Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka nagasoo gaaraya magaalada Bosaso ayaa shegaya in goor dhowayd halkaas lagu tooogtay Suldaan bashiir muuse koonte oo kamid ahaa Isimada Puntland Nin ku hubaysan [...] Source
  2. Jowhar (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa ka hadlay weerarkii ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen deegaanka Gamboole ee duleedka magaalada Jowhar. Al Shabaab ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid ciidamada Bangaraafka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ajaaniibta maadaama sida ay sheegeen ay hayeen xogta weerarka la xiriirta. Ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayay sheegeen inay ku degeen meel u dhow deegaanka kadibna ay isku dayeen inay gudaha u galeen, balse ciidamada Al Shabaab ka hortageen, sida Al Shabaab sheegeen. Deegaanka Gamboole ayaa qiyaas ahaan 50 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Jowhar, waxaana sawirada Al Shabaab ay ku sheegeen inay ahaayeen waxyeelo rayidka soo gaartay. Al Shabaab ayaa sheegay in labo ruux oo rayid ah ku geeriyoodeen weerarka ciidamada Mareykanka, waxaana dhankooda ay sheegeen inay dileen xubno ka tirsan ciidamada huwanta ee weerarka ka dambeeyay. Al Shabaab ayaa sheegay in weerarka kadib saaka asmaato badan oo ciidamada huwanta lahaayeen lagu arkay deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  3. Istanbul (SMN) – Wasiirka Bartoolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa magaaladda Istanbul kula kulmay dhigiisa Turkiga. Kulanka ayaa diirada lagu saarey sidii loo xoojin lahaa wadasheyn dhow oo ay yeeshaan labada wasaaradood. Mr Cabdirashiid ayaa shaaciyay in la isla qaaday qorshe ay wasaaraddu waddo oo ah in wajiga 2aad ee kheyraadka dalka lagu soo bandhigo Turkiga. “Waan isku afgaranay, waxaana ku heshiinay in ay nagala shaqeeyaan arrintaasi,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray. Ugu dambeyntii, wasiirka Bartoolka xukuumada federaalka ah ayaa daboolka ka qaaday in qodobadii ay isku raaceen la dhaqan-gelin doono. “Shirka waxaa kasoo geli doono shirkado caalami oo daneeya shidaal qodista, oo aan ku marti qaadi doono,” ayuu daba dhigay. Bishii Febraayo ee sanadkaan 2019 ayay ahayd markii dowladdu kusoo bandhigtay caasimada UK ee London wajiga 1aad ee kheyraadka dalka. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-08032019.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Dumarka Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaaldegaya 8-da Maarso oo ku beegan maalinta caalamiga ah ee haweenka dunida. Munaasabado waawayn oo arrintaan lagu wayneynayo ayaa la filayaa in ay ka kala dhacaan magaalooyin ay Muqdisho kamid tahay. Dhanka kale, marwada 1aad dalka, ayaa hambalyo ku aadan maalintaan u dirtay haweenka Soomaaliyeed. Xuska maalintaan ayaa kusoo aadaya iyada oo ay jiraan tacadiyo lagula kacayo haweenka Soomaaliyeed oo u badan kufsiga. Hadaba, waxaad halkaan hoose ka dhageysan kartaan warbixin aan idin kaga diyaarinay dhibaatooyinkaaasi. https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warbixin.mp3 View the full article
  6. Garowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay Puntland ku wareejiso qoondada kaga soo aadeyso tirada xujeyda Soomaaliya loo qorsheeyay sanadkaan. Wasiirka diinta Puntland Cawil Sheikh Xaamud oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka sugayaan inay ku wareejiso qoondada Puntland ay gaar u leedahay. Wuxuu sheegay in sanadkaan Soomaaliya loo qorsheeyay 11,500 oo xujey Soomaaliyeed ah, islamarkaana ay sugayaan inay toos u helaan qoondadooda, isagoo cadeeyay inay iyaga maamulan doonaan xujeydooda. Cawil Sheikh, ayaa sheegay inaysan dooneyn in shirkado gaar ah ay maamulaan xujeyda ka tageysa Puntland oo uu sheegay in lagu dayaco Sacuudiga marka la geeyo. “Waxaan oga fadhinaa wasaaradda federaalka ee Diinta iyo Awqaafta inay nagu soo wareejiso qeybtii Puntland ka soo gaari laheyd tirada xujeyda, waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay arintaan si xoog leh kaga shaqeeyaan” “Puntland ayaa maamuleyso dadkeeda, iyadaa diyaarado u keesaneysa iyadaa la imaaneysa sidii dadkaasi loo geyn lahaa Sacuudiga, anaga ma dooneyo waxaanan laheyn ee waxaan dooneynaa inaan helno waxaan xaqa u leenahay”ayuu yiri wasiirka Diinta Puntland. Sanadkii hore ayaa dhibaatooyin badan laga maray gudashada waajibaadka xajka, iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay ka hareen inay soo xajiyaan. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  7. Jowhar (SMN) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday tuuladda Gamboole ee gobolka Shabellaha Dhexe. Illo degaanka ah ayaa sheegaya in weerarka cirka ah lala beegsaday fariisimo ay halkaasi ku leedahay kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeynta kadib ay xigeen ciidamo Soomaali ah iyo kuwa ajnabi ah oo degaanka qaab lug ah ku galay. Ma cadda hadii uu jiro khasaaro ka dhashay howlgalkaasi oo aysan wali ka hadlin mas’uuliyiinta gobolka ee hoostaga maamulka HirShabelle. View the full article
  8. Jowhar (Caasimada Online)-Qaar kamid ah golahii wasiirada ee maamulka Hirshabeelle oo dhawaan xilka laga qaaday ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dacwadda ay gudbiyeen iyo cidda ay sida tooska ah ugu socoto. Wasiirada ayaa sheegay inay dacwadooda ka dambeysay kadib markii aan la siin 15 bilood oo mushaar ah oo xaq ay u lahaayeen, taasi oo keentay inay maxkamadda u gudbiyaan dacwadda ka dhanka ah hogaanka Hirshabeelle. Axmed Muuse Xuseen oo kamid ah wasiirada maamulka Hirshabeelle ee gudbiyay dacwadda ayaa sheegay inay sugayeen muddo badan inay helaan xaqa ay lahaayeen balse aysan dhicin. Wuxuu sheegay in cabashadooda ay gudbiyeen ayna ku wajahan tahay seddexda masuul ee ugu sareyso xilka maamulka Hirshabeelle, sida uu hadalka u dhigay. “Cabashooyin ayaan qabnay, waxaan dacwada u gudbinay maxkamadda, waxaana laga codsaday inaan qareen qabsano, xaq ayaan u leenahay inaan dacwoono, 15 bilood maanan helin gunadeenii, waxaana dacwadda ka gudbinay guddoomiyaha, madaxweynaha iyo ku xigeenkaba” Seddexda masuul ee ugu sareyso Hirshabeelle ayaa inta badan kala qeybsada dhaqaalaha ka yimaada deegaanada Hirshabeelle iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, sida ay qabaan qaar kamid ah wasiirada dacwadda gudbiyay. Ma jiro war kasoo baxay ilaa iyo hadda madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo guddoonka baarlamaanka maadaama ay yihiin dadka eedeynta loo jeedinayo. Caasimada Online Xafiisa Hirshabeelle Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre ayaa lagu waramayaa in uu saacadaha soo aadan u dhoofi doono magaalada Kismaayo. Khayre iyo wafdi uu horkacayo oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa la filayaa in caasimada maamulka Jubbaland si wayn loogu soo dhaweeyo. Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ayaa la rajeynayaa in uu xarun goboleedka Jubadda Hoose kula kulmo madaxda maamulkaasi. Amaanka magaalada ayaa sare loo qaaday iyada oo wadooyinka qaar lagu arkayo ilaalada ra’iisul wasaaraha oo halkaasi shalay tegay. View the full article
  10. Baydhabo (SMN) – Xukuumada Soomaaliya ayaa taageero dhinaca amniga u balanqaaday maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Cabdullaahi Xaamud, wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka ayaa shaaciyay in tani ay qayb ka tahay tubta amniga qaranka. Xaamuud ayaa hadalkaan sheegay kadib markii uu shalay magaaladda Baydhabo uga qeybgalay shirka gollaha wasiirada maamulkaasi. Shirka oo uu guddoomiyay madaxweyne Lafta Gareen ayaa lagu soo bandhigay Halbeegyada tubaha qaranka iyo hannaanka tubuhu u shaqeeyaan. Wasiir Xaamuud ayaa intaasi ku daray in dhammaan dawlad gobaleedyada kale laga qayb gelinayo dhaqan gelinta Halbeegyada tubaha qaranka. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-08032019.mp3 View the full article
  12. Jowhar (Caasimada Online)-Ciidamada kumaandooska Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada Mareykanka ayaa xalay saq dhexe weerar qorsheysan ka geystay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lala eegtay saldhiga Al Shabaab ay ku leeyihiin Shabeelaha Dhexe oo ah kan ugu weyn ee ay ku qaadaan xukunada kala duwan, waxaana la sheegay in khasaaro uu gaaray, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Hirshabeelle. Weerarka ayaa waxaa barbar socday duqeyn diyaaradaha dagaalka ay ka fuliyeen deegaanka, waxaana lagu waramayaa in lagu dilay ku dhawaad 10 ruux oo ay ku jiraan saraakiil Al Shabaab ah. Xaalada deegaanka Gamboole ayaa saakay ka duwan sidii shalay,waxaana la sheegay in Al-Shabaab dhankooda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan maadaama xalay weerar cir iyo dhul ah ay deegaankaasi xalay ku qaadeen Ciidamada kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah. Ciidamada huwanta ah ayaa la sheegay inay u degteen deegaanka, halkaasi oo weerar iska hor imaad ahaa uu ka dhacay, waxaana beegsiga weerarta uu ahaa saldhig ciidamada Al Shabaab ku leeyihiin deegaanka. Al Shabaab ayaa deegaanka Gamboole ku qaada xukunada kala duwan ee deegaanada Shabeelaha Dhexe, waxaana dadka looga yeeraa deegaankaasi marka ay dhaqaalo ka doonayaan. Caasimada Online Xafiiska Sh/Dhexe Caasimada@live.com
  13. Weedho Kala Fogeyna Shacbiga Oo Ka Soo Yeedhay Sameele Iyo Siyaasiyiin Si Adag Ugu Jawaabay Kuna Eedeeyey Inuu Qasnada Dowlad U Isticmaali Jiray Sidiid Dugaan Uu Leeyahay Wasiirkii hore ee Maaliyadda cahdigii Xukuumaddii Siilaanyo Ex Wasiir Samaale, isla markaana hadda kamid ah adeeyagaasha ugu dhow-dhow Madaxwyne Biixi, ayaa wakhtiyo kala duwan oo ku sugaan Boorama ku dhaaway haddalo xajiimaysan, kuwaas oo shacbiga reer Somaliland sii kala fogaanaya, isagoo badhkood shacbiga ku eedeeyey inay cadow ku yihiin Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa Haddaba waxa haddalkaasi ugu horreyn sida adag uga jawaabay Siyaasi ex Wasiir Aadan Cilmi dhoolayare waxaanu haddalkiisu u dhignaa sidan “In aan ka haddlo Wasiirkii hore ee maaliyada Samaale oo haddal meesha ka jeediyey beerlaxawsi xagga Madaxweyna ah oo isaga u gaar ah dhinac-na ka duray Xisbiga WADDANI kuna tilmaamay Cadow, taana aan annigu aaminsanay in Xisbi kastaa ama qof kastaa Maxakamad galaan xaaginkiisa wuu duri karaa oo xaq ayuu u leeyahay khalad iyo sax waxay ahaatoba taasi ceeb ma laha, haddii aad shaqsi tahay oo aad Maxakamada ka ash-katoonayso iyo haddii aad Xisbi tahay oo aad komishan ka ash-katooonayso sharciga ayaa beeneeyay in aad durto ama khaldanow ama sax ahow , takale maanta la iskuma haysto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi waa Madaxweynihii Qaranka weeyeen la iskuma haysto taa, haseyeeshee Samaale waxa uu ku macneeyey Tageerayaashii Xisbiga WADDANI ama ummaddii reer Somaliland inay cadow isku yihiin waa nasiib darro nin weyn oo madax ah .” Geesta kalene Ex Wasiir Dhoollayare ayaa ku eedeeyey inay sameeli inuu khasanada Dowlada cahdigii uu wasiirka maaliyadda ahaa uu u isticmaali jiray sidii dugaan uu leeyahay, isla markaana uu kula dagaalamayey Madaxweynaha hadda adeegaha u yahay ee Muuse Biixi “Dhinaca kale marka aad ka eegto Samaale waa wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumaddii Siilaanyo waa ninkii diidey wasaaradda wax-barashada oo wasaaradda ugu weyna dalka ama wasaaraddaha ugu waa weyn a kamid ah sababta uu ku diidayna isaga ayaa garanaya,Samaale waa ninkii khasnada Dowlada ee uu masuulka ka ahaa Madaxweynaha maanta jooga kula dagaalamayey ee u isticmaalayey sidii Dugaan uu leeyahay oo kale,waxa wanaagsan qofku marka uu quraanka akhriyayo inuu ku camal falo inuu usoo daliishada dana gaar ah oo uu leeyahay mahaa, taasi waxaan leeyahay inkaa odeyga ah oo aan ku haboonayn inuu ummadda reer Somaliland cadow mahaa waa dad walaalo ah, lakiin waa ka tartamaa tartankuna ceeb mahaa cidii heshana waa loo hambalyeeyey Muuse Biixi Madaxweyne kursigiisa cidi iskuma haysato .”Ayuu yidhi Dhoolayre Dhanka kalene Amb Axmed Safiin ayaa isna qoraal uu soo dhigay boggiisa Facbuuga kaha jawaabay haddalkaasi ka soo yeedhay ina Sameele waxaanu u dhignaa qiraalka Axmed Safiina sidan:”Wasiir keenii hore ee wasaarada maaliyada Mudane Abdilaziz Mohamed Samaale oo kamid ah xisbul xaakimka Somaliland ee kulmiye oon hada dhagaystay khud-badiisii uu ka jeediyay shirka golaha dhexe ee Kulmiye isagoo la dardaar mayay Madaxwayne Muuse biixi cabdi wuxuu mar iyo kabadan ku celceliyay CADAWGEENA iyo CADAWGEENA XISBIGA iyo XUKUUMADA .” Waxaanu intaasi ku sii daray Amb Axmed Safiina “Mudane Wasiir Bulshada Somaliland cadaw isuma aha, Mucaaradka, Xukuumada iyo sadexda Xisbi Qaran cadaw isuma aha, kaliya loolan siyaasadeed ayaa ka dhexeeya, arintaa aad ku hadashay hadaad si qaldan u tidhi raali galin gole joog ah ka bixi, ileen waxaad tahay musuul umad dhan hagayee, hadaad aamin santahayna ood raali galin ka bixin waydana ogow inay tahay dhibic madaw oo siifiiga kuu gashay.”Ayuu ku yidhi qoraalkiisa . Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa si diblumaasiyad ay u dheehan kaga hadlay safarkii madaxweyne Farmaajo ku tagay magaalada Nairobi. Xildhibaanka ayaa ugu horeyn sheegay in safarka madaxweyne Farmaajo ee magaalada Nairobi uu ku tilmaamayo inuu ahaa mid muujiyay “Niyad Wanaag Saaid ah” oo uu sameeyay madaxweynaha. Wuxuu sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaaraha Ethiopia uu ka shaqeeyay sidii loo xalin lahaa Khilaafka dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo xumaaday bartamihii bishii lasoo dhaafay ee Febraayo. Xildhibaan Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil ayaa sheegay in safarka madaxweynaha Soomaaliya uu yahay seef labo af leh, isaga oo kala jeeday in mar ay awood siin karto dowladda Kenya, halka dhinaca kale marka laga eego uu muujinayo inuu sameeyay Niyad sami wanaagsan. “Madaxweynaha wuxuu sameeyay Niyad Sami Saa’id ah, waana wax loo baahnaa, wey wanaagsaneyd in Addis Ababa uu shirka ka dhaco, laakiin Safarkaasi waa Seef labo af leh, kama hordhacayo waxa soo baxaya, balse waxaan filayaa in wanaag uu ku dhamaado”ayuu yiri Xildhibaanka. Ugu yaraan wuxuu sheegay in loo baahnaa in kulankaasi uu ka dhaco magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, balse aysan dhicin maadaama labada hogaan ee Ethiopia iyo Soomaaliya ay tageen magaalada Nairobi. Safarka madaxweynaha Soomaaliya walaac badan ayaa laga muujiyay, waxaana siyaasiyiin badan ay sheegeen inay qabaan in madaxweynaha uu tanaasulaad sameeyay walow madaxtooyada ay beenisay wararkaasi. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/WAREYSI-XILDHIBAAN-CLAAHI-SHEEKH-ISMAACIIL.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Af daboolan ma dahab baa? Aamusku marar badan buu ka fiican yahay hadalka badan iyo in arrin walba, gaar ahaan hawlaha iyo sirta dawladda fadhi-ku-dirir kasta looga hadlo, laakiin mararka qaarkoodna waa muhiim in madaxda dawladdu dadwaynaha la socodsiiso qaraarada ay ka qaadato heshiisyada reebaya mahadhooyin fog isla markaana laga qanciyo wixii tuhun ah oo soo kala dhex gala shacabka iyo dawladda. Si kastaba ha ahaatee dawladda Farmaajo loogma baran inay dadwaynaha ama Golaha Shacabka la wadaagto nuxurka wixii looga wada hadlo kulamada ay la qaataan madaxda shisheeyaha, is afgardka dhex mara Farmaajo iyo madaxda kale, iyo qaraarada aan la shaacin ee dawladdu kula heshiiyo madaxda waddamada kale. Hab dhaqanka noocaan ah wuxuu khatar ku noqon karaa jiritaanka Soomaaliya iyo mustaqbalka dhallaankeena waayo waxaa dhaci in dawladdu gasho heshiisyo aan laga fiirsan si buuxdana khubaro aqoon u leh usoo daraasadayn. Miyaysan ogayn dawladdu in isla marka ay heshiis galaanba la ogaan karo wixii ay ka wada hadleen oo kula heshiiyeen dawladaha kale, waayo Soomaaliya hadda ma leh career public servants or diplomats oo ilaalin kara sirta dawladda. Laakiin xataa haddiiba ay suurowdo inay wax qariyaan sow xukunka mar uun ka dagi mayaan oo dawlad kale ma baddali doonto tooda? Markaasna sow wax walba lama ogaan doono? Ma aha ujeeddadu in baraha bulshada looga sheekaysto sirta dawladda laakiin waa muhiim in dadwaynaha lala socod siiyo wax qabadka dawladda, caqabadaha jira iyo meesha la hiigsanayo Siyaasad arrimo dibad oo aragti dheer leh Waxaa habboon in siyaasaddeena arrimaha dibaddu ay noqoto mid leh hadaf dheer oo aan aad isu bad-baddalin mar kasta oo dawlad cusub la doorto. Ka fakar siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya. Cid kasta oo Itoobiya xukunka u qabatay mar walba wuxuu hadafkooda kowaad ahaa inay Soomaaliya aysan midoobin, ciidan xoog lehna yeelan, gacantana ku dhigaan badda Soomaaliya, taasna waxaad mooddaa in Farmaajo hadda u fududeeyay Itoobiya. Akhri qoraalkaan dhaxal galka ah (Which way to the sea, please? by Nuraddin Farah ) ee qoraaga caanka ah ee Soomaaliyeed, Nuuraddiin Faarax, ka qoray damaca soo jireenka ah ee madaxda Itoobiya waligood ka lahaayeen badda Soomaaliya. Sidoo kale, tusaale ahaan, ka fakar siyaasadda arrimaha dibaddaee Maraykanka oo ku aaddan bariga dhexe. Miyay isla beddashaa mar kasta oo dawlad cusub la doorto? Waa maya. Sidoo kale siyaasadda arrimaha dibadda ee dawladaha reer galbeedku kula dhaqmaan Soomaaliya waligeed isma baddalin. Ilaa iyo maantii Soomaaliya xornimada qaadatay marna reer galbeedku may oggolayn in Soomaaliya ciidan Military oo xoog leh yeelato. Taas ayayha ahayd sababtii ku kalliftay Soomaaliya inay Soviet Union waydiisto inu Military-ga u dhiso. Nasiib darro, markii dambana Soviet Union iyo Maraykan labaduba waxay u hiiliyeen walaalahooda Itoobiyaanka ee ay diinta wadagaan, halka Liibiya iyo Yeman uu Ruushku u soo adeegsaday inay la saftaan Itoobiya oo la dagaalaan Soomaaliya. Waxaa marka muhiim ah insiyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ay yeelato tiigsi fikir oo dheer oo la mid ah kuwa waddmada kale, una danaynaya jiilasha dambe. Mar walba inaan u yeelno rabitaanka Itoobiya miyaa? Waa la wada ogyahay in Dawladda Soomaaliya wali lahayn itaal ciidan iyo mid siyaasadeen oo ay isaga caabbin karto cadaadiska iyo fara-galinta shisheeyaha laakiin ma inaan mar walba aamusnaa oo xataa aanaan muujin dareenkeena. Si kastaba ha ahaatee, fara-falinta Itoobiya waagii hore waxay u badnayd ka dhex faa’idaysiga maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe, laakiin hadda waxay si muuqata u gaartay waddamada deriska ah. Waxaana taas daliil u ah Abiy Axmed miyuu u raaci lahayn Farmaajo Nairobi haddii uusan jirin heshiis diyaar ah oo ay wada gaareen isaga iyo Kenyatta, ka dibna Farmaajo loo bandhigay. Uhuru Kenyatta Addis buu joogay maalin ka hor intuusan Farmaajo tagin Addis. Muxuu Kenyatta u sugi waayay Farmaajo oo ugula kulmi waayay Addis oo uu dib ugu laabtay Nairobi, maalin ka dibna Abiy Axmed iyo Farmaajo isu soo raaceen oo Nairobi u yimaadeen si Farmaajo loola kulansiiyo Uhuru Kenyatta? Sababtu waxay tahay, dawkadda Kenya fashil siyaasadeed oo wayn baa ka soo gaaray xiisaddii ay abuurtay iyo eryiddii safiirkii Soomaaliya, waxayna ku fashilantay qorshihii ay wadatay oo ahaa in Soomaaliya lagu cadaadiyo inay waan-waan ka gasho dhul-badeedka Kenya rabtay inay ka dhacdo Soomaaliya. Fashilkaas ka dib dawaladda Kenya waxay isugu yeertay khubaro daraasad ku sameeya sababaha xiisadda dhaliyay iyo sidii arrintaan waji wanaagsan loogu yeeli lahaa oo dawladda Kenya uga bixi lahayd fashilka siyaasadeed, danaheedana u gaari lahayd. Iyadoo taas laga duulayo baa madaxwayne Uhuru Kenyatta iyo wasaaradda arrimaha dibadda Kenya waxay qaadeen olole wayn oo ay waddamada deriska uga dhaa-dhicnayeen inay taageeraan fikirka Kenya, Soomaaliyana ka dhameeyaan in ay soo celiso dacwadda badda ee taal maxkamaada caalamiga ah ee cadaaladda. Shaxdaas ballaaran ee Kenya dhigtay ayaa Farmaajo dhexda uga dhacay. Tusaale ahaan, Uhuru Kenyatta wuxuu tagay Asmara oo kula kulmay madaxwaynaha Eritariya, Isias Afawerki, ka dibna Addis ayuu tagay maalin ka hor intuusan Farmaajo imaan. Kulamada Uhuru la qaatay Abiy Axmed iyo Afawerki, waxaa la isla meel dhigay in Farmaajo loogu yeero Addis oo laga dhaa-dhiciyo in madaxda gobolku galaaan xal u helidda xiisadda u dhexaysa Somaaliya iyo Kenya. Markuu Farmaajo tagay Addis oo laga dhaa-dhicayay qorshii Kenay, markiiba waxaa isa soo raaceen Abiy Axmed oo Uhuru Kenyatta oo dawladdiisu lahayd bilowga khilaafka ugu keenay Nairobi. Miyaysan habboonayn in Soomaaliya dhahdo Kenya iyadaa xiisaddaan bilowday, anaguna diyaar baan u nahay inaan martiqaad baan u fidino Mr. Kenyatta oo aan ku wada hadalno Muqdisho si loo soo afjaro xiisaddaan. Taasi ma dhicin oo eedaysanihii baa gurigiisii loogu tagay oo marti loo noqday. Wixii ka soo baxay wada hadalkaasna wali ma cadda. Taasina waxay daliil cad u tahay bisayl la’aanta iyo hab maamuus raaca xumada haysata dawladda Soomaaliya. Dadkii wax ka garanayay hanaanka dawladnimo waxay noqdeen wax waddanka ka qaxay, wax duqoobay, wax dhintay, iyo qaar lagu shaabadeeyay dawladdii Siyaad Barre. Kenya waxay ku jirtay meel adag laakin Farmaajaa si dhib yar uga bixiyay Wax lala yaabo ma aha in xiriirka laba dawladood xumaado oo uu gaaro heer safaaradaha la kala qaato. Laakiin markii arrintaas oo kale dhacdo, waxaa had iyo jeer jira xiriir dadban (back channel communications) oo dawladuhu ku lafo guraan sababihii dhaliyay arrimaha taagan iyo qaabkii xal loogu heli lahaa. Badanaana waxaa la gaaraa is faham buuxa (mutual understanding). Laakiin waxaa jira hab raac (protocol) ay tahay in had iyo jeer la hubiyo in la maro. Waxaa ka mid ah heerarka wafdiyada, meelaha lagu kulmayo, cidda goob joog ahaanaysa, waxa lagu qorayo war-murtiyeedka sida wada jirka u soo baxa, iwm. Waxaad moodaa in hab raacyadaan oo dhan dawladda Soomaaliya ka boodday oo xalkii khilaafka loo maray sidii laba dhallin yaro ah oo ciyaar kubadeed ku dagaalamay oo la isu soo caro celiyay. Shaxda ciyaartana Soomaaliya lagama qayb galin laakiin waxaa soo maleegay Mr. Kenyatta, iyo Abiy Axmed. Kadib markii labadaan waddan fahamkoodii siyaasadeed mideeyeen baa Abiy Axmed soo kaxeeyay Farmaajo oo yiri na keen aan Uhuru Kenyatta u tagnoo arriinta soo xallinee. May ahayn in Kenyatta loo tago oo la soo raalli galiyo, waxay ahayd in Kenya raalli galin ka bixiso gafafkeedii, iyaduna codsato in la wada hadlo, oo waliba Muqdisho lagu wada hadlo. Xogta heshiiyada Soomaaliya la gasho Kenya iyo Itoobiya ma Television-ka Itoobiyaan ka qaadanaa? Aamuska dawladda Soomaaliya, waxaa ka sii daran in dadwaynuhu xogta heshiisyadaas ka helaan idaacadda Itoobiya, iyo twitter-ka Ra’isul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. Markii Abiy Axmed shaaciyo war ka duwan kan dawladda Soomaalidu ka soo saarto heshiisyada madaxwaynuhu soo galo, markaas ka dib hadal ama qoraal aan faah-faahsanayn soo tuurtaa. Taasna waxaa loo qaadan karaa in dawalddu wax qarinayso. Dawladdu ha xusuusato maah-maahda oranaysa: Wax la qariyo ama qubte ama qurme! War jiraabana cakaaruhuu iman! W/Q: Axmed Bashir Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Go’aanki 18 May, 1991 lagaga dhawaaqey magalada Burco goni isu taaga Somaliland mu aheyn mid si hawl yari ku yimid ama cid gaar ah ku dhawaaqdey ee qeybaha kala duwan ee mujtamaca Somaliland wey u wada dhamaa’een sida madax dhaqmeedka, hormoodka siyaasiyinta, wax garadka, culimaa’u diinka Somaliland. Waxa ku xigtey aftidi dastuurka Somaliland ee shacabka laga qaadey, 2001 oo 97% u codeyeen goni isu taaga Somaliland. Somaliland waxey soo martey marxalado badan oo kala du duwan, sida dib u heshisiinta beelaaha walaalaha ‘ah ee reer Somaliland( Reconciliation of the conflicted tribes of Somaliland ), hub ka dhigista ( Disarmament )waxey sameeysatey dawlad ku dhisan seddexda dhadhaar ee golaha fulinta, golaha sharci dejinta iyo golaha cadaaladda, hanaanka xisbiyada badan, xoriyat al qawlka iyo doorashooyin hal qof hal cod oo si nabad gelyo iyo hufnaan u dhaca, beesha caalamkuna goob joog ka ahaayeen, mandaqadda geeska afrikana ku cusub ( kenya oo qudha aya nidaamka hal qof hal cod ku wahelisa Somaliland ) . Waxay xukuumadihi kala dambeyey ( Shan madaxwene aya si nabad gelya’ ah isu bedeley ) ka hawl galeen Ictiraaf raadinta Somaliland, iyago ku guuleystey iney ka furaan xafiisyo metala danaha Somaliland caasimadaha dawladaha qaar, sida Djibouti, Ethopia, Kenya, UAE, Ingiriiska, Mareykanka, iwm. Ictiraaf raadintu wa qodobka labaad ee ahamiyadda weyn u leh Somaliland ee ku xiga AMNIGA IYO NABAD GALYADA Somaliland. Haddaba markaan ku soo noqdo dulucda maqaalkegan, marka cilmiga siyaasadda la baranaayo, dariska kowaad waxu othanaya, siyaasaddu waxey le dahey dano joogta ah ee ma leh saaxib joogta’ah ( Xigasho, PM Churchill ). Ethiopia waxa innaga dhexeeya dano badan, sida tu amni, dhaqaale, shacab ( dadka Somaliland ka soo jeeda labada dawladood wey degaan ), shaqo abuur, daaqsimo, waraab iwm. Haddaba caqliga saliimka ee sida wax u arkaya mar walba innu xoojiyo arrimaha mooye kama suurtoodo innu wax yeleeyo. Madaxdi EPRDF ee ka horeysey prime minister Abiy Ahmed ee May, 1991 talada dalka Ethiopia la wareegey sida cadceedda ayey u arkayeen danaha labada dal ka dhexeeya ee Somaliland iyo Ethiopia laakiin mudane Prime minister Abiy Ahmed waxaad mooda innu la yimid han siyaasadeed oo dulucdeedu tahey midnimada geeska Afrika, gaar ahaan Somalia, Ethiopia iyo Eritrea. Siyasadaaso’ aanu soo bandhigin qorshe cad oo tafaatiran qaab ka loo fulinaayo, balse laga ogaadey hadalo iyo wareysiyo uu saxaafadda siiyo marku la kulmaayo madaxda kale ee labada dal ee Somalia iyo Eritrea oo iyagu marnaba laga maqal midnimada uu sheegayo mudane Abiy Ahmed. Siyaasadda cusub ee mudane Abiy Ahmed waxey keentey faa’iido iyo khasaare labadaba. Faa’iidooyinku waxa weyaan: In colaadihi ka dhexeeyey dawladaha geeska Afrika sida Ethiopia iyo Eritrea oo dagaal boqolaal kun ku dhinteen qaar na ku naf waayeen innu soo afjaro, dhulki Badme ee muranku ka taagnana uu Eritrea u celiyo.Ganacsiga ka dhexeeyey labada dal oo dib u bilaabmey In Somalia iyo Eritrea dib u heeshisiyo. In colaaddi ka dhexeeysey Djibouti iyo Eritrea ee muranka dhulka (Ras Dumeira ) ee Eritrea ka qabsatey Djibouti u wada hadal u socdo laakiin ilaa hadda wax xal midha dhal ah lama gaadhin. Khasaaraha waxa ka mid ah : In siyaasadan cusub ee midnimada geeska Afrika aanu mudane Ahmed Abiy si cad oo qayaxan u soo bandhigin taaso geeska Afrika ka abuurtey shaki iyo jaha wareer siyaasadeed, dhaqaale. bulsho, amini, iyado marar qaarkood ka soo baxayaan mudane Ahmed Abiy iyo Generalada ciidamadisa hadalo nuxuurkisu iftiminaya baahida ay ciidankooda badda u qabaan xeebaha balaadhan ee Somalia ee cidna ka manaafacaadsan. Diblumaasiga caanka ‘ah ee Ethiopia Birhanemeskel Abebe wuxu yidhi’’ waxaanu midnimada geeska Afrika’ u dooneyna inaanu u helno ciidanka badda saldhig military’’ ( xigasho BBC News 14 June. 2018 ) Waxa xawaarahoodu hoos u dhacey xawligi’ iyo dar darti ay hore ugu socdeen qaar ka mid aha heeshisyadi mashaaricdi ay saxeexeen madaxdi EPRDF ee ka horeysey mudane prime minister Abiy Ahmed sida saamigi 19% ee ay Ethiopia ku la heyd dekedda Berbera, waxa kalo ka maqna labada xafladood ee dhegax dhigga balaadhinta dekedda Berbera iyo waddada Berbera Corridor mas’uulinta heer federal oo mas’uuliyadoodu tahey mashaaricda noocan ihi. Mashruuci balaadhna ee $ 24 bilion ( Lamu South Sudan Ethiopia Transport ‘’ lapsset’’ ) ee Ethiopia la gashey Kenya 2012 oo sidi u xaniban Dagaalada qawmiyadaha Ethiopia dhexdeeda ka socda iyo cabsi laga qabo innu saameeyo nabad gelyada dawladaha jaarka ah. Eng. Bashe Cabdi Gaboobe Email : gaboobe _3@ hotmail.com Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhamaan Wariyaasha Idaacadda Ciidamada Qalbka sida ee Radio SNA ayaan qaadan mushaar mudo ka badan 4 bil siday ay ii xaqiijiyeen inta shaqaalaha Idaacadda, waxaana laga cabsi qabaa in Maamul xumi iyo Mushaar la’aan ay u danto Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ee DFS. Wariyaashaan oo la hadlay Caasimad Online ayaa xaqiijiyay in aysan helin mushaarkii ay lahaayeen afartii bil la soo dhaafay. Waxay sidoo kale sheegeen in ay jirto dhibaatooyin badan oo ka jira Gudaha Idaacadaasi. “Muddo afar bil ah ma qaadan mushaar, sidoo kale waxaa nagala goostay gunadii iyo garaamkii aan laheyn, wariyaasha waxay mushaarka ka qaadan jireen Taliska Milateriga waana ku yaabanahay halkaan”, sidaasi waxaa Caasimada Online u sheegay Wariye kamid ah Wariyaasha Radio SNA. “Gunadii iyo garaamkii aan lahayn mudo ku dhaw sanad ma helin hada mushaarkii ayaa lagu darsaday”, ayuu yiri wariyaha aan la hadalnay. Sidoo kale waxaa haleysan qaar ka mid ah qalabkii Idaacadda oo aan laga maqlin meelaha sida ay sheegeen dad xog ogaal ah oo aan la hadalnay. Qalabka Idaacadda ayaa la aamisan yahay in la qaatay waxaana idaacadda ay u shaqeyn la’dahay sidii la rabay. “Maamul xumo iyo mushaar la’aan ayaa lay sugu daray wariyaasha, Idaacada meelna lagama maqlo, waa halaysan tahay, ma jirto cid wax ka qabata”, ayuu yiri Wariye kale oo aan la hadalnay islamarkaana ka tirsan Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ee Somali National Army (SNA). Agaasimaha Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida C/llaahi Iimaan oo sidoo kale ah Af-hayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo aan la xariirnay ma helin si aan wax uga weydiino dhibaatada ka jirta Radio SNA ee Ciidamada Soomaaliya. “Wariyaasha kale ee Wasaaradda Warfaafinta, oo aan hal meel ku naalno waa qaataan mushaarkooda, cunto waa la siiyaa laakiin annaga ma helno intaas oo dhan, ma aqaan waxaan kaga duwanahay”, ayuu noo sheegay Wariye katirsan Radio SNA ee Soomaaliya. “qaar keen waxaa laga soo saaray guryihii kirada oo aan daganeen, carruurtayna waxay wajahaan dhib badan, waan shaxaatanaa”, ayuu hadalkiisa raaciyay wariyahaan katirsan Idaacadda Ciidamada qalabka sida ee SNA radio. Arintaan ayaa dhabar jab wayn ku ah Dowladda Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ballan qaaday in uu bixin doono xuquuqda shaqaalaha dowladda iyo Ciidamada Soomaaliya. Dad badan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dhalinyaro isku shaqo ah ooh al meel wada jooga in qaar kamid ah bil walba la siiyo cunto iyo mushaar qaarka kalane intuba aan la siinin. Dowladda Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay arintaan wax ka qabato. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. FAALLO: Madaxweyne Geelle Oo Kala Dhawaysatay Xisbiyadda, Xilli Lagu Xaman Jiray Inuu Fara-gelin Ku Lahaa Doorashaddii Somaliland Toddobaadkan gudahiisa waxa dalka Jabuuti ka qabsoomay shir-weyne looggu dabbaal-degaayey 40-sanno guuradii ka soo wareegtay Xisbiga talada haya ee dalkaasi ee loo yaqaano RPP kaas oo ah Xisbiga ay ka dhisan tahay Xukumadda uu ka arrimiyo Madaxweynaha keligii taliska ah ee dalkaasi Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Xisbiga RPP ee ka arrimiya dalka Jabuuti ayaa looggu dabbaal-degay in 40-sanno uu ka arriminaayey dalka Jabuuti halka Madaxweyne Geelle na uu xilka dalkaasi hayey muddo 20-sanno ah, waxaana soo baxaysay in mar walba xisbiyada kale ee ka dhisan dalkaasi ay sheegaan in awood loo adeegsado wakhtiyada doorashada isla mar ahaantaana ay adag tahay in ay ku guuleystaan talada dalka iyo kuraasta kale ee muhiimka ka ah dalkaasi. Sida baraha bulshada iyo warbaahinta ba lagu baahiyey, waxa soo baxday in mar kaliya ay shirkaas ka soo dhex-muuqdaan xubnaha ugu sar-sarreeya Xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbigaasi Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo sida la sheegay uu Madaxweyne Geelle iyo Xukuumaddiisu ba ay ku soo marti-qaadeen ka soo qeyb-galka shirkaasi. Xisbiyada WADDANI iyo UCID, ayaa gebi ahaan ba aan lagu soo casuumin shirkaasi, waxaana arrintani ay u muuqataa mid Xukuumadda Geelle ay ku soo kala dhaweysanayso Xisbiyada ka jira gudaha Somaliland isla mar ahaantaaan ay keliya saaxiib dhow la tahay Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE. Xisbiga Kulmiye ayaa sidoo kale xisbiga talada Jabuuti haya ku casuumay shirkiisii Golaha Dhexe ee Boorama ka qabsoomay dhawaan waxaana la xasuusta in madaxweyne Biixi xafladdii caleemo saarkiisa ka sheegay in si weyn la isu weydiiyay sida balaadhan ee Jabuuti uga soo qayb gashay caleemo saarkiisa taas oo uu kaga jawaabay kaftan uu ku ku yidhi ‘ Waa huuno huuno loo doortay’. Arrintan ayaa tuhunno badan ka dhex abuurtay gudaha Somaliland maaddaama oo weli ay dalka ka taagan yihiin siyaasado lagu kala qeyb-san yahay iyo xanaf ka dhalatay Doorashooyinkii dalka ka qabsoomay daba-yaaqaddii 2017. Dowladda Jabuuti ee uu ka taliyo Madaxweyne Geelle, ayaa ka mid ahayd wadamo hore loo la xidhiidhiyey tuhunno sheegayey in faro-gelin toos ah ay ku sameeyeen Doorashaddii ka dhacday dalka isla mar ahaantaana ay la safnaayeen Madaxweyne Biixi wakhtigii Doorashada 2017. Hadda ba, casuumadda khaaska ah ee Madaxweyne Geelle u sameeyey Xisbiga KULMIYE ma noqon kartaa mid caddeyn u ah tuhunada ay qabaan qeybo ka mid ah shacabku ee la xidhiidha in ay dowladda Jabuuti ay hore uga soo qeyb-qaadatay tuhunada la la xidhiidhinaayo ee ah in ay soo faro-gelisay Doorashadii ka dhacday Somaliland. Marar kala duwan oo hore oo Xukuumadda Jabuuti lagu eedeyey in ay soo faro-gelisay Doorashadii dalka ka dhacday, waxaana wakhtiyadii Doorashada ay Warbaahinta Somaliland qortay in Marwada Madaxweynaha Jabuuti ay muddo toddobaad ah olole siyaasaddeed oo ay ugu daneynaysay Xisbiga KULMIYE ay ka waday magaalada Boorama ee gobalka Awdal, Waxaana wararkaasi ay sheegeen in Marwo Khadra iyo guddoomiyaha shirkadda Internet ka ee Somcable Ganacsade Maxamed Aw-Siciid ba ay lacago tiro badan ku qeybinaayeen magaalada Boorama. Illaa hadda ma cadda sababta Madaxweyne Geelle uu u kala xigsanaayo Xisbiyada ka jira Somaliland balse waxa inta badan loo aaneeyaa in Marwada Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Somaliland ay ka soo wada jeedaan isku qoys ka. Balse faro-gelinta siyaasadda Somaliland ee Xukuumadda Madaxweyne Geelle ayaa sababi karta in ay saameyn ku yeelato siyaasadda mustaqbal ee dowladda Jabuuti maadaama kolba uu Xisbi gaar ah ka arrimiyo Somaliland Qaran News
  19. Jabuuti (Caasimada Online) – Toddobaadkan gudahiisa waxa dalka Jabuuti ka qabsoomay shir-weyne looggu dabbaal-degaayey 40-sanno guuradii ka soo wareegtay Xisbiga talada haya ee dalkaasi ee loo yaqaano RPP kaas oo ah Xisbiga ay ka dhisan tahay Xukumadda uu ka arrimiyo Madaxweynaha keligii taliska ah ee dalkaasi Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Xisbiga RPP ee ka arrimiya dalka Jabuuti ayaa looggu dabbaal-degay in 40-sanno uu ka arriminaayey dalka Jabuuti halka Madaxweyne Geelle na uu xilka dalkaasi hayey muddo 20-sanno ah, waxaana soo baxaysay in mar walba xisbiyada kale ee ka dhisan dalkaasi ay sheegaan in awood loo adeegsado wakhtiyada doorashada isla mar ahaantaana ay adag tahay in ay ku guuleystaan talada dalka iyo kuraasta kale ee muhiimka ka ah dalkaasi. Sida baraha bulshada iyo warbaahinta ba lagu baahiyey, waxa soo baxday in mar kaliya ay shirkaas ka soo dhex-muuqdaan xubnaha ugu sar-sarreeya Xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbigaasi Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo sida la sheegay uu Madaxweyne Geelle iyo Xukuumaddiisu ba ay ku soo marti-qaadeen ka soo qeyb-galka shirkaasi. Xisbiyada WADDANI iyo UCID, ayaa gebi ahaan ba aan lagu soo casuumin shirkaasi, waxaana arrintani ay u muuqataa mid Xukuumadda Geelle ay ku soo kala dhaweysanayso Xisbiyada ka jira gudaha Somaliland isla mar ahaantaaan ay keliya saaxiib dhow la tahay Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE. Xisbiga Kulmiye ayaa sidoo kale xisbiga talada Jabuuti haya ku casuumay shirkiisii Golaha Dhexe ee Boorama ka qabsoomay dhawaan waxaana la xasuusta in madaxweyne Biixi xafladdii caleemo saarkiisa ka sheegay in si weyn la isu weydiiyay sida balaadhan ee Jabuuti uga soo qayb gashay caleemo saarkiisa taas oo uu kaga jawaabay kaftan uu ku ku yidhi ‘ Waa huuno huuno loo doortay’. Arrintan ayaa tuhunno badan ka dhex abuurtay gudaha Somaliland maaddaama oo weli ay dalka ka taagan yihiin siyaasado lagu kala qeyb-san yahay iyo xanaf ka dhalatay Doorashooyinkii dalka ka qabsoomay daba-yaaqaddii 2017. Dowladda Jabuuti ee uu ka taliyo Madaxweyne Geelle, ayaa ka mid ahayd wadamo hore loo la xidhiidhiyey tuhunno sheegayey in faro-gelin toos ah ay ku sameeyeen Doorashaddii ka dhacday dalka isla mar ahaantaana ay la safnaayeen Madaxweyne Biixi wakhtigii Doorashada 2017. Hadda ba, casuumadda khaaska ah ee Madaxweyne Geelle u sameeyey Xisbiga KULMIYE ma noqon kartaa mid caddeyn u ah tuhunada ay qabaan qeybo ka mid ah shacabku ee la xidhiidha in ay dowladda Jabuuti ay hore uga soo qeyb-qaadatay tuhunada la la xidhiidhinaayo ee ah in ay soo faro-gelisay Doorashadii ka dhacday Somaliland. Marar kala duwan oo hore oo Xukuumadda Jabuuti lagu eedeyey in ay soo faro-gelisay Doorashadii dalka ka dhacday, waxaana wakhtiyadii Doorashada ay Warbaahinta Somaliland qortay in Marwada Madaxweynaha Jabuuti ay muddo toddobaad ah olole siyaasaddeed oo ay ugu daneynaysay Xisbiga KULMIYE ay ka waday magaalada Boorama ee gobalka Awdal, Waxaana wararkaasi ay sheegeen in Marwo Khadra iyo guddoomiyaha shirkadda Internet ka ee Somcable Ganacsade Maxamed Aw-Siciid ba ay lacago tiro badan ku qeybinaayeen magaalada Boorama. Illaa hadda ma cadda sababta Madaxweyne Geelle uu u kala xigsanaayo Xisbiyada ka jira Somaliland balse waxa inta badan loo aaneeyaa in Marwada Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Somaliland ay ka soo wada jeedaan isku qoys ka. Balse faro-gelinta siyaasadda Somaliland ee Xukuumadda Madaxweyne Geelle ayaa sababi karta in ay saameyn ku yeelato siyaasadda mustaqbal ee dowladda Jabuuti maadaama kolba uu Xisbi gaar ah ka arrimiyo Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  20. Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska ee magaalada Jowhar ayaa xiray wiil dhalinyaro ah oo dhowaan Ruwaayad ka sameeyay qaabka ku dhisan musuq maasuqa ee lagu shaqaalaysiiyo dhalinyarada ku nool Gobalka Shabeelaha dhexe ee Soomaaliya. Wiilkaan la xiray ayaa lagu magacaabaa Maxamed Axmed Cabdulle waxa uuna sameeyay Ruwaayad uu ugu magac daray “Anaa magaalo ku dhashay”, waxana ka soo muuqday Ruwaayadaasi xaaladda dhabta ah ee ka jirta HirShabeelle markii shaqaalo cusub loo qorayo maamulka Gobalka iyo kan HirShabeelle. Meelaha uu xoogga saaray waxaa kamid ah in maamulka HirShabeelle markii uu shaqaale qaadanayo ay ku xushaan qaraabo kiilnimo, sidoo kalane badankooda laga keeno baadiayaha Shabeelaha dhexe. Wiilkaan ayaa sheegay in dhalinyarada waxbaratay ee ku nool Jowhar iyo magaalooyinka kale aysan helin wax shaqo ah taasina ay ugu wacantahay in qabiil iyo eex lagu shaqaaleysiiyo dhalinyarada si gaar ahna loo xusho dadka baadiyaha ka yimaada oo aan rabin lacag badan, waxbarasho iyo fasax midna sida uu ku sheegay Ruwaayadiisa. Xafiiska ugu badan ee shaqaalaha qaata, sidoo kalane shaqaalaysiiyo ayaa la sheegay in uu yahay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali C/llaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” waana sababta la sheegay in uu u bixiyay amarka lagu xiray wiilkaasi dhalinyarada ah, sida ay sheegeen ehelleada wiilka. Ehelada wiilka la xiray ayaa Caasimada Online u sheegay in ay socdaan dadaalo lagu sii daynayo waxa wiilkooda loo xirayna ay tahay oo kaliya Ruwaayadda uu sameeyay. Hogaanka HirShabeelle ayey ka dalbadayn in loo sii daayo wiilka ka xiran ee soo bandhigay dareenkiisa ku aadan shaqa la’aanta heysata. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  21. Washington DC (Caasimada Online) – Koox wadaaddo ah oo ka socday Yuhuudda deggan Mareykanka ayaa booqday Xafiiska Xildhibaanad Ilhaan Cumar ku leedahay magaalada Washington. Wadaaddadan ayaa waxaa ay ka socdaan Mad-habka Orthodox ee ay heystaan Dadka ka soo jeeda Israel, kuwaas oo todobaadyadan weerar dhinaca afka ah ku haya Ilhaan Cumar. Rabbi Dovid Feldman, oo ah Wadaadka u hadlay kooxda u tagtay Ilhaan Cumar ayaa sheegay in dadka ay isku qaldayaan waddaniyadda xagjirka ah iyo Diinta. Waxaa uu sheegay in Ilhaan ay wax ka sheegtay waddaniyadda fogaatay ee Xukuumadda Israel hadda dhaqan gelineyso ee aysan wax ka sheegin Diinta Dadka Yuhuudda ah. Rabbi Dovid Feldman, ayaa intaas ku daray in ay taageero u muujinayaan Ilhaan Cumar sidaasna ugu tageen xafiiskeeda si meesha looga saaro waxa lagu sheegay isir naceybka la sheegay in ay faafisay. Wadaadkan ayaa xusay in Mareykanka uu ku dhisanyahay kala argti duwanaan, Hay’adda matasha Yuhuudda Mareykanka ee AIPAC-na wax laga sheegi karo maaddaama aysan hay’adda ahayn diinta dadka Yuhuudda ah. Caasimada Online Xafiiska Columbus caasimada@live.com
  22. In kastoo siyasadda geeska Afrika ay noqotay mid ku salaysan is marxabbayn iyo is cafin, haddana waxaad moddaa in natiijadaas inteeda badan ay soo bilowdeen muddo yar uun ka hor qiyaastiina ah saddexdii sano ee la soo dhaafay Saddexdan sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa inta badan hoggaamada dhowr waddan oo afrika ah qabtay oo la wereegay siyaasiyiin aan ahayn kuwii muddada soo fadhiya iyo weliba Madax aad mooddo in ay ka simanyihiin midaynta shacbiyaddooda iyo danaha Afrika. Siyaasadda geeska afrika ayaa inta badan waxaa ka taagnaa xiisad Collaado iyo nacayb sal-dhigtay, tan oo timi kolkii waddamadaas ay soo mareen dagaallo derisnimo. Hayaanka nabaddeed ee geeska waxaa inta badan guntiga u xidhtay madaxdii cusbayd, kuwaas oo in badan miiska keenay hishiisyo loo malaynaayay cid kasta oo ku hammidaa in ay tahay cid wakhtiga uun iska luminaysa, balse uugu dambayn waxaa meesha ka baxay collaado iyo nacayb qaan-gaadh ahaa ku waas oo ay adkayd xal u helistoodu. Go’aankii la yaabka ahaa ayaa ahaa kii heshiiska iyo wallaaltinimada beeray ee dhex maray “Ethiopia iyo Eritrea” kuwaas oo halmar fingillada loo siibay cadaawaddii rukumaysatay ee gaadhsiisnayd heer aaysan ciidamada habeen kala qaadin, xaalladduuna ay ahayd wadnaha farta ku hay uun. Waxa intaas wixii ka dambeeyay tusbax furmay noqday is cafintii iyo midowgii waddamada geeska iyada oo maalinba meesha laga saaraayo dhibic kasta oo nacayb ah oo soo kala dhex gasha geeska Afrika Hurmuudka bilowga sahanka khayraysan ee qaradda waxaad mooddaa in inta badan ay haggaanka hayaan labada masuul ee ugu sarreeya Soomaaliya iyo Ethiopia, inta kalena ay noqdeen kuwo ku tageera dhammaan hishiisyadii maslaxaddeed ee ay soo jeediyeen Farmaajo iyo Abiy. Aan dib is u jalleecnee bilowgii hoshiiska Ethiopia iyo Eritrea ayaa ahaa kii noqday lama filaan kaas oo hal mar sida fallaadhaha cadcedda ka muuqday Geeska Afrika ee xudduudkiisu ahaa lama galaan xabbadi ka yeedhto uun, Dr. Abiy oo hore u ballan qaaday in uu is beddel ku sameeyo siyaasadda xidhxidhan ee waddankiisa ayaa jaanta la helay Farmaajo oo isna markaas ahaa hoggaan ku soo biiray geeska oo aad mooddo in uu beddelaayo magaci soomalida dagaalka qabatintay uun, uuna beddelaayo samaalidii nabadda hoggaanka u ahayd. Sahankii nabadda ee farmaajo waxa uu suurto-geliyay in uu gacanta isu qabto hagoomiyaayaasha Ethiopia iyo Eritrea, waxaa xusid mudan in Abiy uu hore uugu diyaarsanaa wada hadallada nabadda taas oo uu hore u ballan-qaaday, farmaajo oo arrintan gacan ka geystay ayaa miiska maslaxadda dib uugu soo celiyay madaxweyanaha Eritrea Afwarki. Heshiiskii gacanta la wada geliyay ayaa sababay in ay si buuxda u midoobaan waddamada geeska oo muddo loo arkaayay in ay yihiin kuwo siyaasaddoodu boqno-gooys ahayd. Iyada oo ay jaanta isla heleen saddexda dal ee Soomaliya, Ethiopia iyo Eritrea Lagana dareemay xulafaysi xoogleh ayaa waxaa soo baxay xurguf siyasaddeed oo ka qaraxday kenya iyo soomaliya, murankeeduna uu ahaa mid salka ku haya dhul-baddeed. Xurguftan siyasadded ayaa gaadhtay heer kenya ay dhammaan wiiqdo xidhiidhkii siyaasaddeed ee kala dhexeeyay soomaliya, heerna ay gaadhtay in ay saarto safiirkii soomaliya ee fadhiyay Nairobi una yeedhato keedii fadhiyay muqdisho. Xisaddan oo marnama aysan dani uugu jirin hayaanka nabadda geeska ayaa noqotay mid saamayn ku yeelata safarkii geeddiga is beddelka horumarka ee ka furmay geeska. Isu jawaabid iyo haddallo adag ee hawada la isu mariyay inta badanna aad mooddo in ay kenya gaadhtay heer aysan waxba tixgelin, ugu dambayn waxaa hawshan gacanta soo geliyay sida aynu ognahay Dr. Abiy oo horay isna miiska wada hadalka uu Farmaajo u soo fadhiisiyay Afwerki Haddaba “Nin ku qabta yaa adna qabtaa e” Abiy waxa uu si buuxda madaxweyne Farmaajo uuga dalbaday in xidhiidhka labada waddan dib loo mideeyo, walow ay Soomaliya markasta arrintan diyaar u ahayd, meelna saartay kiiska badda oo faraha ay uuga qadday maxkamadda aduunka sidii ay hore u sheegtay iyo weliba sida ay qoreen war-sidayaasha gudaha waddanka kenya. Waxaa guul ku dhammaaday la islana meel-dhigay xal u helista khilaafkii xidhiidh ee labada dal, tanna waxay sii xaadhtay jidkii loo hayay hayaanka geeddiga is beddelka geeska. Hayaanka ka curtay geeska waa mid ay hormuud u yihiin Abiy iyo Farmaajo oo aad mooddo in laabduba ay gacmaha isu haystaan sidii ay waddamadooda uuga beddelilahayeen magacyada iyo weliba sidii ay iyagu ku kasbanlahaayeen magacyo ma-guurto ah, weliba waxaa macquul ah in ay abaal marinno ku mutaystaan hayaanka geeska ee ay hurmuud ka u yihiin. Isbeddelka geesku waa mid soconaaya, malinba maalinta ka dambaysana helayaa niyad wanaag cusub. Geeska Africa ayaa noqonaya meesha saxda ah ee laga hago qaaraddan cagaaran, Ugu yaraan Abi iyo farmaajona waxay hannaan doonnaan magacyo iyo qaddarin qiimo badan. Adduunkani waa kii wanaagga iyo nabadda, Afrikadanina waa tii u baahnayd nabadayntan iyo is-kaashiga. W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  23. HARGEISA, SOMALILAND—On February 7, 2019, Gen. Thomas Waldhauser, AFRICOM commander, told the Senate Armed Services Committee that U.S. airstrikes alone would not defeat al-Shabaab, the Al Qaeda-affiliated militant group with deep roots in Somalia. Instead, he said, local forces need to “step up.” He is right, so it is especially unfortunate that when local forces step up to rebuff al-Shabaab, AFRICOM ignores them. Consider Somaliland, a breakaway region of Somalia which borders Djibouti and controls 460-miles of coastland along the Gulf of Aden. While Somalia descended into chaos in 1991, the northern clans in Somaliland restored peace throughout the region which accounts for about 30 percent of Somalia’s territory. That peace has not come cheap: While the region has very few natural resources—livestock is its major export—it continues to spend one-third of its $350 million budget on security and defense. Recruits to its 15,000-man army or small coast guard must purchase their own weapons. Such figures—almost entirely generated locally through customs and taxation—are a pittance compared to the foreign and military aid offered Somalia. In addition, the U.S. spends $70 million annually to rent facilities in Camp Lemonnier, the headquarters of Combined Joint Task Force – Horn of Africa (CJTF-HOA) and is spending many times that amount to upgrade its facilities. Somaliland police militia take part in an indepdence day parade Policemen take part in a parade to mark the 24th self-declared independence day for the breakaway Somaliland nation from Somalia in capital Hargeysa, May 18, 2015. Reuters Somaliland’s security priorities correspond with those of the United States: It seeks to deny its territory to Al-Shabaab and other terrorist groups and, to date, have been successful, despite the hostility of terrain along their border with Somalia. Sweden recently donated three boats for Somaliland coast guard, which they now use to patrol the coast to deter weapons smuggling from Yemen. Local officials brag there has not been a single instance of piracy launched from Somaliland’s territory, even though Puntland, the Somali region adjacent to Somaliland, became its epicenter. While both Somaliland political and military authorities told me over the course of a week’s visit that they would welcome any U.S. assistance, their top priority is merely a liaison to help coordinate anti-Shabaab, anti-weapons smuggling, and anti-piracy efforts. U.S. policy, however, has been to shun Somaliland to augment the fiction of Somali unity. “The U.S. response to the challenges in Somalia has been to work with the Federal Government and the Federal Member state administrations, in coordination with the African Union, the United Nations, and other partners working toward a common goal: to support Somali-led efforts to stabilize and rebuild their country along democratic and federal lines,” a November 2017 AFRICOM public affairs article states. The problem is that while Somaliland is a federal Somali state, in theory, it is not one in practice. Authorities in Mogadishu appointed a parliament in 2012, seven years after Somaliland elected theirs. Those appointed to represent Somaliland do not live in the region, nor do they have popular legitimacy or the ability to influence events on the ground. The State Department and UN defer to the African Union which is loath to draw new borders in Africa. That diplomatic debate might be valid (though Somalilanders note their borders are well defined by treaties dating back more than a century when the British established a protectorate and confirmed in 1960 when more than 30 countries recognized Somaliland’s independence), but there is no reason why that debate must come at the expense of vital U.S. national interests. Turkey, Ethiopia, Djibouti, and Kenya maintain consulates in Hargeisa, Somaliland’s capital. Denmark has an office, and Kenya will soon open theirs. The Spanish navy has conducted exercises with Somaliland’s coast guard, and the United Arab Emirates has leased a base in Berbera, where U.S. forces once operated during the Cold War. None of these countries nor the African Union interpret their involvement as undermining broader diplomatic policies or bestowing formal recognition of its independence. Nor is the U.S. refusal to liaise with Somaliland consistent with other corollary trouble spots. The United States no longer recognizes Taiwan, but it maintains ties to the strategic island through the American Institute in Taiwan. Prior to Operation Iraqi Freedom, the CIA and U.S. Special Forces established links to Iraqi Kurds, even though Washington did not formally recognize their government. Both the CIA and U.S. military also have trained and conducted liaison functions with Palestinian security services despite the lack of formal recognition of Palestinian statehood. Most recently, U.S. forces partnered with Syrian Kurds to combat a common enemy. Arguably, Somalia—rather than Afghanistan—is America’s longest war. While National Security Advisor John Bolton on December 13, 2018 said that “countering the threat from Radical Islamic Terrorism and violent conflict” remains a vital pillar of the Trump administration’s Africa policy, the failure even to coordinate with those controlling key territory most successful again Al-Shaabab, pirates, and weapons smugglers suggests that, while the Pentagon is willing to spend money, AFRICOM is not prepared to win. AEI Qaran News