Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garissa (SMN)- Ciidamada booliiska ee dalka Kenya ayaa dad shacab ah ka qafaashay deegaano ka tirsan magaalada Garissa ee gobalka Woqooyi Bari. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in booliiska la dagaalanka argagixisada ay dhawaan magaalada Garissa ka kaxaysteen macalin dugsi Macalinka oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf ayaa la sheegay in ciidamada ay six un ula dhaqmeen markii halkaasi ay ka wadanayeen. Dadka deegaanka ayaa xusay in ciidamada booliiska ee Kenya ay jir dil,handadaad iyo dhibaatooyin kale u gayteen dadka ku dhaqan deegaanada hoos yimaad magaalada Garissa. Odayaasha dhaqanka ee magaalada Garissa ayaa sheegay in 12 ruux oo badankood dhalinyaro ah ay dhawaan ciidamada booliiska ka kaxaysteen magaaladaasi, kuwaa oo lagu eedeynayo in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab. Kadib weerarkii qasaaraha gaystay ee lagu qaaday hotel ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa ciidamada booliiska ay bilaabeen howlgalo ay ku baadi goobayaan rag ka tirsan Al-shabaab oo la’aaminsanyahay in ay ku dhuumaaleysanaya gudaha dalkaasi. View the full article
  2. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukumada Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Munaasabad uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kula wareegayay Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho. Munaasabada ayaa waxaa goob joog ahaa Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ahna Abaandullaha taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka, Wasiiru Dowlaha wasaaradda gaashandhigga, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka socday Amisom iyo Turkiga. Kooxda fanaaniinta Horseed ee Ciidanka Xogga Dalka ayaa goobta kusoo bandhigay suugaan ka hadleysay wadaniyadda. Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General; Bile Ibraahim Aadan oo Munaasabadda ka hadlay ayaa ka sheekeeyay taariikhda kuliyadda Jaalle Siyaad, wuxuuna sheegay in kulliyaddu ay qeyb weyn ay ka qaadatay dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa tilmaamay in ka bixitaanka Ciidanka Amisom ee kulliyaddan ay qeyb ka tahay waqtiga kala guurka ee Ciidamada Midowga Africa ee Amisom. Wasiiru Dowlaha Wasaarada gaashandhigga Xukumada Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa, ayaa xusay in Dowlada Soomaaliya ay dedaal adag ay ku bixin doonto dhismaha kulliyadda. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukumada Soomaaliya, Mahdi Maxamed guuleed,ayaa uga mahadceliyay Ciidanka Amisom muddadii ay Gacanta ku hayeen kulliyadda. Source: goobjoog.com
  3. Gaalkacyo (smn)- Howlgal ka bilaaban doona magalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa Waxaa loogu Magacdaray Caa,isho Maxay Galabsatay oo Loo Dilay. Ciidamo hubaysan oo katirsan kuwa loo yaqaan daraawiishta ee maamulka Puntland ayaa maanta gaarey magalada Galkacyo iyagoo kasoo ruqaansaday xero ciidan oo ku taalla duleedka magalada Garowe. Taliyaha daraawiishta Puntland Cabdi Shukri iyo taliye Ku xigeenka booliska Puntland Col Cismaan Afdalow ayaa hogaaminaya ciidamadasi waxayna bilaabi doonan saacadaha soo socda howlgalo lagu soo qabanayo ragii ka danbeeyay dilkii foosha xumaa ee Caa,isho Ilyaas Aadan. Howlgaladan ayaa sidoo kale la sheegay in lagula diriri doono dhalinayarada falalka anshaxa kasoo horjeeda mararka qaar ka gaysta galkacyo. Dhanka kale urrurka bulshada rayidka ah ee maamulka Puntland oo loo yaqaano Punsa ayaa maanta ku eedeyay madaxda maamulkasi in laga gaabiyey baaritanada kiiskii gabadha islmarkana ay jiraan kiisas sidaan oo kale ah oo ka dhex dhacay Puntland hase,ahaatee aysan jirin cid wax iska weydiisa. Gudoomiyaha ururka Bulshada Puntland Feysal qaran ayaa sheegay marka ay wax dhcaan in looga hadlo kaliya baraha bulshada balse uusan jirin ficil dabayaal. Waqooyiga magalada Galkacyo horaantii Isbuucan waxaa kasoo Ifbaxday dhacdo si weyn looga argagaxay taasoo ahayd Gabar 12jir ah oo la iskugu Daray Kufsi iyo dil naxariis darro ah. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-28022018.mp3 View the full article
  5. Ciidamada Amisom ee Soomaaliya ujooga Nabad ilaalinta ayaa maanta guud ahaanba isaga baxay kuliyada Jaale Siyaad oo ay mudo 10 sano ah ay ku sugnaayeen. [...] Source
  6. (SLT-Nairobi)-Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma ayaa sheegtay inay Golaha Ammaanka ee QM iyo kan Midowga Afrika u gudbiyeen Muranka dhinaca Xuduud-badeedka ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya. Waxay kaloo sheegtay inay Danjirayaasha dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM iyo Gobalka Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika u gudbiyeen khariidada xuduud-baddeedka ee ay labada waddan ku murunsan yihiin. “Waxaan warbixin kooban ka siinay xaalladda u dhexeysa Kenya iyo Somalia, si ay faragelin ugu soo sameeyeaan xiisadda ka dhex taagan labada Waddan” ayey tidhi Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma. Waxay kaloo sheegtay inay Kulanka ay Danjirayaasha u qabatay jimcihi la soo dhaafay ay ka mid yihiin Madaxa Ergadda Britain u joogta Kenya, Nik Hayley iyo Danjiraha Faransiiska u joogta Kenya, Aline Kuster Menager. Dhinaca kale, Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma waxay shalay sheegtay inay Wasaaradeeda furtay Wada-xaajood si loo helo xal-saaxiibtinimo oo ku aadan muranka Xuduud-baddeedka ee dhawaan khilaaf Diplomaasiyadeed ka dhex dhaliyey Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya. Waxayna carrabka ku dhufatay in murankaasi lagu xalin karo Wada-xaajood, waxayna rajo ka bixisay inay xal u heli doonaan murankaasi u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya Source
  7. Qoryooley (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar ay ku qaadeen xero ciidamada dalka Uganda ee Amisom ay ku leeyihiin degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose. Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab, Sheekh Cabdil Caziiz Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaas ay gantaal kula dhufteen diyaarad sahay u keentay ciidamada Uganda. Abu Muscab ayaa sheegay markii weerarka uu billowday ay diyaaradda oo ahayd nooca qumaatiga u kaca ay isku dayday inay kacdo hase yeeshee markii gantaal uu ku dhacay ay dib u degtay. Waxa uu intaas ku daray in qiiq badan uu ka baxay diyaaradda, islamarkaana ay u maleynayaan inay gubatay ama ay gaartay waxyeello xooggan oo ay ku awoodi weysay inay dib ugu kacdo. Illaa iyo hadda ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay ciidamada Uganda. Abu Muscab ayaa sheegay in ciidamada Amisom ee ku sugan meelo badan oo Koonfurta Soomaaliya ka mid ah ay kasoo xireen jidad badan, iminkana waxa ay isku halleeyaan ay tahay diyaarado, sidaas darteedna ay u billaabeen inay diyaaradaha beegsadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. (SLT-Hanoi)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in kulan madaxeedkii uu la lahaa hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi uu maanta soo dhammaaday, ayada oo aan wax heshiis ah ah lagu gaadhin. Trump ayaa sheegay in lagu kala qeybsamay qaadista cunaqabateynta Mareykanka uu saaray Korea-da Waqooyi. “Waxay rabeen in cunaqabateynta gebi ahaanteedba la qaado, taasina ma sameyn karin annaga” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha kadib dhammaadkii shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hanoi ee caasimadda dalka Vietnam oo wada-hadallada ay ka dhaceen. “Diyaar ayey u ahaayeen inay baabi’iyaan qeyb badan oo ka mid ah hubkooda Nukliyeerka, hase yeeshee dhammaan cunaqabateynta ma wadi qaadi karno” ayuu yidhi. Kulamadii maanta la qorsheeyey ayaa dhammaaday ka hor waqtigooda, ayada oo Trump iyo Kim ay ka baaqdeen qado iyo xafladda saxiixa heshiiska ee la qorsheeyey. Trump ayaa sheegay in wada-hadallada ay ahaayeen kuwa miro-dhal leh, uuna rumeysan yahay in mar ay ahaataba heshiis la gaari doono, hase yeeshee weli lama qorsheyn kulan saddexaad. Source
  9. Gedo (SMN)- Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo ayaa ku waramaya in saacadihii la soo dhaafay shaqaala u shaqeynayay ha’yada Gawda lagu afduubtay deegaan hoos taga gobolkaasi. Shaqaalahan oo tiradooda lagu sheegay 7 ruux ayaa lagu soo waramayaa in lagu hayo deegaanka Ceelcade ee ka tirsan gobolkaasi Gedo,waxaana wararku ay tilmaamayaan in dadkaasi ay afduubteen Al-shabaab. Odayaal dhaqameed iyo wax garad ku sugan gobolka Gedo ayaa wada waan waan lagu doonayo in xoriyadooda aya dib u helaan shaqaalahaasi ka tirsan ha’yada samafalkaeee Gawda. Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in Odayaasha ay rajo wanaagsan ka qabaan in shaqaalahaasi lagu soo daayo madax furasho,si ay u gutaan howlaha samafalka ay ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo. Ma ahan markii ugu horeysay oo shaqaala samafal lagu afduubto qeybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  10. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi Oo Warqad Af-Carabi Ku Qoran Ka Akhriyay Dhagax-Dhigii Berbera Corridor Iyo Ballanqaadyo Shaaciyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. The number of civilians who fled their homes up 30 percent from the previous year according to newly-released figures. “We’re alarmed at the sharp increase in the number of civilians forced to flee their homes in Somalia. The conflict is getting worse for civilians, making thousands more homeless. If this worrying trend continues, it could lead to catastrophe,” warned Evelyn Aero, Regional Adviser for the Norwegian Refugee Council (NRC). Over 320,000 people fled conflict and insecurity last year within Somalia, according to the Protection and Return Monitoring Network. This number is up from 202,000 people displaced in 2017. Areas hardest hit by the fighting were in the Lower Shabelle region, which is still heavily impacted today. “These families take refuge in crowded camps for displaced people in Somalia, living in flimsy shelters. They’re vulnerable to malaria, evictions, insecurity and gender-based violence. Young children are especially vulnerable to malnutrition and disease. They urgently need more aid to survive,” said Aero. Overall 2.6 million Somalis are currently displaced within the country. Besides conflict and insecurity, other causes of displacement include drought, flooding and evictions, among others. Conflict continues to cause unintentional damage to property and civilian casualties. NRC urges all parties to the conflict to respect International Humanitarian Law, and take all possible measures to protect vulnerable civilians, and reduce mass displacement. Civilians are not a target. This year’s UN humanitarian aid appeal for Somalia seeks $1.08 billion, but so far only $67 million of this plan has been funded. If aid is not increased, some lifesaving programmes such as for food, water or health care may be cut back. NRC calls on donors and the international community to scale up their support, and respond to the plight of displaced Somali families in urgent need of aid. View the full article
  12. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha deeganka Soomaalida Itoobiya Md. Mustafe Maxamuud Cagjar ayaa magaalada Hargeysa kaga soo qeyb galay xaflada dhagax dhiga jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale ee Berbera Corridor Madaxweyne Cagjar ayaa mudashaasi waxaa uu ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa waxaana uu sheegay in jidkani uu noqon doono mid kor u qaata isku socodka Somaliland iyo Itoobiya ee dhinaca ganacsiga, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Wasiirka cusub ee wasaarada duuliska iyo hawada ee dowladda Puntland mudane Ilyaas Cismaan ayaa waxa uu kormeer shaqo uu ku tagay garoonka diyaaradaha ee magaalada [...] Source
  14. Shir looga hadlaayay xoojinta adeegyada caafimaadka ee la siiyo Caruurta ku dhalata Isbitaalada ku yaala gobolada Puntland . Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas,uuliyiinta [...] Source
  15. Kooxaha kubbadda cagta Muqdisho City Club iyo Horseed ayaa wada ciyaaray kulamadii 3-aad ee horyaalka Somalia Premier League olalaha 2018-2019. Kooxda Horseed ayaa 2-1 kaga badisay dhigeeda Muqdisho City waxayna aheyd guul daradii 2-aad ee soo gaarta kooxda dowladda hoose ee Muqdisho ka dib markii ay Jeenyo ay kala kulmeyn natiijo 1-0 kulankoodii 1-aad horyaalka kol ciyaareedkan. “Mogadishu City Club waa ay ku soo laabanaysaa wadadii guulaha guul darooyinka waa qeyb ka mid ah kubbadda cagta ah ha is dajiyaan taageerayaasha kooxda wax Walbo si wanaagsan ayay kusoo laabanayaan”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Cabdi Wali Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ah Macalinka 2-aad ee Muqdisho City Club. Xidigaha kooxda Horseed ayaa sheegay in si wanaagsan ugu diyaar garoobeyn rajo fiicana ay ka lee yihiin hanashada horyaalka oo labadii sano hore ay ku guulaysteyn kooxda kubbadda cagta Dekedda. “Guushan muhiim ay inoo aheyd kooxda Muqdisho waxa ay ka mid tahay naadiyada ugu adag dalka waxaana xooga saaraynaaa Kulamada kale ee inagu soo wajahn si aan u tiigsano hanashada horyaalka”waxaa Goobjoog Sports u sheegay Macalin Cabdi Wali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) oo ah tababaraha kooxda Horseed. Si kastaba kooxda Muqdisho ayaa kulankeedii xiga horyaalka waxa ay la ciyaaraysaa kooxda ciidan booliska Heegan,halka xidigaha ciidan xooga ee Horseed aya iyagana la balan sanyihiin dhigooda Midnimo FC Halkan Ka Daawo Warixin Ku Saabsan Ciyaartii Horseed Iyo Muqdisho City Club Source: goobjoog.com
  16. Wasiirka amniga dowladda Puntland Cabdisamad Galan ayaa sheegay in inta uu xilka hayo Puntland uu ka cirib tiri doono Argagixisada Daacish iyo Al-shabaab oo ganacsatada [...] Source
  17. S/Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen Taliyaha guud ee ciidamada Daraawiishta Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa haatan ku dhawaaqay hawlgal ballaaran oo lagu soo celinayo amniga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Taliyaha iyo cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta ee uu hoggaaminayo oo ka yimid degaanka Bixin ee gobolka Sool ayaa saaka gaadhay waqooyiga Gaalkacyo. Sarreeye Gaas Cabdishukri oo shir jaraa’id ku qabtay halkaasi ayaa ku dhawaaqay hawlgal uu ku magacaabay “Caa’isha maxaay galabsatay” oo dib loogu soo celinayo islamarkaana lagu xaqiijinayo amniga degmadaasi. Hawlgalka ayaa loogu magac-daray gabadh 12 jir ahayd oo maalmo ka hor kufsi iyo dil loogu geystay waqooyiga Gaalkacyo xilli ay suuqa adeeg u doontay. Tan iyo horraantii bishan Febraayo waxaa sii xumaaday amniga dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo oo kufsi iyo dilal kala duwan ka dhaceen. PUNTLAND POST The post Hawlgal ballaaran oo looga dhawaaqay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  18. A Somali man who tried to bite a police officer on the way to the police station was sentenced to one-year imprisonment. On 3 December last year, the Police received a phone call informing them of a Somali man, Abdiqani Omar Abdillahi, threatening another man at Popeye Snack Bar in Marsalforn. The victim, Redeemer Abdel Ghany, claimed that the defendant, drunk and disorderly, had taken out a knife and put it against Ghany’s chest seven times. In court, police officers Frank Portelli, Joseph Cini, Joseph Bajada and Mario Azzopardi testified. “On the way to the police station, Abdillahi exhibited aggression the likes of which I had never seen before,” Portelli said, adding that the Somali man tried to bite one of the officers in the car. Abdillahi even threatened to kill the police officers one by one. He had been so aggressive that the officers admitted to using a taser gun. At the police station, Abdillahi threw up in the hallway and continued to be aggressive. The police officers claim that the defendant told them to “freak off” multiple times. The court, presided over by Magistrate Joseph Mifsud, noted that at the time Abdillahi was in a state of inebriation. “Alcohol is a substance socially accepted in diverse cultures, Malta included. Still, one of the dangers of this substance is that a drunk individual is not usually aware of when to stop.” The court heard how the defendant took out a knife and pointed it at another man’s chest before acting aggressively towards the police. The court ruled, however, that Abdillahi had been drunk of his own accord and had never been in such a state as to not remember what he had done, not to mention that he had been in possession of a knife. The court decided that the police’s use of the taser gun was justified—“the law authorises the police to use proportionate force to make sure that they return to their families safe and sound after work,” the court said, adding that a police order should be obeyed immediately. “It’s important that the court doesn’t pass on the message that just because someone’s drunk, that person can get away with risking other people’s lives,” the court insisted. Abdillahi was sentenced to one-year imprisonment and ordered to pay a fine of €2000. Inspector Bernard Charles Spiteri prosecuted. View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto oo wareysi siinayay warbaahinta Muqdisho qaarkood ayaa ka hadlay xiisadda diblu maasiyadeed ee dalalka Kenya iyo Somalia iyo qorshaha Mareykanka uu taageersan yahay. Mr Yamamoto ayaa sheegay in loo baahan yahay labada dowladood inay keenaan qorshe kale oo ka duwan xiisadda, waxaana uu sheegay inay taageerayaan labada dowladood inay sameeyaan ganacsi isaga kala gudba labada xuduudood. Wuxuu sheegay in labada dowladood ay isku baahan yihiin, islamarkaana ay muhiim tahay inay eegaan faa’idada labada dowladood kasoo galeysa ganacsi isaga gudba labada xuduud ee Kenya iyo Somalia. Sideed u aragtaa xiisadda aan wanaagsaneyn ee u dhaxeysa Kenya iyo Somalia? ayaa la weydiiyay, wuxuuna ku jawaabay:- “Waad u baahan tihiin Kenya, Kenyana wey u baahan tahay Soomaaliya, arinta la xiriirta is dhexgalka gobolka waa muhiim waxaan xisaabin karnaa haddii aad kordhisaan ganacsiga xuduuda isaga gudba, waxaan kordhin karnaa dhamaan horumarka dhanka dhaqaale, oo lagu qiyaasayo 100 Bilyan oo doolar taasina waa qiimeynteena” “Kenya way u baahan tahay Kaluunka Soomaaliya, Soomaaliyana wey u baahan tahay suuqyada Kenya, waxa aan dooneyno inaan sameyno ayaa ah, in magac aqoonsi wanaagsan loo sameeyo Soomaaliya, Markale Soomaaliya way noqon kartaa hogaamiyaasha dhanka MUUSKA dunida” “Sidoo kale wax soo saarka kalluunka, waxaan kale oo aan dooneynaa inaan diirada saarno horumarinta cuntada, iyo meelo kale oo horumarin ah, waxaan leeyahay Mareykanka wey ka go’an tahay arimahaa, waxaana ugu yeerayaa dalalka kale inay sameeyaan waxa Mareykanka ka sameynayo Soomaaliya” “Arinta ugu dambeysa Mareykanka Maalgelinta caawinta iyo taageerada uu Soomaaliya siinayo wey ka badan tahay wadajirka waxay Turkey Qatar, Imaaraatka iyo dalalka Yurub ka sameynayaan Somaaliya, taasi oo ku tusineysa in ay kago’an tahay caawinta Soomaaliya”ayuu yiri Mr Yamamoto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. The Ministry of Foreign Affairs has drawn the attention of United Nation and African Union Security Councils to the unfolding maritime border dispute between Kenya and Somalia. MFA Cabinet Secretary Monica Juma told Capital FM News on Wednesday her ministry had briefed ambassadors of nations with membership at the United Nations Security Council and the African Union Peace and Security Council in a bid to provide clarity on the matter. We briefed them on the situation between ourselves and Somalia, provided the facts to both councils and to draw their attention to the situation,” she said. Among foreign envoys who attended the meeting with top officials of the Foreign Ministry, last Friday included Britain’s Nic Hailey and France’s Aline Kuster-Manager. Ababu Namwamba, the Chief Administrative Secretary in the Foreign Ministry had said Kenya’s territorial integrity was non-negotiable adding the envoys were assured the country’s “unimpeachable pedigree as an epitome of good neighborliness.” CS Juma, however, said on Wednesday the ministry was open to negotiation to find an amicable solution to the maritime dispute that recently sparked a diplomatic tiff between Kenya and Somalia. Kenya dramatically summoned its diplomat in Mogadishu on February 16 after Somalia allegedly auctioned oil and gas blocks located in a 62,000 square miles triangle subject to a boundary delimitation case lodged at the International Court of Justice (ICJ) on August 28, 2014. The contested area has four of the 24 oil blocks that have traditionally been under Kenya’s Exclusive Economic Zone until Somalia’s legal challenge in 2014. “We are committed to resolving any disputes in a negotiated manner and we’re hopefully that we’ll find the solution to the problem between ourselves and our brothers next door because our destinies are interlinked,” CS Juma said. The apparent selling of oil blocks in the disputed area at a London-auction in February 7 for prospective exploration angered Nairobi, the Foreign Affairs Principal Secretary Macharia Kamau terming the move “unparalleled affront and illegal grab at the resources of Kenya.” “This outrageous and provocative auction deserves and will be met with a unanimous and resounding rejection by all Kenyans as well as all people of goodwill who believe in the maintenance of international law and order and the peaceful and legal resolution of disputes,” he had said adding that Somalia’s actions were “tantamount to an act of aggression against the people of Kenya and their resources.” Speaking on Wednesday, CS Juma said Kenya had received positive responses from countries the foreign office engaged on the matter. “The message we’ve received from across the world is an encouragement to resolve the matter amicably and therefore this is the process that we would prefer,” she said. Kenya had challenged the admissibility of Somalia’s case at the ICJ in September 2016 on grounds that the court lacked jurisdiction to entertain the application. ICJ, however, dismissed the objection in February 2017 clearing the way submissions by the two parties. The court fixed June 18, 2018, as the date by which Somalia was to file its submissions in court with Kenya given until December 18, 2018, to file its rejoinder to Somalia’s written pleadings. Somalia has anchored its case on Article 15 of the Convention of the Law of Sea adopted in 1982, Kenya said the disputed area was in fact under its jurisdiction before the convention was enacted. Somalia wants the sea border extended along the land border, a plea which if granted could limit Kenya’s access to high season its Indian Ocean shore technically rendering the country landlocked. View the full article
  21. Ciidamo aad uhubeysan oo loogu talagalay sugida Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa saakay tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Taliyaha Daraawiishta Puntland Cabdishukri iyo Taliye [...] Source