Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha wakiilada dowladda Puntland oo maanta dood dheer ka yeeshay hannaanka loo ansixin doono xukuumadda cusub ee uu soo magacaabayo madaxweyne Deni ayaa cod gacan-taag ah ku meel-mariyay in golaha wasiirada si wadar ah loo ansixiyo. Kulanka oo ay fadhiyeen 53 mudane ayaa 26 xubnood oo kamid ah u codeeyeen in xukuumadda si wadar ah loo ansixiyo halka 24 xildhibaan ay diideen 3 kalena ka aamustay. Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo shir-guddoominayey kulanka ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday codeynta oo ah in si wadar ah loo ansixiyo golaha wasiirada cusub. Baarlamanka ayaa hore u go’aamiyay in xukuumadda cusub mid-mid loo ansixiyo si loo hubiyo tayada shakhsiga wasiirka noqon doona hase yeeshee waxaa go’aankaasi ayaa haatan meesha ka baxay. Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu gelinka dambe ee maanta oo Axad ah ku dhawaaqo liiska golaha wasiirada cusub kuwaasoo loo gudbin doono Baarlamanka si ay u ansixiyaan. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo meel-mariyay in si wadar ah loo ansixin doono xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.
  2. Garowe (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa meel mariyay qabka loo ansixin doono xukuumadda cusub ee uu soo dhisayo madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Kulan ka dhacay magaalada Garowe ayaa xildhibaanada waxay ku ansixiyeen in si wadajir ah loo ansixiyo golaha wasiirada cusub ee madaxweyne Deni soo magacaabayo. Arintaasi ayaa meesha ka saareyso warar maalmihii ugu dambeeyay soo baxayay oo ku aadan in hal hal loo ansixin doono golaha wasiirada, waxaana sidaasi horey u sheegay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland. Xildhibaanada ku sugnaa xarunta baarlamaanka ayaa 26 kamid ah waxay ogolaadeen in si guud loo ansixiyo xubnaha golaha wasiirada ee maamulka Puntland halka 24 Xildhibaan waxay u ansixiyeen in mid mid loo ansixiyo Wasiirada. 3 Xildhibaana waa ka aamustay, waxaana sidaasi guddoonka baarlamaanka Puntland uu ku shaaciyay in si Wadajir ah loo meel marin doono golaha wasiirada maamulka Puntand. Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku dhawaaqo golaha wasiirada maamulkiisa Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@Live.com
  3. The Secretary-General met today with President Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmajo” of the Federal Republic of Somalia, on the margins of the African Union Summit. The Secretary-General commended the Federal Government of Somalia’s (FGS) reform agenda and underscored the importance of implementing the FGS’s roadmaps on Inclusive Politics, Security and Justice, Economic Recovery, and Social Development, in close cooperation with Somalia’s Federal Member States. Furthermore, the Secretary-General stressed the need for continued strong coordination between the Somali federal forces and their international partners, particularly the AU Mission in Somalia (AMISOM). The Secretary-General expressed gratitude for the Federal Government of Somalia commitment to maintaining the security and safety of the UN personnel in Somalia, as they support FGS in making progress towards a peaceful and prosperous future for the people of Somalia. The post President Farmajo meets with the UN Secretary General appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Maanta oo kale 1965, waa maalintii si rasmi ah loo aasaasay ciidanka badda Soomaaliyeed, laakiin sida aad ku arki doontaan warbixintan ciidanka badda waxaa uu jiray 15 sano ka hor xilligaas. Ciidanka badda waxaa markii ugu horeysay la aasaasay 1950-kii, iyagoo ka mid ahaa ciidamo uu Talyaaniga ka aasaasay koofurta dalka markii uu dalka dib ugu soo laabtay, waxaa lagu bilaabay 40 nin oo la dhihi jiray kooxdii ciidanka badda, shaqadooduna ahayd maamulka dekedda. Ciidamada Badda, waxaa ay ka qeyb galeen dagaalkii aan la galnay Itoobiya 1964-tii, Ciidanka waxaa la geeyay Doolow, si ay Webiga ugu gudbiyaan saadka iyo askarta haddii loo baahdo, waxaana loo yaqaanay kooxda badda ee koofurta Soomaaliya. 1963: Waxaa safar Ruushka ku tegey ra’isul wasaarihii dalka Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo Taliyihii Ciidanka qalabka sida General Da’ud, heshiisyo badan oo dalka Ruushka ay la galeen waxaa ka mid ahaa in maraakiib la siiyo ciidanka badda Soomaaliyeed. December 1964-tii ayaa ciidanka badda si rasmi ah loo hoos-geeyay wasaaradda gashaandhigga, xilligaas tiradoodu waxaa ay ahaayeen 40 nin oo isugu jiray saraakiil, saraakiil xigeen, dabley iyo 3 sarkaal oo kala ahaa: Khalif Macow Xasan, Xalane iyo Jeilaani. Ciidanka badda waxaa ay qeyb ka yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ciidanka xoogga wuxuu ka kooban yahay 4 ciidan oo kala ah: ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo difaaca cirka. February 10, 1965: Maraakiibtii uu ballan-qaaday Ruushka waxaa ay dekedda Berbera soo gaareen February 10, 1965-tii, waxaana la wareegay saraakiisha ciidanka badda oo si rasmi ah uga tirsanaa wasaaradda gaashaandhigga, iyadoo maalintaas loo aqoonsaday maalinta ciidanka badda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, wixii maalintaa ka dambeeyana sanad weliba maalintaa ayaa loo dabaal-degaa maalinta ciidanka badda Soomaaliyeed. Ciidamadeena badda waxaa tababar, hub iyo saanad siin jiray dalka Ruushka, 6 markab ayey noqdeen muddo sanad ka yar, ciidanka waxaay isugu jireen difaaca xeebaha, baro ilaalo xeebaha ku tixan iyo ciidamo dhulka ku dagaalama. 1977: Markii uu dhacayey dagaalkii xoreynta Soomaali galbeed, ciidanka badda waxaa uu lahaa 20 markab, 10 urur oo Commandos ah oo badda iyo berriga ka dagaalama, 15 bar oo xeebaha ku tixan, Iskuul ay ka soo baxaan ciidanka galaya badda oo ku yaalay magaalada Baraawe iyo 3 Iskuul oo farsamo kuwaas oo ku kala yaalay Muqdisho, Kismaayo iyo Berbera…illaa markii dambe ay isku dhaceen Soomaaliya iyo Ruushka, maalintaas ka dib waxaa hoos u dhacay awooddii ciidanka badda. Taliyeyaashii soo maray Ciidanka xoogga dalka wixii ka horeeyay 1991: 1950-1965: Waxaa Taliye u ahaa ciidanka badda Khalif Macow, waxaa xigay Col Cali Xaashi Barre, waxaa 3-aad noqday Gaashaanle Maxamuud Geelle Yusuf, waxaa 4-aad ahaa G.sare Maxamud Cumar Cismaan, 5-aad waxaa noqday Admiral Faarax Qare, 6-aad waxaa mar labaad noqday Admiral Maxamud Cumar Cismaan iyo ugu dambeyntii Adimiral Saciid Mariir illaa dowladda ay ka burburto 1991-dii. 1991: Burburkii ka dib, Maraakiibtii sawaariiqda qaadda waxaa ay ahaayeen labo markab, waxaa loo qaaday Cadan 1989-kii si midabka looga bedelo, laakiin dalka wuxuu galay dagaaladii sokeeye. Markabtii ugu weynaa ee askarta lagu qaadi jiray waxaa ugu war dambeysay Mombasa halka maraakiibtii kale ee ciidanka badda lagu bililiqeystay magaalada Kismaayo, laguna furfurtay. Ciidamada badda ee hadda jira waxaa ay heystaan Doomo, laakiin malaha tayadii hore, waxaa ay sameeyaan sahan, waxaa uu dagaal ka geli karaa meelaha dhow, dekedaha ayuu illaalin karaa, waxaa kale uu ilaaliyaa biyaha qaranka ee Muqdisho u dhaw, laakiin waxaa uu dhib ka heystaa ilaalinta xeebta dalka oo si sharci darro ah ay u joogaan ciidamo iyo maraakiib shisheeye iyo burcad badeedda, dhoofinta sharci daradda ah ee dhuxusha iyo hubka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah aqoonyahanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ayaa siyaabooyin kala duwan kaga hadlay arrimaha Shidaalka Soomaaliya iyo soo saaristeeda. Danjire Maxamed Axmed Caalim oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed, oo aad kaga hadla arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa ka hadlay Shidaalka Soomaaliya iyo shirkii dhawaan ka dhacay magaalada London. Danjire Caalim, ayaa sheegay inay aad kaga walaacsan yihiin in Kheyraadka Soomaaliya gaar ahaan shidaalka lala wareego iyadoo shirkado gaar ah ay heli karaan sharciyo ay kula wareegi karaan Shidaalka. Wuxuu sheegay in Aqoonyahanada iyo ruux kasta oo Soomaaliyeed uu ku faraxsan yahay in dalka Soomaaliya uu yeesho Shidaal, islamarkaana sida muuqata in dhawaan lasoo saari karo shidaalkaasi. Wuxuu ka digay in sida ku dhacday dalal badan in lagala wareeggay kheyraadkooda iyadoo waliba dalalkaasi ay colaado ka jirto, sidaasi si lamid ahna ay ka digayaan in lala wareego Shidaalka iyo Kheyraadka dalkeena. Shidaalka Soomaaliya ayuu sheegay inuu u muuqdo mid waqti dhow lasoo saari doono, balse loo baahan yahay in laga fakaro sharciyadda shidaalka iyo sida loo wada ilaalin karo kheyraadka dalka. Shirkadda Sahmisay shidaalka ee dhawaan bandhiga ku sameysay magaalada London ayaa ogolaanshaha sahminta Shidaalka waxay ka heshay dowladdii ka horeysay tan hadda Dhisan ee madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland ayaa mar uu waraysi la yeeshay Wariye Cabdisalaan Hereri waxa uu sheegay in Somaliland ay saldhigga millatari ee Imaaraadka ka dhisanayo Berbera ay ka kiraysay oo ay lacag kiro ah ka qaadayso. Dhan kale Wasiirka wasaaradda maaliyadda Sacad Cali Shire oo la weydiiyay sababta ay miisaaniyadda qaranka ugu soo dari waayeen lacagta kirada ee saldhigga Berbera ayaa waxa uu si cad u sheegay in aan wax kari ah laga qaadi doonin. Haddaba su’aasha ay shacabka reer Somaliland is weydiinayaan ayaa waxa ay tahay keebaa sax ah hadalka Madaxweynaha iyo wasiirka. Halkan hoose ka DAAWO Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa bartiisa waxa uu kaga hadlay arrintan iyo labadan hadal ee kala duwan ee ka soo yeedhay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiir Sacad Cali Shire Tweets by CirroSL Source
  7. Addis Ababa (SMN) – Madaxa iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ee Midowga Yurub Neven Memica ayaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ku saxiixay barnaamijyo horumarineed oo uu ururku ku taageerayo dalal dhaca qaaradda Africa. Mr Neven Memica ayaa ballan qaaday in lacag dhan 225 Milyan oo Euro uu Midowga Yurub ugu deeqi doono dalal ay ku jirtoSoomaaliya,si loo hormariyo xasiloonida,shaqo abuurka iyo nabadeynta dalalka Geeska Africa. Sidoo kale Madaxa iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ee Midowga Yurub ayaa sheegay in ay muhiim tahay kordhinta taageerada dalalkan ay ku jirto Soomaaliya,isla markaana ay lacago badan ku bixi doonaan ammaanka biyaha Soomaaliya. Mas’uulkan ka tirsan Midowga Yurub ayaa barnaamijyada horumarineed ku saxiixay M/ Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya,halkaasi oo uu kula kulmay ra’iisal wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed iyo guddoomiyaha ururka Midowga Africa Muuse Faki Mohamed oo uu kala hadlay sidii uu iskaashi u dhexmari lahaa Midowga Yurub iyo Midowga Africa. Si kastaba ha’ahaatee Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka taageera dhanka ammaanka,dhaqaalaha, siyaasada iyo wax ka qabashada arimaha bani’aadanimada. The post Midowga Yurub Oo lacago siinaya dalal ay ku jirto Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya uu lacago dul dhigay dhamaan Cable-da (Keeybalada) tabiya ciyaaraha ee ku yaala magaalada Muqdisho. Qaar kamid ah xarumaha looga bartay tabinta ciyaaraha dalka ayaa sheegay in xiriirka uu kusoo rogay amar ah inay bixiyaan lacag gaareysa 30,000 (Soddon kun) oo doolar haddii ay doonayaan inay tabiyaan ciyaarta dhexmari doonta xulalka Eritrea iyo Soomaaliya. Xarumaha Muqdisho Cable, Astaan Sports iyo Rajo Cable oo ahaa kuwo si toos ah u tabiya ciyaaraha ayaa inoo xaqiijiyay in amarkaasi lagu soo rogay xarumahooda, waxaana dhankooda ay sheegeen inaysan lacagtaasi bixin karin. Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xarumahan horey loogu soo rogay inay bixiyaan sanadkii 20,000 (Labaatan kun) oo doolar si ay u tabiyaan ciyaaraha horyaalka Soomaaliya balse wey iska diideen. Taasi waxay qasabtay in xarumaha qaar ay joojiyaan baahinta tooska ah ee ciyaaraha gudaha Soomaaliya, sida xogta aan ku heleyno, waxaana laga baqayaa inay sidoo kale ay joojiyaan ciyaaraha kale ee ka dhacaya magaalada Muqdisho. “Waa run lacagtaasi waa nalagu amray inaan bixino, mana ahan wax suura gal ah amarkaasina xafiiska xiriirka kubbadda Cagta ayuu naga soo gaaray, ciyaarta Eritrea iyo Somalia inaan tabino darteed ayaana sidaa nalugu amray”sidaasi waxaa Caasimadda u sheegay mid kamid ah masuuliyiinta Xarumaha amarkaasi lagu soo rogay. Xiriirka kubadda Cagta oo aan la hadalnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arintaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa shirara kala duwan oo caalami ah kaga qaybgalay magaalada Hegue ee dalka Holland (Netherlands) oo ku yaal Woqooyi-galbeed ee qaaradda Yurub. Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed oo qoraal kooban soo saaray xalay, ayaa faahfaahin ka bixiyey, isla markaana ka xog-waramay laba shir oo ay kaga qaybgaleen dalka Holland maalmihii Khamiista iyo Jimcaha, halka sidoo kale uu tilmaamay inuu shirar gaar-gaar ah la qaatay weftiyada kala duwan ee ka qaybgalay shirarkaas, kuwaasoo uu u soo bandhigay guulaha uu gaadhay dalka Somaliland. Qoraalkan oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan; “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa shirar caalami ah oo lagaga hadlay arrimaha garsoorka iyo helidda caddaaladda kaga qaybgalay magaalada The Hague ee dalka Holland ee qaaradda Yurub. Guddoomiyaha oo hoggaaminayay wefti reer Somaliland ah oo ay ka mid yihiin bulshada rayidka ah, wuxuu 7-da February 2019, kuna beegan maalintii Khamiista uu ka qaybgalay shir ay iskugu yimaadeen ku dhowaad 200 qof oo ka kala yimi Adduunka oo dhan. Dadka ka qaybgalay waxay ka kala yimaadeen dalal ay ka mid yihin; Holland, Norway, Ingiriiska, Kuuriya, Maraykanka, Argantiin, Baraasiil, Kiiniya, Gaana iyo dalal badan oo kale. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Wasiirka Caddaaladda ee Gambia Shirka waxa furtay Sigrid Kaag oo ah Wasiirka Ganacsiga Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Holland. Waxa sidoo kale ka soo qaybgalay Wasiirrada Caddalaadda ee dalal ay ka mid yihiin; Argentina, Serie Leone, Holland, Gambiya iyo dalal kale. Waxa kaloo shirka ka soo qaybgalay garsoorayaal, Ururro Caalami ah iyo Qarammada Midoobay iyo Madaxwaynayaal hore. Waxa shirka marti-gelisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Holland. Photo: Sigrid Kaag oo ah Wasiirka Ganacsiga Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Holland Taariikhdu markii ay ahayd 8 February 2019, kuna beegan maalintii Jimcaha, waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ka qaybgalay shir kale oo u gaar ah Somaliland. Shirkan oo lagu faaqiday arrimaha garsoorka iyo helidda caddaaladda Somaliland, qorshaha dib-u-habaynta garsoorka iyo hawlaha ay ku foogan yihiin Ururrada Bulshada Rayidka, iyadoo ay shirkan si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyeen xarumaha iyo Hay’adaha kala ah; Knowledge Platform Security and Rule of Law oo ah xarun isku-xidh ah oo ay ku bahoobeen khubaro iyo aqoonyahanno ka shaqeeya arrimaha amniga iyo ku-dhaqanka sharciga, Hay’adda Safer World iyo Xarunta Xuquuqal-insaanka ee Somaliland. Guddoomiyuhu wuxuu la kulmay wufuuddii kala duwanayd ee shirarka ka qaybgalay, isaga oo la wadaagay guulaha uu gaadhay dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo qorshayaasha u yaal, si loo rumayn lahaa guulo dheeraad ah. Dadka kala duwan ee uu Guddoomiyuhu la kulmay, waxa ay aad ugu riyaaqeen arrimaha horumarinta garsoorka ee ka socda Somaliland, iyadoo ay weftigu shirkan kaga qaybgaleen magaca dalka Somaliland. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo weftigu waxay boqdeen Maxkamadda Caalamiga ah ee u qaabilsan qaadista dacwadaha dambiyada dagaal ee dalalka Rwanda iyo Yuguslaafiya, waxayna halkaas kula kulmeen madaxda Maxkamaddan oo uu ka mid yahay dacwad oogaha guud iyo saraakiisha sharci ee ka hawlgala. Weftiga uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ka mid ahaa Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac oo ah Guddoomiyihii hore ee Xarunta Xuquuqal-insaanka iyo Mr. Cabdijaliil Daahir Af-qarshe oo ka tirsan Hay’adda Safer World,” ayaa lagu yidhi qoraalka uu soo saaray Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed. Source
  10. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xoogan oo saaka ka kacay xero barakac oo ku taalla waaxda 1-aad degmada Kaxda ee G/ Banaadir. Dabka ayaa la sheegay in uu qabsaday Guryo oo cooshado ka sameysay oo ku yaalla Kaamkaasi. Khasaare hantiyadeed ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhashay dabkan, walow aan la xaqiijin inta uu la’egyahay. Ma cadda illaa iyo hadda waxa dhaliyay dabkaasi, balse waxaa lagu guuleystay in la damiyo. Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Dab-Hada.mp3 The post Dab xoogan Oo ka kacay kaam ku yaalla degmada Kaxda appeared first on Shabelle. View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa waxa ay maanta go’aan ka gaadhay dacwad lagu soo oogay wargeyska Madax-bannaan ee Foore oo ka soo baxa magaalada Hargeysa. Wargeyska Foore oo ka mid ahaa wargeysyadda ugu afka dheer ee ka soo baxa Somaliland ayaa waxa loo haysto warar uu ka qoray Madaxtooyadda cusub ee xukuumadda KULMIYE ka dhisanayso koonfurta magaalada Hargeysa. Maxkamadda ayaa waxa uu ku xukuntay in muddo sannad ah uu xayirnaado wargeysku isla markaana uu bixiyo lacag ganaax oo dhan 3 milyan oo shillinka Somaliland ah. Bulshada reer Somaliland, siyaasiyiin kala duwan, Abwaan iyo waxgarad kale ayaa waxa ay dareen ka muujiyay Madaxtooyadda cusub ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka dhisanayso duleedka koonfureed ee magaalada Hargeysa. Halkan hoose ka akhriso warqada xukunka ay Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ku ridey Wargeyska Foore Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay masuuliyadda ka saaran Xukuumadda ilaalinta hantida umadda, waxayna ka digeen in Hantida Umadda ee Qaranku leeyahay laga dhigto Hanti gaar ah. Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama) iyo Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo waeysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama) hadalkiisi ku bilaabay sidan “Xukuumadda masuuliyad baa saaran masuuliyadaas oo ah inay ilaaliso hantida umadda, isla markaana sharciga la tiigsato cid kasta oo ku takrifasha, in hantida umadda, lagu takrifalo oo la musuq-maasuqo oo si gaar ah loo isticmaalana waa dambi, waana sharci daro, in umadda hantidooda loo ilaaliyo, oo si cadaalada ah loogu ilaaliyo, oo wixii loo qabanayo si cadaalada iyo sinaani ku jirto loogu qabanayo ayaa wacan, cid kasta oo hantida umadda si khaldan u isticmaashay, ama sifo sharci daro ah u lunsatay maaha in laga habrado, ee waxay ahayd in sharci la hor keeno, maxaa yeelay qof kasta oo xilka umadda lagu aaminay, kana soo bixi waayey masuuliyadii iyo hantidii umadda, maaha in laga habrado, ee waa in la mariyaa waajibkiisa oo ah in Sharciga lala tiigsado”. Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama) mar uu ka hadlaayey Doorashada, Komishanka iyo Saami qaybsiga ayaa yidhi “Doorashadayadii dib ayey u dhacday, oo muddo kordhin baa naloo sameeyey, inta la is haysto ayuu haddana wakhtigii Doorashadu soo galayaa, ee waxaa weeye in inta aan la gaadhin Doorashada in la dhammeeyo wax kasta oo khilaafad ah, sida in arinka Komishanka Xisbiyadu ka heshiiyaan, ta kalena waa in saami qaybsigii intaas la sameeya, maxaa yeelay saami qaybsiga oo la sameeyo ayaa wax walba ka daruurisan, mana ah in laga meeraysto Saami qaybsiga ee waa in la sameeya, oo Doorashada lagu galaa saami qaybsi”. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige ayaa isna yidhi “Sacad Cali Shire, waa nin wacan, laakiin waxaan aad ula yaabay waxa bedelay, waxaana u maleenayaa in loo hanjabay, maxaa yeelay hadalkii uu ka hadlay ayuu haddana si kale uga hadlay,waxa cad in dayntaasi jirtay, haddana waxaa wax aad looga xishooda ah in la qariyo iyada oo la soo bandhigay, hantida umadda ee la boobaayo waxay muujinaysa fashilaad iyo dawladnimo la’aan,maxa yeelay si kasta oo wax loo qariyo, maruun bay soo baxayaan waxaas la qariyey, dayntana waa mid jirta, oo la dareensanaa, ta kale waxaa jira intaas oo Wasiir oo iyagu markii ay xilka qabteen wax hantiya aan lahayn, balse maanta hanti badan leh oo fooqaq liyo bangalooyin dhistay, meel kale waxba ugamay iman, mushaharkooduna fooqaq uma gooyo, ee hantidii qaranka ee lagu aaminay ayey ku dhisteen, waxaana meesha ka maqan la xisaabtankii lala xisaabtami lahaa, laakiin maalin aan maanta ahayn ayaa lala xisaabtami doona, waxaana jira cid aanay waxba ka qarsoonayn waana ALLE”. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige mar uu ka hadlaayey Doorashada iyo Komishanka ayaa yidhi “Doorashadu waxay dhacaysa bisha December, Komishankana waxa uu wakhtigu kaga eeg yahay bisha November, sidaas oo ay tahay Komishan muddo xilkoodkoodu dhammaaday, Doorasho ma qaban karaan, muddo kordhina looma sameeyn karo, sababtoo ah la iskuma raacsana inay sii joogaan, markaas in haddaba la kala diro ayey ahayd, inay ku sii nagaadan may ahaynba, haddii la doonayo inay dalka Doorasho ka qabsoontana waa in Komishan Doorashada qabta la helaa, lana xaliyaa wax kasta oo Doorashada hor taagan”. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa sabab cajiib ah u sameeyay gubitaanka AL Shabaab ay gubaan gaadiidka dhuxusha keena magaalada Muqdisho. Guddoomiye ku xigeenka Shabeelaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in ujeedada Al Shabaab ay u gubayaan gaadiidka dhuxusha keena magaalada Muqdisho ay tahay inay ka horjeedaan jarista dhirta. Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in sababta Al Shabaab u gubayaan dhuxusha iyo gaadiidka wada ay tahay inay doonayaan in dhirta ay kaga gambadaan duqeymaha diyaaradaha Drone-ka ka geystaan Shabeelaha Hose sida uu hadalka u dhigay. C/fataax Xaaji, ayaa sheegay in shalay gelinkii hore ku dhawaad 11 gaari oo dhuxul wada ay kasoo gudbiyeen deegaanka Doonka ee duleedka degmada Afgooye, balse markii ay kusoo dhawaayeen Muqdisho ay Al Shabaab wadada u galeen islamarkaana ay gubeen. Guddoomiyaha kama uusan fakarin in jarista Dhuxusha ay qeyb ka tahay nabaad guurka deegaanka, balse wuxuu ka eegay oo kaliya in Al Shabaab ku dhuumaaleysan karaan haddii aan la jarin. Todobaad ka hor AL-shabaab ayaa degaanka Doonka ee Duleedka Afgooye ku gubtay 7 Gaari oo dhuxul u waday Muqdisho,waxaana shalay ku xigtay labo kale oo iyana ay ku gubtay duleedka Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda gobalka Maroodi-Jeex oo muddooyinkii ugu dambeysay gacanta ku haysay dacwado lagu soo oogay Wargeys-ka madaxa-bannaan Foore oo ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa saaka go’aan ka soo saartey dacwadaasi . Maxkamadda ayaa saaka amartey in Wargeys-ka Foore ay xayirtey muddo hal sanno ah isla markaana ay ku ganaaxdey saddex Milyan oo ganaax lacageed ah. Maxkamadda ayaa sidoo kale xidhay tifatirihii wargeyska Foore Maxamed Ilkacase illaa iyo inta la soo shubaayo lacagta ganaaxa ah ee Saddex Milyan ah. Mas’uulyiinta Wargeyska Foore ayaa la sheegay in aaney ku qancin xukunkaasi, sidoo kale ururka SOLJA ayaan isla illaa hadda aan ka hadlin go’aanka maxkamadda. Source
  15. (SLT-Washington)-Dhakhtarka Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay, kadib markii lagu sameeyey baadhitaan caafimaad oo qaatay muddo afar saacadood ah. Sean Conley ayaa intaas raaciyey: ” Waxaan filayaa in uu sidaas iyo si ka sii wanaagsan ahaan doono inta uu xilka hayo iyo wixii ka dambeeyaba” Dr Conley iyo 11 kale oo xeeldheereyaal caafimaad ah ayaa madaxweynaha marsiiyey baadhitaano xiriir ah xilli uu ku sugnaa duleedka magaalada Washington. Mr Trump, oo 72 jir ah ayaa horay looga dalbaday in uu iska dhimo 4.5kg oo miisaan ah mana jirto caddayn muujinaysa in uu sidaas sameeyey. Sida lagasoo xigtay Wakaalada Wararka ee Reuters, kaaliyeyaasha aqalka Cad ayaa ku warramaya in madaxweynuhu uu haatan cuno kalluun xad dhaaf ah oo aan horay looga baran. Hase ahaatee sida laga soo xigtay Afhayeen katirsan Aqalka Cad oo lagu magacaabo, Hogan Gidley, waxaa uu sheegay in Mr Trump uu qirtay in aanu raacin hab nololeedka cuntooyinka loogu tala galay iyo in aanu samayn jimicsigii loo qorsheeyey. Majirto faahfaahin intaas dheer oo laga soo saaray caafimaadka madaxweynaha. Baadhitaankii guud ee ugu horreeyey ee lagu sameeyey intii uu xilka hayey, ee dhacay sanadkii hore ayaa lagu ogaaday in miisaankiisu uu yahay 108kg iyo in uu jiro xanuunka cholesterol-ka lagu magacaabo oo ka sarreeya intii lagu taliyey. Mr Trump ayaa horay u qaadan jiray daawooyin la xiriira caafimaadka wadnaha iyo kuwo loo isticmaalo ka hortagga cholesterol-ka. Jirka Mr Trump ayaa muujinaya miisaan xad dhaaf ah hase ahaatee maahan Cayil. Source
  16. Gaalkacyo (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay dil iyo dhaawac ay ka geysteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dilka ayaa loo geystay nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray C/qani Maxamed Baalle, kaas oo ka mid ahaa waxgaradka magaaladaasi. Sidoo kale raggani hubeysnaa ayaa dhaawacay wiil uu dhalay nabadoonkaasi, iyagoona si aayar ah goobta uga baxsaday. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Ammaanka Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, iyadoona howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ay ka socdeen gudaha magaaladaasi. The post Kooxo hubeysan Oo dil iyo dhaawac ka geystay Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shaaciyay Shan arrin oo uu sheegay inay caqabad ku noqoto dowlad kasta oo loosoo dhiso dalka Soomaaliya tan iyo burburkii dalka. Madaxweynaha dalka wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed aanan inta badan loo sheegin waxyaabaha dalkooda u diidaya dowladnimada waarta, waxaana uu sheegay in dhibaatada kaga timaada caalamka ay tahay waxyaabaha ugu horeeya ee dalka ka dagi la’yahay. Arrinta ugu horeysa wuxuu ku sheegay inay tahay Kheyraadka tirada badan ee ku jira dalka Soomaaliya, Shacabka Soomaaliyeed oo heysta hal dhaqan, Diin iyo Af oo wadamo badan oo caalamka ah ay u arkeen in haddii dowladnimo wanaagsan ay helaan Soomaalida ay caqabad ku noqon karan dalalkooda. Sidoo kale madaxweynaha dalka ayaa sheegay in Siyaasiyiinta uu ugu yeeray kuwa Xanaaqsan ay caqabad ku yihiin dowladnimada Soomaaliya, isaga oo sheegay in danta Guud ay ka hormariyaan dantooda gaarka ah. Warbaahinta ayuu sidoo kale sheegay inay qeyb ka tahay kuwa ay ka dagi la’yahay dalka, gaar ahaan kuwa ka hadla arrimaha Soomaaliya ee dibadda ku yaala oo uu sheegay inay kaliya diiradda saaraan dhibaatada dalka. Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan dowladnimada Soomaaliya. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Dowlad-Walba-Oo-Soomaaliyeed-Maxeey-Uhana-Qaadi-Weysay-Madaxweyne-Farmaajo-Ay.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. 6-7da Febraayo 2019, ayaa Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay magaaladda Muqdisho ku martigalisay shir sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo ah markii u horaysay ee la qabto ka dib burburkii dawladdii dhexe ee dalka. Shirka waxa ka soo qaybgalay Garsoorka heer federaal iyo dhammaan dawladaha xubnaha ka ah federaalka, hay’addaha kale ee dawlada oo marti-sharaf ahaan uga soo qaybgalay,jaamacaddaha, culimada, bulshada rayidka ah iyo qaybo ka mid ah bulshada caalamka. Shirkan oo ah mid qanuuni ah sida ku cad Qodobka 30aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka 1962, waxa diiradda lagu saaray wax-qabadka garsoorka sanadkii tagay, caqabadaha ka hor yimid ama hor taagan iyo qorshayaasha mustaqbalka. Shirka waxa lagu aqoonsaday muhiimada ay leedahay dib-u-yagleelida garsoorkii dalka madax banaan, karti u leh gudashada xilkiisa, xaqiijinna kara dhowridda saraynta sharciga, isku xukunkiisa iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha. Ka qaybgalayaasha shir-sanadeedka Garsoorka Soomaaliya waxay soo saareen war-murtiyeedkan Ka qeybgalayaasha shir-sanadeedka Garsoorku waxa ay Maxkamadda Sare uga mahadceliyeen soo noolaynta sanadka garsoorka iyo hirgalinta shir sanadeedkii koowaad ee garsoorka. 2. Shirku wuxuu bogaadiyey soona dhoweeyey in uu shirkani sida qaanuunku qabo noqdo mid joogto ah oo sanad kasta bilawgiisa la qabto. 3. Shirku wuxuu bogaadiyey dib-u-habeynta balaadhan ee ka soo socota garsoorka, waxaanu soo jeediyey in guud ahaan dalka laga hirgaliyo dib-u-habeynta Garsoorka. 4. Shirku wuxuu ku baaqay in dib loo soo celiyo booliiska garsoorka si uu ugu sahlo fulinta go’aamada iyo xukunnada garsoorka sugana amniga garsoorka dalka. 5. Shirku wuxuu dhiirigaliyey xoojinta maxkamaaha wareega iyo bixinta adeeg sharci oo lacag la’aan ah, si ay bulshadu u hesho adeeg. caddaaladeed oo ay gaadhi karaan. 6. Shirku wuxuu ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo dhiso Golaha Adeegga Garsoorka oo muhiimad gaar ah u leh Garsoorka. 7. Shirku wuxuu ku baaqay in dib loo dhiso xarumihii maxkamadaha heer Federaal iyo heer dowlad goboleedba, lana xoojiyo dib u dhiska iyo dayactirka xabsiyada dalka. 8. Shirku wuxuu soo jeediyay in dib loo yegleelo xafiiska tirakoobka iyo xog ururninta garsoorka Soomaaliya. 9. Shirku wuxuu taageeray in si dhakhso leh loo dhamaystiro hannaanka caddaaladda iyo Asluubta Soomaaliya. 10. Gunaanad, shir-sanadeedka Garsoorku waxa uu hoosta ka xariiqay kaalinta garsoorka ee ilaalinta saraynta sharciga iyo dhowrida xuquuqda aadmaha. Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Ankara)-Wasaaradda arimaha dibedda ee Turkiga ayaa dhaliishay qaabka uu Shiinaha ula dhaqmo qowmiyadda dalkaasi looga tirada badan yahay ee Wiiga, waxaana xukuumadda Ankara ay ku tilmaantay xariga baahsan ee dadkaasi lagula kaco mid ceeb ku ah aadanaha. Afhayeen u hadlay Turkiga ayaa sheegay in milyan qof oo Wiiga ah lagula kaco jirdil iyo marin habaabin siyaasadeed, isla markaana lagu hayo xarumo la isugu geeyay, halka 9 milyan oo kalena ay xor yihiin balse ay khatar ugu jiraan dhibaato noocaasi ah. Warkan carada leh ee ka soo baxay Turkiga ayaa daba socday geeri la sheegay inay ku timid fanaan caan ah oo u dhashay muslimiinta Uighur oo lagu magacaabo Abdurehim Heyit, kaas oo ku xukunnaa 8 sano oo xabsi ah. Xukuumadda Shiinaha ayaa u aragta fanaankaasi mid heesihii ku kicin jiray Muslimiinta dalkaasi. Afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibedda ee Turkiga, Hami Aksoy, ayaa sheegay in dhacdadaasi ay xoojin doonto sida shacabka dalkiisa ay uga soo horjeedaan siyaasadaha Shiinaha ee ku aaddan Muslimiinta Uighur-ha. Shiinaha ayaa dhankiisa ku doodaya in xeryaha dadkaasi uu u sameeyay ay yihiin kuwo dib wax loogu barayo. Qowmiyaddan Uighur-ha ayaa ah boqolkiiba 45 dadka ku nool gobolka WG Shiinaha ee Xinjiang. Waxa ay isu arkaan kuwo dhaqan iyo qowmiyad ahaanba u dhaw dalalka ku yaal bartamaha Aasiya, luuqadoodana waxa ay aad ugu dhaw dahay tan Turkiga. Tobanaankii sano ee la soo dhaafay, qowmiyadda Han ee ah tan ugu badan Shiinaha ayaa ku soo badanaysay gobolka Xinjiang, waxaana taasi ay cabsi gelisay Uighur-ha. Xinjiang ayaa ah gobol ismaamul hoose leh sida kan dhanka koonfur kaga beegan ee Tibet. Laamaha ammaanka ee Shiinaha ayaa sanadihii dambe fiira gaar ah u lahaa bulshada Uighur-ha. Source
  20. (SLT-Washington)-Maamulka madaxweyne trump ayaa diiday in uu ka jawaabo codsi uga yimid aqalka Congress-ka oo ku aaddan in la soo saaro warbixin caddaynaysa ciddii ka dambaysay dilkii Wariyihii Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi. Wakiilada aqalka Congress-ka ayaa bishii October gudbiyey qoraal ay ku dalbanayaan in baadhitaan lagu sameeyo dilkaas iyo in Aqalka Cad uu faahfaahin dheeri ah ka bixiyo arrintaas. Mas’uul katirsan Maamulka madaxweyne Trump ayaa sheegay in madaxweynuhu uu xaq u leeyahay in uu diido in arrintaas uu gacan ka gaysto. Khashoggi ayaa la dilay bishii October ee sanadkii hore kadib markii uu galay qunsuliyadda uu Sacuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul. Waxa uu ahaa nin aad u dhaliila xukuumadda Sacuudiga. Maydkiisii ayaa la sheegay in la jarjaray ilaa iyo haddana lama hayo meel la geeyey. Saraakiisha sirdoonka Maraykanka ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in hawgalka noocaas oo kale ah uu ahaa mid u baahan in uu oggolaado Dhaxal Sugaha dalkaas Maxamed bin Salman. Hase ahaatee Saraakiisha Sacuudiga ayaa ku adkaysanaya in wariyahaas ay dileen koox arxan laaweyaal ah oo katirsan sirdoonka Sacuudiga kuwaas oo aan ku socon amar ka yimid Dhaxal Sugaha. Xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo ayaa qoraal u diray hoggaamiyeyaasha golaha senate-ka oo uu ku sheegay in tallaabo laga qaaday dad lagu tuhunsan yahay dilka. Qoraalka Pompeo uu u gudbiyey senate-ka laguma xusin ciddii masuulka ka ahayd dilkii Khashoggi, waana arrinttaas midda ay dalbanayaan golaha senate-ku. Maraykanka ayaa cunaqabatayn kusoo rogay 17 sarkaal oo Sacuudiyaan ah, oo uu kamid yahay Saud al-Qahtani, oo ahaa la taliyihii hore ee Dhaxal Sugaha oo la sheegay in uu qayb ka ahaa qorshaynta iyo fulinta hawgalka lagu dilay Khashoggi. Hase ahaatee golaha senate-ka ayaa Mr Trump ku dhaliilay in uu ku guuldarraystay in dilka Wariyaha uu si toos ah dusha ugu saaro Dhaxal Sugaha. Source
  21. Addis Ababa (SMN) -Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa shir-Gaar ah kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guiteres, waxayna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee QM Mudane Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle), Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Mudane Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha Musane Balal Cusmaan. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Qaruumaha Ka dhaxeysa ayaa sidoo kale isku soo hadal qaadey Eryidii Wakiilkii qramada Midoobay Nicoles Heysom iyo sidii dhaqso loogu soo magacabi lahaa wakiilka abadali Doona. Antonio Guiteres Xoghayaha Guud ee QM ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Ka Balan qaadey in ay qaramada Midoobay sii xoojin doonto wadashaqaynta Soomaaliya ilaa laga Xaqiijinayo yoolka ay Soomaaliya leedahay. Dhanka kale madaxweynaha ayaa xalay kulan la qaatay qaarkamid ah Hogaamiyaasha dalalka africa oo uu maanta magalada adis ababa uga furmidoono shir madaxeedkii 32aad ee Hogaamiyasha Africa. Shirkaasi ayaa diirada lagu saari doonaa Qaxootiga Africa ah iyo sidii ay uga faa’iideysan lahaayen dalalka ay ku nool yihiin. Sidoo kale shirka hoggaamiyeyaasha Africa waxaa looga hadli doonaa sidii loo joojin lahaa isticmaalka bacaha oo faro ba’an ku haya dalalka qaaradda, inkastoo ay shacabka ku nool dalalka bacaha laga isticmaalo ku andacoonayaan madaxdu in ay keenaan bacaha wixii lagu bedali lahaa inta aan la joojin ka hor. Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeedin doona Shir madaxeedka qaaradda Africa ee magaalada Addis Ababa waxaa ayna khudbadiisa ku saabsan tahay arrimaha qaxootiga Africa, gaar ahaan kuwa Soomaalida iyo sidii loogu qaabayn lahaa nolol wanaagsan. The post Madaxweyne Farmaajo Oo la kulmay xoghayaha QM appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-100219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  23. (SLT-Gaarisa)-Maxkamad ku taalla Gaarisa waxay shalay amartay in la sii daayey Labo nin oo kala haysta dhalashadda dalalka New Zealand iyo Itoobiya, kuwaasi oo toddobaadkii hore lagu xidhay Waqooyi bari ee dalkaasi. Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray in ay Maxkamadi amartay in la sii daayo raggaasi oo ay Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi ku tuhmeen inay gacan-saar la leeyihiin Xarakadda Alshabaab. Sulub Warfaa oo haysta dhalashadda dalka New Zealand iyo Saakhawadiin Cabdillaahi oo haysta dhalashadda Itoobiya ayaa lagu kala sheegay magacyadda labada qof ee la sii daayey. Dacwad-oogayaasha Kenya ayaa sheegay in Baasabooradda labadaasi nin ay sax yihiin, isla markaana ay si sharci ah ku joogeen gudaha dalka Kenya. Ciiddanka Ammaanka ayaa la sheegay inay raggaasi qabteen, xilli ay ka soo ambabaxeen Garissa, kuna wajahnaayeen caasimadda dalkaasi ee Nairobi. Dhinaca kale, Sulub Warfaa oo Suxufiyiinta kula hadlay bannaanka Maxkamadda Garissa waxa uu Dowladda Kenya ka codsaday inay raalli-gelin ka bixiyaan Xadhigiisa. Source
  24. (SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa kulan gaar ah kula yeeshay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guiteres oo ay ka wada-hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Madaxweynaha waxaa kulanka dhankiisa ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan Baalle, Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha Musane Balal Cusmaan. Labada dhinac ayaa la soo sheegayaa inay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, kaddib markii 2dii bishii Janaayo ee sanadkan dowladda Soomaaliya Eriday ergeygii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Antonio Guiteres ayaa sheegay in uu soo magacaabayo ergey cusub oo Qaramada Midoobey kala shaqeyn doona xidhiidhka Soomaaliya. Source
  25. Afgooye (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa markii seddexaad xaalad kicin karta Shacabka Shabeelaha Hoose ka sameeyay agagaarka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Gelinkii dambe ee Shalay xubno la sheegay inay Al Shabaab ka tirsan yihiin ayaa gaadiid kale ku gubay agagaarka deegaanka Lafoole oo ku yaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye. Waxaa ka horeysay maalin un ka hormarkii Al Shabaab ay Deegaanka DOONKA ee duleedka degmada Afgooye ay ku gubeen gaadiid kale oo ay leeyihiin dad Shacab ah. Dhamaan gaadiidka ay Al Shabaab ku gubeen agagaarka degmada Afgooye ayaa waday Dhuxul, waxaana ay marayaan ku dhawaad 15 gaari oo dadkii waday lagu amray inay ka degtaan kadibna hortooda lagu gubay gaadiidka iyo dhuxushii ay Wadeen. Sawiradda gaadiidkii Shalay gelinkii dambe ay gubeen Al Shabaab ayaa muujinaya dab xoogan oo gaadiidka qabsaday, kadib markii sida darawalada ay sheegeen lagu wareejiyay Shidaal, kadibna dab la qabadsiiyay. Arinta gubidda gaadiidka ee Al Shabaab ay ka sameynayaan meel 30 KM u jirta magaalada Muqdisho ayaa muujineysa inay Al Shabaab awood u leeyihiin inay wadadaasi ka fulin karaan ujeedadooda, waxaana ka dhashay Su’aalo badan oo ay ugu horeyso in dowladda Soomaaliya aysan maamulin deegaanka iyo inkale. Waxaa sidoo kale la isweydiinayaa maxaa keenay in Al Shabaab ay maalin iyo habeen ay gaadiidkaasi ku gubaan meel u muuqata degmada Afgooye oo ciidamada dowladda aysan ka fogeyn halka falku ka dhacayo, waxaana dhamaan gaadiidka la gubay ay kusoo wajahnaayeen Muqdisho. Maamulka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inay xaalka ka warhayaan oo kaliya , balse ma muuqato talaabo kale oo la qaaday si loo badbaadiyo gaadiidka dadweynaha ee la gubayo. Al Shabaab ayaa horey deegaanadooda kaga mamnuucay in la jaro dhirta, taasi oo ay sheegeen inay qeyb ka tahay xaalufinta dhirta.