Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-08022019.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya dil maanta ka dhacay xaafada Kaawa-Godey ee degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Goobjoogayaal ayaa u sheegay idaacada Shabelle in dilka oo loo geystay nin magaciisa lagu sheegay Cabdi Salaad ay ka dambeeyeen rag ku hubeysan Bastoolado. Wararka ayaa intaas ku daraya in marxuumka la dilay uu kamid ahaa ragga baabuurta rara ee loo yaqaano “Kaariga” xili ay goobta isaga baxsadeen kooxihii ka dambeeyay. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaan oo uusan wali ka hadlin maamulka ugu sareeya degmada Dharkenley. Maalmihii u dambeeyay falal noocaan ah ayaa ka dhacayay magaalada Muqdisho, inkasta oo laamaha amaanka ay ku howlan yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen nabad-gelyadda. The post Dabley dil ka geystay degmada Dharkeenleey appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada: Drs. Fawsiya Abiikar Nuur waxay jugdi xooggan ku bixisay sidii Wasaaradda Caafimaadka gacanteeda loogu soo celin lahaa Isbitaalladaasi oo ka mid ah Isbitaalladdii hoos tegi jirey Wasaaradda Caafimaadka ee Somalia. Dr. Fawsiya Abiikar Nuur oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon Golaha Wasiiradda ee Ra’isul-wasaare Kheyre waxay sheegtay in la xoojin doono hawlaha caafimaad ee ay Isbitaalladaasi ugu adeegsayaan guud ahaan Bulshadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka xanuunsan. Wasiirada Caafimaadka waxay kaloo kaalin firfircoon ka qaadataa Isku-xirka Xukuumadda iyo Hay’adda Caalamiga ee adeegyadda Daawooyinka iyo Qalabka Caafimaadka ku taakuleeya guud ahaan Isbitaalladda ku yaalla dalka Somalia. Drs. Fawsiya Abiikar Nuur waxaa kaloo lagu xusuustaa sida hagar la’aanta ee ay uga qeyb qaadatay Hawlaha Gurmadka ee dadka rayidka ee ku dhaawacmay qaraxyaddii ugu xumaa ee ka dhacay magaalladda Muqdisho ka dhacay. Waxay ku guulesyatay in dad badan oo dhaawacmay lagu soo daaweeyo dalalka ay ka mid yihiin Turkiga iyo Sacuudiga. Dhinaca kale, haddaynu eegno Taariikhda Isbitaalka Dhallaanka iyo Hooyooyinka ee Banaadir, waxaa dhistay Dowladda Shiinaha sannadkii 1977-kii , wuxuuna Isbilaalku bixiyaa Adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, wuxuuna Isbitaalku lahaa 700 oo sariir oo loogu tala-galay Carruurta iyo Hooyooyinka. Sidoo kale, Isbitaalka Martiini oo la dhisay Xilligii Gumeystaha waxaa uu soo maray heerar kala duwan, wuxuuna bixin jirey Adeegyo Caafimaad. Isbitaalka waxa lagu daaweyn jirey Ciiddanka Xoogga Dalka Somalia ee ku soo dhaawacantay Dagaalkii 1977-kii ee dhex maray Ciiddanka Xoogga dalka Somalia iyo kuwa Ethiopia.
  4. PRESS RELEASE Upcoming Nigerian Elections KABUL, Afghanistan, February 8, 2019/ — The United States government supports a free, fair, transparent, and peaceful election that reflects the will of the Nigerian people. It is critical that the Independent National Electoral Commission operates free from outside pressure and intimidation and in a totally objective manner. Nigerian security services must provide a safe and secure environment for the Nigerian people to exercise their rights. Those who interfere in the electoral process or incite violence must be held to account. The upcoming elections are an opportunity for Nigeria to solidify its place as a democratic leader in Africa. Distributed by APO Group on behalf of Africa Regional Media Hub. SOURCE Africa Regional Media Hub Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in 30 sano kadib ciyaar caalami ah ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho, ciyaartaasi oo u dhaxeyn doonta Soomaaliya iyo Eritrea. Ciyaarta oo ka dhacay Koonis Stadium ayaa noqoneysa ciyaartii ugu horeysay oo ka dhacda magaalada Muqdisho 30 sano kadib, sida ay sheegeen xiriirka kubadda cagta Soomaaliya. Cabdi Qani Saciid Carab ayaa sheegay in mustaqbalka ay rajeynayaan inay dalka ku casuumaan ama ku marti geliyaan ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afica ee Cecafa, sida uu hadalka u dhigay. Nabad galyada yar ee hadda jirta ayuu sheegay inay suuro galisay in 16 Bishaan ay magaalada Muqdisho ka dhacdo ciyaar u dhaxeysa xulalka da’da yar ee Soomaaliya iyo Eritrea. C/Qani Saciid Carab, oo isaga ah madaxweyne ku xigeenka xiriirka Bariga iyo bartamaha Africa ayaa sheegay in dadweynaha ay daneynayaan iney dalka ku daawadaan ciyaaraha caalamiga ah. “Mustaqbalka soo socda waxaan dalka ku casuumi doonaa tartanka bariga iyo bartamaha africa ee Cecafa, Hadda waxaan heysanaa nabad taas oo dalka kusoo celisay inaan dhiirano, waxaan ku faaxsanahay, inaanu ugu dambeyn marki gelin doono ciyaaro caalami ah soddon sano kadib”ayuu yiri Mr Carab Ciyaarta u dhaxeyn doonta dhalinyarada Soomaaliya iyo Eritrea ayaa qeyb ka ah isdhexgalka labada dal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. (SLT-Muqdisho)Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay Muqdisho kulan kula qaatay madaxda garsoorka dalka, kadib markii shalay ay magaalada muqdisho ku soo gaba gabeeyeen shir sanadeedka garsoorka dalka oo labo maalin ka socday Muqdisho. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madaxda garsoorka dalka ku ammaanay shir sannadeedka ay qabteen, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay joogteeyaan kulamada ay uga tashanayaan horumainta iyo hagaajinta hannaanka gasoorka dalka. Waxaa uuna sheegay R/Waasaraha Xukuumadda Soomaaliya in si cadaalad ah loogu shaqeeya Shacabka Soomaaliyeed. Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qayb galay xiritaanka Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo maalin ka hor ka furmay magaalada Muqdisho. Source
  7. (SLT-London)Magaalada London ee dalka Britain waxaa shalay ka furmay shir looga hadlayo arrimaha shidaalka Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan Shirkadda Spectrum ee dalka Norway laga leeyahay oo sahan ku sameysay shidaalka Soomaaliya iyo shirkado kale oo ay casuuntay iyo dowladda Soomaaliya. Shirkan oo muddooyinkii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay ayaa isla shalaba la soo gebagebeeyey, waxaana ka hadlay masuuliyiin ka tirsan Xukuumada federaalka Somalia iyo shirkadda Spectrum. Wasiirka batroolka Somalia oo shirkaas ka hadlay ayaa sheegay in la soo bandhigay xog ururin sahan lagu sameeyey shidaalka ku jira Somalia, wuxuuna xusay in shirkan uu faa’iido badan u leeyahay shacabka Soomaaliyeed. Intii uu shirkan socday waxaa lagu soo bandhigay natiijada ka soo baxday sahan dhinaca shidaalka ah oo lagu sameeyey Somalia, waxaana lagu cadeeyey in xeebaha dalka laga helay batrool badan sidaka muuqata qoraalada iyo jaantusyada ku jira sawirada hoose oo muujinaya natiijada sahanka la sameeyey. Ka qeyb galayaasha shirkan oo ay ku jireen Soomaali ka kala socotay qeybaha bulshada ayaa sheegay inaan lagu soo hadal qaadin shirka xaraash ama arrimo la xiriira shirkado qandaraas lagu siiyey iney soo saaraan shidaalka Somalia. Soomaali fara badan oo qurbajoog ah ayaa dibed bax looga soo horjeedo shirkan ka dhigay ka soo horjeedka goobta shirka lagu qabanayey, iyagoo ku qeylinayey ereyo ay ku sheegayaan in shirkaas lagu boobayo kheyraadka Somalia. Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa horey walaac uga muujiyey shirkan, iyagoo ku tilmaamay mid lagu beylahsanayo Shidaalka Soomaaliya, maadaama aaney jirin sharciyo iyo xeerarka Batroolka. Source
  8. (SLT-Hindia) Nin 27 jir ah oo Hindiya u dhashay ayaa qorsheynaya in uu maxkamad geeyo labadiisa waalid, sababtuna waxa ay tahay in aysan isaga ogolaansho weeydiinin markii ay dhalayeen. Waa ganacsade ku nool magaalada Mumbai, magaciisuna yahay Raphael Samuel, waxa uu BBC-da u sheegay in ay qalad tahay in ilmo adduunka la keeno, kadibna noloshiisa inta ka dhiman uu dhibaato ku dhamaysto. Waa uu fahamsanyahay in aysan suurtogal ahayn in aanan aragti la weeydiin karin qof aanan adduunka imaanin, balse waxa uu ku adkaysanayaa “go’aankeena ma ahan in aan dhalano”. Tallaabada noocan oo kale ah waxa ay khilaaf ka dhex dhalin kartaa qoys kasta, balse qoyskiisa waxa ay u egtahay in arrintan ay ka dhigayaan qaab maad iyo kaftan ah. Qoraal ay soo saartay hooyadiis Kavita Karnad Samuel ayay ku sheegtay in ay ku bogaadinayso wiilkeeda in uu maxkamad geeyo, isaga oo og in labadooduba ay yihiin garyaqaano. Samuel ayaa maxkamadda ka codsanaya in ay u xukunto magdhow ay waalidkiisa siiyaan. Fikradda ninkan waxa ay salka ku haysaa aragti falsafadeed oo sheegaysa in nolosha ay tahay mid dhibaato badan, sidaasi darteedna la’iskaba dhaafo. “Ma jirto wax faa’iido ah oo ku jirta nolosha, dad badan ayaa dhibaateysan, haddii bini’aadamka laga dhamayn lahaa adduunka, ciidda iyo xayawaankaba waxa ay noqon lahaayeen kuwa faraxsan”. Waxa uu abuurey bog Facebook ah oo uu afkaarihiisa ku faafiyo, iyo sawiraddiisa isaga oo gashan gar maskaraato ka samaysan. Dad badan ayaa ka dhiibtay aragtiyo, waxayna qaar kula taliyeen in uu isaga is dilo marka hore. Source
  9. Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Turkiga ayaa ergay u soo magacowday sidii loo sii wadi lahaa wadahadlalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo hakad uu ku yimid labadii sano ee lasoo dhaafay. Ergayga Turkiga uu u soo magacaabay wadahadallada ayaa ah Olgan Baker oo horay u ahaa safiirka Turkiga ee Somalia, waxaana uu ergayga iyo xubno la socda ay soo gaareen Muqdisho, iyagoo kulammo la qaataan xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia. “Waxaanu kulannay Safiirka Turkiga ee Somalia, Mehmet Yilmaz iyo ergayga uu Turkigu u magacaabay wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland Ogan Bekar. Turkigu wuxuu ahaa marti-geliyaha iyo fududeeyaha wada-hadallada illaa markii la billaabay sannadkii 2012-kii,” ayuu yiri wasiir Axmed Cawad. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay inay labadan Dublamaasi ee Turkiga ah ka wada-hadleen arrimahan oo ay is dhaafsadeen fikrado kala duwan iyo sidi dib loogu billaabi lahaa wada-hadalladii nabadeed ee u dhexeeyay labadaan dinac. Dhanka kale, Ergayga Turkiga ee Wadhadallada Somalia iyo Somailand ayaa la filayaa inuu dhawaan gaaro magaalada Hargeysa si uu kulamo ula yeesho Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana la filayaa inay ka wada-hadlaan dib u bilaabidda wada-hadallada. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa Toddobaadkii hore sheegay inaysan Dowladda Somaliland weli go’aan ka gaadhin damaca uu Turkigu ku doonayo in dib loo bilaabo wada-hadalladaas. Ugu dambeyn, Dowladda Turkiga ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii waxay si weyn dadaal ugu jirtay in Somalia ay noqoto waddan cagahiisa dib isugu taaga, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay garab-istaaggan Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Turkiga oo Ergay u Magacowday Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka maxaa ka run wixii la sheegay? Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-08022019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka maxaa ka run wixii la sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre oo casho sharaf Muqdisho ugu sameeyay madaxda Garsoorka Dalka, ayaa sheegay in hagaajinta dhaqaalaha dalka, yareynta musuq-maasuqa, horumarinta dawlad-wanaagga, hirgelinta siyaasad lagu wada qanacsan yahay iyo aaminaadda caalamka ay ku xiran yihiin hir-gelinta garsoor iyo cadaalad loo simanyahay oo dadka Soomaaliyeed ay iimaanka ku qabaan. Kulanka cashada ah oo ay kasoo qaybgaleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Xeer-ilaaliyaha Qaranka, Garsoorka gobalka Banaadir iyo Dowlad-gobaleedyada ayaa muhiimaddiisu ahayd dhiirri gelinta dardar-gelinta qorshaha hagaajinta garsoorka dalka. Sidoo kale, Khayre ayaa Madaxda Garsoorka ku ammaanay shir sanadeedka ay qabteen, wuxuuna ku dhiirri-geliyay inay joogteeyaan Kulammada ay uga tashanayaan horumainta iyo hagaajinta hannaanka gasoorka dalka. Dhanka kale, RW Xukuumadda Federaalka ah ayaa sheegay in qof walba, ha ahaado; Oday-dhaqameed, aqoonyahan, siyaasi iyo culummo looga baahan yahay inay ka shaqeeyaa nabadda dalka, isagoo ballan-qaaday inay dalka gaarsiin doonaan doorasho qof iyo cod ah. Ugu dambeyn, Xasan Khayre ayaa sheegay in warbaahinta looga baahan yahay inay ka qayb-qaatana dhismaha dalkooda, isagoo xusay in kuwa aan doonayn inay dalka dhisaanna looga baahan yahay inay ka aamusaan oo aysan waxba u dhimin. DHAGEYSO: Hadalka RW Khayre uu u jeediyay Qaybaha Bulshada; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/02/DHAGEYSO_Khudbadda_Khayre_Dalka.mp3 PUNTLAND POST The post RA’IISUL WASAARE KHAYRE: Waxaa naga go’an in dalka aan gaarsiino doorasho qof iyo cod ah appeared first on Puntland Post.
  12. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Badeeco u badan Shidaal iyo Qalabdhismo ayay Itoobiya si maalinle ah ugu beec geysaa gobolada Dhexe ee Soomaaliya, magaalooyinka Beledweyne, Guriceel, Dhuusamareeb iyo Galkacyo ayaa kamid ah magaalooyinka uu hadda gaaro ganacsiga kayimaada Itoobiya. Shamiito ama Sibir, tiirarka lagu dhisto guryaha, Shidaal iyo cabitaano gasacadeysan ayaa kamid ah badeecooyinka gaara gobolada dhexe. Sibirka ama Shamiitada oo dhowr nuuc ah oo kayimaada gobolka Dowlad deegaanka Soomaaliyeed ama Soomali galbeed ayaa hadda lagu iibiyaa suuqyada qalabka dhismaha ee gobolada dhexe, ganacsiga iyo suuqgeynta badeecooyinka kaladuwan ayaa billaabatay kaddib isbeddelka dhinaca hoggaanka ah ee Itoobiya kadhacay sanadkii 2018. Qiimaha Sibirka ama Shamiitada Itoobiya ayaa jebiyey Sibirka kayimaada waddamada Carabta sida Cummaan, sidaas oo kalana Tiirarka wax lagu dhiso oo kayimaada hadda gobolka Oromiya ayaa suuqa kasii saaraya tiirarka dhismaha ee gudaha oo ka yimaada gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Bay. Shamiitada katimaadda Diradhaba ee loo iibgeeyo gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa qiimaheedu yahay Shsom 153000 oo u dhiganta $6.50, halka Sibirka kayimaada Cummaan uu qiimihiisu yahay Shsom: 235,000 oo u dhiganta $10.00, taasina waxa ay keentay in Sibirka Cummaan oo ka soo dega dekedda Boosaaso ee gobolka Bari ay yaraato bahaida loo qabo iyo dalabkiisa guud mar haddii ay suuqa gobolada dhexe kujirto Shamiito ka raqiisan tayao ahaanna aan ka liidan. Dhinaca Shidaalka waxa taga gobolada dhexe ee Soomaaliya shidaal ay Itoobiya kala soo degto dekedda Jabuuti kaas oo tartan dhinaca qiimaha ah kula jira Shidaalka gobolada dhexe uga yimaada Muqdisho iyo Boosaaso oo ka soo dega dekadaha Boosaaso iyo Muqdisho. Shidaalka kasoo dega Muqdisho iyo Boosaaso ayaa hadda qiime ahaan kasareeye kan Itoobiya ay kala soo degto Jabuuti, sababtuna waa in kan Itoobiya uu kuyimaado waddo hagaagsan oo aan qiime aan canshuur ahayn ku kordhin shidaalka halka shidaalka Boosaaso iyo Muqdisho ay Canshuurta u dheertahay lacagta jidadka looga qaado oo maamullo iyo jidgooyo kaladuwan ay kaqaadaan gaadiidka shidaalka sida, lacagtaas oo kordhineysa qiimaha shidaalka dekedaha Muqdisho iyo Boosaaso uu kutago gobolada dhexe. Qiimaha Fuutsada shidaalka ah ee kazoo degta dekadaha Muqdisho iyo Boosaaso ayaa ka ah suuqyada gobolada dhexe $133.00, halka Shidaalka ay Itoobiya kala soo degto dekedda Jabuuti uu ka yahay suuqyada gobolada dhexe ee Soomaaliya $126.00 Maxaa kadhashay gacansiga Itoobiya ee Gobolada dhexe? Tiirarka laga keeno gobolka Oromiya ee dhismaha oo kasoo go’a beero ay leeyihiin ganacsato Oromo ah ayaa beddelay tiirarkii dhismaha guryaha loo adeegsanayey ee ka imaanayey gobolada gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Bay, sidaas awgeed dhammaan dadkii ka ganacsan jiray waxa ay hadda isugu jiraan kuwo qaata oo beecgeeya tiirarka dhismaha ee gobolka Oromiya ee Itoobiya iyo kuwo aan waxba soosaarin, balse dad badan ayaa taas u arka in ay waxtar leedahay maaddaamada jaridda geedka Hareeriga laga maarmayo. Ganacsatada gaadiidka ee Shidaalka ka keena Boosaaso iyo Muqdisho ayaa sheegay in inta badan gaadiidkii kasoo daabulayey Shidaalka iyo shamiitada dekedaha magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso ee keenayey gobolada dhexe ay howlgab ku dhow yihiin mar haddii Badeeco ka raqiisan ay timid gobolka, taas oo qiime ahaan ka yar kharashka galaana uu aad uga hooseeyo. Maxay kaqaadataa Itoobiya gobolada dhexe ee dalka? Sida ay ganacsatada Shidaalka iyo shamiitada gobolada dhexe qaarkood sheegeen Itoobiya waxa ay joojisay in ay qaadato Fooxa iyo cusbada oo ay kaqaadan jirtay Soomaaliya gaar ahaan gobolada dhexe, sidaas oo kale waxa ay joojisya in gaadiidka kategey Soomaaliya oo sida Badeeco uu galo gobolka Soomaalida iyo dalka Itoobiya oo dhan. Gaadiidka iyo Shaqaalaha keena shidaalka iyo Shamiitada Itoobiya dhammaan waxa iska leh Itoobiya, tusaale ahaan shidaalka, Shamiitada iyo Tiirarka dhismaha ee Itoobiya kayimaada waxaa la socda shaqaale Oromo ah oo kashaqeynayay shubidda iyo dejinta Badeecada, taasina waxa ay shaqo la’aan dhigtay kumanaan Soomaali ah oo kashaqeyn jiray kaxaynta gaadiidka, dejinta badeecooyinka kayimaado Muqdisho iyo Boosaaso. Xigasho Mustaqbal Radio Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  13. (SL-T Hargaysa) Ajaanib Udhalatay Wadamada Yurub Oo Soodhaweyey Tar-tanka Orodka Oo Somaliland Laga Daah-furay . Source
  14. (SL-T Hargaysa))Tartan Cayaareed Noociisu Ku Cusub Yahay Somaliland Oo Ay Maanta Daah Furtay Shirkada Dahabshiil Group Magaalada Hargeisa, Waxaa Saaka Si Rasmi Ah Looga Furay Tartanka Maaratoonka Somaliland,Tartankan Orodka Dheer Waxaa Ka Qayb Galay Dhalinyaro Gaadhaysa Ku Dhowaad 300 Kuwaas Oo Isugu Jira rag Iyo Dumar, Tartanka Oo Noociisu Ku Cusub Yahay Somaliland,Waxaa Ka Qayb Galay Boqolaal Dada Oo U Daawasho Tegay,Waxaana Maal Gelinaya Shirkada Dahabshiil,Taas Oo Ka Qayb Qaadata Horumarka Dalka Somaliland. Source
  15. Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamadii dhawaan gaaray magaaladaasi ay bilaabeen fuinta amarkii uu siiyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Ciidamadan oo u badan kuwo Boolis ah ayaa dhawaan gaaray magaalada Boosaaso, waxaana la sheegay inay durba bilaabeen howlgal lagu xaqiijinayo amaanka magaalada, sida saraakiisha ay sheegeen. Ciidamada ayaa heysta amar labo maalin ka hor kasoo baxay madaxweynaha Puntland, kaasi oo ahaa inay wax badan ka badalaan hanaanka sugidda amaanka magaalada Boosaaso oo dhawaan dil uu ka dhacay. Toddobaadkan ayaa waxaa magaalada Boosaaso gaar ahaan dekadda magaalada agu dilay madaxii shirkadda P&O ee maamusha dekedda magaalada Boosaaso, waxaana dilkaasi sheegtay Al-Shabab. Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. Axmed Muuse oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dheeraadka ah ee la geeyay magaalada Boosaaso ay fulinayaan amarka madaxweyne Deni, islamarkaana ay sugi doonaan amniga. Madaxweyne Deni ayaa isagaba ku wajahan magaalada Boosaaso, waxaana muuqata in howlgalada ay yihiin kuwo labo ujeedo laga leeyahay, waxaana wali socda baaritaanka dilkii ruuxii ajnabiga ahaa ee Boosaaso lagu dilay. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (SMN) – Mareykanka ayaa fahfaahin dheeraad ah ayaa ka bixiyay duqaymaha uu Soomaaliya ka fuliyay sanadkii hore iyo kan cusub ee 2019. Madaxda howlgalka Mareykanka ee qaarada Afrika, Thomas Waldhauser, ayaa xusay in 2018-kii ay 323 Al-Shabaab ka tirsan ay ku dileen 50 howlgal. Waldhauser ayaa u sheegay Congress-ka Mareykanka in sanadkaan cusub ee 2019 illaa iyo haatan ay 113 Shabaab ay ku khaarijiyeen tobaneeno duqaymo ah. Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada xooga dalka ay ka taagarayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen amaanka guud ee wadanka. Ugu dambeyntii, wuxuu xusay inay jiraan waxyeelo shacabka kasoo gaara weerarooda cirka ah, balse ay ku dadaalayaan sidii ay uga hortegi lahaayeen. The post Mareykanka: “323 AlShabaab ayaan duqayn ku dilnay 2018” appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Iyadda oo maanta ay ku beegan tahay sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxwayne Farmaajo ayaa waxaa isa soo taraya bogaadinta wax-qabadka dowladiisa muda laba sano oo ay jirtay. Dhinacyada bogaadinta ay ka imaaneyso waxaa kamid ah Hobolada qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi, kuwaasi oo sheegay in xukuumada haatan jirta ay soo celisay rajadii Soomaaliya, xili ay ku tartarsiiyeen inay sii labo jibaarto. Hoos ka dhageyso warbixin aan idin kaga diyaarinay http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Turki.mp3 The post H/Waaberi oo bogaadiyay wax-qabadka dowlada appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Boosaaso (SMN) – Mas’uuliyiinta dhinaca nabad-gelyadda ee maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay howlgalo lagu adkeynayo amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Howlgalada ayaa la tilmaamay inay ciidamada ka sameyn doonaan xaafadaha ay ka kooban tahay xarunta ganacsiga Puntland, iyada oo ujeedku yahay in laga hortago wax kasta oo khal-khal amni keenaya. Talaabadaan ayaa kusoo aadeysa iyada oo dhowaan magaalada lagu dilay madaxii shirkada P&O islamarkaana hoostagta DP World u qaabilsanaa dekada Boosaaso, iyada oo dilkiisa ay sheegatay xarakada Al-Shabaab. The post Puntland oo adkayneysa amniga magaalada Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ka hadlay garsoorka dalka iyo culeesaadka ka jira. Wuxuu sheegay in sanadkaan 2019 ay rajo weyn ka qabaan in guddoonka maxkamadda sare ee dalka iyo dhamaan dadka ka shaqeeya cadaaladda inay dhameystiraan shaqooyinkii hagaajinta hanaanka garsoorka ee horey loosoo qabtay. Sidoo kale wuxuu sheegay in Sanadkaan ay rajeynayaan in meesha ay ka baxdo in cadaaladda laga raadiyo baraha Bulshada iyo Siyaasadda, islamarkaana ay dadka dareemaan inay heleen cadaalad sax ah. Hay’addaha garsoorka ayuu sheegay inay u taalo shaqo adag oo ah inay garsoorka dalka Gaarsiiyaan meesha ugu sareyso, si meesha ay kaga baxdo in cadaalad laga raadiyo baraha Bulshada. “Maxkamadda sare iyo dadka ka shaqeeyan cadaalada waxaan ka rajeynayaa inay ka shaqeeyaan dhameystirka shaqooyinkii hore loosoo qabtay, oo meesha ay ka baxdon in AL Shabaab dadka u raadiyaan cadaalad”. “Waxaan rajeyneynaa in garsoorka dalka uu noqdaa halka kaliya ee shacabka ku kala baxaan oo meesha ay ka baxdo in cadaaladda xal looga raadiyo Siyaasad iyo baraha Bulshada”ayuu yiri Shuute. Hadalkaan ayuu ka jeediyay shirkii garsoorka dalka oo shalay lagu soo gabo gabeeyay magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (SMN) – Maanta waxay ku beegan tahay markii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay madaxwaynaha dalka, 8-dii Febraayo sanadkii 2017-kii. Muddo labo sano ah ayuu xafiiska joogaa Madaxwaynuhu, iyada oo munaasabado arrintaan ku aadan la rajaynayo in lagu qabto caasimada. Hadaba, sidee ayay shacabka Muqdisho u arkaan labo sano guuradii kasoo wareegtay Madaxwaynaha iyo mudada uu xafiiska joogay? Halkaan hoose ka dhageyso warbixin arrintaas ku saabsan http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Soofeysane.mp3 The post Dareenka shacabka Muqdisho iyo 2-sano guurada Farmaajo appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Mr. President Muse Bihi Abdi Covering up and Concealing the Corruption is not a solution. Truth and reconciliation are the best ways to approach and face the problems that occurred during an intractable time nation-wide. At the same time, truth and reconciliation is best to address the country in confronting the civil unrest, and best way to address those who committed the corruption particularly anyone who participated or involved for that amount of money (eighty million, $80 Million). Somaliland people are honest, sincere and willing to forgive, as they have already forgiven heinous actions such as the individuals who murdered, raped, robbed, looted and plundered. The efforts of trying to cover up and conceal the truth will results in dire consequences that will lead to inevitably a bad situation. Corruption is not only financial; stealing money or misallocation of resources, but corruption is broader and is when the whole government system is embedded by systematic corruption. Systematic corruption is when corruption is a collective and essential aspect of the social, economic and political system. It would be an endemic and is exactly what has happened in Somaliland for last 7 years that the Kulmiye party has been in power. Corruption is where the law is clearly broken. Most of the Somaliland people have no alternatives but only option they had were to deal with corrupt officials. Let me focus on the three type of corruptions that have been devoted by the Kulmiye party. Political Corruption Political corruption is when the laws and regulations are abused by the rulers, side-stepped, ignored, or even tailored to fit their interests. It is when the legal bases, against which corrupt practices are usually evaluated and judged. Its when the legal bases are weak and furthermore subjected to downright infringement by the rulers. The following evidences prove where the Kulmiye party rules has committed political corruption. In 2015, the House of Elders had issued the decree which stated the presidential extension for two years without any dire circumstances. The dire circumstances would be wider war, internal instability, and serious natural disaster such as earthquakes, epidemic diseases and serious famines. Allah bless to him who save from dire circumstance. The name of grace to Allah non-of it had ever occurred in Somaliland. On the top of that, the president was incompetent and has not been able to fulfil his day by day job descriptions as mentioned by his book the ex Minister of State for Presidential Affairs The House of the Representative has been in the office for almost 14 years. As the constitution confirmed, the period of the House would be 5 (five) years beginning from the date when the Supreme Court declares the electoral results. Not only that, but the local governments have been overdue its their terms of the offices. Overdue of period of the offices is a negligence and political corruption. In my assessment, Kulimye leaders have very low levels of political morality when it comes corruption. Individual Corruption Corruption starts with the individual who has a character of the highest ego, but most often corruption tends to be considered a group level phenomenon or social phenomenon. But in a reality when we closer look, it reveals that corruption begins at and is maintained at the level of the individual. In Somaliland, every minister that held a ministerial portfolio has a biggest luxury home in Hargeisa or in somewhere in overseas. The cost of these homes is estimated approximately three hundred thousand dollars ($300,000) roughly, basic with Somaliland home value, but at the overseas could be millions. As I recalled, the Riyaale administration blamed corruption, but the ex Minister of Finance and Treasury Mr. Mahamed Hashi Elmi has itemised in 2012. The President Siilaanyo was nominated the Inquiry Committee. The committee combined variety institutions such as the Auditor General, House Representative Members and Ministry of Finance and Treasury. The period investigation was 2002 up to 2012. The committee was founded that the budget surplus of $53 million and the committee confirmed there was non-existed any deficit or loan at all. Secondly, they confirmed that $70 million of public properties were founded. Every Somaliland person that live the Capital, Hargeisa knows the misuse of the government resources by individual that works governments office. The previous government did not care and would not even initiate any effort to challenge the unprecedented corruption. Individual corruption also applies to the individual businesses. A lot of business owners have illegally owned the public assets and public properties. The Somaliland constitution has given the power to government to care and safeguarded of prosperities. The constitution is limited the government power when it comes the selling, purchase or exchange. Article 12: Public Assets, Natural Resources and indigenous Production, section two (2) states: the care and safeguarding of property, endowments and public assets is the responsibility of the state and all citizens; and shall be determined by law. Hundreds of the public houses were sold without proper procedure and legal channels. It is a clear corruption that has had committed by Kulmiye government. Grand and petty Corruption Public policy does process and procedures, it starts with the exiting problem, formulation, implantation and so on. Habitually, corruption takes place at the policy formulation and it denotes the amount of money involved. And that grand corruption is at the top levels of the public field. As everybody knows, when President was in power, the handful of the ministers were decision makers and formulated the Somaliland public policy. Sarcastically the one of the ministers have clearly said “I am forty years old and I have 40 million dollars” he was one of the ministers who was acting Prime Minister of the country. The small-scale corruption such as bribery is common and is in daily basis. The corruption that involves every public sector such as local municipality, policy traffics, civil servants, tax collectors, licensing authorities, fine collectors, and so on. These kinds of corruption will not be stopped and will be still ongoing. It very hard to drive a car in Somaliland unless you prepared and willing to pay a bribery on daily basis. Mr. President the solution is to appoint the Truth and Reconciliation Commission. Somaliland people are fed up with the administration that is hiding the truth and corruption that has happened since the Kulmiye party has been ruling the country. The corruption is/was everywhere and there is no doubt about it. The ministers had stolen properties, assets, liquid assets and are visible in everywhere in the country as well as overseas. Therefore, the truth and reconciliation commission is the best solution to end the corruption. Qaran News
  22. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-08022019.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  23. London (Caasimada Online)-Madaxa Shirkadda Spectrum oo la hadlayay BBC Soomaaliya ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay sahminta ay ku sameeyeen Shidaalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in sahminta Shidaalkaasi ay ka gashay lacagtooda iyo lacago ay kasoo deynsadeen shirkado kale, sida uu hadalka u dhigay, iyadoo ujeedada tahay in laga wada faa’ideysto Shidaalka ku jira biyaha Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale sheegay in shirka ka dhacay magaalada London ee dalka UK uusan aheyn mid lagu xaraashayo Shidaalka Soomaaliya, islamarkaana shirkadoo aysan ka shaqeyn xaraashka. “Lacagteena ayaan gelinay baaritaanka anagoo eegeyna howsha socota,waxaan sidoo kale qarashka ka deysanay Shirkado kale, muhiimada waxay aheyd in la ogaado shidaalka ku jira biyaha, shirkadeena waxba ma xaraasheeno, waxaan sameyneynaa inaan tusno meelaha ayuu shidaal ku jiraa” “Shuruudaha ay wax ku iibsan karaan waa kuwo maanta halkaan lagu sharaxay, waxay ka dhigan tahay sida uu noqon doono shidaalka Soomaaliya, howlaha kale iyo bixinta shidaalka dowladda ayay u taalaa”ayuu yiri madaxa shirkada Spectrum. Shirka ka dhacaya magaalada London ayaa dhaliyay buuq badan, kadib markii kooxaha mucaaradka dowladda ay dhaliilo badan u jeediyeen dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com