Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,234
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda racfaanka gobolka Marood-jeex ayaa Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur waxa ay ku xukumay 8 sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo 625,000 dollar (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo doollar) Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur ayaa lagu eedeyey inay jarjareen Xadhko ay lahayd Shirkada SOMCABLE gaar ahaan deegaanka Oodweyne. Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur waxa hore sii deysay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex 29kii Oktoobar 2018ka, waxaanay muddo 5 bilood ah u xidhnaayeen ambiil ay qaateen Xeer-ilaalintu, markii wax dembi ah lagu waayay. Dhagaysiga rafcaanka dacwaddooda ayaa waxa la bilaabaykaas Arbaca 13kii Feberweri 2019ka, taas oo saaka laga gaadhay g’aan. Source
  2. Maarso 06, 2019, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlayey ka hortagga abaaraha Puntland. Kulankan uu shir Guddoomiyey [...] Source
  3. Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlayey ka hortagga abaaraha Puntland. Kulankan uu shir Guddoomiyey Madaxweyne kuxigeenka [...] Source
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya. Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka. Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Source: goobjoog.com
  5. Nairobi (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya. Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka. Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. DHAMMAAD View the full article
  6. 06 March 2019, Johannesburg – International SOS, the world’s leading medical and travel security risk services company, and Control Risks, the world’s leading specialist global risk consultancy, are very pleased to announce the appointment of Anneline Booyse-Mofokeng to the role of Security Director for Africa. Booyse-Mofokeng is an accomplished security professional, with previous security roles including at the Bill and Melinda Gates Foundation, World Bank, Eskom Electoral Institute of Southern Africa South (EISA) and The Board of Healthcare Founders. Anneline is a member of the OSAC Africa Region Committee, where she serves to both enhance the image of Africa and to drive the agenda for security in Africa. One of her passions is to continue with her successful contribution to the advancement of females in the field of security, and to enable them to reach their full potential. Philippe Couturier, Regional General Manager-Africa, International SOS commented “Anneline will bring an exceptional combination of skill, energy and proven leadership to our clients. Her vast experience, including in analysis, intelligence, operations and forensic investigations will be a great asset to the team, our clients and members. These skills will complement our established team to advise organisations of the most appropriate and sustainable security solutions for their mobile workforce.” Based in Johannesburg, Booyse-Mofokeng will deliver security consulting and training solutions to clients and members. In addition, she will have a fully integrated security operational role, providing business-as-usual support to Dubai and Europe Regional Security Centres as well as the wider Security Services platform. Anneline Booyse-Mofokeng, Security Director-Africa, International SOS and Control Risks said “I am very excited to be part of the team and honoured to work for such a well-respected company in the risk mitigation space. I look forward to working with my customers and helping them find the best and most sustainable security solutions for their business travellers” Anneline holds a Bachelor of Arts in Political Science from University of Stellenbosch and a Bachelor of Arts (Honours) in Political Studies from the University of Johannesburg amongst many and her latest qualification is a Masters Degree in Security Management from the School of Governance at Wits. She believes in giving back to the community and does an annual talk at her hometown school to motivate rural scholars and is also part of Sizanani, an NPO, who supports learners from grade 10-12 in Alexandra Township, to improve marks to better their level of education at school and at university. International SOS provides 24/7 medical and travel security risk services to clients working and travelling abroad. For more information about International SOS, visit www.internationalsos.com . Control Risks is a specialist global risk consultancy that helps to create secure, compliant and resilient organisations in an age of ever-changing risk. For more information about Control Risks, visit www.controlrisks.com . Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, ayaa heshiis ku gaaray magaalada Nairobi oo maanta ay wada-hadallo ku yeesheen. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal iyo wada-shaqeynta. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka Villa Somalia Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya. Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka. Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. DHAMMAAD Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. MAXAMED RASHID SHEEKH XASAN: GEERIYAAY XEJIYAAY FOGEEYAAY. Waxaan alle ka baryayaa in uu u naxariisto oo jannadii fardawsa ka waraabiyo Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo jimcihii lagu aasay magalada hargeisa. iyadoo bulsho waynta somaliland yar iyo wayn. madax iyo shicib ba ay sidaas ugu duceeyeen. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan waxa uu lahaa sifooyin badan oon inta badan dadka ku kulmin ama ay adagtahay inuu qof kaliya wada yeesho,hadaba waxaan maqaalkan ku so qaadan doonaa qaar ka mida sifooyinkii ama tilmaamihii Maxamed lahaa. Waxaan ka mid ahaa dadkii ku noolaa magaala madaxda soomaliya ee muqdisho 1989 bisii July oo uu ka dhacay xasuuq ba`an oo loo gaystay dad aan waxba galabsan oo loo aaneeyay inay ahaayeen dadku abtirsada SNM oo xilligaa halgan hubaysan kula jrtay taliskii Maxamed Siyaad Barre. halgan kaas oo akhirkii lagu guryo keenay madax banaanida somaliland 1991kii ilaa maantana ay ku naaloonayaan dadka reer Somaliland, inkastoo aan wali aqoonsi caalami ah lahayn hadana waa loo dhabar adygayaa ilaa inta laga gaadhayo. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan kolkii xasuuqaasi dhacay waxa uu ku sugnaa muqdisho isagoo ka tirsana BBC-da laanteeda afka soomaliga waanu ka warqabay wixii meesha ka dhacay kadib waxa uu ku laabtay London isagoo qaybta afka ingiriisiga kaga waramay wixii dhacay iyo xasuuqii loo gaystay 40 ka qof een wax ay galabsadeen jirin. Aniguna waxaan kamid ahaa dadkii alle ka badbaadiyay xasuuqaa waxaanan ku noolaa xaafada madiina oo ahayd goobtii laga ururiyaya dadka. Arinkan maxamed siciid si aan gabasho lahayn ayuu uga war bixiyay. waxay ku qaadtay maalin dhan soo bandhigidii dhacdooyinkii Muqdisho ka dhacay isagoo kolba waraysi siinaya qaybaha kala duwan ee BBC da, isagoo marka uu studio ka baxaba mid kale galayay. Maxamed warbixinta qoraal kuma sii diyaarsan intii uu joogay xamar ee maskaxdiisa ayuu ku sii kaydiyay wixii xog ahaa isagoo ka baqay in ay sirdoonkii Siyaad Barre baadhis ku sameeyaan intaanu ka duulin madaarka muqdisho. Markii uu London gaadhayna si aan waabasho ku jirin ayuu u faafiyay aan idhaahdo waxa uu u hiiliyay islaamnimada iyo dadnimada ba, isagoon eegayn aragti siyaasadeed iyo mid hayb ama qabiil toona taasi waxay ku tusinaysa aragti fogaanta Maxamed lahaa oo laga hei karo uun inyar oo dadka ka mida. Sifaha labaad ee aan ku jeclaa waxa ay ahayd inuu si dhab ah oo aan isyeelyeel ku jirin u aaminsanaa Somaliland goor kasta iyo goor kastaba, si buuxda oo aan dhuuni ku raadsi ahayn isagoo aaminsanaa inay tani tahay ciidiisii hooyo. Waxaan afar wiig dhamayn ka hor ayuu tafatiraha wargayska Geeska Afrika Mr Ranbo ugu tagay xafiiska wargayska oo uu u sheegay inuu ka qoro hambalyo uu u dirayo ciidanka qaranka Somaliland isagoo xitaa ay ka muuqatay tawsta xanuunkii uu u dhintay. Waa kuma qofka taa fali karaa? waxaan odhan karna ilaa maalmihii ugu danbaysay ee noloshiisa ayuu dal jacaylku gilgilayay waana sifo dhif iyo naadir ku ah dadka. Sifada saddexaad ee uu lahaa waxay tahay muu ahayn qof xaqiiri ah ama xaasida oo dadku isku mid ayay u ahaayeen tusaale ahaan waxa jirta hawl aanu baryahanba ku hawlanayn oo ahayd in la ururiyo oo buug laga qoro tariikhdii suxufigii caanka ahaa ee Mustafe Xaaji Nuur oo ay soo wada shaqeeyeen maxamed, wax ka yar sadex wiig ka hor ayuu na siiyay waraysi ku sahaban Mustafe iyo inta uu ka yaqaanay. isagoo xanuunsanaya ayuu hadana maansoor nagula balamay oo noola shaqeeyay si hagar la`an ah. Ma filayo in laga soo dhex helayo bulshada nin sidii soo kale labadaa hawlood iska xil saari lahaa isagoo buka oo ayna waliba wax aduun ahi kasoo galayn sabata kaliya ee u sameeyay waxay ahayd dal iyo dad jacayl. waxa kale oon qirayaa inu ahaa nin aaragti fog oo ka madax banaan qabiil jeclaysi, qof jeclaysi iyo koox jeclaysi ba. godka lagu jane waxa kale oo uu aad ugu adkaa oofinta balamaha uu galo. runta ayuu u sheegi jiray si biyo ka dhibcaan ah goorta iyo goobta uu kugu la balamayna uu taagnaan jiray. waxaan ku soo afmeerayaa maqaalkan kooban maansadii uu gaariye tiriyey ka dib geeridii Timacadde ee ahyd geeriyeey xijiyaay fogeeyaay, anigoo saddexdooba alle u ga baryaya danbi dhaaf iyo inuu ku casuumo janooyinkiisa sare. ALLAA MAHAD LEH. Qore: Cabdi Muxumed cabdimuhumed60@gmail.com Qaran News
  9. Addis Ababa (Caasimada Online) – Munaasabad lagu xusayay guushii Ethiopia ka gaartay Soomaaliya dagaalkii dhacay 1977 ayaa lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, munaasabadaasi oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin kala duwan. Magaalada Adis ababa ee dalka Ethiopia waxaa lagu qabtay xaflad loogu dabaaldegayay guushii Ethiopia ay ka gaartay Soomaaliya dagaalkii labada dal dhexmaray sanadihii 1977 ilaa 78ddii ee loo bixiyay Kaaramardha. Dhallinyaro Reer Adis ababa ah ayaa isugu soo baxay Fagaaraha Taallada Dilachin ee Bartamaha Adis ababa,waxaana ay halkaas ku xuseen guushii Ciidankii Ethiopia ay Soomaaliya ka gaareen 5tii March sanadkii 1978ddii. Dagaalkaas waxaa ka qeybgelay 300,000 oo Itoobiyaan ah iyo Tobanaan kun oo Askarta Dalka Cuba ah,kuwaas oo taageerayay Ethiopia, waxaana in badan oo ka mid ah Askarta Cuba ay naftooda ku waayeen dagaalkaas. Soomaaliya ayaa qeybta hore ee dagaalkaas guul ka gaartay,waxaana ay gudaha u gashay 700KM. Soomaaliya dhinaceeda waxaa dagaalka uga baxay Midowgii Soviet,waxaana taageerayay Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Ethiopia Caasimada@live.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Cusbitaalka ‘Hargeisa International Hospital’ ayaa sheegay; in Sheekh Aadan Sunne oo ku xidhan xabsiga Hargeysa uu u baahan yahay qalliin degdeg ah, ka dib baadhitaan lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in boggu dillaacey (Bogdillaac) sheekha. Sidoo kale cisbitaalku wuxuu sheegay;” in sheekhu u baahan yahay; saddex bilood oo nasasho ah, marka qalliinka lagu sameeyo.” Source
  11. Wafdi ka socday dowladda Sacuudiga ayaa soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland,kuwaas oo u kuurgalaya xaalada goobaha caafimaadka ee Puntland . Wafdigan [...] Source
  12. Nairobi (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi dalka Kenya ayaa sheegaya in hakad uu ku yimid dhaqdhaqaaqii garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi kaasi oo ah garoonka ugu weyn Bariga Africa. Garoonka diyaaradaha ee Kenya ayaa shaqada laga joojiyay abaaro 03:30 am kadib markii la joojiyay dhamaan duulimaadyadii kasoo dagi lahaa kana duuli lahaa garoonka diyaarada ee JKIA. Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Nairobi ay joojiyeen shaqaalaha shaqadii ay ka hayeen garoonka, waxaana taasi ay dhalisay in gabi ahaanba joogsadaan dhaqdhaqaaqiii garoonka. Shaqaalaha garoonka diyaaradaha ayaa ka cabanaya maamul xumo ay sheegeen inay garoonka ka jirta, qaabka shaqaaleynta iyo qorshe ay maamulka Garoonka kula wareegeyso shirkadda Kenya Airways. Dad badan ayaa ku xayiran Garoonka oo ay Soomaali ku jirto, waxayna gebi ahaan socon wax shaqo ah, waxaana rakaab badan ay ka buuxsameen gudaha iyo bannaanka garoonka, iyadoo xaaladu ay cakiran tahay.
  13. Abaarta ka jirta deegaanada Puntland ayaa la sheegay in ay aad u baaxad weyntahay,waxayna saamaysay dadbadan oo reer guuraa ah . Shirka ayaa waxaa lagu [...] Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Xisbiyada Mucaaridka Ah UCID Iyo WADDANI Oo Kulan La Yeeshay Wafti Ka Socday Midowga Yurub Kana Hadlay Mawqifyadooda Komishanka Iyo Wakhtiga Doorashada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Gudoomiyaha degmada Bandar -beyla Siciid Anteeno oo waraysi gaar ah siiyay warsidaha Puntlandi.com ayaa waxa uu kaga hadlay sharaaciida horumarineed ee degmada ka hirgalay tan [...] Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Xukuumada somaliland ayaa war ka soo saartay kulankii Addis Ababa ku dhexmaray madaxweynaha soomaaliya iyo raysal wasaaraha dalka Itoobiya. War lagu baahiyey boga wasaarada arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo garwaaqsaday kaalinta ay somaliland kaga jirto arrimaha gobolka geeska Afrika. Warka ka soo baxay xukuumadda Somaliland ayaa u dhignaa sidan: “Dawlada Jumhuuriyada Somaliland waxay soo dhawayneysaa sida Maamulka Farmaajo u garwaaqsadey in ay Somaliland tahay Dawlad Kaalin muhiim u ah kaga jirta Arimaha Gobolka Gaar ahaan dhinacyada Nabad galyada iyo Horumarka Dhaqaalaha ee Gobolka oo aan indhaha laga lalin karin marnaba. Isla Markaana uu Aqbalay in aanu Soo Faro Galin Xidhiidhka Soo jireenka ah ee Somaliland iyo Ethiopia.” Source
  17. Muqdisho (SMN) – Aabe C/qaadir Muudey Raamoole oo ka mid dadka leh dhul dhaxaltooyo oo ku yaalla deegaanka Jasiira ayaa ka cabanaya dhul lagu hayo. Dhulkan oo ay dacwaddiisu taallo maxkamadaha dalka ayuu sheegay in ay boobiyaan dad og in ay leeyihiin iyaga, islamarkaana ka iibinaya shirkado, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Aabahani Soomaaliyeed ayaa ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo faragaliso arrintaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Cod.mp3 View the full article
  18. Waxaa saacadihii ugu dambeeyey jirtay hadalhayn badan oo ku aaddan safarkii uu madaxweyne Farmaajo xalay ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda qaarkood waxay sheegeen in loo baahnaa madaxweyne Farmaajo inaanu tagin Nairobi maadaama ay Kenya kusoo gardarrootay Soomaaliya. Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog wuxuu sheegay in aanay jirin wax ku jaban tagista madaxweynaha ee Nairobi. Muhiimadda ayuu sheegay iney tahay ilaalinta danaha dalka iyo madaxbanaanida, sidoo kalena meel adag laga taagnaado arrimaha hadda lagu muransan yahay. Wuxuu sheegay in Kenya ay ku fashilantay boobkii ay ku dooneysay iney ku qaadato dhul Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WAREYSI-XILDHIBAAN-CLAAHI-SHEEKH-ISMAACIIL.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Algeria)-Dad badan oo reer Algeria ay ayay ku adagtahay in ay fahmaan sida madaxweynahooda oo 82 jir, 6 sanno ka horna uu ku dhacay xanuunka shalalka, kaas oo uu hadalka ku adagyahay, aanana socon karin uu dalkaas usii maamuli karo. Dadka ayaa aad usii yaabay markii uu ku dhowaaqay in markii 5-aad uu isu soo taagay xilka madaxweynenimada. Markii maalintii axadda ay musharixiinta isu diiwaangalinayeen doorashada, isaga waa uu iman waayay caafimaad darro awgeed. Kumanaan qof ayay taas ku kaliftay in ay dariiqyada isugu soo baxaan, kana banaan baxaan musharaxnimadiisa. Markii ugu dambeysay ee uu dadka la hadlay waxa ay ahayd 2014-kii, xilligaas oo uu khudbad ka jeediyay taleefishinka. Dadka reer Algeria aad ayay u nasiib badanyihiin haddiiba ay mar iyo labo ka arkaan taleefishinka isaga oo salaamaya wafti soo booqday dalka. Haddii kale maba arkayaan madaxweynahooda muddo aad u dheer. Doorashadii hore waxa uu muujiyay dareen ah in uu xilka wareejin doono, balse sannadkii hore ayay kala caddaatay in xisbigiisa uu isaga usoo sharaxayo xilka markale. Isaga si shaqsi ah uma galo ololaha doorashada, waxaa hawshaas u qabta xisbigiisa, balse sidaas oo ay tahay ma jiro qof cadcad oo la tartami kara. Xisbiyada mucaaradka waa kuwa aad u kala qeybsan, xisbigana talada hayana ma jirto qof muuqda oo ay soo saareen illaa iyo hadda oo xitaa la fili karo in uu badelo madaxweynaha. Xisbiga talada haya ee FLN waxa uu dalkaas soo xukumayay tan iyo markii uu xornimada qaatay sannadkii 1962-dii. Waxaa inta badan awoodda inteeda badan gacanta ku haya saraakiisha sarsare ee xisbiga, jeneraalada ciidanka iyo waliba ganacsato waaweyn. Waxaa jira qaar ka mid hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo dowladda marar badan heshiisyo la galay ama siyaabo kale ugu qancay dowladda, taas oo ka dhigtay kuwa aan sumcad lahayn. Hase yeeshee dagaalkii sokeeye ee dhamaaday 2002-dii ayaa dad badan ku keenay in ay wax kasta ay ka doortaan xasiloonida dalka ka jirta. Source
  20. Addis Ababa (Caasimada Online)-Dowladda Ethiopia ayaa ka hadashay shirka seddex geesoodka ah ee ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo u dhaxeeya madaxda dalalka Ethiopia, Somalia iyo Kenya. Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa lagu shaaciyay in Ethiopia ay qaadatay masuuliyadda Dhexdhexaadinta dalalka Somalia iyo Kenya oo xiriirkooda uu xumaaday waxii ka dambeeyay bartamihii bishii Febraayo ee sanadkaan. Abiy Axmed ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo ah guddoomiyaha urur goboleedka IGAD ayaa shaaciyay in masuuliyadda uu u qaaday sidii loo xalin lahaa khilaafka dalalka Kenya iyo Somalia, maadaama la doonayo in qeyb ka noqdaan isbadalka geeska Africa. Kulamo hordhac ah oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa xalay ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana kadib bilowday wadahadalka Uhurru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo. Qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa lagu sheegay in EThiopia ay dooneyso inay deris wanaag ku wada noolaadaan dowladaha bariga Qaarada Africa ku wada yaala. Ethiopia ayaa lasoo baxday isbadal siyaasadeed uu ka duwan kuwii hore tan iyo markuu xilka qabtay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, waxaana uu la heshiiyay dowlado badan oo ku yaala bariga Africa. Caasimada Online Xafiiska Ethiopia Caasimada@live.com
  21. Ambassador C/raxmaan Diinaari ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay siyaasad deggan u isticmaashay dowladda Kenya kadib markii ay sheegeen iney jareen xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya. Waxa uu Diinaari oo la hadlay Goobjoog uu sheegay in Kenya ay dooneysay in Soomaaliya ay walwasho, sidoo kalena qalqal galo marka xiriirka loo jaro, balse wuxuu tilmaamay in qaab farsameysan loogu jawaabay Kenya. Arrintaasi ayuu sheegay iney keentay in Kenya ay weyso cid taageero ku siisa go’aankeeda, taasi bedalkeedana ay dib u garowsato iney fududaatay. Waxa uu dowladda federaalka ugu baaqay in aysan marnaba isku dabcin Kenya oo ay ku adkeysato go’aankeedii hore. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Wareysi-Ambassador-Craxmaan-Diinaari.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Nairobi)-Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi kulan ku yeeshaan madaxweynayaasha dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, waxaana kulankaa goob joog ka ahaan doona raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed. Labada madaxweyne ayaa la filayaa in kulankooda ay iskula soo qaadaan khilaafka soo kala dhaxgalay ee la xiriira muran badda, kaddib markii dowladda Kenya ay sheegtay in ay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jirtay Soomaaliya. Uhuru Kenyatta ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo isla shalay magaalada Addis Ababa sidoo kale kula shiray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay wadajir ugu kicitimeen magaalada Nairobi. Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinur Maxamed Axmed, oo ka mid ah wefdiga la socda madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in kiiska badda lagu muransan yahay ee yaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aan wax gorgortan ah laga geli doonin. Source
  23. (SLT- Birmingham)-Waalidiin xanaaqasan ayaa ka joojiyay carruurtooda in ay u diraan iskuulka Parkfield community ee magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska,talaabadan ayaa ka danbeysay kadib markii Dawlada ingiriiska ay soo rogtay in laga dhaqan galiyo iskuulada waddankaasi barashada arrimo la xiriira galmada dadka isku jinsiga ah, qofkuna dooran karo lab iyo dhedig qofka uu noqonayo lammaanihiisa. ‘Dadka dhigta iskuulkan in ka badan boqolkiiba shagaashan waa Muslim,iskuulkan wuxuu wax ku yahay waa ardeyda,qorshahan waxaa wata qolyahan u ololeeya xuquuda kuwa u ololeeya galmada dadka isku jinsiga ah,waxayna ku dacwoonayaan waxaan ka cararaynaa in nala faquuqo,dadkii muslimiinta ahaa waxyaabo aysan aqoon ayay noqdeen,dacwooyin ayay ka sameeyeen oo baarlamaanka loo diray walina waxba lagama qaban” sidaas waxaa u sheegay BBC-da Mohamed Adan oo dagan magaalada Birmingham. Ardayda iskuulkan laga saaray ayaa kor u dhaafaya 600, waxaana wali socota dacwadda u dhaxaysa maamulka iyo waalidiinta ardayda. Carruurta iskuulkan laga joojiyay da’aadoodu waxay u dhaxaysaa 4 ilaa 11 jir, wali waxaa socda mudaharaadyo joogta ah oo ay sameynayaan waalidiinta ardayda dhalay kuwaas oo dalbanaya xaquuqda ay u leeyihiin in la dhagaysto rabitaankooda iyo ka carruurtooda oo ah in laga joojiyo dhaqangalinta sharcigan iskuulada ay dhigtaan. Maxamed Aadan ayaa sidoo kale sheegay ”Arrinkani walaac xoogan ayuu ku dhaliyay waalidiinta Soomaaliyeed joogitaankooda dalkan,carruurtu iskuul la’aan ma joogi karaan guryaha looma diri karo iskuulo lagu baranayo dhaqankan nagu cusub ,wadatashi ayaa u socda sidii loo wajihi lahaa arrinkan iyo sidii loola falgalilahaa arintan”. Waalidiinta ardayda ayaa ku dooday in ay tahay in lagala tashado manhajka iskuulka lagu soo kordhinayo maadaamaa uu saameyn weyn ku yeelan karo carruurtooda. Waxyaabaha kale ee manhajka lagu kordhiyay ayaa waxaa ka mid ah barashada arrimaha la xiriira diimaha kala duwan iyo bulshooyinka kala isirka ah sidii ay u wada noolaan lahaayeen, balse waa qodobka ku saabsan xiriirada dadka kan buuqa weyn dhaliyay. Magaalada Birmingham waxaa ku nool muslimiin kabadan illaa 200 oo kun,kuwaas oo si wayn uga soo horjeeda dhaqan galinta sharuurcdan cusub ee lidka ku ah diintooda iyo dhaqanka dadka muslimka ah. Xildhibaanka laga soo doorto deegaankaas Liam Byrne ayaa sheegay in uu ka codsaday xoghayaha waxbarashada Ingiriiska in uu la kulmo waalidiinta, kadibna dhagaysto cabashadooda. Marka la gaaro sannadka 2020-ka, dalka Ingiriiska wuxuu qorshaha yahay in la dhaqangaliyo manhaj ay ku jiraan arrimaha ay waalidiintan ka cabanayaan ee iskuulka uu si iskiis ah usoo jeediyay in la dhaqangaliyo. Source
  24. Dr Cali Saciid Maxamuud Kulane oo aad ula socda xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo guud ahaan geeska Africa ayaan wax ka weydiinnay waxa laga filan karo xilligan kulanka la filayo in magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen madaxda dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Waxa uu sheegay Dr Cali Saciid in kulankaasi loo badinayo iney isku fahmaan Soomaaliya iyo Kenya, maadaama uu maalmahan dambe xumaa xiriirka Diblomaasiyaseed ee Labada dal. Waxa uu sheegay in ay ahayd madaxda Kenya iyo Soomaaliya in ay ku kulmaan dal kale, balse safarka uu madaxweyne Farmaajo ku tagay Nairobi ay muujineyso niyad sami dhanka Soomaaliya ah, marka loo eego wixii ay fashay Kenya. Dr Cali Saciid ayaa rajo ka muujiyey in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku guuleysto isku keenista Soomaaliya iyo Kenya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WAREYSI-Dr-Cali-Saciid-Maxamuud-Kulane.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Caasho Cabdulle ayaa dooneysa in dib loogu soo celiyo dalka Soomaaliya, kadib markii sanadkii 2008 ay afduubatay diyaarad rakaab ah oo mareysay hawada New Zealand. Haweeneydaan ayaa la sheegay inay xiligaasi isku dayday inay mindi ku afduubato diyaarad kasoo dhaqaaqday magaalada Blenheim kuna sii jeeday magaalada Christchurch ee dalkaasi. Caasho Cabdulle ayaa dhameysatay xukun sagaal sano ah oo lagu xukumay, kaasi oo u dhamaaday sanadkii 2017, waxaana labadii sano ee ugu dambeeyay lagu sii hayay xabsiga dalka New Zealand. Dhaqaatiirta dhinaca dhimirka ah ayaa ku taliyay in Caasha markii ay dhameysatay xabsigeeda lagu sii hayo meelo gaar ah oo cilmu nafsi ahaan loogu daryeelo, maadaama la sheegay inay dhibaato badan la kulantay, loona malaynayo inay sidaasi diyaaradda u afduubatay. Waxaa ay hadda dooneysaa in dib loogu soo celiyo dalkeeda Soomaaliya,waxaana ay tiri “ma doonayo inaan sii joogo New Zealand,waxaan doonayaa halka ay joogaan qoyskeyga, halkaas ayaan amaan ku helayaa”. Ma jiro wax jawaab ah oo dowladda New Zealand kasoo baxay iyo wax jawaab ah oo maxkamadda ay soo saartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com