Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Xoogaga kurdida ee loo yaqaan SDF oo taageerada ka helaya Maraykanka ayaa sheegay inay hada gacanta ku hayaan ugu yaraan 800 ka tirsan dagaalyahanadii kooxda Daacish oo ay wehliyaan qoysaskooda oo gaaraya 1200 haween iyo caruur ah. Xili dagaalka lagula jiro Daacishta Siiriya uu gebo gebo marayo ayaa waxa ay dooda ka dhalatay cida la wareegi doonta maxaabiista laga qabtay kooxdaasi oo ay ku jiraan dhalinyaro horey uga yimid qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sabtidii bartiisa twitter ku qoray in laga doonayo dalalka reer Yurub inay la wareegaan muwaadiniintooda usoo dagaalamay Daacish isla markaana ay soo taagaan maxkamad. Maraykanka ayaa doonaya in todobaadyada soo socda uu ciidamadiisa kala baxo dalka Siiriya, arrintaasi oo culeys weyn ku keeni doonta ciidamadii ay horey u taageeri jireen ee kurdida Siiriya SDF. Saraakiisha SDF oo codsaday in ciidamada Maraykanka ay sii joogaan dalka Siiriya ayaa sheegay inaysan sii heyn karin maxaabiistan badan oo ay ku jiraan dagaalyahano si weyn looga cabsi qabo inay ka baxsadaan xabsiyada hada lagu hayo oo dib u bilaabaan dagaalo horleh. Balse dowladaha Yurub qaarkood ayaa sheegay inaysan diyaar u ahayn inay la wareegaan maxaabiistaasi oo ay u arkaan kuwo amnigooda khatar ku noqon kara hadii ay dib ugu soo noqdaan dalalkii ay markii hore ka yimaadeen, maxkamadeynta raggan ayaa sidoo kale ah mid wakhti dheer qaadan kara. Trump ayaa ku goodiyey inay siideyn doonaan maxaabiistan hadii aysan dalalka Yurub la wareegin, arrintaasi oo ay Midowga Yurub u arkeen hanjabaad. Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya, Moses Wetangula ayaa sheegay inay Dowladaha Somalia iyo Kenya ay horey u kala saxiixdeen Heshiis kaasi oo ku saleysan dhanka xuduuda badda. Heshiiskaasi ayuu sheegay in labada dowladood ay kala saxiixdeen xilligii Dowladdii Madaxweyne Mwai Kibaki ay hogaamineysay dalka Kenya, sida uu hadalka u dhigay. Moses Wetangula oo hadalkaasi ka jeediyey Xarunta Dhexe ee Xisbiga FORD ee magaalladda Nairobi, balse ma uusan sheegin Sannadka saxda ee Heshiiskaasi qalinka lagu duugay. Laakiin Moses Wetangula ayaa ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya muddadii u dhexeysay sannadihii 2008-dii ilaa 2010-kii iyadoo mar labaad oo loo doortay xilkaasi sannadihii 2011-kii ilaa 2012-kii. “Ka Wasiir ahaan, waxaan Wada-xaajood la galay Dowladdii Somalia ee xilligaasi, waxaana wada saxiixanay Heshiiska lagu calaameeyey xuduud-baddeedka” ayuu yiri Mosees Wetangula. Waxa uu intaasi ku daray inay Nuqulka Heshiiskaasi iyo Khariidada Badda ee la isla gartay u gudbiyeen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, sida uu hadalka u dhigay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Kenya. Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Moses Wetangula waxa uu Dowladda Kenya u sheegay inay Kenya leedahay xuduud-baddeedka ay Somalia qabsatay. Sidoo kale wuxuuna intaasi ku daray in Kenya looga baahan yahay inay la xiriirto Saaxiibadeeda si ay ugu muujiyaan Dhaqdhaqaaqa Joogitaanka. Madaxdii dalka xukumeysay xiliga uu xilka hayay wasiirkii arrimaha dibadda Kenya ayaa horey u sheegay inaysan jirin heshiis badda Kenya loogu ogolaaday balse heshiiskaasi uu ahaa in laga wada xaajoodo kaliya sheegada Kenya ee dhanka Badda. Xiligaasi waxaa dalka madaxweyne ka ahaa Shariif Sheikh Axmed, waxaa ra’iisul wasaare ka ahaa Cumar C/rashiid Cali, iyadoo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ka ahaa C/raxmaan Cabdi Shakuur, waxaana hadda la sugayaa jawaabta ay madaxdaasi ka bixiyaan hadalka wasiirkii hore ee Dibadda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay si xoogan ugu diyaariso ciidankeeda hanashada ammaanka dalka, marka la gaaro qorshaha kala guurka AMISOM iyo Soomaaliya. Guddig nabadda iyo amniga Midowga Africa ayaa kulamo ay yeesheen uga dooday, sida ay dowladda Soomaaliya ugu diyaar garoobeyso qorshaha kala guurka ee AMISOM dalkeeda uga bexeyso sanadaha 2020-ka iyo 2021-ka. Midowga Africa ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay helaan tababaro hormarsan iyo agab milatari oo ay uga kaaftoomi karaan ciidamada AMISOM, marka uu idlaado waqtigooda Soomaaliya. Kulanka yeesheen guddiga nabadda iyo amniga ee Midowga Africa ayaa imaanaya xili la filayo in dabayaaqada bishan Febraayo kun askari laga dhimo howgalka AMISOM ee Soomaaliya. Golaha ammaanka ee QM ayaa horay u soo saaray qaraar qeexaya in sanad waliba kun askari laga dhimo howgalka AMISOM,si ciidanka Soomaaliya ay guud ahaan gacanta ugu dhigaan ammaanka dalka. The post Midowga Africa oo ku baaqay in la diyaariyo ciidan amniga kala wareega AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Waxgarad iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo u warramay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay hadlay khilaafka diblomaasiyasadeed ee soo kala dhex galay dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Ugu horreyn Imaam Cumar Macalin Abshir oo ka mid ah dhaqanka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay, sida geesinimada leh oo ay dowladda Soomaaliya ugu jawaabtay hadalkii Kenya. Siudoo kale Imaamka ayaa ugu baaqay shacabka iyo siyaasiyiinta in ay DFS uga dambeeyaan go’aankaasi. Dhankiisa Cabdi Ra’uuf Layli Dubad oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in laga dhowr sugayo dowladdu in ay qaato tallaabo waa weyn oo lagu difaacayo Soomaaliya, dibna loogu soo celinayo sharaftii ay laheyd. Khilaafka labada dowladood ayaa yimid, kadib markii Kenya ay cabasho ka keentay shirkii shidaalka ee dhawaan lagu qabtay dalka Ingiriiska. The post DFS Oo lagu amaanay go’aankii ay qaadatay appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Guddoomiyaha xisbiga Garsoor, xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo u warammay Goobjoog ayaa ka hadlay arrimaha ku aaddan xiisadda Soomaaliya iyo Kenya. Waxa uu ugu horreyn soo dhoweeyey go’aankii ay dowladda dhexe ugu jawaabtay Kenya, balse wuxuu ku sheegay iney ula muuqatay jawaab dabacsan. Wuxuu Xildhibaan Sakariye sheegay in madaxda dowladda looga baahnaa in jawaabta ay bixinayaan ahaato mid xanuunjisa Kenya, islamarkaana la tuso tabarteeda iyo sidoo kale Soomaaliya waxa ay tahay. Xildhibaanka ayaa soo jeediyey in gabi ahaan xiriirka loo jaro Kenya, sidoo kalena dalka laga saaro ciidankooda, lana mamnuuco qaadka ay dalka keenaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Xildhibaan-Sakariye-Maxamuud-Xaaji-Cabdi.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Boosaaso (SMN) – Guddoomiyaha degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa shacabka degmadaasi uga digay isticmaalka bacaha laguy adeegto iyo kuwa madow ee lagu dhajiyo Baabuurta. Guddoomiyaha ayaa amray in shacabku ay u hoggaansamaan awaamiirtaasi oo lagu xoojinayo sugida amniga. Dhanka kale Ciidamo aad u hubaysan ayaa xalay goor saq dhexe ah lagu arkayay iyagoo roonda ka sameynaya xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi. Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab.H The post Shacabka Boosaaso oo lagu soo rogay awaamiir culus appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Xukuumadda Muuse Biixi ee Somaliland ayaa shaqo abuur u sameeyey dhallinyaro ka badan 400 kuwaasi oo laga soo uruuriyey gobolka Maroodi Jeex ee Somaliland. Dhallinyaradan ayaa loo sameyn doonaa barista xirfado kala duwan, waxaana ku jira dhallinyaro loo tababarayo ciidannimo, gaar ahaan Milatari. Qorshahan ayaa qeyb ka ah barnaamijka shaqo qaran, iyadoo dhallinyaradan ay soo dhoweeyeen shaqooyinkan la siinayo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Somaliland-ayaa-markii-ugu-horreysay-laga-hirgaliyay-Barnaamijka-Shaqo-qaran.mp3 Source: goobjoog.com
  8. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidanka Jabuuti ee AMISOM iyo sidoo kale kuwa Al-shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Dad ku dhow halka dagaalka uu ka dhacay ayaa u sheegay Goobjoog, in ciidanka AMISOM oo dhaq-dhaqaaqyo wada ay weerar kala kulmeen ciidamada Al-shabaab. Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal aad u xooggan, kaasi oo Labada dhinacba khasaare soo kala gaarsiiyey. Dadka shacabka ah ee waxyeellada kasoo gaartay dagaalkan ayaa lagu sheegay Saddex qof oo dhimasho ah iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay. Xaaladda degmada Jalalaqsi waa ay deggan tahay, dhinacyadii dagaallamayna guullo ayeey kala sheegteen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa warka subaxnimo ee Idaacadda Goobjoog (Talaado 19-02-2019) waxaana inoo akhrinaya wariyaheena Axmedweli Xuseen Maxamuud. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/SAAKAY-IYO-GOOBJOOG-19-02-2019.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed ayaa xalay waxa uu dhiggiisa dalka Burundi Pierre Nkurunziza oo ay ku kulmeen caasimadda dalkaasi waxay ka wadahadleen arrimo dhowr ah. Waxay madaxdan kulankooda isku soo qaadeen arrimo ay ka mid tahay ammaanka iyo sidoo kale sidii loo adkeyn lahaa xiriirka Labada wadan. Iyadoo weli kulamo kale ay dhiman yihiin ayaa kulankii xalay oo hordhac ahaa waxaa sidoo kale la isku soo qaaday arrimaha ciidamada Burundi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM, kuwaasi oo la qorsheynayo in sanadkan gudahiisa ay qaar ka mid ah ciidankaasi dalka isaga baxaan. Burundi oo ah dalkii Labaad oo Soomaaliya keena ciidamo nabad ilaalin ah ayaa sanadkan waxa uu deegaannada Hirshabelle ka saarayaa in ka badan Kun askari, kuwaasi oo dalkooda dib loogu celinayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa muujisay inay wajahayso cabsi guul-darro oo kaga soo socota maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ, halkaasi oo uu yaallo kiiska badda Soomaaliya ee Kenya ay dooneyso inay qaadato. Arritan ayaa waxaa caddeyn u noqday hadal kasoo baxay xogahayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau oo soo bandhigay saddex shardi oo dowladdiisa ay ku xireyso in lagu xaliyo muranka diblomaasiyeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Markii Kenya ay xiriirka diblomaasiyeed u jartay Soomaaliya ayada oo ku doodaysa in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooyin shidaal oo ku yaalla “dhul-badeedka Kenya”, waxaa durba soo baxday in waxa Kenya ay u socoto aysan taas ahayn, balse ay tahay inay dooneyso inay lugaha kala baxdo kiiska maxkamadda ICJ. Jawaabtii ay dowladda Soomaaliya ka bixisay go’aanka Kenya ayaa caddeyn u noqday in Kenya meel cidlo ah ay ka dagaalamayo. Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in aagagga ay ku yaalaan xirmooyinka shidaal ee ay yaboohday ay waafaqsan yihiin go’aanada maxkamadda ICJ, islamarkaana aysan iib-geyn wax xirmooyin shidaal ah oo ku yaalla “dhul-badeedka lagu muransan yahay”. Intaas kadib, ayaa Macharia Kamau saddexda shardi ee uu soo bandhigay waxa ugu yaab badnaa midkan saddexaad. Shuruudaha ayaa kala ahaa: 1 – In Soomaaliya ay ka noqoto qeybta qariiradda Badda oo Kenya ay u aragto inay leedahay, kuwaas oo xirmooyin shidaal oo ku yaalla lagu suuq geeyay shirkii ka dhacay magaalada London. 2 – In Soomaaliya ay ogeysiiso dhammaan shirkaddihii baayacay xirmooyinkii dhulka shidaalka ee ay ku soo bandhigtay shirkii London, una cadeyso in aysan Soomaaliya dhulkaasi laheyn. 3 – In wada xaajood ay labada wadan ka galaan “arrinta muranka badda”, oo ay ka gaaraan xal walaalnimo, iyada oo aan la marin maxkamadda caalamiga ah ee Hague ee ay hadda dacwadooda taallo. Waxaa yaab leh, haddii Kenya ay markii hore Soomaaliya xiriirka ugu jartay inay iib-geysay “dhul Kenya leedahay”, haddana dalbatay in laga noqdo, xaguu u socdaa qodobka saddexaad ee maxkamadda ICJ? Maxaase iska galay kiis sanado soo socday iyo arrintan cusub? Sida Macharia hadalkiisa ka muuqata, xitaa haddii Soomaaliya ay ka laabato dhul-badeedka ay xirmooyin shidaalkiisa iib gaysay, maba aysan iib geyn’e, Kenya kuma filna. Bal u fiirso waxa uu yiri isaga oo ka hadlaya sababta Kenya u dooneyso in laga noqdo kiiska maxkamadda ICJ oo wada-hadal lagu dhameeyo. “Rajadeenu waxa ay tahay in maadaama aan nahay deris wanaagsan in arrintan lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamad. Saaxiibadi islama koraan maxkamad; waa ay wada fariistaan oo ay xaajoodaan. Waa taas waxa aan ka fileyno Soomaaliya.” Haddii Kenya ay hubto in dhul-badeedka ay sheeganeyso uu yahay mid ay leedahay, maxay uga cabsaneysaa maxkamadda, oo ay u dooneysaa in kiiskan lagu dhameeyo wada-xaajood, haddiise ay dalbatay in dowladda Soomaaliya ay ka laabato “dhulkii lagu iib geeyey London” maxay maxkamadda ICJ ugu xiraysaa? Waxaa cad in Kenya wajaheyso guul-darro, ayna dooneyso in inta aan go’aanka la gaarin ay kiiska maxkamadda faraha kala baxdo, kadibna wada-xaajood been ah ay Soomaaliya waqtiga uga lumiso ama ugu awood sheegato. Faalladii qeybta tifaftirka Caasimada Online caasimada@live.com
  13. Shirkada Spectrum ee xaraashaysa Shidaalka Somalia oo Warbixin ka soo saartay Khilaafka dhuleed ee ka dhex oogan Somalia & kenya & Xoggo ku saabsan Dhul-badeedka Somalia & Kenya ku muransan yihiin Shirkadda Spectrum oo sameysay sahminta shidaalka xeebaha Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay faah-faahin uga bixisay shirkii 7-dii Febraayo ka dhacay London iyo dhulka sahminta lagu sameeyey. Qoraalka oo loo diray wasaaradda batroolka Soomaaliya, islamarkaana ay Warbaahintu heshay waxay Spectrum ku sheegtay in shirkii London uu ahaa kaliya mid sare loogu qaaday islamarkaana lagu xayeysiinayey shidaalka la tuhmayo inuu ku jiro Soomaaliya. Spectrum waxa ay sheegtay in intii uu socday shirka London aan marnaba la xaraashin xidhmooyinka la sahmiyey ee shidaalka Soomaaliya. Spectrum ayaa dhinaca kale sheegtay in dhul-badeedka sahaminta shidaal lagu sameeyey xogtiisana lagu soo bandhigay London uu yahay dhul ay si buuxda u leedahay Soomaaliya, islamarkaana aanu ku jirin dhul-badeedka lagu muransan yahay ee kiiskiisa uu yaallo maxkamadda caddaaladda ee ICJ ee magaalada Hague. Qoraalka shirkadda Spectrum, oo uu ku saxiixnaa madaxweyne ku xigeenka fulinta ee shirkaddaas ee gobollada Africa, Meditareeniyaanka iyo Bariga Dhexe Graham Mayhew ayaa waxaa la socday Khariirad muujineysa dhulka xogtiisa lasoo bandhigay, waxaana aanka muquan dhul-badeedka Kenya ay ku haysato Soomaaliya ee maxkamadda ICJ ay go’aanka ka gaadhi doonto. Qoraalka oo Rasmiya ah Halkan hoose ka akhri:- Qaran News
  14. Wargaysa African Exponent oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer qaaradda Afrika, isla markaana kasoo baxa dalka Tanzania ayaa ku camirtay dalka Kenya, isagoo qoray sheeko uu cinwaan uga dhigay ”Kenya oo isku ceebaysay muranka diblomaasiyadeed ee ay ku weerartay Somalia!” Wargayska ayaa sheegay in Kenya ay dooratay erayo ixtiraamka ka arradan, isla markaana ay ogaysiis la’aan cayrisey ergaygii Somalia u fadhiyay dalkeeda, halka Somalia ay ku jawaabtay wax muujinaya jawaabta uu bixin lahaa dal casri ah oo dunida la jaan qaadaya, taasoo buu yiri ukun fuunto ah wejiga uga jebisey Kenyan. Kenya ayaa mar qura 2009-kii jeebka kala soo baxday dood gebi ahaanba cusub oo ay ku sheegayso inuu jiro dhul badeed ay kula muransan tahay dalka Somalia, kaddib heshiis lagu sheegay ”is afgarad” oo ay qolal mugdi ah 2009 kula saxiixatay siyaasiyiin xilligaa Somalia metelayay. Kenyan oo tixraacaysa shirkii bandhigga shidaalka Somalia ee 7-dii Febraayo London lagu qabtay ayaa arrintaas ku tilmaantay “fal laga argagoxo oo daandaansi ah” iyadoo intii ku lug leh ku tilmaantay ”cadowga Kenya”, intaana kuma hakane waxay Kenya dalkeeda ka cayrisey danjirihii Somalia. Gardaro AAN LOO MEEL DAYIN Yeelkeede, Spectrum Geo website, ayaa muujinaya in baloogyada ay Kenya sheeganayso aysan xitaa ku jirin kuwii lagu bandhigay shirkii London, laba balood unbaa u dhow, qaybta 3-xagalka ah ee ay Kenya ka waddo sheekada ku dhisan ”ku qabso ku qadi mayside!”. Wargayska ayaa haddaba qoraya, in eed sheegashada Kenya ay tahay mid lala degdegey, balse aanay jirin baahi taa keenaysa, mana keenin wax caddaynaya inay Somalia wax xaraashtay gebi ahaanba. DF Somalia ayaa dhankeeda tiri sidatan: “Somalia ma dejinin wax qorshe ah oo hadda iyo hadhoow ah oo ku aaddan sahminta meelaha ay Kenya sheeganayso, ilaa lagu xalliyo maxkamadda ICJ.” Wuxuu wargaysku sheegay in marka la eego jawaabta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia ay ka muuqato dadnimo, taxaddar, xeerin iyo xirfad. Wuu sii hadlayaa oo wuxuu qoray wargayska AE, Kenya waxay tiri, “DF Somalia waxay markale caddaysay inaysan weli gaarin qaan gaarnimo siyaasadeed oo laga doonayo dowlad si wanaagsan loo agaasimey oo casri”. Taasi waa mid u qaadan waa ah ayuu leeyahay wargaysku, waayo DF Somalia waxay jawaabteeda ku muujisay deganaanta laga doonayo dal casri ah, halka Kenya ay is ceebaysay oo ay wejiga iska gubtey.
  15. Xog xasaaisya:Kenya oo war ka soo saartay ciidamada ka jooga Somalia waxay ka yeeli doonto maadaba aan Somalia laga dooneyn oo halis la geliyo Dowladda Kenya ayaa ka hadashay xaaladda ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya kadib markii ay xidhiidhka diblomaasiyeed u jartay dowladda Soomaaliya. Dalka Kenya ayaa waxaa ka jirta cabsi xooggan oo ku saabsan in kadib tallaabadii ay qaaday dowladda dalkaas, in ciidamada Kenya ay noqon karaan kuwa halis gala maadaama aan dalka Soomaaliya laga dooneyn. Hase yeeshee waxaa taas ku gacan saydhay xogahayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau oo sheegay in ciidamada Kenya ay isku filan yihiin, siina jooga doonaan Soomaaliya, sababtoo ah kuma joogaan magaca Kenya. “Ciidamadeena waxa ay muddo ka shaqeynayeen deegaan halis ah, wayna garanayaan sidii ay isku difaaci lahaayeen. Si kastaba, ciidamadeena kuma joogaan Soomaaliya ayaga oo ka socda Kenya, balse waxay ku joogaan ayaga oo ku shaqeynaya magaca Amisom” ayuu yidhi Macharia Kamu. Ergeygii hore ee gaarka ahaa ee Soomaaliya ee QM, Abuukar Armaan oo qoraal kooban soo dhigay twitter, ayaa sheegay in go’aanka ay Kenya xidhiidhka diblomaasiyeed ugu jartay Soomaaliya ay ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ka dhigeyso kuwa duulaan ku ah Soomaaliya. “U yeedhashada Kenya ee safiirkeeda, iyo weydiisashada safiirka Soomaaliya inuu ka baxo dalkaas, waxay joogitaanka ciidamada KDF ee Soomaaliya ka dhigeysaa kuwa weerar ah. Waxaa jira marar ay diblomaasiyaddu tahay inay noqoto mid toos ah oo cad” ayuu ku yidhi Armaan qoraalka uu soo dhigay bartiisa twitter. Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykan ayaa beenisay in seddex kamid ah askarteeda ay ku weysay weerar ka dhacay saldhiga ciidamadooda ay ku leeyihiin Saldhiga Balidogle oo waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya, weerarkaasi oo dhacay maalintii jimcaha ee lasoo dhaafay. Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa ku eedeeyay Al Shabaab inay sameeyeen sheegasho been ah, kadib markii ay sheegeen in seddex kamid ah ciidamada Mareykanka ay ku dileen saldhiga meletariga ee ciidamada Mareykanka. “Wax khasaaro ah oo Mareykanka kasoo gaaray weerarka Balidogle ma jiro”sidaasi waxaa yiri afhayeenka taliska AFRICOM Christopher P. Karns oo la hadlayay wakaalada Wararka ee Xinhua “Shinwaa” “kooxda Argagixisada Al Shabaab waxay sameeyeen sheegasho been ah oo ah inay seddex kamid ah ciidamada Mareykanka dileen” Afhayeenka wuxuu sheegay in xaaladaha ay ku jiraan Al Shabaab ay kor u qaadeyso inay sameeyaan faafinta wararka been abuurka ah. Al Shabaab ayaa sheegay in dagaalyahano kamid ah kooxda ay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhiga Balidogle islamarkaana ay ku dileen seddex kamid ah ciidamada Mareykanka iyo shan xubnood oo Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu afhayeenka sheegay inay kor dhiyeen cadaadiska ay saareen kooxda Al Shabaab, wuxuuna sheegay in xiliyadii ugu dambeeyay laga gaaracay horumar la taaban karo. “Sanadka 2019, waxaa Al Shabaab la saaray cadaadis joogto ah, oo ay qeyb ka tahay dowladda Soomaaliya, dadaalkaasi oo la doonayo in lagu wiiqo shabakada Al Shabaab.”ayuu hadalkiisa ku daray Afhayeenka taliska Africom. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa sharuud cusub ku xiray wadahadal ay la galaan dowladda Soomaaliya, kadib markii masuuliyiinta maamulkaasi ay warbaahinta la hadleen. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamed Faratoon ayaa sheegay in wadahadalka ay ka qeyb galayaan marka la balaariyo xubnaha dowladaha ah ee ka qeyb galaya. Wasiirka ayaa sheegay in safiirkii hore ee dowladda Turkey u fadhiyay Muqdisho haddana ah ergayga wadahadalada Turkey u qaabilsan Somaliland iyo dowladda Soomaaliya ay u gudbiyeen inay doonayaan in la balaariyo wadahadalka. Wuxuu sheegay inay doonayaan in la kordhiyo dalalka ka qeyb galaya wadahadalsiinta dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Wasiir Yaasiin, ayaa sheegay Somaliland aysan hadal badan dooneyn islamarkaana Dowladda Turkiga ay dhowr jeer oo hore u dhex dhexaadisay Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland. Hadalkiisa ayaa laga dheehan karayaa inay doonayaan in dalal kale oo caalamka ah ku biiraan wadahadal siinta labada dhinac, balse ma uusan shaacin magacyada dalalka ay doonayaan inay wadahadalka ku biiraan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  18. Baryahaan dambe waxaa kacday xiisad ku saabsan nin ajnabi ah oo loo magacaabi rabo inuu noqdo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, sharcigii bankigana daraadiis loo beddelay. Qayladhaan ayaa ka soo yeertay baraha bulshada iyo bogagga internetka Soomaaliyeed, iyo goobaha lagu qaxweeyo oo wararka la isku dhaafsado. Dadka intiisa badan waxay dhaliil kulul, eedeeyn iyo dhaleeceeyn u soo jeedinayeen xukuumadda. Ulajeedada maqaalkaygu ma aha inaan dooddaas ka qaybgalyo. Waxaan kaliya ku gaabsanayaa in xukuumaddu sidaan si ka fiican u maareyn kartay arrintaan. Tusaale ahaan, waxay ajnabi u magacaabi kareen agaasimaha guud oo ah fuliyaha hawl maadmeedka, farsamoyaqaan bankiyeedna ah, ama waxay guddoomiye ka amaahan kareen dawladaha saaxiibka dhow aynu nahay, iyadoo loo marayo xiriir dawlad ka dawlad ah intii la iclaamin lahaa tartan natiijadiisa la sii ogyahay ama la saadaalin karo. Haseyeeshee, aniga aragtidayda, ma aha wax lala yaabo in shakhsi ajnabi ah loo dhiibo hoggaanka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Mana aha, sidaan u arko, wax lagu tilmaami karo khiyaano qaran sida dadka qaarkiis u dhigeen. Waxaan tusaale u soo qaadan karaa dalka Ingiriiska (UK) oo bankigoodu yahay bankiga ugu facweyn adduunka, oo London tahay sayladda ugu weyn ee lacagaha iyo maalgeshiga adduunka, oo haddana u doortay nin Kanadiyaan ah inuu noqdo guddoomiyaha bankigooda dhexe (Bank of England) iyagoo tixgelinaya sifaha shakhsigaasi leeyahay oo keliya ee aan tixgalineyn haybtiisa. Waxaan kaloo tusaale u soo qaadan karaa boqor Faysal (AUN) oo nin Pakistaani ah (Anwar Ali) ka dhigay guddoomiyaha Bankigooda Dhexe ee Sacuudi Careebiya (Saudi Arabian Monetary Agency), ninkaasoo hayey jagadaas laga bilaabo 1958 ilaa uu ka dhintay sanadkii 1974kii. Bankiga Dhexe ee Somaaliya naftiisa waxaa dhisay oo tobankii sano ee hore daadihiyey agasimayaal Talyaani ah oo laga amaahday Bankiga Dhexe ee Talyaaniga (Banca d’Italia). Dhacdadaani waxy dareenka dadweeynaha ku soo jeedisay Bankiga Dhexe oo ah hay’ad aad muhim ugu ah horumarka dhaqaalaha dalka, ayna lagama maarmaan tahay in laga fiirsado cidda hoggaamineysa iyo sida loo hoggaaminayo. Haddaba, waxaan maqaalkan si kooban ugaga hadlayaa wajibaadka Bankiga Dhexe saaran iyo dawrka uu ku leeyahay siyaasadda dhaqaalaha ee dalka si aan u fahamno maqaamka guddoomiyaha Bankiga Dhexe. Hawsha ugu weeyn ee bankiga dhexe laga sugayo waa inuu dejiyo, qeexo, islamarkaasna fuliyo siyaasadda lacagta ( monetary policy). Haddii la jilciyo, siyaasadda lacagtu waa aalad la adeegsanayo si loo ilaaliyo inayan lacagtu suuqa si xad-dhaaf ah ugu badan oo aanay markaas abuurin sicirbarar iyo khalkhal dhaqaale ama aanay suuqa ku yaraan oo ayan xayirin dhaqdhaqaaqa baayacmushtarka, ka dibna sababin hoos u dac dhaqaale. Ulajeedada siyaasadda lacagtuna waa in la helo koboc iyo firfircooni dhaqaale. Waa koboc dhaqaale oo kor u qaada heerka nolosha dadweynaha Soomaaliyeed oo faqrigu dillooday. Taas dambe ayaana ah yoolka ugu dambeeya ee siyaasadda lacagta iyo tan dhaqaalahaba. Si bankiga dhexe waajibaakaas kore u guto waxaa awood loo siiyey inuu yahay cidda keliya oo sharci ahaan daabici karta lacagta dalku leeyahay ee shilin Soomaaliga ah. Sababtuna waxay tahay, markii bankigu uu isagu soo saaro lacagta dalka ka socota, yaqaan tiradeeda, la socdo dhaqdhaqaaqeeda, kolkaas ayuu dejin kara qorshe siyaasad lacageed. Haddiise, sida hadda jirta, lacagta dalka ka socota ay tahay doollarka Mareeykanka ee teleefoonka ku shaqeeysa, dabcan bankigu sinnaba uma sameyn karo, umana fulin karo siyaasad lacageed. Sida la ogsoon yahay, waxaa soo socota lacag cusub oo shilin Soomaali ah oo Bankiga Dhexe daabacayo. Haddaba, su’aashu waxay tahay lacagtaasi ma beddeli doontaa doollarka, bankigana ma u soo celin doontaa awooddii uu ku sameyn lahaa siyaasad lacageed. Aniga aragtideyda, way adagtahay inay taasi dhacdo waqtiga dhow. Waxaa hortaagan caqabado. Waxaa ugu weeyn amniga. Dawlad aan amnigeeda sugi karin, lacagteedana ma sugi karto. Teeda kale, amnidarro waxay keeneeysa kalsoonidarro oo ah cadawga koowaad ee lacagta. Qofna lacag uusan ku kalsoonayn iskuma aaminayo, siiba waqtigaan oo si sahal ah loo heli karo dollar iyo lacago kale ee qalaad. Intaas waxaa ka sii daran musuqmaasuqa baahay ee laga sheegayo hay’adaha iyo hawlwadeenada dawladda. Musuqmaasuq iyo maamul lacageedna meel ma wada galaan. Sideebay lacagtaasi suuqa ku soo galeeysaa? Laba siyood ayuu bankigu lacagta suuqa ku soo geliyaa. Kow, in bankigu lacag dollar ah ama mid kaloo qalaad sarrifo oo uu ku beddelo shilin Soomaali. Tusaale, xukuumadda ayaa deeq malaayiin dollar ah ka heshay dibedda, ka dibna ka sarrifatay bankiga, shilinkii ka soo baxayna ku bixisay mushahar ama adeeg iwm. Lacagtiina sidaas ayey suuqa ku gashay. Labo, in bankigu amaah siiyo xukuumadda. Qodobkaan dambe ayaa u baahan in la sii faahfaahiyo. Bankigu wuxuu hayaa xisaabta dawladda oo isagaa qabta wixii dakhli ah oo dawladda soo gala, bixiyana wixii kharash ah ooy bixiso oo dhan. Haddaba, sida la ogyahay, miisaaniyadda dawladdu waxay mar kasta ku jirtaa nuqsaan ama isdhin (deficit), oo karashka ayaa mar kasta ka badan dakhliga. Waa meesha ay isaga horimaanayaan guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo maamulka sare e dawladda (Madaxweeyne, Ra’iisulwasaaree iyo wasiirka maaliyadda). Madaxdu waxay rabaan in bankigu daboolo isdhinka misaaniyadda oo lacag aan xisaabta ugu jirin la siiyo si ay ugu kala dabbaraan duruufaha siyaasadeeed ee ku gadaaman. Guddoomiyahana waxaa laga rabaa inuusan u dhaganuglaan dalabaadka madaxda ee uu ilaaliyo xeerka bankiga oo xadeeyana inta amaah la siin karo dawladda sanadkii. Sharcigii hore ee Bankiga Dhexe (1968) wuxuu qorayey inaan dawladda la siin karin in ka badan 35% dakhligii sannadkii hore ee dawladda. Sharciga cusubina (2012) wuxuu heerkaas ka dhigay 15%. Ulajeedada loo sameeyey xadkaas waa in la difaaco qiimaha shilinka oo la xakameeyo daabacaadiisa. Dalabaadka madaxda ee lacagta shilin Soomaaliga ah waxaa ka daran baahida ay u qabaan lacagta qalaad, ama ha noqoto baahi dan guud ah ama mid dan gaar ah laga leeyahay. Waxayna culays saaraan Bankiga Dhexe oo mas’uul ka ah ilaalinta iyo xafidaadda kaydka lacagaha qalaad iyo dahabka ee dibedda yaal. Kaydkaas wuxuu damaanad u yahay lacagta dalka ee suuqa ku jirta, islamarahaantaasna wuxuu dhalaa fa’iido bankigu ku daboolo kharashka ku baxa hawlihiisa. Sidaas daradeed waxaa guddoomiyaha laga rabaa inuu lacagtaas ku mintido. Haddiise la damco in laga faramaroojiyo waxaa la gudboon guddoomiyaha inuu is casilo sida geesinimada leh ooy sameysey Yusur Abraar. Habka bankiyadu, hadduu si hagaagsan u shaqeeyo, wuxuu kaalin mugweyn ka qaadan karaa koboca dhaqaalaha dalka. Bankiyadu waxay dadweynaha ka uruuriyaan kayd. Kaydkaas oo isbiirsaday oo ballaartay ayaa lagu maalgeliya mashaariic wax ku ool ah. Dhanka kale, bankiyada haddaan laga taxadarin maamulkooda iyo ammaaanadooda waxay sababi karaan burbur dhaqaale. Si aayan taasi u dhicin, Bankiga Dhexe ayaa u xilsaaran inuu ilaaliyo habka bankiyada ee dalka. Wuxuu sharciyan awood u leeyahay inuu ruqsad siiyo ciddii rabta inay banki furto ka dib markuu baaro oo uu ku qanco hindisaha ay soo bandhigeen, inuu bankiyada si joogto ah u kormeero isagoo ka dalbaya warbixinno bille ah ama todobaadle ah ama goobahooda baaritaan ugu tagaya, inuu awaamir ku soo rogo bankiyada, iyo guudahaan inuu sugo hab bankiyeed xasilloon, fiyoow oo u adeegaya hourmarka dhaqaalaha dalka. Xilalka bankiga loo igmaday waxaa ka mid ah inuu la taliyo xukuumadda, kalana taliyo arrimaha lacagta, maaliyadda iyo guud ahaan dhaqaalaha. Bankiga waxaa laga rabaa, sida bankiyada dhexe ee addunku sameeyaan, inuu sanad walba soo saaro warbixin tifaftiran oo sawir dhammeystiran ka bixineeysa qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha sida waxsoosaarka (xoolaha, beeraha, kalluumeeysiga, warshadaha), dhoofinta iyo soo dejinta, miisaaniyadda dawladda, ascaarta suuqa, lacagta suuqa ku jirta, kaydka bankiyadu qabteen iyo amaahda ay bixiyeen, dhacdooyinka dhaqaale ee adduunka iyo siday Soomaaliya u sameeynayaan, iwm. Warbixintaas ayaa bankigu aalaaba ku gudbiyaa talooyin ama, mararka qaarkood, digniin looga digayo xukuumadda tallabooyin ay qaaday. Sawirka bankigu bixiyo oo ah mid waaqici ah wuu ka duwanaan karaa kan quruxda badan ee siyaasiyiintu faafiyaan. Halkaasna waxaa ka dhalan kara xiisad u dhexeysa guddoomiyaha iyo madaxda xukuumadda. Dabcan, si bankigu talo u bixiyo waa inuu, marka hore, isagu dhisaa awooddiisa cilmi-baarineed, qoraalladiisana ku saleeyaa xog iyo tirakoobyo sugan oo cilmiyeysan. Qoddobka 6aad ee Qaybta II ee sharciga bankiga dhexe (Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Lr. 130 ee 22 Abriil 2012) wuxuu bankiga u sugayaa madaxbannaani iyo inaan la faragelin karin markuu fulinayo hawlihiisa sida waafaqsan sharciga bankiga. Haseyeeshee, sidaan waayoargnimada ka baranay, haddaan madaxda sare ee xukuumadda iyo shaqaalaha bankiga aayan iyagu musuqmaasuq ka marnayn, oo aayan ixtiraameeyn sharciga, guddoomiyahu keligiis wax ma sixi karo ama ha caddaado ama ha madoobaado. W/Q: Maxamed Dalmar Email: mdalmar@sympatico.ca Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmahaan oo oo magaalada Muqdisho ay kusoo kordheen qaraxyada iyo falalka dilka ay geysanayaan kooxda mayalka adag ee Al-Shbaab, iyadoo guud ahaan wadooyinka Muqdisho ay ku sugan yihiin ciidamo boolis ah oo haba yaraadee la arkin inay gacanta ku dhigaan kooxaha qaraxyada fuliya iyo kuwa dilalka geysta. Waxaa isweydiin mudan sababta ay u dhacaan qaraxyada xili kontoroolada tirada badan ee gaadiidka lagu istaajiyo wadooyinka oo la ogsoon yahay in gaarigii kasoo dhaqaaqa isgoyska Km4 ilaa wadada wadada Sayidka la joojiyo ilaa shan jeer. Sababta ay u dhacaan qaraxyada iyo in gacanta lagu dhigo kuwa geysanaayo ayaa la aaminsan yahay inay tahay hal arin oo muhiim u ah laamaha amaanka inay wax ka badalaan si loo yareeyo qaraxyada maalmahaan kusoo kordhay Muqdisho iyo dilalka. Arintaasi oo ah in askarta ku sugan wadooyinka ee gaadiidka ku istaajiyo kontoroolada ay ku leeyihiin wadooyinka iyo isgosyada oo aan haba yaraadee baaris ku sameyn gaadiidka, isla markaana kaliya weydiiya aqoonsi, sida ID Card iyo wixii la mid ah. Arinta labaad oo ah tan ugu muhiimsan oo askarta badankood ay dadka kula dhaqmaan, taasoo ah in ay weydiiyaan darawalka gaariga la rabay inay baaris ku sameeyaan inay weydiistaan wax la mid ah hal dollar in loogu tuuro taleefanka. askarigii hal dollar la siiyana waxaa hubinta ah in uusan fiirin qofka waxa uu yahay iyo gaariga wixii ku raran, una fududeynaayo inuu maro wadada xitaa hadey xeran tahay. Waxaa hubinti ah in haddii ciidamada ku sugan wadooyinka ee loogu talagalay inay sugaan amaanka in sida ay tahay howshooda u gudaan una baarran gaadiid walba sida ay tahay in qaraxyada yaraan lahaayeen, kuwa hubeysan ee dilalka geystana la qaban lahaa. Laakiin askari baahan oo shaxaad raadis ah howsha laga sugaayo waxay la mid tahay “Dameer dhaami ee diyo boqol soo hooyi” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Nairobi (Caasimada Online)-Baarlamaanka dalka Kenya ayaa u yeeray wasiirka arrimaha dibadda Kenya haweeneyda lagu magaacabo Moniko Jumo si wax looga weydiiyo xiriirka dalalka Kenya iyo Soomaaliya. Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Jumaayaa la filayaa inay maanta hor-tagto Barlamaanka dalkaasi, si ay Xildhibaanadda wax uga weydiiyaan Khilaafka Somalia iyo Kenya iyo waxa sababay in loo yeero Safiirka Kenya u joogay dalka Somalia, Lukas Tumbo. Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Xiriirka Dibedda ee Barlamaanka dalka Kenya, Katoo Metitoayaa sheegay inay doonayaan inay ogaadaan xaalladaha sababay in loo yeero danjiraha Kenya u joogay Somalia. Guddoomiyaha Guddigaasi oo la hadlay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi, waxa uu tilmaamay inay Xildhibaanadda doonayaan si ay u helaan faahfaahinta waxa dhacay iyo halka looga socon doono. Kulanka maanta loogu yeeray Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Jumaayaa la sheegay inuu ahaa mid qorsheysan oo looga wada xaajoonayo Qoraalka Miisaaniyadda Siyaasadda ee dalkaasi, balse Guddoomiyaha Guddiga iyo Xiriirka Dibedda ee Barlamaanka dalka Kenya, Katoo Metitowaxa uu xusay inay haystaan xilli kayd ah oo ay Wasiiradda kala hadli doonaa Danaha Dadweynaha. Sabtii hore ayey ahayd, markii uu Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenye, Macharia Kamausoo saaray Hadal-qoraal oo lagu sheegay inay dowladda Kenya u yeeratay Danjirihii u joogay Somalia iyo in Danjirihii Somalia u joogay Nairobi lagu amray in dib ugu laabto dalkiisa hooyo. Dowladda Kenya waxay tallaabadaasi ku sheegtay inay kaga soo horjeedaan go’aankii ay Dowadda ku xaraashtay Xirmooyin ka mid ah Shidaalka iyo Gaaska ku jira xuduud-baddeedka ay Kenya ay sheeganeyso. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimadad@live.com
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidanka Lugta ee Dalka Uganda oo todobaadkii la soo dhaafay soo gaaray Soomaaliya ayaa soo gaba gabeeyay kormeer uu ku sameeyay Saldhigyada Ciidamada Uganda ee Gobolka Shabeellaha hoose. Jeneraal Peter Elwelu, ayaa tagay Saldhigyada Ciidanka Uganda ee Gobolka Shabeellaha hoose,kuwaas oo ku kala yaalla Baraawe, Qoryooley, Marka iyo Ceeljaalle. Waxaa uu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Uganda ee ku jira Saldhigyadaas waxaana uu kula taliyay in ay feejignaadaan. “Waxaan ka walaacsanahay xaaladda bad qab ee Ciidankeenna halkan jooga” ayuu yiri Jeneraal Peter Elwelu, oo Ciidankiisa la hadlayay. Waxaa kale oo uu yiri “ogaada, Al-shabaab waxaa ay joogaan dhulkooda,ha nasanina, markasta oo aad adinku nasataan waa marka ay idin soo weerarayaan”. Wxaaa uu Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Uganda jeneraal Peter Elwelu, la kulmay Odayaasha Dhaqanka, Maamulka iyo Saraakiisha Ciidanka Degmada Qoryooley oo uu uga mahad celiyay sida ay ula shaqeeyaan Ciidanka Uganda. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  22. Markeynu ufiirsano nuxurka ku duugan nuqulkii heshiiskii DPW iyo JSL wada galeen 9/5/2016 – “Term Sheets ” in respect of the Concession agreements”. Waxaa isfahanka Heshiiska qaybtiisa kowaad ee “Memorandum Of Understand ” uu cadeynayaa in mudnaanta kowaad la siin doono Mashaariicda horumarinta bulshada , kuwaas oo laga ilduufay qalinkana lagu xaday oo hada xukuumadu sheegtay in ay iska ahaayeen balan qaad. Mashaariicda horumarinta ee la isla fahmay waxaa ka mid ahaa: Mashruuca Beeraha,Kaluunka, Dhoofka xoolaha, Shaqo abuurka dhalinyarada, horumarinta Dalxiiska, dhismaha Wadadda Berbera Corridor, Dhismaha Keydka haamaha Shidaalka ee Berbera , horumarinta Caafimaadka, Waxbrashada iyo Casriyeynta korontada magaalada Berbera. Waxa ku cad nuqulka isfahanka in heshiiskii labada garab ee Xukuumadii hore ee Somaliland iyo Shirkada DPW isla qaateen uu qeexayey in balaadhinta Dekeda Berbera lagu bilaabi doono laguna dhisi doono mudo sanad gudihiis ah taa soo dhismuhu ku saleysnaan doono sadexdan weji ee hoose oo kala ah: 1- Phase 0 Waxaa la keeni doona Dekeda Berbera 3 Wiish oo Alaabta dejiya (3 Mobile Cranes) 5 Wiish oo raseeyayaal ah (5 reach stackers) 3 Tareele oo containarada qaada (3 empty carriers) New Security system oo dekedu ku shaqeyn doonto oo ku qalabeysan cilmiga tiknolajiyada cusub ee kumbuyuutarka ah. Wejigani wuxuu ku kacayaa lacag gaadhaysa $62 Million oo Dollar. ilaa iyo hada DPW lagama hayo fulinta wejigan in kasta oo qalab yar oo baali ah ay Dekedooda Jabal Ali ka soo xawawariyeen qalabkaasina uma dhawa umana dhigmo wixii lagu heshiiyey .Waxaa looga fadhiyaa shirkada DPW qalab qiimihiisu yahay $62 million doolar oo dalka dhaxal unoqda. 2- Phase 1 Wejigan wuxuu leeyahay waxaa Dekedii hore lagu kordhinayaa Deked yar oo cusub oo 400m iyo 25 yard ah oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab. Waxaa kale oo wejigan la socda ayey leeyihiin in la keenaayo Dekeda Berbera 7 Wiish oo ah kuwa casriga ah ee qaada isla markaana raseeya kontaynarada (7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejigani lagu maalgelin doonaa lacag gaadhaysa ilaa $170 Million oo Dollar. Wejigan ilaa hada lama bilaabin waxaana ay DPW jebiyeen waqtigii lagu heshiiyey in lagu bilaabo wejigan oo sanad ka hor aheyd. 3- Phase 2 Wuxuu qeexayaa in wejigan hirgelintiisu ay ku xidhan tahay mar kasta sida ay u shaqeeyaan Phase 0 iyo Phase 1, Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo 75% ay markaa hirgelinayaan Phase 2, Taa soo Dekeda lagu sii kordhinaayo 400m Quay and 25yrd kale oo noqonaysa barxad kale oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab oo kale. Qiimaha wejigan 2-aad lagu Maalgelinaayo ayaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $10 Million Dollar. Isku darka lacagtaa maalgelinta ah ee loo qoondeeyey Balaadhinta Dekeda Berbera ee ku saleysan Sadexdaa weji ee sare ayaa isku noqonaysa $242 Million oo doolar. Taas oo noqonaysa lacag aad u yar marka loo eego lacagta ay Dekeda Berberi u soo xareyn jirtay Qaranka Somaliland sanad kasta. Mudadaa 2-da sanadood ah ee Shirkada DPWorld Dekeda Berbera maamulaysay waxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo ay ka mid ahaayeen kuwan hoose: 1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro. 2- In Deked cusub oo 800 mitir ah, la kala dhisto laba jeer oo min 400 mitir ah. 3- In Wadada Rajada ee Berbera Corridor la dhisto waa ( Wadadda isku xidhidha Berbera iyo Wajaale ) oo aan weli la sheegin waqtiga la dhisi doono. 4- In Madaar Madani ah Berbera laga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufada imaaraatigu. 5- In ay dalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo heshiiska ku jirtay ku waas oo arimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, Dalxiiska, Beeraha , biyaha iyo waxbarashada 6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah oo ah Suuq balaadhan oo alaabooyinka dalka gudihiisa iyo debediisa tegaaya lagu kala qaybiyo ( free zone ) 7- In ay dhalinyarada aqoon yahanka Somaliland Imaaraatka u shaqo tagaan iyaga oo baasaabooradooda Somaliland isticmaalaya. Dhamaan mashaariicdaasi waxay noqdeen mashaariic male-awaal ah oo cilmi feleg ah oo aan markii horeba wadan halbeeg lagu cabiro, qiime sugan iyo waqtiga ay bilaabmayaan iyo waqtiga ay dhamaanayaan midana, ilaa iyo hadana waxba kama fulin oo waabay dafirsan yihiin qaar ka mid ah mashaariicdaas sida dhamaan mashaariicda horumarinta arimaha bulshada oo ay ku leeyihiim heshiiska kumay jirine balanqaad bay ahaayeen. Waxaa kaaga sii daran arinta sare Khiyaamooyinka maalkii shacabka Soomaaliland lagu sameeyey maadaama mar kasta Raadaarka iyo caqiidada Siyaasadeed ee xukumada kulmiye aanay dhaafsiisneyn duleedka iyo qaado aan qaatee, kula lihi iyo kaa lihi, Boowe ! bal kawarama : 1- Kiradii Saldhiga Ciidamada Berbera oo jeeb khaldan ku dhacday, ummadana loogu sheekeeyey mashariic baynu dhaafsanay ! Mashaariicdee dee ?? 2- Kiradii Dekeda Berbera oo Sanado badan la sii qadintay oo aan ku dhicin khasnada dawlada. Maxaa miisaaniyada qaranka loogu dari waayey? ” Timir lafbaa ku jirta “. 3- Saamiga JSL ee DPW ee Dekeda oo ah 30% oo aan ku dhicin khasnada dawlada laakiin la isku raacay in ay ku dhacdo shirkada Somaliland investment Company oo ah Xisaab-socod qarsoon oo khatartiisa leh. Waxaa Xukuumadu carabkeeda ummadda ugu celcelisay kuna canqarisay sanadadii la soo dhaafay oo dhan in Balaadhinta Dekeda Berbera laba bilood gudahood lagu dhisi doono, lamana dhisin ilaa iyo maantana waxba kama soo naaso cada oo dalkii wuu dhacan yahay oo dulmi ayuu ku jiraa. Waxaa la wada ogyahay in dawlada imaaraatigu ay itoobiya ku maalgeliso lacago faro badan oo gaadhaya $3.Billion doolar halka ay inaga inoo quudhi la yihiin lacagtaa yar ee ay ku balan qaadeen inay Dekeda Berbera ku maalgelinayaan. Khatarta Dahsoon ee Somaliland hada ku iman kartaa waxaa weeye in ay Ciidamadooda soo dejiyaan Saldhiga Berbera dhawaan kadibna shacabka Somaliland ay ku cabudhiyaan. Fiiro Gaar ah : Kadib markuu aqoon yahanka Somaliland sameeyeen cilmi baadhis cokan waxay isku raaceen in heshiiskani khatar ku yahay Qowmiyada iyo qaranimada Somaliland. Waxaana la ogaaday in Shirkada DPW hore heshiisyo badan u jebisay uguna fashilan tahay oo ay qalabkeedii ka furatay Dekedo badan oo Caalamka ah. sida Dekeda Jabouti, Dekeda Cadan, Dekeda Lebanon iyo Dekeda Senegal, Deked Maleysia ku taala, Deked indonisia ku taal, iyo Deked Mareykanka ku taala. Anigu Daaha kama Rogin ee Dadkuna Wuu arkaayaa ! Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu geygeyso !! Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madaxbanaan Intensive Advisor ED BD PA United Kingdom London Qaran News