Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaafiic lagu garaacay Villa Somalia iyo hareeraheeda + Sawirro Tiro Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo ay degan yihiin Madaxda dowladda Somalia iyo qaar ka mid ah Hey’adaha dowladda. Dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlay Xaafadaha ku hareeraysan Madaxtooyadda Villa Somaliya, halkaasi oo qaarkood hoobiyeyaasha ay ku dhaceen. Illaa iyo 5 Hoobiye ayaa ku soo dhacay Madaxtooyadda Soomaaliya iyo hareeraheeda, waxaana ay saameeyeen qaar ka mid ah xafiisyada madaxda iyo wasaaradaha. Saddex ka mid ah ay ku kala dhacay Xarunta Villa Hargeysa, gaar ahaan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad, hal madfac ku dhacay agagaarka xafiiska Guddiga doorashooyinka iyo madfac kale oo madaxtooyada gudaheeda ku dhacay. Sidoo kale, madaafiicda qaar waxey ku dheceen meel aan ka fogeyn madaxtooyada, sida dhismaha xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Soomaaliya oo ku taala dhabarka danbe ee tiyaatarka . Lama oga Khasaaraha ay sababeen hoobiyeyaasha oo dadka si wayn uga argagaxeen, iyaga oo dadka horay uga argagaxsanaayeen qaraxyadii & dagaalkii Shabaab ay ku qaadeen dhismayaal ku yaal Wadada Maka Al-Mukarama. Illaa iyo hadda lama hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicdan, hase yeeshee waxaa sawirro warbaahintu heshay muujinayaan madaafiicdii ku dhacday xarunta wasaaradda ganacsiga. Qaran News
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shalay warqad tacsi ah usoo dirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib weerarkii ay Al-Shabaab ka fulisay dhismooyin ku yaalla Maka Al-Mukarama. Si kastaba, qoraalka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa abuuray su’aal kadib markii tacsida loo diray ra’iisul wasaare Kheyre, laguna soo hadal qaadin madaxweyne Farmaajo. Marka waddan tacsi loo diray ama hambalyo, waxaa caadiyan lagu hagaa mas’uulka uga sarreeya waddanka, kaasi oo ah madaxweyne Farmaajo, marka ay timaado Soomaaliya. Haddii wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ay qoraalka u diri lahayd dhiggeeda Soomaaliya, waxay noqon lahayd arrin kale oo qiil loo yeeli karo, hase yeeshee Kenya ayaa qoraalkeeda ku muujisay in Kheyre uu dalka ugu sarreeyo. Ma cadda sababta ay Kenya u sameysay arrintan, hase yeeshee waxaa jira khilaaf Farmaajo iyo Kenyatta ka dhaxeeya oo la xiriira sidii loo beddeli lahaa Axmed Madoobe, taasi oo Kenya ay diiday kadib markii Farmaajo dalbaday. Waxaa sidoo kale macquul ah in arirntan ay tahay xeelad Kenya isaga horkeeneyso madaxda Soomaaliya, isuguna dayeyso inay ku kasbato ra’iisul wasaare Kheyre, xilli ay Soomaaliya kala dhaxeyso xiisad diblomaasiyeed. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Kenya 1- Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya waxa ay iyadoo xanuun qoto-dheer dareemeysa tacsi tiiraanyo leh u direysaa xukuumadda iyo shacabka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ka dib weerarkii argagixiso ee musiibada ahaa ee laga fuliyay Magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. heinous 2- Falalkan argaggixiso waxay khatar isku mid ah ku yihiin shacabka labadeenna waddan, waxaana hoosta ka xarriiqeynaa sida loogu baahanyahay inaan si dhow oo wada jir ah uga wada shaqeyno, innagoo kaashaneyna istiraatiijiyadda xulafadeenna, sidii loo wajihi lahaa dagaalka argagixisada iyo xagjirnimada qalalaasaha wadata, si aan ula tacaalno ugana adkaanno halistan isla markaana ugu baddalno nabad iyo amaan. 3- Maadaama uu yahay dal aan walaalo nahay, waxaan naxariis iyo dhimrin u muujineynaa isla markaana garab taagan nahay qoysaska soomaaliyeed, oo ay ku jiraan kuweenna, waxaana uga tacsiyeyneynaa geerida dadkii ay jeclaayeen ee iyagoo aan waxba galabsanin noloshooda ku waayay weerarkan naxdinta leh. 4- Xukuumadda Jamhuuriyadda Kenya waxay tacsida u gudbisay Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxayna u xaqiijisay sida ay Kenya diyaar ugu tahay iney sii xoojiso wada shaqeynteeda la xiriirka dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
  3. By: Patrick Gathara The last three weeks have witnessed a strange diplomatic spat between Kenya and Somalia. The Kenyan government summoned back its ambassador from Mogadishu and kicked out the Somali ambassador, claiming that Somali leadership had attempted to sell off parts of Kenyan territory. The two neighbours have been locked in a dispute over their maritime boundary, with both claiming a narrow 100,000-sq km triangle of sea shelf thought to contain significant deposits of oil and gas. After five years of attempts by both to negotiate a compromise, Somalia eventually filed a case at the International Court of Justice (ICJ) in 2014, which is still to be adjudicated. However, Kenya has continued to operate as if there was no dispute and has already sold mining licences to international companies in the triangle. The latest flare-up centres, at least nominally, on proceedings at a controversial public meeting organised in London by Somalia‘s Federal Ministry of Petroleum and Mineral Resources and Spectrum Geo, a Norwegian seismic data processing company. The agenda for the meeting was somewhat unclear, with government officials initially suggesting it would be inviting bids for exploration, and only later clarifying that the meeting would present seismic data collected by Spectrum and offer for sale more detailed information about offshore blocks. This confusion led to Somali citizens living in London storming the meeting to protest against the presumed auctioning of the offshore blocks to foreign investors, a boycott of the meeting by opposition parties and members of Somalia’s Upper House, and then the bust-up with Kenya. The tone of the statement issued by Kenya on February 16 regarding the summoning of its ambassador in Mogadishu was startling. It fell short of declaring Somalia an enemy state, claiming the latter had indeed auctioned off “oil and gas blocks in Kenya’s maritime territorial area”. It thundered about a map that had apparently been displayed at the conference showing the disputed territory as part of Somalia, and indirectly threatened to use as leverage “four hundred thousand Somali refugees and asylum seekers” in Kenya. It also “reminded the Government of Somalia and the international community” of the fact that it had troops serving in the Africa Union Mission in Somalia (AMISOM), which is helping battle the al-Qaeda-linked armed group, al-Shabab. “The patience of the people of Kenya is not infinite,” it warned. Somalis are a more patient lot it seems. In a measured rejoinder a day later, the Somali government averred that no auction had taken place, explained that the map in question mirrored Somalia’s long-standing position, and reiterated that the country has no intentions to undertake any unilateral actions (of the type Kenya has) in the disputed area until the ICJ renders its verdict. What accounts for such an overreaction by Kenya? Well, perhaps it could be panic over the possibility of actually losing the case at the ICJ. Clearly, Somalia seems the more confident of the two about its prospects at the court, which is expected to hand down a verdict sometime this year. Somalia has already won the first round after the court in 2017 dismissed Kenya’s challenge to the proceedings on the basis that the two countries had previously agreed to settle the matter out of court. Further, this is a strategy Kenya has deployed before. The perceived success of its obnoxious and hardnosed campaign against the International Criminal Court’s indictments for crimes against humanity against President Uhuru Kenyatta and his deputy, William Ruto, may have emboldened Kenya to think it can similarly bully its northeastern neighbour. Kenya is not new to playing the bull in Somalia’s china shop. The Somali government was not consulted in October 2011 when Kenya sent forces across the border, nor when the objectives of the invasion morphed from pursuing kidnappers to taking southern Somalia’s second-largest port, Kismayo. Against Mogadishu’s wishes, Kenyan troops brought former al-Shabab ally, Ahmed Madobe, to power as president of the newly created Jubaland State administration. The country ignored a resolution of the Somali Parliament calling for its troops to leave. Moreover, the Kenyan forces in Somalia have been accused of engaging in illegal trade in charcoal and sugar, which enriches the very terror group they are meant to be fighting. According to an article in the Standard newspaper, one of Kenya’s demands for restoring diplomatic ties was that Somalia withdraw its case at the ICJ. This insistence is perhaps most telling of Kenya’s true intentions. It thus appears that having already sold prospecting rights within the disputed zones to companies such as ENI, Total, Anadarko and others, and facing huge claims for compensation should the ICJ rule in Somalia’s favour, Kenya has fabricated a diplomatic incident to pre-empt that judgment and force Somalia to agree to a negotiated solution. The Mogadishu is already in a weaker diplomatic position having already angered its international partners at the beginning of the year by kicking out the top United Nations official in the country, Nicholas Haysom. Perhaps Kenya smelt blood. Such tactics are, however, a double-edged sword. A serious rift with Somalia would have repercussions on Kenya’s participation in AMISOM as well as risk radicalising border communities and legitimising Somalia-based terrorists targeting Kenya. It would also harm the regional cooperation that AMISOM depends on, weakening the fight against al-Shabab and endangering people across the region. It is thus in everyone’s interest that Kenya dials down its rhetoric and, as The Star editorialised, commits to abide by the decision of the ICJ. Disclaimer: The views expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect Caasimada Online’s editorial stance.
  4. Madaxweynaha Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta magaalada Garoowe ku daahfuray shir ku saabsan siyaasadda Fulinta maamul daadajinta Puntland, kaasoo dhexmaraya [...] Source
  5. Muqdisho (SMN) – Ururka Midowga Africa ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Wakiilka ururka Midowga Afrika ahna, madaxa howlgalka AMISOM ayaa sheegay in uu si aad ah ugu xunyahay weerarkaasi. Ambassador Francisco Madeira ayaa xusay in weerarkii Muqdisho ka dhacay uu khasaaraha ba’an u gaystay shacab aan wax galabsan. Waxaana uu intaasi ku daray in howlgalka AMISM uu sii wadi doono taageerada uu siiyo dowadda federaalka ah ee Soomaaliya. Dhinaca kale safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku cambaareysay weerarkii maalin ka hor lagu qaaday waddada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa sheegay in uu si weyn ugu naxay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo dad badan AY ku dhinteen, kuwo kalena AY ku dhaawacmeen. Weerarkan oo masuuliyaddiisa ay sheegteen Al Shabaab ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 40 Qqof, halka ku dhaawacmeen in ka badan 80 kale. View the full article
  6. (SLT-Garoowe)-Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xukun dil ah ku ridey shan eedeysane oo loo heystay kufsi wadareed ka dhacay magaalada Gaalkacyo 22 bishii Feberaayo. Maxkamadda ayaa sidoo kale soo bandhigtay magacyada eedeysanayaasha oo dhammaantood ah dhallinyaro, waxaana xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ,Maxamed Xareef Faarax oo suxufiyiinta Garoowe kula hadlay uu sheegay afar ka mid ah eedeysanayaasha in lagu qabtay magaalada Qardho oo ay u baxsadeen halka eedeysanaha shanaad ciidanka amniga ay ku qabteen magaalada Gaalkacyo. Xukunkan lama xidhiidho kiista gabadhii 12 jirka ahayd ee u geeryootay kufsi iyo jir dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo, waxaana xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda, Maxamed Xareef Faarax oo kiiska wax laga waydiiyay uu sheegay inuu socdo baaritaan. Hoos ka akhri magacyada eedeysanayaasha dilka lagu xukumay: Source
  7. Gaalkacyo (SMN) -Maxkamadda darajada koowaad ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday rag la sheegay in ay Kufsi ka geysteen deegaanada maamulkaasi. Raggan oo gaarayay shan ayaa la sheegay in kufsi wadareed ay ka geysteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xatunta gobolka Mudug. Sidoo kale maxkamadda ayaa amartay taliyaha xabsiga dhexe ee Garoowe in xabsiga uu ku sii hayo raggaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Kadib weerarkii ka dhacay waddada Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku burburay dhismayaal dhowr ah oo isugu jiray ganacsi iyo deegaan, kuwaas oo dhulka lala simay. Xaaladda ayaa hadda dagan, iyadoona dib u dhis ballaaran lagu bilaabay goobihii ku dumay weerarkaasi. Wariyaha Shabelle Maxamuud C/nasaair Maxamed Sofeysane oo tagay goobahaasi ayaa ka diyaariyay warbixintan. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/War-Soofeysane-Goobta-Qaraxa.mp3 View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud dhulka iyo Guriyaynta Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa ku wargaliyey dadwaynaha degan xurumaha Wasaaradaha iyo Hay’dadaha dawladda Xayndaabkooda inay ka guuraan. Sidaasna waxa uu ku sheegay warsaxafadeed uu soo saaray ayaa u qornaa sidan: “Waxa lagu wargalinayaa dhammaan muwaadiniinta degan xarumaha Wasaaradaha iyo Xay’daha dawladda xayndaabkooda inay ka guuraan goobaha ay ka degan yihiin, maadaama suurto gal ahayn in ay is dhex deganaadaan hay’daha dawladda xafiisyadooda iyo shicibku. Sidaa daraadeed, waxaa lagu wargalinayaa dhammaan bulshadaasi inay goobahaasi kaga guuraan muddo bil ah oo ka bilaabanta 27kii bisha labaad kuna eeg 28ka bisha saddexaad ee sannadkan 2019ka.” Source
  10. Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa maanta kusoo dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. Wararka ay heshay Goobjoog ayaa waxay sheegayaan in madaafiicdan ay ahaayeen illaa Shan, waxaana qaarkood ay ku dhaceen gudaha Villa Soomaaliya. Qaar kale oo madaafiicdan ah ayaa ku dhacay xaafado ku dhow Villa Soomaaliya, lamana oga illaa iyo hadda khasaaraha nafeed ee ka dhashay madaafiicdan. Sidoo kale, mid ka mid ah madaafiicdan ayaa la sheegay inuu ku dhacay xarunta wasaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo ku taalla dhabarka dambe ee Tiyaatarka qaranka. Ciidamada ammaanka ayaa ku baxay meelaha lagu tuhunsan yahay in madaafiicdan laga soo tuuray. Magaalada Muqdisho ayuaa waxaa kusoo badanaya falalka amni darri, xilli ciidanka dowladda ay wadaan howlgallo ballaaran oo ammaanka lagu sugayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Madaxweynaha Ku-xigeenka dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta magaalada Garoowe ku daahfuray shir ku saabsan siyaasadda Fulinta maamul daadajinta Puntland, kaasoo dhexmaraya Wasaaradaha iyo Dagmooyinka la shaqeeya Mashruuca GPLG. Shirkan waxaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland kala qayb-galay Todobo dagmo oo kala ah, Garoowe, Bosaso, Qardho, Gaalkacyo, Goldogob, Eyl iyo Bandar-Bayla. waxaa sidoo kale goob joog ahaa Wasiiro, Wasiiru dawlayaal iyo Agaasimayaal ka socday Wasaaradaha, Arrimaha Gudaha, Fedraalka iyo Dimuquraadiyadda, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Caafimaadka, Howlaha Guud & Garoomada, Haweenka, Qorsheynta iyo Hormarinta Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Macdanta, Tamarta iyo Biyaha. Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland oo Shirka Khudbad ka jeediyay waxa uu sheegay in Mashuurcaan JPLG uu Puntland ka socday ku dhawaad 10 sano, kaasi oo si wayn looga faa’idaystay, ayna muhiim tahay in isku filnaansho la helo si looga maarmo ku tiirsanaanta Hay’addaha deeq bixiyaasha ah. Sidoo kale Madaxweynaha ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in loo baahanyahay in hannaankii hore ee mashruucaan uu ku socday wax laga bedelo, isla markaana taladiisa iyo shaqada la qabanaayo si wadajir ah la isaga kaashado, waxaana uu dhammaantood faray inay si dhow u wada shaqeeyaan, si shacabka Puntland loo gaarsiiyo adeeg dhammaystiran. Mashruuca Horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG waxa uu ka socdaa 9 degmo, waxaana shirkaan uu Garowe ka socon doonaa muddo laba cisho ah. PUNTLAND POST The post M ku xigeenka Puntland oo furay weji saddexaad ee JPLG appeared first on Puntland Post.
  12. Baardheer (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa ku warramaya in saaka aroortii hore ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay isaga baxeen deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolkaasi. Ciidamada ayaa la sheegay in ay u raqaansadeen dhanka deegaanka Giriley oo dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya. Faxfaxdhuun oo ah deegaan istaraatiiji ah ayaa 80 KM galbeed ka xiga magaalada Baardheere, waxaana todobadii sano ee la soo dhaafay ku sugnaaa ciidamada Kenya iyo kuwa milatariga Soomaaliya. Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankan, islamarkaana ay ka sameysteen fariisimo cusub. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Al Shabaab ay hareereeyeen deegaanka Buusaar oo 40 KM u jira Faxfaxdhuun halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda. Dhaq dhaqaaqyo xoogan oo iska soo horjeeda ayaa ka socda hakaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo Jubbaland oo ku aadan dhaq dhaqaaqyadaasi. View the full article
  13. The United Nations Secretary General Antonio Guterres has condemned the latest terrorist attack that took place in Somalia on Thursday, urging Somali citizens not to be deterred by such violence. Thee al-Shabaab gunmen stormed a building in the capital Mogadishu and shot indiscriminately at anyone in their way. A gun battle ensued between the militants and security forces, lasting for hours, in what reports indicate was the longest siege by the extremist group since it was forced out of the capital in 2011. In the end, at least 20 people were killed, with scores others injured. In a statement on Friday, Guterres condoled with the families and friends of the victims, and wished “a swift recovery to those injured” and commended “the response of the Somali emergency services to the bombings.” “Somalis will not be deterred by such violence from pursuing a peaceful and prosperous future,” Guterres said, reiterating the UN’s support for the people and government of Somalia. Al-Shabaab has waged a war in Somalia for over a decade, aiming to topple the government and instill an extreme jihadist system of governance. The war has killed tens of thousands and formed millions to flee their homes, rendering Somalia to be one of Africa’s biggest refugee crises. Joint efforts between local, regional and international forces has however forced the militant group to flee into hiding, though it still manages to stage attacks, mainly by the use of suicide bombers. While echoing the sentiments of the UN Secretary General, the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) also strongly condemned the “twin bomb explosions”, saying “no political agenda can be served by violent extremism”. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-02032019.mp3 View the full article
  15. (SLT-Muqdisho)-Tiro Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa ku soo dhacay nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo ay degan yihiin Madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah Hey’adaha dowladda. Illaa iyo 5 Hoobiye ayaa ku soo dhacay Xaafadaha ka dambeeya Madaxtooyadda Soomaaliya ee 15-ka May iyo Xaafadda Caga Dhiig oo ka tirsan degmada Warta nabada. Madaafiicda qaar waxey ku dheceen dhismaha xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Soomaaliya oo ku taalla dhabarka dambe ee tiyaatarka qaranka, halkaas oo lagu kala cararay marka ay madaafiicda soo dheceen. Saraakiil katirsan laamaha ammaanka ayaa ku baxay goobaha laga soo tuuray madaafiicda oo ay ku sheegeen in dhanka Dayniile laga soo riday. Lama oga khasaraha ka dhashay madaafiicda, waxaana dadka ku dhaqan nawaaxiga Madaxtooyada soo wajahay cabsi ku aadan madaafiicda soo dhacay. Source
  16. Kampala (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in ay ku kulmaan magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda si ay uga wada-hadlaan isku dayga Kenya ee boobka Badda Soomaaliya. Labada hogaamiye ayaa ka qayb-galaya furitaanka Shirka, Africa Now Conference oo lagu wado in la qabto 12-ka bishaan waxaana marti gelin doonto dowladda Uganda. Warbaahinta Uganda ayaa qoreysa in Madaxweynaha Soomaaliya uu xaqjiiyey in uu ka soo qeyb geli doono Shirweynahaasi oo uu marti-gelinayo Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni. Awel Uwihanganye oo ah Agaasimaha Hay’adda Istiraatiijiyadda iyo Hoggaaminta Afrika oo shirkan qaban qaabisay ayaa xaqiijiyay in Farmaajo iyo Uhuru ka qeyb galayaan shirkaasi oo soconaya inta u dhexeysa 12-ka ilaa 13-ka Bishan Maarso. Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Tanzania, Saamiya Xasan Suluhu ayaa kamid ah dadka ka qayb-galaya Shirkaasi. Sidoo kale Madaxda lagu casuumay Shirweynahaasi waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha dalalka Masar, Rwanda, Koonfuer Afrika iyo Kenya, inkastoo aysan weli xaqiijinin inay ka soo qeyb geli doonaan. Wararka ayaa sheegaya in kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta uu wax ka wado Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, si loo xaliyo xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa meeshii ugu xumeyd gaaray 16-kii bishii hore, kaddib Kenya ay u yeeratay Safiirkeedii u joogay Soomaaliya, isla markaana ku amartay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Nairobi inuu dalkiisa ku laabto, waxaana hakad ku yimid xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo ku hanjabtay dowladda Kenya inay cunaqabateyn ku soo rogeyso Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Tiro Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa ku Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo ay degan yihiin Madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah Hey’adaha dowladda. Dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlay Xaafadaha ku hareeraysan Madaxtooyadda Villa Somaliya, halkaasi oo qaarkood hoobiyeyaasha ay ku dhaceen. Illaa iyo 5 Hoobiye ayaa ku soo dhacay Madaxtooyadda Soomaaliya iyo hareeraheeda, waxaana ay saameeyeen qaar ka mid ah xafiisyada madaxda iyo wasaaradaha. Saddex ka mid ah ay ku kala dhaceen Xarunta Villa Hargeysa, gaar ahaan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad, hal madfac ku dhacay agagaarka xafiiska Guddiga doorashooyinka iyo madfac kale oo madaxtooyada gudaheeda ku dhacay. Sidoo kale, madaafiicda qaar waxey ku dheceen meel aan ka fogeyn madaxtooada, sida dhismaha xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Soomaaliya oo ku taala dhabarka danbe ee tiyaatarka qaranka. Lama oga Khasaaraha ay sababeen hoobiyeyaasha oo dadka si wayn uga argagaxeen, iyaga oo dadka horay uga argagaxsanaayeen qaraxyadii & dagaalkii Shabaab ay ku qaadeen dhismayaal ku yaal Wadada Maka Al-Mukarama. Illaa iyo hadda lama hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicdan, hase yeeshee waxaa sawirro aan helnay muujinayaan madaafiicdii ku dhacday xarunta wasaaradda ganacsiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Maxkamadda Darajada Kowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta oo Sabti ah xukun dil ah ku riday shan dhalinyaro ah oo kusfi wadareed 22 bishii la soo dhaafay ee February gabar ugu gesytay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ku xigeenka xeer ilaalaiyad guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in eedeysanayaasha dilka toogashada lagu xakumay loo cuskaday Suuratu Maa’ida Aayadda 33aad, xeerka kusiga iyo xeerka habka cinqaabta Soomaaliyeed. Dhalinyarada kufsiga ku eedeysan oo la sheegay in ay qirteen ayaa afar kamid ah laga soo qabtay magaalada Qardho, halka midka kalana laga soo qabtay Gaalkacyo, waxaana la go’aamiyay in kiiskooda lagu galo Garowe. Sidoo kale Maxkamadda Darajada Kowaad ee gobolka Nugaal ayaa fartay Taliyaha xabsiga dhexwe ee Garowe in eedeysanyaashan xabsiga ku hayo inta xukunkooda oo faahfaahsan soo baxayo. Magacyada dhalinyarada la xakumay Cabdirisaaq Axmed Cilmi, da’diisu tahay 18 jir Cabdirisaaq Cali Cabdi, da’diisu tahay 18 jir Yusuf Cabdullaahi Xirsi, da’diisu tahay 18 jir Ugaas Mire Barre, da’diisu tahay 19 jir Cismaan Maxamed Cabdulaahi, da’diisu tahay 18 jir. Bishii la soo dhaafay ee February waxaa Gaalkacyo ka dhacay dhowr kiis oo kufsi iyo dil isugu jira, waxaana u dambeeyay kii Caasha Ilyaas, oo aan wali maxkamadi xukun ka soo saarin. PUNTLAND POST The post Garowe: Dhalinyaro ku eedeysnaa Kufsi oo dil lagu xakumay appeared first on Puntland Post.
  19. Michael Rubin, oo ah aqoonyahan Maraykan ah oo madax ka ah machadka American Enterprise Institutute dhawaana socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, ayaa dawladda Maraykanka ugu baaqay inay la shaqayso Somaliland. Michael Rubin, oo laba toddobaad gudahood maqaalkiisii labaad ee uu Somaliland ku taageerayo baahiyay, ayaa wuxuu toddobaadkan qoray maqaal ciwaankiisu yahay “Siyaasadda Maraykanka ee Afrika kama maaranto Somaliland.” Wuxuu Rubin, Madaxweyne Trump hogo tusaaleeyay inay muhiim tahay in Maraykanku si dhow ula shaqeeyo Somaliland oo uu ka furto xafiis caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Qoraalka oo aad u dheeraa, wuxuu Geeska Afrika gaar u soo turjumay qaybta uu kaga hadlayo aqoonyahanku qaddiyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Halka ay Somaliya lugaha la gashay dagaal sokeeye 1991kii, Somaliland oo uu xukunkii argagaxaa ku dhisnaa ee keligii taliye Siad Barre burburiyay, waxaay ku dhawaaqday madaxbanaani. Doodeedu waxaay ahayd mid adag: waagii gumaystaha waxaay ahayd maxmiyad Ingiriis oo ka duwan Somaliya, lehna xuduudo caalamku aqoonsan yahay. Dhamaan shanta dal ee ku jira Golaha Amaanku way aqoonsadeen xorriyadeedii 1960. Dadka reer Somaliland waxay qabaan in midnimadii ka danbaysay ay ahayd mid ay si ikhtiyaarkooda ah u galeen, si taas la mid ah ay uga baxeen [midnimada] markii Somaliya afka saartay qas iyo jaah wareer. Dadka gobolkan degani waxaay tilmaameen in mucaaradada Wasaaradda Arimaha Debedda [ee Maraykanka] ee ay kaga soo horjeedo is bedel ku yimaada xuduudaha inay tahay mid aan sal adag ku fadhiyin sabata oo ah Washington, Midawga Afrika iyo bulshada caalamka guud ahaan waxaay aqoonsadeen Suudaanta Koonfureed iyo Eretriya. Xaqiiqdu waxaay tahay labadaas dal midkoodna guul maaha, balse Somaliland waxaay waa horeba cadaysay inay tahay guul. Maanta Somaliland waa 28% dhulka Somalia, iyo sadex meelood oo meel dadka Somalia. Si ka duwan Somalia, Somaliland way ka hor-istaagtay Al-Shabaab inay soo gasho dhulkeeda. Hargeysa oo ah caasimadda, waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu nabadgelyada badan Afrika. Somaliland waxay qabatay doorashooyin lagu baratamay oo lagu ilaaliyay nidaamka casriga ah ee isha bu’da laga sawiro, waxaayna ku guulaysatay in shan jeer si nabad ah awoodda ay isugu dhiibaan tartamayaal iska soo horjeeda. Iyada oo Somaliland ay leedahay lacag u gaar ah, hadana dhaqaaleheedu wuxuu u sii koraya oo uu sii noqonaya mid aan lagu isticmaalin kaash: hal abuur maxalli ah iyo aaladda telefoonada mobaylka ah oo sida daadka u soo galay ayaa u ogolaaday xitaa shacabkeeda reer miyiga ah inay si fudud ugu ganacsadaan lacagta dhigitilka ah iyaga oo isticmaalaya mobayladooda. Dadka Maraykanka ahi waxa laga yaaba inay weli ka fekerayaan “Black Hawk Down” marka ay ka fekeraan Somaliya, balse Somaliland waxaay noqotay Sweden iyo Estonia marka aad eegtid isticmaalkeeda hal abuurka elektrooniga ah. Dhabtii, Somaliland wax walba sida saxda ah ayay u samaysay. Dabadeed, muxuu Maraykanku iskaga indho tirayaa? Xilli hoos loo dhigay miisaaniyadii, Wasaaradda Arimaha Debeddu waxaay diiday inay xitaa xafiis ka furato Hargeysa si la mid ah ka ay ku leedahay Kurdistaanta Ciraaq iyo Taywaan. Pentagon-ku [Wasaradda Gaashaandigga] dhinicisa wax xidhiidh ah lama laha dhigiisa Somaliland inkasta oo hawlgalada labada dhinac ee ka dhanka ah argagixisada iyo dagaalka Yemen ay kor u qaadayaan muhiimadda istiraajiyadeed ee Somaliland. Dhibta jirta waa sidan: awoodda ay Somaliland u leedahay inay ka hortagto xagjirka iyo argagixisad la ollogga ah Al Qaacida laga yaabee inaanay dhamaan. Somaliland waxay ku qarashgaraysaa saddex meelood oo meel miisaaniyadeeda dhinaca amniga, balse Somaliya waxaay diidan tahay in deeqaha caalamiga ah ee soo dhexmara Muqdisho la gaadhsiiyo [Somaliland]. Xaaladdu markaas waa mid daran oo keentay in ciidanka Somaliland iyo ilaalada xeebaha marka la qoranayo inay soo iibsadaan qoryohooda si ay u ilaaliyaan, nabadna uga dhigaan xeeb dhererkeedu yahay 460 Mayl, oo ay uga hortagaan in hub sharci darro ah la geliyo Yemen, una joojiyaan in Al-Shabaab ay gasho dhulkeeda balaadhan ee miyiga ah. Halka Qaramada Midoobay ay ka fudaydiyeen cunaqabatayntii hubka ee Somalia saarnayd si ciidanka nabad ilaalinta Afrika ay uga hawlgalaan, loona siiyo ciidanka Somaliya hub (kuwaas oo inta badan ka iibiya hubka xagjirka si ay xoogaa kaash ah u helana), waxaay [Qaramada Midoobay] ku sii haysaa Somaliland cunaqabatayntii hubka oo ah marka horeba mid ka dhalaatay xaaladda ay Somaliya ku shugnayd soddon sandood ka hor. Trump iyo la taliyihisa amniga, John Bolton, way ku saxan yihiin inay su’aal geliyaan deeqaha debedda. Maalgelinta bandhig lagu qabto Bulgaria ama siminaar faneed oo lagu qabto Badhtamaha Ameerika waxtar xadidan ayay leedahay. Balse halkii milyan ee doolar ee lagu maalgeliyo amniga Somaliland wuxuu u babac dhigi karaa baahi difaac isaga oo kor u qaadya qiimo ka badan ka la geliyay. Somaliland ma raadinayso taangiyo iyo diyaarado dagaal oo casri ah, balse waxaay doonaysaa hub fudud iyo doomo badda lagu ilaaaliyo. Rabitaanka gobolkani ku doonayo inuu ku maalgeliyo difaac in ka badan 15 jeer inta isbayhisga Maraykanka ee NATO ay geliyaan difaaca waxaay tusaysaa ka go’naansheheeda iyo inanay ahayn uun mid raadinaysa in laga kaabo waxay iyadu iskeed ugu guulaysan karto. Dawladda Somaliya way ka caban kartaa, balse maaha in Washington ay jilbaha u dhigato Muqdisho. Haddii uu Trump si dhab ah u doonayo inuu soo af-jaro dagaalada aan dhamaadka lahayn iyo farogelinta Maraykan ee debedda, markan waa inuu aqbalaa ee aanu iska indho tirin is-bahaysigiisa, xoojiyaa [dalalka] dimoqraadiga ah islamarkaana aqoonsadaa in xitaa markii uu ugu heer sarayeeyey, inaan Maraykan marna keligii socon.” Geeska Qaran News
  20. Goordhow waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ku soo dhacday tiro madaafiic ah. Ilaa 3 madfac oo ah qoriga loo yaqaano hoobiyaha ayaa ku dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Madfaca 1-aad ayaa waxaa uu ku dhacay dabaqa sare ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya. Madfaca 2-aad ayaa waxaa uu ku dhacay xarunta guddiyada Baarlamaanka ay ku shaqeeyaan ee la yiraahdo Villa Hargeysa oo madaxtooyada ku dhex taala. Ugu dambeeyntii madfaca 3-aad ayaa waxaa uu ku dhacay xafiis ay guddiga doorashooyinka ku leeyihiin madaxtooyada Soomaaliya. Lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi iyo waliba halka laga soo tuuray midna. Al-Shabaab ayaa madaafiic iyo qaraxyo ku weerartay xarumaha dowlada ee Muqdisho. Faah faahinta dib kala soco insha allah. Puntland Post, Muqdisho office The post Madaafiic ku dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar deg deg ah kusoo rogtay Xarunta Dambi baarista Booliska ee CID. Wasaaradda Maaliyadda ayaa Xarunta CID ku amartay inaysan mar dambe qaban Karin lacagaha laga qaado dadka Document-yada kasoo doontay Xarunta. Wasaaradda ayaa Xafiis lacag qabasho ah ka dhex furatay Xarunta CID waxaana halkaas la keenay Waraaqaha lacag qabashada rasmiga ah ee Wasaaradda Maaliyadda. Xarunta CID ayaa lagu helay isdabmarin xagga lacagaha ah waxaana maalin Kasta xarunta soo galo lacag aad u badan oo laga qaado dadka Document-yada usoo doonto oo ay ugu badan tahay kuwa doonayo inay Baasaboor sameystaan oo laga rabo inay xaruntaas kasoo qaataan Waraaqda dambi la’aanta. Maalmihii ugu dambeeyey ayaa Xarunta CID waxaa lagu dhex arkayaa Wakiilo ka socdo Wasaaradda Maaliyadda oo qaadayo lacagaha dadkana u jaro waraaq lacag qabasho u xisaabsan Wasaaradda Maaliyadda. Dadka Documetiyada u doonto Xarunta CID ayaa markii hore laga qaadi jirin lacago Laaluush ah waxaana hadda muuqato in Xarunta ay kusoo laabatay qaab sharci ah. Dhanka kale weli waxaan Xarunta ka hirgelin amarkii ahaa in la joojiyo Xarunta CID laga dhex furay ee dadka lagu sawiro. Wasaaradda ayaa amartay in dadka ay Sawirada kasoo galaan meelo ka baxsan Xarunta balse weli amarkaas ma uusan hirgelin. Wasaaradda Maaliyadda ayaa dadaal xooggan ugu jirto sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd illaha dhaqaale ee dalka waxayna horey xarumo kale uga dhex furatay meelo badan oo markii hore lacagaha la iska qaadan jiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xukun ku riday shan ruux oo dhalinyaro ah oo ku eedeysnaa inay ka dambeeyeen fal kufsi ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Shanta ruux ee la xukumay ayaa la sheegay inay kufsi wadareed ka geysteen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana lagu xukumay dhamaantood dil toogasho. Kiiskaan maanta xukunka laga gaaray ma ahan mid la xiriira kiiskii Caaisha Ilyaas, balse waa kiis kale oo ka horeeyay oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Maxkamadda Puntland ayaa Eedeeysanayaasha ku xukuntay Dil Toogasho ah, isla markaana waxaa Taliyaha Xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe lafaray in uu Xabsiga ku sii haayo Eedeeysanayaasha.
  23. Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Maraykanka Africa ee AFRICOM ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo 1-dii bishan diyaaradaha Maraykanka ka fuliyeen deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan. AFRICOM ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana khasaare ay kusoo gaarsiiyeen xubno ka mid ah Al-shabaab. Waxa ay sheegeen sidoo kale in iyaga oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay weerarkaasi ku dileen 26 ka mid ah Xarakada Al-shabaab. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayeey tilmaameen in howlgalkaan ay ka qeybqaateen, ayna duqeeyeen saldhigyo Al-shabaab lahaayeen. Dowladda Maraykanka waxaa ka go’an iney sii waddo beegsiga Al-shabaab, si looga hortago dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan, waxaana xaqiijineynaa in howlgalladeena aanay waxyeello kasoo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM. Dowladda Maraykanka ayaa xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka waddo Soomaaliya. Todobaadkii tagay, AFRICOM ayaa sheegtay in sanadkan 2019 ay duqeyn ku dileen 200 oo Al-shabaab ah, ayna sidoo kale burburiyeen saldhigyo ay Al-shabaa ku lahaayeen gobollada dalka. Dowladda Maraykanka ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka caawisa dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidoo kale tababarada ciidamada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutters ayaa lagu dhaleeceeyey weerarkii Al-shabaab ka fuliyeen wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho. Wuxuu uga tacsiyadeeyey dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi, isagoo kuwa dhaawacmayna u rajeeyey in ay bogsoodaan,wuxuuna muujiyay sida QM ay uga xuntahay falalkasi foosha xun. Afhayeen u hadlay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Stéphane Dujarric ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin dowladad Soomaaliya iyo shacabkeeda,islamarkaana aanay nabadda Soomaaliya iyo horumarkeeda waxba u dhimi doonin dhacdooyinkan oo kale. Dhanka kale Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareeysay weerarkaasi oo waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah, waxaana qoraal wasaaraddaa arrimaha dibadda ee dowladda Turkigu ay soo saartay loogu tacsiyadeeyey dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku waxyeeloobay falkaasi. Dowladda Turkiga oo kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya ayaa muujisay sida ay markasta u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya,sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi. Sidoo kale dowladda Kenya ayaa uga tacsiyadeysay dowladda Soomaaliya dadkii waxyeeladu ay ka soo gaartay weerarkii ka dhacay Muqdisho,waxaana ay u rajeeyeen dadkii dhaawacyada soo gaaray in ay helana caafimaad deg deg ah. Source: goobjoog.com