-
Content Count
212,165 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka Golaha aqalka sare ee Kenya ayaa sheegay in uu ka kalsoon yahay in Soomaaliya ay ku guul-darreysan doonto kiiska dacwada badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ. Kithure Kindiki, ayaa dadka Kenyaanka ah niyadda ugu dhisay in ay ka wal wal la’aadaan dacwadda dhinaca Badda ah ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo sheegay in Kenya ay guuleysan doonto. Hadalkiisa ayaa u muuqda mid aan waafaqsaneyn xaqiiqda jirta iyo cabsida xukuumadda Kenya, oo dooneysa in kiiska maxkamadda laga laabto laguna dhameeyo wada-hadal, ayada oo wararku sheegayaa inaysan kalsooni badan qabin. Kithure, ayaa sheegay in biyaha la isku heysto oo gaaraya 100,000km ay si rasmi ah u leedahay Kenya, Soomaaliyana ay dooneyso in ay xoog ku qaadato qeyb ka mid ah biyaha Dalka Kenya. Soomaaliya ayaa sanadkii 2014-kii kiiska muranka labada dal horgeysay Maxkamadda ICJ, waxaana ay Kenya dood ka keentay kiiskaas oo ay sheegtay in ay dooneyso in bannaanka lagu xalliyo. Labada dal, garyaanno ka socda ayaa isku wajahay Maxkamadda,waxaana Soomaaliya ay ku guuleysatay wareegga 1aad oo kaliya ahaa in kiiska ay Maxkamadda qaaddo iyo in meel aan maxkamad ahayn ay labada dal ku heshiiyaan. Kenya oo ilaa hadda ka biya diiddan in kiiskan ay Maxkamadda gasho ayaa waxaa ay sabtidii la soo dhaafay dalkeeda ka soo ceyrisay danjiriha Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,waxaana ay sidoo kale la baxday danjiraheedii Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dileen sarkaal ka tirsanaa xafiiska ilaalinta Qaranka, kaasi oo ku sugnaa degmada Hodon ee gobolka Banaadir. Kooxo hubeysan ayaa sarkaalka ka tirsan xafiiska Xeer ilaalinta waxay ku dileen xaafadda Siigaale ee degmada Hodon, sida dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen. Ruuxa la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Mursal, waxaana wararka ay sheegayaan in dablayda dilka geysatay ay ka baxsadeen goobta. Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in dableyda dishay Maxamed Mursal ay kaxeysteen gaari uu watay. Ma jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda masuuliyadda dilka, waxaana ciidamada dilka kadib ay goobta ka bilaabeen baaritaanka dadka gaariga la baxsaday. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya. Kulankan oo uu soo qabqanqaabiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa haddii uu dhaco waxa uu noqonayaa kulankii ugu horreeyay ee Soomaaliya iyo Somailand ay yeesheen tan iyo sannadkii 2015-kii iyadoo hakad uu ku yimid wadahadallada labada dal. Madaxweyne Farmaajo xalay gaadhay magaalada Jabuuti, halkaasoo uu kula kulmayo Madaxweynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle kahor inta aanu u ambabaxin magaalada Addis Ababa. Lama oga ajandayaasha kulankan lagaga hadli doono hase yeeshee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa hore ugu eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu cunoqabatayn dhinac walba ah ku hayo Somaliland. Madaxweyne Farmaajo ayaa toddobaadkii hore kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed xilli uu ka qeybgalayay Shir Madaxeedka Ururka Midowga Afrika. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa la filayaa in uu maanta u safro magaalada Addis Ababa, kaddib markii uu martiqaad uu u soo diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Dalalka Turkiga, Jabuuti iyo Britian ayaa hore u waday dadaalada lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo shirar lagu qabtay dalalkaas. Somalilandtoday/Hargeysa/Office Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
-
BY MICHAEL RUBIN The State Department and USAID will invest more than $500 million in Somalia this year. That comes in addition to more than $1 billion in United Nations assistance. Each may hope such funds will restore prosperity and stability to Somalia, but they are wrong. Rather than ensure stability, the State Department’s Somalia strategy wastes taxpayer money and promises an Al Qaeda renaissance in the strategically important Horn of Africa. The basic problem is centralization. By deciding to channel all funds through Mogadishu, Washington and the UN are replicating the Iraq program mistakes that culminated in the UN’s oil-for-food program which to this day remains the largest corruption scandal in UN history. That program started with good intentions: To ensure Iraq used its oil revenue to the benefit of its people. But for both bureaucratic and diplomatic reasons, the UN channeled all money first through Iraqi President Saddam Hussein’s government. The rest is history: The General Accounting Office estimated that Saddam Hussein’s’ regime derived more than $10 billion in illegal revenues, and an independent investigation commissioned by UN Secretary-General Kofi Annan largely affirmed the findings. The program’s origins may have been relief, but Saddam weaponized it. When I first visited Iraqi Kurdistan in 2000, Kurds complained that they lived under double sanctions: First, the international community against Iraq and, second, the Iraqi regime’s against them. Both the UN and US effectively allowed Saddam to feed his allies and starve his opponents. Corruption thrived and, in 2003, war returned. The parallels between Iraq and Somalia are eerie. Both Saddam Hussein and Mohamed Siad Barre seized power in the late 1960s and consolidated iron grips over their countries. Both amassed huge fortunes, and both invaded their neighbors. And, as with Saddam Hussein, Siad Barre’s ambitions drove his country to genocide. While Saddam bombarded Iraq’s northern Kurds. Siad Barre turned MiG fighters against the Isaaqs in the Somaliland region. In 1991, both the Kurds and the Isaaq emerged from their respective killing fields with de facto autonomy and nascent democracy. But even as Kurds and Somalilanders began running their own affairs, UN and US sanctions remained. Symbolic unity required treating Kurds as no different than Saddam’s regime. Today, the same dynamic continues in Somaliland. Visiting diplomats and NGO workers acknowledge that the difference between the Somaliland region and Somalia proper are night and day. Somalia is among the world’s most dangerous countries; Somaliland is among the safest in Africa. Somalia’s president controls a few neighborhoods in Mogadishu and relies on foreign troops to defend even that. Somaliland has managed to secure an area the size of Missouri without foreign aid. In Somalia, an appointed parliament itself elects a president. Somaliland’s last presidential elections were the world’s first secured by biometric iris scans. Alas, the State Department’s antiquated Africa policy and lax Congressional oversight may now enable a perfect storm. Secretary of State Pompeo and USAID administrator Mark Green have doubled down on their predecessors’ policy to channel all money through Mogadishu. While the State Department tells itself it is alleviating suffering and stabilizing the Somali state, it is in reality fueling corruption, enabling Al Qaeda’s expansion, facilitating the ambitions of U.S. adversaries, and undercutting democracy. To channel all aid through Mogadishu, the State Department and USAID apparently believe, both strengthens Somalia’s recovery and reinforces the sanctity of Africa’s borders. The border issue is a red herring. Somaliland’s borders are set by map and treaty. The bigger problem is corruption. Transparency International now ranks Somalia as the world’s most corrupt country: worse than Afghanistan, Iraq, and Venezuela. Rather than build Somalia, flooding Mogadishu with cash fuels corruption that undermines its recovery. Dumping cash on Somalia will no more fuel progress than dumping billions in Iraq and Afghanistan did. Congress should instead demand the US government calibrate assistance to capacity: give aid to functioning systems; deny it to dysfunctional ones. There is greater danger: As Mogadishu hoards aid, regional inequity emboldens Al-Shabaab, al Qaeda’s regional chapter. Somaliland has transparent systems in place. Society is increasingly cashless, as even illiterate shoppers use mobile apps to pay for almost everything. Each transfer generates a receipt and ensures the kind of accountability that the bags of cash in Mogadishu do not. While Al-Shabaab thrives amongst Somali corruption and lawlessness, Somaliland has eradicated the threat. How counterproductive it is then to withdraw assistance from the only region in the Horn of Africa that works. That Somalia pockets US aid but embraces China while Somaliland seeks closer US ties is the icing on the cake. Winston Churchill supposedly said “Americans always do the right thing; they just try everything else first.” That may eventually become true in the Horn of Africa too, but unless Congress starts asking some hard questions about how US money is spent Somalia, taxpayers will be bilked and national security imperiled. Michael Rubin is a resident scholar at the American Enterprise Institute. A former Pentagon official, he teaches classes on terrorism for the FBI and on security, politics, religion and history for U.S. and NATO military units. He has a Ph.D. in history from Yale University. Source: The Hill
-
(SLT-Birmingham)-Marxuum la odhan jirey Siid Cali Maxamed oo 16-jir ah ayaa waxaa uu u geeriyooday dhaawac Tooreey oo lagu dhuftay toddobaadkii hore, isago oo dhowr maalmood ku jiray Cisbitaalka, isagoo miyir beelsanaa ama Koma ku jiray. Booliska dalkaasi ayaa sheegay inay qabteen 2 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen falkaasi oo ka dhacay magaalada Birmingham ee dalkaasi. Marxuumka geeriyooday waxay isaga iyo qoyskiisa u qaxeen dalka Britain si ay nolol fiican uga helaan. Dhinaca kale, wiil 16-jir ah iyo haweeney 18-jir ah oo ku eedeysan inay ka dambeeyeen dilka Marxuum Siid-Cali Maxamed ayaa la soo taagay Maxkamadda Birmingham, wuxuuna Garsooruhu amray in Xabsiga lagu sii hayo, waxaana dacwadooda dib loo la dhegeysan doonaa bisha soo socota ee Maarso 18-da. Wararka kale ee naga soo gaadhaya dalka Britain waxay sheegayaan inay Boliska heleen maydka nin Soomaali ah ka heleen hoygiisa oo ku yaallo Galbeedka Degmadda Hull ee Gobalka Yorkshire. Marxuumka maydkiisa la helay waxaa magaciisa lagu sheegay DAAHIR BAYGAS DIIRIYE, waana 60-jir, ilaa haddana booliska Britain waxay la’ yihiin qaraabadisia ama cid aqoonsata, iyagoo sheegay in uu wakhti dhawayd u soo wareegay Degmadda Hull. Source
-
(SLT-Halifax)-Toddobo carruur ah oo la rumaysan yahay in ay isku qoys yihiin ayaa ku dhintay, dab subixii hore qabsaday guri ku yaalla magaalada Halifax ee dalka Canada, sida ay booliisku sheegeen. Nin iyo haweenay ayaa sidoo kale ku dhaawacmay dabkaas oo kacay 01:00 saqda dhexe ee saacadda Canada Talaadadii. Dab damiska ayaa bakhtiiyay dabka oo durba dhibaato baaxad leh u gaystay dabaqa labaad ee dhismaha. Booliisku ma aysan shaacinin magacyada dadka dhintay, balse warbaahinta CBC ayaa ku warrantay in guriga gubtay ay daganaayeen qoys Suuriyaan ah. Qoyska ayaa Canada daganaa ku dhawaad sannad iyo badh, muddo lagu qiyaasay lix bilood ayayna daganaayeen Halifax, sida uu BBC-da u sheegay Imaan Cabdalla Yuusri. Wuxuu sheegay in qoysku ay tageen masaajidka Ummah, halkaas oo aaska laga qabanqaabin doono. Yuusri ayaa sheegay in ilmaha ugu da’yaraa ee dabka ku dhintay uu jiray afar bilood kan u waynna uu 15 jir ahaa. Ururuka arrimaha qaxootiga ka shaqeeya ee Halifax oo maalgaliyay dib u dajintooda ayaa qoraal ay bartooda Facebook soo dhigeen ku tilmaamay in qoyska dhintay ay yihiin Barho. Dhaawaca aabaha soo gaaray ayaa lagu sheegay “mid halis ah” xaaladdiisu aad ayay u culustahay. Dhismaha oo laba dabaq ka koobnaa ayaa u muuqda in ay waxyeelo baaxad leh ka soo gaartay dabka. Masuuliyiinta Halifax ayaa xaqiijiyay in ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo waxa dabka dhaliyay, waxayna sheegeen in ay ka hordhicid tahay in hadda la mala awaalo waxa sababay. Source
-
Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka Kenya iyo Soomaaliya, iyagoo sidoo kalana dhiran-dhiriyay doodaha labada dal ay is dhaafsanayeen tan iyo Sabtidii. Wargeyska Daily Nation ayaa hilfaha u qaaday doodda Dowladda Kenya ee ku aaddan muranka badda, iyo inaysan sugin xukunka Maxkamadda Caalamiga ICJ. KENYA OO KA CABSATAY UGANDA, SOOMAALIYA AYEY KU ORDEYSAA! Qormo aragtiyeed uu qoray wariye Macharia Gaitho ayuu ku ceebeeyay siyaasadda arrimaha dibedda Kenya, isagoo soo qaatay sida illaa hadda Dowladda Kenya uga aamusan tahay jasiiradda Migingo ee ku taalla Lake Victoria oo muddo toban sano ka badan ay gacanta ku hayaan Ciidamada Uganda, iyadoo dadka ku nool halkaasi ay yihiin Kenyan. “Dadkaasi waxay hadda arkaan sida ay u ad-adag tahay Kenya marka dhulkeeda lagu soo xadgudbo. Nasiib darro, iyaga waxba uguma toorna laakiin [halka laga hadlayo] waa dhul biyood aan cidna deganeyn oo dacalka kale ee dunida ku yaal,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Macharia Gaitho ‘BILAA DIBLOMAASIYAD’ Wariyaha qormadiisa oo dheereyd, ayuu markale ku weeraray hab dhaqanka “bilaa diblomaasiyadda” ah ee ay ku kacday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, gaar ahaan Xoghayaha Joogtada Macharia Kamau, oo warqad dalka looga ceyrinayo danjiraha Soomaaliya soo saaray. “Warqadda, waxay mararka qaar xambaarsaneyd, calaamadda bilaa diblomaasiyadda ah, kana arradan is-xakameynta ee Xoghayaha Joogtada Macharia Kamau,” ayuu ku yiri qormadiisa. TALLAABADA KENYA QAADI KARTO? Wariyuhu wuxuu miisaamay (haddiiba ay dhacdo) tallaabada Kenya qaadi karto. Wuxuuna yiri: “Warqadda [Kenya] way ka aamustay waxa xaqiiqo ahaan Kenya sameyn karto. Midda muuqan karta ayaa ah inay hubiso inaysan Soomaaliya, oo aan ciidan bad iyo mid cir lahayn, si muuqata u qaadan karin saddex xagalka lagu muransan yahay ee badweynta.” “Ciidamada Kenya waxay kaloo awoodaan inay horjoogsan karaan shirkadaha British-ka iyo Norway ee shidaalka.” LABO ARRIMOOD OO KALE Wariyaha qormadan qoray Gaitho wuxuu kaluu soo qaaday labo arrimood oo kale: Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya iyo 400,000 qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Kenya. Wuxuu sheegay in isku dayo hore oo Kenya ku rabtay inay Soomaalida qoxootiga ku ah isaga saarto ay cadaadis kagala kulantay beesha caalamka, waxa ugu fudud ee ay sameyn kartayna ay ahayd barnaamijka dib u celinta mutadawacnimada ee labada dowladood iyo Qaramada Midoobay wadajirka u wadaan. Halka ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya, wariyuhu ku sifeeyay kuwo markii horeba danaha Kenya u aaday halkaa, markii dambana magac bedeshay oo AMISOM ku biiray si ay soohdin difaac Kenya uga sameeyaan weerarada al-Shabaab. “Ciidamadu waxay si caatanimo ah ugu fidsan yihiin dhulka iyagoo gadaal ka jooga xeryo lagu gedaamay derbiyo waaweyn, halka al-Shabaab si xor ah ugu meereysato dhulka miyiga intiisa kale, laakiin joogitaanka ciidamada [Kenya] waxay dhego iyo indho u tahay hawlgallada iyo dhaq-dhaqaaqa argagixisada. Sidaa darteed, waxaa dhacda in danta Kenya ay tahay inay Soomaaliya ku sii jirto.” ayuu ku yiri qoraalkiisa. QORMO KALE: Qormo tafatireed kale oo isla wargeyskan Daily Nation lagu daabacay ayaa ku talo bixisay in Kenya iyo Soomaaliya sida ugu fiican ee khilaafka ku xallin karaan ay tahay “wada hadal” saaxiibtinimo!!. W/T: Abdalle Ahmed Mumin
-
(SLT-Washington)-Saraakiil sarsare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa dabada ka waday qorshe warshad hubka nuclearka ah sameysa, oo balaayiin dollar ku kacayso, lagaga dhiso dalka Sacuudi Careebiya. Saraakiishan ayaa sidoo kale doonayey in Maraykanku uu Sacuudiga la wadaago aqoonta teknolojiga nuclearka, iyada oo xitaa ay digniin bixinayeen saraakiisha amniga iyo kuwa anshaxa ee Maraykanku. Warkan waxaa laga soo xigtay warbixin cusub oo laga helay congresska Maraykanka. Warbixintan oo Talaadadii shalay ka soo baxday Guddi hoosaaska Kormeerka ee Aqalka Hoose ee Congresska oo hadda Dimoqraadigu uu hogaamiyo ayaa lagu sheegay in La-taliyihii hore ee Aminga Qaranka Micheal Flynn iyo labo kalkaaliye oo uu lahaa ay iska dhago tireen digniino is-xigxigay oo sheegayey in dadaaladoodu ay jabinayeen sharciyada Maraykankan. Mudanayaasha labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa welwel ka muujiyey in Sacuudigu uu hub nuclearka ah sameysan karo, haddii Maraykanku uu teknolojiga u gudbiyo iyada oo aan kormeer habboon lagu sameynin. Source
-
(SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka soo laabtay safar labo cisho qaatay oo uu ku tagay magaalada Bujunbura ee dalka Burundi ayaa xalay gaadhay dalka Jabuuti. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco uu kulan la qaato dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la filayo in ay isla soo qaadaan xoojinta xidhiidhka, xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga amni ee labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Socdaalka madaxweynaha Soomaaliya ku tagay dalka Jabuuti ayaa imaanaya xilli uu xumaaday xidhiidhkii Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, lamana oga in labada madaxweyne isla soo qaadi doonaan arrimahan soo cusboonaaday ee labada dal. Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo taliyaha Ciidamada xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho). Source
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aaddan uu gaaro magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib casumaad uu ka helay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Warar soo baxaya waxya sheegayaan in sidoo kale magaaladaasi uu ku wajahan yahay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo haatan ku sugan dalka Jabuuti. Labadan mas’uul ayaa kulan fool ka fool ah ku yeelan doona magaalada Addis Ababa, waxaana ay ka wadahadli doonaan arrimo dhowr ah. Itoobiya ayaa dooneysa hadda in dib uu u bilowdo wadahadalladii dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Somaliland oo muddo hakad ku jiray. Lama oga ajendaha rasmiga ah ee shirka mas’uuliyiintan, hase ahaatee kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horreeyey ee Labada dhinac yeeshaan tan iyo markii madaxweynaha dowladda federaalka loo doortay maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Ciidamada isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ayaa digniin ku siiyay dagaalyahanno lagu sheegay in ay yihiin kuwi ugu danbeeyay Kooxda Daacish ee Suuriya in ay is dhiibaan ama ay la dili doono. Baabuur badan oo ah kuwa xamuulka ayaa Talaadadi shalay la geeyay nawaaxiga tuulada Baghouz ee dalka Suuriya si loogu daadgureeyo dagaalyahannada Daacish ee dagaalka ka baxa iyo qoysaskooda. Ciidamada Mareykanka iyo xoogaga Kurdiyiinta ayaa sheegay in ay weeraradi doonaan Baghouz marka laga daadgureeyo dadka rayidka ah. Laakin saraakiisha dhinaca xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan ilaa iyo 200 oo qoys ku xanniban deegaankaasi. Waxay sheegeen in dagaalyahannada Daacish ee ku haray Baghouz ay diideen in carruurta iyo dumarka ay ka baxaan halkaasi. Source
-
(SLT-Tanzania)-Dowladda Tanzania, ayaa xabsiga u dirtay Yang Fenglan, oo ah ganacsato u dhalatay dalka Shiinaha, oo lagu naaneyso “Boqoradda Faanta Maroodiga”, waxaana lagu xukumay 15-sano oo xabsi ah. Waxaa lagu eedeeyay inay si sharci darro ah u dhoofineysay boqollaal faanta maroodiga ah. Yang, ayaa lagu eedeeyay inay ka shaqeyneysay mid ka mid ah shabakadaha Africa ugu weyn ee suuq geeya faanta maroodiga, waxaa la sheegay inay mas’uul ka yihiin ka ganacsiga faan maroodi oo qiima ahaan lagu qiyaasay 2.5m oo dollar, (£1.9m), oo laga soo gooyay 400 oo Maroodi ah. Labo nin oo u dhashay dalka Tanzania, ayaa lagu helay danbi ah inay la shaqeeyaan shabakaddaasi. Faanta oo maroodiga laga soo jaro ayaa la sheegay inay sababtay hoos u dhac 20% oo tobankii sano ee ugu dambeeyay ku yimid maroodiga Afrika. Ganacsiga sharci darrada ah ayaa waxaa dabka u sii huriyay dalabka ka imaanaya Shiinaha iyo koofurta Aasiya, halkaas oo faanta loo isticmaalo in laga sameeyo jijimaha, dhego dhegaha iyo wixii la midka ah. Yang, iyo rag kale ayaa xabsiga la dhigay, kaddib markii lala xiriiriyay in si sharci darro ah ay dalka Tanzania uga dhoofiyeen 800 oo faanta maroodiga ah, intii u dhaxeysay sanadihii 2000 iyo 2014. Ragga u dhashay Tanzania, ayaa si isku mid ah loogu xukumay 15 sano oo xabsi ah. Maxkamadda Dares Salam, ee caasimadda dalkaasi Tanzania, ayaa amartay in hantida Yang lala wareego. Muddo sanad ah ayaa baaritaan lagu hayay, waxaana la xiray sanadkii 2015-kii, kaddib markii lagu cayrsaday gaari xawaare sare ku socday. Yang waxay ahayd ganacsato caan ah oo maqaayad ku leh Shiinaha, sidoo kalena shirkad maalgelin ku lahayd Dar es Salaam. Waxay si fiican ugu hadashaa luqadda Sawaaxiliga, iyadoo ku nooleyd kana shaqeyneysay dalka Tanzania tan iyo sanadkii 1970-kii, waxayna madaxweyne ku-xigeen ka soo noqotay Golaha Ganacsiga Shiinaha ee Africa xaruntiisa dalka Tanzania. Ololaha deegaanka ayaa soo dhaweeyay xarigga haweeneydaasi, sababtoo waxaa loo arkayay inay door weyn ku lahayd ka ganacsiga sharci darrada ah ee faanta maroodiga. Source
-
Baardheere (SMN) – Inta la xaqiijiyey 8 askari ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 10 kalena waa ku dhaawacmeen , kadib qaraxyo waa weyn oo saaka aroortii hore lala eegtay cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia ee ku sugan degmada Baardheere ee G/Gedo. Ciidamada ay Miinooyinkan ay la kaceen, xilli ay marayeen waddada Jayga ee gasha garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Xaaladda ayaa hadda dagan, iyadoona ciidanku baaritaano ay ka bilaabeen halkaasi, inkastoo aan la ogeyn natiijada howlgalkaasi. Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, balse Al Shabaab ayaa inta badan weeraro xoogan ka fuliya gobolka Geedo ee K/ Soomaaliya. The post Askar Itoobiyaan ah Oo lagu dilay M/ Baardheere appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhiggiisa Jabuuti Oo Maanta Kulmaya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku kulmaan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay gaaray dalkaasi, kadib markii uu soo gabagabeeyey safar uu ku joogay dalka Burundi. Wararku waxay sheegayaan in kulanka maanta looga hadli doono arrimo u badan xiriirka dalka Jabuuti ee aynu walaalaha nahay. Arrimaha ammaanka iyo sidoo kale is garab istaagga ayaa ka mid ah waxyaabaha ay Labadan madaxweyne maanta ka hadli doonaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Garoowe (SMN) – Cabdi Samad Maxamed Galan wasiirka cusub ee amniga Maamulka Puntland ayaa ballan qaadey, xlli uu la wareegayey xilka in uu meesha ka sii wadi doono howlaha dhinaca amniga ah ee loo igmaday wasaaraddaasi. Wasiir Galan ayaa shaaciyay in sidoo kale uu dajin doono qorsheyaal cusub oo looga hortagayo Al Shabaab iyo Daacish. Waxaan uu intaasi ku daray in arrintan uu la kaashan doono hay’adaha hoos yimaada wasaaradda, sida talisyada Booliska iyo Sirdoonka maamulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Puntland oo wada qorshe lagu xoojinayo amniga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baardheere (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baradheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia halkaasi lagula eegtay Qarax, kaasi oo waxyeelo ay ka soo gaartay. Qaraxa ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana la sheegay in ciidamada Ethiopia xiligaasi ay marayeen bartamaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada ay hakiyeen gabi ahaanba dhaqdhaqaaqii xaafadaha magaaada Baardheere ee gobolka Gedo. Sidoo kale Ciidamada Itoobiya ayaa ku faafay xaafadaha ku hareereysan waddada bartamaha Magaalada marta ee qaraxyada lagula beegsaday. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyada, waxaana ay sheegeen inay ku dileen ciidamo Ethiopian ah. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
-
Aqoonyahan C/laahi Maxamed Cismaan oo bartay xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in Khaadkii laga keenayey Kenya uu ka faa’ido badan doono kan Itoobiya, marka loo eego xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxa uu sheegay aqoonyahankan in Itoobiya dhankeeda iibsan doonto Kalluunka iyo Khudaarta dalka, taasi oo keeneysa in ganacsiga Labada dal uu sii ballaarto. Kenya ayaa khaadka ay keeneysay waxa ay ku bedalaneysay lacag, islamarkaana ma jirin wax ay dalka ka qaadan jirtay. Aqoonyahankan ayaa ku baraarijiyey ganacsatada Soomaaliyeed suuqooda cusub ee Itoobiya, sheegayna in markaan ay fursado ganacsi heli doonaan dalagyo badan oo dalka ka baxa. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/DIBLOMASI-CABDULLAHI-MAXAMED-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Gaalkacyo iyo Baydhabo ayaa sheegaya in ganacsatada Khaadka ee magaalooyinkaasi ay raaceen go’aankii ay qaateen Ganacsatada ku sugan magaalada Muqdisho. Qaar kamid ah ganacsatada magaalada Gaalkacyo iyo Baydhabo ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn inay Khaadka ka keenaan dalka Kenya, iyadoo ganacsatada Kenya ku hanjabeen inay Jaadka Somalia joojin doonaan. Laakiin waxaa soo baxaya warar sheegaya in wali Ganacsatada Kismaayo go’aan aysan qaadan inay joojiyaan Khaadka ay ka keenaan dalka Kenya, waxaana la sheegayaa inay maanta Khaadka keeni doonaan. Xaawo Cabdi Cali oo kamid ah ganacsatada Khaadka ka keena dalka Kenya kuna sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegtay inay gabi ahaanba joojiyeen Khaadka ay ka keeni jireen dalka Kenya islamarkaana ay raacsan yihiin go’aankii Ganacsatada Muqdisho. “Waxaan kamid ah Khaadka dadka Kenya ka keensada, waxaan hadda kadib garab taaganahay dowladeyda, waana joojinay inaan Khaadka ka keeno Kenya, dhibaato ayuu nagu hayaa Khaadka, kama safan karno qarankeena”ayuu yiri Xaawo Cabdi. “Dhibaato ayuu nagu hayaa Khaadka, Kenya inaga kuma noolin ee iyagaa nagu nool, malaayiin doolar ayaa maalin walbaa nagala qaataa, inaga waxba nagama soo galaan”. Kismaayo ayaa Khaadka looga keena doomo dhanka xeebta soo mara, waxaana la sheegayaa inay maanta Khaadka soo dajin doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Laba qarax oo xooggan ayaa goordhow ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo kuwaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan Itoobiya. Qaraxyadan oo ka dhacay bartamaha degmada Baardheere ayaa la sheegayaa iney ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, laakiin tiro sax ah lama hayo. Wadada qaraxan uu ka dhacay oo ah waddo muhiim ah oo dadku ay isticmaalan ayaa la sheegayaa in gabi ahaamba ay xireen ciidanka Itoobiya. Qaraxyadan kadib ciidanka Itoobiya ayaa ku faafay, xaafadaha degmada Baardheere, waxaana dadka degaanku ay ka baqayaan dhibaatooyinka soo noq-noqday ee degmadiaasi ka dhaca. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qorshaha Aqalka Cad ee nukliyeerka Sacuudiga oo baadhitaan galay Dawladda Maraykanka ayaa ku degdegaysa in ay macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan tiknoolajiyadda quwadda korantada ee nukliyeerka la wadaagto Sacuudi Carabiya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saareen aqalka wakiillada. Guddigan aqalka uu xisbiga Dimuqraadigu hoggaamiyo ayaa billaabay baaritaan ku aadan walaaca laga qabo in Aqalka Cad uu boqortooyada Sacuudiga ka dhiso warshad quwadda korontada ka dhalisa nukliyeer. Dadka sirtan dusiyay ayaa guddiga u sheegay in arrintaasi waxyeelayn karto Bariga Dhexe ayna siyaadinayso nukliyeer samaysashada. Shirkado lala xiriiriyay madaxweynaha ayaa lagu soo warramayaa in ay dabada ka riixayaan wareejinta macluumaadkaas.Warbixinta guddiga dusha kala socoshada ee Aqalka Wakiillada ayaa xustay in baaritaankan “uu muhiim yahay maadaama oo ay u muuqato in ay socoto qorshaha ay dawladda Maraykanku ay macluumaad xasaasi oo tiknoolajiyadda nukliyeerka ku saabsan kula wadaagayso dawladda Sacuudi Carabiya.” Trump ayaa Aqalka Cad kula kulmay qolyaha quwadda nukliyeerka sameeya 12 Feebaraayo, si uu ugala hadlo warshado loo dhisayo dalal Bariga Dhexe ku yaalla oo Sacuudigu ka mid yahay. Wiilka uu sodogga u yahay Trump oo la taliye u ah Aqalka Cad ayaa lagu wadaa in uu bishan safar ku maro Bariga Dhexe. La taliye Jared Kushner Dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ay u baahantahay quwadda korontada ee Nukliyeerka laga dhaliyo si ay wax uga qabato baahida sii kordhaysa ee korontada. Balse walaacan waxaa qayb ka ciyaara in Iiraan oo ay is hayaan ay samaysanayso tiknoolajid dhanka nukliyeerka ah, sida ay ku warramayaan warbaahinta Maraykanka. Wadahadal hore oo ku saabsanaa tiknoolajiyadda nukliyeerka Maraykanka ayaa dhammaaday ka dib markii uu Sacuudigu diiday in uu galo heshiis ku saabsan in teknoolajiyaddaan aan hub ahaan loo adeegsan doonin, balse waxaa laga yaabaa in maamulka Trump uusan daruuri u arkin heshiiska noocaas ah, sida uu ku warramay ProPublica. Dadka arrintan dhaliishan ayaa sheegaya in haddii Sacuudiga la siiyo tiknoolajiyadda nukliyeerka ee Maraykanka ay arrintaasi horseedi karto loolan halis ah oo dhanka hubka ah oo ka dhaca gobolkaas aan daganayn. Qaran News
-
Dadaalkii Muuse Biixi oo ugu dambeyn miro-dhalay+Abiy oo casuumad rasmiya u fidiyey+Ujeedka Casuumada Dowladda Itoobiya ayaa ugu dambeyn casuumaad rasmi ah u fidisay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kadib dadaal socday muddo ku dhow sanad. Muuse biixi ayaa lagu waddaa Arbacada u safro magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaana uu kulan la yeelan doonaa ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed & Madaxweynaha Somalia Farmaajo. Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Biixi uu safar ugu baxo dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed. Muuse Biixi ayaa muddo dheer dadaal ugu jiray inuu la kulmo Abiy Ahmed, waxaana dadaallo dhowr ah oo horey u sameysay Somaliland ka cudur daartay Abiy Ahmed, waxaase muuqata in ugu dambeyn la aqbalay codsigii xukuumadda Somaliland. Muuse Biixi ayaa dhowr jeer oo horey weerar ku qaaday madaxweyne Farmaajo isaga oo ku eedeeyey inuu cunaqabateyn iyo go’doon geliyey Somaliland. Isu soo dhowaanshaha Farmaajo iyo Abiy Ahmed ayaa la rumeysan yahay inay kaalin xooggan ka qaaday in Itoobiya ay albaabada ka xidhato Somaliland, iyadoo doorbiday inay toos ula macaamisho xukuumadda Muqdisho. Halkan ka Daawo Eedaha joogtada ee Muuse Biixi Ku hurgufo Farmaajaha Muqdisho:- Qaran News
-
Maareeyaha Dekadda Berbera oo ku qarwaya kuna Riyoonaya DP World oo wac ka siinaysa Dekad 400 oo Meter ah Bisha August 2020 ka: Waxaan ka halacsday Clip yar oo Yasiin Jaamac Cali oo ka tirsan TVgu uu uga soo diray Bulsho TV Berbera kaasi oo ku saabsanaa Ururka Sodra oo shahaado sharaf sare gudoonsiinaya Maareeyaha dekadda wayn ee Berbera, taasi oo aan la garanayn waxa uu ku mutaysatay. Inkastoo ay sheegeen inuu shaqo wanaagsan qaranka Somaliland u qabtay hadana maan fahmin shaqadaa wanaagsan, wax sharaxaad ah oo Dheeraadana kamay bixin laakiin mudooyinkan danbe waxay ka noqotay wax ka caadiya Somaliland inaad aragto shahaado sharaf duulaysa oo meel ay ka socoto iyo si ay u socoto toona aanay cadayn oo aad la yaabayso ka bixinaya iyo ka la siinayo. Eng;Siciid Hassan Abdulahi oo ah Maareeyaha Dekadda ayaa hadal aad moodo inuu mirqaan hadlayo oo uu kolba dhinac u tuurayo ku fatahiyay Mikirifoonkii, kaasi oo aad mar mar moodayso inuu yahay Af-hayeen u hadlaya Waaxda Socdaalka ee Somaliland oo ka sheekaynaya in shaqaale lagu soo tababari doono dalka Imaaraadka, oo bilahan soo socda u bixi doona tababarkaa oo ay ku tagi doonaan Passaport Somaliland oo ay waliba soo saari doonto safaaradda ay Somaliland ku leedahay Imaaraadka. Taasi oo uu ka sii taba tuuray in haddii wadamo kale ay u socdaalayaan dadka reer Somaliland inay qaadan doonaan Passport Ethiopian ama kuwa kale ee aynu jaarka nahay passport-kooda. Waxa kale uu aad ula dhacsanaa wax qabad balaadhan oo dhan walba ah oo uu sheegay inay Imaaraadku inala garab taagan yihiin had iyo jeer hase ahaatee aanu wax faallo ah ku darin. Haddiiba ay wax qabad dhan walba ah inala garab taagan yihiin Imaaraadku maxaa ay ugu fasaxi waayeen muwaadiniinta kale ee reer Somaliland ee doonaya inay u socdaalaan Imaaraadka kuwaasi oo haysta passortka Somaliland ? iyadoo ay waliba Sacad Cali Shire iyo intii hor boodaysay ay heshiis ku sheegii lagu balaadhinayay Dekadda Berbera hore ugu tibaaxeen in passport-ka Somaliland lagu tagi dooni Imaaraadka. Laakiin waxa cadaatay in ah taasina ahayd Dhagax karintii hadba ka kursiga fadhiyaa uu u Karin jiray Shacabka reer Somaliland. Waxa kale oo uu Eng Siciid ku dheeraaday inaan Somaliland la aqoonsanayn, malaha waxaanuu ogayn in aanay taasi shaqadiisa ahayn. ee ay Wasaarad u xilsaarini jirto iyadoo Wasaaradda lafteedu wax fikrad ah ka haysan halka uu Sal iyo Raad dhigay Raadintii aqoonsiga Somaliland kaasi oo kolba meel lagu taro ilaa 27 sanno ee u danbeeyay. Dhulalka uu hadalka Maareeyuhu maray waa uu badnaa, haddana waxa uu duray Xildhibaan Siciid Cartan oo ay beel ka soo wada jeedaan ahna xildhibaan laga soo doortay Berbera oo hal usbuuc ka hor sheegay hadal ah inaanay wax ka soo naaso cadayn dekad 400 oo meter ah oo DP World ka dhisto Berbera. Xildhibaanku waxa uu sheegay in ayna arintaa waxba ka jirin laguna kala bixi doono bishan February oo la hubsan doono inay heshiis ku sheegaasu run noqdo iyo inuu noqdo been. La hubsayoo Gorayo Haad bay noqotay. isagoo Maareeyuhu ka xanaaqsan hadalka uu Xildhibaan Cartan hore u sheegay oo ahaa in lagu hungoobay qalab la yidhi waxa soo wada Markab oo lagu dhisi doono dekadda cusub ee 400 Meter ah taasi oo uu maareeye Eng; Siciid hore u sheegay oo hadda ku soo gabagaboowday dhawr cagaf oo duugga iyo qalab aan sidaa u sii badnayn oo aan la rumaysan Karin in dekad cusub lagu dhisi doono. Waxa aan la yaabay waxa uu maareeyuhu u difaacayo beenta DP World. waxase run ah in maareeye Siciidkan xiiqsani aanu wali fahmin sida geo-politicka Geeska Afrika isu badalay, isbadalkaasi oo uu horsed ka yahay Abiya Ahmed. Waxa uu maareyuhu aad uga gubtahay hadaladdii Xildhibaan Siciid Cartan inkastoo aanu afka ka sheegin magaca xildhibaanka Haddana waad fahmi karaysay inuu isaga u jeedo haddii aad hadalka Xidhibaanka hore u dhagaysatay. Isagoo oo waliba si qayru masuulnimo ah u hadlayay, si aan looga baahnayn qof masuul qaran ah oo sidiisoo kale ahi inuu u hadlo. Kuye August 2020-ga ayaa faraha laga qadidoonaa dekadii casriga ahayd ee Berbera, iyadoo aanay Shacabka reer Somaliland hore u maqal wax dekad ah oo la bilaabay ugu na war danbaysay maareeyaha oo yidhi qalabkii lagu dhisayay ayaa nagu soo fool leh. Haddana waxaaba la bilaabay bishii November ee sanadkii tagay. Mareeye marka aan runta kuu sheegno haddii aanu nahay shacabkii Somaliland waxaanu rumaysanay hadalkii Xildhibaan Cartan, hadalkaaguna wax badan kama Duwana kii Sacad Cali Shire uu labo cisho oo isku xigta ku kala waramay wadhi iyo wax loo fadhiyin ee haddii taasi dhab tahay ku martiqaad warbaahinta Somaliland oo soo tus Dekadda la bilaabay bishii November ee sanadkii tagay ee DP World Somaliland u dhisayso. Markaa aanu ku rumaysanee hadii kale arinku wuxuu kusoo koobmayaa maareeyaha dekadda Berbera oo ku qarwaya kuna riyoonaya DP World oo wac ka siinaysa deked 400 Meter ah Bisha August 2020-ka. Qore: Cabdi Muxumed Qaran News