-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Khayre oo guddoomiyay shirarka tubaha dhaqaalaha iyo amniga
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shirarka tubaha horumarinta dhaqaalaha iyo amniga iyo caddaaladda oo looga hadlay sameynta Hay’adda Maal-gelinta Ganacsiga yaryar iyo Kuwa Dhexe iyo heerka ay marayso Diiwaan-gelinta Ciidamada qalabka sida. Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa tubta horumarinta caddaaladda iyo amniga waxa ay kusoo bandhigtay warbixin ay ka diyaarisay samaynta Hay’adda Maalgelinta Ganacsiga yaryar iyo Kuwa Dhexe. Dhanka kale, shirka tubta amniga iyo caddaalada ayey wasaaradda maaliyaddu kusoo bandhigtay warbixin la xariirta heerka ay marayso diiwaan-gelinta ciidamada qalabka sida (Biometric registration). Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa hay’adaha iyo wasaaradaha halbeegyada ku leh tubaha waxa uu faray inEy laba jibbaaraan dadaallada ay fulinayaan ballan qaadyadii ay sameeyeen sannadkaan bilaawgiisii, si loogu guulaysto gaarista himilooyinka tubaha qaranka. View the full article -
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-24022019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah koox wariyaal ah oo maalmo kahor la kulmay alle ha unaxariistee Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha ay ka diiwaan geliyeen xildhibaanka muddo yar oo ay wada Joogeen. Qoraalka Wariyaha ayaa u qornaa Sidan: Xildhibaan Cismaan Boqore waxaan ku xasuustaa! Xildhibaanka la dilay Cismaan Cilmi Boqore maalma kahor ayuu noo sheekeeyey inagoo koox wardoonayaal ah. Waxaan joognay xarunta Xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud uu hogaamiyo, xilligu Casir ayuu ahaa, agteena ayuu ku dukaday isagoo dhar cadcad wata. Markuu salaama naqsaday ayuu nagu yiri “dhallinyaro ma igaranaysaan?” Waan isfiirfiirinay illeen kedis ayey wax ku dhaceen, qaar golaha shacabka ayey 5 sano warar ka doonayeen oo si fiican ayaa loo ganayey alle ha u naxariistii Xildhibaan Boqore,,,,,,,, markaan cabaar aamusneyn ayuu yiri sida aad iigaran wayseen waxaa u lumay taariikhdii dalkiinu lahaa, Mustaqbalkiina ka fakara oo aqoonsada waxaa tihiin iyo cidda aad wax ku noqoteen. Sheekadiisa inaan maqsuud kuwada aheyn waxaa marqaati ka ahaa sida aan u wada aamusneyn, oo codkiisa kaliya looga maqlayey halkii aan wada joognay. Kama uusan harin sheekadiiye, waxa uu na xasuusiyey Xornimada maanta jirta ogaantiisa sida lagu helay, qaabka dowladdii Soomaaliya ee Africa caanka ka aheyd u burburtay iyo sida hadda dowladda jirta lagu helay kadib 1991 kii. Xildhibaanku waxa uu noo sheegay in xilligii KMG ee Madaxweyne Cabdullaahi yuusuf uu aad ula shaqeeyey, xitaa safaro ayuu goboladda ku maray Boqore isagoo dhulka maray, xilligaas dowladda inta badan goboladda iyo caasimadda ma aysan maamuleyn. Iyadoo looga digayo in uu dadka dhexgalo ayuu caawinaad qaaday boqore sida uu noo sheegay, majirin cid u dhaxaysay isaga iyo wasiira kale markii shacabka goboladda Bay, Bakool iyo shabeelaha hoose ay u gurmanaayeen. Waan la kaftamay, da’daadu waa imisa ayaan weydiiyey, wuxuu yiri adeer da’du micno ma lahane wax tarka qofeed ayaa hal beeg u baahan. Dhiiranaanta qofnimo ee Xildhibaan Cismaan boqore waxaa kamid aheyd in uu ahaa qof ku kalsoon waqtiga iyo waayaha waxa uu kala kulmo. Amniga: waxa uu ka yiri adeer in askari i ilaaliyo waxaan ka door bidaa inaan shacabka aamino oo aan ku dhex noolaado, ilaalidayda markasta oo fasax ay i weydiistaan waan siiyaa, alle ayaan ku kalsoonahay. Salaadda waa uu ku wanaagsanaa sida uu noogu sheekeeyey iyo mida aan ka arkay, waxaan ku xasuustaa in uu yiri adeer Salaad subaxa Masaajid iyo Jameecada ayaan kula dukadaa, waa ilaahey Mahaddiis. Alle ha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Boqore Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maansooyinka cajiibka ah ee suugaanta Abwaan Xasan Geney Q2aad W/Q Cabdi Cawiye Wuxuu ka hadlaayey xaqiiq ilaa maanta taagan Abwan (Xasan geney) waxaad moodaaba inuu maanta inala hadlaayo. Magaca maansadu waa BOOTADA AAN LOO SAHAMIN Wuxuu ka hadlayaa dhawr waxyaabood oo bulshadeena ilaa maanta gaabis ka dhigay sida:- Qabyaalada. Qaadka. Dhulka la kala sheegtay ee xoolihii loo diidey Ma shaqaystaha shaxaadka ku nool. Qurbe u baqoolka. Dhaqan biiska dhinacyada xiiran. iyo bilista akhlaaqdii ka tagtay. Bulsho diidday dhaqankeeda booliyo ka dhigay tuulo Bissmilaahi odhan weydey Shisheeyaha u boholyowda Barashada cid kale kooda Bootada aan loo sahamin Barta lagu furaan eegi. Boqole aan shaqaynaynin Isagoon bukaan jiifin Balwad iyo hurdo u leexday Gabadhiisu biil siiso Baahina u weel qaatay Bogashada calooshooda Barta lagu furaan eegi. Beelahay agaa guura Baylihiya maalkooda Dhulka baarax loo diidey Beeraha la kala seestay Baad xoolo laga ootay Haddii ay bedeliweydo Berri waxay heshaan eegi Bilisdiidey midabkeeda Quruxduu ilaah bixiyey Hiddahoodii baabi’iyey Beri hore xayihii tuuray Buufimada laga doortay Baacsiga asaagooda Barta lagu furaan eegi Barbaar shaniyo tobban gaadhin Barqo duubtay geedkii be’ Baaldacar ka dhuubnaaday Baalaha timaha xiirey Foodana in badan reebtay Cimrigooda boobaaya Baryuhuu jiraan eegi Ummadii bislaan weyda Gobonimada bili weyda Baal degin asaggeeda Midnimada boqnaha goysa Qabiilkana u tuma buunka Geedigay dib uga baaqday Barta lagu furaan eegi. Xuquuqda qoraalku waxay u dhawrsantahay qoraaga W/Q Cabdi Cawiye Ismacil Guntigaab +252634115877 Hargeisa Somaliland Qaran News
-
Muxuu Muuse Biixi u khaarajiyay Jaamac Shabeel iyo Abdilahi Geeljire Sida aynu la socono markii uu Siraanyo Madaxwenaha noqday sanadkii 2010kii intaanu Golihii Wasiiradaba magacaabin waxaa kaladhka iska laaladiiyay Muuse Biixi oo yidhi “Soo wareeji Gudoomiyanimada xisbiga” “Waar Dawlada ha dhiso ee waqti sii oo yara sug” “Ha ka yaabin, wuu igaga murmayaa imikadaa ha soo wareejiyo” Waxaa sidaa ay Muuse Biixi u wada hadleen Abwaankii Gaariye (ARR) oo afkiisa nooga sheegay. Sidaas ayaanu Siraanyo si bilaa shuruudo Xisbigii ugu ku wareejiyay. Nov 2017 kii waa kii Muuse Madaxweyneha noqday ee ku fadhiistay kursigii uu u soo maray wadadii denbiga iyo godobta badneyd..!!!! Hadaba sidey doontaba sababtu ha ahaatee ilaa hada may dhicin mana muuqato cid Beesha H.Jeclo ah oo Muuse Biixi ku dirqida inuu isna xeerkii maro, oo uu Xisbigii xeradiisa ka soo saaro !! Lakiin hadana waxaan meesha laga saari karin in H.Jeclo ay rabaan in Gudoomiyanimadii Xisbiga Kulmiye ayay gacantooda ku soo noqoto. Muusana taa ma rabo oo talada uu meel ku guntaday waa inuu Madaxweynanimada Somaliland iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiyeba ay gacantiisa ku jiraan ilaa inta uu aakhiro u guraayo ( Hubaal inay taasi meel u taalo). Dabcan damacaa Muuse Biixi iyo doonista H.Jeclo waa hubaal inay maalin uun isku qarxayaan. Waa barta barta ay u dhinteen Jaamac Shabeel iyo Abdillahi Geelire, waayo waxay si toosa ula safan lahaayeen ninka H.jeclo ee ku soo tala gala inuu Muuse Biixi ku yidhaahdo ” Gudoomiyanimada Xisbigu way kugu raagtaye soo wareeji”. Sida labadan ee Kulmiyahanada waaweyn ahaa loo khaarajiyay ayaa sidoo kale naafo looga dhigay in Beesha H.Jeclo ay Xisbiga Kulmiye soo hadal qaado… Markhaatiga u weynina waa Maxamed Kaahin oo laga dhigay Wasiir iyo Afhayeenba. Taasu Ina Cabdi Dheerena Baqal u soo fuulay ( Kaarta Yare). Waar hidhka barta. Allow eex maan tiraabin ee aqoon ha igu cadaabin… Aamiin Osman Omar Dool Qaran News
-
The body of Somalia’s oldest lawmaker in parliament, Osman Elmi Boqorre has been laid to rest in Mogadishu after a state funeral on Sunday morning. The deputy speaker of the house, chairman of the Senate, fellow legislators, family members, and other senior government officials attended the burial at a cemetery in Median hospital. The Al-Qaeda-linked Al-Shabaab has claimed credit for the assassination of the long-serving veteran Somali parliament member who was shot dead in Karan district on Saturday. Boqorre becomes the first MP killed this year in Mogadishu, the seaside city which has been hit by deadly attacks and killings by al-Shabaab in the past. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa war kasoo saaray khasaaraha ka dhashay duqeymo xalay ay ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa so saaray war saxaafadeed ay ku cadeynayaan in ku dhawaad lix duqeyn oo lala eegtay Al SHabaab ay ka dhaceen gobolka Shabeelaha Hoose. Labo kamid ah duqeymahaasi ayaa la sheegay inay ku dhaceen deegaanka Kuunya Barow iyo degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegay in lala eegtay goobo Al Shabaab ay canshuuro ku qaadayeen. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo Wadajir ah ay burburiyeen xarumo Al Shabaab ay dadka canshuur uga qaadi jireen. Duqeymaha ayaa sidoo kale sheegay in lagu dilay labo kamid ah Al Shabaab kuwaasi oo ku sugnaa goobaha duqeymaha ay ka dhaceen. Al Shabaab ayaa saacado ka hor soo bandhigay sawirada duqeymaha ka dhacay Shabeelaha Hoose, iyaga oo sheegay in dad rayid ah ay waxyeelo kasoo gaartay duqeynta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la dhaawacay mid kamid ah dhaqaatiirka Isbitaalka Ergodan Ex Digfeer oo ku yaala degmada Hodon ee gobolka Banaadir. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dhaawaca dhaqtarka uu yimid kadib markii askar ka tirsan ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen gaari uu la socday xili ay doonayeen inay ku furtaan wadada agagaarka Hotel Amiira oo la sheegay inay aad mashquul u aheyd. Dhaqtarka oo lagu magacaabo Dr. Cabdi Xaliim oo ah dhaqtar ka howlgala Isbitaalka Erdogan (Digfeer), isla markaana qaabilsan dhinaca caruurta ayaa lagu dhaawacay agagaarka maqaayada Beder ee degmada Hodon. Dhaqaatiirka Isbitaalka Digfeer ee uu ka howlgalyay weli wax faah faahin ah kama bixin dhaawaca Dhaqtar ka howlgalayay Isbitaalka. Wararka ayaa sheegaya in la qabtay askariga furay rasaasta uu ku dhaawacmay dhaqtarka, waxaana la dabiibayaa dhaawaca dhaqtarka, iyadoo la sheegay in la dhigay qeybta Qaliinka ee isbitaalka. Inta badan ciidamada amaanka ayaa rasaas ku furta waddooyinka xiliga ay dareemaan inay xiran waddooyinka magaalada oo gaadiid badan ay ku kulmaan waddooyinka qaar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Inqilaabkii dalka Soomaaliya ka dhacay 1969 kii, Saraakiishii afgembigaas dhigtay waxay ka faaiidaysteen rabitaanka shacabka oo khadyaan ka istaagay tayo daradii, qaraabo-kiilkii, qabyaaladii iyo musuqmaasuqii xadhkaha goostay ee ay ku kacaeen dawladihii rayidka ahaa ee xukunka isaga danbeeyay sanadihii 1960-69 kii, oo noqday kuwo hungo baday quluubta shacabkii midhaha xoriyada gurashadeeda u jeel qabay, taasina waxay keentay in shacabku gacmo lulan ku qaabilo afgembigii Milaterigu sameeyeen, iyagoo ka warqabin mustaqbalka aan hubantida lahayn ee kusoo wajahnaa. Inkastoo, weedho aad u qurux badan iyo balanqaadyo toolm oon oo horumarinta dalka ku aadan ay soo bandhigeen saraakiishii inqilaabta dhigtay, waxqabad lagu diirsaday oo yididiilooyin huwana ay la yimaadeen sanadihii u horeeyay cimriga inqilaabkooda,Nasiib darro,, sanado kooban kadib, Ciidamadii xukunka qabsaday waxay u dhurteen midabkii iyo muuqaalkii dhabta ahaa ee ay lahaayeen, iyagoo markiiba dhexdoda iskaga horyimi, qaar ka mid ahna dhegta dhiiga loo dary, qaar kalena xabsiyadda loo diray, Eexdii, qaraaba-kiilkii iyo dhacii maalka umaduna meel sare ayuu gaadhay, waxaanay tani gogosha u xaadhay asaasistaankii jabhado sheegtay xaq-u-dirir oo aan iyaga laftooda la mahadin natiijadoodii. Inta badan fashilka ku yimi kacaanka waxaa loo aaneeyaa hogaamiyihii kacaanka General Maxamed Siyaad Barre oo nidaamkii dawliga ahaa u rogay mid qabali ah si uu xajisto kursiga, uguna waaro awooda qalinka iyo hogaaminta majaraha qaranka, isagoo meel kasta oo uu ka dareen qabay in looga soo dhici karo u dhiibtay mid ehelkiisa amaba qabiilkiisa kasoo jeeday. Jabhadii ugu horaysay ee dagaal hubaysan kala hortagta Keligii Taliye Maxamed Siyaad Barre waxay ahayd SSDF oo hogaamiye uu ka ahaa Korneyl Abdulaahi Yuusuf Axmed (Madaxweynihii hore ee Soomaaliya), habka iyo qaabka lagu aasay Jabhadani wuxuu ahaa mid qabiilaysan ama reeraysan, 97% salka jabhadaasi ka unkanayd waxay ahayd qabiilka Majeerteenka ee uu ka Dhashay Kormeyl Abdilahi Yusuf, taasoo aan waxba ka gedisnayn dhabihii Generaal Barre lagu dhaliilayay ee ahayd inuu qabiilkiisa ku wareejiyay awoodii qaranku wada lahaa, Hubaashuna waxay ahayd inay caddeyd……….la soco Qormadda 2 ad……. Qalinkii: Hussein Mohamed Mohamoud (Hussein-laki) Burco. Email, husseinlucky@hotmail.com Source
-
New deputy force Commander of African Union Mission in Somalia (AMISOM) has today assumed his role following a ceremony held in Mogadishu. Lt General James Nakibus Lakara officially took office as the new AMISOM Deputy Force Commander (DFC) in charge of Operations and Plans. According to a statement by the Mission, Maj. Gen. Charles Tai Gituai who has completed his one year tour of duty has handed over the office to his successor, Lt. Gen. Lakara from Uganda. The out-going Deputy Force Commander, Maj. Gen. Gituai gave an overview of the progress and challenges in the ongoing transition process. He cited the AU/UN joint review, the Operational Readiness Assessment (ORA) of the Somali National Security Forces (SNSF), the new Concept of Operations (CONOPS) document and the joint military operations against al-Shabaab militants as some of the progress made in the past one year. “This Mission is at a very critical stage as we will be implementing CONOPS, the Somali Transition Plan (STP) and Resolution 2431 of the UN, which are very specific on the objectives for the military,” the outgoing DFC said. Lt. Gen. Lakara thanked his predecessor for his contributions and reiterated his commitment to ensuring the AU Mission achieves its mandate. “I bring to this mission my passion, my Pan-Africanism, my commitment, hard work, and my experience,” Lt. Lakara noted. The UN Resolution 2431, adopted last year, mandated AMISOM to set out strategic objectives to enable the gradual handover of security responsibility to Somali security forces by December 2021. View the full article
-
View the full article
-
Xafladda Daah-furka Warshada Mac-Macaanka Casriga ah ee “Shaam Sweets” Waxa magaalada Hargeisa lagu daah-furay warshad casriya oo ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee laga hirgaliyo Somaliland 22 February, 2019, waxaana maal-galiyey warshadan muwaadin reer Somaliland ah oo arkay baahida weyn ee loo qabo in loo buuxiyo booskaas oo aan hore uga jirin Somaliland. Shaam Sweets waa Warshad cusub oo casri ah oo soo saarta Mac-Macaanka noocyadiisa kala duwan, waxay wadanka ku soo kordhisay macmaaankii carabta lagu samayn jiray sida Suuriya iyo wadanka Turkey-ga oo dibada la inooga keeni jiray. Warshada oo ku qalabaysan qalab casri ah waxay soo saari doontaan dhamaan noocyada kala gadisan ee macmaanka sida Baqalaawaha, Kunaafada, Mucajanaat-ka, Keegag Kala Gadisan iyo dhamaan mac-macaanka noocyadiisa kala duwan, iyada oo ay samayn doonaan khubaro u dhasahay wadanka Suuriya oo mudo badan ku soo dhex jiray samaynta mac-macaanka. Warshadan Shaam Sweets waxay ugu bushaaraynaysaa dhamaan dadweynaha leh xafladaha gaarka ah sida aroosyada, meherka, dhalashoyinka, dabaal-degyadda, furitaanka goobaha cusub iyo xafladaha kaleba inay kuu diyaarin doonto keegag iyo macmaano kala duwan oo tayadoodu iyo dhadhankooduba sareeyo. Haddaba warshadd Shaam Sweets xarunteeda guud waxay ku taalaa agagaarka Cusbitaalka International-ka ee magaalada Hargeisa, ama kala soo xidhiidh wixii faahfaahina Landline: 564362 ama telefoonadda: 063-6834157 ama 063-3165638 Halkan ka daawo Xafladda Daah-furka Warshadda Shaam Sweets: Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadkii deriska lahaa Allha u naxariistee xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo shalay lagu dilay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qaabkii loo dilay iyo sidii uu dadka degaanka dhaqaaleyn jiray. Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu keligiis ahaa xilliga la dilay oo aanay la socon wax ilaalo ah, isagoo markaasi guri uu dhismo ku hayey ku sugnaa, waxayna odayaasha xaafadda sheegeen inuu ahaa nin si weyn u caawiyey oo samafale ahaa. Mid kamid ah dadka Deegaanka ayaa sheegay inuu u iibiyey Gaari Gacan uu ku shaqeysto, wuxuuna Alle uga baryayey inuu Janadiisa geeyo. Mid kale oo dadka Deegaanka ayaa sheegay inuu ahaa Boqore nin fiican oo u dhaxeyn jiray Masjidka iyo Guriga. Wuxuu intaas ku daray inuu Qalbiga ka ilmeenayo uusana garaneyn sababta loo dilay, wuxuuna ugu duceeyey Janada. Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka uu soo duubay TV-ga Dalsan ee Magaalada Muqdisho Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gollaha degaanka ahna duqa caasimadda, ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 5 xubnood oo u xilsaaran, xallinta khilaafaadka dhulka. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxo hubeysan ayaa Shalay Galab dilay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ahaa Xildhibaankii ugu da’da weynaa Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya. Allaha u naxariistee Xildhibaanka ayaa lagu xasuustaa hadalkii qiimaha lahaa ee uu ka jeediyey kulankii uu Baarlamaanka Soomaaliya 17 September 2018 ku yeeshay Muqdisho kaasoo looga hadlayey Arrimaha Ciidamada. Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa kulankaas ka sheegay in aan wax amni ah laga sugeynin askar mushaarkoodu yahay $100, oo xitaa aan boqolkas si joogta ah loo siinin. Boqore waxaa uu tusaale usoo qaatay qarashka wax looga cabo ama looga cuno hoteelada ay fariistaan madaxda sida Hotel Jaziira, taas oo muujineysa in qidmada maalin qura ku baxda madxda iyo mushaarka bilaha ee askariga iney isla egyihiin. Waxaa uu tusaale usoo qaatay mid ka mid ah askarta ilaalisa oo u gacan qaaday, taas oo sababta in xildhibaanka la dhigo isbitaalka Digfeer ee Muqdisho. “ Mid ka mid askarta i ilaalisa ayaa feer ila dhacay, anoo xanuunsan ayaa la ikeenay guriga gudoomiyaha , lama yaabin inuu askarigaas ii gacan qaaday sababtoo ah wax aan ogahay sida uu ku shaqeeyo iyo in wixiisii yaraa aanu dhowr bilood helin, maalin dhexe gudoomiyaha ayaan labo bilood oo mushaarkiisa ah uga qaaday ayuu yiri Boqore. Waxaa uu sheegay in aan amni jirin, isagoo ku dooday in askartu ay nolol u baahan yihiin, xaasas iyo caruur lee yihiin , oo laga rabo biil, caafimaad iyo waxbarasho waxaana uu soo jeediyay in marka hore ciidamada la daryeelo oo mushaarka loo badiyo hadii ami laga rabo Muqdisho. Hadalkaas ayaa noqday midkii ugu saameynta badnaa oo uu Boqore ka jeediyo Xildhibaanada sanadkii tagay ee 2018. Allaha u naxariiste Boqore ayaa Maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Isman-Boqoro-Alla-yarxma.Askariga...-Abdiladif-Mohamed-Osman-Assasino-fbdown.net_.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baladweyne (SMN) – Dibadbaxan oo ahaa mid ballaaran ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Banaanbaxa ayaa looga soo horjeeday boob iyo masuq-maasuq lagu sameeyay raashin gargaar oo loogu talagalay dadka danta yare ee ku dhaqan magaaladaasi. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa dalbaday in wax laga qabto dhibaatooyinkaasi. Halkan hoose ka dhagesyo Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Banaanbaxa-Baladweyne.mp3 View the full article