Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qorsheynaya inuu isku diyaariyo safarkiisii ugu horeeyay ee uu kaga dhaqaaqayo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu katagayo magaalada Garowe marka uu ku dhawaaqo golaha wasiirada maamulka Puntland, isaga oo kadib safar u dhaqaaqaya. Safarkiisa ugu horeeya ee uu kaga tagayo magaalada Garowe ayaa la sheegay inuu ku aadi doono magaalada Boosaaso ee gobolka Bari oo xaalado amni ay kusoo kordheen tan iyo markuu xilka qabtay. Wararka ayaa intaa ku daraya in ujeedada madaxweyne Deni u tagayo magaalada Boosaaso ay tahay inuu isbadal weyn ku sameeyo laamaha amaanka ee gobolka Bari iyo kan magaalada Boosaaso. Boosaaso waxaa ka dhacay dil ay sheegteen masuuiyadiisa Al Shabaab kaasi oo lala eegtay sarkaal sare oo ka tirsan Shirkadda DP World, kaasi oo kasoo jeeda Jazeerada Malta ee dalka Talyaaniga. Madaxweynaha ayaa waxaa la qorsheynayaa inay horey u raacaan qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada, waxaana wasiirada shaqada ugu horeyso ay ka bilaabi doonaan magaalada Boosaaso, sida xogta aan ku heleyno. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed(Laftagareen). Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed(Laftagareen) ayaa sidoo kale shalay waxaa qado sharaf u sameeyay Xildhibaanada labada aqal ee DFS kuwooda kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed. Xildhibaanada iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed ayaa iska xog waraystay xaalladda guud ee deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo Xildhibaanada u sheegay in la joogo xilligii loo midoobi lahaa wax u qabashada bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed(Laftagareen) ayaa labadii bishan soo gaaray Magaalada Muqdisho. The post Khayre Oo kulan la qaatay Madaxweynaha K/ Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Afgooye (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn dhinaca cirka ah oo ay shalay ka fulisay deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose. War ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xarumo Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaankaasi. AFRICOM ayaa shaacisay in duqeyntan ay lagu dilay xubno ka tirsanaa Al Shabaab, walow aysan shaacin tiradooda. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in weerarkan ay ku gacan siiyeen Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar madaafiic ah oo Al Shabaab xalay ay ku qaadeen deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarkan ayaa waxaa Al Shabaab ay sheegeen in ay ku dileen illaa lix askari oo ka tirsanaa Ciidanka Jubbaland, kuna dhaawaceen ku dhawaad 10 kale. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya duleedka Kismaayo, gaar ahaan saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin halkaasi. The post Mareykanka Oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa aad looga dareemayaa xiisad siyaasadeed ka dhex taagan baarlamaanka maamulka Hirshabelle iyo sidoo kale madaxda sare ee maamulkaasi. Wararkii ugu dambeeyey ee aan helnay waxay sheegayaan in xildhibaannada qaar ee Hirshabelle ay doonayaan iney ku kulmaan xaruntaada Jowhar inkastoo laga baqayo in hadane ay ciidamo halkaasi ka hor istaagaan. Kulan ay shalay yeelan lahaayeen xildhibaannada Hirshabelle waxaa ka horyimid ciidamo la sheegay in dhanka madaxtooyada Jowhar laga soo diray. Xildhibaannada qaar ayaa ku doodaya in madaxda sare ee Hirshabelle ay lunsadeen lacago iyaga ay mushaar ahaan u lahaayeen, inkastoo madaxweyne Waare uu sheegay in xildhibaannada ay so joogta ah mushaarkooda u heleen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. . Sidii Qaranka looga dhitaystay Muuse Bixii Ummada ka qarin kari waa? Nin la odhan jiray Bulaale Baarjeex waxa laga haya laga reebay hadda” inaagu gob” Markaa hada waxay leedahay “ileen annagu Gob” Xukumada UDUB ee Madaxweyne uu ka ahaa Md Daahir Riyaale Kaahin Habka Qabiil lagaga Tuuray Xukunka Dalka, ,Maanta marka loo eego waxa ku soo baxay Xukumadii hore ee Kulmiye Axmed Siilanyo uu ka ha Madaxweynaha. Waa tii Xukumadii Kulmiye hore ay odhan jireen Ummadanna in badan ugu soo cel celin jireen Xukumadii Udub ayaa Qaranka Oodaha u sii rogtay. Qasnadii qaranku waa haawaneysa , alla yaa ku soo yara celiya siddii Xabashi Dalka hogaankiisa ay ka tureen ayeey labbad qawlal xunbada ka tuuri jireen marka ay ka hadlayaan Xukumadii Daahir Riyaale kaahin Xitta waa la yidhaahda iminka ka yara da,yaa iyo wax u dhow ee ilaa hadda ayey sii hibtaan hadda iyagaan “ Haan-gun la,aa Qaranka ugaga taggey hadha cad na waa Muuse yidhi ma Qarin karro ? Tolow iyagoo isku Kulmiye maxa sababay inay Oodaha isugu sii rogaan? Yaab iyo Ama-kaag uun weeye waxa kuu soo baxaya. Muuse bixi haddii uu 80 million kaliya sheegay waa uu Xishooday ayaan filaya waanna u tudhay Xukumadii tagtay inkasto laga yaabo in wax kale waa soo bixi karaan. Waxa siddo kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Bixi waxay Ummadu uga fadhida inuu ka Tuhun-saaro dhowr hal-bowl oo ka mid ah ilaha dhaqaalah Dalka oo si gacmo hoos u dhiqid ah loo wareejiyay Shirkada laga leeyahya Emaradka carabta iyo Dawlad Emaaradka laftigeeda ba ummada na loogu sheegay in Bilaashiyo ,waxa aan suuro-nimadedu ay adag tahay markii loo soo bandhigayey bixintooda oo ay ka mid yihiin Garoonka Diyaradaha ee Berbera iyo Dekedda Berbera oo labbada Goobood ba Ummad ka daadegi la,aa ilaa iyo Maalintii wareejintooda go,aanka laga gaadhay. Waxaa marag ma doon in dhamaan waxyaabihi la laha bixinta labadda bog-cadood ee muhimka ayeynu dhaafsaneyna aan wali wax ka suuro-galay aaney jirin iminkan arinku u sansaan eeg yahya dhabbanno hays iyo af kala qaad . Ummada waxa in badan oo ka mid ahi ay rumeysan tahay in Danaha Shikhsiyaad lagga fuudh yeelay. Wali ay jirto inay gacan mug leh oo Dhaqaale ka soo gasho Raggii Hormuudka ka ahaa, iyaddo Ummadu aanay marnaba ka soo hor-jeedin Maal-gashiga Xalalsha ah ee ay ka fog tahay mad-madowga iyo gacmo go,oo lagu qariyo . Waa ogyahay Qofkii Dameer iyo Dadnimo ku danbaysa inaan Xukumadii Axmed Siilaanyo iyo 5tii Wasiir ee Adeerada u ahaa maha Qaranka u dhayin ee ay ka soo dal-daloliyeen. Odaya kale Xajji canfareed la odhan iiray waxa laga reebay Ninkagga waramaya Adigga iyo Joogaagu war-ma isu heysaan. Kulmiye iyo Dilaalintoodii Xukumadii hore Siillanyo in badan ayaanu ku nidhi warka aad dudubinaysaan armee Adeerayaalow hadhow wax ka soo noqdaan. War ka soo noqoy ee maxay odhanayaan Run sheegayaashi reer Kulmiye ? Sidda aan ku Aqaanay idho adeygood waa hadlayaan. Maxay ku hadli oo ay ka taggeen. La garanmaayo waxa aan ahayn is-difaacidii beenta aheyd. Halkaana ragu baa Kaadhku kagga gubtay. Ma jirto ayaan filaya inay xita ka soo xaadirayaan Shirka Golaha Dhexe ee Xisbigii Kulmiye ee laha waxa uu wan soomaya 23 Bisha labaad ee Sanadkan. (AHU )Cali dhuux Aadan waxa laga guntay meeriyo ay ka mid ahayeen mar uu la hadlayey sidda Isaaqu u ugu sibir dhaqaaqo wax aanu aad uga baaran degin . *Idoor sal-fuududa waxa uu sugaayo muu dhowro. *Waa soo socdaan Xeedhiyhi saabka loo tolaye. Iminka waxa aynu ku badeli Idoor sal-fududa muu sugo inta ay runta soo bixi? Marka waxa aan ku soo Gunaanadaya guntii iyo gabo-gabadii Siddii Qaranka looga dhiteystay Muuse Bixii Ummada ka qarin karri waa ! Warkii jira Cakaaru iman. Abokor I Mohamud. Bolton Uk Waa Billahi Towfiiq. Qaran News
  6. Hargeysa (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Xisbiga Wadani C/llaahi Maxamed Ciro ayaa ka hadlay xaaladda dhaqaalaha ee Somaliland iyo dhaqaalaha badan ee deyn ahaan loo geliyay Somaliland. C/raxmaan Cirro ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ee hadda talada haysa aysan waxba ka qaban waxyaabaha Shacabka Somaliland ka faliyeen inay qabato, isaga oo sheegay in Muuse Biixi uu ku fashilmay u adeegidda dadweynaha. “Madaxweynaha waxa laga filayay iyo waxyaabaha uu dadweynuhu u balan qaaday waa ku fashilmay, arrimaha dibadda, dib u heshiisiinta iyo dhaqaalaha waxba kama qaban madaxweynuhu”.ayuu yiri Ciro. Sidoo kale C/raxmaan Cirro ayaa soo hadal qaaday dhaqaalaha badan ee deynta ah, isaga oo sheegay in lacagtaasi horey ay xog ahaan u hayeen dadweynaha Somaliland, balse hadda ay banaanka timid waxii muddo la qariyaba. “Shacbiga intaa wey hadal hayeen, deynta 80 Milyan ee lagu wareejiyay madaxweyne Muuse Biixi, deyn la qariyay bey aheyd, sabab shacbiga looga qariyay ma garanayo, arintaasi Alle ayaa kashifay baan isleeyahay waxii shacabka sheegayay baa soo baxay”. Ugu dambeyn hogaamiyaha Wadani ayaa sheegay in xukuumadda uu ugu baaqayo inay banaanka keento cadeymaha muujinaya sida deyntaa badan ay u gashay xukuumadii Siilaanyo. “Xukuumada waxaan ugu baaqayaa siduu shacabka u deymoobay loo sheegay, warbixin buuxdana shacabka laga siiyo deyntaa iyo sidey shacabka deyntaa ku gashay iyo waxyaabaha loo qabtay”ayuu yiri C/raxmaan Cirro. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@Live.com
  7. Bruseless (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga ah iyo horumarinta ee Midowga Yurub Mudane Stefano Manservisi ayaa sheegay in qorshaha Maamulka Gobolka ee sanadkan uu yahay hirgelinta mashaariic lagu horumarinayo Caasimadda iyo sidii xal-waara loogu heli lahaa Barakacayaasha. Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey dadaalka ay ugu jiraan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan dib u dhiska Caasimadda iyo kaalin in ay ka qaataan dalalka iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya. Eng.Yarisow oo uga warbixiyey Stefano horumarka ka socda Gobolka Banaadir iyo Barnaamijka Isxilqaan ee shacabku ay dalkooda dib ugu dhisayaan ayaa la wadaagay qorsheyaal horumarineed oo ay muhiim tahay in ay ku gacansiiyaan Maamulka Gobolka. Agaasimaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga ah iyo Horumarinta Midowga Yurub oo bartiisa Twitterka qoraalka kooban soo dhigay kulanka kadib, ayaa tilmaamay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay taageerada horumarinta Caasimadda. The post Duqa Muqdisho oo la kulmay Agaasimaha Midowga Yurub appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-060219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay sida ay u arkaan go’aankii dhowaan kasoo baxay maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ah in aan la aqbli doonin hub sharci darro ah lagu haysto magaalada Muqdisho. Waxa ay shegeen in dowladda ay uga fahdiyaan iney uruuriso dhammaan hubka sharci darrada ah si loo sugo amniga magaalada. Dowladda ayeey sheegeen in loo baahan yahay iney dhaqangeliso ammarka maxkamadda ciidamada islamarkaana lasoo uruuriyo hubka magaalada yaalla. halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Waxaa maanta oo Arbaca ah dib u biloowday qaadaahada Baasaboorka Soomaaliga ah oo muddo ku dhow 3 bilood xanibnaa. Wasaarada duulista hawada iyo jinsiyada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u biloowday bixinta iyo cusbooneeysiinta baasaboorka Soomaaliga. Ila lagu kalsoonaan karo ayaa waxa ay sheegayaan in heshiiska qandaraaska shirkada sameeyneeysay Basaboorka Soomaaliya ee laga leeyahay dalka Iimaaraadka la cusbooneeysiisay kadib markii dalkaasi uu tagay wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale. Dhibaato badan ayaa baryihii ugu dambeeysay waxaa shacabka Soomaaliyeed ay kala kulmayeen hakadka ku jira sameeynta Baasaboorka Soomaaliya dad badan oo arimo caafimaad doonayay in ay ugu aadaan dalka dibadiisa ayaa xanibnaa. Dowlada Soomaaliya ayaa shirkad laga leeyahay iskutaga Imaaraadka Carabta qandaraaa kula jirto sidii ay u sameeyn laheyd Baasaboorka Soomaaliga ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo dib u biloowday appeared first on Puntland Post.
  11. Taliska ciidanka Maraykanka ee qaaradda Africa ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey duqeyn ay diyaaradahooda ka fuliyeen gobolka Shabellaha Hoose. Qoraal kooban oo taliskan kasoo baxay ayaa lagu sheegay in duqeyntan oo dhacday Shantii bishan (shalay) lagu qaaday saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Leego ee gobolkaasi. Maraykanka wuxuu sheegay in duqeyntaasi lagu burburiyey saldhigyo muhiim u ah Al-shabaab iyo gaadiid dagaal. Lama sheegin khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeyntan, hase yeeshee taliska Maraykanka ee Africa ayaa sheegay in mar walbo ay ilaaliyaan waxyeello in aanay soo gaarin dadka rayidka ah. Sanadkan 2019, dowladda Maraykanka ayaa kordhisay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ka fuliyaan goobaha ay dalka kaga sugan yihiin Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (PP) ─ Guddiga kheyraadka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka – Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa ka hor-yimid shirka shidaalka Somalia ee London ka furmaya maalinta berri ah oo ay bishaan ku beegan tahay toddoba. Guddoomiyaha Guddigan, Ilyaas Cali Xasan ayaa war kasoo baxay xafiiskiisa ku sheegay in shirkan uu yahay sharci-darro, isla markaana Somalia aysan qaban karin shir noocan oo kale ah illaa inta laga ansixiyo sharciga shidaalka dalka. Sidoo kale, waxaa shirkan kasoo horjeestay xisbiyada mucaaradka ah ee ka jira dalka, kuwaasoo uu ka mid yahay xisbiga WADAJIR oo uu hoggaaminayo C/raxmaan C/shakuur Warsame, iyagoo ku tilmaamay shirka mid la doonayo in lagu xaraasho shidaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn, Shirkan ayay Dowladda Soomaaliya sheegtay inuu yahay mid lagu beec-geynayo shidaalka Somalia, waxaana magaalada London ee dalka Britain isugu tagay Soomaali fara badan oo diiddan qabashada shirkan. AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia; PUNTLAND POST The post Aqalka Sare ee Baarlamaanka FS oo ka hor-yimid shirka Shidaalka Somalia ee London appeared first on Puntland Post.
  13. Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo la hadlay Voa-da qeeybta dibadaha la hadasha ayaa sheegay in dhowaan safiir cusub ay u soo magacaabi doonaan Soomaaliya. Antonio ayaa sheegay in madaxda Soomaalida uu ka hadlay sidii uu u soo magacaabi lahaa safiir cusub oo Soomaaliya kadib ceeyrintii safiirkii hore Nicklos Haysam. Antonio Guterrea ayaa ka qeeybgalaya shirka madaxda midowga Afrika oo ka furmaya magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. ” Soomaaliya waxaan la yeelaneeynaa xiriir cusub waxaana ka caawineeynaa la dagaalanka Al-Shabaab hadda Soomaaliya waa ay soo kabaneeysaa waxaana rajeeyneeynaa in deeymaha laga cafiyo” ayuu yiri Antonio guterra xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay. Soomaaliya ayaa dhowaan ceeyrisiyay Nichlos Haysom oo ahaa wakiilkii qaramada Midoobay ee Soomaaliya kadib markii dowladu ay sheegtay in uu ku xadgudbay qaranimada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Qaramada Midoobay oo safiir cusub u soo magacaabeeyso Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (PP) ─ Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta degmada Howlwadaag oo kooxaha argagixisadu ay la beegsadeen Qarax. Guddoomiye Xuseen ayaa sheegay in kooxaha argagixisadu aysan marnaba ka weecin karin bulshada Caasimadda jidka horumarka iyo dib-u-dhiska, isagoo xusay in xarunta degmada Howlwadaag ay dib u bilaabi doonto adeegyadii ay shacabka u haysay. Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay shacabka iyo ganacsatada ku nool degmada Howlwadaag in ay kaalintooda ka qaateen dib u dhiska xarunta degmada. “Waxaan u sheegaynaa kooxaha argagixisada ee beegsanaya xarumaha danta guud iyo goobaha ay shacabka iskugu yimaadaan in marnaba aysan naga weecin doonin jidka horumarka iyo in Caasimaddu ay dib ugu soo noqoto bilicdii lagu yaqaanay”. Sidoo kale Maamulka Degmada Howlwadaag ayaa sheegay in ay ka go’an tahay gaarsiinta shacabka deegaanka adeegyadii kala duwanaa ee laga heli jiray degmada, isla markaana xarunta loo dhisi doono qaab casri ah. Ugu dambeyn, Maalin ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale loo dhigax-dhigay dib u dhiska xarunta degmada Hodan, waxaana xaruumahan xilliyo isku dhaw qaraxyo la beegsatay kooxda Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Xarunta Degmada Hawl-wadaag oo dib-u-dhis lagu sameynayo kaddib Weerarkii Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  15. Jwohar (Caasimada Online) – Xildhibaan Nuur Xaashi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hir-Shabeelle, dhanka kalena ku jira Guddiyada Baarlamaanka Maamulkaas ayaa sheegay in maanta kulan ay lahaayeen ay hor istaageen Ciidamo uu sheegay in uu soo diray Madaxweyne Waare. Askartaan ayuu tilmaamay Xildhibaanka in ay dalbadeen in lagu wareejiyo Furaha Xarunta, Xildhibaanadane ay kala tagaan, sidaasne uu ku amray Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare. Xiisad iyo buuq ka dhashay arrintaan kadib waxaa kusoo baxay Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe oo telefoon kula hadlay Guddoonka Baarlamaanka, askartiina ku amray in ay xarunta isaga tageen sida uu Mustaqbal u sheegay Xildhibaan Nuur Xaashi. Fadhigooda ayuu tilmaamay Xildhibaanka in maanta uu ka baaqday, laguna go’aamin lahaa kulankooda berri oo uu sheegay in uusan hubin qabsoomid iyo dib u dhac toona. Xildhibaan Nuur Xaashi ayaa tallaabadaan ku tilmaamay in Madaxweynaha uu ku tumanayo Dastuurka Hir-Shabeelle, maadaama uu sheegay in iyaga ay doorteen kolkiisii hore. Guddoonka iyo Xildhibaanada ayuu sheegay in laga sugayo go’aanka ay ka qaataan arrintaan oo ah mid ku cusub Hir-Shabeelle sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle wali ma jiro war kasoo baxay oo uu kaga warcelinayo Eedahaan ah in uu Ciidamo u diray Xarunta Baarlamaanka si ay u hor istaagaan fadhigooda. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  16. Gudoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay shirka arimaha shidaalka looga hadlayo ee ka furmaya Magaalada london. CCW ayaa sheegay in shirkaaasi uu yahay mid lagu iibinayo oo lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya. Waxa uu xukuumada ugu baaqay in ay si deg deg ah u joojiso shirkaasi. Hoos ka aqriso waraaxaafadeedka Xisbiga Wadajir. Puntland Post The post Ccw” Xukuumada ha joojiso shirka London ee shidaalka lagu xaraashayo” appeared first on Puntland Post.
  17. Halkan aqriso qeybtii 1-aad Farqiga u dhexeeya shirkadda Schlumberger iyo shirkadaha waaweyn ee shidaalka ayaa ah in Schlumberger ay ka macaashto goobaha dawlad la’aanta. Dhammaan hawlgalladii shirkaddan ee waddamada Libya, Burma, Turkmenistan, Chad iyo Angola waxay dhaliyeen su’aalo fara-badan oo ay ku jiraan xadgudubyo ka dhan ah bani’aadamka oo illaa hadda aan la iska wareysan. Muddadii ay shaqeyneysay Schlumberger weligeed kama xishoon cambaareynta hay’adaha xuquuqda aadanaha, madaxdeeduna marar dhif ah ayey warbaahinta la hadlaan — waana marka ay iyaga dan ugu jirto xogta warbaahinta ay siinayaan. DUMARKA TURKMENISTAN Dukuminti diblomaasiyadeed (diplomatic cable) oo uu qoray danjire hore oo Mareykanka u joogay waddanka Turkmenistan, ayna faafisay shabakadda Wikileaks ayaa lagu arkay dhaqamo la yaab leh oo shaqaalaha Schlumberger ka geysteen dalkaasi. “Schlumberger ayaa kireysatay nin u dhashay Turkmenistan si uu daafaco danaha shirkadda, una dhimo kharashka kaga baxa baadda iyo laaluushka booliska Turkmenistan ka qaadaan shirkadda Schlumberger,” ayuu qoray danjiraha hore. “Waxaa xitaa uu ka caawiyey inay u gooyaan xisaab-xirkii laga rabay inay sameyso shirkadda. Wuxuu kaloo ka badbaadiyey musaafuris shaqaale u shaqeynayey Schlumberger oo lagu heley xadgudub galmo haween u dhashay dalkaasi— oo ah lama taabtaan halis ah.” ayuu sii raaciyay qoraalka warqad-diblomaasiyeedka. Qoraal kale oo loogu talagalay gudaha Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, hase yeeshee lagu qoray wargeysyada ayaa lagu sheegay in shirkadda Schlumberger laga soo xigtay inay sheegtay in “musuqmaasuqa ka jira dalka Turkmenistan uu ka sahlan yahay kan ka jira Kazakhstan iyo Azerbaijan”- oo ay labaduba ka hawlgashay shirkaddan. NIGERIA Schlumberger waxay sheegtay in ay saddex jibaar gaarsiisay kharashka dhanka amniga kaga baxa oo markii hore ahaa 55% miisaaniyadeeda guud eek u baxda shaqada shidaalka ee ay ka wadday dalka Nigeria sababtuna waxay ahayd falal afduub ah oo loo geystay shaqaaleheeda. Taasi micneheedu wuxuu yahay inay kireysatay calooshood u shaqeystayaal hubeysan oo reer Nigeria ah. Sannadkii 2005, Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qirtay in Schlumberger iyo labo shirkadood oo kale: Halliburton iyo Baker-Atlas ay qaab suuq-xirasho (monopoly) ay uga faa’ideen shidaalka Imaaraadka Carabta iyo Kuwait ayna ka qaadeen faa’ido xad-dhaaf ah. DAGAALKII CIRAQ Schlumberger iyo Halliburton waxay xiriir hoose muddo dheer la lahaayeen Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Dick Cheney, iyadoo la sheegay inay ka mid ahaayeen kooxihii u ololeeyay in duullaan lagu qaado Ciraq si looga faa’ideysto kheyraadkeeda shidaalka. Shirkadda Halliburton waxaa la sheegaa in mulkiyadeeda uu leeyahay Cheney. Waxaa la wariyay in dagaalkii Ciraq ay shirkadda Halliburton ka heshey faa’iido dhan $39.5 Billion oo uga soo xarootay adeegyo kala duwan oo ay siineysay ciidamada iyo hay’adaha Dowladda Mareykanka ee Ciraq joogay, waxaana adeegyadaas ku jiray dhanka ammaanka iyo dhismaha. CYPRUS Bishii Agoosto 2016, Wasiirkii Caddaaladda Cyprus ayaa dacwad laaluush ah ku soo oogay labada shirkadood Schlumberger iyo Halliburton kaddib markii ay ku caddaatay inay si sharci darro ah ku soo galeen dalka oo ay ka qaateen shatiga baarista shidaalka iyagoo laaluushay saraakiil ka tirsan dowladda Cyprus. Haddaba dhammaan dhacdooyinkan waxay caddeymo u noqon karaan sida aanay nadiif u ahayn shaqada shirkaddan. Waxaana hubaal ah in haddii ay lugaha la soo gasho Soomaaliya, oo aan aaminsanahay inay ka sharci iyo tabar yar tahay waddamada aan soo sheegnay, inay ka geysan karto dembiyo ka daran kuwaa aan aan horey u tilmaamay. Bal u fiirso in wasiir dhan lagu casuumay shir la leeyahay shidaalkii dalkaaga ayaa lagu xaraashayaa (sawirka 2aad) oo hotel la dejiyo iyo cunto dhowr maalmood ah oo laga bixiyo looga beddelanaayo shatiyo!!! ‘W/Q: Abdalle Ahmed Mumin
  18. Amsterdam (Caasimada Online) – Nin horay uga tirsanaa xisbiga shacbawiga ah ee midigta fog ee Geert Wilders (oo isna ah nin Islaamka aad u neceb) ee dalkaasi Holland ayaa ku dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka. Joram Van Klaveren oo aad u cambaarayn jirey Islaamka ayaa sheegay in uu bilaabay inuu buug ka qoro Islaamka. “Intii aan qorista ku guda jirey ayaan ka hor imid xaqiiqooyin aragtidaydii Islaamka kala xooray,” ayuu ku yiri idaacadda Dutch radio. Van Klaveren ayaa xubin ka ahaa Xisbiga Freedom Party (PVV) min 2010 ilaa 2014, balse wuxuu xisbiga iskaga tegey 2014, markii uu Wilders taageerayaashiisa oo isu soo baxay waydiiyay inay doonayaan Marookaan yar ama badan oo ay jamaahiirtii ku qayliyeen “In yar!, in yar!, in yar!” Kaddib markii uu ka tegey PVV, Van Klaveren wuxuu samaystay xisbi u gaar ah oo la yiraahdo For Netherlands Party, balse hal kursi kama helin doorashadii baarlamanka ee 2017, kaddibna wuu iskaga baxay siyaasadda. Van Klaveren oo aad u dhaliili jirey Islaamka xilligii PVV ayaa mar yiri “Islaamku waa been” iyo “Qur’aanku waa sun,” sida uu weriyay warsidaha NRC. Balse iminka wuxuu sheegay in xisbiga PVV uu ku dhaqmo siyaasad ah in wixii xunba Islaamka lala xiriiriyo, taasina ay khalad tahay. Arnoud van Doorn, oo ahaa sarkaal ka tirsanaa PVV oo laftiisu horay u Islaamay ayaa u hambalyeeyay Van Klaveren isagoo Twitter kusoo qoray: “Marna ma filaynin in PVV uu noqon doono meel ay kasoo fufaan dadka qaadanaya Islaamku.” Hadalsame Media
  19. Kooxo Hubeysnaa ayaa wiil dhalinyaro ahaa waxa ay xalay ku dileen Xaafadda Xariyaale degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir. Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ay fuliyeen dilka,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen. Lama oga sababta rasmiga ah oo kooxdaaai wiilka dhalinyarada ahaa ay u dileen. Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in wiilkaasi uu kamid ahaa dhalinyarada xaafada Xararyaale. Ciidamo katirsan booliska ayaa goobta gaaray, kuwaa oo hakad galiyay isku socodka dadka iyo gadiidka. Magaaladda Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusoo batay dilalka qorshaysan. PUNTLAND POST The post Koox hubeeysan oo wiil dhalinyaro ahaa ku dishay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay baahi wayn u qabto in laga qaado xayiraadda hubka ee saaran si ay uga adkaato kooxaha argagixisada ah eedhibaatada ka wada Soomaaliya iyo gobolka bariga Afrika. Wareysi uu siiyay Wargeysta Standard ee ka soo baxa dalka Kenya Axaddii, ayuu danjire Tarsan ku sheegay “Waxaa jira dadaallo badan oo ay ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ay wadaan si ay guulo u gaaraan, Laakin ciidankeennu waxauu u baahan yahay hub horumarsan iyo tababar, Ciidankeenu waxa ay haystaan hubka ay haystaan kooxada AL-Shabaab oo kale, haddaba sideen u noqon karnaa kuwa guulaysta?” Danjiraha ayaa sii raaciyay “Tusaale, Mareykanka oo haysta ciidanka ugu xooggan uguna qalabka fiican adduunka ayaa kula dagaallamaya Daalibaan dalka Afghanistaan 17 sano, laakin ma aysan ka guulaysan wali, ayagoo xittaa ka hub sarreeya, Marka sideed uga rajaynaysaan dowladda Soomaaliya oo ay saaran tahay cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay in ay si xoog leh ula dagaasho Al-Shabaab”. “Waxay la mid tahay in ay gacmaha naga xireen, kaddibna -caalamku- noo sheegayo in aan la dagaallano Al-Shabaab. Mar la waydiiyay sida ay dowladda Soomaaliya u aragto ka bixidda ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayuu danjireTarsan yiri “Aragtideennu waa in haddii ciidanka AMISOM ay baxayaan lagu beddelo ciidanka Soomaaliya oo aad u tababaran, una hubeysan. Caqabaddu waxay tahay, beesha caalamka ayey ahayd in ay nagacaawiyaan tababarka iyo qalabaynta 30 kun oo ciidanka XDS ah marka ay AMISOM dalka ka baxayso 2021-da, laakin taasi ma socoto hadda, Waxay la micno tahay ciidanka XDS hadda ma buuxin karaan kaalintaas”. DanjireTarsan ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka kaliya ee Afrika ku yaalla ee dagaal kulajira laba urur oo argagixiso caalami ah. “Kaliya lama dagaallamayno Al-Shabaab, laakin waxaan sidoo kale la dagaallamaynaa ISIS ama Daacish, Soomaaliya waa dalka kaliya eeAfrikaan ah ee la dagaallamaya laba urur oo argagixiso caalamiya ah oo kujira xudduudaheena, beesha caalamkuna waxa ay wali nagu haysaa cunaqabatayn hub oo saaran dalkeenna, Hadda, waxaan wajahaynaa caqabad kale oo hub ayaa si sharci darro ah dalkeena uga soo galaya Yemen. Waa xuquuqda madax-bannaanideenna in aan difaacno nafteenna, laakin sideen ula dagaallamaynaa kooxahaas haddii aananhubeyn Karin ciidankeenna? Sidaas darted, waxaan jeclaan lahayn in dowladaha gobolku oo ay Kenya ugu horreyso nooga ololeeyaan fagaarayaashacaalamiga ah, si cunaqabataynta hubka looga qaado waddankeenna. Ayuu yiri Danjire Tarsan Ugu dambeyn, Danjiraha ayaa ka hadlay xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Kenya, iskaashiga ganacsi iyo ammaan ee labda dal iyo waliba horummarada dhaqaale, siyaasadeed iyo fursadaha maalgashi ee ka jira waddanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiilada ayaa ku dhawaaqay in xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay la ildaran tahay dayn dhan 80 milyan oo dollar taas oo ay ku wareejisay xukuumadii madaxweyne Siilaanyo. Gudidan ayaa shaacisay hadalkan culus kadib markii ay kulan la qaateen wasiirka maaliyada Dr. Sacad Cali Shire isla markaasna ay su’aalo ka waydiiyeen waxyaabo ay sheegeen in madaw badan ku jiro oo ka mid ah miisaaniyada dawlada ee sanadkii ina dhaafay 2017. Sida oo kale gudidan ayaa shaaciyay in si aan haboonayan loo maamulo lacagta loogu talo galay horumarinta gobalada bariga Somaliland ee 2% ah, waxaanay gudidu soo bandhigeen in 2017-kii masaajidka madaxtooyada laga dhisay lacagtaas isla markaasna ay lacagtaasi ku baxdo qaab bilaa tixraac ah. Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah gudidan oo warbaahinta la hadlay isaga oo uu barbar taagan yahay wasiirka maaliyada Sacad Cali Shire ayaa ugu horayntii waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu u mahad naqaynaa wasaarada maaliyada , wasiirka maaliyada iyo xisaabiyaha guud oo kulan aanu u yeedhnay oo xog waraysi ah oo ku saabsan xisaabxidhkii 2017-ka oo hadda gudida horyaala kal fadhigan soo socdaa marka uu furmana aanu golaha horgeyn doono aanu su’aalo ka waydiinaynay, wakhtigooda ay nasiiyeen iyo kulanka ay nagala soo qaybgaleen way ku mahadsan yihiin” Waxa uu intaas ku daray “Waxyaabo badan oo uu madmadow ku jiray ayaanu isla iftiiminay oo isla garanay wasiirka iyo kooxda la socota intaba inyar haddaan hoos ugu dego waxa ka mid ah in xukuumada maanta joogtaa ay dayn dhan 80 milyan oo doolar ay kala wareegtay xukuumadii hore oo naloo sheegay siyaasiyan markii la’la wareegaayay xilka in aan wax dayn ah oo xukuumadii hore ay ka tagtay aanu jirin,dayntaasna ay la ildaran taay ama ay culays ku hayso xukuumada bixinteedu.” Sida oo kale xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa waxa uu ka hadlay qaabka loo maamulo lacagta loogu talo galay horumarinta gobalada bariga “Waxa kale oo jira oo aan isla garanay inay jirto dhibaatooyin faro badan oo soo jireen ahaa ilaa imikana aan xal loo helin loona baahan yahay in xal guud loo helo oo ay ka mid tahay 2% gobalada bariga mar kasta oo golaha la hor keeno miisaaniyada waxa lagu ansaxiyaa iyada oo talooyin la raaciyay ilaa iyo 2011-kiiba ahaydna talooyinkaasi in la mashaariiceeyo oo aanay 2% kani noqon wax si guud siyaasad uun loogu bixiyo ama meelo kaba baxsan gobalka lagu isticmaalo kharashkaas loo ururiyo ee cashuurta ganacsatada dekedaa wax kala soo degaysa loo saaray in gobalada bariga horumarkooda lagaga qayb qaato”. “Waxa soo baxday oo aanu wasiirka hor dhignay oo aanan cidnaba ka qarinayn in masaajidka madaxtooyada ku yaala 2017-kii laga dhisay gobalada bariga taas oo ah waxaan loo baahnayn, waxaanu isla garanay wasaarada iyo wasiirka iyo kooxda la socotaba in aanay dib u dhicin sanadada soo socda ee sanadkan aynu ku jirnaa ka midka yahay in 2% gobalada bariga aan wax aan iyaga ahayn oo aan horumarkooda ahayn aan lagu isticmaali karin, lana joojiyo qaladaadka sharci ee sidii golaha miisaaniyada looga ansixiyay si aan ahayn loo isticmaalayo.” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  22. waa qaybtii sedexaad faalo tixane aheed ee aan cinwaankeeda ka dhignay “xil-sidashadii iyo xil-sugashadii Xasan shiiq iyo xanjafintii Febraayo” taasoon qaybaheedii kale horay u wadaagnay. Madaxwaynahu markuu xil ka kadego waxaa u taala hawl balaaran taasoo ah in uu ka qayb qaato hormarinta nolosha bulshada, in uu saadaal iyo talo ka bixiyo geedi socodka siyaasadda dalka, kana qiiliyo khatara siyaasadeed ee uu dalku gelayo. Madaxwaynihii hore Xasan Shiiq wuxuu xilka u wareejiyay si xarago leh, dabacsanaan kujirto, bisayl ka muuqdo ka dib markii doorashaddii looga adkaaday uu na aqbalay si geesinimo ku jirto khilaafsanna, dhaqanka Afrika looga bartay, waa faqsanna dhaqankii hore ee Soomaaliyaddii hooyadda u aheed dimuquraadiyadda Afrika. Wuxuu jeediyay khudbaddo abuuraya qalbi furnaan (“Soomaliyada cusub halaga qaybqaato”), ka turjumaya bisayl iyo in Xasan ogolyahay in uu marna wax xukumo marna la xukumo. Xasan Shiiq waxaa ka codeeyay oo uu waayay codadkii xildhibaanaddii xukuumadduu hogaaminayay ay soo xushay, xulista xildhibaanadda tacab ayaa oga baxay sife uu u dhamaystiro waxyaabo uu ku taamayay. Madaxwayne Xasan Shiiq wuxuu noqday xildhibaan golaha shacabkaa wuxuu qaatay siyaasad xasiloon, siyaasad aan lahayn xanaf iyo dhaliilo ka dhan ah dawladda asaga ka danbaysay. Waxaa jira siyaasiyiin jeediya hadallo kala qaybinaya bulshadda Soomaaliyeed oo runtii rajo xumo kubeera shacabka. Xasan wuxuu qaatay siyaasad ka duwan taas, siyaasad iimaan ka muuqdo, siyaasad ‘sugasho’ leh. Xasan Shiiq wuxuu isku maaweeliyaa in uu dadka la wadaago khibradihiisa waayo aragnimo, wuxuu u dhawaaday dhalinyaradda Soomaaliyeed oo intuu xilka hayay fursaddu u diiday. Madaxwayne Xasan Shiiq wuxuu u dhaqmay wuxuu yahay (waa in uu yahay madaxwaynihii hore dalkaan) wuxuu sugay in uu san ku dhex carcararin xasradaha siyaasadeed e dalka soo maray in tii uu xilka ka sii maqnaa. Arintaas waxay noqotay dhaqan dadbadan soo dhaweeyeen. Xanjafintii febweri Madaxwayne Xasan Shiiq wuxuu galay doorasho uu sifiican oga soo shaqeeyay, doorasho uu dhinac walba ka soo qaabeeyay, runtiina uu rajo wayn ka lahaa. {(Waxaan is oran karaa Xasan wuxuu eer saday qaabkii ay u meteleen wakiiladdiisii, kudladdii la oran jiray “Damjadiid”. Dhalinyaraddii waziiraddii Damjadiid ee faraxsanaa waxay riiqiyeen, si aan haboonayna u mataleen Xasan Shiiq, waxay xurgug ku beereen, siyaasiyiintii, xildhibaanadii iyo salaadiintii deegaanadii ay kasoo kala jeedeed, taas ayaa keentay in xasan la ‘xanjafiyo’ lugu la na dhaco caro ay dhaliyeen dhalinyaraddii gacanta u aheed saas na looga codeeyay}). Waxaa jira doodo dhahaya Madaxwayne Xasan Shiiq wuxuu eer saday in uu gacan saar la lahaa Dawladaha deriskaa ayadoo laga shidaal qaadanayo booqashadiisii iyo ereyaddii uu ka jeediyay Jigjiga. Haa’ cadaadis waa lama huraan haddaad hayso hogaan un hayso dawlad daciif ah kuna taal meel istiraatiiji ah, ciidanna waa lagama maarmaan hadaad cidaan wax ba reebayn is haysaan, ayadoo saas jirto, Maya calanku waa lama ciilaan!! xaqa cod bixinta waxaa lahaa xildhibaanno la soo xulay oo kooban loona arkayay in la jahayn karo codbixintooda. Xasan Shiiq maxamuud wuxuu dadaal badan ku bixiyay siddii uu u soo laaban lahaa markale taasoo uu u ogolaanayay Axdi-qarameedka qabyadda ah iyo damaciisa binu’aadamnimo. Waa wax markasta dhaca in qof siyaasi ah isku dayo, soo laabasho, waa haddii uu heli karo qiil u saamaxaya. Kooxdii Damjadiid e uu hogaanka u hayay madaxwayne Xasan Shiiq waxay galeen hardan siyaasadeed, soo saareen xildhibaanno lala balamay, lugu la na balamay sii wadista rajada iyo guusha kudladdii Damjadiid loo yaqaanay. Kudladdaas waxay ka dhexjirtay quluubta dadka, maahayn kaadiriin tirsi beelay e wada daadihinayay siyaasad gaamurtay, waxaad ka garan kartaa inay ahaayeen fara kutiris, hebeenkii doorashadda Xasan garbihiisa waxaa taagnaa/joogay oo kaamirooyinku qabteen Waziirkii arimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa’ oo ah runtii shaqsi wacdare kasoo dhigay deegaan doorashaddiisa wuxuu ahaa ninyaroo lugu aamino meeshii loo diro, deegaanka iyo damjadiid labudba waa ku danqabeen, iyo Ustaad Faarax Shiiq Cabdulqaadir oo asagu aamusnaanta wax ku kala jara, meel dheerna natiijooyinka iyo ribixa siyaasadda ka qaabeeya, waxaa dheer labadaas ee rag kale oo ka mid yahay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo aan asagu waqtigaas la joogay waxba ka galin kudladana abaal badan ku lahaa, runtiina kudladdu abaalkii waa uguday oo hadba inta la gardaadsho ayaa kursi iyo xil la saari jiray, Damjadiid waxay ahaayeen koox aan gaarsiisnayn xizbi ninwalbaalaa Waxa lugu eedayn jiray xukuumaddii Xasan Shiiq in uu isku meegaaray koox ayaka kaliya uu wax u ogolyahay xilalka u wakiisho. Runtu waxay tahay in Xasan uu dalka iyo dawladnimadda masuul ka yahay, wixii xumaadana ay dushiisa yihiin. Aduunku wuxuu leeyahay meel qofka laga eego waxa uu yahay, qof kastaa lamabar ayuu leeyahay halkaas ayaa laga eegaa waxa uu galo iyo waxa uu gooyo, Soomaaliya taasi kama jirto, dadka dhan way kala shakisan yihiin, qof ku dhacaa majiro in uu xil u dhiibo qof uu san aqoon. Arintaas Xasan sameeyay ee ah in koox is bahaysatay, intay rabaanba hala ekaadeene ee aan qabiil wadaagin dalka xukumaan waxay aheed wax wanaagsan, kudladii Damjadiid waxan ognahay inay ahaayeen dhalinyaro kala jufooyin duwan aragtina ka dhexaysay tiradoodu intay rabto ha ahaadeene, markaa kudladu dhibmalahayn. Madaxwayne Xasan Shiiq wuxu wajahay mawjado siyaasadeed sidda in lugu eedeeyo in uu yahay nin koox u xiran, in uu yahay nin hoosta ku watta dawladaha deriskaa iyo shisheeye, in uu yahay nin maaliyadda ku tagri falay ayuu eersaday, iyo xurguf siyaasadeed oo kala dhexaysay dhamaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan. Waxaa jiray siyaasiyiin iyo beelo ku doodayay in la daba marsiiyay xaqii wakiilashadda iyo ergo dirashada, dhaqankay rabeena aanu matelin. Sidoo kale waxaa ayaduna aan la inkiri karin in Xildhibaanaddii xiligaas kusoo biireen dhalinyaro farabadan ku waa soo aad u caaboonaa imbadanna Xasan looga waramay arkayna dhaqdhaqaaqyo lugu tilmaamay in ay ka yimaadeen dawladaha deriskaa, u na yimid in ay Xasan caawiyaan, waxaa dheeraa shacabka oo qiiro geliyay dhalinyaradaas fartana ugu fiiqay meel aan Xasan ahayn iyo Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Faramaajo oo markii hasytay isla ogloonshiyaha shacabka Soomaaliyeed baddi. Xasan Shiiq wuxuu isu arkayay in uu san jirin qof ka mudan. Xasan sida ay u weriyeen wakiiladdiisu wuxuu qabay kalsooni, waxay ka qariyeen sidii ragnimadu ku jirtay ee ay umateleen iyo in ay rag soo riiqiyeen. Waxaa u rooneed Xasan in uu beelaha ayaka isku diro wiilashii faraxsanaa e awooda haystayna uu yiraa ka danbeeya dhaqanka saxdaa intii suurtagal ah. Si kastaba Xasan waa la xanjafiyay waana laga codeeyay waxay ku noqotay layaab, aaway tacabkii dadaalkii iyo juhudigii la galay wuxuu ogaaday waxa dadku rabaan waxaan ahayn inaan cidi qaabayn Karin, casharbuu qatay maantana u malayn mayo in uu ku laabanayo wadadii uu horay u maray. XASAN WAA XIL-DOON Qofka siyaasigaa ee xilsare qabtaa waa bir madoow oo kale, birtu markay xumaato ee gaariga laga furo lama tuuro waa la xareeyaa si looga faa’iidaysto markii mida aadku bedeshay kaaga xumaato, oo meel geeri go’an ah kaaga jabot, ama ay noqon wayso saal-baashkii aad malaynaysay. dawladuhu siyaasiyiinta rugcadaagaa dib ayay oga faa’iidaystaan waxayna u yaqaanaan “experts, human liberary” aduunka lagama yaqaanno dhaqanka ah cirka gee’ dhulka ku dhufo Soomaaliya un baa laga yaqaanaa, siyaasadda Soomaaliya waxaa la yiraahdaa nin soo maray ma soo celiso dhaqankaas waa dhaqan u baahan in la bedelo waayo markii qofka waqti iyo xoog laynlin kaaga baxo waa dhibaato inaad degdeg iyo sahal u oga tagto. Waxaan rabaa in aan idinla wadaago in aanan Xasan Shiiq u la dhacsanaan lahayn sidda aan u la dhacsanahay hadda oo aan qorayo maqaalkaan. Waxa dhacay ee keenay in aan la dhacaa waxay tahay in Xasan cashar lama ilaa waana loo dhigay doorashaddii Febweri asagoo xeelad badan u soo galay siddii uu u soo laaban lahaa hadana iridaa laga bixiyay, waxaa la tusay in aanu maal, iyo xulufo lasoo qaabeeyo midna aanay kursiga ku haynkarin. Xasan wax cajiiba ayuu sameeyay hadana waa laga guday, waa la edbay ayaan oran karaa Xasan. Hadan sidaas la yeeli lahayn wuxuu is moodi lahaa in uu dadka leeyahay dalkana warkiis daa’. Xasan Shiiq hadaan doorashadaas looga raayeen waxbadan ayaa ka dahsoonaan lahaa odaga maanta wax ka dahsoon malahan. Ii la fiirsadda oo is waydiiya muxuu Xasan u bedelay magacii ururkii sii hore? Ii la kuur gala khudbadihii uu ka jeediyay fagaarayaashii caalamiga ahaa iyo ku wii maxaliga ahaa. Ila taxliiliya salaantii togneed iyo madax raaricintii markii uu xilka wareejinayay waxay aheed bisayl iyo garasho dawladnimo, iyo is dhiibid shaqsi ah. Madaxwaynihii hore Xasan Shiiq wuxuu tijaabiyay waayo aragnimo badan, wuxuu maanka ku hayaa wadaddii hore ee ay qaadsiiyeen dhalinyaraddii faraxsaneed ee muruq maalka aheed ee ka shaqaysan jirtay dalka, wuxuu sidoo kale maanka ku hayaa dariiqyaddii ay ka leexatay xukuumaddii asaga ka danbaysay iyo godadkii ay ku dhaceen. Xiligii xukuumaddii Xasan Shiiq geeska Afrika waxaa ka jiray culaysyo farabadan, xaladda geeska Afrika way xasilantahay siddiina wayka degantahay culaysyaddii Xasan haystayna majiraan hadda hadduu sidaas ugu yimaaddo wuxuu u arkaa farsad, sidoo kale madirsan doono wiilashii uu waagii dirsan jiray e wuxu isku dhiib doonaa dhaqanka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed igana talsha orandoonaa. Madaxwayne Xasan Shiiq waa siyaasi leh damac hogaamineed, waa siyaasi la yaqaanno waxa uu ku fiican yahay, waxa uu kuliito, iyo inta ay dhantahay waayo aragnimaddiisu. Xasan Shiiq wuxuu soo xukumay dalka xilli adag. wuxuu yaqaanaa halka danbasku ka kululyahay iyo halka uu ka qaboowyahay, wuxuu yaqaanaa sidda loo miisaamo, loona dheeli tiro qaybtanka iyo kaltanka awoodaha beelaha Soomaaliyeed. Dalku hadba wuxuu qaadanayay sistam dawladnimo wali dalku wuxuu haystaa sistamkii la haystay xiligii Xasan soo ahaa madaxwaynaha sidaas darteed waa siyaasiga kaliya e la garanayo, lana tijaabiyay e aan ugub nugu ahayn, waa siyaasi waqti ku filan ku soo qaatay awoodda dalka sidoo kale waqti ku soo qaatay awood la’aan, helayna, fursad is barbardhig xili madaxnimo iyo xili shacabnimo. Xasan Shiiq wuxuu awood u leeyahay in uu ka leexdo humaagta guul wadaynta iyo sacabtunka aan xaqiiqadda ku salaysnayn e laga caadaystay geyigeenna Soomaaliyeed. Xasan Shiiq wuxuu ku dhacay godad dhawr ah, qaar waxaa ku riday xaaladda cakiran ee geeska Afrika iyo xaaladda aduunkaan maanta faragalintu noqotay caadada, qaar waxaa ku riday xaaladda siyaasadeed e dalka oo ah mid aan anshax iyo dhawr si luguu ogolayn, qaarna waxaa ku riday damaca binu’aadamka iyo berri maanta ku deberta siyaasadda Siyaasiyiinta Soomaalida, maanta waxaa soo dhan Xasan wuxuu u leeyahay awood garasha, Xasan Shiiq waxaa nagagalay waqti, maal, iyo maskax waxaa la joogaa xiligii aan ka soo ceshan lahayn, Xasan Shiiq waa hanti dalkaan iyo umadaan leedahay, waxaa quman in laga faa’iidaysto. Shaki malahan in Xasan khaladaad ka dheceen hadana inta aan soo sheegay e kuriixay waa midaan in dhaha laga qarsan karin, u malayn mayo in qofaan khalad galayn haduu jiro qof aan khalad galayn uma baahnin qof khalad galaya sida Xasan. Dadbaa xusuusta markay Xasan Shiiq maqlaan dhulkii Galmudug loo yaqaanay, dhulkii ayraboorka u dhawaa’ iyo 11heshiis Xasan asagaa laga rabaa in uu qurxiyo arintaas ama dafiro oo diido, amaba xalaaldhimadooda daaha ka qaado. Madaxwayne Xasan Shiiq sedex meel waxaa oga kordhay waayo aragnimo iyo caqli wayn. Siddii uu doorashaddii 2016 u soo qaabeeyay iyo sidii natiijaddu isu bedeshay caqli waynnaa oga kordhay wuxuuna su’aal geliyay shaqaddi uqayb sanayaashii faraha fududaa (Adowaa’ iyo ragiisii) sidoo kale dhaqdhaqaaqyaddii dawladdii asaga ka danbaysay waxaa oga kordhay waayo aragnimo wayn. Dawladdii Shariif Xasan u ma diyaar sanayn in uu waayo aragnimo ka kororsaddo halka uu aad ugu diyaarsanaa in uu dawladd Faramaajo wax ka kororsaddo. Madaxda Soomaaliya waxay u baahan yihiin la taliyayaal aan kula jirin xayn daabka maadashadda iyo Amaanka (dhagaxda iyo baabuurta buled-buruufkaa) e ay madaxdu u galeen duruufaha amani. Waxay u baahan yihiin in ay lataliyaal ka dhigtaan dad ka war qaba xaaladda dadka la rabo in la xukumo, waxay u baahan yihiin lataliye sedex kun caasi ku raaca, la taliye sidda badan lugeeya, la taliye sedex kun shaax ku caba, fariistana maqaayadaha xogta iyo xaaladda saxdaa taallo e cid walbaa soo gaarto. Gabangabo: Soomaaliya dhibaato ayay ku qabtaa in hadba qofkii xukuma waxyar lacayriyo ee la caayo. Waxay u baahantahay in laysu dulqaato layla shaqeeyo ee aan xashaadada oo kale laysku noqon, in aan lugaha laysku dheegnaan ayay u baahantahay Soomaaliya. Maalinkasta qof aan la aqoon aan tijaabino maahan wax aan ku gaari karno umadaha horumaray. Hadaan qof ku siranno nooma furna in aan cayrino kaliya in aan kabkabano oo ku meel gaarnana way noo furantahay. Konton musharax ee aan la aqoon waxaa ka fiican labo la yaqaan midkastaa waxa uu ku liito iyo waxa uu ku fiican yahay. Maqaalkaan cidna ugu daraan mayo cidna ugu roonaan mayo waxaan marsiiyay meel dhexdhexaad ah. W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla Imaam www.calicabdalla.blogspot.com www.facebook.com/cccimaam Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid