Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,455
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi ka kooban 5 Xubnood oo ka socda Ganacsatadii ku hanta beeshay weerarkii ay Al-Shabaab maalmo ka hor ku qaadeyn Goobo Ganacsi oo ku yaala wadada Maka Al-mukarama ayaa xalay la kulamay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaaj, waxayna warbixin ka siyeen khasaarihii hantiyadeed ee ka dhashay weerarkaasi. Guddigaan ayaa Madaxweynaha u sheegay in hanta lagu qiayaasay in kabadan 3 milyan oo dollar ay ku baaba’day Weerarkii 28-kii Febraayo ay Al-Shabaab ay ku qaadeen Maka Al-Mukarama. Sidoo kale Guddigaan Waxay Madaxweynaha u shegeen in dad badan ay halkaasi ku ceertoobeen oo ay rajo beel ku dhacday. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u ballan guddigaasi in dowladda Soomaaliya ay taageeri doonto Ganacsatada ay hantidooda ku baa’ba’ay weerarkaasi, dhowaana Guddi ka socda Dowladda Soomaaliya ay qiimeeyn ku sameyn doonaan bur-burka iyo sida ay dowladda uga qayb qaadan karto taageerada ganacsatadaasi. Gurey Xaaji oo ah Milkiilaha hoteelka Maka Al-Mukarama, sidoo kalane katirsan Guddigii la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay rajo wanaagsan ka muujiyay in Madaxweynaha uu ka *****n doono Ballan-qaadkiisa. Qaraxii iyo weerarkii ugu dambeeyay oo Al-Shabaab ka geesteen Magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay dad badan oo shacab ah. Sidoo kale waxaa ku dhawaacmay shacab kale oo ka badan 130 qof. Qaar kamid ah dadka ku dhaawacmay weerarkaas waxaa ku jira kuwa ay xaaladooda liidato oo u baahan gargaar dibadda ah sida ay dhaqaatiirta sheegeen. Dowladda Soomaaliya wali kuma guuleysan in ay gar-gaar dibadda ah u raadiso dadkaas oo u badan danyar oo aan awoodin in ay dibadda u safraan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii uu ku guda jiray olalahiisa doorashada sanadkii 2017 waxa uu ballan qaaday in hadii la doorto uu dhisi doono dhismihii ku bur-bura weerarada Al-Shabaab, sidoo kalane uu damaanad qaadi doono daryeelka carruurtii ay eheladooda ku dhintaan Qaraxayada iyo Weerarada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Garbahaarey (SMN) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo. Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab weerar culus ay ku qaadeen saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaasi. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkaasi, islamarkaana ay ka hortageen. Weerarka kadib aya lagu soo warramayaa in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday halkaasi, taas oo lala beegsaday dagaalyahannadii soo qaaday dagaalkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro war faah faahsan oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan duqeyntaasi iyo dagaalka ka horreeyay intaba. Xaaladda ayaa haatan dagan, iyadoona ciidamada dowladdu howlgallo kooban ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. View the full article
  3. San Deigo (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka haweeney Soomaaliyeed oo Meydkeeda laga helay dhismo ku yaalla magaalladda San Diego Gobalka California ee dalka Mareykanka. Booliska dalkaasi ayaa sheegay in Meydka haweeneydani oo maalmo badan la la’aa laga helay qeybta hoose dhisme ka kooban toban biyaano. Marxuumada ayaa magaceeda lagu sookoobay Muna Kuri,waxaana qoyskeedu ay waayeen maalintii sabtida ee la soo dhaafay. Saraakiisha Booliska San Deigo ayaa xaqiijiyay in dhaawacyo ay ku yaallaan Marxuumada,balse aan la ogeyn cida ka dambeysa dilkeeda. Ugu dambeyn Saciid Abiyow oo ka mid ah Soomaalida ku nool California ayaa sheegay in haweeneydan aad looga yaqaanay gobolkaasi,islamarkaana ay aheyd ganacsato. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kasoo laabtay safar uu ku tegay Switzerland ayaa kormeeray dekadda Muqdisho si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo mid mid u booqday xafiisyada kala duwan ee dekadda iyo saldhigga booliiska ee dekadda, ayaa maamulka sare ee dekadda la qaatay kulamo looga hadlay dar-dargelinta adeegyada dekadda isaga oo faray in laga fogaado musuq-maasuq iyo maamul xumada. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maamulka dekadda ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo hadafka guud iyo hiigsiga danaha ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan dakhli aruurinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka oo fududaynaysa caafinta daymaha lagu leeyahay dalka. Kormeerka uu Ra’iisul wasaaruhu ku tegay dekadda Muqdisho ayaa qayb ka ah hawlaha kor-joogteynta ee lagula socanaayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda taas oo lagu xaqiijinayo isla xisaabtan ku salaysan hufnaan iyo daah-furnaan. View the full article
  5. Dowladda Puntland ayaa beenisay inay habo yaraatee wax lug ah ku leedahay dagaal maalintii shalay ka dhacay tuulada Gambara ee gobolka Sool, kaasoo udhexeeyay ciidamo [...] Source
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa ayaa waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Madaxweyne Farmaajo oo casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa kulan laba-geesood ah la yeelanaya maanta, iyaga oo ka wada hadli doona adkeynta xiriirka labada dal iyo guud ahaan xoojinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa iyana kulamo la yeelanaya dhiggooda dalka Itoobiya si loo xoojiyo wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac. Safarkan waxa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal sarsare oo ka tirsan Madaxtooyada Qaranka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  7. Afgooye (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya lagu dilay deegaanka Dhanaane ee gobolkaasi. Weerar qorsheysan oo loo adeegsaday bam gacmeed ayaa la sheegay in lagu dilay askartani oo ka mid ahaa ciidamada milatariga ee ka howlgala halkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in kooxihii ka dambeeyay weerarkani ay goobta isaga baxsadeen. Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilkan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Warka ka soo baxay Al Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in horay ay uga qaateen askartaasi hubkii ay wateen. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  8. Cammaan (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal C/raxmaan, ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Cammaan ee Dalka Jordan, dhiggiisa Dalka Qadar , Alsayid Axmed Bin Cabdalla Bin Zaid, markii ay halkaa uga qeyb galeen shirka 29 aad ee Midowga Baarlamaanka Carabta. Kulanaka ayaa waxay Labada Mas’uul uga wada hadleen xiriirka Labada Baarlamaan ee Soomalia iyo Qadar, danaha ay wadaagaan iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Walaaltinimo ee ka dhexeeya. Shirka 29 aad ee Midowga Baarlamaanka Carabta ayaa Shalay ka furmay Caasimadda Dalka Urdun ee Cammaan , wuxuuna socon doonaa muddo Laba Maalmood ah, waxaana cinwaan looga dhigay Qdus waa Caasismaadda soo jireenka ah ee Dowlaadda Falastiin View the full article
  9. Garbahaarey (SMN) – Maxkamadda Garbahaarey ayaa saaka xukun toogasho ah ku fulisay Muxamuud Cali Xaamud oo kufsi iyo dil u geystay Marxuumad Xaliimo Cali Macalin Saalax 18 jir aheyd. Ninkan oo 32 sano jir ahaa ayaa qirtay in uu geystay falkan, sida ay shaacisay maxkamaddu. Fagaaraha lagu toogay ayaa waxaa ku sugnaa ehellada labada qoys, dad shacab ah iyo xubno ka tirsan maamulka degmada Garbahaarey ee xarunta G/Gedo. Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa goobta ka akhriyay xukunka dilka ah ee lagy fuliyay marxuumka. 28-kii bishan ayey aheyd markii go’aan kama dambeys ah oo ahaa xukun dil ah Llaga gaaray kiiskan oo ka dhacay agagaarka tuulada Reysqode oo 18 KM u jirta magaalada Gaarbahaarey oo dhacda koonfurta Soomaaliya. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa ayaa waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Madaxweyne Farmaajo oo casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa kulan laba-geesood ah la yeelanaya maanta, iyaga oo ka wada hadli doona adkeynta xiriirka labada dal iyo guud ahaan xoojinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa iyana kulamo la yeelanaya dhiggooda dalka Itoobiya si loo xoojiyo wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac. Safarkan waxa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal sarsare oo ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.
  11. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-05032019.mp3 View the full article
  12. Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa ka soconaya kulan u dhaxeeya madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaaladaasi, waxaana jiray kulamo hordhac ah oo durba ay yeesheen isaga iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya. Labadan mas’uul ayaa kulankooda waxa ay diiradda ku saarayaan arrimaha ammaanka, dhaqaalaha iyo iskaashi dhexmara Labada dal. Markii ay soo dhammaadaan kulamadan ayaa la filayaa in faah faahin dheeraad ah laga bixiyo waxa ay isku afgarteen madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Somaliland ayaa sheegtay in Puntlad ay bilowday daandaansi ay ku dooneyso in mar kale dagaal dib uga dhex bilowdo Labada dhinac. Gaashaanle C/raxmaan C/laahi Xasan oo ah afhayeenka ciidanka Somaliland ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay Labo jeer weeraro kusoo qaadeen ciidankooda oo ku kala sugnaa gobollada Sanaag iyo Bari. Waxa uu sheegay in haddii aanay Puntland joojin daandaansiga ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay dhankooda tallaab u qaadi doonaan. “Puntland Labo jeer ayeey ciidankeena soo weerartay balse waan erinnay, waxaan leenahay haddii aadan joojinna waxaad waddaan tallaab cad ayaan qaadi doonnaa” ayuu yiri afhayeenka. Dagaallo ayaa shalay ka dhacay deegaanno ka mid ah gobollada Sool iyo Sanaag, iyadoo Somaliland ay dagaalladaasi ku sheegtay iney kusoo qaadeen ciidanka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Sidey isu waafaqayaan goni isu taaga Somaliland iyo hanka Abiy Ahmed ee midnimada geeska Afrika . Go’aanki 18 May, 1991 lagaga dhawaaqey magalada Burco goni isu taaga Somaliland mu aheyn mid si hawl yari ku yimid ama cid gaar ah ku dhawaaqdey ee qeybaha kala duwan ee mujtamaca Somaliland wey u wada dhamaa’een sida madax dhaqmeedka, hormoodka siyaasiyinta, wax garadka, culimaa’u diinka Somaliland. Waxa ku xigtey aftidi dastuurka Somaliland ee shacabka laga qaadey, 2001 oo 97% u codeyeen goni isu taaga Somaliland. Somaliland waxey soo martey marxalado badan oo kala du duwan, sida dib u heshisiinta beelaaha walaalaha ‘ah ee reer Somaliland( Reconciliation of the conflicted tribes of Somaliland ), hub ka dhigista ( Disarmament )waxey sameeysatey dawlad ku dhisan seddexda dhadhaar ee golaha fulinta, golaha sharci dejinta iyo golaha cadaaladda, hanaanka xisbiyada badan, xoriyat al qawlka iyo doorashooyin hal qof hal cod oo si nabad gelyo iyo hufnaan u dhaca, beesha caalamkuna goob joog ka ahaayeen, mandaqadda geeska afrikana ku cusub ( kenya oo qudha aya nidaamka hal qof hal cod ku wahelisa Somaliland ) . Waxay xukuumadihi kala dambeyey ( Shan madaxwene aya si nabad gelya’ ah isu bedeley ) ka hawl galeen Ictiraaf raadinta Somaliland, iyago ku guuleystey iney ka furaan xafiisyo metala danaha Somaliland caasimadaha dawladaha qaar, sida Djibouti, Ethopia, Kenya, UAE, Ingiriiska, Mareykanka, iwm. Ictiraaf raadintu wa qodobka labaad ee ahamiyadda weyn u leh Somaliland ee ku xiga AMNIGA IYO NABAD GALYADA Somaliland. Haddaba markaan ku soo noqdo dulucda maqaalkegan, marka cilmiga siyaasadda la baranaayo, dariska kowaad waxu othanaya, siyaasaddu waxey le dahey dano joogta ah ee ma leh saaxib joogta’ah ( Xigasho, PM Churchill ). Ethiopia waxa innaga dhexeeya dano badan, sida tu amni, dhaqaale, shacab ( dadka Somaliland ka soo jeeda labada dawladood wey degaan ), shaqo abuur, daaqsimo, waraab iwm. Haddaba caqliga saliimka ee sida wax u arkaya mar walba innu xoojiyo arrimaha mooye kama suurtoodo innu wax yeleeyo. Madaxdi EPRDF ee ka horeysey prime minister Abiy Ahmed ee May, 1991 talada dalka Ethiopia la wareegey sida cadceedda ayey u arkayeen danaha labada dal ka dhexeeya ee Somaliland iyo Ethiopia laakiin mudane Prime minister Abiy Ahmed waxaad mooda innu la yimid han siyaasadeed oo dulucdeedu tahey midnimada geeska Afrika, gaar ahaan Somalia, Ethiopia iyo Eritrea. Siyasadaaso’ aanu soo bandhigin qorshe cad oo tafaatiran qaab ka loo fulinaayo, balse laga ogaadey hadalo iyo wareysiyo uu saxaafadda siiyo marku la kulmaayo madaxda kale ee labada dal ee Somalia iyo Eritrea oo iyagu marnaba laga maqal midnimada uu sheegayo mudane Abiy Ahmed. Siyaasadda cusub ee mudane Abiy Ahmed waxey keentey faa’iido iyo khasaare labadaba. Faa’iidooyinku waxa weyaan: In colaadihi ka dhexeeyey dawladaha geeska Afrika sida Ethiopia iyo Eritrea oo dagaal boqolaal kun ku dhinteen qaar na ku naf waayeen innu soo afjaro, dhulki Badme ee muranku ka taagnana uu Eritrea u celiyo.Ganacsiga ka dhexeeyey labada dal oo dib u bilaabmey In Somalia iyo Eritrea dib u heeshisiyo. In colaaddi ka dhexeeysey Djibouti iyo Eritrea ee muranka dhulka (Ras Dumeira ) ee Eritrea ka qabsatey Djibouti u wada hadal u socdo laakiin ilaa hadda wax xal midha dhal ah lama gaadhin. Khasaaraha waxa ka mid ah : In siyaasadan cusub ee midnimada geeska Afrika aanu mudane Ahmed Abiy si cad oo qayaxan u soo bandhigin taaso geeska Afrika ka abuurtey shaki iyo jaha wareer siyaasadeed, dhaqaale. bulsho, amini, iyado marar qaarkood ka soo baxayaan mudane Ahmed Abiy iyo Generalada ciidamadisa hadalo nuxuurkisu iftiminaya baahida ay ciidankooda badda u qabaan xeebaha balaadhan ee Somalia ee cidna ka manaafacaadsan. Diblumaasiga caanka ‘ah ee Ethiopia Birhanemeskel Abebe wuxu yidhi’’ waxaanu midnimada geeska Afrika’ u dooneyna inaanu u helno ciidanka badda saldhig military’’ ( xigasho BBC News 14 June. 2018 ) Waxa xawaarahoodu hoos u dhacey xawligi’ iyo dar darti ay hore ugu socdeen qaar ka mid aha heeshisyadi mashaaricdi ay saxeexeen madaxdi EPRDF ee ka horeysey mudane prime minister Abiy Ahmed sida saamigi 19% ee ay Ethiopia ku la heyd dekedda Berbera, waxa kalo ka maqna labada xafladood ee dhegax dhigga balaadhinta dekedda Berbera iyo waddada Berbera Corridor mas’uulinta heer federal oo mas’uuliyadoodu tahey mashaaricda noocan ihi. Mashruuci balaadhna ee $ 24 bilion ( Lamu South Sudan Ethiopia Transport ‘’ lapsset’’ ) ee Ethiopia la gashey Kenya 2012 oo sidi u xaniban Dagaalada qawmiyadaha Ethiopia dhexdeeda ka socda iyo cabsi laga qabo innu saameeyo nabad gelyada dawladaha jaarka ah. Eng. Bashe Cabdi Gaboobe Email : gaboobe _3@ hotmail.com Qaran News
  15. (SLT-Gado)-Eedeysanahan oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cali Xaamud ayaa in mudo ah ku xidhnaa saldhigga dhexe ee degmada Garbahaareey ayadoo loo heystay dambi isugu jira dil iyo Kufsi. Ninkan ayaa ku eedeysnaa in gabadh yar oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Cali Macallin Saalax oo ay da’deedu ahayd 18 sano jir uu kusaday kadibna ceenji ku dilay, waxaana falkan uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Yucubleey oo qiyaastii 15 KM u jira degmada Garbahaareey. 32 sano jirkan ayay Maxkamadda degmada Garbahaareey 04-tii bishan march ku riday xukun dil ah, waxaana maanta ay maxkamaddu fulisay xukunkaasi. Ninkan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaal duleedka degmada Garbahaareey, waxaana goobtii uu dilku ka dhacayay ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi iyo xubno ka socday maxkamadda cadaaladda degmada Garbahaareey. Source
  16. (SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Addis Addis Ababa, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Wafdiga madaxweyne Farmaajo oo ay kamid yihiin Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha dibadda C/qaadir Axmed Khayr iyo La Taliyayaashiisa, ayaa loo galbiyay madaxtooyada dowladda Itoobiya oo ay kulamo kula yeelanayaan Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Madaxweyne Farmaajo iyo Abiye Axmed ayaa kulan horudhac ah ku yeeshan qeybta VIP ee garoonka diyaaradaha Bole, waxaa ay yeelan doonaan kulan kale oo labo geesood ah oo lagaga hadlayo iskaashiga iyo is dhexgalka dhaqaale ee gobolka iyo amniga dalalka dhaca Geeska Afrika. Warbaahinta dowladda Itoobiya ee Magaceeda loo soo gaabiyo FANA ayaa qortay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu horseed ka yahay aragtida nabad ku wada noolaanshaha Gobolka Geeska Afrika. Warar kale oo soo baxaya waxa ay sheegayan in labada hoggaamiye ay isla soo qaadi doonaan sida la sheegay xaaladda kusoo kordhay gobolka Geeska Afrika oo bilooyinkii u dambeeyay isbedalo badan uu ka socday. Axadii la soo dhaafay waxaa magaalada Asmara kulan Saddex geesood ah ku yeeshay Hoggaamiyaasha Itoobiya, Kenya iyo Eritrea, iyagoo ku heshiiyay sameysashada Iskaashi saddex goosaad ah oo ku aadan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo nabada, kaasi oo aanay qayb ka ahayn Soomaaliya. Kenya ayaa il gaar ah ku heysa waxa ka soo baxa kulankan cusub ee maanta dhexmaraya Abiye iyo Farmaajo, waxaana suura gal ah in kulankooda uu qeyb ka noqdo madaxweynaha dalka Eritrea Isias Afwerki. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Isku dhacyo kooban ayaa Ciidanka Qaranka Somaliland iyo maleeshiyaad taabacsan maamulka Puntland ku dhexmaray degaanka Gambadha oo ilaa 30km u jira magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarka oo lagu sheegay mid gaadmo ah laakiin, Ciidanka Qaranka ee Somaliland ayaa ku hanjabay in aanay faraha ka laaban doonin haddii ay sii socdaan weerarrada maleeshiyaadka Puntland. Sida ay sheegayaan xogaha wargeyska Waaberi ka helay ay maleeshiyadu jidka ugu galeen ciidamo ka tirsnan Militariga Somaliland waxa ka dhashay khasaare kooban waxaana maleeshiyaadka laga qabsaday hal gaadhi. Kooxda ayaa la sheegay in uu hoggaaminayay nin u dhashay gobolka Sool oo ka mid ah maleeshiyaadka Puntland. Afhayeenka ciidanka Qaranka Somaliland Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan (Cabdidheere) oo warbaahinta kula hadlay miiska saraakiisha ee Hargeysa ayaa sheegay in dagaalladii u dhexeeyay Somaliland iyo maamulka Puntland ay u arkayeen mid uu waday nidaamkii Cabdiwali Gaas laakiin, aanay tuurtuurka maleeshiyaadku wali joogsan. “Waxa jiray waayadan dambe in dagaal nagu dhexmaray Tukaraq ciidanka Qaranka JSL iyo maamulka Puntland, dagaalkaas oo aanu u arkaynay in ay wadeen maamulkii la bedelay ee Puntland taas oo muddadan dambe ee ay dhacday doorashadii Puntland aanu filaynay in ay nala qaateen nabadda aanu ku naaloonayno ee aanu doonayno in jaarku ku wada noolaado oo nabadda sida aanu uga shaqayno uga shaqeeyaan,” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka ciidanka Qaranka Somaliland. Waxa uu intaasi raaciyay in shalay iyo dorraadba ay dhaceen weerarro dhanka Sanaag iyo Sool ba ah “Hase yeeshee shalay (Dorraad) iyo maantaba(Shalay) waxa dhacay dagaal gaadmo ah ama itaal darro ah oo aan waxba ka qaadayn ciidanka JSL oo ay ka sameeyeen gobolka Sanaag Bari iyo Sool ba. Shalay (Dorraad) waxa naloo sheegay in ay soo galeen soone ka mid ah Sanaag Bari ciidanka Qaranka ayaana baacsaday waxaanay eryadeen ilaa ay ka baxayeen xuduudda Somaliland. Maanta (Shalay) laba baabuur oo ay leeyihiin Puntland ayaa Barqadii soo weeraray ciidanka ay fadhiisimadu u yihiin Gambadha Ciidanka Qaranku si fiican buu isu daafacay waanu ka war helay labadii baabuur mid ka mid ahna waanu ka qabsanay, warka dhankooda ka imanaya waxa naloo sheegay in afar qof ka dhaawacmeen oo taliyihii ciidanka watay ka mid yahay,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeenku. Afhayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland waxa uu ka digay in madaxweynaha dhawaan la doortay ee Puntland Siciid Cabdillaahi Deni sii wado colaadda u dhexeysa labada dhinac “Waxaanu ka digayna oo aanu ku celinayna anaga oo raacayna Istiraatijiyadda madaxweynaha JSL ku celceliyay ee ahayd in Somaliland nabad kula noolaanayso jaararka, hase yeeshee haddii ay Puntland joojin waydo waddada hore ee ay hayso ee maamulkii hore mari jiray ee kii maantuna raacay waxaanu ka bixin doona tallaabo ku haboon oo aanu maanta ciidanka Qaranka JSL cidna u daba fadhiisanayn cidna kula gorgortamayn sugidda ammaanka xuduudda Somaliland, arrintaasi haddii ay dib u dhacdo wuxuu ciidanka Qaranku qaadi doona tallaabada ku haboon,” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka Ciidanka Qaranka ee Somaliland. Dawladda Somaliland iyo maamulka Puntland ayaa ilaa horraantii sanadkii 2018 waxa aagga Tukaraq ku dhexmarayay dagaallo soo noqnoqday oo saamayn ku yeeshay labada dhinac iyo ammaanka Mandaqada. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo dorraad ka hadlayay munaasibad lagu daahfurayay dhallinyarada carbiska Shaqo Qaran u bilawday ayaa sheegay in culays dhaqaale ay ku yeelatay xiisadda Tukaraq “ Shaqada Qaranka markii aanu aasaasaynay dhaqaalaheenu wuu yara waxay ahayd in aanu lix bilood hor qabano dib bay u dhacday. Markii aanu qorshihii u horeeyay galnay hawlo badan baa inala kulmay; mid waxay ahayd duufaankii ka dhacay Galbeedka oo culayskeeda dhaqaale yeelatay midna waxay ahayd weerarkii Puntland inagu soo qaadday oo culayskiisa yeeshay intii ka dhexeysay oo dhan dhaqaale ahaan ayaanu ula rafanaynay,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa la filaya in ay dhawaan dib u bilaabaan wada hadalka labada dhinac taas oo la filayo in ay qayb ka noqdaan joojinta colaadda labada dal. Source
  18. Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu toogtay nin kufsaday haweeneey kadibna dilay. Maxamuud Cali Xaamud ayeey Ciidamada Dowlada ku fuliyeen Dil Toogasho ah. Marxuumka ayaa horay u Kufsaday Marxuumad Xaliimo Cali Macalin Saalax. Maxkmada Garbahaareey ayaa dil toogasho ah ku riday kal hore iyada oo isla maantana fulisay. PUNTLAND POST The post Garbahaareey: Toogasho lagu fuliyay nin kufsaday haweeneey kadibna dilay appeared first on Puntland Post.
  19. Wasiirka Wasaaradda Wabarshada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe. Dhaarinta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa kula dar-daarmay Wasiirka in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya, taas oo uu ugu adeegayo shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba, Isla’ markaana waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey in uu ka feejignaado waxkasta oo hoos u dhac u keenaya shaqadiisa. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey wasiirka cusub in uu ku asturo shaqadiisa, uuna ka yeelo mid si daacada, sinaan iyo cadaalad ah uga soo baxa masuuliyadda loo igmaday. Wasiirka Wasaaradda Wabarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa noqonaya Wasiirkii ugu danbeeyey ee la dhaariyo, taasi oo macnaheedu tahay in dhammaan ay mareen Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland dhaarta dasduuriga ah. ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? Puntland Post The post Wasiirka Waxbarashada Puntland oo la dhaariyay appeared first on Puntland Post.
  20. Maarso 05, 2019, Wasiirka Wasaaradda Wabarshada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa [...] Source
  21. Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaaray Addis Ababa ,iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyay Ra”iisul Wasaaraha Itoobiya. Muddane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Labada masuul ayaa kawada hadi doono xoojinta xiriirka labada dal oo uu ugu horeeyo Amniga iyo guud ahaan horumarka iyo Nabadgalyada gobolka. Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka. View the full article
  22. Somali president Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmajo” arrived in Ethiopia on Monday (March 5) on an official visit. He was received at the Bole International Airport by his host Prime Minister Abiy Ahmed. Both leaders are expected to hold talks on bilateral and regional issues. “The visit has come as part of Prime Minister Dr. Abiy Ahmed’s initiative for regional peace and security and economic integration in the Horn of Africa region,” the PM’s office noted. The Somali delegation included top government officials whiles the reception officials also included Foreign Minister Workneh Gebeyehu and Peace Minister Muferiat Kamil. Farmaajo’s last visit to Ethiopia was in February 2019 when he joined heads of government for the 32nd African Union, AU, summit. He visited last year flying to Bahir Dar in the Amhara region to join Abiy and Eritrean President Isaias Afwerki for the second edition of a tripartite summit between the three countries. He was billed to visit in February when Somaliland leader was also due in Addis Ababa. Despite official confirmation of the meeting between Farmaajo and Muse Bihi, his participation did not materialize. It is not known if the current talks will include conditions for a possible meeting with the leader of Somaliland – the semi-autonomous region of Somalia. Ethiopia and Somalia have a long history with Addis Ababa in the recent years accused of being behind instability in Somalia even though Ethiopian troops continue to serve under the AU mission, AMISOM. View the full article