Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Ciidamada Difaaca Xeebaha Soomaaliya oo la aas aasay 10 Febraayo 1965 ayaa maanta u dabaal dagay Sanad-guurada 54-aad ee kasoo wareegatay. Munaasabada Xuska Dabaaldagga ee Sanad guurada 54-aad ee Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Difaaca Dalka, Wasiir Dowlaha Gaashandhigga Soomaaliya, Taliyaasha Ciidamada Xoogga & Asluubta Soomaaliya, Abaandullaha Ciidanka Xogga Dalka iyo Saraakiil Ciidan. Gaada ka cayaar iyo dhoolatus Ciidan oo ay gudaha xerada Mariino geed ay kusoo bandhigeen Ciidamada ayaa waxaa daawanayay Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka. Taliyihii Hore ee Ciidamada Badda ee Difaaca Xeebaha Soomaaliya Admiraal Faarax Qare ayaa ka sheekeeyay waxqabadka iyo aas aaska Ciidamada Badda ee Soomaaliya. Admiraal Guuto Cabdi Warsame Cismaan Taliyaha Ciidamada Badda ee difaaca Xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Badda Soomaaliya ay hadda yihiin kuwa ku Howlan Difaaca Xeebaha Soomaaliya. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) waxa uu sheegay in dhalinyarada ka midka ah Ciidamada Badda looga baahan yahay ka qeyb qaadashada dhismaha Ciidanka. Gaba gabadii Munaasabadda Xuska Sanad-guurada Ciidamada Badda waxaa ka hadlay Wasiirka gaashandhigga Xukumada Soomaaliya Xasan Maxamed Cali (Amar-dambe) isagoona sheegay in Dowladda Soomaaliya ay hadda ku howlan tahay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida. The post Ciidanka Badda Oo xusay maalinta Aas Aaskooda appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Barlamaanka dowladda Puntland ayaa manta cod ku meel mariyey in golaha Xukuumada ee madaxwayne Deni laga sugayo duuduub loo ansixiyo. 26 ayaa ogolaatay in duuduub [...] Source
  3. Garoowe (SMN) – Golaha wakiilada Puntland oo maanta dood dheer ka yeeshay hanaanka loo ansixin doono xukuumadda cusub ee uu soo magacaabayo madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa cod gacan-taag ah ku meel mariyay in golaha wasiirada si wadar ah loo ansixiyo. Kulanka oo ay fadhiyeen 53 mudane ayaa 26 ka mid ah waxa ay u codeeyeen in xukuumadda si wadajir ah loo ansixiyo, halka 24 xildhibaan ay diideen, 3 kalena ka ay aamuseen. Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo shir-guddoominayey kulanka ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday codeynta oo ah in si wadar ah loo ansixiyo golaha wasiirada cusub. Baarlamanka Puntland ayaa horay u go’aamiyay in xukuumadda cusub mid mid loo ansixiyo, si loo hubiyo tayada shakhsiga wasiirka noqonaya, hase yeeshee go’aankaasi ayaa haatan meesha ka baxay. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in madaxweyne Deni oo ku dhawaaqo liiska golihiisa wasiirada cusub. The post Baarlamaanka Puntland oo u codeeyay in si wadar ah loo Ansixiyo golaha wasiirada maamulkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shaacisay xog yaab leh oo ku saabsan heshiiska saldhigga Berbera, ayada oo seegtay in Imaaraadka aanay wax lacag ah uga qaadeyn saldhigga Milatari ee ay ka furanayaan magaalada Berbera. Sacad Cali Shire, wasiirka maaliyadda ee Somaliland ayaa tilmaamay in ay ku bedasheen saldhiggaasi dhismaha waddo iyo sidoo kale garoon diyaaradeed. Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in dekadda Berbera ay kiro ka qaadaan shirkadda DP World, sanadkiina la siiyo lacag dhan Shan Milyan oo doolarka Maraykanka ah. Xisbiga wadani, gaar ahaan xoghayaha xisbigaasi oo isna arrintan ka hadlay wuxuu sheegay iney tahay qiyaano lagu sameeyey Somaliland. Khadar Xuseen ayaa sheegay in la yaab ay tahay in saldhig Milatari dhan lagu bedasho dhismaha garoon diyaaradeed iyo Hal waddo oo isku xirta Berbera iyo Wajaale. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/WAR-KULMIYE.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  5. Izmir (SMN) – Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa dalka Turkiga gaar ahaan Magaalada Izmir kulan kula yeeshay Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalkaasi Mudane Bekir Pakdemirli, waxeyna ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada wasaaradood. Kulanka oo yimid kadib marti qaad uu Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalka Turkiga u fidiyey Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, iyo dardar galinta heshiisyo iskaashi oo ay labada Wasaaradood horey u galeen, Wasiir Ciid ayaana dhigiisa dalka Turkiga ka dalbaday in si dhaqso ah loo hirgeliyo mashruuca biyo xireenka magaladda Jowhar iyo dib u dhiska kaabayaasha beeraha oo ay labada dowladood horey ugu heshiiyeyn iyadoo arintaasna uu aqbalay wasiirka beeraha ee dalka Turkiga oo ballan qaaday in qorshahaasi si dhaqso ah loo fulin doono. Kulanka labada wasiir ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale la isku afgartay in xaruumaha cilmi baarista iyo fidinta beeraha dalka Turkiga lagu tababaro shaqaalaha wasaaradda iyo qeybaha kala duwan ee beeraleyda Soomaaliyeed iyo in la dhiso guddi farsamo oo labada Wasaaradood ka kala tirsan kana kooban 10 qof. Ugu dambeyn labada Wasiir ayaa kawada qaybgalay bandhigga Beeraha caalamiga ah ee 14-aad oo lagu qabtay magaalada Izmir, iyadoo ay kasoo qaybgaleen in kabadan Toban wasiir oo ka kala socday dalal kala duwan , wakiilo ka socday ururada caalamiga ah iyo wufuud heer sare ah oo madasha lagu casumay. The post Wasiirka Beeraha XFS oo la kulmay dhiggiisa Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Nairobi (SMN) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Axmed Nuur Tarsan ayaa qaar ka mid ah dalalka gobolka ugu baaqay in dowladda federaalka ay kala shaqeeyaan la dagaalanka Al Shabaab. Mr Tarsan ayaa xusay in Xarakada Al Shabaab ay halis weyn ku tahay ammaanka dhammaan dalalka xadka la leh Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in iskaashi iyo wada shaqeyn dhex marta dalalka gobolka iyo DFS ay tahay mid lagu wiiqi karo awooda Al Shabaab. Safiirka ayaa dhinaca kale tilmaamay in haddii QM Soomaaliya ay ka qaado xayiraadda hubka ay dowladdu u saara geli laheyd in ay wax ka qabato amniga dalka. Maxamed Axmed Nuur Tarsan safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka kaliya ee ku yaala qaaradda Afrika ee la dagaalama ururo waaweyn oo ay ka mid yihiin AlShabaab iyo Daacish Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay dowladda Kenya in ay wada shaqeyn ay la sameyso dowladda Soomaaliya, si xal looga gaaro halista Al Shabaab. The post Tarsan oo ku baaqay in la’iska kaashado dagaalka Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Cadale (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha dhexe ee maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah lagu rasaaseeyay waqooyiga deegaanka Xaaji Cali ee gobolkaasi. Gaariga la rasaaseeyay oo ahaa TM ayaa la sheegay in uu ka soo baxay gobolka Galgaduuud, kuna soo jeeday magaalada Muqdisho. Falkan ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen maleeshiyaad deegaanka ah oo ka tirsan kooxda Macawuusley oo la sheegay in ay ka shakiyeen gaarigaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaastaasi ay ku dhaawacmeen illaa 8 Qof oo la socday gaarigaasi, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho. Dhinaca kale Axmed Dhagey Xuurshoy oo ah horjooge ka tirsan kooxda Macawuusley ee ka dagaalama gobolka Sh/ Dhexe ayaa beeniyay eedeynta loo jeediyay. Xuurshoy oo la soo xariiray Shabeelle ayaa sheegay in dadka la dhaawacay ay iyagu soo qaadeen,una soo gudbiyeen magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in falkaasi ay ka dambeeyeen maleeshiyaad u abaabulan qaab Beeleed oo ku sugan agagaarka degmada Cadale ee gobolkaasi. Inta badan waxaa Sh/ Dhexe ka dhaca dhibaatooyin loo geysto dadka rayidka ah, maadaama ay jiraan dhaq dhaqaaqyo iska soo hor jeeda oo ka taagan gobolkaasi. The post Gaari ay la socdeen shacab Oo lagu rasaaseeyay Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Elders from three larger Ogaden communities living in Garissa have endorsed the re-election of Sheikh Ahmed Islam Madobe as the President of Jubaland. Sheikh Madobe has been meeting politicians and elders in Garissa County ahead of the polls in the semi-autonomous region of Somalia. He has held talks with elders from Awilyahan, Abduwak and Abdalla as he seeks consolidate support from his Ogaden people, majority of whom residing in Kenya. Elders including Dekow Muhumed Dualle, Osman Ibrahim Abdi and Ahmed Dualle Kuriyow said on Friday that they support Mr Madobe’s re-election mainly because of the peace enjoyed since it was liberated from Al-Shabaab in 2012. Jubaland’s capital, Kismayu, which was captured by the Kenya Defence Forces, stretches along the entire Kenyan border, effectively creating a buffer zone with the rest of Somalia. The elders made their announcement following a meeting at a Garissa hotel. Mr Madobe visited Garissa in December and since there was no official communication about this, there was speculation as to why he came calling. The secret meeting sought to urge the local Kenyan leaders to support his re-election. Source: Daily Nation
  9. Halkan hoose ka akhri Xukunka Xukumada Muuse Biixi ku riday Wargeyska Foore & Tifaftiraha wargeyska Qaran News
  10. Somalia ambassador to Kenya Mohamed Nur has urged regional governments, to work directly with the Mogadishu based Federal government to combat terrorism. The man who arrived in Nairobi last month (January), to fill the position that had no substantive holder for two years, is keen on pushing for a more coordinated approach to defeat insecurity along the Kenya-Somalia border. The envoy’s tour of duty started days before the deadly attack by Al Shabaab terrorists in Nairobi, as President Farmajo called President Uhuru Kenyatta and discussed security issues. Nicknamed Tarsant, the former Mayor of Mogadishu and Governor of the Benadir region, wants governments in the region to collectively engage each other in information sharing and resource development to meaningfully deal with terrorists. “Security challenges emerge when we are fragmented and our neighbours should therefore not deal with regional entities in Somali that have different tribes with competing interests,” said Nur. To manage the problem, Somalia has insisted that issues involving cross border security, foreign policy and military operation be handled directly with government authority in Mogadishu or respective embassies in respective countries. The enforcement of security in all regions of Somalia is currently under local police forces under the leadership of regional governments. Other issues that Somalia wants resolved include the lifting of the United Nations (UN) enforced arms embargo so that the Somalia National Army (SNA) can be adequately equipped to deal with three terrorist organisations that are active in the country. He laments: “We are the only African country that is dealing with terrorists linked to Alshabab, Daesh and ISIS and yet we do not have proper arms to fight them because of the embargo.” Somalia wants Kenya and other African governments to raise their voices in the international arena in support of the lifting of the arms embargo. Another demand is that troops reduced from the peace keeping African Union Mission (Amisom) in Somalia be filled by Somali soldiers. Unfortunately that is not happening because there was drawdown in December last year and another one is coming soon. That reduction has left Somalia leaders, Nur included worried because the international community was supposed to train and equip about 30,000 local soldiers before Amisom troops leave in 2021. “That has not happened but our position is that they help us train and equip the same number of Amisom troops departing and after that the SNA will take responsibility,” said Nur. Asked why no new territories have been recovered from terrorists in some regions since President Mohammed Abdullahi Farmajo came to power, he blamed it on lack of a well trained and equipped army. He drew a parallel between SNA which has “the same weapons that Al Shabaab use like the AK 47 rifles with the US army that has been unsuccessfully fighting the Taliban in Afghanistan for the last 17 years. The envoy asks: “The strongest nation with its highly sophisticated weapons has failed. How do you expect an army with a UN imposed arms embargo to fight when our hands are tied at the back?” Apart from security challenges, Somalia is also suffering from lack of institutions and infrastructure that need urgent attention from the international community.Attention is focused on the training of teachers and nurses that was agreed by Presidents Uhuru Kenyatta and Farmajo last year but is still pending. The new ambassador plans to follow up on this and have it implemented so that the education and health sector in Somalia can get back to its feet.Nur’s priority is to ensure that good relations socially, economically and politically remain so that the interests of both countries are protected and advanced. Source: The Standard
  11. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay weerar Habeen hore ka dhacay deegaanka Koban ee Gobolka Jubbada hoose. War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarkaasi loo geystay Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab lagana hortagay qorshe weerar ah oo ay damacsanaayeen Al-Shabaab. Mareykanku ma sheegin tirada weerarkaasi ee waxyeellada ka gaartay Al-Shabaab sidii looga bartay, waxaase ay sheegeen in aysan jirin khasaare dad rayid ah soo gaaray. Qaraalka Mareykanka waxaa lagu sheegay in ay sii wadi doonaan waddo kasta oo habboon oo lagu dhimi karo qatarta Al-Shabaab. Saraakiisha Jubbaland oo ka hadlay duqeyntaasi Shabaab loo gaystay ayaa waxa ay sheegeen in lagu dilay sagaal xubnood oo Shabaab ka tirsanaa. Dowladda Mareykanka ayaa muddooyinkaan dambe waxa ay kordhisay duqeymaha ay la beegsanayso xubnaha ka tirsan Ururka Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan oo watay gaari yar ayaa maanta xaafadda Barmuudo ee degmada Hodan ku dilay sarkaal ka tirsanaa Booliska Soomaliyeed. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Canshuur, waxaana la sheegay in la toogtay, xilli uu ka soo baxay hoygiisaoo ku yaalla xaafaddaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay degmada Hodan ee G/Banaadir. Illaa iyo hadda laamha amnigu wax war ah kama soo saarin dilkaasi, sidoo kale majirto cid sheegatay masuuliyaddiisa. Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac gudahood ka dhaca degmadan, iyadoona xalay lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya. The post Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska Oo lagu dilay Hodan appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-10022019.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Somaliland ayaa sheegtay in Imaaraadka aanay wax lacag ah uga qaadeyn saldhigga Milatari ee ay ka furanayaan magaalada Berbera. Sacad Cali Shire, wasiirka maaliyadda ee Somaliland ayaa tilmaamay in ay ku bedasheen saldhiggaasi dhismaha waddo iyo sidoo kale garoon diyaaradeed. Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in dekadda Berbera ay kiro ka qaadaan shirkadda DP World, sanadkiina la siiyo lacag dhan Shan Milyan oo doolarka Maraykanka ah. Xisbiga wadani, gaar ahaan xoghayaha xisbigaasi oo isna arrintan ka hadlay wuxuu sheegay iney tahay qiyaano lagu sameeyey Somaliland. Khadar Xuseen ayaa sheegay in la yaab ay tahay in saldhig Milatari dhan lagu bedasho dhismaha garoon diyaaradeed iyo Hal waddo oo isku xirta Berbera iyo Wajaale. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WAR-KULMIYE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan oo watay gaari nooca raaxadda ah ayaa Maanta ku dilay degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda Barmuudo Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sidda ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka dilka ayaa dhacay xilli uu kasoo baxay Saldhig ay Ciidanka Booliska ku leeyihiin Xaafadda Barmuudo. Sarkaalka la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Canshuur waxaa uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska degmada Hodan ka howlgalla. Kooxda dilka gaysatay, ayaa la sheegay inay wateen gaari yar oo nooca raaxada ah, kadibna ay ku baxsadeen markii ay dileen Sarkaalkaasi. Al Shabaab ayaa muddooyinkaan dambe kordhiyay beegsiga iyo dilalka qorsheysan ee ay u gaysanayaan ciidamada ka tirsan dowladda Fedeeralka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Qabiir dhanka amniga ah ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay ku fashilantay wax ka qabashada amniga, Labadii sano ee lasoo dhaafay. Korneel Shariif Xuseen Roobow, xoghayaha guud ee xisbiga Cadaaladda iyo Badbaadada oo u warammay Goobjoog, wuxuu sheegay in hadana aan dowladdan laga sugeyn in ammaanka ay wax ka bedasho. Mudadii ay jirtay dowladdan ayuu sheegay in ay ku mashquushay waxyaabo aan dan ugu jirin shacabka, sidaasi darteedna ay dayacday ammaanka. Sababta aan hadda looga sugeyn iney amniga wax ka qabato ayuu sheegay iney geli doonto olole doorasho, islamarkaana Labadii sano ee ay wax qaban lahayd soo dhaaftay. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WAREYSI-KORNEEL-ROOBOW.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Koox hubeysan ayaa dhac u geystay mid ka mid ah iskuullada ku yaalla degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho. Waxa ay raggan qaateen qalab u badan Computer, sida uu Goobjoog u sheegay maamulaha iskuulka Banaadir, C/laahi Sheekh C/raxmaan. Ragga wax dhacay ayuu sheegay iney ahaayeen Shan, islamarkaana ay xalay soo galeen gudaha iskuulka ay xir xireen waardiyahii, iyaga oo ku hubeysnaa Labo qori iyo Bistoolad, sidaasina ay agabka ku qaateen Waxa uu sheegay in Computer-ada la qaatay ay ku jiraan xogtii ardayda wax ka badan 10 sano. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WAREYSI-MAAMULE-ABDULLAHI-SHEKH-ABDIRAHMAN-MOHAMED.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Waxuu yidhi Degmadayada ” Dugsi kaliya baa jira Diric kaliya baa dhiga Darsi baanu baraa Duliga iyo beentiyo Doqonimo faankiyo Qoqobkiyo dirsoociyo Inta laga digoodiyo Dawirsiga ka kowyahay Digashadu u mudan tahay Marka qalin daraalaha Dilla sheega la cuskado Imtixaanka loo dego Ka dùldhiga jawaabaha Doorka iyo waxkaradkaa inta daadataa u badan. (Maansadii Hadraawi ee Dibadyaal ). Waxaa dhawaan kulan ay yeesheen Gudi hooseedka u qaabilsan Baarlamanka Somaliland ilaalînta Hantida qaranka iyo Wasiirka Maaliyada Sacad Cali Shire uu Gudoomiyaha Gudidaasi Xildhibaan Buubaa uu shir Jaraa’id oo Wasiirkuna agtaagnaa ku sheegay in ay Xukuumadu la daala dhacayso dayn badan oo 80 milyan oo Dollar ah, dayntaas oo ay kala wareegeen Xukuumadii Siraanyo ee ay Xukunka kala wareegeen 2017. Waxyar ka dib markii ay dhacdaasi soo baxday Dadkuna ay ka dareen celiyeen ayaa isla Wasiirkii arinkaa sheegay lagu qasbay inuu beeniyo in ay Xukumadu la wareegtay wax dayn ah. taasoo Dadka Siyaasada Somaliland faaleeyaa ay aaminsan yahiin in ay dayntaasi jirto si sharci daro ahna lagu qaatay waliba ayna ahayn Dayn Hawlaha shaqo ee Xukuumada loo isticmaalay balse ay tahay lacago beena oo lagu sheegay dayn ay Dowladu gashay oo la rabo in dad gaara loogu boobo Hantida yar ee Ummada, Dayn ku sheegaas oo ah 1/3 ( Sadex meelood oo meel ahaan Miisaaniyad sanadeedka Dowlada.) Dhacdadii kale ee layaabka ahayd waxay ahayd, Isla Wasiirka Maaliyada oo ka qayb galay Maadaal lagu falan qeenaayay Miisaanida Dowlada ayaa kol uu ka jawaabayay su’aal la waydiiyay oo ku saabsan xagay mareen kirada laga qaado DP World ee ee Dekada Berbera iyo Madaarka?, ayaa waxuu ku jawaabay wax aad looga anfariiro oo ah, ” Kirada Dekada waa 5 milyan oo dollar sanadkii wanaanu sii qadimanay oo kuma jirto Miisaaniyada sanadkan, ta Madaarkana maanu kireeyn ee waxaanu heshiish kula galnay inay mashaariic noo fuliyaan.”!!!. Waxaana hore u sheegay Madaxweynaha oo yidhi ” Waanu kireenay Madaarka Berbera, heshiishkuna waxa uu dhex maray anaga iyo Emirates oo kaliya oo cid sadexaad kuma jirto.” iyama ayaa run sheegaya tolow Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa?!!. Waxa aad la yaab u leh inaanu xusin Wasiirku cadadka kirada ee ay sii qaateen?, halkay martay lacagtaasi? iyo inay ku dareen Miisanayadii sanadadii hore?. taasi oo iska cad in lacagahaasi malaayiinka dollar ah ee laga qaatay Emirates si shakhsiyana loogu tagri falay, Dalka iyo Dadkana aan waxba loogu qaban. Arinka 3aad ee Musuqa weyn ah isna waxay ahayd markii TV ga Horn Cable uu baahiyay in si hoose loo siiyay Qandaraas dhaqaale badan ku kacaya Ganacsadaha Siyaasada dhagaraysan ka macaasha ee Ina Aw Saciid taas oo aan lasoo marin Haya’dii sharciga u lahayd Gudida Qandaraasyada Qaranka. Hadaba, isku soo wada duubo sadexdaas Musuq ee aadka u balaadhan ee foolxumada badan ee bishan oo kaliya soo baxay hadii ay ka dhici lahayd Wadan kale oo Dadkiisii soo jeedaan waxay sababi lahayd inay la xisaabtamaan Madaxdooda, shareecyadana iskugu soo baxaan iyagaa oo dalbànaya isbadal dagdaga, laakin Dagalkayaga uma haystaan Hantida Dowlada ee lagu tagri falaayo inay Shacabku leeyahiin oo ay tahay Hantidii noloshooda aasaasiga wax lagaga qaban lahaa sida Biyaha, shaqo abuurka, Caafimaadka, Wadooyinka, Waxbarashada iyo tayeeynta Hayadaha Dowlada ee Fadhiidka ah. Waxa kale oo iswaydiin leh xagay ka dhaceen Xusbiyadik Qaranka ee shaqadoodu ahayn in ay xakame u noqdaa Xukuumada jirta, Dadkana u iftiimiyaan khaladaadka ay Dowladu gasho?. Miyeey la qabaan oo iyana intooda yar bay iska qaataan? mise tabar daro ayeey ka tahay?. Dalka iyo Dadkuba waxay u baahan yahiin badbaado, Dalkuna waxuu marayaa in dad tiro yari ay boobeen hantidii Ummada, Dadka intii kalena ayna dabka waxba saaran oo ay baahi aduun iyo darxumo wehel la noqdeen. By Abdi Ismail Abib Anti Corruption activist. Antwerpen, Belgium Qaran News
  19. Dab ka kacay kaam ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa burburiyey dhismayaal ay deganaayeen dadka barakacayaasha ah. Axmed Macallin Xuseen oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in dedaal badan oo la sameeyey kadib dabkaasi la damiyey, islamarkaana ay ku gubteen 40 guri oo ah kuwa cooshadaha ka sameysan oo ay deganaayeen dadka barakacayaasha ah. Waxa uu sheegay Axmed, in dabkan uu ka dhashay burjiko halkaasi taallay, islamarkaana hadda ay dad badan ay banaanka jiifaan. Shacabka degmada Kaxda ayuu sheegay iney u gurmadeen dadkaasi, balse weli u baahan yihiin caawinaad. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WAREYSI-Axmed-Macalin-Xuseen-Kaxda.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Dib U Milicso Khilaafaadkii Uu Xubno Muhiim Ah Ku Lumin Jiray Kulmiye Shirarkiisii 2003-2015 Iyo Xiiso La’aanta Shirkiisa Boorama ee 2019 Shirarkii Xisiga KULMIYE qabsaday tan iyo aasaaskii xisbiga waxa ka dhashay khilaafaad-yo kala duwan, kuwaas oo sababay inay mujaahidiin iyo siyaasiyin miisan ku lahaa saaxadda siyaasadda Somaliland ay ka baxaan Xisbigaas, isla markaana kamid ahaa aasaasayaashii xisbiga, iyada oo shanti shire ee Golaha dhexe ee uu KULMIYE qabsaday ay ka dhasheen muran iyo is qab-qabsi sababay inuu Xisbigu lumiyo xubno muhiim u ahaa. Sanadkii 2003 Iyo Loolankii Musharrax Xigeenka Madaxweynaha Kulmiye Sanadkii 2003 aasaaskii Xisbiga KULMIYE ka dib, ayaa khilaafkii koobaad ee Xisbiga KULMIYE ka dhex istaadhmay kaadiriintii wakhtigaasi, kaasi oo ka dhashay loolankii loogu jiray jagada Musharaxa Madaxweyne Xigeen ee KULMIYE, waxaana kamid ahaa Raggii xiligaasi ku loolamayey jagadaasi Mujaadi Cabdiraxmaan Aw Cali, Dr Maxamed Rashiid, Cabdilaahi Xasan Buuni “AHN”, iyada oo uu loolankaasi ku guulaystay Musharax xigeenkii ay wateen garabkii Mujaahidiintii KULMIYE Cabdiraxmaan Aw Cali , kaasi oo noqday Musharax xigeenkii doorashadii ugu horaysay ee madaxweynenimada Somaliland u orday KULMIYE oo wakhtigaasi lagaga adkaaday doorashadaasi 2003-dii. Sanadkii 2006-kii Iyo Khilaafkii labaad Ee KULMIYE Xisbiga KULMIYE ayaa khilaaf labaad ka dhex-qarxay sanadkii 2006kii, kadib markii ay Xisbiga guul-daro ka soo gaadhay Doorashadii Madaxtooyadda ee sanadkii 2003-kii dalka ka dhacday taasi oo uu ku guulastay Madaxweynihii xiligaasi Daahir Rayaale Kaahin iyo Xisbigii UDUB. Khilaafkan KULMIYE ka dhex-qarxay sanadkii 2006kii, ayaa ahaa mid u dhexeeya laba garab oo kaadiriinta Xisbiga ugu waa weyn ay kala hoggaaminayeen, kuwaas oo kala ahaa garab doonayey in Siilaanyo maaddaama uu tartankii Madaxweynenimada doorashadii 2003kii uu ku guul-daraystay in la bedelo iyo garab doonayey in fursad labaad la siiyo, waxaana ku adkaaday garabkaa u ololaynayey in fursad labaad la siiyo Ex Madaxweyne Siilaanyo si uu isku sharaxo doorashada dambe. Sanadkii2007kii Iyo Xanaftii tar-tankii Guddoomiye Xigeenka KULMIYE Xisbiga KULMIYE ayaa sanadkii 2007 waxa tartan loo galay jagada Guddoomiye xigeenka KULMIYE, waxaana u tartamayey rag badan, kuwaas oo ay ugu cuslayeen Madaxweynaha hadda Muuse Biixi iyo Muhaajid Dhegaweyne,waxaana doorashada ka dhashay muran iyo xafiiltan weyn, balse waxa Guddoomiye xigeen loogu doortay inuu noqdo Muuse Biixi, kaasi oo ay rafiiq ahayeen Guddoomiyihii xiligaasi ee KULMIYE Ex Madaxweyne Siilaanyo. Burco 2008 :Khilaafkii KULMIYE Iyo Mujaahidiintii Ka Baxday Khilaaf aad u weyn ayaa sanadkii 2008 ka dhex-qarxay Xisbiga KULMIYE, kaasi oo ka curtay shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE uu ku qabsaday Magadaalada Burco 24/08/2008-kii, waxaana xusid mudan in shirkan hakad la geliyey si loo xaliyo khilaafkaasi, balse ay suurtagal noqon weyday,Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Ex Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo kamid ahaa raga u tartamayey jagada Musharax Madaxweyne ku-xigeenka ayaa soo jeediyey in wax laga badelo qaabka doorashada, balse looma joojin, iyadoo ay shirkaasi ay debad uga baxeen xubno badan oo ka biyo diiday sida ay wax u socdaan, kuwaas oo ay ka mid ahayeen Mujaahid Dhegaweyne , Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Mujaahid Cali Gurey iyo Ex Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami iyo weliba xubno kale oo ka mid ahaa tiirarkii ugu cuslaa ee golaha dhexe ee KULMIYE . Guddoomiyihii xiligaasi ee Xisbiga KULMIYE Ex Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo garabkii la safnaa ee golaha dhexe ayaa duubka u xidhay inuu noqdo Musharax Madaxweyne ku-xigeenkiisa Madaxweyne ku-xigeenka hadda Cabdiraxmaan Saylici, waxaan arrintaasi ka dhalatay inay xubnio badan oo muhiim ahaa ka baxaan Xisbiga KULMIYE , kuwaas oo sheegay inuu shirkaasi ahaa mid caddaalad darro ku dhacay. Shirkii Dagaalka Isu Bedelay Ee KULMIYE Ee Sanadkii 2012kii Hargeysa Ka Dhacay Iyo Dhawicii Ka Dhashay Xisbiga KULMIYE ayaa markii ugu horaysay ee uu hoggaanka dalka qabtay sanadkii 2010kii laba sano ka dib oo ku beegnay sanadkii 2012kii, magaalada Hargeysa ku qabsaday shir weynihii Xisbiga KULMIYE, kaasi oo uu ka dhashay dagaal gacanta la isula tegay oo sababay dhaawac la soo gaadhsiiyey Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii KULMIYE ee wakhtigaasi, waxaana lagu eedeeyey inuu sharciga ka hor yimi xisbiga iyadoo isla shirkaasi intii lagu gudo jiray laga dalbaday in xil xayuubin iyo xubinimadii xisbiga laga saaro. Gudoomiye ku xigeenkii 1aad Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ee xilka laga qaaday ayaa shirweynaha ka dalbaday inla dhagaysto si uu uga dooddo eedaasi, isagoo sheegay in aan awood loo lahayn in xubinimadda iyo xilkaba laga qaado, maadaamo oo shirweyne lagu doortay, haseyeeshee, lama dhagaysan oo xoog ayey ciidamadda amnigu ku saareen,waxaana xoogaa iyo jujuubkii ciidamada ay ku saareen kasoo gaadhay dhaawac-y dhanka dhabarka ah oo dhakhtar loo dhigay . Madaxweynaha hadda Biixi oo ahaa xiligaasi Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee KULMIYE, ayaa ku xigeenkiisa xilka laga qaaday dhabarkana laga jabiyey ku eedeeyey inuu jabiyey xeerar hoosaadka xisbigu dhigtay, isla markaana eedeen usoo jeediyey xukuumadda ka timid xisbiga kulmiye, balse waxa ku gacan-saydhay eedaasi guddoomiyihii xilka laga qaaday Cabdiraxmaan Cabdiqaadir isagoo sheegay in aanu wax xeer ah jabin, isla markaana dacwadiisa geyn doono maxkamadda dalka iyo kuwa caalamiga ah. Khilaafkii 2014 Iyo Dagaalkii Ka dhex-qarxay Axmed Siilaanyo Iyo Guddoomiyihii Muuse Biixi. Sanadkii 2014kii ayaa waxa uu khilaaf aad u weyni ka dhex-qarxay garab uu Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo ahaa Guddoomiyaha KULMIYE, waxaana dhex-maray loolan adag oo siyaasadeed, kaasi oo uu sheegay Muuse Biixi in laga adkaaya garabkiisa, balse todbadii bishii ogoos, ayaa khilaafkaas la xaliyey “Qoladiina Xukumadda xil gooni ah ayaa idin saaran, Intiinani waxaad ahaydeen intii Madaxweynaha taageeraysay ee aniga iga soo horjeeday, Dee Waad Naga Adkaateen, Mahadsanidna namaydaan odhan, waliba waa noo sii cadhoonaysaan Qoladiina xukumaddu”Ayuu yidhi Muuse Biixi. Khilaafkii 2015kii iyo Shirkii KULMIYE ee Hargeysa ka dhacay Sanadkii 2015, ayaa waxa uu khilaaf culus mar kale ka dhex-qarxay Xisbiga KULMIYE, kaasi oo sababay inay xukuumaddii ee KULMIYE xiligaasi ay iska casileen wasiiradii ugu tirada badna, kuwaas oo kasoo horjeeday in musharax xisbiga laga dhigo Madaxweynaha hadda ee Muuse Biixi, kaasi oo uu watay Madaxweynihii iligaasi Axmed Siilaanyo, Xubnihii xukuumaddii KULMIYE iska casilay oo la magac baxay isbahaysiga KULMIYE iyo hoggaanka KULMIYE oo garabsanaya Xukuumaddii ayaa waxa circa isku shareeray khilaafkood iyagoo weeraro afka isku qaaday, isla markaana war-baahinta kala duwan isku dhaafsan jiray haddalo kala duwan oo xafan leh , waxaana xusid mudan in garabka is bahaysigu ay wateen Musharaxiin Madaxweyne oo kala ahaa Xildhibaan Kijaandhe iyo Maxamed Biixi Yoonis Dhanka kalene Isbahaysiga KULMIYE ayaa qaadcaday shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE, kaasi oo Hargeysa ka qabsoomay 2015 bishii Noofanber,waxaanu sheegay Xuseen Axmed Caydiid oo xiligaasi u hadkayey isbahaysigaa “Shirkaas in Xaaraan lagu sifeeyo mooyaane wax kale muu ahayn, wax aka soo baxaana uu ahaan uun Xaaraan, sidaa daraadeed Isbahaysiga Musharraxiinta KULMIYE wuxuu caddaynayaa inuu sii wadayo hawl-gallada uu kaga soo horjeedo boobka, Qabyaaladda, Sharci darada iyo talo-maroorsiga, laguna xaqiijinayo wada tashiga, dimuqraadiyadda iyo ku dhaqanka xeerarka Xisbiga..” Ugu dambeyn xisbiga Kulmiye ayaa shirkiisa golaha dhexe ku qabsanaya magaalada Boorama 23-ka bishan. Shirka waxa la filaya in jagooyin dhawr ah lagu buuxiyo oo hoggaanka xisbiga ah laakiin, waa mid aan lahayn xumaddii iyo xamaasaddii looga bartay xisbiga, islamarkaana aan xiiso loo hayn. Ma muuqdaan siyaasiyiin culus oo kala damac duwan oo ku hirdamaya shirka waxaanu u muuqda mid aan la dareemahayn in uu soo socdo shir xisbiga talada haya qabsanayo oo taariikhdiisu ku astaysan tahay in mar kasta rag ruud ahi ku hirdamaan. Dhawan Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa ka digay in xisbigu burburi doono haddaan wax laga bedelin qorshihiisa shirkani ku salaysan yahay Dib U Milicso Khilaafaadkii Uu Xubno Muhiim Ah Ku Lumin Jiray Kulmiye Shirarkiisii 2003-2015 Iyo Xiiso La’aanta Shirkiisa Boorama ee 2019 Qaran News
  21. Commissioner for International Cooperation and Development, Neven Mimica, signs in Addis Ababa additional support to regional programmes for 25 countries in Africa. At this occasion, Commissioner Mimica said: “The additional investments I am signing today worth €225 million will strengthen job creation and stability in Eastern, Southern, and Indian Ocean African countries, helping deliver on our Africa-Europe Alliance commitments”. The additional cooperation funding will support economic integration and job creation, as well as strengthen the nexus between development and security. Recent developments in the region have generated a need for stronger support in these areas to overcome the growing challenges such as population growth, adverse climate change effects, weak governance and the destabilizing effects of international crime. In concrete terms, three new actions are being envisaged, aiming at job creation and prosperity in Eastern and Southern Africa (€125 million), as well as urban coastal development (€80 million) and maritime security in the Red Sea area (€20 million). The signing of the new actions takes place in the context of Commissioner Mimica’s official visit to Ethiopia where he met Ethiopia Prime Minister Abiy Ahmed, African Union Chairperson, Moussa Faki, and the President of Zimbabwe Emmerson Mnangagwa. During this mission, the European Commission, the African Union Commission and the International Trade Centre (ITC) set up the African Union Trade Observatory, a key pillar of the African Continental Free Trade Area. Commissioner Mimica also visited neighboring Eritrea on 8 February, where he met with President Afwerki. Additionally, Commissioner Mimica signed a top-up of €7 million in bilateral funding with São Tomé and Príncipe. Commissioner Mimica signed the additional support with the five regional organizations covered by the regional programme: Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA), East African Community (EAC), Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Indian Ocean Commission (IOC) and Southern Africa Development Community (SADC). This additional budget brings the overall financial envelope for the regional indicative programme to €1490 million for the period 2014-2020. It focuses on three priority areas: regional economic integration; peace, security, and regional stability and regional management of natural resources. The countries covered by this programme are: Angola, Botswana, Burundi, Comoros, Djibouti, Democratic Republic of the Congo, Eritrea, Eswatini, Ethiopia, Kenya, Lesotho, Madagascar, Malawi, Mauritius, Mozambique, Namibia, Rwanda, Seychelles, Somalia, South Sudan, Sudan, Tanzania, Uganda, Zambia and Zimbabwe. The post EU boosts regional cooperation with 25 African countries appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Ingiriis mase Norway iyo Kenya mase Itoobiya (oo Eritrea ku jirto) iyo Midowga Immaaradaha Carabta iyo Sacuudiga?! Bannaan bixii shirkii shidaalka ee London looga soo hor jeeday wuxuu ahaa farriin iyo baaq ku wajahan dalalkaas inoo soo bareeray, mid u soo bareeray kheyraadka dalka, mid u soo bareeray dakadaha dalka, iyo mid u soo bareeray bad iyo berriba, waxaan si dhawaq dheer ah ugu sheegaynaa dalalka Soomaaliyeed dal maanta la helay ma aha!…Waan turunturoonay laakiin awalba horay baan u soconay!… 30 sano oo dil dhac, iyo isku dir ah baan soo marnay maalin kastana dad aanan annaga keensan hoggaanka laynoogu dhiibayay, laakiin waxaa muuqata in dad-weynihii Soomaaliyeed ay maanta iyagoo mid ah ka bannaan baxeen SHirkii Goodaaddada ee London ee looga hadlayay shidaalka Soomaaliyeed. Waxaa yaab lahaa sida Dan-Wadaagtii shirkaas isugu timid ay isaga dhego tirtay dadkii Soomaaliyeed ee bannaan baxa cabashada ah ee ay ku diidanaayeen shirkaas iyo arrimaha looga hadlay ka hor dhigay hotel-kuu shirka ka socday, iyagoo waliba si cannaad ku ku jiro tooda keliya ka raacanaya oo dhegaha ka furaysanay guud ahaan diidmadii shacabka Soomaaliyeed iyo golaha Aqalka-Sare, taasoo markaas macanaheedu noqonayo duulaan bareer ah oo aan geed loogu soo gabban oo lagu soo qaaday dalka! Hasa yeeshee waxaan shaki ku jirin shacabka Soomaaliyeed uusan sidaas ku aamusayn, indhahana ka fiirsanayn shirqoollada iyo xad-gudubyada ay wadaan dalalka dhaxlay siyaasadihii iyo fikradihii guumeystayaasha, waxay iyagana sidaas oo kale awoowayaashood ka dhaxleen fikradihii iyo siyaasadiihii guumeysi diidnimmada!… Maxamed Farmaajo hadalkii uu jeediyay ee ku sheegayay in shacabka Soomaaliyeed baahanyahay, oo caafimaad la’aan yahay, oo wax-barasho la’aan yahay una baahanyahay in kheyraadka dalka looga faa’ideeyo yaa diidan?!…Marka hore kheyraadka dalka dadka Soomaaliyeed baa iska leh, taas macnaheeda waxaa weeye habka iyo nidaamka iyo sharciyadda iyo xeerarka kheyraadka dalka looga faa’idaysanayo waxay noqonayaan hadba hannaanka siyaasadeed ee wakiillada ummada u jeexaan isticmaalka, qaybsiga iyo dhoofintiisa, waliba marka wakiillada siyaasaddaas jeexaan wali dad-weynuhu xaq bay u leeyihin haddii ay diidayaan in tooda la raaco! Marka Farmaajo iyo Kheyre, waxaa looga baahanyahay inay si miyir ku jiro oo aan faraha foodooda lagu taagsanayn ay ugu hoggaansamaan dhwaqa dadka iyaga wax u dhiibtay… Sanadihii 1991-1992kii, markii uu nidaamka xixbiyada badan ka bilowday dalka Kenya ayaa waxaa si adag ugu hor yimid madaxweynihii hore ee dalkaas Daniel Toroitich Arap Moi, isagoo ku cilladaynaya in haddii xisbiyo badan dalka laga oggolaado ay taas qabyaaladda kor u qaadayso, oo dadku kala qaybsami doono, colaadana ay ka dhalanayaan…Macquul!…Wax kasta oo uu sabab ka dhigay dadka wax garanaya waxay u arkayeen inay yihiin macquul ama run ahaantii inay yihiin wax dhici kara oo waliba in badan oo ka mid ah shacabka waa ay la qabeen fikirkaas, laakiin markuu arkay in mujtamaca intiisii badnayd ay taagerayaan siyaasadda ah in dalku yeesho xisbiyo badan ayuu maalinkii dambe si aan la filayn ku dhawaaqay inuu oggolaaday in dalka laga dhaqan geliyo nidaamka axsaabta badan!. Maalmo ka dib markii uu oggolaaday nidaamka xisbiyada badan baa Arap Moi waxaa la weydiyay “Xisbiyada badan inaad oggolaato ma waxaa kugu qasbay cabsi aad ka qabto reer galbeedka?” laga yaabo run ahaantii in cabsi uu reer galbeedka ka qabay u oggolaaday, laga yaabo inuu dagaal sokeeye iyo colaado dalkiisa uga baqay, laga yaabo inuu lafihisa u baqay…laga yaabo..laga yaabo…laakiin waxaa cajiib ahaa inuusan intaas midna dhihin oo sabab intaas oo dhan ka qiimo badan kana fudud ku jawaabay ”…Dadweynihii dalkaa nidaamka xisbiyada badan doortay anna iyagaan kamid ahay waxaana ku shaqayniyaa waxay dooniyaan!”. Qof kasta oo Soomaali ah wuxuu rabaa in khayraadka dalka laga faa’idaysto, waxaana jirtay in xukuumadihii ka horeeyay midda Kheyre iyo maamul-goboleeddada ay bilaabeen gacantana ku hayeen samaynta iyo dejinta xeerarkii iyo nidaamkii siyaasadeed ee kheyraadka dalka, haddii ay tahay sidii loo qaybsan lahaa iyo haddii ay tahay suuq geyntiisa iyo sida looga faa’idaysanayo, waxaana wax kasta ay ka hor mariyeen in la sameeyo qaynuun dhamays tiran oo noqda sharciga kheyraadka dalka! Waxaana si cad oo aan shisheeye iyo qof gaar ah aan wax laga weydiin u muuqday Xuquuqda lahaanshaha Kheyraadka Dalka inay dadka Soomaaliyeed leeyihiin… Waxaa madmadow badan uu ku gaadamanyahay macanaha hadalkii uu madaxweynaha jeediyay isagoo malaha rabay inuu shirkii shidaalka Soomaaliyeed ee London sabab sharci ah u raadinaya, waxayna oraahdiisa ku qotontay oo keliya laba qodob oo kala ah in dadka Soomaaliyeed ay gaajaysanyihiin oo ay rabaan kheyraadka in loo soo saaro isagoo aan ku darayn wax sharci looga dhigayo ama lagu sugayo qaynuun ahaan bed-qabka kheyraadka la soo ban-dhigayo ama la suuq geynayo, iyo qodobka labaad oo ahaa siyaasiin xanaaqsan oo iska qaylinaya, taasoo run ahaantii aysan shacabka ka sugayn madaxweynaha inuu ku soo daro sababaha uu qiilka ugu raadinayay in shirkii shidaalka Soomaaliya lagu iib geeyay ee London aysan ku jirin Khayaan Qaranka laga galay isla markaasna macna ah u samaynayn shacabkii walaacsanaa oo maalin kasta muddo soddon sano ku dhowaad ah arkayay mas’uuliyiin xilkii siyaasadeed ay ummadda ugu adeegayeen u isticmaalayay inay dulaal ugu noqdaan dalal shisheeye ama shirkado Qalaad! Golihii shacabka iyo golihii xukuumadda waxay isku noqdeen hal gole, miyeysan kula ahayn?!…tani waa mid kamid ah sababah ugu waaweyn ee hor joogsaday in dalku yeesho nidaam siyaasadeed oo shaqaynaya oo mas’uul kasta uu yaqaan shaqadiisa iyo inuu qaynuunka hoos joogo oo uu xakamayniyo shaqada uu qabanayo. Waxaa intaas dheer in xudduudihii dalka ay cid kasta isaga balaqanyihiin, meel kasta oo ciidda Soomaaliyeed kamid ahna ay ajaanib si xornimo buuxda ah isaga kala gooshayso gobollada dalka iyagoo waliba ruksad la’aan meel kasta oo ay tagaan iska baaranaya, siiba dalalka deriska ah. Waxaa talo ahaan la gudboon dhallin yarada, ganacsatada, culummada, aqoonyahanka, odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada in qof kasta uu ka shaqeeyo siduu isugu xiri lahaa deegaankiisa iyo midka deriska la ah, siduu u heshiisiin lahaa haddii uu khilaaf ka dhexeeyo deegaankiisa iyo midka deriska la ah, siduu uga dhaadhicin inay yihiin dad keliya oo isku mid ah, iyo in ilmaha yar-yar iskuullada iyo xataa dugsiyada quraanka lagu baro Soomaalinimmada iyo jacaylka dalkooda! markaas ayuu hadalka siyaasiga,culummada, aqoonyahanka, ganacsadaha, macno u samayniyaa dad-weynaha! Waxaana loo baahanyahay qaybahaas bulshada siiba odayaasha dhaqanka inay isu talaabaan oo isa soo booqdaan oo xudduudaha cabsida iyo shakiga ku dhisan ee aysan indhuhu qabanayn inta ka tallaaban soo nooleeyan kalsoonidii dadka ka dhexeysay. Sida muuqata Spectrum wali waxay ku adkaysanaysaa qorshaheedii, waxayna dhegaha ka furaysatay iyadoo danteedii guracanayd wali ku socota si aan ka duwanayn DP-dii Midowga Immaaradaha Carabta, sidaas daraadeed dadweynaha Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay talo qorshe la yimaadaan!…waa qorshe laysla ogyahay, waa mid aan ka duwanayn midka lagu xalaalaystay kaluunkeenii, waa midka lagu xalaaleystay dhulkeenii iyo xudduudihiisii, waa mid ay gabbaad u yihii shaatiyada Qarmada Midoobay iyo Midowga Afrika, nimankii aan aaminayna ay door bideen hantideenii inay dulaal ka noqdaan!…DHallin-Yaradii dhaxalka dalka lahayday maxaa idinla gudboon?!… Siyaasi markuu arko siyaasi shisheeye ah arko hilmaamay qabkii, iyo sharaftii dadka iyo dalka ee uu huwanaa oo madaxa laalaadinayaa, oo damac uu ka galayo inuu shaxaado ama ku fekeray inuu dalkiisa dulaal uga noqdo…Yaan sugaynaa?! Dalalka aan kor ku soo xusay sharci, xeer, iyo qaynuun midna innagu ixtiraami waaye, xataa qaarkood ilamaha Soomaaliyeed ee ku dhashay xuquuq dhalasho iska dhaafee xataa wax-barasho looma oggola, kuwa qaarkood dadkii Soomaaliyeed ee magan gelyada u galay bay ilmahoodii xoog uga qaataan!…SHarafteenna, Difaaca Diinteenna iyo Dalkeena waa waajib kana horeeya kana qiima badan nolosheenna!… W/Q: Axmed Yaasiin Max’ed Sooyaan The post Shirkadda Spectrum ha ixtiraamto cabashada dadka Soomaaliyeed! appeared first on Puntland Post.
  23. Unknown gunmen have killed an elder in Galkayo, the regional capital of Mudug on Saturday night amid tight security measures by joint Galmudug and Puntland police. Abdiqani Mohamed Baraalle, a prominent elder was gunned down in the Puntland-administered northern part of the city by men armed with pistols who fled the scene. The assailants also wounded the son of the slain elder on the spot, according to Puntland security officials. It is yet unclear the motive behind the murder of traditional Somali elder. Puntland security forces sealed off the crime scene and then carried out an investigation into the incident, but, no arrests have been reported. The city’s security has been stable for the past few months after Puntland and Galmudug troops launched a joint operation. The post Gunmen kill an elder, wound his son in northern Galkayo city appeared first on Shabelle. View the full article