-
Content Count
212,165 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre oo shir jaraa’iid ku qabtay xafiiskiisa ayaa jaamacaddaha dalka ku amray in aysan qaadan Karin ardey aan ka qeyb galin imtixaanka guud ee qaranka. “Maanta laga bilaabo wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya waxay go’aan ku gaartay islamarkana jaamacaddaha dalka ka mamnuucday inaysan qaadan Karin ardey aan soo marin imtixaanka qaran ee dalka, waana ku kormeeri doona dhammaan jaamacaddaha”ayuu yiri wasiirka waxbarashadda Mudane Cabdulahi Goodax Barre. Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka sannadkan uu dhici doono 11 ilaa 16-ka bisha May ee soo socota. “Sannadkan imtixaanka waxaa u fadhisan doona 45 kun oo ardey, dhammaan gobollada dalka 11-16-ka bisha May ee soo socota, wasaaradda waxay soo gaba gabeysay maalintii shalay dhammaan wax kasta oo ku saabsana imtixaanka, ardeyda sannadkan ka baxeysa dugsiga sare waxay korodhay boqolkiiba 20-tan taasna waxaa ugu wacan nabadda’ayuu yiri wasiir Goodax. “Dhamma an hay’addaha kale ee dowladda waxaan ka rabnaa inay nagala qeyb qaatan ilaalinta imtixaanka sidii markii horaba noogala qeyb qaadan jireen, dowladda goboleedyada, maamulada iskuullada iyo waalidiinta waxaan ku boorinaya inay kaalintooda ka qaatan qabsoomida imtixaanka qaran”ayuu yiri Mudane Cabdulahi Goodax Barre. Wasaaradda waxbarashadda xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo horumarin laha waxbarashada dalka iyo qabsoomida imtixaanka sannadkan. Ugu dambeyn Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka codsaday Maamulada Gobolada Dalka in ay kala shaqeeyaan qabsoomidda imxitaanaadka, gaar ahaana dhanka xaqiijinta amniga. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Maamulka Jubbaland ayaa xalay magaaladda Kismaayo munaasabad sagootin ah ugu sameeyay wafdiga ra’iisul wasaaraha dalka. Xasan Cali Khayre, wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka, Axmed Madoobe, madaxwaynaha Jubbaland iyo mas’uuliyiin kale ayaa xaflada ka qaybgalay. Hadalo kala duwan ayay goobta ka jeediyeen, iyaga oo balanqaaday in ay si dhow uwada shaqeyn doonan, isla markaana ay iska kaashan doonan dhinacyo badan. Wafdiga uu hogaaminayo ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu wadaa in maanta ay dib ugu soo laabtaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Hoos ka daawo sawiradda View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-150319.mp3 View the full article
-
London (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya dalka New Zealand ayaa sheegaya in muslimiin badan lagu dilay Masaajid ay ku dukanayeen oo ku yaala Xaafadda Christchurch ee dalka New Zealand. Ku dhawaad 200 ruux ayaa ku dukaneysay masaajid Al Nuur ee Xaafadda Christchurch, waxaana la sheegayaa in khasaaro xoogan uu gaaray dadka ku dukanayay goobta weerarka uu ka dhacay. Dadka goobjoogayaasha ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay Masaajid lagu dukanayay Salaadii Jimcaha, waxaana khasaaraha ugu badan uu gaaray dadka ku dukanayay qeybta dambe ee masaajidka. Ruuxa weerarka geystay oo u dhashay dalka Australia ayaa la sheegay in lagu magacaabo Brenton Tarrant oo 28 Sano jir ah, waxaana weerarka ka hor la sheegay inuu damiyay korontada Masaajidka. Ciidamada ayaa isku gadaamay goobta ay wax ka dhaceen, waxaana warar hordhac ah oo soo baxaya ay sheegayaa in rag Soomaaliyeed ay qeyb ka yihiin dadka weerarka ku dhintay, kuwaasi oo xaafadda deganaa. Ra’iisul wasaaraha New Zealand ayaa weerarka ku tilmaamtay inuu yahay mid kamid ah maalmihii Madoobaa ee dalkaasi, waxaana laamaha amaanka ay wadaan baaritaanka waxyaabaha ka dambeeyay weerarka. Wali lama shaacin tirada rasmiga ah ee waxyeelada ay kasoo gaartay weerarka ka dhacay masaajidka ku yaala dalka New Zealand. Caasimada Onlne Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in todobaadkaan ay soo gaaraan magaalada Muqdisho sida ay Caasimada Online u xaqiijiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa Caasimada Online u sheegay Sabtida la filayo in Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu soo gaaro magaalada Muqdisho laba sano kadib. Socdaalka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sababay in dib loo dhigo furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana loo sameyn doonaa soo dhowayn oo ay ka qayb galayaan madaxda Dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Jabtuuti ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato Madaxda dowladda Soomaaliya waxa uuna kala hadli doonaa xaaladda Soomaaliya, howlgalka AMISOM iyo isbadalada ka socda geeska Africa, sida ay Caasimada Online u sheegayn ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in uu booqdo Ciidamada Jabuuti ka jooga Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya hadii aysan wax iska badalin qorshaha socdaalkiisa. Madaxweyne Geelle Soomaaliya waxaa ugu dambeysay bishii February sanadkii 2017, markaas uu ka qayb galay Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Socdaalkaan ayaa noqonaya 2 sano kadib safarkiisii ugu horreeyey ee Soomaaliya. Socdaalka Madaxweyne Geelle ayaa ku soo aadaya iyadoo ay jirto warar sheegaya in mugdi soo kala dhax-galay Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti kaas oo ka dhashay heshiiska dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea maadaama ay Eritrea ay Jabuuti ka heysato dhul iyo Ciidan looga qabsaday dagaal ka dhacay Xuduuda labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Amni Hagaayay, Dhaqaale Kordhay….. Waddanka oo dhan dibad bax rabshado wata ayaa ka socda; shacabka in badan oo ka mid ah waddooyinka ayay xirteen, mucaaradkana warbaahinta ayay warar dhaleeceyn ah u marinayaan xisbiga talada haya, “xukuumadda ayaa ma mas’uul ah in shacabka ay dhibaato heerkaan la eg soo gaarto”. Waa Poland 1981, mushkilad cunto yari ayaa ka dilaacday dalka. Asagoo ka walaacsan mushiladda taagan, ayuu Ra’iisul Wasaariha u wacay wasiirkiisi beeraha, dalagga iyo waraabka si uu xaalka uga waraysto. RW: Xaaladda guud iyo sahayda raashinka ka waran? Wasiir: wax dhib ah ma jiraan, wax nagu filan 3.5 sanno celcelis ahaan waa noo yaallaan. RW: Ka waran bariis iyo digir? Wasiir: Wax nagu filan 3 sannadood ayaa ka yaalla labadaas. RW: Ka waran qamadiga? Wasiir: 2 sanno in nagu filan waa yaallaan. RW: ka waran sokor iyo saliid…? Wasiir: La isma weydiiyo kuwaas, qaar aan hadda soo iibinay, iyo kuwii bilihii hore ka haray ayaa yaalla. RW caro ayuu la istaagay: Oo kaalay marka shacabka dibad baxaya iyo mucaaradka buuqaya maxay u dan leeyihiin? Wasiir: Alla.. Allla… Ra’iisul Wasaare xaaladda qaranka miyaad iga waraysanaysay, midda gurigayga ayaan ka hadlayay….kk Marka mas’uuliyiinta Villa Somalia ay ka soo yeerto amni baa la sugay, dhaqaalihii baa sare u kacay, qaranimadii ayaa soo noqotay, xaaladda nooca ay ka sheekeynayaan waan ku wareeray… Kolay waa dad mas’uuliyiin ah, been kuma tuhmayo, warkoodu ma laha waa sax ee xaalad kale ayay ka hadlayaan. W/Q: Hassan Adam Hosow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Nairobi (Caasimada Online) – Fadeexad culus ayaa kasoo shaac baxday dalka Kenya, kadib markii la ogaaday in malaayiin dollar lagu lunsaday darbiga ay dowladda ka dhiseyso xuduudda Soomaaliya. Kenya ayaa horey ku dhawaaqday in ay darbi 700km ah ka dhisi doonto xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay xuduudda u xirto isla markaana u hakiso dagaallameyaasha Al-Shabaab ee uga soo tallaabaya dhinaca Soomaaliya. Balse markii dhismaha la billaabay sannafkii 2015-kii, darbigii waxaa loo baddalay silig. Baarlamaanka Kenya ayaa hadda hor istaagay in dhaqaale dheeraad ah lagu bixiyo mashruucan, ilaa inta ay dowladdu sharraxaad ka bixineyso qaabka malaayiin lacag ah loo kharash gareeyay ilaa hadda, sida uu qoray warkeyska kasoo baxa Kenya ee The Standard. Lacag dhan Sh3.3 bilyan oo shilinka Kenya ah una dhiganta ku dhawaad 35 milyan oo doolar ayaa lagu dhisay 10km oo ka mid ah siligaas xadka laga sameeyay, sida lagu sheegay warbixin la hor geeyay baarlamaanka Kenya. Marka la isbarbar dhigo lacagta baxday iyo masaafaha siliga ah ee la dhisay, waxay u muuqataa in 1km oo kasta lagu dhisay 300 milyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta qiyaastii 3 milyan oo doolar. Arrimahan shaaca laga qaaday ayaa ka careysiiyay xildhibaannada baarlamaanka oo dalbaday in sharraxaad buuxda la siiyo. Lacagta ilaa hadda ku baxday dhismaha darbiga siliga ah ee xadka Kenya iyo Soomaaliya, oo 10km kaliya laga hirgaliyay ayaa labalaab ka badan dhaqaalaha ay dowladda Kenya sannadkan u qoondeysay istiraatiijiyaddeeda keydka raashinka. Waxa ay sidoo kale ku dhawaad 1 milyan oo doolar ka badan tahay kharashka uu waddanka ugu talo galay inuu ku baxo adeegyada caafimaadka ee dadweynaha. Intaas waxaa sii dheer in lacagtaas ay saddex laab ka badan tahay dhaqaalaha ay Kenya miisaaniyadda sannadlaha ah ugu qoondeysay dhismaha guryo qarashkooda la awoodi karo. Xubno ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa aaminsan suurtagalnimada in saraakiishu ay ka faa’iideysteen halista la xiriirta Al-Shabaab, si ay u boobaan dhaqaalaha dowladda. Isha: BBC Somali
-
Sannadkii 2013-ka, waqti galab ah waxaan maqalnay in kooxda al-Shabaab ay qabsatay dhismaha Westgate Mall. Xaalkuna wuxuu ahaa mid gilgilay qalbiyada Kenyaanka. Wuxuu ahaa kii ugu horreeyey oo al-Shabaab ay ku qabsadaan xarun ganacsi oo – Meesha ay ku taallo marka loo fiiriyo – ay adkeyd in laga filasho weerar sidaas oo kale inay kusoo qaadi karaan. Balse waxay dunida u caddeeyeen inay awoodaan. Ku dhawaad 70 qof ayaa ku dhimatay – halka tira kale oo dhaawacyo kala duwan qabana ay ka tageen. Hayeeshe, xusuusta weerarkaas wuxuu ahaa mid maalmo kusii nagaada qalbiyadii la tiiraanyeysaa. Baqa-weerarkii ay dhacdadani sababtay, waxay saadaal aan fiicneyn ku beertay rayidka. In kasta oo cabsi xooggan ay dhacdadani ku dhalisay dhammaan muwaadiniinta Kenyanka ah, haddana looma wada sinneyn xanuunka. Ehellada dadkii ku wax-yeeloobay iyo intii ku dhimatayba, waa kuwa ugu boholyowga darnaa. Balse dad iyo dowladba – siyaasi iyo suxufiba – waxaa loo muujiyay garab istaag. Waxaana si ficil ah loo dareensiiyay inaysan kaligood xanuunsaneyn. Waxaa la hir-geliyay hal-ku-dhag ol’ole ahaan loogu yeeray ‘UnitedByBlood’ #WaxaanNahayIskuDhiig. Saxaafaddu waxay si joogto ah u hir-gelinaysay aragti fog oo ah #KenyaIsOne oo looga gollahaa inaysan ku kala qeybsamin dhacdada. Waxay sidoo kale dirayeen farriin ah inaysan isku dhiibin hal musiibo – iyaga oo xusuusinaya qarannimada iyo nabadda ay ku caanamaalayaan inay kusoo bixiyeen naf iyo maal. Musiibadan oo kalana ay kaga gudbi doonaan hal-adkeysi iyo dhirranaan. Sidaas awgeed, waxay ku guuleysteen inay bulshada ka jeediyaan ka fikirka musiibada – una jeediyaan wax ka qabashadeeda. Waxaana la arkayay muwaadiniin badan oo si mutadawacnimo ah uga qeyb galayaa gurmadka loo sameynayo dhibanayaasha laga soo badbaadinayay weerarka. Waxaana la arkayay muwaadiniin hadba wixii karaankooda ah kaga qeyb noqonaya gurmadka. Qaar ayaa dhiig-bixiyaal noqday si dhaawacyada dhiig baxa u dhiman kara loogu dhiibi tiro. Geesta kale, siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dowladda waxay si geesinimo iyo shucuur-qarannimo xanbaarsan uga qeyb galayeen gurmadka. Waxaa qaarkood – oo xilligaas sib ba’an u diidanaa nidaam siyaasadeed ee MD Uhuru ay – si cad meel iskaga dhigeen ku kala duwanaanshahooda mabda’ ahaaneed ee kala dhaxeeya dowladda. Waxaana ay dhinac kala soo jeesteen gurmadka qaran. Qaarkood ayaa Aqalka Harambee ee looga arrimiyo Kenya kula kulmay MD Uhuru si ay dunida iyo dadkoodaba ugu caddeeyaan inay ka midaysan yihiin ficil-weerarka al-Shabaab. ‘Doorasho way timaada waana lagu kala baxaa; laakiin dalkeennu wuu jirayaa waligiis waan ku noolaaneynaa,” ayuu yiri Rail Odinga oo xilligaas hoggaaminayay Xisbiga Orange. Marka aynu ka nimaadno dunida kale jaarkeenna ah, waxaa cad in saxaafaddeenna iyo siyaasigeennuba aysan kaalintii loo baahnaa iyo ereyadii mudnaa in looga fal-celiyo musiibooyinka aysan ka bixinin. Wax caadi ah ayay iska noqotay in saxaafadeennu ay ku sinnaadaan falan-qeynta dhacdada. Mana hir-geliyaan hal-ku-dheg qaran iyo shucuur-waddaniyadeed oo midaysan si loola tacaalo mushkiladda jirta. Intooda badan waxay qododa la xiriira dhacdada iyo musiibada markaas taagan kusoo af-meeraan ma ahan markii ugu horreysay oo ay sidaas iyo sidaas wax noqdaan. Siyaasaddeenna gudaha oo wali ku jirta anba-qaadka hore ee geeddi-socodka maamul-wanaag ee dowladnimadeenna, waxay siyaasiyiinteennu badigood kala garan Karin waqti ay tahay in – dhaliil wax dhisaysa – hawada loo mariyo Xisbiga talada haya iyo waqtiga ay tahay in si midaysan loola dhinac gurmado dowladda marka ay timaado xaalad qarankeenna dhirbaaxo ku ah. In kasta oo aan la saadaalin karin goorta si midaysan mucaaradkeenna – midka hubeysan oo xalka ku baadigoobaya qoriga iyo midka dhawaaqiisu dhinbilaha ka kulul yihiin ay wadajir iskaga kaashan doonaan hal-jiheynta iyo hoga-tusaaleynta habboon – haddana, waxaa muuqata inaysan u bisleyn falsafadda kala-gooreynta iyo inaan dhibaatada taagan laga dhex fiirin dheef. Qaraxii dhawaa ee Makka al-Mukarrama wuxuu u muuqday mid kala saari kara hanka siyaasiyiinteenna qaar. Halka in badan ay gaareen inay safka hore ka galaan u gurmadka iyo u gargaarista dadkii ku wax-yeeloobay qaraxa, in yar oo kamid ah ayaa fursad ka dhex helay buunbuuninta dhacdada kuwaas oo dhaliisha ka dhigtay seef ana ka saawirin hadiyo jeer. Si kastaba, hal aan la isku diidaneyn in dhaliishu lama huraan u tahay umadaha dhismaya, haddana Siyaasiyiinteenna KAN UGU CADCAD, wuxuu ku taagan yahay ‘Qeyladii yeertaba, Qof bay qeyrkiisa ku jirtaa.’ Qore: Zakariya Xasan Maxamed. Kala xiriir: hiraal86@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
(SLT-Washington)Aqalka Senatka ee Maraykanka oo xisbiga Jamhuurigu uu aqlabiyad ka yahay ayaa meel mariyay qaraar lagu soo afjaro taageerada Maraykanku siiyo xulafada Sacuudigu hoggaaminayo ee dagaalka ka wada dalka Yemen. Qaraarkan oo labada xisbiga ay isku waafaqeen waxaa taageeray 54 xildhibaan waxaana ka soo horjeedsaday 46, arrintan ayaana dhirbaaxo ku noqonaysa siyaasaddii madaxweyne Trump uu ku taageerayay Sacuudi Carabiya iyo hoggaamiyahooda oo dhawaan xiisad soo wajahday. Madaxweyne Trump ayaa wacad ku maray in uu codka diidmada qayaxan ku hor istaagi doono haddii qaraarkan uu soo dhaafo aqalka uu Dimuqraadigu aqlabiyadda ka yahay. Dagaalka Yemen ayaa billawday sannadkii 2015kii, kumannaan ruux oo reer Yemen ah ayaana ku dhintay, malaayiin kale ayaana macaluul la il daran. Maraykanka ayaa Sacuudiga ka iibiya hubka ay dagaalkaas u adeegsadaan, milatarigooduna wuxuu la garab taagan yahay caawimaad dhanka saadka ah iyo taageerada dhanka sirdoonka si xulafadu ay u qaadaan weerarro loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyuhu la socon. Qaraarka Senate-ka oo ah isku day aan la filayn oo lagu doonayo in lagu xakameeyo awoodda madaxweynaha ayaa doonayaa in milatariga Maraykanku ay collaada Yemen faraha kala baxaan muddo 30 maalmood gudahood ah. Source
-
xeerka yaala meelaha garsoorka ee laysku xukumo,Waa mid la qoray xiligii talyaaniga uu ka talinayey. kalidii taliyihii weynaa ee la odhan jiray BENITO MOSALENI. Waxaana xeerka dajiyay oo qoray nin la odhan jira RUKA sidaa darteed waxa xeerka la yidhaah RUKA CODE, Inta badan marka isha la mariyo qawaaniinta ku qeexan 90%waxay si dadban uga hor imanayaan mabaadiida diinta islaamka iyo dhaqanka suuban, tusaale ahaan waxay SINADA uu xeerkaasi u aqoonsanyahay qofkii ah xaas haddii uuna raali ka ahayn ninkeedu Waa sino oo waxa lagu xukumayaa 2sanadood balse haddii uu ninku iska aamuso oo u afkiisa haysto waxba loo raacimaayo SUBXAANA LAAH . Taasi waxay ku tusaysaa halka uu ka taagan yahay diinta islaamka. Sida dadka taariikhda qoraa laga hayo ama ay sheegaan markii laysku daray Labadii dawladood ee somaliland iyo koonfurta soomaaliya waxa lagu taliyey in la sameeyo nidaam garsoor oo u dhaxeeya uuna leeyahay dal,sidaa darteed waxa soomaliland qaynuunkeedi oo ahaa mid ingiriiska dajiyay oo la odhan jiray PANAL CODE laga soo qaatay habka dacwadaha loo diyaariyo kii koonfurta oo talyaanigu lahaa oo la odhan jiray RUKA code, waxa laga soo qaatay sida laysku xukumo waxa in yar lagu sameeyay jafjafid yar oo lagu yar saleynayo dhaqanka soomaliga, walaw aanu kaasina ahayn mid ku filan garsoor. Sababtuna waxa weeye Waa shay ay qoreen dad bini’aadam ahi oo keeni kara isku dhac arrin oo xaga bulshada ah. Waana ta keenta in arrin ama kiis soo jiitamo muddo badan, Waxaana ugu wacan Waa xukunka dhaca oo laga qaato ambiil ama looga qabsado lowyer daadafeeya waxaanad arkaysaa kiisas murugsan oo in badan ku jiray meelaha maxkamadaha oo qaadanaaya waqti faro badan taasina waxay Mararka qaar keenta in dadka kiisku ka dhaxeeyo qaar badani sii wadi kariwaayaan dacwadoodi arrimo xagga dhaqaalaha ama jeedka ah. SHAREECADA ISLAAMKA ” waxaad arkaysaa arrimo badan oo waqti dheer ku jiray maxkamadaha oo marka shareecada loola laabto xageeda si dhaqso ah ku dhamaada cadaalad waynina ka muuqato. Ama qaar cusub oo markiiba dhamaada, Sababtuna waxa weeye waxa laysku xukumayaa Waa kitaabka munasalka ah ee ilaahay soo diray una soo dhiibay xabiibkeeni nebi maxamed (NNKH) oo aan lahayn hirdan afkaareed iyo sharciyo qof qoray oo layskula soo baxayo. In shareecadu si fiican wax u xalisaa waxa ugu wacan Waa kitaabka quraanka ah oo leh mug iyo miisaan wax lagu xaqo ama lagu garsooro 1 kitaabka lowyer looma qabto 2 kitaabka ambiil lagama qaato, oo wax ka seeraya awooda adoomaha. Shay kastoo la sameeyaa waxa uu leeyahay LEAFLETtusaale ahaan dawooyinka waxa la socota warqad cadaynaysa dawada iyo waxa ay qabato. Dawada iyo waxa yareyn kara awoodeeda, dawada iyo haddii lala isticmaalo wax kale sida ay noqonayso digniino badan iyo taxadir badan. Waxa leh leaflet wax kasta oo la sameeyo sida machine kaqalabkasta taas waxaan uga socdaa nolosha iyo aadmiguna waxay leeyihiin leaflet weyn oo qaaliya waana kitaabka ilaahay iyo sunada rasuulka SUAASHU WAXA WEEYE. Maxaa kalifay in Inagoo ku dhawaad ah dawlad ilaa 30 sanadood aan wali isticmaalno xeerarkii la qoray 1933kii ee talyaani qoray? Maxaa loo waayay in kitaabka quraanka ahmiyada lasiiyo oo laysku xukumo. Qawaaniinta Wadan waliba isagaa ayaa qorta kuna saleeya diintiisa iyo dhaqankiisa. Haddaba Inagoo ah islaam lehna aqoonyahano diimeed iyo dhaqan maxaa inoo diidey in aan ka faa’ideysano Inta ay noolyihiin Culumaddeena waaweyn ee ay ka mid yihiin ina Sh Cali Suufi. Ina Sheekh Cali Jawhar. Sh. Dirir, Sh. Mustafe iyo culimo badan oo ilaahay siiyay aqoon iyo cilmi diineed oo facweyn sii looga raysto xeerkan baaliyoobay ee gacanta lagu sameeyay. Si loo helo garsoor xaq ah oo cadaaliya kuna dhisan kitaabka ilaahay iyo sunaha rasuulka oo looga baxo qareenada daliishanaya xeer aadmi sameeyay oo Inta badan ku saleysneyn dhaqanka iyo diinteena suuban. Su’aashaa jawaabteeda waxaan uga tagayaa Inta jecel shareecada ee badan Waxaa Qoray Maxamed Cabdiqaadir Colhaye. Source
-
Members of Kenyan Parliament have called for investigations into how Sh3.4 billion was spent on a 10-kilometre stretch of barbed wire and chain-link fence on the Kenya-Somalia border. The wall, dubbed the Kenya-Somalia Border Securitisation Project, was mooted in 2015 to secure the country from attacks by Somalia-based Al Shabaab terrorists. Kenya Defence Forces (KDF) engineers had estimated that the entire 700-kilometre length of the border would cost a total of Sh8 billion, but it is now emerging that nearly half of that amount was spent on only a 10-kilometre stretch. “I have no problem with the wall, but you cannot use the threat of insecurity to steal and plunder money. The chair of the committee must bring a recommendation to this report to say that there is no value for money and that Ethics and Anti-Corruption Commission (EACC) and Directorate of Criminal investigations (DCI) must move in” National Assembly’s Leader of Majority Aden Duale said Wednesday. The Defence and Foreign Affairs parliamentary committee, chaired by Kajiado South MP Katoo Ole Metito, says in a report that the project involves border fence installation using chain-link, razor wire, barbed wire, angle bars and concrete posts. It also involves the excavation of a side ditch, upgrading of border posts and construction of border control roads. ‘A fence’ “It is not even a wall, it is a fence. The people who duped the country that there is a wall to be built must be investigated,” said Mr Duale. Minority Leader John Mbadi demanded that the Interior ministry tables details of the Sh3.4 billion expenditure. The project was sanctioned by the National Security Advisory Council (NSAC) chaired by President Uhuru Kenyatta in 2015. It was divided into three with the Northern Sector covering 160 kilometres costing Sh3.5 billion while the Central Sector, the longest covering 445 kilometres, was estimated would cost Sh1.9 billion. The Southern Sector covering 105 kilometres was expected to cost Sh2.6 billion when complete. KDF engineers undertook the original estimated cost of the wall, which is classified as a national security project. The Northern Sector covers Mandera and Elwak, Central Sector(Elwak to Libat) while the Southern Sector starts from Libat to Kiunga. Loss of civilians The project was initially implemented by the Interior ministry before the President directed that it be taken over by the Ministry of Defence following escalation of attacks on personnel and equipment especially in the Southern Sector, Lamu, resulting in loss of a number of civilians and security personnel. The National Youth Service (NYS) is the project contractor. “By the time the Ministry of Interior and Co-ordination of National Government handed over the project to the Ministry of Defence, 10 kilometres of wall had already been done from the BP1 past Mlima Fisi. “Further, another seven kilometres of ditch construction had also been done,” states the inquiry report. The wall was expected to ease surveillance of the border, deter incursion byterrorists, reduce porosity along the border, facilitate effective control of movement of persons and goods across the border and ease registration of persons. “The Ministry of Interior handed over the project to the Ministry of Defence, the contractor was NYS. The Ministry of Defence is in a good position to provide the identity of the current contractor,” the committee said in the report. Mr Mbadi questioned why the country undertook the project on its own yet the terrorist threat extends beyond Kenya’s borders. “This is too mechanical. It looks like the Egyptian pyramids. It cannot work in modern Kenya,” said Mr Mbadi. Source: Business Daily Africa
-
Salamullahi Calaykum dhamaan Shacabweynaha reer Somaliland meel kasta oo aad kala joogtaan waxaan go’aansadey in aan idiin iftiimiyo siyaasada Wasiir Ahmed Moumin Seed iyo doorka uu ku leeyahay gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mudane Ahmed Moumin Seed. Waxaan is dul taagayaa qof noocee ah ayay reer Somaliland ka aaminsan yihiin Wasiir Seed maxaase lagu xasuusan doonaa marka uu ka dago jagada Wasiirnimo ee uu haatan hayo. Waxan ku eegeynaa qodobadan soo socda: 1- Wasiir Seed waa boog madow oo ku taala qaranka JSL 2- Wasiirku wuxuu ku mashquulsan yahay khilaafka iyo iska horkeenka Beelaha walaalaha ah ee deegaanku mideeyey. 3- Kicinta shacabka iyo Dawlada oo uu mar kasta isku dayo in uu fashiliyo xukuumada ugubka ah ee sanad jirsatey ee JSL. 4- Fashilkii wax soo saarkii iyo balan qaadyadii madaxweyne Biixi wakhtigii ololaha lagu jirey oo ahayd in cuntada dalku iskaga filnaan doono sanadka ugu horeysa 30% balse taasi dhicisowdey iyada oo masuulayadeeda uu leeyahay Wasiir Seed. 5- Qancinta iyo cadaalad u helida Beelaha Habar Cafaan oo uu sii kala kexeeyey maantana maraya heerkii ugu hooseysey abid, waxaana Beesha yimid kala shiki iyo kalsooni daro uu aabo u yahay Wasiir Seed. Hadaba akhriste qodobadaas aan kor ku xusney waxaa ku sifoobey Wasiirkii ugu tamarta daran xukuumada Muuse Biixi Cabdi. Wasiirku waxaa uu markasta ku mashquulsan yahay siduu saaxaafda u marin lahaa hadal iyo wax qabad been abuur ah oo lagu marin habaabinayo Shacab JSL. Mudane Madaxweyne waxaan ka codsanaynaa in aad u hiiliso Wasaraada Horumarinta Beeraha oo ku fashilantay shaqadii aad u igmatey Wasiirku wuxuu ku mashquulsan yahay Shir doceeedyo uu la galo beesha uu ka soo jeedo isaga oo gabi ahaanba dayacey shaqadii Wasaraada. Mudane Madaxweyne waa in aad u soo xushaa Wasaarada Beeraha Shakhsi samata bxin kara Wasaraadda Beeraha una soo celiya sumcadii ay ku lahayd qaranka JSL. Sidoo kale waxaan kula wadaagi doonaa xogaha dhabta ah ee Wasiir Seed qormooyinka kan ku xiga INSHA ALLAH. Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar Abdirashiid1982@gmail.com Qormaddii 2aad La soco qeybaha kale Source
-
Qiyaastii shantii sannadood ee ugu dambeeyey waxa magaalooyinka Soomaalilaan ka bilaabmay in meherada loo leexiyo inay ka dhacaan masaajidada, halkii markii hore laga tegi jiray hudheelada faraha badan ee hoolalka casriga ah u dhistay inay ku soo jiitaan dadka is-calmaday ee meherka diyaarka u ah. Dadka is-mehersanaya iyo eheloodu waxa ay jecel yihiin in goobtan barakaysan ee gurigii Ilaahay ah inay isku mehersadaan oo ay qaataan sahayda ducad si guurkoodu uu u naajixo. Hasayeeshee waxa jira arrimo kale oo haddii dhinaca kale laga istaago weji kale u yeelaya meherada masaajidada, taasi oo ah inay masaajidadii isu-beddeleen hoolalkii dadka laga kireyn jiray ee lacagta laga samayn jiray, maadaamoo masaajidadii iyo hoolalkii isku lacag noqdeen. Qormadan waxa aynu ku dul-istaagi doonaa hababka ay u shaqeeyaan meherada ka dhaca masaajidadu. Lacagta lagu kireeyo Meherada Masaajidada Masuuliyiinka masaajidadu wakhtiyadii hore wax lacag ah kamay qaadi jirin meherada ka dhaca masaajidada, hasayeeshee markii ay bateen meheradii ayey masuuliyiintii soo rogeen inay lacag ka qaadaan, oo waxa ay arkeen inay fursad lacag samayn ahi ku jirto. Lacagta laga qaadayo way ku kala duwan yihiin masaajidadu. Tusaale ahaan masaajidada ku yaalla meelaha badhtamaha magaalada ama suuqa ayaa ah kuwa ugu lacagta badan, halka kuwa ku yaalla xaafadaha ama meela ka fog faras magaalaha ay jaban yihiin ama aan wax lacag ahba laga qaadin. Masaajidada ku yaalla badhtamaha suuqa iyaga laftoodu waxa ku kala duwan yihiin xaddiga lacagta laga qaado dadka. Masaajidada qaarkood waxa laga qaadaan $130 meherkiiba, kaarka meherka lagu geliyo waxa shaanbad tii hudheelada oo kale ah lagaga soo dhuftaa masaajidka, waxaana si gaar ah looga qaadaan $15. Masaajidada qaarkooda waxa ay ka jaban yihiin kuwa sare, oo waxa laga qaadaan inta u dhaxaysa $65 illaa $80. Suuqa meherada masaajidada ku yaalla badhtamaha Hargaysa waa kuwa xaami ah, wuxuu mid ka mid ah shaqaalah masaajidadu ii sheegay inay maalintii ugu yaraan ay ka dhacaan laba meher ama ay ka bataan oo illaa saddex ama afar gaadhaan. Waxa iyana jirta in meherada qaarkood habeenkii ay ka dhacaan masaajidada. Markaa haddii aynu xisaab ahaan u soo qaadanno maalintii masaajidka ugu lacagta yar inay ka dhacaan laba meher, bishii waxa ay noqonaysaa: 30 x $160= $4,800 bishii. Sidoo kale haddii aynu soo qaadano kuwa ugu lacagta badan ee bishii laga qaado $130 waxa ay noqonaysaa : 30 x $260 =$7,800 bishii. Haddii intaasi laga sii kordhiyo lacagtu way ka badanaysaa. Haddaba halka ay fadhido xisaabtu waa kharaskhaasi ay masuuliyiinta masaajidadu ka qaadayaan meherada, maxaa u diidaya in lagu soo rogo canshuur laga qaado lacagtaa faraha badan ee dadka aan qaadi karayn laga qaadayo?, kol haddii ay hudheeladii shaqadii kala wareegeen. Dhawaan ayaan la kulmay nin danyar ah oo doonaya inuu gabadh uu la soo heshiiyey mehersado, hasayeeshee aan haysan lacag uu ku kiraysto hudheel ama masaajid. Markii dambe ayaanu u tagnay sheekh masuul ka ah mid ka mid ah masaajidada xaafadaha ku yaalla ee aan haysan suuqa kirada. Wuu inoo ogolaaday ka dib markii aanu u waayo sheeganay. Illaa hadda lama hubo in lacagtaasi masaajidka nadaafadiisa, dayactirkiisa iyo shaqaalihiisa waxa uu ka soo gaadho iyo inuu sheekha masuulka ahi uu ku wada shubto. Waxa aynu ognahay in inta badan masaajidadka loo ururiyo lacag laga qaado dadka ku tukanaya si dayactir loogu sameeyo. Waxa aan xusuustaa sheeko nin wadaad ah oo masaajid khudbad jimce ka jeedinaayey ayaa wax-bixinta iyo sadaqada ku dheeraaday, dabadeed xaaskiisii oo masaajidka ku tukanaysay ayaa is-kala garan weyday, markaasay dahabkeedii sadaqado u bixisay. Markii ay gurigii isugu tageen ayey ku tidhi” sheekh maanta khudbad qiimo badan ayaad jeedisay oo sadaqada iyo wax-bixinta ka hadlaysay, markaasaan is-kala garan waayey, oo aan dahabkaygii oo dhan sadaqo ula baxay. Markaasuu ku yidhi” isku maynaan ogeyn in aad dahabkaaga bixiso, balse dadka in aynu ka gurno ayeynu isku ogeyn”. Dhacdooyinka Ay Meheradu Sababaan ee Ka dhaca Masaajidada = Askar albaabka taagan: qofka doonaya inuu masaajidka aroortii iska fadhiisto oo uu qur’aan akhristo ama salaad iyo duco u tagaa, ma geli karo. Askari lagu soo ballamiyey inuu joojiyo cid aan kaarka meherka wadan oo aan yeelayn inaad gasho ayaa albaabka ku dhegan. Qofkii markaa danta ayaa ku kalifaysa inuu gurigii Ilaahay ee cibaadada loo tegayey inuu dib uga noqdo. = Cayda iyo Buuqa: waxa masaajidka isugu imanaya dad kala duwan, mid tukada mid aan tukan, mid dharkiisa iyo jidhkiisu aan maydhin iyo mid doodba ka qaban inuu salaad tukado (Cilmaani). Dadkaasi intooda badani markay soo galaan masaajidka waxa salaad ah ma tukadaan toos ayey u fadhiistaan goobta loogu talogalay inuu meherku ka dhaco. Way kaftamayaan, way is-dacaayadaynayaan, way qoslayaan, way is-gujinayaan. Way, Way, Way………………. Markay timaado in lacagta gabbaatiga la kala qaato ayey qoloba dhan u baxaysaa. Tusaale kuwa gabbaatiga la siiyey way ay tagayaan goob gaar ah oo loogu talogalay inay lacagta ku qaybsadaan, kuwaa kale ayaa iyana qaybsanaya wixii dib loogu celiyey ee lacag ahayd. Halkaasi waxa ka dhaca buuq iyo hadal mararka qaarkood cay iyo aflagaado wadata. Meherada qaarkood gacanta ayaa la isku saaraan marka la isku maandhaafo qaabka lacagta loo qaybsanayo. Dadka qaarkood uma dhaadhacsana in meeshu ay tahay gurigii Ilaahay oo ay cayda iyo buuqa ka daayaan, waxa se u muuqato lacagta qayilaada maalintaasi oo iimaankiiba wuu ka maqan yahay. = Ninkii Xagga sare ka soo dhacay: masaajid laba dabaq ah ayuu meher ka socoday dabaqa sare, markii lacagtii la qaybsanayey ayey fowdo dhacday oo la boobay lacagtii goobta taallay. Nin lacag badan la soo baxsaday oo firxad ahaa ayaa siduu u soo ordayey si kedis ah uga soo dhacay goobta daloosha ee dabaqa sare, waxaanu ku dhul dhacay dad hoosta kitaab ku marsanayey. Nasiib wanaag waxba muuqan aan ka ahayn dawakhaad yar iyo xoodhxoodh. = Gacan-ka-hadalka: muranka lacagta ayaa keena in gacanta la isku qaado meelaha qaarkood. Waxaanu muranku dhexmaraa dad doonaya inay lacagta inta badan qaataan iyo kuwa doonaya in wax la is-gaadhsiiyo. Gacan-ka-hadalkan waxa kaalin ah kuma laha askartii kaararka dibada ku guraysay, waxaanay iyaga laftoodu ku jiraan kuwa halganka ugu jira inay helaan qaybtooda lacagta lagu murmayo. Waxa aad arkaysa iyada oo la leeyahay, waar kala qabta, waar waa masaajid, waar waa gurigii Ilaahay, waar ha ku dagaalamina, waar wuxu waa adduunyo IWM. Sidoo kale waxa masaajidka soo gelaya dad aan weligood salaad tukan iyo kuwa takhsiisan ama mirqaansan. Dhinaca kale waa laga yaabaa inuu Ilaahay ku soo hadeeyo soo gelitaanka masaajidka. Waxa jiray nin doonayey inuu gabadh ku mehersado masaajid, ninku weligii salaad muu tukan. Markii uu soo galay masaajidkii ayuu anfariiray oo uu fadhiisan waayey, isaga oo naxsan ayaa dirqi lagu fadhiisiyey. = Nadaafad-darrada: dadku isku wada mid maaha, waxa jira dad nafaadda ka arradan oo aan maydhasho jidh iyo mid hu toodna lahayn, kuwaasi ayaa meheradii ka soo qaybgalaya. Marka masaajidkii laba meher ka dhacaan ee dadkaasina soo galaan ee wakhtigii salaada duhurna ay soo gasho, waxaad ku tukanaysaa uun meel uu mid sharabaado qudhmay ku fadhiistay, markaasaan karaahiyeysanaysaa. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan. Calicoomay@hotmail.com Source
-
In badan ayaa waxaa aynu maqalnaa ka hadalka Saami qaybsi ee dhinaca maskabyada siyaasadeed ee Somaliland hadaba ugu horeyn waa maxay macnaha erey saami? Ereyga Saami waa qayb,qaybin, Iwm taas oo salka ku haysa in shay ama shayo loo qaybiyo si ku saleysan qaab loo wadaagayo shay ka dhexeeya ama dhexyaala cida loo qaybinayo ama qaybasneysa shaygaasi. Hadii aan macnaha guud ee Saami halkaasi ku dhaafo oo aan u soo noqdo mawduuceena,waxaa aad dirada ku saareynaa Somaliland iyo Sami qaybsiga siyaasada oo in badan laga hadlo marka doorashooyinka dhinaca goloyasha dhinaca wakiilada,degaanada ay soo dhawaadaan,taas oo aad moodo in wakhtigaasi uun la soo baraarugo oo aad maqlaysid doodo ku saabsan dhinaca saami qaybsiga goloyaashaasi! Si guud hadii aynu u eegno labadan gole ee kala ah:- Golaha Guurtida (Golaha Sare) oo ah golaha duqeyda, iyo Golaha Wakiilada (Golaha Hoose). Labada gole oo u wada shaqeeya si toos ah ayaa waxay leeyihiin 82 xubnood iyo gudoon u gaar ah mid kasta. Wakhti xaadirkan dowlada Somaliland waxay qorshaynaysaa in doorasho baarlamaan dhacdo snadankan 20019 dabayaaqadiisa taasi oo sida qorshuhu yahay la rabo in lagu bedelo golaha wakiilada hada kuwaasi oo kursiga ku fadhiyay tan ilaa sanadkii 2005ta. Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland waa gole ka tirsan Golaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyada Somaliland. Sida caadiga ah, golaha odoyaasha waa “Golaha Sare” ee wadanka kaasi oo ka kooban 82 oday oo laga soo xulay beelaha Somaliland. Labadan gole waxay ku kala duwan yihiin arimo badan oo dhinaca xilka iyo waajibaadkooda kala ah balse waxaa aan qudha oo hada aan rabaa in aan ka hadlo dhinaca kala duwaanaansha qaabka ay ku yimaadeen goloaha hada joogaa oo kala ah : Golaha Wakiiladu Waxay ku yimaadeen doorasho toos ah oo dadweynuhu(Somaliland) soo doorteen kuwaas oo ku yimi qaab doorasho oo toos ah ,waxaaney wateen magaca xisbiyo siyaadsadeed oo ay matelayeen Goloha Guurtidu waxay ku yimaadeen qaab reernimo oo waxaa ay ku saleysan yihiin qabiilnimo ama reer reer Hadaba sida aan u arko rayigeygu wuxuu ku saleysan yahay in farqiga u dhaxeeya qaabka ay ku dhisan yihiin uu qayb ka yahay muranka saami qaybsiga. Waayo Kol hadii reer reer lagu soo xulay gololaha guurtida waa in Golaha wakiiladana reer reer lagu soo xulaa ayey ahayd oo kaalinta xisbiyada iyo doorashada tooska ahi meesha ay ka baxaan, ama Golaha guurtida loo diyaariyo sida golaha wakiilada in ay isku rogaan iney doorasho toosa ku soo baxan iyo xisbiyo xisaasadeed. Mushaakilka kale ee jiraa waxaa uu yahay dhinaca tirade oo lagu saleeyey wakhtigii ka horeyey 1960 kii ee baarlamaankii ugu horeyey ee ay beelaha Somaliland yeesheen maantana waxaa aynu ku jirnaa 2019 wakhtigaana farqiga u dhaxeeya waan garan karaa. Arintan ma aha arin xalkeedu ku iman kara hambaaburka wakhtiga doorashooyinku soo dhawaato balse waa arin u baahan in qoto dheer loo derso oo xal kama dambeysa laga gaadho ma aha arin si fudud xal looga gaadhi karo waayo baaxada ay arintani lee dahay. Waa arin u baahan in laga derso dhinaca degaanada tiro koobka dadka,degmooyinka dhaqaalaha,balse ma aha arin salka looga dhigo qabiil iyo reer reer balse waa arin ku saleysan degaanada,degmooyinka xisbiyada siyaasda tiro koobka dadka muwaadiniinta ah iwm. Qaabkaa hadii loo galo waxaa hadhaya reer reernimada ku saleysan siyaasada Somaliland oo aad moodo in ay ka koriladahay dhinaca siyaasada,dhaqaalaha degaanka iyo wadaniyada, dawladnimo casri ah oo ku dhisan siyasada dhaqaale iyo idealogyada muwaadinimo oo loo siman yahay ayaa lagu heli karaa cadaalad iyo doorasho siyasadeed,balse inta aynu ku warwareegeyno siyaasadii reer guuraga ee 1960 kii wixii ka horeyey oo manta oo aynu joogno 2019 aynu u dhaqmeyno nidaamkii wakhtigaa dhinacna aynu ka abuurney xisbiyo siyaasadeed oo mabda siyaasadeed leh hana aynu reer reer siyasada ku qaybsaneyno ma aha macquul in laga baxo jahawareerka dhinaca saami qaybsiga ee hada laga hadlo.Kolkaa laba mid uun baa la gudboon dadka daneeya arimaha Somaliland ee dhinaca Siyaasada,dhaqaalaha iyo arimaha bulshada kuwaas oo kala ah: Doorashooyin ku saleysan Saami qaybsi oo ah hab siyaasadeed duug ah oo wakhtiyadii hore la isticmaali jirey ilaa hadana la isticmaalo arimo gaara ama wakhtiyo kooban oo lagu xalilayo arimo markaa taagan balse ku meel gaara oo aan joogto ahan tusaale waxaa u soo qaadan karaa Axdi qarameedkii Somaliland ee Burco,Boorame iyo kuwii la mid ka ahaa. Doorashooyin ku saleysan xisbinimo oo lagu tartamo qaab dimoqraadi ah oo ku saleysan xisbinimo oo qof kastaba saddexda xisbi ee hada jira ama kuwo kale oo imandoona lagu soo baxo oo saamigu ku saleysnaado xisbi walba codka uu ka helo doorashada sidaana lagu xalilo oo meesha ay ka baxdo reer reernimo oo loo guuro siyaasad ku saleysan mabda iyo aragti siyaasadeed dhaqaale iyo bulsho oo ah in cidii loo bato ay ka taliso oo jaangooso siyaasada qaranka. labaa arimimood waxaan ahayn uma arko in ay u furan tahay dadka siyaasada Somaliland raba iney hano qaado. Hadii kale khatar badan ayaa ka dhalan karta oo amaanka,siyaasada wada nolaansha dadka somalind halis ku noqon kara waayo dhulka waa lawada degen yahay oo reer qudha loo 100% degmo keligii wada degani ma jiro oo waa labada degen yahay gobolada,degmooyinka iwm waxaa lagu wada noolaan karaa qaab qaranimo oo lagu horumarin karaa dalka guud ahaanba. Mahadsanidin M J Farah hogaanka.org rashiid64@outlook.com Source
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-14032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha Gollaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Mogadishu Clan, Xaaji Maxamed Xasan Xaad, ayaa beeniyay warar saacadihii lasoo dhaafay la isla dhex-marayay oo ku saabsan inuu dhaliilay dowlada. Nabadoonka ayaa sheegay in wararkaasi ay baahiyeen dad dano gaar ah leh, kuwaasi oo uu ku tartarsiiyay in ay ka waan-toobaan, isla markaana ay ka qayb-qaataan dib u dhiska wadanka. Halkaan hoose ka dhageyso wareysi uu siiyay Nabadoon Xaaji Maxamed Xasan Xaad siiyey Shabelle oo uu kaga hadlayo arrintaan. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Wareysi-Dagane-Hadda.mp3 View the full article
-
New York (Caasimada Online) – Xogahayaha guud ee QM António Guterres ayaa shalay ergey cusub usoo magacaabay Geeska Afrika, kaasi oo ah Parfait Onanga-Anyanga oo u dhashay dalka Gabon. Hase yeeshee magacaabistan ayaa abuurtay shaki weyn iyo su’aalo ku saabsan xiisadda Soomaaliya iyo QM kadib markii dowladda federaalka ay cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom. Dhowr qodob oo is-biirsaday ayaa tallabadan u mujineysa mid ay QM uga aargudaneyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo weli xiriirkooda uusan wanaagsaneyn. 1 – QM ma sheegin shaqada ergeyga cusub Parfait Onanga-Anyanga iyo waxa uu qaban doono, iyo dalalka uu qaabilsanaan doono, hase yeeshee marka laga soo tago Soomaaliya, inta kale dalalka Geeska Afrika waa kuwo dowlado dhisan ay ka jiraan oo QM aysan ergey usoo magacaabin. 2 – Qodobka labaad ee shakiga badan abuuraya ayaa ah in QM aysan hadda ka hore u lahayn ergey gaar ah oo qaabilsan Geeska Afrika, oo tani ay tahay markii koowaad ee ay dhacdo. 3 – Sidoo kale QM weli ergey uma soo magacaabin Soomaaliya, saddex bil kadib markii Soomaaliya ay cayrisay Nicholas Haysom. Way adag tahay in si rasmi ah loo ogaado qorshaha QM, hase yeeshee ergeyga cusub ayay u badan tahay in QM ay u magacowday laba arrin oo labaduba ka dhan ah dowladda Soomaaliya. 1 – QM oo dowladda Soomaaliya u muujineysa in go’aankeeda ciqaabtiisa la marsiinayo, ergeyga cusubna uu yahay mid qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland, oo markii hore uu wada qaabilsanaa ergeyga Soomaaliya, haddana loo muujinayo in si gaar ah loola macaamilayo Somaliland. 2 – QM oo ka hortageysa in dowladda Soomaaliya mar kale ay cayriso ergey ay soo dirsatay. Maadaama ergeygan uusan wadan magaca “Ergeyga Soomaaliya”, dowladda Soomaaliya awood uma lahan inay cayriso ama codsato in laga beddelo. Dowladda Soomaaliya, oo arrintan aan wax ka weydiinay way ka gaabstaay inay ka jawaabto. Hase yeeshee waxa ay dhowaanahan QM wadday tallaabooyin ay ku ciqaabeyso dowladda Soomaaliya. Halkan ka aqri tallaabooyinkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa dalbaday in laga qeyb galiyo gorgorka iyo heshiis walba oo saameynaya dowladdaha xubnaha ka ah dowladda fedraalka ah ee Soomaaliya. Puntland waxey dalbanaysaa iney qeyb ka noqoto Wadahadalada u dhaxeeyada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, sidaas waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay shirka jiheynta siyaasada Puntland oo garoowe lagu soo gabagabeeyay. Sidda ku cad war-murtiyadeedka, Puntland ayaa adkeynaysa midnimada Soomaaliya, nidaamka federaalka, hirgelinta hanaanka xisbiyada badan oo uu wadanku hiigsanayo iyo dhameystirka dastuurka. Xubnaha shirka maanta lagu soo xiray Garowe ka qaybgalay waxay hoosta ka xariiqeen ahmiyada ay leedahay in dowlada iyo maamulada ay xiriir dhow yeeshaan, ayna iska talageliyaan heshiisyada saameynaya degaanadooda. “Sidaasi awgeeda, Puntland waa in ay qayb ka tahay wadahadal walba oo saameynaya degaanadeeda, gaar ahaan wadahadalada u dhaxeeya dowlada federaalka iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka. Somaliland iyo Puntland oo wadaaga xuduud ayaa waxaa ka dhaxeysa colaad taariikhi ah oo ku saabsan gacan ku haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, halkaasoo ciidamo ay ka kala joogaan.
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo caawa ka dhacay isgoyska suuqa bakaaraha ee magaaladda Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay fariisin ay leeyihiin ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, balse ma aysan ku sugneed xiliga uu qaraxu dhacayey. Ma jiro wax khasaaro ah oo illaa iyo haatan lasoo wariyay oo uu geystay qaraxaasi oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Laamaha amaanka oo meesha ay wax ka dhaceen tegay ayaa nan illaa iyo haatan fahfaahin ka bixin dhacdadaasi. View the full article
-
Hordhac/Gogol-Dhig Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi, Xil.Sadiiq Warfaa wuxuu ka mid ahaa dadkii gobolka Minnesota, ee cariga Mareeykanka katagay, iyagoo xil-doon ah. Waxeey qaraabo ahaayeen marxuum ex-wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo loo yaqaanay: Cabdi Xoosh, balse waxeey ku kala duwanaayeen dhanka aqoonta, khibrada, iyo waliba aftahannimo. Xilligii MD Xasan Sheekh waqtigiisa sii dhamaanayey, ee kuraaska xubnaha baarlamaanka lootartamayey, ayaa madaxweeynaha, oo ay aad isugu kacsanaayeen Cabdi Xoosh (AUN), ayaa wuxuu dhaqaale iyo awood siyaasadeedba kubixiyey, inuusan kursiga xildhibaannimo kusoo noqon Cabdi Xoosh, si arintaasi uhirgashana, wuxuu Sadiiq Warfaa faraqa ugu wadashubay, lacag lagu sheegay: $250,000, si uu Xildhibaan ugu noqdo, lacagtaa oo aheyd hantidii ummada, ee shaqaalihii doowlada iyo ciidankaba 8-bilood ka gaajeeysnaayeen. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wuxuu, kala hadlay Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo markaa hogaaminayey maamulka Puntland, si uu wax ugu farsameeyo, una soosaaro Sadiiq.Warfaa. Dabcan waxaa la ogaa miisaanka iyo magaca Cabdi Xoosh (AUN). Sida uu Cabdi Xoosh Facebook-giisa kusooqoray xilligaa, maalintii natiijada doorashada, booskaa xildhibaannimo looga dhawaaqay Puntland inuu Sadiiq Warfaa kusoobaxay, ayaa Cabdi Xoosh (AUN), wuxuu Facebook-giisa kusooqoray, in loosheegay in doorashada dib loodhigay, maalin heblaayana dhicidoonto, nasiibdarose doorashadii xilligii lagu ballamay, xilli aan aheyn ayaa laqabtay, qaab kushubasho ahna loogu dhawaaqay In Sadiiq Warfaa kusoobaxay.(Fiiri qoraalkiisii Facebook-ga). Cabdi Xoosh wuxuu ka dharagsanaaa, in Madaxweeynaha dalka awoodii dhaqaale, iyo tii siyaasadeedba isugu geeyey inuusan soobixin. Nasiibdaro! Waxaaa kasii hiiliyey Dr.Cabdiweli Gaas. Ugu dambeyn wuxuu yiri xalaal-Caleyk, wuuna isaga sabray kursigaa laga bililiqeystay. Waxaa taa mid la mid ah lagu sameeyey Xil. Cabdullaahi Goodax Barre, oo eey sidaa si la mid ah MD Xasan Sheekh isku kacsanaayeen, balse wuxuu taageero ka heeystey Ugaaskiisa, madaxweynihii horee Hirshabeellana: Cali Cabdullaahi Cosoble, wuu iska diiday inuu ka hiiliyo. Akhristoow waxaa lagaaray xilligii doorashada Madaxweeynenimada. Sadiiq Warfaa wuxuu kamid ahaa xildhibaannadii MD Xasan Sheekh kuraaska xildhibaannimo ugu boobay hantidii ummada, sidaa daraadeed wuu ka hiiliyey mudane Farmaajo, wuxuuna sida lasheegay codkiisii siiyey MD Xasan Sheekh. Nasiibwanaag! Waxaa madaxtinimadii dalka kusoobaxay mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Islamarkii uu Sadiiq Warfaa xaqiiqsaday in Madaxweyne Xasan Sheekh laga guuleestay, wuxuu go’aansaday inuu sugto, raysalwasaaraha uu madaxweeyne Farmaajo soomagacaabi doono, maadaama raysalwasaaruhu soo dhisidoono golaha wasiirada, badanaana xildhibaanada kuraas badan ka helaan. Markii raysalwasaare mudane Xasan Cali Kheeyre lamagacaabay, sikasta iyo waxkasta wuu usameeyey Sadiiq Warfaa, si golaha wasiirada loogudaro,oo xitaa looga dhigo Wasiir-kuxigeen. Raysalwasaaraha oo tixgalinayey aqoonta sare, khibrada, kartida iyo hoowshii uu kasooqabtay arimaha dastuurka dalka, ayaa Cabdi Xoosh (AUN), oo eey qaraabo ahaayeen, umagacaabay wasiirkii dastuurka. Sadiiq Warfaa maalintaa waxeey u aheyd, maalin naxdin weyn, oo murugo badan. Wuuna ogaa inta Cabdi Xoosh noolyahay, siyaasadana kujiro, inuu xilka reerka kusoo aada markasta ka mudnaanayo, oo uu qaadanayo. Wuxuu markale dagay qorshe ah bal inuu aado dhanka Nabad iyo Nolol, gaar ahaan raysalwasaare Kheeyre, markuu fursad uhelana idaacadaha iyo TV-yadana ka amaano, si lacalla hadii xilka lagaqaado Cabdi Xoosh (AUN), uu xilka wasiirnimee tolka isaga uhelo. Siduu raysalwasaare Kheeyre isugu sahayey, wuxuu uguyaraan kuguuleystay, in dhowr safar uu raysalwaasaaraha hore usiiraaco, laakiin dhanka xilka wasiirnimo waxaa wali noolaa wasiir Cabdi Xoosh, wadashaqeyn wacanina kala dhaxeeysey raysalwasaare Kheyre, golaha wasiirada, iyo guud ahaan dhamaan xubnaha dowlada. GABAGABO IYO GUNAAD Su’aashu waxeey tahay raysalwasaare Kheeyre ma wxuu umagacaabidoonaa wasaaradaa uusan laheyn aqoonteeda, khibradeeda, iyo waliba kartideeda intaba? Mise shaqsi uqalma ayuu kubadalidoonaa booskii uu ka dhintay marxuum Cabdi Xoosh Allaha unaxariistee? Mahadsanidiin. Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor) Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed. abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay ka soo qeyb-galeen Shir Madaxeedka Africa Now ee shalay lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Kampala ee caasimada Uganda. Shirka Afrika Now ayaa diiradda lagu saaray arrimaha nabadgelyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika,iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ka jeediyay shirkaas Khudabad. Mudane Farmaajo ayaa inta uu joogay Magaalada Kampala waxa uu kormaaray askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tababar Layli Sarkaal ah ku qaadanaya Dugsiga Tababarka Militariga. Kabamba ee dalka Uganda. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Milkiilayaasha dhul ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa ka cabanay dhul boob lagu hayo dhul ay leeyihiin. Waxay shacabka Soomaaliyeed uga digeen in ay hanti ay iska geliyaan dhulkaasi oo ay tibaaxeen in ay iyagu u haystaan sharciyad. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Dhul-boob.mp3 View the full article
-
(SLT-Nairobi)-Wasaaradda Gaadiidka ee dalkaasi ayaa shaacisay in aanu Wasiirka Duulista Hawada ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Salaad “Oomaar” wax door ah ku lahayn Qandaraaska loogu tartamayey Wakiilka Guud ee Iibinta ee Xafiiska Shirkadda Diyaaradaha Kenya Aiweys u jooga dalka Soomaaliya. Shirkadda Kenya Airways waxay bishii November ee sannadkii hore soo bandhigtay Qandaraas ay kaga codsatay ciddii danaynaysa inay u tartami karaan jagada Wakiilka Guud ee Iibinta ee Shirkadda ee gudaha Xuduudka Soomaaliya. Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka ee Kenya ayaa sheegay inay Kenya Airways iyo Saraakiisha iyo Wasaaradiisa ahaayeen kuwii go’aanka ka gaadhay xulashadda qofka Madaxda ka noqon doona Xafiiska Iibinta Kenya Airways ee suuqa cusub ee Soomaaliya. Codsiga Ogeysiiska ee Qandaraaskaasi ayaa ku beegnayd isla bishii ay Shirkadda Kenya Airways bilowday Duullimaadka Tooska ee Garoonka Caalamiga ee Jomo Kenyatta ee Nairobi iyo Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee Muqdisho. Agaasimaha Fulinta ee Kenya Airways, Sebastayn Mikoz ayaa sheegay in Khadka cusub ee Muqdisho qeyb ka yahay qorshaha ay ku doonayaan inay ku kordhiyaan Duullimaadyadda Kenya Airways, wuxuuna hoosta ka xariiqay in muhiimadda la siinayo Macaamiisha Shirkadda ee isugu jira Maalgashadayaasha, Ganacsatadda iyo Dalxiisayaasha ee ka shaqeysta ama maalgashada Soomaaliya. Source