Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. ‪Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa shir-doceed kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guiteres, waxayna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee QM Mudane Abuukar‬ Daahir Cusmaan (Baalle), Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Mudane Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha Musane Balal Cusmaan. Dhowaan Soomaaliya ayaa ceeyrisay wakiilkii qaramada midoobay ee Soomaaliya Nichlos Haysom. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
  2. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya xalay waxaa ka dhacay dil iyo qarax. Qarax ayaa ka dhacay degmada Xamar jajab ee Muqdisho waxaana uu ahaa nooca loo yaqaano dhajiska waxaana gaarigooda loogu xiray dad saarnaa gaari nooca raaxada ah. Hal qof ayaa ku geeriyooday halka ruux kalena uu ku dhaawacmay qaraxaasi. Ciidamada amaanka ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo meydka iyo dhaawacay ka qaaday. Dhinaca kale isla xalay ayaa koox bastoolado ku hubeeysan degmada Hodan ee Muqdisho waxa ay ku dileen askari katirsanaa ciidamada dowlada. Falkaan ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Xaawo Taako degmada Hodan ee Muqdisho. Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dilal iyo qaraxyo ay geeystaan Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qarax iyo dil ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  3. Musuqa iyo Fashilka Dul Hoganaya Wasaaradda Maaliyadda Warbixin ku iftiiminaysa xaqiiqooyinka dhex hoganaya wasaarada Waa kuma Dr.Sacad iyo musuqa dul hoganaya sidoo kalena soo waariday qabyaaladii qurbaha ee xad dhaafka ahayd. Tan iyo intii loo magacaabay xilka wasiirnimo ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo ahayd bisha Koobiyatobnaad tobankeedii labada kun iyo sideed iyo toban (11/10/2018) wuxuu marar badan hor tagay warbaahinta kale duwan ee dalka, taas oo markiiba bulsha-weynta Somaliland su’aal galiyeen wajigii loo haystay uu u muuqday inuu yahay daacad iyo in aanu aqoonin wax qabyaalad ah haba yaraatee iyo cadaaladda darada durbadiiba uu ka sameeyay wasaaradda gudaheeda muddan kooban ee uu xilka hayay; iyadoo awalaba ay jirtay marka hore dheeli badan oo ah dhinaca reerka uu ka soo jeedo ay wasaaraddu la ciirciiraysay Dr.Sacad Cali Shire. Waxa yaab iyo fajiciso noqotay dhaqankan ee uu caadaystay marka su’aalo la waydiiyo MA KALA AQAANO, MAAN GARANAYN IYO WAXAAN KU QIIMEEYAA AQOONTOODA. Balse ay tahay been oo sidaynu ka arki doono gadaal ay muujinayso inuu aad u yaqaano eexda iyo qabyaaladda sidoo kalena kolba meesha uu tago uu musuqii xadhkaha goosto isna ay kaga dhagta uun Anigu maan samayn iyo hadalo iska hor iyo daba imanaya oo wada ah HAA iyo Maya “Ilaahoow ha naga wada yeedhsiin HAA IYO MAYA mar qudha”. Bal dhuga warbixnaha iyo qoraaladdan uu sameeyay wasiir Sacad:- Bedelkani wuxu daba socdaa Bedelkii uu sameeyay Wasiirkii Hore ee isagu xilka kala wareegay Yuusuf Maxamed Cabdi oo isna ahaa sidan:- Haddii aynu falaqayn ku samayno arrintan oo kaliya oo ifiiminaysa qabyaaladda xadhkaha goostay ee uu isticmaalo isla markaana ku sifoobay mudane Sacad cali shire waad fajici waxaanad ogaanaysaa wajiga dhabta ah ee Dr.Sacad Cali shire warqada uu saxeexay sacad ee ah burinta iyo baabi’intu waxay iftiiminaysaa siduu sida dhiiran ee uu difaaco waayo wasiirkii hore wuxuu bedel ku sameeyay siday muujinayso warqadani Xisaabiya ku-Xigeenka Dawladda Mr.Keyse Maxamed Cabdilaahi oo muddo dheer ahaa ku-Xigeen sidoo kale ay aqoontiisu tahay Dugsi Sare oo ayna isku hayb hoose yihiin (Ciise Muuse) Dr.Sacad Cali shire sida si cad u muuqatana caqabad ku ah in laga hirgaliyo Xafiiska Xisaabaadka Guud oo uu ka baqayo in laga bedelka xilka uu hayo iyo inuu helo lacagta badan ee lagu sameeyo xisaab xidhka gacan ku samaynta ah , isagoo wasiirkii hore ku bedelay nin waayo-arag ah isla markaana sita shahaada heerka labaad ee Jaamacadda isagoo Dr.sacad maraya inuu u kala hiiliyo beesha Habar-Awal dhexdeeda oo maadaama warsame ka soo jeedo beesha Sacad-Muuse halka uu ku difaaco kolba halkay joogto qabyaaladdu waxaa iyana tusaale inoogu filan isla bedelkan inuu Wasiirkii hore bedel ku sameeyay Xafiiska Deeqaha Dibeda ee (External Assistance Fud.Section) Mr.C/qaadir Maxamuud oo ka soo jeeda beesha Habar-Awal isagoo u dhiibay inan la yidhaahdo Sucaad Maxamed Daahir oo sitada shahaada Heerka Labaad ee Jaamacadda ee ah Maamulka Maaliyadda kana soo jeeda beesha ARAB Sh.Isaxaaq markuu arkay wasiirka maantu in aanay sucaad isku hayb ahayn ayuu buriyay bedelkaas oo iftiiminaya inay tahay Xisaabaadka Guudi waax hoosta tagta W.Maaliyadda.Dhinaca kale wasiirkii hore oo isna lagu xantu inuu beeshiisa West Burco Clan guud ahaan gaar ahaan Cidagale uu kor u soo qaado sida ay cadaynayso warqadani inuu ka dhigay Mr.Maxamed Cali Xirsi madaxa hubinta oo ay isku beel ahaayeen wasiirkii hore yuusuf Maxamed Cabdi inkasta oo maxamed Cali Xirsi sito shahaada labaad ee Maamulka Maaliyadda balse lagu xaman jiray inuu uruursado team kala duwan oo ay ka soo wada baxeen Jaamacadaha Dalka Ethiopia oo uu u haystay in cidii wax ku baratay Ethiopia oo kaliya ay aqoon iyo karti leeyihiin. Wax marag ma doon ah in dakhligii dalka ee ka soo xaroon jiray goobaha kale duwani uu dhulka galay isagoo wasiir Dr.Sacad aanay u ahayn muhiimad koobaad dakhliga iyo yaraynta cashuur-dhaafka isagoo ku wareejiyay dhamaan masuuliyadii labada waaxood ee Dakhliga ee kale ah Cashuuraha Beriga iyo iyo Kastamka uu kuna wareejiyay wasiirka ku xigeenka Mr.C/qaadir dhaga wayne oo wax khibrad iyo aqoon toona u lahayn maamulka guud ahaan gaar ahaan maamulka maaliyadda iyo dakhliga toona oona ka muuqdo fudayd iyo inuu mar walba ku hadaaqo waxaan ka imi Madaxweynihii iyo imikaan la hadlaayay isagoo durba cashuur dhaafkii u samaynaya ganacsato ay isku hayb yihiin sida ila wareedyo Wasaaradda Maaliyadda u dhuun dhaloolaa sheegayaan inuu dhagta ka haysto Agaasime Ku Xigeenkii Waaxda Cashuuraha Beriga Mr.khadar Laas. Wasiir Sacad inuu ka shaqeeya Dakhliga wasaaradda isla markaana uu xayndaabka sharciga ku soo celiyo cashuur dhaafka faraha ka baxay inuu AJAANIB CADAAN AH KULA SHIRO WASAARADDA AMA UU SHAAH KULA CABO MAANSOOR HOTEL oo aad moodu inuu yahay wasiirkii Arrimaha Dibeda ama Qorshaynta waa yaabe!!!!!! Qormooyin xiisa badan aanu idiinku soo gudbin doono Haddii AALAAH OGOLAADO. Maxamed Dhamac Hargeysa Somaliland Dhama.egge@gmail.com Qaran News
  4. Dr Abdirahman Mohamed Abdillahi [Cirro] @CirroSL Madaxweyne Muuse: “Saldhiga militariga waan ka kiraynay dawladda Imaaraadka”!. Wasiir Sacadna waxa uu leeyahay “kiro kama qaadanno”! Keebaa run sheegaya? Keebaase shacabka been u sheegaya? Shacabkaygu ayaan daranaa? Daawo Muuse Biixi oo…. M/weyna @musebiihi afkaaga ayad ka tiri saldhiga berbera wan kireenay! Dawlada #Somaliland miyay mid kaliya ahayn? pic.twitter.com/gp0sVfYUnP — (@hargeysaa) February 9, 2019 Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii 23-kii Feberaayo 2017 uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo Ra’iisul Wasaare u magacaabay Xasan Cali Khayre ma jirin khilaaf muuqda oo soo kala dhex galay labadaas mas’uul ee ugu sarreeya dalka. Ma is-weydiisauy sababta? Muuqaalkan hoose ayaa sharxaya ee daawo.
  6. Adds Ababa (Caasimada Online) – Xogahayaha guud ee QM, António Guterres ayaa shalay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, halkaasi oo ay uga wada-qeyb galayaan kulan madaxeedka Midowga Afrika. Kulanka ayaa yimid maalin un kadib sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii Farmaajo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, 8-dii Febraayo 2017. António Guterres ayaa booriyey isbeddelada wanaagsan oo ay sameysay dowladda Soomaaliya, oo hadda laba jirsatay. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in dowladda Soomaaliya ay fuliso tubteeda siyaasadda loo dhan yahay, amniga, cadaaladda, dhaqaalaha, soo kabashada iyo horumarinta bulshada. Dhammaan arrimahaas ayuu sheegay in loo baahan yahay in laga qeyb-galiyo oo lagala shaqeeyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka. António Guterres ayaa sidoo kale Farmaajo u sheegay inay muhiim tahay in lasii wado wada-shaqeynta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dalalka saaxiibada la ah, gaar ahaan Amisom. Xoghayaha guud ayaa dhinaca kale uga mahad-celiyey dowladda Soomaaliya joogyenta amniga iyo badbaadada shaqaalaha QM ee Soomaaliya ka taageeraya inay horumar ka gaarto arrimaha nabadda iyo mustaqbal wanaagsan oo ay helaan dadka Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa caasimada@live.com
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay ergayga uu waddanka Turkey-gu u magacaabay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Oglan Baker oo uu wehelinayo wakiilka Somaliland u qaabilsan Turkiga Ambassador Ali Noyan. Madaxweynaha iyo ergaygu Waxay ka wada hadleen arrimo door ah oo ay kamid yihiin wada-hadalladii maamulka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey, siyaasadda guud ee mandaqadda geeska Afrika. Muuse Biixi ayaa u sheegay ergayga in wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya maadaama oo aan wax midho-dhal laga gaadhin ay Somaliland dalbanayso in dalalka Caalamku ay qayb ka noqdaan wada-hadalkaas. Muuse Biixi ayaa sidoo kale wada-hadallada ku xiray deeqaha Turkiga oo dhex-dhexaad noqda. Waxa uu sheegay in deeqaha horumarineed iyo gargaarka dawladda Turkigu ku taageerto Somaliland iyo Soomaaliya aanay isu dheellitirnayn, sidaa awgeed ay Somaliland doorbidayso in si isku mid ah dalka Turkigu uu u qaybiyo kaalmooyinkaas, si uu shacabka Somaliland ugu muujiyo dhexdhexaadnimo.
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Danjire Dr. Olgan Beker oo ah uqaabilsanaha dowladda Turkey ee wadahadalada Somaliland iyo dowladda Soomaaliya ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda maamulka Somaliland. Olgen Beker, ayaa tagay magaalada Hargeysa maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay, waxaana la sheegay inuu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda maamulka Somaliland, isaga oo kala hadlay wadahadalada dowladda iyo Somaliland. Uqaabilsanaha Turkey ee dhanka wadahadalada ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaatay madaxda xisbiyada kala duwan ee Somaliland, waxaana ay dhankooda balan qaadeen inay kala shaqeyn doonaan howlaha horyaala. Xirsi Cali Xaaji oo kamid ah madaxda sar sare ee xisbiga Wadani ayaa soo dhaweeyay kulamada ka dhacay magaalada Hargeysa tan iyo Khamiistii, waxaana uu sheegay inay xisbi ahaan aad ula shaqeyn doonaan Olgen Beker. Sidoo kale waxa uu sheegay in wadahadallada ay horseedi karaan in Soomaaliland ay hesho madax-banaani,sidoo kalena dunida inteeda kale ay wax la qeybsato. Ergayga Dowladda Turkiga u soo Magacaawday Soomaaliya iyo Soomaaliland Danjire Dr. Olgan Beker oo mar soo noday Safiirka Turkiga u fahdiya Soomaaliya ayaa la filayaa in Maalinta Khamiista ah ee soo socota in uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  9. Meel loo hiiliyo waxa ugu abaal daran Burco. Hore ayaan Anigu ugu khasaaray marar aan qalin iyo af ugu sameeyey hiil. Xalay ayaa ugu dambaysay oo markii Xog. Khadar iftiimiyey dhaqaalle-ahaan heerka togdheer ay ka hadhay goboladda galbeedka, wax afka iskaga duubay Xil. Obama! Obama waxa uu lasoo booday. ‘Laamiga Ceeri iyo isku xidha Togdheer’ oo uu ku sheegay in uu yahay mashruucii ugu balaadhnaa ee abid laga hirgaliyo JSL. Burco waa magaalo hagaastay! 1990kii waxa lagu murmi jiray, Burco waa magaalada sadexaad ee Soomaaliya, maanta Burco kuma jirto 6da magaalo ee ugu dadka badan Ex-Somalia. Waxa ayna 18kii magaallo caasimadeed ee Soomaalia, dhaqaalle ahaan ka galaysaa kaalinta 17aad ama 18aad! Maxaa sababay burburka Burco. Burco waxa ay gashay gafkii ugu waynaa 1991kii markii si bilaa shuruud ah, Hargaysa ay la qaadatay in ay wada dhistaan dawlad la yidhaa Somaliland. 1991kii baloodhka ku yaala Laba-qaw – Burco, waxa uu ka qaalisanaa degmadda koodbuur oo la isku daray, maanta dhulka uu ku yaalo dugsiga Sh. Bashiir – Hargaysa, ayaa ka qiimo badan Burco oo la isku wada daray badhkeed. Heshiiskii Burco waxa uu ahaa heshiis indho la’aan ah oo ay ka faa’idaystay xaafaddo ka middi Hargaysi. Hargaysa ayaa 30kii sanno ee midawga iyadu lumisay qiimihii caasimadnimo, Hargaysa waxa ay Ingiriiska ka heli jirtay dhacdhac dhaqaalle iyo shaqa-abuur maamul oo wakhtigii maxmiyadda ay Hargaysi door libaax ka heli jirtay. Waana sababta ugu wayn ee ay Herer u diiday midnimadii Soomaalia. Xaafado ka mida Hargaysa waxa ay Siyaad Barre ulla dagalameen in ay soo ceshadaan caasimadnimada. Macaashkii midhaahaana, waa kuwaa guranaya 27kii sano ee ay jirtay Somaliland. Burco nasiib-daro ma ay fahansanayn danaha dhaqaalle ee dhex maray Hargaysa iyo Xamar. Waxa ayna khaladkii Hargaysi samaysay 1960kii mid ka xun Burco samaysay 1991kii markii ay si bilaa shuruud ah ugu biireen Hargaysa. Aqoonyahanka iyo dhaliinyaradda Hargaysa qaar ka midmi, waa kuwo u tobobaran sidii ay goboladda kale u khiyaamayn lahayeen. Afcaashooda haddii aad u fiirsatana waxa aaad is odhanaysaa ma guryahooda ayaa lagu soo siiyey tobobar ku saabsan wax is-daba-marinta. Gabood-falka ugu culus ee Togdheer loo gaystay ayaa dhacay 1998. Sanadkaa waxa albaabadda loo xidhay suuqii ugu waynaa ee ka furnaa togdheer – Yiroowe. Yiroowe waxa uu ahaa xuddun kulmisa Soomaalida Ethiopia, kuwa konfurta iyo Somaliland. Dad badan oo dhashay wixii ka dambeyey Yiroowe iyo kuwo wakhtigaaba noolaa, waxa aysan wali fahansanayn halka uu ka ciiray dhaqaalihii Togdheer. Si aad u fahantid khasaara gaadhay Togdheer aan kula wadaago wixii aan kusoo arkay Banka Giryaad: Banka Giriyaad waa lama-dagaan u eeke dhaca waqooyiga Awdal, waxa aad galaysaa Giriyaad marka aad kasoo baxdid Jabouti. Habeen anaka oo safar ah, ayaa uu gaadhi nagaga jabay Giriyaad badhtankiisa. Gaadhiga waxa waday darawal u dhashay Balli-Gubadle. Xoogaa meeshii markii aanu joognay, ayaa waxa nagu soo jabay baabuur sida daadka u soconaya oo kasoo shiraaqday Jabouti. Babuurtaasi waxa ay wadeen xamuuul xad dhaaf ah oo kasoo dagay dekeda Jabouti. Waxa ay ku socdeen Wajaalle. Darawalkii ayaan waydiiyey “waar niyow sababta wajaale u noqotay sayladda, waxa weeye jabouti baa ay wax uga soo dagaan?” waxa aan u raaciyey “Togdheer hadaanu nahay, waxa aannaan haysan Jabouti oo kale” Darawalkii oo ahaa khabiir in badan u kala gooshay dhulka Soomaalida, waxa uu igu yidhi “waad lahaan jirteen jabouti oo kale lakiin, watii laydinka xidhay” waxa aan ku idhi oo halkee ayaa ay ahayd jabouti-dayadu? “Bossasso”. 2014kii ayaa ay ahayd wakhtigaasi waana markii aan hellay jawaabta su’aashii maskaxdayda ka guuxaysay 16ka sano. Maxaa sababay hoos-u-dhaca dhaqaalle ee Togdheer? Hargaysa waxa ay galisay Burco godoomin la mida ta lagu hayo marinka QAZA. Burco iyo Qaza waxa marar badan xoriyad badan Qaza. Ina Cigaal ayuu ahaa madaxwaynihii mamnuucay in Bossaaso wax lagala soo dago! Bebera wuu ogaa in aysan ku filnayn Somaliland sababtoo ah, waxa xadidnaa wiishashka marakiibta ka roga rarka ee yaalay Berbera, taa bedelkeeda Hargaysa waxa ay doorbideen Jabouti in ay noqoto dakadda labaad ee Somaliland. Markii la mamnuucay addeegii ka imman jiray Bossasso, waxa istaagay safaradii ka iman jiray koofurta ee ku xidhnaa Togdheer iyo kuwii ka iman jiray Ethiopia. Sanadahaa uu bilaabmay hoos u dhaca dhaqaalle ee Togdheer, waxa kawsaday tahriibtii ugu badnayd ee abid Soomaali ku dhacda. 2002 illaa iyo yamana haddaa shacabka ka qaxay Togdheer tiro laguma sheegi karo. Waxana hubaal ah dadka Burco uu dhashay ee ku dhintay Badda Libiya iyo Saxaruhu in ay ka badan yihiin dadkii uu Siyaad Barre ka laayey Burco. Burco waa ninkeed cuna, ninka u sheega danteeda, iyaga ayaa markaba xabadda ku dhufanaya! Waxa se xaqiiq ah, Burco in ay gaf wayn samaysay markii ay Hargaysa isu dhiibtay bilaa shuruud. Dadka qaar ayaa ku doodda Burco iyo Hargaysa waa walaalo, haba ahaadaana quraanka waxa aynu ku haynaa qisooyin macangag-nimo xambaarsan oo ka dhaca dadka walalaha ah dhexdooda sida: Yusuf dhibkii uu kala kulmay walaalaldii iyo dhacdadii Qabiil iyo Habiiil. 1960kii Markii lagu biirayey Konfurta Soomaaliya, waxa jiray siyaasi u dhashay Burco oo ku dooday “Intii inanta togdheer ay Hargaysa marti ku noqon lahayd, inanta waqooyi marti haku noqoto Xamar”. Aragtidaas waa mid xaqiiqadeedii muuqato maanta sababta oo ah, qaybo ka tirsan Hargaysi ma ogolo dadka kale in ay madaxa la kacaan. Burco waa kaamka ugu wayn ee maanta ay ku xaraysan yihiin dad bilaa camal ah, gabi ahaanna dadka magaaladda ku nool waxa laga masruufaa qurbaha. Wax kale iibsiga Burco bishii oo dhan marka la isku daro waa uu ka yaryahay wax kale iibsiga ka dhaca Hotel Gulleed illaa Mansoor maalintii! Sidaa si la mida Magaladda Ceeri ayaa lagu qiyasaa maalintii gabigeedaba wax ka yar $10K oo wax kale iibsi ah, in ay ka dhacaan. Waa maalintii lacagta soo gasha Hotel Ambassador. 424 oo ahaa furaha raqamka ay wadan jireen shaqaalihii dawladii Siilaayo ayaa ahaa raqamyadda ugu badan ee wax lagaga iibsado Hargaysa, taasina waxa ay ku tusaysaa dawladdu in ay tahay shaqo bixiyaha ugu wayn ee ka jira JSL sidaa oo ay tahay shaqaalaha dawladda ee saddexda gobol ee barriga waxa ka badan xaafad ka tirsan degmadda 26ka June. Qaadka Burco lagu cuno waxa lagu cashuuraa Kala-baydh waana mamnuuc qaadkaasi in uu kasoo boodo Balli-Dhiig ama Balli-Gubadle. Saylac waa kastamka 3aad ee waddanka. 0.8% in ay Togdheer ku yeelato wax-soo-saarka waddanka waxa ay ku tusaysaa sida handaraabka loogu xidhay Barriga Somaliland. Waxa aynu sugnaaba waa 100 kun oo qof oo ka bara baxa Togdheer. Qaran News
  10. Masuuliyadda Xilka Iyo Xaqiiqadiisa “W/q: Mr. Hamse Wiyeer-yare” Hordhac: Dawladnimada iyo calanku waa faanka ay umadi ku faanto, misna ay dheeryihiin kuwa aan dawlad iyo iyo calan toona haysan, sidoo kale waa aragti waxqabad oo meesha dawlad dhisan,calan ka dul babanaayo, oo qaabdhismeed horumar leh lugu garto. Xilku waa masuuliyad saaran qofkasta oo leh caqli dhamaystiran, taasna waxaa inoo sheegay Nabi maxamed NNKH, “dhamaantiin waxaa tihiin masuul, oo waxaad masuul ka tihiin wixii la idin raaciyey” waxaan ka faa’idaysanynaa in masuuliyada ina saaran hadii aanu nahay caruurtii nabi Aadam, misana aanay jirin wakhti qudha oo aanu firaaqo haysano oo aanu ka nasanayno masuuliyadii ina saarnayd. Taa markaan ka imaado oo aan u soo daadago ujeedada maqaalkan “Xilka iyo Xaqiiqad” ah ee aan kaga hadlayo Dawladii aan dooranay iyo waxqabadkeeda. Markii ururada iyo xisbiyadu tartamayeen misana ay ololaha,buuqa,durbaanka,hoonka baabuurta iyo lulida calamo kaladuwan ay isku qasayeen; ujeedadoodu waxa ay ahayd in aanu ka doorano oo aanu ka dhex xulano midka qaadi kara masuuliyadaas culus, misna u taagan in uu wax u qabto midka beerta falaya,kaluunka shabaga u dhigaya,midka buuga iyo qalinka ku dhex haysta goobaha waxbarshada iyo hooyooyinka aan gurigooda meel u dhaafin. Laakiin ogow oo masuuliyada la saaray maaha mid keligii lugu sii daayey ee waliba waxaanu la horjoognaa, oo u ololaynaa in aanu doorano goole sharci dajin oo sameeya shuruuc wadanka lugu maamulo. Hadaba sacab-tunkii iyo mushxaradii doorashadu wadatay, waxay ku dambaysaa in aanu Madaxweyne iyo ku Xigeen doorano,Goole sharci dajin doorano,Gole degaan dooran; isla markaan in madaxweynhu uu magacaabo wasiiro isga matala oo uu u qaybiyey wasaaradaha kaladuwan ee ka jira dalka. Marka laga tago Xafiiska Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa, oo ah iyagu xafiisyada ugu sareeya wadanka (official office), waxaa jira xafiisyo ay leeyihiin xubnaha Wasiirada,Wasiir xigeenada iyo Agaasimayaasha wasaaraduhu. In kasta oo somalidu ku maahmaado “Nin Xil qaaday eed qaad” oo xilku uu leeyahay hadalhayn,kutirkuteen,buunbuunin iyo been la isla dhexmaro, Hanadan ujeedadu waxay tahay Xukumadii xilka inoo qaaday ee inoogu dhaartay “magaca illahay” in xilkii iyo masuuliyadii ay inoo hayeen aad moodo in qayb aad u weyn oo ah nidaamka maamulku uu ka dhimanayaha misna ay jirto tabasho xaga shacabkii soo doortay, kama hadlaayo waxqabadka oo waxqabadku dawladu hada wuu wanaagsanyahay oo amaan uun baa lawadaa, laakiin markaan ka hadalno qofqof iyo shaqsi –shaqsi waxaa jirta dhaliil loo jeedinaayo, qofka muwaadinka ah ee ay hawli ka gasho wasaarad kamid ah wasaaradah dalkeena waxaa la hordhigay laba askari oo hubaysan oo amar ku bixinaaya in qofkaasi muwaadinka miskiinka ahi aanu hawshii uu u socoday aanay usuurto gelin, iskadaa wasiir ama agaasime uu la hadlo oo uu u gudbiyo ujeedada uu ugu yimi ee waxaba jira ama ka horeeya oo ah “Fadlan uma geli kartid ee sug” sugistaasi maaha mid run ah ee waa mid quusgoyn ah muddo markuu sugana la odhanaayo Wasiirkii ama Agaasimihii wuu baxay ama shirbuu galay. Taas oo muwaadinka ku qadanaysa in uu kusoo kalaho oo soo noqnoqdo wakhtiyo badan, una soo dayaco hawlihiisii maalmeed ee uu ka shaqayn laahaa. Hadaba mudane xil haye Ma ogtahay in ujeedada aad kursiga ugu fadhidaa ay tahay wax uqabashada shacabka iyo muwadiniinta ku doortay misana luguu xilsaaray in aad baahiyahooda intay kuula yimadaan aad la xaliso, Ma ogtahay muwaadinkan aad askariga albaabka u istaajisay ee kolba saacad iyo wakhti khaldan la balaminaayo in uu yahay kii shalay sacabka iyo mushxarada kugu taageerayey, Ma Ogtahay in masuuliyadan aad qaaday beri lugu waydiin doono (nolosha dambe). Talo: Hadii xilka ay inoo hayaan madaxdeenu iyo xaqiiqada ka jirta xarumaha ay inaga maamulaan uu sidaas yahay, si loo kala bedbaado oo shacabka iyo muwadiniinta masaakiinta ahi aanay u caban(taban), misan madaxdeenu aanay iyaga naf ahaantoodu is odhan waxaa idin saaran mucaaridad; waa in la sameeyo jadwal (schedule) kaas oo ah wakhtiga uu wasiirku ama agaasimuhu qaabilo bulshada u baahan ee uu hawlahooda faraha ku hayo, isla markaana todobaadkii la sameeyo laba maalmood, si cabashadu u yaraato wax sheegu u yaraado, tuhunka iyo shakigu u yaraado. Oo la isku calool fayoobaado misna laga wada taliyo horumarka iyo maamul wanaaga wax wada qabsi. Wabilahi tawfiiq. Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Qoraa / Saxafi madax banaan E-mail: Xamse18@gmail.com www.wiyeeryare.blogspot.com www.twitter.com/wiyeeryare www.facebook.com/wiyeeer Hargeysa -Somaliland Qaran News
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa ka qayb galay casho uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed u fidiyay madaxdii ka soo qayb gashay Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee berri ka furmaya Addis Ababa. Madaxd ayaa si hordhac ah isugu wareeystay ka hor shirka madaxda Afrika. Waxaa xusid mudan in kulankaasi ay isku arkeen madaxweynayaaaha Somaliya iyo Jabuuti. Farmaajo iyo Gelle ayaa ka dhaxeeysay xurguf ku aadan xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea uu ka carooday madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Galle. Bari ayaa magaalada Adis ababa ee caasimada wadanka Itoobiya waxaa ka furmaya shirka madaxda wadamada Afrika. Xasan Maxamed samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay casho sharaf uu sameeyay Abiy axmed appeared first on Puntland Post.
  12. Wararka naga soo gaaraya caawa duleedka Muqdishoa ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaan ay dil iyo gubid u geeysteen gaadiid siday dhuxul. Gaadiidkaan ayaa lagu Gubey Duleedka Deegaanka lafoole ee Gobalka Shabeelaha Hoose oo aan ka Fogeyn Muqdisho. Ilaa labo gaari ayeey gubeen Al-Shabaab sida ay wararka sheegayeen. 3-ruux ayaa sidoo kale goobta lagu toogtay sida uu xaqiijiyey maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose. Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo ah Gudoomiye ku xigeenka amniga Gobalka shabeelaha hoose ayaa xaqiijiyey falkaasi waxaana uu sheegay in ay ku raadjoogeen kooxihii falkaasi geeystay. Al-Shabaan ayaa dhowaan duleedka Afgooye ku gubay sidaan oo kale gaadiid dhuxul siday. Al-Shabaab ayaa mamnuucday in gaadiid dhuxul sida ay ay yimaadaan magaalada Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar cowke Puntland Post The post Al-Shabaab oo toogtay 3 ruux gaadiidna gubay duleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. The United States military says it has killed eight al-Shabab extremists with an airstrike in southern Somalia. A U.S. Africa Command statement says Friday’s strike hit near Kobon, not far from the port city of Kismayo. The U.S. says Kobon has been used to stage attacks against Somali forces. Its statement says no civilians were killed in the airstrike. The U.S. military has carried out at least a dozen such airstrikes this year in Somalia against the al-Qaida-linked al-Shabab, the deadliest Islamic group in Africa. The United States has dramatically stepped up airstrikes against al-Shabab since President Donald Trump took office. Experts say it will take more than airstrikes to defeat the extremists, who continue to carry out deadly attacks in the Horn of Africa nation and neighboring Kenya. The post US forces kill militants in fresh airstrike against Al-Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar____Qubanaha-090219.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawo halkaaasi lagu dilay mid kamid ah nabaddoonnada Gaalkacyo. Nabaddoonka oo lagu magacaabi jiray Cabdiqani Maxamed Cabdi Baalle ayaa lagu dilay xaafadda Israac ee waqooyiga Gaalkacyo gaar ahaanna nawaaxiga Isbartiimada kadib markii uu ka soo baxay salaadda cishaha sida ay sheegeen goobjoogayaal. Weerarka oo ay fuliyeen dableey aan haybtooda la garan ayaa sidoo kale gacan looga dhaawacay nabaddoonka wiilkiisa oo kala soo baxay salaadda waxaana kooxdii dilka geysatay u baxsadeen dhinaca xaafadda Baraxleey ee koonfurta magaalada Gaalkacyo sida ay xaqiijiyeen dad halkaasi ka agdhowaa. Ciidamada amniga Puntland ee gobolka Mudug ayaa in ka badan 20 daqiiqo kadib halkaasi gaaray iyadoo ilaa iyo haatan lagu guulaysan in gacanta lagu dhigo dableeydii dilka geysatay. Sidoo kale weli ma jirto cid sheegatay weerarka lagu dilay nabaddoonka. PUNTLAND POST The post Puntland: Nabaddoon lagu dilay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  16. Warar hadda soo gaaray warsidaha Puntlandi ayaa sheegaya in magaalada Gaalkacyo lagu dilay nabadoon Cabdiqani Maxamed Cabdi (Baale) oo ka mid ahaa nabadoonada Puntland ee [...] Source
  17. Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa deegaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose kusoo bandhigay hub ay kasoo furteen malayshiyaadka kooxda Al shabaab. Hubkaan ayey ciidamadu kusoo furteen [...] Source
  18. A high-level delegation headed by Somali president, H.E Mohamed Abdullahi Farmajo has landed in Addis Ababa, to attend the African Union summit. The 32nd ordinary session of the assembly of the African Union is set to kick off in the Ethiopian capital, Addis Ababa on Sunday. Several African leaders have already arrived for the conference including Somali President, Mohamed Abdullahi Farmaajo on Saturday. The president is expected to address the summit on Sunday. The AU Assembly was preceded by the 34th Ordinary Session of the Executive Council that took place from 7 to 8 February 2019. The Summit is expected to deliberate on a number of other vital issues, including refugees, the institutional reform and financing of the continental body; peace and security on the continent; developments related to the African continental free trade area; and negotiations for a new cooperation agreement between the African, Caribbean and Pacific developing countries and the European Union Post-2020. As a founding member of the Organisation of African Unity(OAU), and its chair in 1964, 1989 and 1993, Egypt is set to take over the chair of African Union; Egyptian President Abdulfatah Al Sisi is the new chair. In addition, consideration will also be given to the election of the Chairperson of the AU for 2020 – a position that will rotate to the southern African region. Further, the election of five members of the AU peace and security council; the appointment of one member of the AU Commission on international law; and one member of the African committee of experts on the rights and welfare of the child. The post Somali president lands in Addis Ababa for AU’s 32nd assembly appeared first on Shabelle. View the full article
  19. The UAE condemned the killing of Paul Anthony Formosa, head of the Bosasso Port in Somalia’s Puntland region, which is managed by P&O Ports, a Dubai-owned entity within the Ports Customs and Free Zone Corporation (PCFC). The country’s Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation communicated with P&O Ports and offered condolences on Formosa’s death, affirming that it is following up on the current investigations. It called on the local government in the Puntland region of Somalia to provide necessary protection for the port and its workers to maintain investments that benefit Somalis. The Ministry renewed the UAE’s firm stance on rejecting all forms of violence and terrorism regardless of its origin, and it stressed the need for the international community to unite in order to fight the threat posed by extremism that threatens security and stability around the world. It also offered condolences Formosa’s family, colleagues, and workers in the port. “We are deeply saddened by the loss of our friend and co-worker. He will be greatly missed, and our thoughts and prayers are with the family at this most difficult time,” CEO of P&O Ports Rado Antolovic said in a statement on Thursday, Following the recent incident at its port facility, the company will provide grief and trauma counseling to its employees. The company continues to fully cooperate with the ongoing investigation into the incident and reiterates its unwavering commitment to the success of the project, the statement explained. “Operations at the facility have restarted following a security review, and P&O Ports will continue to pursue its development of the port in partnership with the government and for the benefit of the people of Puntland,” Antolovic said. Source: Asharq Al-Awsat The post UAE Condemns Killing of Staff Member of Dubai-Owned Port in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article