda Jabuuti. Qaran News
  9. Dib U Milicso Fursadihii Iyo Caqabadii Madaxweyne Biixi Xilka Kula Wareegay Iyo Duruufihii Madaxdii Ka Horaysay Kala Soo Dabaalatay Somaliland Jamhuuriyada Somaliland oo xorriyadeeda dib ula soo noqotay sanadkii 1991-kii midowgii Soomaaliyeed ee lagu lugo’ay, taasi oo hadda jirtay muddo 28 sano ah, ayaa waxa hadda xilka haya Madaxweyinihii shanaad ee Somaliland soo mara , iyadoo ay ugu horeeyeen xilka Madaxweynenimo afar Madaxweyne oo kale , kuwaas oo alle-ha u naxariistee ay laba kamid ahi geeriyoodaan, waxaana ay shantaa Madaxweyne ee talada dalka uu kala dambeeyey ay kusoo beegmee duruufo kala gedisan oo uu mid-ba midkii uu kursiga kala wareegay uu ka dhax-lay. Haddaba Waxaynu is dul taagi doonaa Madaxweyne kastaa intii uu xilka hayey wax-yaabihii uu qabtay iyo wixii uu ku guul darastay ee uu ku wareejiyey Madaxweynihii ku xigay ee xilka kala wareegay, iyadoo aynu kala horaysiinayno sidii ay u kala horeeyeen . 1)-Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” Madaxweyne Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa Madaxweynihii 1-aad ee Somaliland, oo May 1991-kii lagu doortay shirweynihii beelaha Somaliland ee Burco ee lagaga dhawaaqay goonni isu taagga Somaliland waxa uu ku soo beegmay xilli laga faraxashay dagaalkii dib u xorraynta dalka. waxaa xusid mudan in xukuumaddiisii bulshadu si kal iyo laab ah u soo dhawaysay laakiin, ay ku beegantay duruufo kaabeyaashii kala duwana ee dalku ku burbureen dagaalladii, islamarkaana ay ka dhaqaaqi kari weyday mucaaradad adag oo ay kooxo SNM ahaa kala hor tageen. Taasi waxay dhalisay is maandhaaf iyo kala qaybsanaan weyn oo bulshada Somaliland dhexdeeda ah. 2) -Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Cigaal 1993 ilaa 2002kii Madaxweyne Cigaal alle ha-nuaxariistee waxa uu ahaa Madaxweynihi labaad ee Somaliland, kaasi oo sanadkii 1993 ay beelaha Somaliland ku doorteen shirkii ka dhacay Boorama, iyada oo uu dalka ka istaadhmeen muddo yar ka dib Dagaalo Sokeeye oo uga sii daray xaaladda dadkii halganka ka soo doogay, balse markii lagu guulaystay soo afjaridda colaadda sokeeye madaxweyne Cigaal waxa u suuro gashay isu soo dhawaynta bulshada iyo dhisidda dhammaan haykalkii dawladnimo iyada oo hubka laga dhigay jabhadihii beelaysna. Geesta kalene Marxuum Madaxweyne Cigaal ayaa ahaa shaqsigii hirgeliyey axsaabta Qaranka inay ku loolamaan saaxada siyaasadda Somaliland. Waxa uu ka tagay bulsho hadaf guud wada leh oo ay rajo gelisay dawladnimada uu dhidibbada u taagay. 3)-Madaxweynihii Saddexaad ee Somaliland Daahir Rayaale . Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo xilka uga dambeeyay Marxuum Cigaal waxa uu halkii ka sii waday geedi socodka dimuqraaddiyadda Somaliland iyo jidkii uu jeexay Marxuum Cigaal, waxaana uu dalka ka hirgeliyey Doorashooyin dhawr ah, kuwaas oo kor u qaaday sumcadda Somaliland ee caalamka iyo rajada bulshada Somaliland ee dhanka horumarka iyo dawladnimada. 4)- Madaxweynihii 4-aad ee Somaliland Axmed Siilaanyo. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa Madaxweynihii afraad ee Somaliland, kaasi oo talada dalka qabtay bishii Julay sanadkii 2010-kii, waxa uu la wareegay bulsho isbedelka hoggaanka dalka la dhacsan, waxaanu muddo xileedkiisa ku bilaabay dardar hor leh oo wax qabad. Waxa bilawgiiba furfurmay dhaqaalaha dalka iyada oo ay muuqatay in dadku dhaqaalahooda dalka ku aaminayaan, islamarkaana maalgashiga ganacsigu xawli ku dhaqaaqay. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu qabtay muddo xileedkiisii laba doorasho oo muran abuuray waxaana loo arkayay in aanu waxba ku kordhin dawladnimada hase ahaatee muddo xileedkiisii waa mid lagu xasuusto in dhaqaalaha bulshadu kor u soo kacay, islamarkaana bulshadu salka dhigtay oo ganacsi badan abuurmay. 5) -Madaxweynihii Shanaad ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa 2017kii talada dalka kala wareegay macallinkiisii Md Axmed Siilaanyo. Madaxweyne Biixi waxa uu talada kala wareegay isla xisbigiisa mana jirin caqabado waaweyn oo horyaallay xilligaasi. Caqabadaha: Doorashadii madaxweyne Biixi ku soo baxay waxay ku soo beegantay xilli saxaafadda iyo baraha bulshada ee Internet-ka ay bulshada badankeedu fursad u heshay, islamarkaana ay bulshadii doorashada ku loolantay kala qaybsan tahay hase ahaatee marnaba ma aha caqabad u dhaw tii dadku dagaallada ka soo doogeen ee madaxweyne Cigaal kala soo dabaashay. Wixii laga filayay: Madaxweyne Biixi waxa laga filayay in uu isu soo dhaweeyo dadkii siyaasaddu kala qaybisay, islamarkaana dhismaha u horeeya ee xukuumaddiisa laga arko in uu madaxweyne u yahay qofkii u codeeyay iyo kan ka codeeyay labadaba. Waxa indhaha lagu hayay in sharcigu sarraynayo oo uu madaxweyne go’aan leh noqonayo sidii uu ku ololeeyay islamarkaana uu boodhka ka jafayo dawladnimada oo xilligii Siilaanyo dabacday iyo in uu musuqmaasuqa wax ka qabto. Hase ahaatee madaxweyne Biixi saamiga dhismaha dawladdiisa waa la saluugay, taasina waxay noqotay mid halkii ku haysa kala qaybsanaanta bulshada Somaliland. Waa caqabada kaliya ee hortaallay isu soo dhawaynta bulshada taas oo wali bulshada Somaliland laga dareemayo in ay kala taaggan yihiin halkii xilligii ololaha ay kala istaageen. Tusaale ahaan warqad dhawaan la faafiyay oo sheegaysa in ra’isal wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed hawlo sirdoon ka wado Somaliland ayaa bulshada Somaliland dhexdeeda kala qaybisay iyada oo badh difaaceen badhna dhalliil ka dhigayeen. Telefishanka Horn Cable waxa uu dhawaan baahiyay heshiis aan lagu tartamin oo la siiyay ganacsade gaar ah taas oo marag ka ah in aan saraynta sharciga iyo hannaanka dawladnimo waxba iska bedelin. Waxa madaxweynaha muddo xileedkiisa si weyn loo dareemay dhaqaale xumo weyn; tusaale ahaan qaybo ka mid ah shaqaalaha dawladda ayaan wali qaadan mushaharkii bishii January, waxaana jira dhaqdhaqaaqa ganacsiga gaarka ah oo hooseeya. Waxa muddadaas la xidhay suxufiyiin, hay’ado warbaahineed, shakhsiyaad bulshada ka dhexmuuqda iyo muwaadiniin kale taas oo faallo BBCSomali qortay lagu sheegay in ay u muuqato in tiirkii Dimuqraadiyadda Somaliland udub dhexaadka u ahaa oo dimuqraadiyadda ahi halis ku jiro. Madaxweyne Biixi oo aan sanadkiisii koobaad dardar ku bilaabin, islamarkaana aan waxba ka qaban midaynta bulshada u abuuridda rajo iyo hiigsi waxa uu wajahaya caqabad kale oo ah in bulshada labeenta ah ee Somaliland iyo siyaasiyiintu fursado ka raadsadaan Xamar, halka jabhado saldhig uga dhigteen Soomaaliya. Qaran News
  10. Ceelcadde (Caasimadda Online) – Duqaymaha ay fuliyeen diyaarahan ayaa waxa la sheegay inay la beegsadeen gaadiid gaaraya ilaa 3 kuwaas oo ay saarnaayeen xubno ka tirsan Alshabaab sida xaqiijyeen saraakiisha amniga Waxa ay saraakiishu noo sheegeen in ay ku dhinteen 13 katirsan Alshabaab kuwaas oo ku wajahnaa degaanka Buusaar oo katirsan gobolka gedo iyagoo ka soo baqoolay degaanka ceelcadde Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in sarkaal katirsan Alshabaab oo una qaabilsanaa gobolka gedo uu dhaawac kasoo gaaray . Sidoo kale waxaa jirta in Alshabaab aysan wali wax war ah kasoo saarin ee la xiriira duqaymaha ay fuliyeen diyaaradahan dagaal. Inta badan diyaaraha dagaal oo inta badan laga leeyahay dalka maraykanka ayaa waxa ay duqaymo ka gaystaan qaybo kamid ah gobolada dalka ee ay ku sugan yihiin Alshabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay daha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaasha cusub ee dalalka India iyo Nigeria ee Soomaaliya. Danjiraha dalka India Mudane Rahul Chabbra oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha India Mudane Narendra Modi ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo ilaalinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa danjiraha cusub ee dalka India u rajeeyay inuu ku guulaysto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed iyo inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal. Danjire Chabbra iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka wada hadlay sidii labada dal u adkeyn lahaayeen xiriirka dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga iyo sidii shacabka Soomaaliyeed loogu fududayn lahaa dal-ku-galka India. Dhanka kale, danjiraha cusub ee dowladda Nigeria u soo magcawday Soomaaliya Mudane Vincent Omeokachie ayaa Madaxaweynaha la wadaagay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalka Nigeria Mudane Muxamed Bukhaari. Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda Nigeria uga mahadceliyay kaalinta Ciidanka dalkaas ee qaybta ka ah Booliiska AMISOM ay ka qaataan nabadgelyada dalka isaga oo doorasho nadboon oo xor iyo xalaal ah u rajeeyay dalka iyo shacabka Nigeria. Madaxweynaha ayaa danjirayaasha cusub u ballan qaaday inay wadashaqayn fiican iyo soo dhaweyn diirran kala kulmi doonaan Dowladda Federaalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. DHAMMAAD Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo warqada aaqoonsiga ka gudoomay danjirayaasha India&Nigeria appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho(SMN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaasha cusub ee dalalka Hindiya iyo Nigeria ee Soomaaliya. Danjiraha dalka India mudane Rahul Chabbra oo madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha India mudane Narendra Modi ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo ilaalinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa danjiraha cusub ee dalka India u rajeeyay inuu ku guulaysto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed iyo inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal. Danjire Chabbra iyo madaxweyne Farmaajo ayaa ka wada hadlay sidii labada dal u adkeyn lahaayeen xiriirka dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga iyo sidii shacabka Soomaaliyeed loogu fududayn lahaa dal-ku-galka India. Dhanka kale, danjiraha cusub ee dowladda Nigeria u soo magcawday Soomaaliya mudane Vincent Omeokachie ayaa Madaxaweynaha la wadaagay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalka Nigeria Mudane Muxamed Bukhaari. Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda Nigeria uga mahadceliyay kaalinta Ciidanka dalkaas ee qaybta ka ah booliiska AMISOM ay ka qaataan nabadgelyada dalka isaga oo doorasho nadboon oo xor iyo xalaal ah u rajeeyay dalka iyo shacabka Nigeria. Madaxweynaha ayaa danjirayaasha cusub u ballan qaaday inay wadashaqayn fiican iyo soo dhaweyn diirran kala kulmi doonaan Dowladda Federaalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. The post Madaxwayne Farmaajo oo qaabilay Safiirada cusub ee India Iyo Nigeria appeared first on Shabelle. View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Boqorka Beelaha Gabooye Boqor Axmed Iiman Warsame oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyey Kaalintii uu ka qaatey sidii dhakhar loogu diri lahaa Abwaan Baarleex oo dhawaan geeriyoodey, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inay jiraan Shirkado waa weyn oo aan canshuurta dowladda bixin. Mr Beyle ayaa sheegay inay jiraan illaa 20 shirkado oo aan canshuur bixin, isagoo u digay shirkadahaa, kuna wargeliyay in haddii ay bixin waayaan ay sharciga ku kala baxayaan. Waxaa uu sheegay in aanay haatan sheegi doonin ganacsatada iyo shirkadaha aan canshuurta bixin, balse marka xiga ay soo bandhigi doonaan. Sidoo kale waxaa uu uu sheegay in wada hadal u socdo shirkadaha aan canshuurta bixin, waxaana uu ugu baaqay inay iska bixiyaan canshuurta ku waajibtay sida uu yiri. “Waxaa jira shirkado waa weyn oo labaatameeyo aan canshuur bixin, waa idin digeynaa canshuurta bixiya, haddii kale waa idin magac *****aa, sharciga ayaa ku kala baxeynaa”ayuu yiri Wasiir Beyle. Dowladda Soomaaliya ayaa dakhliga ugu badan waxay ka soo gashaa magaalada Muqdisho, waana halka kaliya ee canshuurta looga qaado shacabka, hadana ma jirto in canshuurtaas dib loogu celiyo shacabka, looguna sameeyo adeegyada aas aasiga ee ay u baahan yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Berbera(SMN)- Hay,adda muhaajiriinta Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegtay in dhawaan 140 ruux oo muhaajiriina Soomaali ah oo ka yimid dalka Yemen ay dib ugu soo celisay gudaha dalka. Sarkaal ka tirsan IOM ayaa xusay in qaxootigaasi doonidii siday ay si nabad gelyo ah ugu soo xiratay dekadda magaalada Berbera ee woqooyiga Soomaaliya Hay,adda ayaa sheegay in qaxootigaasi ay isagu jireen rag,dumar iyo caruur yar yar oo ku dhibaateysanaa dalka yemen oo colaada xoogan ka jiraan IOM ayaa sheegtay in rakaabka soo gaaray magaalada Berbera ay ka soo baxeen magaalada xeebeedka Cadan ee koofurta dalka Yemen Barnaamijkan dib u soo celinta qaxootigaasi Somalida ah ayaa waxaa iska kaashaday hay,addaha IOM,UNHCR iyo dowladda yemen. Afhayeen u hadlay hay,ada mujaarinta caalamka ayaa xusay in adeegyo caafimaad ay u sameyeen qaxootigaasi markii ay ka soo dageen magaalada Berbera. ‏ The post Qaxooti Soomaaliyeed Oo Dalka Dib Loogu soo Celiyay appeared first on Shabelle. View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha duulista iyo hawada ee xisbiga WADDANI Nuuradiin Diini ayaa waxa eedaymo culus u jeediyay xukuumadda KULMIYE ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Thirteen Somali nationals have been deported to Somalia after serving several years in Iranian jails for alleged piracy. In a statement published on Iranian News Agency, the country’s Justice Ministry announced that 10 Somali convicts had been deported to their homeland on Wednesday. The individuals are said to have been convicted in Iranian courts for piracy. Deputy Minister of Justice Mahmoud Abbasi said that the convicts would end their jail term in Somalia. Iran is among the countries that have been operating in the Indian Ocean to fight against pirates since 2011. Its navy forces had seized boats and detained dozens of Somalis suspected to have been involved in piracy. Many Somali pirates suspects are now serving jail terms in Iran. Mid last year, Somali pirates had freed four Iranian sailors held captive for more than three years. Piracy along Somalia’s coastline had fallen far from its peak in 2011-2012 when pirate “mother ship” boats ranged thousands of miles across the Indian Ocean. Several foreign navies, including those from the European Union and China, operate regularly in the area as part of anti-piracy missions. The post Iran deports suspected pirates to Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Waxan halkan saaka idiinku soo gudbinayaa, maanso yar oo aan shalay unkay, taas oo magaceedda la yidhaaho ” Madax kalaa ku saarane, miyuu kaagu madhan yahay” oo micna-heedu yahay, adigu kama faa’iiday-satid, mana isticmaashid maskax-daadda, ee waa lagugu soo shubtaa ( Qabiil baa lagugu maamula weeye al-muhiim), maansadaas oo ku saabsan, si wacan kuugu qaadaa-dhigaysa, marxaladda uu maraayo dalku, siduu u baaba’ay, ee bakhtigu u xalaal yahay 98% dadkii, weliba uu idinku tiiq-tiiqsa-naayo askarigan jaahilka ahi ( Waa Raggii ma adigaa ka hadhaye), Horaa loo yidhi ” Dib jir duunyo ma dhaqo, ee haw digiiga-xanin” waa run oo waataas, aanay jirin meel uu saboolkii u ciirsado. dabaqado baa la abuuray xaafadaysan, ina dhulka baa lala dhacay, ma jiro maamul ummadi leedahay, iyo dawlad wax lagu sheegaa, ee waa qawlaysato iyo bud-cad ka sii xun, maafiyaddii Jaramalka ee la odhan jirey ” Badar-Minhoof”. kaaga darane sidaas baad weliba ugu sacab tumaysa, calaa-shaan isku reer hebel baanu nahay. adiga oo aan kala garanayn waxad doonayso iyo waxad diidayso, waayo’argnimo iyo wixii aad soo martay-na ka doortay reer hebel, Waxan kuu sheegayaa subaxan saaka ah, marka aad eegto sidda wax loo wado, waxad arkaysaa in ay tan u dhamaatay, oo hadda ay daawaha ku eryeyso buurtii Daallo dhaka-deeda, oo kolba jar aan loo fadhiyin ay isku qaadayso, goor aan sidaas u sii ridnayna, uu kala boodi doono haadaan aan ka soo noqosho lahayn. Muraad-kaaga gaarka ah, Abid miyaad ku noolaan? Danta guudna meel baas, Ka maguuji aad odhan? Maan-kaaga soo deji, Marna miyaanad garanayn? Maska aqalka galayee, Milikh-siga u baro baxay, Hadaan madaxa laga dilin. Maalay qadhaadh iyo, La waraabin dacar milan. Madfac lugaha lagu goyn. Marsaddii Berbera iyo, Waar Mee Garoonkii? Madax kalaa ku saarane, Muyuu kaagu madhan yahay? Meeshuu istaagaba, Hadaan miino sare kicin, Muruq xoogan lagu deyin. Midi Beerka lagu jarin. Carrab-kana musbaar iyo, miishaarta laga marin. La muquunin cadaw-giyo, Doqon kuu mashxaradoo, Miciin-kaaga moodoo. Nacab hoosta kaga maran. Marsaddii Berbera iyo, Waar Mee Garoonkii? Madax kalaa ku saarane, Miyuu kaagu madhan yahay? Macaansadda cad quudheed. Ku macaasha cayn-kaas. Masaariif ku qaatoo, Kugu maqan adigoo qudga. Marna aan ku dhaafayn. Gacal-kana makaloo, Furanaaya maatadda, Macaluushu laysoo, Makhrib-kiyo habeenkii, Maalin weyn dharaartii. Marsaddii Berbera iyo, Waar Mee Garoonkii? Madax kalaa ku saarane, Miyuu kaagu madhan yahay? Manfac uu calaaliyo, Wuxu dhuunta mariyiyo, Raadi-naaya macal baa, Masaakiinti dhacayoo, Xaafadaha ku meeroo, Dheryihii murdinayaa, Hantiddii ka madhiyoo, Dhiig miiranaayaa Muska kuugu jira’oo, Muslimkii dhameeyee, Marsaddii Berbera iyo, Waar Mee Garoonkii? Madax kalaa ku saarane, Miyuu kaagu madhan yahy? Mawlaw ka soo Gaadh. Ma naxaankan nagu degay. Muudsay arliga’ee, Muuse-cagaley daayoo, Mulacuna ka nabad gelin,Malaw-giyo qudhaan-jadda, Mukulaal kol ay tahay, Kala baxay Mudkii iyo, Saantii maqaarkee, Cunaa aan la marin jiirin. Marsaddii Berbera iyo, Waar Mee Garoonkii? Madax kalaa ku saarane, Miyuu kaagu madhan yahay? Waxan ku soo af jaray, ruuxu hadaanu dhaayo furnayn, oo lagu maalo waynu is xignaa, maamul iyo dawladnimo ka dheer, umana jeedo, ee waa rabbi khalaq- wa-dalaq ( laguma dhaamee dhaqaaq), sidda askarta meesha ka koron-dhakhlaysa, markaa ma idin la tahay, dalkan iyo dadkan loo dhameeyey, in aynu ka badh qabano inta goori-goor tahay?, Mise idinka oo xaal-kiinu yahay, ha ka sii fara-qabsado, ka aanu isku beesha ka wadda nimi, baad rabtaa in aydin inta kale, is tidhaahaan ku maaweeliya riyo neefaaq, oo ah ka naga soo hor jeedaa Somaliya buu rabaa. Tan calan-keeddii wuu dhacaye, runta ha iskugu timaado. qaar derbi-yadda qurbuaha ka dhurma, oo fadhi ku dirir reereed ah, iyaka oo hebel reer hebel ku difaayaaya, bay hadana ku leeyihiin somaliland baad wax yeelay-saan, saw maaha aan keligay jaqo, ee weliba sidaas iigu sacab tun, dee ma yeelaayo, ee ha igu deyin, Maxaa ka dhigay qabyaala-daada Wadani-nimo? Tayda-na loogu sheegayaa tu reereed? Wax aynu isla garanayno, yeynaan iskula iman, ee bal doc isugu baydha, dhan-kaad doon-taanba waan idiin-la wadayaaye, laakiin joojiya cabaadka, iyo wadha-dhacdda idinka baxaysa, wax suuro-gala maaha, dabada-na xaar baan ku walaaqa-nayaa, af-kana boodh baan kuu soo marsanayaa. Sidaas cidda lagu khaldi karaa waa ayo? Bal hadda inoo dareeriya sidda aad rabtaan ( qabyaaladda), cidda caano gaari ahi ay ka daada-nayaan, ee wax ku la’ baa la arki doonaaye. N.B Dib jir Duunyo Ma dhaqo, Ee Haw Digiiga-Xanin” Qore:- Abdi-Shotaly ashotaly5@gmail.com Source
  19. Go’aankii uu madaxweyne Deni uu kusoo rogay qasnadaha dowladda inaan wax qarash ah laga bixin karin, ayaa weli sidiisii u taagan, iyadoo go’aankaas uu sababay [...] Source
  20. Daawo Tv ga , marka uu hadlayo Madaxwaynuhu , hadaad doonayso in aad ogaato heerka uu marayo khilaafka labada dawladood ( S/land iyo Somalia ) . Daawo Tv marka uu hadlayo , Madaxwayne Xigeenku hadaad doonayso in aad ogaato , Mashaariicda wadanka ka socota . Daawo Tv marka uu hadlayo Cirro , hadaad doonayso in aad barato sidda loo dabaal joogteeyo . Daawo Tv marka uu hadlayo Faysal , hadaad doonayso in aad tijaabiso xasuustaada . Daawo Tv marka uu hadlayo Dr Sacad , hadaad doonayso in aad ogaato heerka dulqaadkaaga . Daawo Tv marka uu hadlayo Maxamuud Xaashi , hadaad doonayso in aad ogaato faraqa u dhaxeeya kursiga iyo kursi la’aanta . Daawo Tv Horn Caple Tv , hadaad doonayso in aad aragto muuqaalka Siyaasadda . Daawo Tv marka uu hadlayo Jaamac Shabeel hadaad doonayso in aad ogaato mustaqbalka xisbinimada . Daawo Tv maka uu hadlayo Sheekh Mustafe , hadaad doonayso in aad nasato . W/Q: Axmed Nuur Guruje. Source
  21. Muqdisho(SMN)- War Saxaafadeed uu soo saaray gudoomiyaha gobolka Banaadir ana duqa muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cimaan Eng Yarisoow ayaa xilkii looga qaaday gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada degmada dharkiinleey,gudoomiye ku xigeenka siyaasadaiyo laba gudoomiye waaxeed oo degmadaasi ka tirsanaa. Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa lagu kala magacabaa Liibaan Geedi Cumar oo ahaa gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada degmada dharkiinleey,Daa’uud Cabdulaahi Nuur gudoomiye ku xigeenka siyaasada iyo Maxamed Aadan Cismaan oo kamid ah labada gudoomiye waaxeed ee xil ka qaadista lagu sameeyay. Lama oga sababta ka danbeysa xilka qaadista xubnahan ka tirsanaa maamulka degmada Dharkiinleey,balse wareegto maanta ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho ayaa xilalkii looga qaaday. The post Duqa Muqdisho Oo Xil Ka Qaadis Sameeyay appeared first on Shabelle. View the full article