-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland oo maanta qado-sharaf Garoowe ugu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa jawaab dadban siiyay siyaasiyiinta dhaliilsan xukuumaddiisa cusub ee aan weli shaqa-bilaabin. Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahanyahay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland in ay ka midaysnaadan dhismaha dalka, ilaalinta midnimadiisa iyo difaaciisa guud iyo kiisa gaar ahaaneedba. Sidoo kale, wuxuu sheegay in arrimaha siyaasadda ee lagu kala aragti duwanaan karo balse lafteeda loo baahan yahay xeerar iyo shuruuc hagta si aan cidna u dhaafin xadka lama taabtanka ah ee ilaalinta midnimada iyo wadajirka Puntland. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo jawaab dadban siiyay siyaasiyiinta durba mucaaraday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska hanti-dhowrka qaranka ayaa maanta ila amar dambe xiray xafiiska maaliyadda ee hay’adda NISA, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online, kuwaas oo sidoo kale nala wadaagay sawirro. Hanti-dhowrka guud ayaa baaritaan ku billaabay xafiiskan, waxaana lagu warramayaa inay ku maqan tahay lacag malaayiin dollar, oo ah mushaharka shaqaalaha hay’adda NISA. Ilo-wareedyada warkan la wadaagay Caasimada Online ayaa sheegay in shaqaalaha iyo ciidamada NISA ay hal bil oo kaliya mushaharka qaateen tan iyo bishii October, markaasi oo uu agaasinka NISA uu si KMG ah u qabtay Fahad Yaasin, kadib markii uu is-casilay agaasimihii hore ee NISA, mana cadda sababta. Ciidamada kaliya ee mushaharkooda sida joogtada u helay tan iyo waqtigaas ee NISA, ayaa ah kuwa Gaashaan iyo Waran, kuwaas oo mushaharkooda uu bixiyo Mareykanka. Ciidamada dhar-cadda ee NISA iyo shaqaalaha kale ee hay’adda iyo ciidamada aan hoos-tagin Mareykanka ayaa waxaa ka maqan mushahar dhan 3 bilood. Inkasta oo mushaharka la bixiyey hal bil oo kaliya tan iyo October, ayaa haddana xogta aan helnay waxa ay sheegeysa in lacagtooda laga soo qaaday bankiga dhexe, taasi oo dhalisay baaritaanka hanti-dhowrka oo lagu ogaanayo sababta aan loo bixin. Waxaa sidoo kale jirta in ciidamadii hubeysnaa ee NISA ee lagu daray booliska in ayagana mushaharkooda lasoo qaadayey tan iyo waqtigaas inkasta oo hadda booliska ay hoos-tagaan, ayada oo aan la ogeyn lacagtooda halka la geeyey. NISA ayaa waxaa miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019 ay ku leedahay in ka badan 12 milyan oo dollar, waana lacagtii ugu badneyd ee ay ka hesho miisaaniyadda abid. Hanti-dhowrka ayaa amray in wax lacag ah aan laga bixin karin lana furin karin xafiiska ilaa kiiskan baaristiisa uu kasoo dhammaanayo. Waan idinla wadaagi doonnaa wixii kasoo kordha Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
4 kamid ah golaha wasiirada cusub ee Puntland, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay, wasaaradihii loo magacaabay, kadib markii shalay xildhibaannada Baarlamanku ay cod-buuxa ku ansixiyeen xukuumadda cusub. Wasiirada xilka la wareegay ayaa kala ah; wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Abgaal, wasiirka Degaanka, Ismaaciil Diiriye Gama’diid, wasiirka Caafimaadka, Jaamac Faarax Xassan iyo wasiirka Arrimaha gudaha, Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad. Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland ayaa guddi ka kooban 4 xubnood u magacaabay arrimaha xil-wareejinta, waxaana dhammaan wasaaradaha lagu wargeliyay in ay la shaqeeyaan guddigaasi. “Waxaa lagu wargelinayaa, dhammaan wasaaradaha Dowladda Puntland in loo xil saaray xil-wareejinta wasiiradii hore iyo wasiirada cusub guddigaasi” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland. Guddiga loo igmaday xil-wareejinta ayaa kala ah agaasimaha madaxtooyada, xeer ilaaliyaha guud, hanti-dhowraha guud iyo xisaabiyaha guud ee dowladda Puntland. Warar hoose oo Puntland Post heshay, aya sheegaya in guddigaan loo magacaabay , si loo ilaaliyo hantida dowladda xilligan kala guurka ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo guddi gaar ah u magacaabay xil-wareejinta wasaaradaha appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Tan iyo galinkii dambe ee Sabtida, markii ay dowladda Kenya ku dhawaaqday iney Danjiraheeda Soomaaliya u yeertay, kii Soomaaliyana ka direyso Kenya, waxaa baraha xiriirka bulshada si weyn loogu hadal hayay xiriirka xumaaday ee labada waddan. Dadka ka hadlayay arrintan ayaa isugu jiray siyaasiyiin, mas’uuliyiin, aqoonyahanno wax falanqeeya iyo dadka muwaadiniinta ah ee labada dal. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa go’aanka safiir kala qaadashada ku dhawaaqday, waxayna barteeda Twitterka soo dhigtay qoraal ku aaddan tallaabadaas. Rober Alai oo ka mid ah suxufiyiinta ugu caansan Kenya ee ka faallooda arrimaha gobolka ayaa boggiisa Facebook ku soo qoray in dhulka uu ku jiro shidaalka ay Soomaaliya beecisay uuba yahay mid ka tirsan xadka dhinaca biyaha Soomaaliya. “Marka la eego khariidadda iyo xog hoose oo qota dheer, Kenya waxaa kaliya oo ay daandaansaneysaa Soomaaliya. Arrinta muranka badda waa mid adag oo aan la fahmi karin laakiin qiyaas ahaan, meelahan uu shidaalka ku jiro waxay ka tirsan yihiin Soomaaliya. Hoggaamiyeyaal hunguri weyn oo u dhashay Kenya ayaa isku dayaya iney waddanka adeegsadaan si ay u fushadaan danahooda gaarka ah”, ayuu yiri. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, tan iyo markii uu bilowday muranka u dhaxeey labada dal ee dhinaca xuduuda badda, taasoo soo jiitameysay muddo 10 sano ah. Tallaabadii shalay ay qaaday Kenya ee ay Safiirkeeda ula noqotay, kuna amartay inuu dalkeeda ka baxo Safiirkii Soomaaliya, waxaana arrintan ay keentay su’aalo kala duwan. Inkastoo dowladda Kenya ay sal uga dhigtay go’aankeeda in Soomaaliya ku soo xadgudubtay, isla markaana ay xaraashtay shidaalka ku jira dhul badeedkeeda, waxaa loo arkaa mid qar iska tuur ah oo ay ku xalaaleyneyso dhulka ay labada dal ku muransan yihiin ee ay dacwadeeda taal Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague. Haddaba halkan ka akhriso taariikhda muranka badda Kenya iyo Soomaaliya: April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac. Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya. Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya. August 1, 2009:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya. Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodad ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad oo ku faahfaahiyo heshiiska. July 13, 2015:- Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go’aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas. December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go’aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal. Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso. Soomaaliya aya ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas. Feb 02, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. Hase ahaatee, maxkamaddu weli ma aysan qaban taariikhda la dhegeysan doono dacwadda. Feb 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya. Wasiirka betroolka ee Soomaaliya, Cabdirashid Maxamad Axmed, oo BBC-da u warramayay ayaa sheegay in goobaha sahminta laga sameeyay ay ku jirto qeybta badweynta Hindiya ee Kenya iyo Soomaaliya ay ku muransan yihiin, isagoo sheegay in Soomaaliya ay leedahay go’aanka la xiriira arrintaasi, inta ay maxkamadda cadaaladda caalamiga ee ICJ ay ka soo saareyso go’aankeeda ku aadan murankaasi. Feb 16, 2019:- Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa sheegtay in shirkii shidaalka Soomaaliya ee Lonodn lagu xaraashay “hantida shacabka reer Kenya,” taas oo ay sheegeen inay tahay tallaabo aan loo dulqaadan karin. Manta oo ah 17-ka bisha Febraayo, 2019-ka, Danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo hadda ay jiraan shirar arrintan looga hadlayo oo ka socda madaxtooyada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Saddex kamid ah golaha wasiirada Puntland ee shalay la ansixiyay, ayaa maanta lagu dhaariyay, xarunta madaxtooyada dowladda Puntland ee magaalada Garoowe. Mas’uuliyiinta la dhaariyay, ayaa kala ah; wasiirka Dekedaha Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), wasiir ku-xigeenka Caddaaladda, Maxamed Cali Faarax iyo wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha, Axmed Cabdiraxmaan Xirsi. Munaasabadda lagu dhaariyay wasiirada ,ayaa waxa goob jog ahaa madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), xubno ka tirsan maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada. Madaxweynaha Puntland oo hadal kooban u jeediyay mas’uuliyiinta la dhaarshay, ayaa kula dardaarmay, in sida ay ku dhaarteen ugu adeegan dalka iyo dadka, waxaana uu Alle uga rajeeyay, in uu u fududeeyo shaqada loo igmaday. PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah wasiirada cusub ee Puntland oo la dhaariyay appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (SMN) – Saciid C/laahi Deni madaxweynaha Puntland ayaa maanta guddi u saaray munaasabaddda xil wareejinta golaha wasiirada maamulkaasi. Madaxweyne Deni ayaa faray guddigan oo isugu jira hanti dhowraha qaranka, xeer-ilaaliyaha, taliyaha Booliska iyo agaasimaha madaxtooyada Puntland in ay la xisaabtamaan mas’uuliyiinta xilka ku kala wareegeysa. Sidoo kale waxa uu tilmaaamay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland in aysan ogolaan doonin in lagu takri falo hantida qaranka, waxaana uu xusay in lalala xisaabtami doono wasiiradii hore ee maamulkaasi. Shalay ayey aheyd markii baarlamaanka Puntland ay meel mariyeen golaha wasiirada maamulkaasi, si ay u guda u galaan howlaha shaqo ee loo igmaday. Xukuumadda cusub ayaa waxaa hor yaalla arrimo dhowr ah oo u baahan wax ka qabasho. The post Deni oo guddi u saaray xil wareejinta wasiirada Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dareenkooda ku aadan go’aankii ka soo baxay dowladda Kenya. Dadkan oo la hadlay Shabelle ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay mowqif adag ka istaagto warkii shalay ka soo baxay dalka Kenya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Shacabka Muqdisho Oo ka hadlay go’aankii Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – C/raxmaan C/laahi Dhubad (Daqare) oo ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda dalka ayaa sheegay in go’aanka ay dowladda Kenya ku joojisay xiriirkeedii dowladda dhexe aanay qal-qal ku keeni karin dacwadda badda ah ee ka dhaxeysa Labadan dal. Waxa uu sheegay in go’aankaasi ay maxkamadda cadaaladda gacanta ku hayso, islamarkaana wax walbo oo ay Kenya sameyso aanu arrintaasi isbedal ku imaan karin. Daqare ayaa sheegay kaliya hadda in loo baahan yahay in lasoo xiro xuduudaha dalka uu la wadaago Kenya, islamarkaana la joojiyo xitaa xiriirka dhanka ganacsiga, taasi oo keeni karta in Kenya ay dareento culeys dhan walbo ah oo keena iney xitaa ka tanaasusho doodda dhanka badda ah. “Go’aankan maxkamad ayuu horyaallaa, nidaamka maxkamadeedna hab loo kala baxo ayaa jirta, annaga wax walbo waan geynnay, Kenya taas mar-marsiyo kama dhigan karto, midda kale haddii aan annaga go’aanno xasaasi ah ka qaadanno Kenya waxaan ku tusi doonaa iyaga oo soo qeylinaya oo dhaqaalahooda hoos u dhacay, walibana ka tagi doona doodda badda” ayuu yiri Daqare. Dhanka kale, C/raxmaan Daqare ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya looga baahan yahay dhankeeda iney qaadato go’aanno geesinimo leh, islamarkaana si dhab ah u matasho shacabka. “Dowladda waxaan u doorannay iney danaha shacbiga Soomaaliyeed ilaaliso, wixii xog ogaalnimo ah oo ay inooga badan tahay wey la aamusi kartaa, dowladda rasmiga ah waa shacabka, shacabkana aragtidiisa waa ay caddahay, dowladdana waxaan ka rabnaa iney si dhab ah noo matalaan oo danaheenna ilaaliyaan” Daqare ayaa sidaasi yiri. Kenya ayaa sheegtay iney joojisay xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Soomaaliya, iyadoo go’aankeedan u sababeysay shirkii London ee lagu soo bandhigayey sahanka shidaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ayaa sheegay in aanay heshiisyo cusub oo dawladda Ruushka iyo Somaliland galayaan miiska saarnayn. Waxa uu sheegay in dawladda Ruushku 1970s si balaadhan u isticmaashay Berbera laakiin, hadda aanay Somaliland gacanta ku hayn heshiisyo cusub. Bishii October ee sanadkii 2017 waxaa casuumad ay ka heleen Ruushka ku tagay danjiraha Somaliland ee Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed iyo xubno wehelinayay oo xukuumaddii Siilaanyo ka tirsana. Waxa bookhashadooda ka sii horeeyay diblamaasiyiinta Ruushka ee Jabuuti fadhiya oo Somaliland yimid, islamarkaana bookhday magaalo marseedda Berbera, kuwaas oo indho indheeyay meelaha ku raadka leh Ruushka ee Somaliland. Tan iyo bookhashada weftiga Ruushku ku yimid Somaliland 2017 waxa si weyn loo hadal hayay in dawladda Ruushku qorshaynayso in dib ugu soo noqoto Somaliland waxaana arrintan si weyn uga faallooday warbaahinta caalamiga ah iyo hay’addaha ku lugta leh falanqaynta siyaasadda caalamka. Qaybta Afka Ingiriisida ee Warbaahinta Codka Maraykanka (VOA) ayaa wasiirka Khaarajiga Somaliland waydiisay xogaha la xidhiidha in Ruushku damacsan yahay in uu Somaliland ku soo laabto waxaanu ku gaabsaday “Ma jiro wada hadal rasmi ah iyo xidhiidh rasmi ah oo aanu arrinta ka yeelanay.” Sidaas ayuu yidhi wasiir Faratoon. Taa bedelkeeda waxa uu wasiir Faratoon sheegay in Somaliland ku naaloonayso xidhiidh wanaagsan oo ka dhexeeya Imaaraadka iyo Somaliland. Dekedda Berbera ayay maamusha shirkadda reer Imaaraad ee DP World oo saamiga u badan leh iyada oo Itoobiya laga siiyay saami dhan 19% horraantii sanadkii hore. Heshiiska saddex geesoodka ahaa ee Itoobiya, Somaliland iyo Imaaraadka oo loo han weyna ayaa hadda u muuqda mid laydhiisu gaabisay. Waxa dhawaan hawlahooda soo gabagabeeyay urur ka shaqaynayay shuruucda iyo siyaasaddaha Somaliland ku wajahayso xidhiidhka ganacsiga ee Itoobiya maaddaama rajo weyn laga qabay dekedda Berbera hadda se aanay arrimahaasi sidii hore u firfircoonayn laakiin, xukuumadda madaxweyne Biixi waxay aamminsan tahay in xidhiidhka Hargeysa iyo Addis Ababa heer sare yahay. Cismaan Sheekh Axmed la taliyaha dhaqaalaha ee madaxweyne Muuse Biixi ayaa VOA u sheegay in xidhiidhka dhanka ganacsiga ee Somaliland iyo Itoobiya yahay mid aad u fiican “Xidhiidhka ganacsi aad buu u xooggan yahay, waxaanu faa’iido u yahay Itoobiya,” Sidaas ayuu yidhi la taliyaha dhaqaalaha waxaanu intaas ku daray in Somaliland u dhoofiso Itoobiya sanadkii alaabooyin qiimahooda lagu qiyaasay lix boqol ilaa todobo boqol oo milyan oo dollar ($600-700 Million). Dhinaca kale waxa ay wasiir Faratoon iyo la taliyaha dhaqaaluhu bishii November socdaal ku tageen Maraykanka halkaas oo ay diblamaasiyiin kula socodsiinayeen arrimaha Somaliland. Waxa uu wasiir Faratoon sheegay in ay jiraan dalal badan oo Somaliland danaynaya laakiin, Somaliland u baahan tahay taageero dhaqaale maaddaama citiraaf la’aantu caqabad ku tahay. Waxa uu dhalliilay lacagaha ay dalal badan Soomaaliya siiyaan isaga oo tilmaamay in aanay arrintaasi ka soo baxayn natiijada ay doonayaan. Dhawaan wasiirka maaliyadda Somaliland ayaa sheegay in shirkadda maamusha dekedda Berbera ay wada leeyihiin Somaliland iyo Imaaraadka oo kaliya. Waxa uu sheegay in aanay hirgelin saamiga Itoobiya “Saamiga waa run weynu ku heshiinay Itoobiya in aynu siino 5% qolada kalena (Imaaraadka) 14% laga jaro laakiin, kaasi waa nidaam socda weli shirkaddii labadeena uun baa leh inaga iyo Dubay,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad. Source
-
Qoryooley (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weeraro culus oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Weerarka koowaad oo ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolkaasi ayaa Al Shabaab waxa ay sheegeen in ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa AMISOM, kuna dhaawaceen saddex kale oo ka tirsanaa ciidamadaasi. Al Shabaab ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ay dhaawaceen guddoomiyaha Qoryooyley, ku xigeenkiisa, madaxa maaliyadda iyo taliyiha degmadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale Al Shabaab ayaa dusha u ritay masuuliyadda weerar kale oo ka dhacay degmada Baraawe ee gobolkaasi. Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha, gaar ahaan saldhig ciidanka Uganda ay ku leeyihiin magaaladaasi. Ma shaacin Al Shabaab khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo uu xigay dagaal foolka fool ah. Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo u warramay Shabelle ayaa ka warbixiyay weerarkii Qoryooley. Guddoomiye Barre ayaa sheegay in dhaawacyo fudud ay soo gaareen mas’uuliyiinyta degmadaasi, ayna soo hagaageyso xaaladdooda caafimaad. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaama in kulan gaar ah ay ka yeesheen amniga Shabeelaha Hoose, kaas oo ka dhacay degmada Afgooye ee gobolkaasi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray sida looga hortagi karo weerarada Al Shabaab. Inta badan weeraro qorsheysan ayaa ka dhaca gobolkan oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. The post Al Shabaab Oo sheegtay weeraro ka dhacay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maxkamadda ciidamada qalabka ee Puntland ayaa haatan xukun dil ah ku ridday 4 nin oo loo haysto dilka ganacsade lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash oo todobaadkii hore lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Cabdifitaax Axmed Xassan, Daahir Dalmar Saalax, Farxaan Siciid Yuusuf iyo Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa dhammaantood dil toogasho ah lagu xukumay kadib markii garsooraha maxkamaddu sheegay in lagu helay dilka ganacsade Salaad Cabdi Cukaash islamarkaana ay qiraal ka yihiin in rasaasta ku dhacday ay iyagu rideen. Raggan ayaa dilka geystay xilli ay doonayeen in ay dhac u geystaan shakhsiga ay dileen sida uu sheegay garsooraha xukumay. Garsooraha ayaa ugu dambeyntii xukmanayaasha ku wargeliyay in ay haystaan 30 cisho oo rafcaan ah. Faahfaahinta Puntlandpost The post Puntland: Rag ku eedaysan dil oo toogasho lagu xukumay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Haddaba waxaynu war-bixinta ku eegaynaa Guddiyadii soo maray Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo doorashooyinkiii ay qabteen sidii ay u maamuleen, kuwii uu muranku ka dhashay iyo intii ay hayeen xilka 1)- Komishankii Doorashooyinka Somaliland Ee Ugu Horeeyey . Guddidii ugu horaysay ee Doorashooyinka Somaliland ayaa la aasaasay sanadkii 2002dii, kuwaas oo dalka ka qabtay Doorashooyinkii ugu horeeyey ee hal qof iyo hal cod ahaa ee abid Somaliland ka dhaca,iyagoo sanadkii 2002-qabtay Doorashadii Golaha deegaanka Somaliland ee ugu horaysa,waxaanay sidoo kale ay dalka qabteen Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee sanadkii 2003-kii dalka ka dhacday, taasi oo uu ku guulaystay Madaxweyne Rayaale Komishankaa ugu horeeyey ee Doorashooyinka Somaliland,waxa kale oo ay dalka ka qabteen Doorashadii ugu horaysay ee Golaha Wakiillada, taasi oo dalka ka qabsoontay sanadkii 2005-tii. Doorashadii Ay Garsooreen Komishankaasi Iyo Murankii Ka Dhashay. Sanadkii 2003-dii waxa dalka ka qabsoontay Doorashadii ugu horaysay ee Madaxtooyadda Somaliland, taasi oo ay ku tartamayeen saddex Musharax oo kala ahaa Madaxweyne Daahir Rayaale oo u ordayey Xisbigii UDUB, Ex Maxaweyne Axmed Siilaanyo oo u tartamayey Xisbiga KULMIYE iyo Faysal Cali Waraabe oo UCID u baratamayay, waxaana Guddidaasi shaaciyeen inuu ku adkaaday Doorashadaasi Madaxweyne Rayaale oo xilka hayey kana sharaxnaa UDUB, balse Xisbiga KULMIYE ayaa ku dooday in lagaga shubtay,waxaana halkaasi ka dhashay muran la xidhiidha doorashadaasi, kaasi oo aan sii riiq dheeraan ee la xaliyey maalmo yar ka dib, waxaana xusid mudan in Axmed Siilaanyo iyo KULMIYE ay haneeyeen kursigaa. Waxaanu Komishanka xilkiisu ku eeka 2002-2007. 2)-Guddidii Labaad Ee Doorashooyinka Qaranka Somaliland . Guddidii labaad ee Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa nasiib darro is casilay muddo yar markii ay xilka hayeen sanadkii 2008, ka dib markii uu raad ku yeeshay muran u dhaxeeyey Xisbiyada oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka khaasatan doorashadii Madaxtooyadda oo dhawr jeer uu ku yimi dib u dhac 3)- Komishankii Saddexaad Ee Doorashooyinka Somaliland Komishankii saddexad ee soo maray Somaliland, ayaa la dhissay 19 October 2009, kuwaas oo dalka ka qabtay Doorashadii Madaxtooyada ee 2010-kii dalka ka qabsoontay , taasi oo lagu ammaanay hanaanka ay u maamuleen iyo qaabkii ay u dhacday. Waxa kale oo ay Komishankaasi maamuleen doorashadii golayaasha deegaanka ee sanadkii 2012kii ka dhacday , taasi oo aan lagu amaanin qaabka ay umaamuleen, iyadoo lagu eedeeyey inay la gacan togaaleeyey, waxaana ka abuurbay buuq iyo mudaharaado magaalooyinka dalka ka dhacay oo sababay khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh. 4 Komishankii afraad Ee Doorashooyinka Somaliland Guddida Doorashooyinka Somaliland ee afaraad oo ah Komishanka hadda jooga ayaa lagu dhawaaqay 7 October 2014, waxaanay dalka ka qabteen hal doorasho , taasi oo ahayd Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee sanad 2017kii dalka ka qabsoontay, taasi oo uu ka dhashay muran iyo mudahaaraad-yo ka dhacay magaalooyinka dalka qaar oo sababay khasaare naf iyo meel-ba leh, waxaana lagu eedeeyey in aanay u maamulin doorashada si dhex ah oo ay ku shubasho jirtay. Doorashada ay maamuleen Komishanka hadda jooga ee dalka ka dhacday 2017, waxay reebtay muran riiq dheeraaday iyo xanaf ilaa hadda taagan oo sababtay kala qaybsanaan Bulsho, waxa kale oo xusid mudan inuu xisbiga WADDANI sheegay in aanu gelayn doorasho ay hagayaan Komishanka hadda joogaa. Muranka u dhexeeya Xisbiyada ee ku aaddan Komishanka waxa uu sababay inay dib u dhacdo doorashadii golayaasha deegaanka iyo Wakiillada oo la filayey inay dalka ka qabsoonto Bisha fooda inagu soo haysa ee Maarij, balse murankaa awgii dib ay ugu dhigeen Golaha guurtidu ilaa bisha 12 ee isla sanadka 2019-ka , waxaanu xusid mudan inuu wakhtigoodu dhacayo Komishankan 29 bisha 11 ee sanadkan 2019ka . Muranka guddidan hadheeyay ayaa laga cabsi qaba in uu mar kale dib u dhigo doorashooyinka soo socda taas oo sumcadda Somaliland iyo cilaaqaadka ay beesha caalamka la leedahay halis gelin karta. Dadka siyaasadda odorosa ayaa sida ugu dhaw ee arrintan lagu xallin kara tahay Komishanka oo iscasila, islamarkaana xisbiyadu ka wada hadlaan dhismaha guddi cusub oo dardar gelisa doorashada maaddaama kala dirista guddidan lagu kala aragti duwan yahay. Source
-
Muqdisho (Caasimadda ONline) – Khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku shareeray wuxuuna salka ku hayaa arrimo ku saabsan muranka lahaanshaha meelo ka mid ah xadka dhinaca biyaha ee u dhaxeeya labada waddan. Dowladda Kenya ayaa shalay oo Sabti ahayd u yeertay danjiraheeda u fadhiya Soomaaliya iyadoo sidoo kale safiirka Soomaaliya ee Kenya ku amartay inuu dalkeeda ka baxyo. Waxay tallaabadaasna u sababeysay eedeyn ay Soomaaliya ugu jeedisay iney beecineyso saliid ku jirta dhul ay Kenya leedahay. Balse waxaa soo baxaya aragtiyo xoog badan oo sheegaya in Kenya ay arrintan uga gol leedahay si ay Soomaaliya ugu cadaadiso in murankii badda ee labada dal u dhaxeeyay wada hadal hoose laga furo. Horay ayey labada dal ee dariska ah isugu khilaafeen milkiyadda dhul badeed u dhow xadka biyaha ee kala qeybiya, waxayna labada xukuumadood mid waliba sheeganeysay iney iyadu leedahay. Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, oo magaceeda loo soo gaabiyo ICJ ayuu hor yaallaa kiis ku saabsan arrintaas, taasoo la filayo iney go’aan kama dambeys ah kasoo saarto cidda sida saxda ah u leh dhul biyood kaas. Laakiin dadka u dhuun daloola xaaladdan waxay marar badan sheegayeen in Kenya aysan rajo sidaas u sii weyn ka qabin iney guul kasoo hoyiso kiiskaas, iyadoo taas baddalkeedana u xusul duubeysay in wada xaajood hoose ay furaan labada dowladood. Wada hadal noocaas ah ayaa horseedi kara in labada dowladood ay si iskood ah xal uga gaaraan muranka. Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ah aqoonyahan ka faallooda arrimaha gobolka ayaa BBC-da u sheegay in arrintu ay u muuqato mid waji kale wadata. “Dad badan oo Soomaali ah waxay tuhunsan yihiin in xiisadda Diplomaasiyadeed ee Kenya ay soo cusbooneysiisay ay tahay istiraatiijiyad looga gol leeyahay in Soomaaliya lagu cadaadiyo sidii muranka badda ee labada dal u dhaxeeya loogu xallin lahaa si hoose oo ka baxsan maxkamadda ICJ”, ayuu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: “Dadka Soomaaliyeed waxay aaminsan yihiin in Kenya ay ka faa’iideysatay tabaryarida dowladdooda, taasina ay u sahashay iney biyahooda sheegato, maadaama lahaanshaha biyahaas uusan muran ka taagneyn markii ay Soomaaliya ka jirtay dowlad awood badan”. Kiiska maxkamadda ICJ ka hor, Kenya waxay ku doodeysay in dhul badeedkaas ay Somaliya heshiis kala saxiixatay hannaanka xallinta muranka badda. Balse Soomaaliya oo arrintaas ka biya diidday ayaa go’aansatay in ay xaajada hor geyso maxkamadda ICJ ee Qaramada Midoobay. Kenya ayaa dhankeeda maxkamadda u gudbisay kiis ay uga soo horjeeddo in ICJ ay furto dhageysiga dacwadda. Hase yeeshee, bishii Febraayo ee sannadkii 2017-kii ayey Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. Maxkamadda oo la safatay Soomaaliya waxay meesha ka saartay doodda Kenya ee ah in labada dal ay muranka ku xalliyaan heshiiskii ay horey u wada saxiixdeen. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu laabtay Muqdisho, ka dib markii ay dowladda Kenya amar ku siisay inuu xafiiskiisa albaabada u laabo isla markaana faarujiyo Kenya. waxaa lagu soo warramayaa in shirar ku saabsan arrintan ay maanta oo Axad ah ka socdaan madaxtooyada Soomaaliya. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa BBC-da u sheegay in go’aankan kahor, Kenya ay dowladda Soomaaliya u dirtay warqad ay uga dalbanaeyso in raaligelin ay ka bixiso arrinkaasi beecinta shidaalka ah, dibna ug laabato. Hasayeeshee, dowladda Soomaaliya ay ka gaabsatay inay ka jawaabto walaaca Kenya ay qabto. Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Macharia Kamau aya sheegay in Kenya aysan marnaba iska indha tiri doonin arrinkan. “Xadgudubkan aan wax loo dhiga lahayn ee sida sharci darrada lagu xoogayo hantida dadka reer Kenya, ma ahan mid laga aamusi karo, wuxuuna u dhigmaa fal cadawtinimo oo ka dhan ah dadka reer Kenya iyo hantidooda”. Kamau ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in arrintan si wadajir ah looga hortago. “Xaraashkan gardarrada ah wuxuu u qalmaa in laga hortago, dadka reer Kenya si wada jir ah ayay uga hor-imaan doonaan, waxaa sidaas si la mid ah uga hor-imaan doono dadka samaha jecel oo dhan ee aaminsan ilaalinta sharciyada caalamiga ah, iyo in si nabadgelyo ah oo xeerarka waafaqsan lagu xalliyo murannada,”. Sidaa waxaa war qoraal ah ku sheegay xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Kamau. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo kolonyo ka tirsan kuwa ciidamada AMISOM barqanimadii maanta lagula bartilmaameedsaday degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Qaraxyadan oo labo ahaa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay ciidamadaasi, xilli ay marayeen agagaarka isgoyska Ex Koonytarool Balcad ee degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxyada, kadib ciidanka AMISOM ay fureen rasaas xoogan, taas oo la soo warinayo in uu ku dhintay 1 Qof. Lama oga illaa iyo hada khasaaraha dhabta ha ee AMISOM ka soo gaaray qaraxyadaasi. Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbxiyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Ciidanka AMISOM Oo qaraxyo lagula eegtay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, waxaanu lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa. Mas’uuliyiinta xukuumadda tallada haysa ee Muuse Biixi ayaa gabi ahaanba ka muquurtay soo dhawaynta Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxa uu ka hadlay dareenkiisa isaga oo u mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
The planned withdrawal of a further 1,000 troops of the African Union Mission in Somalia (Amisom), has been thrown into confusion after a directive by the African Union’s Peace Support Operations Division (PSOD) that the soldiers come exclusively from the Burundian contingent in Johwar, Hirshabelle State, also known as Sector 5, was met with resistance from Bujumbura. The withdrawal, to happen by February 28, was first directed by the United Nations Security Council in 2017, but Burundi has opposed the recent plan since it was declared last December. According to Dieudonne Ndabarushimana, the Burundi ambassador to Ethiopia, the country has a valid argument against the withdrawal of its troops following its election as a member of the African Union Peace and Security Council on February 14 — on the sidelines of the recent 32nd Ordinary Session of the Assembly of the African Union in Addis Ababa. The country is now expected to serve as a Peace and Security Council member for three years, a move that Bujumbura believes gives it good reason to push for the stay in the mission of its 1,000 troops. Burundi had since early this month tried to lobby for the reversal of the troops withdrawal, and even sent its Foreign Affairs Minister Ezechiel Nigibigira to Egypt to meet President Abdel Fattah Al-Sisi, before he took over the chairmanship of the African Union from President Paul Kagame of Rwanda in Addis Ababa last week. Proportional basis In making its case, Burundi is requesting that the Amisom troops be withdrawn on proportional basis from each of the five troop-contributing countries, as it happened when the first batch of 1,040 troops was withdrawn in December 2017. The pro rata withdrawal saw Uganda, which had the highest number of troops (6,223), withdrawing 250 troops, followed by Burundi with 5,432 troops releasing 217 soldiers. Ethiopia, with 4,395 troops, recalled 176, while Kenya (3,664) released 146 and Djibouti with the least number of 1,000 troops released 40. Burundian troops in Amisom are a source of hard currency for the country, and the government receives $18 million from the AU quarterly, as compensation for the soldiers. Amisom pays all soldiers $1,028 each per month, $200 of which is deducted by their respective governments for administrative costs. Amisom’s argument Amisom spokesperson Col Richard Omwega however told The EastAfrican that the Peace Support Operations Division acted in line with the UN Resolution 2431 of 2017. “The PSOD decisions are implemented by the Amisom force headquarters as directed without debate as per the structure of the military the world over,” said Col Omwega. PSOD is acting under the new Amisom operations blueprint known as the Concept of Operations (CONOPs), which will see several forward operating bases reconfigured and others wound up as troop numbers are reduced. CONOPs is part of the implementation of the Somalia Transition Plan, which involves reconfiguration of the forces into new sectors in preparation for final handover of security responsibility to Somali forces by 2021 when Amisom finally withdraws. This latest withdrawal will affect Sector 5, the base of the Burundian troops. Ugandan troops are deployed in Sector 1. Kenyan forces are in Sector 2, with Sector 3 under Ethiopian command. Djiboutian forces are in charge of Sector 4, which covers Hiiraan and Galgaduud, while Burundian forces are in charge of Sector 5, which covers the Middle Shabelle region. Last December, Burundi army spokesman Biyereke Floribert argued that the decision to withdraw Burundian troops did not conform with the co-ordination committee of operations in Somalia which states that “the troops will be withdrawn from all the peacekeeping contributing countries. The Burundian army demands a competent authority to ensure that this decision is reconsidered,” he said. The Somali government is also not comfortable with the planned phased withdrawal arguing that the Somalia National Army is not ready to take charge of the country’s security. Kenya and Uganda are not keen either on leaving Somalia before the country is stabilised. Kenya, for instance, is concerned that a premature withdrawal could re-energise Al Shabaab. The post Burundi’s case against pullout of its troops in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article