Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Cali Gacal Casir guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay waxgradka, siyaasiyiinta iyo aqooyahannada ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ahaa ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhibaatooyinka haatan ka jita dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale waxaa shirkani looga arrinsaday arrimo la xariira doorashada soo socota ee maamulkaasi iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa. Dhanka kale intii uu socday shirkan ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday, sidii dib u heshiisiin dhab ah loogu saameyn lahaa beeaha wada daga gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Galmudug ayaa waxaa haatan ka jira colaado u dhexeeya beelo wada daga deegaanada maamulkaasi, kuwaas oo aan weli la gaarin xal rasmi ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  2. By Thomas Gibbons-Neff Where is the United States at war? It’s a hard question to answer. Inevitably though, at least in the last four years, this sentence has changed little: American troops are fighting in Iraq, Afghanistan and Syria. But with a steady stream of airstrikes, militant deaths, alleged civilian casualties and two American troops killed in Eastern Africa since 2017, another country has since crept onto the list: Somalia. On Sunday, my colleagues Eric Schmitt and Charlie Savage published a story about the escalating war there against the Al Qaeda-affiliated group Shabab, and how the number of American airstrikes in the country have steadily increased under the Trump administration. In 2018 alone, there were 47 strikes that killed 326 people. And 2019 is already on pace to exceed last year’s tallies. And despite documentation that quantifies the Pentagon’s efforts in Somalia, there is no public record of the C.I.A.’s activities in the country, including if it has its own drone program to search for and to kill Shabab militants. But the agency is undoubtedly intertwined with the military’s efforts in the region, according to defense officials, often piggybacking off American outposts and American-backed militias to support their own clandestine activities. How did we get here? Like most chapters of the United States’ counterterrorism campaign that began in the aftermath of the Sept. 11 attacks, the new war in Somalia started with a small influx of 50 American troops in 2016 and has ballooned to 500, now spread across the country in small outposts and aided by thousands of forces from neighboring African countries including Kenya and Uganda. The last time the United States had an enduring military presence in Somalia was in 1993, but that ended after 18 Americans troops were killed in the capital, Mogadishu, in a violent gun battle, known as the Black Hawk Down incident. Two helicopters were shot down, and their pilots’ bodies were dragged through the streets. Since then, the Shabab has grown and spread across the country. After pledging allegiance to Al Qaeda in 2012 and threatening Somalia’s fragile government, the Pentagon ramped up American drone strikes and Special Operations raids. Now as President Trump seeks to withdraw some of the roughly 7,000 American troops on the African continent to ready for great power conflict with Russia and China, the war in Somalia has turned into a small version of Afghanistan. Special Operations troops patrol in mine-resistant vehicles, heavily armed gunships patrol the night sky and, despite a torrent of attacks and militant body counts often championed in Pentagon news releases, the Shabab remains firmly entrenched in the countryside, with no indication that they’re leaving. Source: The New York Times
  3. (SLT-London)Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa sheegay “in booliis muuqda” maanta la gayn doono agagaarka masaajidda iyadoo dadku ay aadayaan salaadda Jimcaha. Wuxuu intaas ku daray in askarta la gaynayo ay ka mid noqon doonaan ciidammada loo tababaray in ay ka jawaabaan weerarrada hubaysan. “London waxay garab taagan tahay dadka magaalada Christchurch , xiligan ay wajahayaan weerarkan argagisada ee qaabka daran” ayuu soo qoray duqa magaalada London Sadiiq Khan. Source
  4. (SLT-New Zealand)Dadka ku dhintay masaajidda Australia ayaa hadda noqday 49. Taliyaha booliiska dalka New Zealand ayaa qabtay shir jara’id oo uu dadka kula wadaagayo wararkii ugu dambeeyay ee weerarka lagu qaaday dadka cibaadaysanaya. Mid ka mid ah dadkii dhaawaca ahaa ee la dabiibayay ayay hadda naftu ka baxday ayuu yiri isaga oo shirka jaraa’id sii wada. Source
  5. (SLT-New Zealand)Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa tacsi u diray dalka New Zealand, isaga oo magaciisa iyo midka dalkiisa ku hadlaya, wuxuuna cambaareeyay ciddii Muslimiinta masaajidka ku laysay. Toogashada ayuu ku tilmaamay in ay tahay “wax aad loo dhaleeceeyo” wuxuuna intaas ku daray in ay tahay tallaabadii u dambaysay ee cusnsuriyadda iyo Islaam nacaybka sii kordhaya. Source
  6. Magaalada Bosaaso oo ah xarunta ganacsiga ee dowladda Puntland ayaa amnigeeda aad loo adkeeyay waxaana adag in aad si fudud uga soo gudubto kaantaroolka magaalada [...] Source
  7. Deegaano ay kamid yihiin Mandhiciraan, Wadhiiqle, Kalakac, Bali- Abees, Dhadinka iyo Gorfaale yaal oo hoos yimaada degmooyinka Xarfo iyo Burtinle ayaa waxaa haraad ugu dhintay [...] Source
  8. Calanka Newzealand ayaa hoos loo dhigay iyadoo lagu muujinayo iney maanta maakin murigo u yahay Dalka Newzealand kadib weerarkii Argafixiso ee lagu qaadey laba masjid [...] Source
  9. Wellington (Caasimada Online) – Dadkii ka bad-baaday weerarkii arxan darrada ahaa ee lagu qadaay laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand ayaa sharraxaad ka bixiyey sidii ay u dhacday dhacdadan foosha-xun. Sugid iyo duco Mid ka mid ah dadka ka bad-baaday weerarka oo dharkiisa dhiig uu ka buuxo ayaa sheegay inuu arkay ninka weerarka soo qaaday oo dadka xabadka ka tooganaya. Waxa uu sheegay in toogashada ay socotay qiyaastii 20 daqiiqo. Waxaa la rumeysan yahay in 49 qof ay ku dhinteen, ayada oo dhaawaca 20 qof uu ka badan yahay. “Waxaan ku fakarayey in rasaasta ay ka dhammaato” ayuu yiri. “Waxaan sameeyey waxay ahayd inaan sugo oo duceysto, Allahayow ninkan ay rasaasta ka dhammaataa” Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxa uu yimid halkan, dhinaca ragga oo dadkii ayuu toogtay, kadibna wuxuu u gudbay qeybta dumarka, waxaan maqlayey oohinta dumarka. “Walaalkey halkaas ayuu joogay, laakin weli ma aqaan inuu bad-qabo iyo in kale” Qfona kama uusan tagin Nin kale oo ka mid ah dadka ka bad-baaday weerarka ayaa sheegay in dadka ay daaqadaha jebiyeen si ay uga baxaan. “Wuxuu billaabay inuu toogto. Qof kasta oo uu u maleeyey inuu weli nool yahay waa uu sii tooganayey” ayuu yiir. “Ma uusan dooneyn in qofna uu nolol ku baxsado” Boqolaal xabbad ayaa daatay Farid Axmed oo isna ah nin naafo ah, balse ka bad-baaday weerarka ayaa sheegay in xaaskiiska ay ku jirtay qeybta dumarka, welina uusan ogeyn inay bad-baaday iyo in kale. “Waxaan ka arkay markii uu soo socday barxadda masjidka, ee uu qolkeena kusoo wajahnaa, wuxuu arkay qof kale oo isna masjidka usoo socday, dhabarka ayuu ka toogtay, wuuna dilay” “Waxaa dhulka daadsanaa rasaasta – boqolaal rasaas ah, xaqiiqdii” Goob xasuusq Carl Pomera oo isna dhacdan goobjoog u noqday ayaa marayey waddada masjidka hortiisa ah, markii weerarka uu billowday, ayada oo uu la socday qof kale. “Waxaan arkay dad noloshooda la baxsanaya” “Waxaa kadib xigay rasaas daran-doori ah. Dadkii ayuu dhulka ku simay, waxaan arkay ayada oo uu dhabarka ka tooganayo, waxayna daadanayeen dhulka” ayuu yiri Carl. Carl iyo saaxiibkiis ayaa dibedda masjidka ka sameeyey meel dadka lagu caawiyo. “Waxaan ahayn lix qof oo si lama filaan ah meesha u yimid, waxaana caawineynay dadka “Dadku waxay u oynayeen in la caawiyo. Waxaan qaadnay aabe iyo gabadhiisa oo dhaawac ah, balse ma naqaan inay bad-qabaan iyo in kale” “Nin uu saaxiibkey caawinayey wuxuu ku naf baxay gacmihiisa kadib 30 daqiiqo” Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  10. Maxkamada darajada 1-aad ee gobolka Mudug ayaa xukun xarig iyo ciqaab isugujira waxa ay ku riday sadax dhalinyaro ah oo ku eedeesnaa kiis kufsi ah. [...] Source
  11. (SLT-New Zealand)Ra’iisulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa cambaaraysay weerarka lagu qaaday labada maajid. Dhibaatada loo gaystay dadka cibaadaysanaya ayayna ku tilmaantay “mid ka mid ah taariikhda ugu madaw ee dalka Soo martay. Source
  12. (SLT-Sedny) Dalka Australia ayaa la sheegay inay ka qayb qadanayaan weerarka lagu qaaday masaajidda ku yaalla dalka New Zealand. Ra’iisulwasaaraha Australia ayaa cambaareeyay weerarka ka dhacay dalka New Zealand. “Waxaan xaqiijin karaa in shaqsiga xabsiga ku jira la ii sheegay in uu Australi u dhashay, sidaas daraadeed Australia ayaa qayb ka ah baaritaanka la wado, dhammaan laamaha ku shuqul lehna baaritaanka wayna sii wadi doonaan” ayuu yidhi Source
  13. (SLT-New Zealand) Qof hubaysan Ayaa weerara Kuqaaday masaajid ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaan wali gacanta lagu dhigin, booliiska ayaana ka digay ninkaas. gudoomiyaha masaajidka maxamed jaamac oo loo yaqaan ((Afeeyey)) ayaa Radio lugo badan u sheegay in ay dad dhinteen. Booliiska ayaa dadka uga digay aagaas, waxaana la isku gadaamay oo ilaalo la geeyay iskuullada iyo isbitaallada. Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in ay orad kaga baxsadeen rasaastii dhacaysay. Muuqaal aan la xaqiijinin saxnimadiisa ayaa soo baxay, muuqaalkaasina wuxuu tilmaamaya ninka weerarka gaystay oo isduubaya isaga oo rasaas furaya. saciid dheere oo ku sugnaa dhulka masjidka ayaa Radio lugo badan u sheegay “markii hore ay u qaateen in shanqartu ay koronto tahay, balse dadkii ayaa billaabay in ay kala yaacaan. “Saaxiibbaday ayaa wali masaajidka ku jira” “Saaxiibbaday ayaan wacayay balse waxaa jira kuwo aanaan wali is maqlin. Nolosha saaxiibbaday ayaan u baqayaa.” Herald ayaa ku warramaya in qofka weerarka gaystay loo malaynayo in uu Australia u dhashay, kaas oo qoray ujeedadiisa. Ninkaas ayaa sheegay in uu taageerayo afkaarta midigta fog iyo in uu ka soo horjeedo soo galootiga. Dhacdadan ayaa la sheegay in ay ka dhacday masaajidka Al Nuur oo ku yaalla bartamaha magaalada Christchurch. Askarta ayaa sidoo kale fagaaraha Cathedral ka kexeeyay kumannaan carruur ah oo dhigayay mudaaharaad ay ku dalbanayaan in wax laga qabto isbadalka cimilada adduunka. Waxaa jira warar kale oo sheegaya in dad laga daad gureeyay masaajid kale. Saxafi la socda kooxda kubbadda kiriketka ee dalka Bangladesh oo hadda ku sugan New Zealand ayaa twitterka ku soo qoray in uu ka baxsaday masaajid ku yaalla agagaarka Hagley Park halkaas oo rasaas ka dhacayso. Source
  14. New York (SMN)- Qaar ka mid ah xildhibaannada golaha aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka qayb galay Shir Caalami ah oo ka socda xarunta Qaramada Midoobay ee Magalada New York. Shirkan oo looga hadlayo arrimaha haweenka Adduunka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa doorka hogamineed ee haween weynaha Caalamka, ayaa waxaa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah, waxaana Soomaliya u matalaya Senetor, Muno Cumar Xasan iyo Sen ,Hodan Muxamuud Cusmaan. Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa lagu gorfeyn doonaa sida ugu habboon ee loogu gaashaaman karo tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka caalamka iyo sidii wax loogu qaban lahaa kuwa loo geysta gabbood fallada kala duwan ee ay bulshada dhexdeeda kala kulmaan dumarka. Waa markii ugu horreysay oo shir noocan oo kale ah ay Soomaaliya ka qayb gasho, waxana lagu wadaa in ay xildhibaannada aqalka sare ee kulankan ku sugan ay soo bandhigaan tacaddiyada loo geysto haweenka Soomaaliyeed. Soomaaliya oo muddo ku dhow Soddon Sano ay ka jireen dagaallo sokeeye iyo Colaado ayaa ka mid meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan tacaddiyada loo geysto Haweenka, sida Kufsig iyo dilalka. View the full article
  15. Dhimashada rasmiga ah ee ka dhalatay weerarkii maanta lagu qaadey laba Masjid oo ku yaal Magaalada Christchurch ee Dalka Newzealand xili laguda galayay Salaadii Jamce. [...] Source
  16. Muqdisho (SMN)- Howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa iyo ciidamada Milateriga ee Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaal xoogan oo Al-shabaab ay kula galeen deegaanka Baar Sanguuni ee gobalka Jubada Hoose Sarkaal ka tirsan AMISOM ayaa sheegay in iska caabiyeen dagaal ay Al-shabaab ku soo qaadeen fariisin ay ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni oo ku dhaw magaalada Kismaayo. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 13 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab isla markaana ay ku dhaawaceen tiro kale oo intaasi ka badan. Sarkaalka ka tirsan AMISOM ayaa sidoo kale xusay in dagaalka ka dhacay Baar Sanguuni ay ku soo qabteen 9 dagaalyahano oo ka tirsan xarakada Al-shabaab Ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ayaa hore u sheegay in ay xoojinayaan howl galada ay kula dagaalamayaan dagaalyahanada Al-shabaab. Deegaanka Baar Sanguuni ayaa waxaa horaantii sannadkan uu dagaal xoogan ku dhex maray ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab. View the full article
  17. Kismaayo (SMN)- Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmad Maxamed Ilsaam Madoob ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiis Magaalada Kismaayo ku dhexmaray isaga iyo ra’iisal wasaaraha xukuumdda Soomaaliya)Xasan Cali Kheyre. Axmed Madoobe ayaa Shaaca ka qaaday in safarkii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee Magaalada Kismaayo in lagu dhameeyay khilaafkii u dhexeeyey dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland,waxaana uu carabka ku adkeeyay in ay Muhiim tahay in labada dhinaca ay abuuraan kalsooni shacab iyo mid dowladeed. Khilaafkaan siyaasadeed ee haatan u muuqdo in xal laga gaaray ayaa waxaa uu ka dhashay kadib markii 6dii bishii, 2017 kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada ee dowlada Soomaaliya ay ku dhawaaqeen in muranka khaliijka ay dhexdhexaad ka yihiin,Maadaamada saddex dal oo ka mid ah dalalka ku bahoobay Khaliijka Carabta ay markaasi xiriirkii diblamaasiyadeed u jareen dalka Qadar, balse go’aankaas ma noqon mid ay ku qanceen maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka, kuwaas oo badankood si iskood ah u sheegay in ay la safteen Sucuudiga, xiriirkana u jareen dowladda Qadar. View the full article
  18. Muqdisho (SMN)- Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay waqtiga uu qabsoomayo imataxaanka qaran ee sanad dugsiyeedkan. Cabdulaahi Goodax Barre wasiirka waxbarshada xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ardayda dugsiga sare ee fasalka 12-aad ay ay imtaxaanaadka qaranka u fariisan doonaan 11-ka ama 16-ka bisha 5aad ee May 11,islamarkaana uu ka qabsoomi doono guud ahaan dalka. Wasiirka ayaa tilmaamay in tirada ardaydan sanadkan ee imtaxaanka u fariisaneysa ay gaareyso 45 kun,isla markaana ay aad kaga badanyihiin marka loo barbar dhigo tirade u fariisatay imtaxaanaadka qaranka sanadkii tagay. Cabdulaahi Goodax Barre ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in tirada ardayda ee sanadkan ka qalin jabineysa dugsiga sare 100-kiiba 20 ay kor u kacday,sidaas darted imtaxaanaanka uu noqon doono mid ka duwan sanad dugsiyeedkii la soo dhaafay. View the full article
  19. Wellington (SMN)- Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qasaaraha ka dashay weerar toogasho ah oo galinkii hore ee maanta lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka Newzealand. Raga weerarka fuliyay oo sadex ahaa ayaa la sheegay in ay ku hubeysnaayeen qoryaha fudud,waxayna durba rasaas ku fureen dad muslimiin ah oo Soomaali ay kamid ahaayeen oo ku jiray salaada jimcaha. Sadex ruux oo Soomaali ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkaasi toogashada ah ee lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch oo ah tan sadexaad ee ugu dadka badan dalka Newzealand. Lama shaacin magacyada sadexda ruux ee Soomaalida ah,balse masjidka uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in ay ku sugnaayeen dad badan oo ajaanib ah. Laamaha amaanka ee dalkaasi iyo saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in mid kamid in weerarka toogashada ah lagu dilay in ka badan 40 ruux,isla markaana intaasi ay ka badanyihiin dhaawacyada weerarkaasi ka dhashay. Sadex ruux oo mid kamid ah ay haweeney tahay ayaa loo soo qabtay weerarkaasi,waxaana booliiska ay sheegeen in ay sameyn doonaan baaritaan ku aadan weerarkan. Inta badan dalalka Islaamka ayaa cambaareeyay weerarkaasi lagu dilay tobanaanka ruux ee Soomaalida ay ku jiraan ee ka dhacay magaalada Christchurch ee dalkaasi Newzealand. View the full article
  20. Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-150319.mp3 View the full article