Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Nigeria)-Madaxweyne Muxamaduu Buhari ayaa ilaa iyo hadda hogaaminaya natiijada codadka la tiriyay ee doorashada guud ee dalka Nigeria, waxa uuna ku guuleystay codadka afar ka mid ah 36-da gobol ee dalkaasi uu ka kooban yahay. Mr Buhari ayaa ku guuleystay naatijada doorashada ee laba gobol oo ku yaalla koonfuur galbeed iyo mid ka mid ah gobollada ku yaala bariga dalkaasi, halka ninka ay aadka isu hayaan ee Atiku uu ku guulesyaty natiijada caasimadda Abuja. Iyadoo natiijooyinka doorashada ay iska soo deba dhacayaan ayaa xisbiga Mr Abubakar ee People’s Democratic Party (PDP) waxa ay sheegeen in wax isdeba marin lagu sameeyay doorashada. Gudoomiyaha xisbigaasi Uche Secondus ayaa tirinta codadka ku tilmaamay “mid aan sax ahayn oo aan la aqbali karin”. Waxa uu ku andacooday inay jirtay isku dey dowladda iyo hay’addo kale ay ku doonayeen in “natiijada laga been sheego”, balse wax caddeyn ah uma hayn arrinkaasi. Midowga Yurub, Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa dhammaantood walaac ka muujiyay dib u dhaca iyo habka farsamada ee doorashada balse ilaa iyo haatan ma ay jirto cid ka mid ah guddiga korjoogtada madaxa banaan oo sheegtay in doorashada lagu shubtay. Labada xisbi ayaa midba midka kale ku eedeynayo inuu la shaqeynayo guddiga doorashada ee loo soo gaabiyo (INEC) si galaangal uu ugu yeesho natiijada doorashada. Hase ahaate labadan xisbiba ma aysan soo bandhigin wax cadeyn ah oo ay ku taagerayaan sheegashadooda. Mr Buhari oo ka tirsan xisbiga All Progressives Congress (APC), ayaa mar labaad doonaya in uu qabto talada dalkaasi basle waxaa uu tartan adag kala kulmayaa Mr Abubakar. Doorashada madaxtinimada waxaa isu diiwaangeliyay 73 musharax, hasayeeshee ololaheeda waxaa ku gacansarreeyay Madaxweyne Muxamaduu Buhari oo 76-jir ah, iyo ninka ay aadka isku hayaan, Madaxweyne ku xigeenkiisii hore, Atiku Abubakar, oo 72-jir ah. Mr Buhari ayaa sheegaya inuu dhidibo adag u taagay sidii barwaaqo lagu gaari lahaa, hasayeeshee ninka ay is-hayaan ayaa sheegaya in Nigeria aanay howlba ka socon. Labada ninba waxa ay ka soo jeedaan waqooyiga dalka halkaas oo ay ku badan yihiin Muslimiinta. Halka labadooduba ay ku jiraan da’da 70-tameeyada, ayaa in ka badan kala bar 84 milyan ee isu diiwaangelisay doorashada Nigeria ay da’doodu ka hoosayso 35 sanadood. Tirada codbixiyayaasha goobaha codeynta iyo musharaxiinta .84 milyan oo qof ayaa isu diiwaangaliyay in doorashada ay ka qayb qaataan. .51% ka mid ah codbixiyayaashan ayaa waxay da’dooda ka hooseysaa 35 .Waxaa doorashada ka qayb qaadanaya 73 musharax madaxwayne .Waxa ay dadka codadkooda ka dhiiban doonaan 120,000 ah goobaha codeynta Source
  2. Nairobi (Caasimada Online)-Warar ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dhacdo kale oo xanuun badan ay ka dhacday xaafadda Islii ee magaalada Nairobi. Gabadha oo 14 sano jir aheyd ayaa la sheegay in si xun loogu dilay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, halkaasi oo Soomaalida ay ku badan tahay, waxaana la sheegay in gabadha ay waxyeelo gaarsiiyeen dadkii ay la joogtay. Magaca Gabadha ayaa lagu sheegay Ismahaan, waxaana la helay meydkeeda oo dhaawacyo badan ay ka muuqdeen, iyadoo laamaha amaanka ay la wareegeen baaritaanka gabadha yar. Qaar kamid ah ehelka Gabadha ayaa sheegay in gabadha loo tagay dad ay isku xaafad deganaayeen, balse la helay meydkeeda iyada oo waxyeelo daran ay ka muuqatay, iyaga oo warbaahinta la hadlay. Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa la sheegay in ay xireen dad lagu tuhmayo in ay dilkan qeyb ka ahaayeen, waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo sababaha keenay dilka gabadhan da’da yar. Dhacdadan naxtinta leh ayaa mar kale qabsatay baraha bulshada xili dad badan ay ka murugeesnaayeen dil kale oo arxan daro ah oo magaalada Gaalkaco loogu geestay gabar yar oo 12-sano jir ah. Gabar kale oo 13 sano jir ah ayaa lagu la yahay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana laamaha amaanka ay ku raadjoogaan gabadha la sheegay inay ku maqan tahay magaalada Gaalkacyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa weli baaritaano ku haya dilkii Allaha unaxariisree Caa’isha Ilyaas Aadan oo si arxan darro ah loogu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Puntland ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u magacawday kiiskaasi, si ay baaritaano dheeraad ah ugu soo sameeyaan dhacdadaasi. Madaxweyne Saciid C/laahi Deni oo ka hadlay kiiskaasi ayaa sheegay in aan laga harin doonin dambilayaasha, islamarkaana la horkeeni doono cadaalada. Halkan hoose ka dhageysp Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-2-soofeesane.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed, kaasi oo looga hadlayay dhacdadii ka dhacday duleedka magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa ahaa mid deg deg ah oo ay yeesheen wasiirka Amniga Gudaha iyo taliyaha ciidamada booliska ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa dadkii rayidka ahaa ee lagu laayay agagaarka deegaanka Xaawa Cabdi. Taliyaha ciidamada booliska Bashiir Cabdi Maxamed iyo wasiir Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa isla gartay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sameeyo baaritaanka dadkii ka dambeeyay rayidkii la dilay Shalay. Generaal Cabdullaahi Xasan Bariise oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ay wadaan baaritaankii ugu dambeeyay, isaga oo sheegay in dadka la yaalayay ay shaqaalo Hay’adeed ahaayeen. Shaqaalaha ayuu sheegay inay intaasi ka badnaayeen, islamarkaana ay gaarayeen 37 ruux balse shaqaalo kooban oo nadaafad waday rasaasta lala dhacay. “Dadka dhibaatada ku haya Ummada Soomaaliyeed dhawaan ayaa lasoo qabanayaa, waxay waxyeeleeyeen shaqaale Hay’ad ka tirsanaa oo nadiifinayay wadada Ceelasha iyo Xaawa Cabdi u dhaxeysa, sagaal muwaadin ayaa dhintay, markii arintaasi nasoo gaartay kadib baaritaan deg deg ayaa la sameeyay, baaris ayaana socota”ayuu yiri Gen Bariise. Maalintii shalay ayay aheyd markii dadkaasi shacabka ah lagu laayay duleedka magaalada Muqdisho, waxaana laamaha amaanka ay sheegeen inay wadaan baaritaan lagu raadinayo dadka falka ka dambeeyay iyo qaabka loo abaabulay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay u ambabaxaan dalka Qatar. Wakaaladda wararka dalkaasi ee Qatar News Agnecy ayaa shaacisay in booqasho rasmi ah madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo magaalada Dooxa, islamarkaana uu beri kula kulmi doono Amiir Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani. Labada mas’uul ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dowladood, iskaashiga iyo arrimo kale. Qatar ayaa ka mid ah dalka saaxibada la ah Soomaaliya, waxaana DFS ay ka taageertaa dhinacyo dhowr ah oo ka mid tahay dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka. View the full article
  6. Afgooye (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay laga fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Duqeynta oo socotay ku dhawaad saddex saacadood ayaa lagu garaacay deegaanada Sabiib, Caanoole, Bangale iyo Baladu-Amiin oo hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolkaasi. Deegaanada la duqeeyay ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi iyo cida fulisay intaba, balse muddooyinkii la soo dhaafay Mareykanka ayaa duqeymo ka fulinayay K/ Soomaaliya. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-260219-sx.mp3 View the full article
  8. Gaarisa (Caasimada Online) – Odayaasha gobolka waqooyig Bari Kenya ee Soomaalida ayaa sheegay in dhul-badeedka Kenya ay sheeganeyso ee xiisadda dhaliyey uu yahay mid ay leedahay Soomaaliya. Tallaabo lama filaan ah oo ay qaadeen ayay qaar ka mid ah odayaasha magaalada Gaarisa ku sheegeen in Kenya ay si sharci-darro ku sheeganeyso dhual-badeed aysan lahayn. “Haddii muranka badda ka taagan loo xukmiyo Kenya, Soomaaliya waxay weyn doontaa xuduuddeeda Koonfureed ee ku teedsab Kenya” Waxaa sidaas yiri Cusmaan Ibraahim Af-Maroor, oo ah afhayeenka odayaasha. Odayaasha ayaa ku baaqay in xal nabdoon laga gaaro xiisadda, waxayna sheegeen in labada waddan ay ka dhaxeeyaan dano ay ka mid yihiin in laga adkaado kooxaha argagixisada. Hadalka odayaasha Kenya kasoo baxay ayaa imanaya ayada oo sidoo kale dhallinyarada gobolka Waqooyi Bari ay dowladda Kenya ugu baaqeen inay ‘murankan’ xal ka gaarto, ayada oo aan xagjir noqon. Dowladda Kenya ayaa dhowaan cuna-qabateyn ugu hanjabtay Soomaaliya, ayada oo sheegtay inaysan ogolaan doonin ‘in cm ka mid ah dhulkeeda ay uga tanaasusho dal kale.’ Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  9. Waxaa la dareemayaa xiiso loo hayo iyo dhaq dhaqaaq siyaasadeed, kadib markii doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Jubaland loo asteeyay in la qabto bisha August ee sanadkan 2019. Doorashada la filaayo ayaa haatanba noqotay mid soo jiidatay indhaha Beesha Caalamka, siyaasiin Soomaaliyeed iyo kuwa Gobol intaba. Maamulka Jubaland ayaa haatan waxaa hogaanka u haya Sheekh Axmed Maxamed Islaam oo caan ku ah (Axmed Madoobe), kaasi oo la doortay bishii May 2013-kii, kadib markii Ciidanka Xooga iyo kuwa Kenya ay dib u qabsadeen Magaalada Kismaayo. Waxaa hadaba bilaawday Siyaasiin ka shiraya iyo kuwa heshiisyo wada gaaray, ka hor inta aanba la gaari doorashada madaxtinimo ee Maamulka Jubaland. Waxaa hogaanka cusub ee Jubaland dooran doona Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Maamulka fadhigiisu yahay Kismaayo. Madaxweynaha haatan haya hogaanka Jubaland ayaa kalsooni ku qaba in uu dib u soo laaban doono, inkastoo ay careysan yihiin Siyaasiin hore u taageersanaa, maadaama Madaxweyne Axmed Madoobe uu noqday shaqsi lagu eedeeyo caburinta Siyaasiyiinta ka soo horjeeda. TIJAABO WANAAGSAN Waa maxay sababta Kenyaanku muhiim ugu tahay doorashada Jubaland? Waxaa loo arkaa tijaabo wanaagsan lagu cabirayo joogitaanka Ciidanka Kenya ee Gobolka Jubaland, taasi oo markii hore ay kaalin ka qaateen dhismaheeda 2012-kii markii gacan saaxiibtinimo u dhiibeen Madaxweyne Axmed Madoobe. Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan Degaanada Jubaland, ayaa soo dhaweeyay doorashada waxaana loo arkaa in markale dib looga soo laabanayo burburkii ragaadiyay Soomaaliya. Balse, muhiimada ugu horeysa ayaa ah in doorashada ay ku dhacdo si nabdoon, iyadoo aan wax rasho siyaasideed ah dhicin. Weli ma aysan bilaabin ololaha doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Jubaland, balse Siyaasiyiinta qaarkood ayaa kuwa isha ku haya ama is-weydiinaya Shaqsiga uu noqon doono Hogaamiyaha cusub ee Maamulka Jubaland. Degaanada Jubaland ayaa ah dhul laga soo saaro dhaqaalo, maadaama qanni ay ku yihiin Beeraha, Xeeb oo badeeda laga soo saari karo dhaqaalo, waana goob sidoo kale ku haboon Dalxiiska. Siyaasiyiinta la sheego in ay isku soo sharaxayaan hogaanka Maamulka Jubaland waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya, Cabdullaahi Ciilmooge Xersi iyo Sheekh Daahir oo ah Saaxiib ku dhow Madaxweynaha haatan haya Hogaanka. Waxaa sidoo kale jira mas’uuliyiin ka mid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qabta Shirar qarsoodi ah, kuwaasi hankoodu yahay in ay isku soo sharaxaan qabashada Xilka Madaxweynaha Maamulka Jubaland. Dagaalka Axmed Mdoobe Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa teegeero ka heysata Xubno ka mid ah Maamulkiisa, si uu markale isugu soo sharaxo qabashada hogaanka Maamulka Jubaland. Waxaa sidoo kale Mr. Madoobe uu taageero ku raadinaya Ciidanka Xooga, kuwaasi oo ku dheera geliyo sidii Al Shabaab ay uga saari la haayeen Deganada Maamulkiisa. Waxaa waxyaabaha uu doonayo in uu Kambeynkiisa xiga uu ku kalo, sida laga soo xigtay Siyaasiin falanqeeyay Arimaha Soomaaliya iyo Gobolka. “Hadii Axmed Madoobe uu gacanta Maamulka Jubaland ku soo celiyo Degaanada Al Shabaab, taasi waxey keeneysaa in uu taageero xoogan uu helo, uu ku gelo Kambeynkiisa doorasho ee soo socda”, sidaasi waxaa yiri Prof. Xasan Sheekh Ali oo Xiriirka Caalamiga, Siyaasiyada iyo Diblomaasiyada ka dhiga Jaamacadaha Muqdisho iyo Simad. Mar la weydiiyay Prof. Xasan, guulaha Axmed Madoobe, ayaa waxuu ku jawaabay sida adkeynta Amaanka Magaalada Kismaayo iyo kordhinta arimaha ganacsiga iyo Fursado kale uu sheegay in uu siiyay Shacabka Reer Jubaland. Balse, Mr. Madoobe ayaa muddo xilleedkiisa waxaa uu wajahay eedeymo cuslus sida caburin ka dhan ah Siyaasiyiin aan ku fekerka aheyn Siyaasada uu ku hogaamiyo Maamulka Jubaland, sida uu sheegay Prof. Xasan. Shirarka Qarsoon Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa sidoo kale Shirar qaarsoon Nabadoon iyo Siyaasiin siyaabo kala duwan ugula yeeshay Aqalkiisa iyo Dalka Kenya, si uu markale u soo noqdo. Kulamadan qaarkood ayaa waxey dhaceen bartamaha Bishii December ee Sanadkii la soo dhaafay. Waxaa Axmed Madoobe uu si qarsoodi ah Odayaal ugula kulmay Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya kuwaasi oo kala hadlay sidii ay garab u siin la haayeen doorashada soo socota. Waxaa dadkii uu la kulmay sidoo kale ka mid ahaa labo Siyaasi oo caan ah kuwaasi oo laga soo doorto inta badan Magaalada Gaarisa. Labadan Siyaasi ayaa dhankooda si qarsoodi ah kulamo ula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xaliyo xiisada siyaasideed ee ka dhex aloosan Dowladda Dhexe iyo Maamulka Jubaland. Waxaa la shaaciyay in labadan Siyaasi ay ka dalbadeen in Madaxweyne Farmaajo uu taageero u muujiyo hogaamiyo Axmed Madoobe. Intaas kadib, waxaa Kulamo waji ka waji ah yeeshay Hogaamiyaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Farmaajo, kadib markii ay isku arkeen ka qeyb galka Caleemo saarkii Madaxweynaha Jublanad Saciid Cabdullahi Dani, Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay daqliga Xukuumadda Muqdisho ay u qoondeysay Maamul Goboleedyada, balse Xukkuumadda Muqdisho ayaa sanadkii la soo dhaafay ugu deeqday Maamulka Jubaland lacag dhan $250,000, kadib fatahaadihii Wabiga Juba. Xukuumadda Muqdisho ayaa u muuqata mid marwaliba ku howlan sidii loo qancin la haa Maamul Goboleedyda ka dhisan Dalka Soomaaliya. Xiiso Ballaaran Waxaa hubaal ah in Hogaamiye Axmed Madoobe uu walaac ka qabo Siyaasadda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, kadib markii doorashadii Koonfur Galbeed uu ku soo baxay Cabdicasiis Laftagareen, kaasi oo la aaminsan yahay in ay wateen Madaxda Dalka. Madaxda Dalka ayaa loo arkaa in ay wadaan qorshe ku aadan in Madaxda Maamul Goboleedyada ay ka wada dhigaan kuwa taageersan Siyaasada Nabad iyo Nolol, si ay ugu fududaato doorashada 2020-ka. Soomaali badan ayaa aaminsan in doorashada Maamulka Jubaland ay tahay mid xiiso ka xiiso badan doorashooyinka kale ee Maamulada Dalka, maadaama ay jiraan Wadamo reer galbeed ah oo doonaya in wax soo saar ay ka sameeyaan Degaanada Maamulka Jubaland, saameyn muuqatana ay ku yeeshaan doorashada soo socota. Siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa intooda badan ah kuwa door weyn ku yeesha doorashooyinka, iyagoo doonaya in loo fulo danooyinkooda gaarka ah. Gobolada qaar ee Soomaaliya sida Jubaland ayaa waxaa isku haya Dowladdo Reer Galbeed ah sida kuwa ugu Khubadaha weyn ee Mareykanka iyo kuwa kale oo ku yaala Yurub, kuwaasi oo loo arko in ay doonayaan in ay saameyn ku yeeshaan doorashada soo socota ee la filayo in lagu qabto Magaalada Kismaayo. Soomaaliya ayaa qani ku ah sida shidaalka, Kaluumeysiga iyo kheyraadka kale kuwaasi oo Dalalkeedka Reer Galbeedka ay aad u daneeyaan in mar un ay gacanta ku dhigaan Maamulkooda, si halkaasi ay dhaqaalo badan uga sameeyaan. Waxaa turjumay Abdirisak Mohamud Tuuryare
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo dhowaan ka ballan-qaaday ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed inuu wada-shaqeyn la yeelan dowladda Soomaaliya ayaa u muuqda inuu is-beddelay markii uu Somaliland ku laabtay. Muuse Biixi oo laga rajeynayo inuu ka shaqeeyo isku soo dhowaanshaha labada dhinac, ayaa taa beddelkeeda weerar culus ku qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Madaxweyne Biixi ayaa ugu horeyn sheegay in kala duwanaansho uu ka jiro dastuurka u degsan Somaliland iyo dastuurka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in kala duwanaanshahaasi uu horseedi karo in waxyaabaha qaar aysan dhaqan gelin. Ugu horeyn wuxuu sheegay in Dastuurka Somaliland uu dhigayo marka ay dowlad ama gobol kale ku biirayaan in shacabka ay u codeeyaan, sidaasi si lamid ahna madaxweynaha ay shacabka soo doortaan. Mar uu ka hadlay Dastuurka Soomaaliya ayuu sheegay inuu yahay mid KMG ah islamarkaana madaxda Soomaaliya aysanba ku dhaqmin, sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Biixi. Wuxuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu sameeyo wuxuu doono marka uu waagu baryo, balse Somaliland Dastuurka laga tixgeliyo, sida uu sheegay. Waxaa uu sheegay in Somaliland ay soo dhaweynayso Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, islamarkaana ay kala tashan doonaan shacabka degaanada Somaliland. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/cod-1-somaliland-.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  11. Haweenku waxaa ay nolosha aadanaha ka yihiin laf-dhabar weyn oo ay ku tirsantahay, iyadoo aan ogsoonahay sida uu alle (SWT) uu ugu tilmaamay qur’aankiisa, Nabigeenanna (NNKH) uu uga dardaarmay marar badan oon la soo koobi Karin xaquuqda ay leeyihiin haweenka oo ay siisay diinteenna islaamka, ayadoo ay sii dheertahay xaquuqaha gaar ah ee wadan walba oo caalamka ku yaal uu siiyo dumarkiisa. Soomaaliya waa dal muslim ah dadkiisuna ay yihiim muslimiin sunni ah, waxaana ay haweenka yihiin laf dhabarta bulshadda, iyagoo ka qeyb qaata nolosha qoyska, tan dadka kale iyo waajibaadka guud ee ka saaran dalka, tiiyoo ay sii dheertahay shaqooyinkooda gaarka ah. Hasayeeshee waxaa ay la kulmaan xad-gudubyo ka dhan ah diinteena suuban ee islaamka iyo tan xaquuqda aadanaha. Dhibaatooyinka loo geysto haweenka soomaaliyeed ayaa soo kordhay, waxaana xad-gudubyadda ugu badan ee ay la kulmaan dumarka soomaaliyeed ka mid ah, Kufsiga, dhaca, dilalka iyo waxyaabo kale oo lagula kaco haweenka haba ugu darnaadeen xad-gudubyada kufsiga. Kumanaan ka mid ah dumarka soomaaliyeed ayaa la kulma xad-gudubyada jinsiga ee loo geysto, iyagoo xitta mararka qaar ay naftooda ku waayaa, sida ku dhacday Caaisha Ilyaas Aadan iyo dumar kale oo soomaaliyeed. Hasayeeshee sheekada Caaisha waa mid ka duwan kana murugo badan dhacddoyinka kusiga ah ee ay la kulmaan haweenka soomaaliyeed. Caaisha Ilyaas Aadan, waxay ka mid aheyd ilmaha qoys leh sideen caruur ah da’deedu waxay aheyd 12 sanno jir, waxayna dhiganeysay fasalka lixaad ee dugsiga hoose Iskuul ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Caaisha waxay aheyd gabar da’yar, qurux badan ubax iyo mustqbal ifaya, hasayeeshee waxaa mustaqbalkeeda soo afjaray dhagar-qabayaal aan tiradooda la shaacin, kuwaasi oo kufsaday kadiba dilay Caaisha. Qoyskeeda ayaa waayay Caaisha, kadib markii maalintii axadda aheyd ay adeeg uga dirsadeen suuq hilika lagu iibiyo oon ka fogeyn gurigooda, saacaddo orod iyo baadi-goob ah waxaa dhacay gabalkii, habeenkii oo dhan hurdo maladin qoyska Caaisha waxayna u heyd murugo qof kasta oo qoyska ka tirsan gaar ahaan hooyada dhashay oo aan habeenkaasi ladin hurdo is kabadaaye aan xittaa wax cunin, ‘alla nugulaa beer wax dhalay’. Murugaddu way badan tahay rajaduna waa ay yartahay, waagii ayaa baryay dadkii dariska ahaa ayaa ka soo wardoonay reerka Caaisha bal in la helay gabadhii iyo inkale. balse waxaaba la arkay meydkeeda oo ay ka muuqdaan dhabarro arxan daran oo la soo dhigay gurigeeda meel u dhaw. Layaab iyo amakaag ayay ku noqotay dadkii oo dhan, iskabadaa qoyskeeda waxaa ka xumaaday qof kasta oo leh damiir soomaalinimo, waxaana la geeyay isbitaalka si loo baaro meydka gabadha, way u muuqatay qof kasta oo arkay in gabadhaan yar loo geystay dhibaato culus, dhaqaatiiruna waxaa ay sheegeen in la kufsaday gabadha yar kadibna si arxan daran loo dilay, ‘Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun’. Kuma cusba Soomaalida dhexdeeda kufsiga laakin arrinta layaabka leh ayaa noqotay dilka iyo kufsiga loo gaystay gabdhaan da’da yar, taasi oo ka yaabisay qof kasta oo ka danqanaya dhibaatada lagu hayo haweenka soomaaliyeed. Majirto cid loo soo qabtay mas’uuliyadda dhibka loo geystay Caaisha, hasayeeshee laamaha amaanka Magaaladda Gaalkacyo ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan dadkii ka danbeeyay falkaan foosha xun ee loo geystay gabdhaan soomaaliyeed. Kumanaan soomaali ah oo ka xumaaday dhacdadaan ayaa ka falceliyay falka foosha xun ee loo geystay Caaisha, iyagoo baraha bulshada soo bandhigay sawiiradeeda oo ay ku qoranyihiin, ‘ Caaisho Caddaalad bey Rabtaa’. Hasayeeshee waxaan la ogeyn sida ay Caaisha iyo gabdhaha kale ee la mid ah ay caddaalad u heli doonaan. Qoysas iyo gabdho badan oo soomaaliyeed oo dhibanayaal u noqoday dhacdooyinkaan iyo kuwa kale oo la mid ah ayaan wali helin caddaalad, waxaana ka mid ah sababha ugu badan ee ay caddaaladda ku wayaan, Tabar yarida dumarka, baxsashada danbiilayaasha oo aysan jiran cid xil iska saarta, hanjabaado ay la kulmaan, la’aanta maxkamaddo si gooniya u dhageysta kiisaskooda, iyo cabsi ay ka qabaan bulshada, ayadoo qaarkood kiisaskooda lagu xaliyo hab dhaqameed ay soomaalidu isticmaasho, kaasi oo meesha ka saara ciqaata danbiilayaasha. Xad-gudubya badan ayaa loogaystaa dumarka Soomaaliyeed haba ugu darnaado kufsigee, waxaana sababaha ugu badan ee loo tiiriiyo dhibaatooyinka kusiga ka mida, Colaadaha, nuglaanta dumarka, wacyi-galin la’aanta bulshada iyo kuwa kale. Dumarka la kulma tacadiyadda kufsiga waxaa soo foodsaara dhaibaatooyin badan, haba ugu darnaadeen xanuunada iyo cudurada ay kaqaadaan kufsiga taasi oo raad ku reebta noloshooda, waxaana intaa sii dheer dhibaatooyinka jir ahaaneed, midda maskaxiyan soogaarta, mustaqbalkooda oo mugdi gala iyo bulshada qaar oo ay takoor kala kulmaan. Qoys iyo qofba waxaan wada ogsoonahay kaalinta ay dumarku naga mudanyihiin, hooyo, marwo iyo gabar nuucey doonto ha ahaatee, waxaan kaloo ogsoonahay in dhaqanka soomaaliyeed ay meel wacan uga jiraan, Fadlan ilaali xaquuqda dumarka’. Qoraalkaan waxaan u hibeeyay Caaisha Ilyaas Aadan, waxaana reerkeeda uga tacsiyeynayaa geerida gabadhooda waxaana lee yahay dhamaanteen ‘samir iyo iimaan allaha naga siiyo’. W/Q: Ahmed Nor Mohamed Hassan (Ahmed-Nor Sudani)
  12. In the last week, Kenya surprisingly seem to have heavily adopted a Machiavellian foreign relation that a state touching once own should be considered as one to be subdued. Kenya is currently embroiled in a bitter diplomatic fallout with the Republic of Somalia over maritime territorial border on the Indian Ocean, accusing Somalia of auctioning oil blocs to prospective bidders on a disputed territory. Kenya went ahead recalling its ambassador for further consultation which was in order but erred in sending the Somalia ambassador to Kenya back to his home country – a hostile gesture used to demonstrate intent of a country to scale down diplomatic relations with the other. That was not all, Kenya issued a strongly worded statement lacking the magnanimity of diplomacy and friendly relations, threatening to defend its territorial integrity at all cost saying it considers those involved directly and indirectly in the oil bloc auction on its borders as enemies of the State and adversaries of the Kenyan people. More shocking, these harsh words depicting drums of war are coming out despite the fact that this territorial dispute is already before an international arbiter, the International Criminal Justice. In the same Machiavellian foreign relation script, Kenya seem to have also adopted the concept Nixon and Kissinger perfectly executed with China against Soviet Union that a distant state that borders the “enemy” should be considered a friend. Kenya is set to open a diplomatic office in Hargeisa the capital of break-away Somaliland – which Somalia has vehemently rejected its call for independence and international recognition, a move that undermines Republic of Somalia’s one Somalia policy. It is not the first time that Kenya finds itself in a territorial dispute, it already has one with Uganda over Migingo island on Lake Victoria and South Sudan over the Elmi triangle but has chosen to use peaceful and diplomatic dispute resolution. So why has Kenya surprisingly chosen to go wildly combative and confrontational in the case of Somalia?? In 1954, the term “blowback” was first used by CIA in a report about the agency’s secret involvement the previous year in replacing Mohammed Mossadegh with Reza Shah Pahlavi as the leader of Iran. The word refers to the unintended consequences of a covert action that ultimately undercuts the effort’s intent – an eventuality that came to pass in Iran when hostility towards the Shah regime led to Ayatollah Khomeini’s revolution. To this day, the US is paying a steep price for its role in trying to manipulate Iran affairs more than five years ago. It’s this kind of blowback price that awaits Kenya for courting hostilities with Somalia and failing to analyze the sensitivity needed to handle this territorial dispute. In their book “Inside Al-Shabaab” Harun Maruf and Dan Joseph quote French analyst Roland Marchal that Ethiopia’s major blunder was the failure to analyze its historical tension with Somalia stemming from differences over territory, resources and regional power when it went into to stabilize Somalia in 2007. Their presence was a provocation to locals who many believed were just scheming to take over the country playing into Islamist hands who saw an opportunity to plant seeds of suspicion and distrust in the locals by playing those fears and called on Somali people to fight forces that want to change the map of Somalia. Many Somalis even in the diaspora closed ranks with the Islamic militant making Al Shabaab a powerful militant movement. Kenyan has its soldiers in Somalia and such aggression is likely to provoke emotions of local perceiving them as occupational forces, a blow back to stabilizing Somalia, stemming Islamic radical extremism and securing regional stability. The long-term interest of Kenya lies in having the Republic Somalia as a friendly neighbour and at the same time act as one just as it relates with its other neighbours because history explicitly has it that it’s costly to be a hostile neighbour. Source: Business Daily Africa
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa khilaaf aan jirin oo baraha bulshada lagu baahiyey inuu u dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Dadka faafinaya warkan ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyay waxay wadeen olole ka dhan ah Ra’iisul waasare Xasan Cali Khayre, oo lagu eedeynayay in uu madaxweynaha khiyaamay, isla markaana uu doonayo inuu madaxweyne isku sharraxo 2020-ka. Xog aan helnay ayaa sheegeysa in ololaha ay horboodayaan siyaasiyiin iyo ganacsato ay isku heyb yihiin madaxweynaha oo aan la dhacsaneyn awoodda shaqo ee badan ee uu Farmoojo siiyay Ra’iisul Wasaarihiisa, marka ay timaado maamulka hay’adaha dowladda. Siyaasiyiintan iyo ganacsatadan ayaa u arka, maadaama ay madaxweynaha ku beel yihiin, in ay xaq u leeyihiin helidda qandaraasyo waa weyn oo la filayo in ay dowladdu bixiso, taasi oo ra’iisul wasaaraha aanu ku raacsaneyn, islamarkaana uu doonayo in loo maro nidaam sharci ah. Caasimada Online ayaa la socotay kulamo is daba-joog ah oo siyaasiyiintan ganacsatada ah la yeesheen madaxweynaha, kuna wargeliyeen in aysan aqbali karin sida uu ra’iisl wasaaruhu u qoondeeyay in loo bixiyo qandaraasyada oo ku saleysan mid daah-furan. Ra’iisul wasaaraha ayaa toddobaadkii hore soo saaray wareegto uu ku sheegay in aysan jirin hay’ad ama wasaarad iskeed qandaraas u bixin karta iyada oo aan la soo marin golaha wasiirrada iyo hay’adaha ay khuseyso. Wareegtadan ayaa ahayd dhammaadka wadahadal ay ganacsatada madaxweynaha la heybta ah ay ka qabeen in Khayre lagu qanciyo. Siyaasiyiintaan ayaa kaidb ololahaan u qaaday in ay ra’iislu wasaaraha cadaadis ku saaraan iyaga oo kaashanaya warbaahin ay lacago siiyeen iyo baraha bulshada, si ra’iisul wasaaraha loo cabsi geliyo. Si kastaba, Kheyre ayaa taagero weyn ka helay Soomaalida, gaar ahana dadka adeegsada baraha bulshada, oo xitaa kuwa horey u mucaaradsanaa ay taageereen, markii ay dareemeen in waxyaabaha lagu eedeynayo xittaa haddii ay sax yihiin ee ah “hami siyaasadeed” aysan waxba ku jabneyn. Caaismada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Wasiirka Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Dowladda Puntland ayaa shaacisay xilliga la soo dhisayo gollaha degaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa lagu wargeliyay maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo iyo dhammaan nabaddoonada gobolka in ay u diyaar-garooban dhismaha gollah degaanka Gaalkacyo. Wasaaradda ayaa sheegtay in 25-ka Maarso ee sannadkan 2019 ay u qorshaysay dhismaha gollaha degaanka Gaalkacyo waxaana ay maamulka iyo dhaqanka degmadaasi ku wargelisay in ay sii diyaariyan xubnihii beelaha u mateli lahaa gollaha ka hor 25/3/2019. PUNTLAND POST The post Puntland: Gaalkacyo maamul cusub loo dhisayo appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnamijka Qubnaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar____Qubanaha-250219.mp3 View the full article
  16. Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa sheegay in 24-kii bishan ay duqeyn ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen meel 23 mile u jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay 35 ka mid ah maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, ayada oo wax khasaare ah aysan kasoo gaarin shacabka. Mareykanka ayaa sheegay in weerarkan lala helay koox mintidiin ah oo Shabaab ka tirsan xilli ay isaga gudbiyeen laba deegaan oo baadiye ah oo ku yaalla gobolka Hiiraan. “Weerarkaas waxa uu ka hor-tagay halis ku wajahneyd saaxiibadeenna iyo shacabka Soomaaliyeed, ka hor inta Al-Shabaab aysan awood u yeelan inay is abaabusho” ” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Maj. Gen. Gregg Olson oo ah agaasimaha howlgallada AFRICOM. “Waxaan sii wadi doonnaa inaan taageerno saaxiibadeenna Soomaaliiya, gaar ahaan marka howl-galladooda ay na siiyana fursad aan dagaalka ugu billowno Al-Shabaab, taasi oo qeyb ka ah xeeladdeena” ayuu yiri. VOA
  17. Madaxweynaha dowladda Puntlans Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa ka tacsiyeeyay geerida Caa’isha Ilyaas Aadan oo si arxan-darraa looogu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa tacsi loogu diray dhammaan shacab weynaha Soomaaliyeed gaar ahaanna eheladii qaraaabadii iyo qoyskii ay ka baxday Caa’isha. Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku amray hay’adaha amniga in ay si deg deg ah uga hawlgalaan baarista dilka marxuumadda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo amray in baaritan deg deg ah lagu sameeyo dilka Caa’isha appeared first on Puntland Post.
  18. Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa soo saartay warghalin ku socota maamulka gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo, wargalintaas oo ku saabsan in lasoo dhiso golaha deegaanka [...] Source
  19. Muqdisho (SMN) – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa xaqiijiyay in diyaaradahooda ay fuliyeen duqeyntii xalay ka dhacday degaanka Hees oo 28 mile dhinaca barri uga aadan magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan. AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkaasi cirka ah ay la beegsadeen dagaalamayaal ka tirsan Shabaab oo ku socdaalayey tuulooyinka miyiga ah, ayna ku dileen 35 xubnood, sida ku cad war-saxaafadeedka. “Illaa iyo haatan waxaan xaqiijin karnaa inaanu jirin waxyeelo dad shacab ah kasoo gaartay howlgalkaasi,” ayaa lagu yiri bayaanka. Ma jiro jawaab oo ku saabsan sheegashada dowladda Mareykanka oo kasoo baxay dhanka xarakada Al-Shabaab. Axadii ayey aheyd markii Mareykanka uu sheegtay in labo xubnood oo Al-Shabaab ah uu ku dilay kadib afar duqeymo oo uu ka geystay degaanada Awdheegle, Janaale iyo Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose. View the full article