-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Zimbabwe)-Tan iyo markii ay ku dhufatay xeebta Mozambique khamiistii, duufaantaasi ayaa ku qasabtay kumannaan qof in ay guryahooda ka baxaan. Dalka Zimbabwe, magaalada Chimanimani, oo ku taalla buuralleyda dhanka bari ee xuduudda ayay duufaantu si daran u saameysay. Ciidammada ayaa loo diray in ay caawiyaan arday boqollaal gaareysa, kuwaasoo iskuulladooda ay waxyeello gaadhay. Labo ka mid ah carruurta iskuullada ayaa dhintay, kaddib markii uu derbi ku soo dumay dhismihii ay degganaayeen. Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay dalka Zimbabwe, kolkii ay duufaantu ku dhufatay koonfurta bari ee dalkaas. Wasaaradda isgaadhsiinta ee dalka ayaa sheegtay in la la’ yahay 40 qof. Duufaantan oo lagu magacaabo Idai, daadadna wadatay ayaa ka dhacday sidoo kale bariga Mozambique, habeennimadii khamiistii waxayna korontada iyo isgaadhsiinta ka jartay dhulalka ku xeeran Zimbabwe. Duufaantu waxay daba socotaa, abaar ku dhufatay qaybo badan oo Zimbabwe ka tirsan, taas oo sababtay in dalagyadii la filayay aysan soo go`in, waxayna taas horseedday in Qaramada Midoobay ay codsi degdeg ah dirto. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in goordhow uu qudbad u jeediyo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan degdeg ah ku leh maanta dugsiga Kaahiye. Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorada Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay xalay inay soo xaadiraan kulanka deg-degga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hortagayo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Wadooyinka ku dhow Dugsiga tababarka General Kaahiye ayaa la xidhey iyadoo sidoo kale lagu wado in Madaxweynaha Jabuuti uu xadhiga ka jaro dhismaha safaarada dowladda Jabuuti ay ku leedahay magaalada Muqdisho. . Xildhibaanada ay haatan fasax ku jiraan oo uu xidhan yahay kal-fadhiga 4aad ee Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare. Source
-
Dibadbaxyo Xooggan Oo Ka Soo Cusboonaaday Dalka Faransiiska
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Paris)-Dibad baxayaal ayaa boob iyo dhac u geystay dukaamo ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska, dibadbaxyo noocan oo kale ah ayaa dalkaasi ka dhacay afar bilood kahor. Booliiska ayaa dadkaasi u adeegsaday biyo iyo suntan dadka ka ilmeysiisa si ay u kala cayriyaan. In ka badan 120 qof ayayna booliiska xirxireen. Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaya sharci dhanka shaqada iyo shaqaalaha ku saabsan. Waxay booliisku sheegeen in ilaa 10,000 oo qof ay ka qayb qaateen dibadbaxyada ka dhacay Paris, tiradan oo ka badan tirada dadkii ka qayb qaatay dibadbaxyadii dhowaan ka dhacay. Ilaa 32,300 ayaa guud ahaan ka qayb qaatay dibadbaxyada ka dhacay waddooyinka Faransiiska, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas. Si kastaba, booliiska ayaa sheegay in 36,000 oo qof ay si nabafd ah uga qayb qaateen mudaaharaadyo kale oo looga oso horjeeday isbeddelka cimilada oo ka dhacay Paris. Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Faransiiska Christophe Castaner ayaa sheegay in in ka badan 1,400 oo saraakiil booliis ah la geeyay meelaha ay dibadbaxyadu ka socdaan. Mr Castaner ayaa sheegay inuu booliiska ku amray inay wax ka qabtaan weerarrada aanan la aqbali karin ee ay dibadbaxayaashu geysanayaan. Source -
Waxaa socda dadaallo aan kala joogsi lahayn oo lagu doonayo in lagu horumariyo ciyaaraha kubadda cagta ee maamul goboleedyada. Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo ay ka go’an tahay sarre u qaadista kubadda cagta guud ahaan dalka ayaa masuuliyiin ka socda waxa ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Gabeed Soomaaliya. Jamaal Xaashi oo ah xubin ka tirsan guddiga hormarinta gobollada xiriirka kubada cagta Soomaaliya iyo Kaaliyaha Xoghayaha Maxamed Deeq ayaa ku sugnaa Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo. U jeedka kor meerka Jamaal ayaa ka koobnaa dhowr qodob oo kala ah hubinta hanaanka ay u shaqeeyaan xiriirrada, in kooxaha la dhiso loona qabto Tartamo, in laga shaqeeyo sidii caws macmal ah loo dhigi lahaa garoonka Dr. Ayuub iyo qodobo kale. Jamaal Xaashi oo ka qeyb galay kullan kubadda cagta ah oo ka dhacay garoonka Dr. Ayuub yiri: “Waxaan u mahad celinayaa xiriirka kubadda cagta iyo Wasaaradda ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan hormarka kubadda cagta. “Waxaan madaxda xiriirka dalka hor dhigi doonaa shaqooyinka adag iyo sida ay idinkaga go’an tahay horumarrada aad ka gaareysaan isdhex-galka dhallinyarrada.” ayuu yiri Jamaal Xaashi oo hadal ka hor jeedinayay masuuliyiinta Isboortiga Koofur Galbeed iyo boqolaal dhalinyaro ah. Ugu dambeyn Jamaal oo ka tirsan guddiga horumarinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku soo xiray in dhowaan Magaalada Baydhabo ay ku qaban doonaan Siminaar sare loogu qaadayo tayada Macallimiinta, Garsoorka iyo ciyaatooyda. Mahad Shariif Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Maalintii labaad waxaa xidhan waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana saaka dadku mar kale ay ku waabariisteen Ciidammo taagan jidadka muhiimka ah oo celinaya gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Weli waxaa magaalada Muqdisho ku sugan wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kaas oo kulamo la qaadanayay madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha iyo mas’uuliyiin kale. Dhinaca kalena Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa Maanta waxa uu ka qeyb galayaa kulan deg deg ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana waxa uu ka jeedin doonaa Khudbad. Source
-
Madaxweyne Geelle Oo Khudbad u Jeedinaya Xildhibaannada BFS
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan degdeg ah ku yeelanay maanta dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, sida lagu wargeliyey mudanayaashan. Ulajeedka kulankan ayaa ah khudbad uu madaxweynaha Jabuuti u jeedin doono mudanayaasha Labada aqal ee BFS. Ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo dhanka kale uu madaxweyne Geelle xarigga ka jari doono xarunta cusub ee safaaradda Jabuuti ka furatay magaalada Muqdisho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii lagu dilay dadka Muslimiinta ee ka dhacay magaalada Christchurch ee dalka New Zealand. Weerarkaasi waxaa ku dhintay ku dhawaad 50 ruux oo muslimiin ahaa oo ku sugnaa masjidka Al Nuur ee magaalada Christchurch waxaana ku dhaawacmay inka badan 40 ruux oo ku sugna Masaajidka. Afhayeenka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa ugu horeyn sheegay inay ka tacsiyeynayaan dadka weerarka ku dhintay, isagoo sheegay inay la xanuunsanayaan ehelada dadka waxyeelada soo gaartay. Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka dhigan yahay dhagarta Gaalada ay u qabaan shacabka Muslimiinta ah, waxaana uu sheegay in taasi aysan ka dhigneyn inay niyad jabaan Muslimiinta. “Dhacdadaas foosha xun ee ka dhacday New Zealand waxay markale daaha ka rogeysaa colaadda gaamurtay ee ay gaaladu u qabaan Muslimiinta, waxay marag ma doonto u tahay xiqdiga saliibiga ah ee kuwaas falkaas geystay iyo kuwa kale ee gadaal ka taagan ay u hayaan dadka muslimiinta ah” ayuu yiri Sheekh Cali dheere Afhayeenka Al-Shabaab. Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ka geystaan dalalka Soomaaliya Kenya iyo Uganda, waxaana ka hor jeedaan joogitaanka ciidamada anaajiibta ee dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ciidamada ammaanka ayaa maalintii Labaad waxa ay xireen waddooyinka magaalada Muqdisho iyadoo amnigana uu yahay mid aad loo adkeeyey. Waxaa waddooyinkan loo diidayaa iney isticmaalaan gaadiidka shacabka, iyadoo la arkayo dadweyne badan oo lugeynaya. Sababta loo xiray waddooyinkan ayaa ah maadaama magaalada Muqdisho uu ku sugan yahay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay yimid magaalada. Waddooyinkan xiran ayaa saameyn ku yeeshay adeegyadii waxbarashada iyo ganacsiga ee magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cadaado (SMN) – Cali Gacal Casir gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin diyaar garow ku aadan qabashada doorashooyin dhawaan ka qabsoomi doona deegaanada maamulkaasi. Guddoomiye Casir ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha doorashooyinkan iyo waqtiyada ay dhici doonaan. Waxa uu xusay in bisha June ee soo socota la qaban doono doorashada golaha wakiilada, kadibna la sii amba qaadi doono mida madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Wareysi-gudoomiyaha-barlamanka-galmudug-.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa maalintii labaad xiran qaar ka mid ah waddooyinka waa weyn ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Ciidamada ammaanka ayaa gabi ahaan hakiyay dhaq dhaqaaqa waddooyin dhowr ah oo muhiim u ah dadweynaha Muqdisho. Dadka shacabka ah ayaa saaka cagahooda maalaya, si ay u gaaraan goobahooda shaqo ama waxbarasho. Arrinta xirnaashaha waddooyinkan ayaa la xariirta booqasho rasmi ah oo uu shalay Soomaaliya ku soo gaaray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona la filaya in madaxweyne Geelle maanta uu khudbad u jeediyo xildhibaanad labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu sameeyay Villa Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa ku caweeyay heeso iyo suugaan kala duwan oo xambaarsan dhambaallo soo dhawayn iyo walaaltinimo oo ay goobta ka qaadeen fanaaniinta Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabuuti, kuwaas oo loogu talo galay soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga la socda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahallo lagaga arrinsanayo danaha ay wadaagaan labada dal iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya ku yeeshay Villa Soomaaliya. Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Xasan, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan DFS. Wafdiga reer Jabuuti ee la socda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Islaamka Mudane Muumin Xasan Barre, Wasiirka Arrimaha Bulshada Marwo Muna Cismaan Aadan, Taliyaha Amniga Qaranka Mudane Xasan Saciid Khayre, Maareeyaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Najiib Cali Daahir, Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan, Kuxigeenka Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Jabuuti Marwo Xasna Xummad Bilil iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Jabuuti. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-170319.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Gelle ayaa maanta socdaal ku tagaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Labada masuul ayaa soo iindhaindheeyn doono xaalada ay ku suganyihiin uciidamada Jabuuti ee qeeybta ka ah AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan. Amaanka magaalada Baledweyne ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la xiray wadada aada garoonka. Madaxweyne Ismaaciil Cumar gelle ayaa shalay booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Puntland Post The post Farmaajo iyo Geelle oo Baled-weyne ku wajahan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa maanta la filayaa inuu khudbad u jeediyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka. Xildhibaanada ayaa kulan ku yeelanaya xarunta Tababarka ciidamada ee Iskuul Baluuziya ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in Khudbad dhinacyo badan taabaneyso uu uu jeediyo xildhibaanada. Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana gabi ahaanba la xiray waddooyinka gala xarunta ciidamada Tababarka oo uu maanta ka furmayo kulamada baarlamaanka. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dib loo dhigay furitaanka Kalfadhiyadooda, waxaana loo sababeeyay xiisadda u dhaxeysa labada aqal ee baarlamaanka, iyadoo xalay xildhibaanada fariimo loo diray. Guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan kulanka maanta ka dhaceyo magaalada Muqdisho. La soco kulanka iyo waxyaabaha kasoo kordha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geellle ayaa maanta khudbad u jeedinaya xubnaha labada gole ee baaralamaanka DF, iyadoo inta badan waddooyinka caasimadda la xiray. Waddo xirnaashaha Muqdisho ayaa waxay noqonaysaa maalintii labaad oo isku xirta, iyadoo la ogol-yahay oo keliya inay shacabku lugtooda maalaan, maadaama aan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee gaar loo leeyahay aan loo ogolayn inay waddooyinka qaarkood maraan. Kulankan oo ah mid deg-deg ah ayaa waxaa la iclaamiyay qabashadiisa xalay, waxaana xildhibaananda labada aqal lagu wargeliyay inay kasoo qayb-galaan kulanka uu khudbadda ka jeedinayo madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Xildhibaannada labada aqal ayaa waxay dhageysan doonaan hadallada uu u jeedinayo Geelle oo la sheegay inay yihiin kuwo u badan guubaabo iyo inuu u bidhaamiyo xildhibaannada gudashada waajibka ka saaran dalkooda iyo dadkooda. Dhanka kale, Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa ayaa waxaa lagu wadaa in maanta ay xarigga ka jaraan dhismaha cusub ee safaaradda Jabuuti ay ku yeelanayso Muqdisho, iyadoo sidoo kale munaasabaddan ay goob-joogayaal ka noqon doonaan madaxda Soomaalida. Sidoo kale, Kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa lagu qabanayaan xarunta Iskoolka Booliiska ee Muqdisho, waxaana waddooyinka xaruntaas soo gala xiray ciidammo gaar ah oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya. Ugu dambeyn, Booqashada Geelle oo aan ahayn middii ugu horreysay ee uu ku yimaado Somalia ayaa waxay haddana tani kaga duwan tahay kuwii hore isagoo xarigga ka jaraya dhismaha safaaradda Jabuuti ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Geelle oo maanta la halaya Xubnaha Labada Gole ee Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in saaka uu dagaal beeleed ka socdo deegaan hoostaga degmada Cadale ee Gobolkaasi. Dagaalka ayaa waxa uu ka socdaa deegaanka llayiraahdo Burdheer oo dhacda duleedka Cadale. Dagaalka ayaa haatan si toos ah u soconayo iyada oo hubka noocyadiisa kala duwan ay isku adeegsanayaan maleeshiyaadka. Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi hayeeshee dad aan la hadlay ayaa ii sheegay in uu jiro qasaare. Dagaalo beeleeeyadaan ayaa ku soo laa laabtay gobolka Sh/Dhexe. Faah faahin dib kala soco insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dagaal ka socdo gobolka Sh/Dhexe appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Farmaajo oo Villa Soomaaliya casho sharaf ugu sameeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu sameeyay Villa Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa ku caweeyay heeso iyo suugaan kala duwan oo xambaarsan dhambaallo soo dhawayn iyo walaaltinimo oo ay goobta ka qaadeen fanaaniinta Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabuuti, kuwaas oo loogu talo galay soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga la socda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa saaka wadahallo lagaga arrinsanayo danaha ay wadaagaan labada dal iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya ku yeeshay Villa Soomaaliya. Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxa ka qayb-galay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan DFS. Wafdiga reer Jabuuti ee la socda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Islaamka Mudane Muumin Xasan Barre, Wasiirka Arrimaha Bulshada Marwo Muna Cismaan Aadan, Taliyaha Amniga Qaranka Mudane Xasan Saciid Khayre, Maareeyaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Najiib Cali Daahir, Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan, Kuxigeenka Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Jabuuti Marwo Xasna Xummad Bilil iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Jabuuti. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyay Madaxweyne Geelle appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Mogadishu Clan, Maxamed Xasan Xaad ayaa beeniyey warar dhowaanahan aad looga hadal hayey magaalada Muqdisho, oo ku saabsanaa inuu ka hor-yimid dowladda. Wararkan ayaa waxa ay sheegayeen in Xaad uu diyaarinayey kulan weyn oo ay isugu yimaadeen beelaha Mogadishu Clan, loogana soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wararkaas ayaa sii xoogeystay intii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku maqnaa magaalada Kismaayo, ayna jireen warar sheegaya khilaaf madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha u dhaxeeya. Xaad ayaa waxa ay isku beel yihiin ra’iisul wasaaraha. Si kastaba, Gudoomiyaha Gollaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Mogadishu Clan, Maxamed Xasan Xaad, ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin inuu ka hor-yimid dowladda, kana hor-iman doonin. Nabadoonka ayaa sheegay in wararkaasi ay baahiyeen dad dano gaar ah leh, kuwaasi oo uu ku tartarsiiyay in ay ka waan-toobaan, isla markaana ay ka qayb-qaataan dib u dhiska wadanka. Halkaan hoose ka dhageyso wareysi uu siiyay Nabadoon Xaad siiyey Idaacadda Shabelle oo uu kaga hadlayo arrintaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa aqbalay Codsi uga yimid Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa dekedda Magaalada Berbera, taasoo aheyd in sare loo qaado lacaggaha laga qaado ganacsatadda adeegsata dekedda. Wasiirka wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa sheegay in ay DP World u ogolaadeen in lacagaha tafaariiqda ah ee ay ka qaaddo alaabaha kasoo degaya dekedda ay ku qaadato qiimaha suuqa, halka markii hore ay ku qaadan jirtay qiimaha baanka dhexe ee Somaliland. Hadalkan ayaa imanaya xilli ganacsatada Somaliland ay joojisay inay cashuurtaan alaabooyinka kala duwan ee uga soo degay dekedda Berbera, ka dib markii ay shirkadda DP world ee maamusha dekedda Berbera dhaqan gelisay wax ka bedel ay ku samaysay sarrifka lacagta. DP world ayaa 12 March waxay bilowday inay sarrifka halka dollar noqdo 8500 oo lacagta Somaliland, isagoo markii hore halka dollar ahaa 7000 oo lacagta Somaliland. Ganacstada ayaa wixii ka bilaabmay 12 March waxay joojiyeen inay la soo baxaan oo ay cashuurtaan alaabta u taala dekedda Berbera, waxaana shirar ay ganacsatadu yeesheen ku go’aamiyeen inay joojiyaan la soo bixista badeecadahooda. Wasiir Saajin wuxuu ganacstada dekedda Berbera alaabaha kala soo dega ku amray in ay si degdeg ah ugala baxaan alaabtooda, kuwaasi oo uu sheegay in iyagoo ka xun arrintan ay diideen in ay alaabaha kala baxaan dekedda. Hoos ka dhageyso wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/SOMALILAND-oo-Aqbashay-Codsi-Uga-Yimid-DP-WORLD.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Garowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamada Booliska iyo daraawiishta maamulkaasi ay isaga baxeen deegaano hoostaga Galgala. Ciidamada maamulka Puntland ayaa markii ay baneeyeen deegaanada hoostaga Galgala waxaa la wareegay Al Shabaab, sida ay baahiyen warbaahinta deegaanada maamulka Puntland. Ciidamada maamulka Puntland ayaa isaga baxay saldhig ay ku lahaayeen deegaan ku dhow Jimbac oo ka tirsan Buuraha Galgala, waxaana la sheegay in kadib ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen deegaanka. Ilaa iyo hada lama oga sababta ay ciidamadan uga guureen fariisinkii ay ku lahaayeen Buuralayda Galgala ee gobolka bari, balse wararku waxa ay sheegayaan in ciidamadan mudo dhowr bilood ah uu ka maqan yahay mushaarkii ay qaadan jireen. Maamulka Puntland ilaa iyo hada kama hadlin bixitaanka ciidamada ay ka baxeen saldhiga ay ku lahaayeen Jimbac. Al Shabaab iyo Daacish ayaa ku dagaalamay deegaanada Galgala, waxaana jira loolan adag oo labada koox u dhaxeeya, kaasi oo caqabad ku noqon kara maamulka Puntland. Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan sheegay in Maamulkiisa uu gali doono dagaal adag oo ka dhan ah Al Shabaab, iyadoo arintaan ay caqabad ku noqon dooto dadaalada maamulkiisa uu wado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Turkigu ka shaqaynayo kulan la filayo inuu 19-ka bishan ka dhaco magaalada Accra ee dalka Ghana oo lagu samayn doono guddi caalami ah oo Somaliland iyo Soomaaliya kala dhex-gasha. “Cisho dhaweyto Turkiga ayaa waanigii meelo horena ka sheegee waxaanu ku nidhi waar keligaa ku aqbali maynee caalamka kale hana soo dhex-galo wuuna aqbalay. Jawaab ayeyna soo celiyeen Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Yurub, Sweden wuxuuna codsaday in la isugu yimaado 19-ka bishan meesha la yidhaahdo Accra ee Gaana, si loo sameeyo guddi caalami ah oo kala dhex-gala Somaliland iyo Soomaaliya, waxa hubaal ah inay xamar iyo inta la joogtaaba ka dagaalamayaan.” ” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi. Hadalkaan Madaxweyne Biixi kadib waxaa soo baxay su’aalo badan oo la iska weydiiyay dalka Ghana ee uu Biixi sheegay inuu martigelinayo kulankaas. Biixi wuxuu ka dhawaajiyey in dowladda Turkigu abaabulayso kulankaas, haddana wuxuu shaaciyay inuu kulanku ka dhici doono magaalada Accra ee dalka Gaana, halkaasna waxa kasoo baxeysa su’aal la iska weydiin karo oo ah Turkigu muxuu dedaalkiisa iyo tacabkiisa kala doonayaa dal kale?. Dowladda Turkiga ayaa ergey gaar ah oo khabiir ku ah arrimaha Soomaalida u magacowday wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu Turkigu u muuqdaa inuu doonayo inuu xoogga saaro sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadaladaas. Waxa dhici karta sida dad badanba ay aaminsanyihiin inaanu jirin kulan qorshaysan oo Somalialnd iyo Soomaaliya ku dhexmari doono dalka Ghana, laakiin ay u eegtahay in la isku khalday labada magac ee magaalooyinka Accra oo Gaana ah iyo Ankara oo Turkiga ah. Rashiid Cabdi oo ka tirsan Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha dunida (ICG) ayaa qoraal kooban oo uu ku qoray bartiisa twitterka wuxuu ku sheegay inaanu jirin kulan qorshaysan oo ka dhacaya Gaana, taas bedelkeedna uu jiro kulan ka dhacaya Ankara oo Turkiga, waxaanu intaas kusii daray Rashiid inay muuqato in qof uu isku khalday labada magac ee Accra iyo Ankara. Caasimada Online oo isku deyday iney wax ka weydiiyo jiritaanka kulanka Accra ee Ghana Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Faratoon ayaa suurtagalin Wasiirka oo dalka dibadiisa ku maqan. Si kastaba, 19-ka bishan ayaa waxaa kala cadaan doona in Somaliland iyo Soomaaliya uu shir uga furmi doono Gaana iyo in Madaxweyne Biixi u isku qalday oo ujeeday Ankara. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Maleeshiyaad Hubaysan oo isku hor fadhiya Gudaha Magaalada Laascaanood+Dagaal laga baqaayo inuu ka dhex qarxo Wararka ka imaanayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in malayshiyaad hubaysan ay isku horfadhiyaan nawaaxiga garoonka diyaaradaha oo ku yaalla dhanka waqooyi ee magaalada. Malayshiyaadkan hubaysan oo hab-beeleed u abaabulan ayaaa la sheegaya in ay isku’ haystaan dhul bogcado bannaan ah oo dhinac walba sheeganayo lahaanshihiisa halkaas oo ay maalmahan isu’ hub uruursanayeen. Qaar kamid ah bulshada ku dhaqan Laascaanood ayaa soo sheegaya in laga cabsi qabo dagaal dhex mara labada malayshiya-beeleed isku horfadhiya aga’gaarka garoonka diyaaradaha kadib markii ay fashilmeen dadaallo lagu doonayey in lagu kala qaado. Waxay sheegeen in haddii dagaal ka qarxo halkaas uu khatar gelin karo guud ahaan amniga garoonka iyo diyaaradaha ku soo degaya. Iska hor-imaadyada ka dhasha murannada dhulka ayaa ku soo badanaya magaalooyinka waa weyn ee dalka. Maalmo ka hor 6 ruux ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ku dhaawacantay malayshiyaad bogcada-bannaan ku dagaallamay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Qaran News
-
Waxa lagu yaqaan xukuumadaha is-baddal doonka ah ee hadda un kasoo kabsanaya nidaamyadii dib u dhaca ku keenay ayaa ah gaabis kaga jira hir-gelinta himilada cusub iyo helid la’aanta halbeeg sugan oo lagu jaado dejinta shuruucyada ay doonayso inay ku meel-mariso ahdaafteeda. Taas waxay kuusoo baxaysaa marka aad dib u eegto halka xukuumadda Mudane Kheyre ay wax ka bilowday iyo xulashada hal-doorradii kala shqeyn lahaa qorshihiisa. Markii uu qaadayay saanqaadka hore, dad badan maysan filayn inuu la imaan karo tallaab aan lagu baran kuwii kaga horreeyey iyo dhalinta yididiilo cusub. Balse ugu yaraan, wuxuu tusaale nool u noqday in dhammaan madaxdu aysan isku hadaf iyo aragti ahayn. Wuxuu maalinba maalinta ka danbeysa sugayay inay nagu jiraan ikhyaar indheer-garad ah. In kasta oo xukuumadda ay ku badan yihiin aqoon-yahanno badigood da’yar ku cusub siyaasadda ah, haddana sifada maamulka Mudane Kheyre uu la wadaago kuwii ka horreeyey waa in magacaabista mas’uuliyiinta kala duwan ay, aqlabiyad ahaan, isugu jiraan dad qurba-joog ah iyo kuwa caan ah. Aalaaba magacaabista xubnaha kamid noqonaya dowlad kasta waxaa go’aamiya dadka siyaasadda kaga horreeya oo – iyaga oo ku saleynaya hannaanka beel-ku-qeybsiga – ku tala-bixinaya in xilkaas loo magacaabo. Hayeeshe mid iyo ka badan ayaan ilaa hadda helin jawaabtii loo baahnaa: in intee la’eg ayay siyaasiyiintani ama xittaa madaxda xukuumadda ay qofka ku qiimeeyaan indheer-garadnimadiisa ‘Visionary’?: Kaliya ma inuu caan yahay mise ka yimid qurbaha ayaaba ah shuruudaha aas’aasiga u ah magacaabistiisa?: Maxaa iyada oo xittaa la marayo hannaanka wax-ku-qeybsiga xilalka loo waayay in la magacaabo qof hibo u leh – hadaf iyo yoolna u heysta xaqiijinta himalada dhow iyo midda fog oo uu is-baddalka qeyb kaga noqonayo? Su’aalahaas, Mudane Ra’iisul-wasaare, waxay iila muuqdaan inay u baahan yihiin wax ka badan war-celin afka baarkiisa ku siman: waa muhiim in la helo dad qorshe cad iyo hadaf muuqda ka leh jagada loo magacaabayo una muuqato ujeedka loogu dhaariyay xilka!! Muhiimad weyn uma arko in qof maanta la magacaabo berrina uu xilka u gacan baneeeyo baddalihiisa – isaga oo wax muuqda oo la taaban karo dhaxal ahaan kaga tegin bulshada uu xilka u hayay. Albert Einstein ayaa wuxuu leeyahay hadal qurux badan oo ah: ‘Gebi-dhacleyntu waa ku cel-celinta sameynta hal shey mar iyo marar badan adiga oo filanaya inaad toos u tiigsato natiijada ugu fiican.’ Maamulka dowladeed oo aan lagu hagin dheelli-tir iyo turxaan-bixin mar iyo marar, waxay iyaduna caqabad ku noqotaa is-baddalka loo baahan yahay. Nagu filan dadka magaca leh oo xilalka lagu sharfo sida inay mudnaayeen. Waxaan u baahannahay dahabka dahsoon ee nagu dhex jira inay helaan fursad. Waxaan hubaal kuu leeyahay, waxaa jira dad is-baddalka aad bilowday kula dhameystiri kara: dalkanna gaarsiin kara meel dunidu aysan ka filan abid. Sidaas darteed, sida ay kaaga go’an tahay inaad sees u noqoto is-baddalka dhalanaya, suura-gal matahay inaad fursad siiso dadka aysan indhaha bulshadu wada qaban oo yoolka iyo hiigsiga fiican oo ay la nool yihiin jecel inay dalkan ku dhaqan-geliyaan?! Runtii, marka aan arko sida magaaladu iska tahay: iyo sida mas’uuliyiinta xilalka haya aysan ugu cibaadaysaneyn waajibka loo dhaariyay, waxaan ka niyad-jabaa mustaqbalka uu yeelan doono dalkeenna iyo jiilka soo aadan rajadooda. Tusaale ahaan, kolka guddoomiye degmo oo xilka isaga fadhiya – lagana yaabo inuusan aqalkiisa usoo dhaafin gudashada waajibkii loo igmaday: kuna sugan xafiiskiisa bilaa qorshe maalinle ah, waxaa igu adkaata inaan suuraysto sida aan qoysaskeenna xaaafadaha ku wada nool ugu diyaarin karno isku duubni iyo qaran lagu wada barwaaqaysto. Haddii is-baddalka loo jiheystay xaqiijintiisa la doonayo inuu miro-dhalo, waxaan aaminsanahay in gunta hoose laga soo bilaabo. Taasina waa in sal looga dhigaa helidda qof saaxibul-hadaf ah: og sida loo hir-gelin karo hiigsiga yoolkiisa. Haddiise aysan taasi dhicin, mas’uuliyiinteennu waxay si ficil ah u matalayaan weer uu Denis Weltey ku leeyahay; nolosha gudaheeda waxaa jira laba doorasho: inaad ku aqbasho xaaladuhu si ay yihiin: ama inaad qaadato mas’uuliyadda kaa saaran wax ka beddelkooda. Waana dhab oo intooda badan waxay qaateen doorashada hore. Mudane Ra’iisul-wasaare, waxaan ku talinayaa inaadan mas’uuliyadda qaranka ku gaar yeelin dadka siyaasadda loogu jiro ee garabka heysta, kuwa caan baxay ee warbaahinta laga bartay iyo qurba-joogta dibadda ka timid oo kaliya. Qore: Zakariya Xasan Maxamed – Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
