-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiinta ah ee ku dhintay weerarkii ka dhacay masaajidyo kuyaal dalka Newzealand, guud ahaan gaar ahaan dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii halkaasi ku dhintay,isagoo sidoo kale dowladda iyo shacabka Newzealand tacsi u diray,una rajeeyey dadka dhaawacmay caafimaad deg deg ah. Sidoo akle raiiusl wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiint ahaa ee weerarkaasi ku dhintay,wuxuuna raiisul wasaaraha dalka si gaar ah uga tacsiyadeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkaasi. Ilaa 49 qof ayaa la sheegay in ay ku geeriyootay tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday masaajidyo kuyaala Christchurch ee dalkaasi. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeey dadkii lagu laayay Newzealand appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Dimuqraadiyadii dawladnimada JSL way fasaqantay oo way liinbaxady mar hadii 3-dii gole ee kala ahaa Golaha Baarlamaanka, Golaha Guurtida iyo Golaha Degaanku ay sadexdooduba waqtigii la doortay iyo maandheytkoodiiba uu dhamaaday oo ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan. Boowe ! Hadii goleyaasha xeerdejintu ay noqdaan Goleyaal ku fadhiya mudo kordhin go’aanada masiiriga ah ee ay gaadhaan muxuu noqonayaa ? Xeerarka iyo Xeegaanada ay curiyaan side loo aaminayaa ? Golihii Guurtidu iyana waxay noqdeen dhaxaltooyo markaa – kuraas dhaxaltooyo ah iyo Dimuqraadiyada aynu sheeganaynaa sidey isu qabanayaan ?? Cajiib !! Golaha Baarlamaanka Somalilaan waxaa la doortay 28/9/2005 si ay 5 sanadood oo keliya kuraasta ugu fadhiyaan waxaana ay mudo dhaafeen 8 sanadood iyo badh.Golaha Guurtida Soomalilaan waxaa la doortay 1997 si ay kuraasta ugu fadhiyaan 6 sandood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 21 sanadood oo dhaxaltooyo ayey kuraastoodu noqotay. Golaha Degaanka Somalilaan waxaa la doortay Noofember 2012 in ay kuraasta ku fadhiyaan 5 sanadood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 2 sandood oo wax yar dhiman. Somalilaan waxay soo jirtay 28 sanadood. Mudadaana waxaa ku qabsoomay in ka badan saddex doorasho madaxweyne, laba gole deegaan iyo mid baarlamaan oo dhamaantood ku qabsoomay si dimuqraadi ah marka la barbar dhigo dalalka jaarka aynu nahay sida Kenya. doorashooyinkaasi waxay Somalilaan u soo jiideen sumcad iyo maamuus uu caalamku ku tixgeliyo inay Somalilaan tahay dal dimuqraadi ah oo soo koraaya. Sideedaba Doorashooyinku ama doorashadu waa xuquuq aasaasi ah, caalamka oo dhana doorashooyinka mudooyinka loo cayimay ayaa lagu qabtaa, si xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka loo ilaaliyo waayo muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la doorto isna wax doorto markaa waa in la ilaaliyaa xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka wax dooranaaya ama la dooranaayo. Saadaasha tabani waxay u muuqataa in doorashooyinku mar kale dib u dhacayaan oo Goleyaasha mudo kale loo sii kordhinaayo taas oo dhiig bax ku noqonaysa Dimuqraadiyada curdinka ee Somalilaan. Hadii Doorashooyinka Somalilaan ay sanadkan 13/12/ 2019 dib uga dhacaan Sumacadii Somalilaan god madow ayey ku shalwan doontaa caalamkuma dhaqaalihii uu doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta ku bixin jiray wuu la noqon doonaa. Maadaama Sababta ugu weyn ee Doorashooyinku dib ugu dhaceen ay tahay Xeerarka cakiran ee Saami qeybsiga kuraasta Baarlamaanka oo mudo dheer ay curin waayeen golaha baarlamaanku, waa in madaxweynuhu arintaa soo fara geliyaa oo go’aan adag ka qaataa si doorashadu u qabsoonto mudadii loo cayimay oo ah dhamaadka sanadkan 2019. Guntii iyo Gebagebo – Waxaa Caqliga Saliimka ahi ku siinayaa in aanay Doorasho ku dhacayn 13-ka maalmood ee u dhaxeeya mudada Komishinka Doorashooyinka xilkoodu ku dhamaanayo oo ah 29/11/2019 iyo mudada loo asteeyey in Doorashada lagu qabto oo ah 13/12/2019 Sidaa daraadeed waxaa Xukuumada laga rabaa in ay iswaafajiso Siyaasada casriga ah iyo dhaqanka Somalilaan oo doorashada waqtigeeda ku qabato. Waa in xukuumadu xalisaa xurgufta siyaasadeed ee maanta taagan, taana waxaa u fududeynaaya iyada oo Dastuurka furta si wixii xeerar iyo xeegaano qabyo ah kaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo oo loo kobciyo loona koolkooliyo qaangaadhnimada Dimuqraadiyada curdinka ah ee Jamhuuriyada Somalilaan. Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News
-
Wadahadaladdu Waa Somaliland Iyo Soomaaliya, Puntland Xisaabta Kuma Jirto Sida la filayo, waxaa dhawaan, haddii ay aqbasho maamulka federaalka ee Muqdisho lagu ilaaliyo, ka bilaabmaya magaaladda Accra, ee dalka Ghana, gogoldhigii wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya. Wadahadalkaa oo haddii la qabto, quseeaya xidhiidhka mustaqbalka labadda dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, kuma jiraan maamul goboleedka ka tirsan federaalka Soomaaliya. Wadahadalkani wuxuu dhexmarayaa labadii dal ee 1960kii isku biiray, Somaliland iyo Soomaaliya, wakhtigii Puntland may jirin, xisaabtana maanta kuma jirto. Waxkasta oo dastuurka aan loo coddeyn ee maamulka federaalka ee Muqdisho sameysatay ku qoran, Somaliland ma quseeyo. Somaliland kama mid aha federaalka Soomaaliya, waa dal madaxbanaan, oo ku xisaabtamaya xuduudkeedii 26 June, 1960. Markaa, haddii ay Puntland doonaso in ay Somaliland wadahadal la gasho, ha ka baxdo federaalka Soomaaliya, ha ku dhawaaqdo gooni isu taag, xuduud ha la jeexato Soomaaliya inteeda kale, markaa kadibna miiska ha is keento. Haddii kale sow ma aha, ha aqbasho waxay kula heshiisay maamulka federaalka ee Muqdisho. Qaran News
-
(SLT-Muqdisho) Madaxweynaha dawlada Dalkaasi soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii dadka lagu laayey ee ka dhacay wadanka New Zealand. Madaxweyne Farmaajo oo qoraal rasmi ah soo saaray ayaa ku biiraya madaxda caalamka ee si weyn u cambaaraysay weerarkaasi. Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalkiisa dhambaal tacsi ah ugu diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, waxaanu qoraalkiisa u dhignaa sidan:- “Waxaan si xooggan u cambaareynayaa weerarka argagixisada ee naxdinta leh ee ka dhacay Magalada Christchurch, ee dalka New Zealand, kaas oo loo geystay dadka muslimka ah ee cibaadeysanayey, waxaana ku garab istageeynaa dowladda New Zealand iyo bulshada Muslimiinta sidii ay uga gudbaan dhibaatadaas.Waa inaanu midownaa argagixisada dhammaan ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Source
-
Magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaa maanta oo Jamce ah ka dhacay qori tuurka isku aadka siddeed dhamaadka (Quarter-finals) tartanka kooxaha Yurub ee Champions League-ga. Isku aadka siddeed dhamaadka tartankan xiisaha iyo xamaasada badan waxaa ka soo baxay kulamo adag, waxaana isku aaday labo kamid ah afartii kooxood ee ka socday horyaalka Ingiriiska. Barcelona ayaa siddeed dhamaadka tartankan ku aaday Manchester United oo ay laba jeer ka qaaday koobkan 2009 iyo 2011, halka Juventus ay wajahday Ajax oo koobkan ay ka qaaday 1996, sidoo kale waxaa markii ugu horeysay taariikhda tartanka isku aaday labada kooxood ee reer Ingiriis Manchester City iyo Tottenham, halka Liverpool ay nasiib u yeelatay in ay ku aado FC Porto. Kulamadan ayaa lugta hore la ciyaari doonaa 9 iyo 10 bisha soo socota ee April, halka lugta labaadna la ciyaari doono 16 iyo 17 isla bishaas. Sidoo kale kooxahan ayaa afar dhamaadka (Semi-fenals) tartankan isugu aadi doona sidan. Barcelona iyo Manchester United tii soo baxda waxay ku aadi doona afar dhamaadka tii soo baxda Liverpool iyo Porto, halka Juventus iyo Ajax tii soo baxda ay ku aadi doonto tii soo baxda Manchester City iyo Tottenham. Kulamada afar dhamaadka ayaa lugta hore la ciyaari doonaa 30 April iyo 1 May, halka lugta labaadna la ciyaari doono 7 iyo 8 May 2019. Kama dambeysta tartankan ayaa sida qorshuhu yahay la ciyaari doonaa 1 June, wuxuuna ka dhici doonaa Estadio Metropolitano, Madrid. PUNTLAND POST The post Sidee u dhacay isku aadka Siddeeda koobka kooxaha Yurub? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-15032019.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre,ayaa sheegay in Safarkiisi Kismaayo uu ku soo dhamaaday guul iyo Miro dhal ku salaysan isfaham iyo in si dhab ah Dowladda Federaalka iyo Jubbaland u xoojiyaan wada shaqaynta loogu adeegayo Bulshadda Soomaaliyeed. kadib Xaflad sagootin ah oo Xalay Kismaayo loogu sameeyey Ra’iisul wasaare Kheyre, ayuu ugu horreyn kaga mahad celiyay sidii ay maamulka iyo Shacabka reer Jubbaland ugu soo dhoweeyeen Magaalada Kismaayo. Wuxuu sheegay in uu kulammo kala duwan la qatay, Madaxda ugu sarreysa Jubbaland, Labada Gole ee maamulka, saraakiisha Ciidamada, Duubabka dhaqanka, Dhallinyarada, Haweenka iyo guud ahaan qeybaha kal duwan ee Bulshada. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa caddeeyay in la dhammeeyay kala aragti duwanaashihii ku kala dhex jiray Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, is qabashaduna ay qeyb ka tahay Dowladnimada, taas oo u baahan in wax laysla saxo. Wuxuu sheegay in ay muuqato rajo ah in ay kor u socoto fahamka Soomaalinimada, isla xisaabtanka iyo in lays maqlona ay adkaynayso Dowladnimada, si ay taasi u xoogeysatana loo baahan yahay in la adkeeyo Xarigga isku haya Bulshada. Ra’iisul wasaare Kheyre, ayaa sheegay in dhammaan qeybihii kala duwanaa ee uu la kulmay ay dhammaantood qabaan dareen ah halka ay Soomaaliya ku socoto muddada dhow, wuxuuna ugu baaqay in ay Dowladda ka go’an tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya oo ay taasi tahay muqaddas. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan, ayaa isna sheegay in la dhameeyey tabashooyinkii iyo madmadowgii ka dhex jiray Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Jubbaland Isla markaana uu guul ku dhamadeen wada hadaladii Ra’iisul Wasaare khayre uu la yeeshay Madaxda Jubbaland. Hoos ka daawo Kheyre Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
War saxaafadeed ( faafin degdeg ah) Muqdisho, Soomaaliya 15 Maarso, 2019 Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee bahalnimada leh ee lagu qaaday dad Muslimiin ah oo ku tukanayay Salaadda Jumcaha Masaajidda Al nuur iyo Lindwood ee Magaalada Christchurch ee dalka NewZealand, oo lagu dilay ugu yaraan 49 ruux, laguna dhaawacay dad badan 20 ruux, oo ay ku jireen caruur iyo dad da’ ah, fal dambiyeedkani naxdinta leh waxa uu ka qeyb yahay naceybka, mayal adeegga iyo islaam naceybka. Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa oo ay caddeyneysaa inay garab taagan tahay Xukuumadda iyo Shacabka New Zealand, ayna tacsi u direyso qoysaska dhibanayaasha muslimiinta, iyadoo u rajaysay kuwa dhaawaca ah bogsasho iyo caafimaad degdeg ah. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Xukuumadda New Zealand inay samayso baaritaan guud oo ku qotoma falkani argagaxisada ee naxdinta leh, oo loo arko fal dambiyeed fuleynimo oo xun, una baahan mowqif islaami iyo mid dunida oo dhan oo mideysan oo looga hortago dhammaan howlaha argagaxiso iyo xagjirnimada halista leh. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Cali Gacal Casir guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay waxgradka, siyaasiyiinta iyo aqooyahannada ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ahaa ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhibaatooyinka haatan ka jita dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale waxaa shirkani looga arrinsaday arrimo la xariira doorashada soo socota ee maamulkaasi iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa. Dhanka kale intii uu socday shirkan ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday, sidii dib u heshiisiin dhab ah loogu saameyn lahaa beeaha wada daga gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Galmudug ayaa waxaa haatan ka jira colaado u dhexeeya beelo wada daga deegaanada maamulkaasi, kuwaas oo aan weli la gaarin xal rasmi ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
By Thomas Gibbons-Neff Where is the United States at war? It’s a hard question to answer. Inevitably though, at least in the last four years, this sentence has changed little: American troops are fighting in Iraq, Afghanistan and Syria. But with a steady stream of airstrikes, militant deaths, alleged civilian casualties and two American troops killed in Eastern Africa since 2017, another country has since crept onto the list: Somalia. On Sunday, my colleagues Eric Schmitt and Charlie Savage published a story about the escalating war there against the Al Qaeda-affiliated group Shabab, and how the number of American airstrikes in the country have steadily increased under the Trump administration. In 2018 alone, there were 47 strikes that killed 326 people. And 2019 is already on pace to exceed last year’s tallies. And despite documentation that quantifies the Pentagon’s efforts in Somalia, there is no public record of the C.I.A.’s activities in the country, including if it has its own drone program to search for and to kill Shabab militants. But the agency is undoubtedly intertwined with the military’s efforts in the region, according to defense officials, often piggybacking off American outposts and American-backed militias to support their own clandestine activities. How did we get here? Like most chapters of the United States’ counterterrorism campaign that began in the aftermath of the Sept. 11 attacks, the new war in Somalia started with a small influx of 50 American troops in 2016 and has ballooned to 500, now spread across the country in small outposts and aided by thousands of forces from neighboring African countries including Kenya and Uganda. The last time the United States had an enduring military presence in Somalia was in 1993, but that ended after 18 Americans troops were killed in the capital, Mogadishu, in a violent gun battle, known as the Black Hawk Down incident. Two helicopters were shot down, and their pilots’ bodies were dragged through the streets. Since then, the Shabab has grown and spread across the country. After pledging allegiance to Al Qaeda in 2012 and threatening Somalia’s fragile government, the Pentagon ramped up American drone strikes and Special Operations raids. Now as President Trump seeks to withdraw some of the roughly 7,000 American troops on the African continent to ready for great power conflict with Russia and China, the war in Somalia has turned into a small version of Afghanistan. Special Operations troops patrol in mine-resistant vehicles, heavily armed gunships patrol the night sky and, despite a torrent of attacks and militant body counts often championed in Pentagon news releases, the Shabab remains firmly entrenched in the countryside, with no indication that they’re leaving. Source: The New York Times
-
(SLT-London)Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa sheegay “in booliis muuqda” maanta la gayn doono agagaarka masaajidda iyadoo dadku ay aadayaan salaadda Jimcaha. Wuxuu intaas ku daray in askarta la gaynayo ay ka mid noqon doonaan ciidammada loo tababaray in ay ka jawaabaan weerarrada hubaysan. “London waxay garab taagan tahay dadka magaalada Christchurch , xiligan ay wajahayaan weerarkan argagisada ee qaabka daran” ayuu soo qoray duqa magaalada London Sadiiq Khan. Source
-
(SLT-New Zealand)Dadka ku dhintay masaajidda Australia ayaa hadda noqday 49. Taliyaha booliiska dalka New Zealand ayaa qabtay shir jara’id oo uu dadka kula wadaagayo wararkii ugu dambeeyay ee weerarka lagu qaaday dadka cibaadaysanaya. Mid ka mid ah dadkii dhaawaca ahaa ee la dabiibayay ayay hadda naftu ka baxday ayuu yiri isaga oo shirka jaraa’id sii wada. Source
-
(SLT-New Zealand)Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa tacsi u diray dalka New Zealand, isaga oo magaciisa iyo midka dalkiisa ku hadlaya, wuxuuna cambaareeyay ciddii Muslimiinta masaajidka ku laysay. Toogashada ayuu ku tilmaamay in ay tahay “wax aad loo dhaleeceeyo” wuxuuna intaas ku daray in ay tahay tallaabadii u dambaysay ee cusnsuriyadda iyo Islaam nacaybka sii kordhaya. Source
-
Magaalada Bosaaso oo ah xarunta ganacsiga ee dowladda Puntland ayaa amnigeeda aad loo adkeeyay waxaana adag in aad si fudud uga soo gudubto kaantaroolka magaalada [...] Source
-
Wellington (Caasimada Online) – Dadkii ka bad-baaday weerarkii arxan darrada ahaa ee lagu qadaay laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand ayaa sharraxaad ka bixiyey sidii ay u dhacday dhacdadan foosha-xun. Sugid iyo duco Mid ka mid ah dadka ka bad-baaday weerarka oo dharkiisa dhiig uu ka buuxo ayaa sheegay inuu arkay ninka weerarka soo qaaday oo dadka xabadka ka tooganaya. Waxa uu sheegay in toogashada ay socotay qiyaastii 20 daqiiqo. Waxaa la rumeysan yahay in 49 qof ay ku dhinteen, ayada oo dhaawaca 20 qof uu ka badan yahay. “Waxaan ku fakarayey in rasaasta ay ka dhammaato” ayuu yiri. “Waxaan sameeyey waxay ahayd inaan sugo oo duceysto, Allahayow ninkan ay rasaasta ka dhammaataa” Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxa uu yimid halkan, dhinaca ragga oo dadkii ayuu toogtay, kadibna wuxuu u gudbay qeybta dumarka, waxaan maqlayey oohinta dumarka. “Walaalkey halkaas ayuu joogay, laakin weli ma aqaan inuu bad-qabo iyo in kale” Qfona kama uusan tagin Nin kale oo ka mid ah dadka ka bad-baaday weerarka ayaa sheegay in dadka ay daaqadaha jebiyeen si ay uga baxaan. “Wuxuu billaabay inuu toogto. Qof kasta oo uu u maleeyey inuu weli nool yahay waa uu sii tooganayey” ayuu yiir. “Ma uusan dooneyn in qofna uu nolol ku baxsado” Boqolaal xabbad ayaa daatay Farid Axmed oo isna ah nin naafo ah, balse ka bad-baaday weerarka ayaa sheegay in xaaskiiska ay ku jirtay qeybta dumarka, welina uusan ogeyn inay bad-baaday iyo in kale. “Waxaan ka arkay markii uu soo socday barxadda masjidka, ee uu qolkeena kusoo wajahnaa, wuxuu arkay qof kale oo isna masjidka usoo socday, dhabarka ayuu ka toogtay, wuuna dilay” “Waxaa dhulka daadsanaa rasaasta – boqolaal rasaas ah, xaqiiqdii” Goob xasuusq Carl Pomera oo isna dhacdan goobjoog u noqday ayaa marayey waddada masjidka hortiisa ah, markii weerarka uu billowday, ayada oo uu la socday qof kale. “Waxaan arkay dad noloshooda la baxsanaya” “Waxaa kadib xigay rasaas daran-doori ah. Dadkii ayuu dhulka ku simay, waxaan arkay ayada oo uu dhabarka ka tooganayo, waxayna daadanayeen dhulka” ayuu yiri Carl. Carl iyo saaxiibkiis ayaa dibedda masjidka ka sameeyey meel dadka lagu caawiyo. “Waxaan ahayn lix qof oo si lama filaan ah meesha u yimid, waxaana caawineynay dadka “Dadku waxay u oynayeen in la caawiyo. Waxaan qaadnay aabe iyo gabadhiisa oo dhaawac ah, balse ma naqaan inay bad-qabaan iyo in kale” “Nin uu saaxiibkey caawinayey wuxuu ku naf baxay gacmihiisa kadib 30 daqiiqo” Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
