Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Ehelada iyo xaaska agaasimihii wasaarada warfaafinta ee la xidhay ayaa warbaahinta la Hadley waxaana ay ka war bixiyeen qaabkii xalay loo xidhay masuulkaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil barqanimadii maanta Macalin Dugsi Qur’aan loogu geystay degmada Waabri ee gobolka Banaadir. Dilka ayaaa ka dhacay buundada Ansaloonti, iyadoona loo geystay Mukhtaar Abuubakar Xaamud oo Macalin ka ahaa Madarasada C/raxmaan Bin Cawf ee degmadaasi. Sidoo kale Marxuumka ayaa Imaam ka ahaa Masjidka Jaamac C/casiis oo ku yaalla laanta Hantiwadaag ee degmada Waabari, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Rag ku hubeysan ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen Macalinkaasi, xilli uu ku sugnaa dugsigiisa, iyagoona goobta isaga baxsaday. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ak dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa amniga Muqdisho uu dagan, iyadoona ciidamada amnigu ay howlgallo ka wadeen qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-20032019.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal muhiim ah oo uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay dhibaatooyinka mushahar la’aan ee ay wajahayaan ciidamada dowladda, isaga oo uga digay madaxda dowladda inay siyaasadeeyaan. Hoos ka aqriso qoraalka. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Qaranka in aysan siyaasadayn mushaarka Ciidamada Qalabka Sida! Cutubyo ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa ka soo baxay degmada Mahadaay, Qalimow, Garsaale iyo fariisimo ay ku lahaayeen duleedka Jowhar. Soo bixitaanka Ciidamadaan ayaa lagu sababeeyay mushaar la’aan mudo 4 bilood ah soo jiitameysay, halka ciidamada qaarkood mudo 6 bilood ah aysan mushaar qaadan. Saraakiil katirsan ciidanka militariga oo aan la xariiray ayaa ii sheegay in ciidamadaan la diiwaan geliyay loona sheegay in mushaarka loogu soo shubi doono akoomadooda ilaa hadana aysan wax lacag ah qaadan. Sidoo kale xariir aan la sameeyay saraakiil katirsan ciidanka booliska ayaa ii sheegay in mushaar la’aanta ciidamada aysan ku koobnayn militariga kaliya ee sidoo kale ciidamadii Nabad Sugida laga soo wareejiyay ee Booliska lagu daray iyo kuwii 14kii Oktoobar iyagana mudo dhowr bilood ah aysan mushaar qaadan. Maalmo ka hor ayay aheyd markii ciidamo ka cabanaya mushaar la’aan oo katirsan qeybta 12-ka April ay isaga soo baxeen deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo markii dambe ay la wareegeen Al-Shabaab. Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Qaranka in aan la siyaasadayn mushaarka ciidamada, lagana dhaafo ciidamada hadalada xaqiiqada ka fog ee warbaahinta loo marinayo. Sababna aan loo noqon iska horkeenida ciidamada iyo saraakiishooda. Taasoo keeni doonta in ciidamadu furimaha dagaalka soo baneeyaan, cadowgana si sahlan gacanta loogu geliyo deegaano xoreyntooda loo huray naf iyo maal aad u badan. Mahadsanidiin Hon. Mahad Salad
  5. Xukumada Muuse Biixi ayaa xabsiga ku tuurtay xalay Agaasimiha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cismaan Xuseen warsame Sidoo kale xukumada Muuse Biixi waxay xabsiga dhigtay Saaka Agaasimaha Maamulka lacagta ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Xasan maxamed maxamuud Labadan masuul ayaa la sheegay inuu xadhigooda ku lug leeyahay Wasiirka warfaafinta Guri-barwaaqo oo dalbaday in hantidhawr la geliyo,maadaba labadoodaba uu ku tuhunsan yahay Musuqmaasuq,Wax-isdabamarin & Lunsasho Hanti Qaran. Qaran News
  6. Hargeysa (Caasimada Online) ― Garsoore ka tirsan Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa maanta waxa uu xukuno kala duwan ku ridey nin loo haystay kiis kufsi iyo weliba gabadh curyan ah oo kufsiga ka cabaneysay. Maxkamada ayaa waxay Ninkan ku xukuntay in dhagax lagu dilo, iyada oo gabadhii curyaanta aheyd ee kufsiga ka cabaneysayna lagu xakumay in 100 jeedal lagu dhufto. Kiiskan ayaa waxa uu udhexeeyay labadan qof ee maanta ku dhaceen xukunadan kala duwan. Geesta kale Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) ayaa dhaliilay habka uu u dhacay xukunkaasi, isagoo shegay in aanu xukunkaasi marin hannaanka sharciga ah balse garsooruhu qaatay go’aan. “Gabadh curyaan ah ayaa sheegtay in nin kufsaday, baadhistii dacwadda ayaa adkaaatay. Ninkii wuxuu ku dooday inaanu arag oo aan waxba dhexmarin noocay doontee ha noqotee, Inantii uur ayay qaaday, Qareenkeedii waxay ka codsatay maxkamadda degmada inay qaado DNA-ga ilmaha si loo oogaado cidda dhashay. Waxaay rabtay inay caddaynta u gudbiso xeer-ilaalinta si ay u yeesho ama u diido (mar haday iyadu awoodda sharci ee caynkaas ah leedahay). Garsoorihi DNA-ga qudha qaaday xukun ayuu ku xejiyay isaga oo aan dacwadba qaadin, xeer ilaalina sugin, baadhisna aan arag, Awood sharcina u lahayn. Inantii curyaanta ahayd ee sugaysay in hay’adaha baadhistu go’aan gaadhaan, waxa lagu yidhi 100 jeedal ayaa ku sugaya.” ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Dafac oo ka waramayey qaabka ay wax udhaceen. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Guudlaawe ayaa beeniyay warar sheegayay in uu isaga baxay magaalada Jowhar kaddib markii ciidamada dowladda ay ka baxeen aagaggii Gobolka Shabeellaha dhexe. Cali Guudlaawe ayaa u sheegay warbaahinta in uu ku sugan yahay Jowhar kuna shaqeynayo,waxaa uu been abuur ku tilmaamay wararka la isla dhexmarayo. “Magaalada Jowhar ayaa ku suganahay, howlihii caadiga ee maamulka waa socdaan, Golaha Wasiirada, maamulka heerka degmo, heer degmo howlahooda ayay wataan, ciidamada amnigana magaalada waa ku sugan yihiin”ayuu yiri Cali Guudlaawe. Ciidamo ka tirsan qeynta 27aad ee Ciidamada Dowladda ayaa isaga baxay degaannada Mahaddaay, Qalimow, Garsaale iyo duleedka Jowhar saldhigyo ay ku lahaayeen. Ciidamadan ayaa cabanaya mushahar la’aan baahsan oo muddo bilooyin ay haysatay, xilli inta badan ciidanka dowladda aysan mushahar qaadan muddo afar bilood ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa wada-hadalladii magaalada Kismaayo ay ku yeesheen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo horey loo sheegay in la isku fahmay. Hase yeeshee, waxaa hadda soo baxaya, in heshiiska la galay uu ahaa mid si aad ah ugu daneynaya Axmed Madoobe, oo u muuqda bahdil dowladda lagu sameeyey. Axmed Madoobe ayaa diiday dhammaan qodobadii la hor-dhigay, marka laga reebo qodob ahaa inuu taageero nidaamka doorashada 2021 ee dowladda ay qorsheyneyso, oo si looga gado beesha caalamka loo baahan yahay taageerada maamul goboleedyada. Halkan ka aqri waxa uu yahay nidaamkaas. Ilo-wareedyo aad loogu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in saddexda qodob ee dowladda ay ka dalbatay Axmed Madoobe, ee uu ku gacan seeray, ay ahaayeen:- 1 – Inuu dowladda kusoo wareejiyo maamulka dekedda iyo garoonka diyaaradaha, sida ku cad heshiiskii uu dowladda kula galay dalka Ethiopia xilligii Xasan Sheekh oo dhigayey inuu lix bilood gudahood sidaas ku sameeyo. 2 – In ciidamada milatariga iyo nabad-sugidda Jubaland oo mushaharkooda ay bixiso dowladda ay noqdaan kuwa dowladda hoos yimaada, oo hoggaankooda ay soo magacowdo, islamarkaana ka amar qaataa. 3 – In doorashada madaxweynaha Jubaland ay noqoto mid furan oo dowladda iyo beesha caalamka ay goobjoog ka noqdaan. Axmed Madoobe ayaa la sheegay in saddexda qodoba uu ku gacan seeray, isaga oo dowladda u sheegay in haddii sidaas uu sameeyo uusanba madaxweyne ahayn, oo ay uga wanaagsan tahay inuu xilka isaga dego. Axmed Madoobe ayaa haddii ciidanka uu ku wareejiyo maamulka dowladda ka cabsi qaba ina lagu sameeyo wixii ka dhacay Baydhaba, halka garoonka iyo dekedda Kismaayo ay yihiin ilihiisa dhaqaale. Si kastaba, Kheyre ayaa la sheegay inuu sii aqbaly heshiiska Axmed Madoobe, ayada oo ujeedka ugu weyn ee dowladda uu yahay inay taageero u hesho nidaamka doorashada 2021. Waxaa xusid mudan, in doorashada Jubaland ay kasoo horeyso tan federaalka, sidaas darteed xitaa qodobka uu qablay Axmed Madoobe uu ka bixi karo marka dib loo doorto, taasi oo muujineysa sida Axmed Madoobe uga cayaar badiyey Kheyre. Dhinaca kale, heshiiska Kheyre iyo Fahad Yaasiin kasoo qaadeen ayaan la ogeyn inuu aqabli doono madaxweyne Farmaajo oo la hor-dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Muqdisho (SMN) – Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Saaka Xukun Dil ku riday Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) 23jir ah iyo Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) oo 25 jir ah, Kuwaas oo ka tirsanaa Argagaxisada Al shabaab sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamadda Qalabka Sida Xasan Cali Shuute. Eedaysanaha 1aad Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad), waxaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab, kana soo shaqeyay xiliyo kala duwan Qeyba ay ka mid yihiin Jabhada, weerarada baabuurta lagu fuliyo iyo Qaraxyada ismiidaaminta oo uu sahmiye u ahaa, isagoo si gaar ah ugu eedaysan inuu fuliyay falalka soo socdo:- Taariikhdu markay ahayd 15/08/2017,waxay weerar ku qaadeen isaga iyo labo ruux oo kale gaari Hartob Land-garuuzal ah oo ay saarnaayeen hal Qoys oo ah reer Xasan Cabdi Cawad oo ka mid ah Maamulka Shirkada Dahabshiil, kuwaas oo ay ku fureen rasaas Tacshiirad ah uuna ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad kuna Dhaawacmeen 5-ruux oo ka mid ah qoyska maamulaha. Taariikhdu markay ahayd 27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2da Marxuum ee kala ah. 1)Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka 2)Marxuum Axmed Jaamac Xirsi oo ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka qaranka, gaarigaasoo ay rasaas tacshiirad ah ku fureen ayna ku geeriyoodeen 2da marxuum ee sare ku xusan. Taariikhdu markay ahayd 09/11/2018, wuxuu qayb ka ahaa eedaysanuhu qaraxyadii ka dhacay Hotel Sahafi, isagoo sahmiye iyo hage u ahaa 3-dii baabuur ee qaraxyada ismiidaaminta ahaa iyo weerarkii hubaysnaa oo ay ku naf waayeen dad gaaraya 32ruuxkuna dhaawacmeen69ruux oo kale, Sidoo kale Taariikhdu markay ahayd 22/12/2018 wuxuu ahaa abaabulihii qaraxyadii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 27ruuxAyna ku dhaawacmeen 55ruux oo kale, Iyadoo Ciidamada amnigu ku soo qabteen kadib markii uu uga degtay gaarigii 2-aad ee Saarufka ahaa Taalada Daljirka Dahsoon, gaarigaasoo isagana qarxay ayna ku geeriyoodeen Marxuumiin ay ka mid ahaayeen 1)Marxuum Faysal Salaad Samow 2)Marxuum Axmed Maxamed Yuusuf oo labaduba macalimiin ka ahaa Iskoolka Yaasiin Cismaan. Eedaysanaha 2-aad Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin), waxaa lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab gaar ahaan Qeybta qaraxyada,isla markaana uu qayb ka ahaa Sahmintii Qaraxii lagu weeraray Degmada H/wadaag 02/09/2018 oo sababay Dhimashada8ruux iyo Dhaawaca 27 ruux oo kale, sidoo kale wuxuu qeyb ka ahaa eedaysanuhu isaga iyo Eedaysanaha 1aad qaraxii ka dhacay Tiyaarka qaranka 22/12/2018 oo ay wadeen gaarigii 2-aad ee ku qarxay agagaarka Daljirka Dahsoon . DOOD DHEER KADIB. MAXKAMADDU: Markay Aragtay:- Qodabada 221,222,434,71 XCS . Markay Aragtay: – Maxkamaddu Qiraalka Eedaysane Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad), oo uu ka horcadeeyay garsoorka in uu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kana soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay weerarada lagu fuliyo baabuurta asigoo qayb ka ahaa weeraro ay ka mid ahaayeen weerarkii 15/08/2017 degmada hodan lagula beegsaday gaari hartoop langaruusal ah oo ay saarnaayeen hal qoys oo uu ku geeriyooday hal ruuxkuna dhaawacmeen 5 ka mid qosykii gaariga saarnaa. sidoo kale wuxuu eedaysanuhu sheegay in uu qayb ka ahaa weerarkii lagu qaaday gaari saruf ah oo marayayisgoyska via Roma ee degmmada xamar wayne 27/09/2017 oo ay ku geeriyoodeen labadii ruux ee saarnaa gaariga , sidoo kale eedaysanuhu wuxuu garsoorka u cadeeyay in uu ahaa sahmiyihii weerar iyo qaraxyo lala beegsaday09/11/2018, Hotel Sahafi weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux kuna dhaawacmeen 69 ruux oo kale, iyadoo ciidanka amniga ay soo qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay 22/12/2018 agagaarka daljirka daahsoon , qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan. Markay Aragtay:- Maxkamadda Qiraalka Eedaysane Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin), oo uu ka hor bixiyay garsoorka Ciidamada Qalabka sida hortiisa kuna cadeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda al-shabaab gaar ahaan qaybta qaraxyada isaguna sahmiye ka ahaa qaraxii lagu weeraray Degmada howl-wadaag 02/09/2018 ,sidoo kale eedaysanuhu wuxuu cadeeyay inuu qayb ka ahaa weerarkii 22/12/2018 lagu qaaday tiyaaterka qaranka, ciidamada amniguna ay qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay agagaarka daljirka dahsoon. Markay Dhagaysatay:- markhaatiyaasha la horkeenay maxkamaddda mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamada ka hor cadeeyeen in ay dad shacab ah u sheegeen in labada eedaysane ay ka degeen gaari ay dhigeen agagaarka daljirka dahsoon sidaasna ay ku qabteen inti ay waraysanayeena uu qarxay gaarigii ay ka degeen, qaraxaas oo sababay dhimashada 3 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimin iskuul. Markay Aragtay:- Dembi muujinta ah 1- dukumiintiyo ay ka mid yihiin- cadaymihii iyo qiraaladii laga qoray eedaysanayaasha. 2- liiska dadkii ku geeriyooda kuna dhaawacmay qaraxyadii iyo weeraradii lagu eedeeyay eedaysanayaasha. 3- sawirada muujinaaya bur-burkii ka dhacay qaraxyada iyo weerarada lagu soo eedeeyay. Markay Dhagaysatay:- Doodii Qareenada oo ahayd in eedaysanayaasha loo naxariisto loona eego sifaalaha dembiga fududeeya. Sidaas Darteed Maxkamadda waxaa u Caddaaty in:- Dambiile Shabaab Canshuur Cismaan Abuukar Cumar iyoDambiile ShabaabMax’ed Cali Boorow Aadanay wada yihiin dambiilayaal galay dembiga lagu soo oogay waxayna ku wada xukuntay Dil Toogasho. Cidii aan ku qanacsanayn xukunka maxkamada waxaa u furan rafcaan. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil kooxo hubeysan ay ka geysteen degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxaana dilka loo geystay macalin Dugsi Qur’aan. Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta dilka kadib, waxaana la sheegay in macalinka lagu hordilay dugsigiisa oo ku yaala degmada Waaberi ee gobolka Banaadir. Macalinka dugsi qur’aanka ayaa si weyn looga yaqaanay xaafada uu dugsiga ku hayay, waxaana la ogeyn sababta ka dambeeya dilkiisa. Markii uu dilka dhacay kadib waxaa Goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo sameeyey baaritaano ay ku doonayaan inay kusoo qabtaan dadkii ka dambeeyey dilkaas. Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal loo geysto askar ka tirsan ciidamada Dowladda iyo dad kale,waxaaana inta badan mas’uuliyada dilalkaas sheegta Ururka Al-Shabaab. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax lagu dhaawacay sarkaal ka tirsanaa hay’adda CID-da, waxaana ay sheegeen inay iyaga ka dambeeyeen qaraxaasi. Al Shabaab ayaa sheegay in sarkaalka ay dhaawaceen lagu magacaabo Xarbi dhageey, kaasi oo kamid ahaa saraakiisha sarsare ee xarunta dambi baarista dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Maamulaha Guud Ee Shirkada Dahabshiil Group Oo Si Adag U Beeniyay Dacaayado Laga Fidiyey, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Ciidamada booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabey, Agaasimihii shaqada ka tegay ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Dr. Cismaan Xuseen Warsame. Hanti-dhawrka Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay baadhis ka waday wasaaradda warfaafinta Somaliland. Illaa hadda lama oga sababta loo xidhay Cismaan Xuseen Warsame. Source
  13. Fadeexad culus oo ku soo baxday Qoyska Siilaanyo & Baashe Morgan oo la baahiyey+Dacwad Qaramada Midoobay loo gudbiyey Telefishanka Aljazeera ayaa soo diyaariyey warbixin muddo badan laga soo shaqeenayey oo ku saabsan dagaalka Dekadaha ee ka socdo Geeska Africa. Warbixintaan oo ka baxday Telefishanka Aljazeera ayaa lagu soo bandhigay waxyaabo badan oo qarsoonaa kuna saabsan dagaalka dhanka Dekadaha Geeska Africa ee u dhaxeeyo dalalka Imaaraadka, Shiinaha, Turkiga iyo Dowlado kale oo waaweyn. Al-Jazeera ayaa Barnaamijkaan ugu magac dartay ”Almasaafa Sifir”, wuxuuna barnaamijkaan si gaar ah uga hadlay Loolanka DP Word iyo Dowladda Jabuuti kaasoo keenay in ugu dambeyn DP Word laga eryo dalkaas. Sidoo kale barnaamijkaan ayaa ka hadlay sida ay Imaaraadka Carabta ugu suurta gashay inay heshiis kula wareegto Dekadda Berbera oo lagu bixiyey lacago Malaayiin Dollar ah. Warbixinta Al-Jazeera ayaa qoyska Silaanyo ku eedeysay inay Musuq maasuqeen lacagihii laga qaaday Imaaraadka ee heshiiskii Debadda Berbera.Waxaa warbixinta lagu sheegay inay musuq maasuqaas qeyb ka ahaayeen Silaanyo, Xaaskiisa iyo Ninka uu sodogga u yahay . Xaaska Siilaanyo ayaa lagu magacaabaa Aamina Waris halka ninka uu Silaanyo Soddogga u yahay isna lagu magacaabo Baashe Moorgan . Waxaa lagu xusay warbixinta inuu Heshiiska Dekadda Berbera ahaa mid qarsoodi ah isla markaasna laga qariyey Baarlamaanka Somaliland. Baarlamaanka Somaliland ayaa loo qeybiyey qoraal Af-Soomaali ku turjuman iyadoo lagu heshiiyey inaan cidna la tusin heshiiska asalka ah, waxayna arrintaas keentay inay gacanta iskula tagaan guddoomiyihii golaha wakiilada iyo ku xigeenkiisii xilligii xukuumadii Siilaanyo. Al-Jazeera ayaa sheegtay in Baadhitaanka Musuq maasuqa lagu hayo Qoyska Siilaanyo loo gudbiyey guddiga dabagalka Soomaaliya iyo Eretariya ee Qaramada Midoobay. Heshiiska Dekadda Berbera ayaa muran weyn ka dhex abuuray Somaliland & Soomaalida dhexdeeda, wuxuuna keenay in Soomaaliya laga mamnuuco Shirkadda DP World kadib kulan xasaasi ahaa oo ay yeesheen Baarlamaanka Somalia inkastoo aysan arrintaas hirgelin maadaama shirkadaas ay weli dhaq dhaqaaq ka wado Gudaha Somaliland & Soomaaliyaba Qaran News
  14. Muqdisho (SMN)– Qoyskani oo ku nool xaafadda Black Sea ee magaalada Muqdisho oo la soo xariiray Shabelle ayaa ka cabanaya dhul boob lagu hayo. Dhulkan oo ah mid dhaxaltooyo ah ayaa waxa ay xubnaha Qoysku tilmaameen in ay sheeganeyo Haweeney ay qaraabo yihiin oo ka dacwootay maxkamadaha dalka. Cumar Deeq Maxamed Cismaan oo ka mid ah dadka wax ka leh dhulkaasi ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dowladda in ay soo faragaliyaan arrintaasi. Sidoo kale Xaliimo Xalane Xabadow oo ka mid ah dadka ka cabanaya dhul boobkan ayaa xustay in haweeneyda sheeganeyso dhulkani aysan shaqo ku laheyn, islamarkaana ay adeegsaneyso awood dheeraad ah , sida ay hadalka u dhigtay. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/wARBIXIN.mp3 View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Shirkadda Dahabshiil Group waxay si xooggan isaga fogaynaysaa eedaymaha been abuurka ah ee laanta Carabiga ee telefishanka Aljazeera naga baahisay. Waxay baahintani xambaarsanayd eedaymo been abuur ah, kuwaas oo gabi ahaanba ahaa sharaf dil iyo eedaymo ku saabsan ku lug lahaansho arrimo siyaasadeed, eedahan oo u muuqda kuwo ay dabada ka riixayso arrimo la xidhiidha siyaasad degaamaysan (geopolitical reasons). Dahabshiil waa shirkad gaar loo leeyahay, waana ganacsi caalami ah, una adeegta bulshada dunida sidaas awgeedna sinaba uguma lug laha siyaasaddo dawladeed, ama kooxaysi siyaasadeed. Ujeedadayada kaliya waa in aanu adeeg fiican u samayno macaamiisha waxna ku celino bahwadaagtayada. Dahabshiil lama siinin xuquuqda jawaabta iyo fadcelintayadii intii aanay Aljazeera baahin warbixinta. Haddii ay nala soo xidhiidhi lahaayeen iyada oo ay naga xigtay in ay telefoon noo soo diraan, waxaa laga fogaan lahaa khaladadaadka iyo been abuurka badan ee warbixinta ku jira oo ay heli lahaayeen xogtooda saxda ah. Dahabshiil waxay ugu baaqaysa telefishanka Aljazeera in uu ka noqdo eedaha aan sal iyo raad toona lahayn ee ay naga baahiyeen, islamarkaana macluumaadkan waa inay ka saaraan boggagga lagu baahiyay (public domains). Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Kadib socdaal saddex maalmood maraya ee wasiirka arimaha dibada dalka Eriteriya Cismaan Saalax iyo la taliyaha madaxweynaha Eriteriya Yamane Gebreab ay ku yimadeen magaalada Hargeysa , waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhawaan ay kulan yeelan doonan labada madaxweyne ee Somaliland iyo Eriteriya Muuse Biixi Cabdi iyo Isaias Afwerki. Wasiirka arimaha dibada dalka Eriteriya Cismaan Saalax ayaa markii uu madaxweyne Biixi kulanka la yeeshay waxuu u sheegay in madaxweyne Eriteriya u soo diray Somaliland si ay wax badan uga ogaadaan xaalada Somaliland ay ku sugan tahay , maadama oo ay Eriteriya hawda ka maqneyd muddo 20 sanno ku siman oo ay cuno qabateyn ay saarneyd , waxaana uu sheegay in madaxweyne Eriteriya ay gaadhsiin doonan waxyaabaha ay Somaliland ku arkaan . Kadib socdaalka masuulyiintan Eriteriya ku yimaadeen magaalada Hargeysa waxaa la sugayaa inay kulmaan labada madaxweyne ee labada dal . Waxaa soo baxaya warar sheegaya suurto gal nimada in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu socdaal ku tago magaalada Asmara ee dalka Eriteriya , waxaana wararku intaas ku darayaan in madaxweyne Isaias Afwerki waftigiisa u soo dhiibay warqad marti qaad rasmi ah. Warar kale waxaa ay sheegayaan in laga yaabo in madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki uu socdaal ku iman doono caasimada Somaliland ee Hargeysa kadib markii madaxweyne Muuse Biixi Martiqaad ugu dhiibay waftiga wasiirka arimaha dibada. Si kastaba ha ahatee waxaa ay wararku tilmaamayaan in ay u dhaw dahahay in madaxweyne Biixi uu dhawaan sodaal shaqo ku tago magalada Asmara ee dalka Eriteriya si uu ula kulmo dhigiisa. Labada Masuul ee Eriteriya ee Cismaan Saalax iyo la taliye Yemane Gebreab ayaa ah laba nin oo si aad ah ugu dhaw madaxweyne Isaias Afwerki , waana baalasha uu madaxweyne Isaias Afwerki ku duulo , waxaana wasiir Cismaan Hargeysa ka sheegay in madaxweyne Biixi siiyey war bixin Somaliland ku saabsan oo uu ku tilmaamay mid xiiso leh oo Mihiim Ah. Source
  17. (SLT-Paris)-Faransiiska ayaa jaray warqad lagu soo xirayo labo ruux oo horay masuuliyiin uga soo noqday atleetikada Ruushka, arrintan ayaana qayb ka ah baaritaan lagu hayo macluumaad la qariyay oo la xiriira dawooyin mamnuuc ah oo awoodda jirka kordhiya oo la isticmaalay. Labada ruux ayaa kala ah ah Valentin Balakhnichev oo madax u ahaajiray atleetikada Ruushka iyo Alexei Melnikov oo tababare u ahaa kooxda qaranka ee Ruushka. Labadadan nin ayaa sannadkii 2016kii laga mamnuucay atleetikada inta ay nool yihiin, arrintaas ayaana ka dambaysay ka dib markii ay soo baxday in dawooyinka jirka kordhiya ee sharcidarrada ah la isticmaalay arrintaasina ay gacan ka gaysatay dawladda Ruushka. Balakhnichev ayaa warqadda lagu soo xirayo ku tilmaamay mid aan sal lahayn. Baaritaanka ayaa billawday bishii Nofembar ee sannadkii 2015kii ka dib markii dacwad lagu soo oogay Lamine Diack oo Senegal u dhashay oo isaga oo madax ka ah Hay’adda caalamiga ah ee ciyaaraha fudud ee magaceeda loo soo gaabiyo IAAF lagu eedeeyay in uu aqlabay malaayiin doolar oo laaluush ah si uu u qariyo in ciyaartoyda Ruushku ay isticmaaleen dawooyinka awoodda jirka kordhiya ee mamnuuca ah. Sannadkii 2017kii waxaa la jaray waraaqda lagu soo qabanayo wiilkiisa Papa Massata Diack, kaas oo lagu eedeeyay in uu qayb ka ahaa laaluush lagu bixiyay ciyaaro caalami ah. Senegal ayaa go’aansatay in aysan dhiibin muddo afar sano ah ayuuna ku jiray liiska dadka ay aad u baadigoobayaan booliiska caalamiga ah ee Interpol, inkastoo uu diiday eedaymaha loo soo jeediyay. Source
  18. (SLT-Ankara)-Dowlada Australia ayaa ka codsatay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan inuu raali-gelin ka bixiyo hadalo adag oo ka dhan ah shacabka Australia, sida uu sheegay Raysalwasaaraha Australia Scott Morrison maanta oo Arbaca ah. Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo xiligan ku jira ololaha doorashada ayaa maalmahan si adag uga hadlayey weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay labo masjid oo ku yaal magaalada Christchurch ee dalka New Zealand. Khudbad uu dhawaan jeediyey Erdogan ayuu ku sheegay in “..Cunsuriyiinta Australia u dhashay lagu guri doono naxash (La dili doono) si lamid ah xasuuqii loo geystay ciidamadii Australia ee la dagaalamay Khilaafadii Cismaaniyiinta (dagaalkii 1aad ee Dunnida) ee ka dhacay Gallipoli. Xiligii uu socday dagaalkii kowaad ee dunnida ayey ciidamo gaaraya 8000 askari dowlada Australia uga dhinteen dagaal adag oo ay la galeen ciidamadii Turkida ee Cismaaniyiinta, dagaalkaasi oo ka dhacay deegaanka Gallipoli, taariikhdaasi oo ah mid si weyn looga xuso Australia. Erdogan ayaa si gaar ah cambaareynta ulla beegsaday Australia maadaama ninkii geystay xasuuqii ka dhacay masaajidada New Zealand uu ahaa cunsuri cadaan ah oo kasoo jeeda dalka Australia. Dowlada New Zealand ayaa sidoo kale cambaareysay in Erdogan uu filimkii laga duubay xasuuqii masaajidada uu kusoo bandhigay ololihiisa doorashada, wafdi uu hogaaminayo Raysalwasaare kuxigeenka New Zealand ayaa lagu wadaa inay arrintan darteed safar ugu baxaan dalkaasi Turkiga. Dadkii ku dhaawacmay weerarkii New Zealand ayey ku jireen sadex qof oo u dhashay dalka Turkiga. Macada Erdogan inuu raali gelin siin doono dowlada Australia oo sheegtay inay ka fiirsan doonto in ay shacabkeeda uga digto inay dalxiis u tagaan dalka Turkiga. Dhinaca kale Madaxweyne Erdogan ayaa maqaal uu ku daabacay jariirada Washington Post ee kasoo baxda dalka Maraykanka ugu baaqay hogaamiyayaasha dalalka reer Galbeedka inay ka hortagaan falalka muslim naceybka ah iyo Cunsuriyiinta ee kusii fidaya wadamadooda. Source
  19. (SLT-Denmar)-Xildhibaanad reer Denmark ah ayaa ka hadashay in loo sheegay in ay baarlamaanka ka saarto canug ay wadatay. Mette Abildgaard ayaa sheegtay in ay ahayd markii u horraysay ee ay xildhibaannada dhex gaysto gabadheeda shanta bilood jirta, maadaama oo aabeheed ay u suuragali wayday in uu ka sii hayo. Pia Kjaersgaard oo ah gudoomiyaha xildhibaannada iyo hoggaamiyihii hore ee xisbiga Danish People’s Party ayaa la sheegay in ay xildhibaanadda u sheegtay in aan “carruurta laga ogolayn” kulamada baarlamaanka. Kjaersgaard ayaa sheegtay in loo baahan yahay in xildhibaannada warcad laga siiyo arrimaha carruurta la xiriira. Abildgaard oo Facebook soo dhigtay in ay aragtay xildhibaanad hore oo ilmaheeda la gashay gudaha xarunta baarlamaanka taas oo aan wax dhibaato ah kala kulmin. Waxay sheegtay in ay xog haynta kula heshiisay “in haddii gabadheedu ay sawaxan yar samayso ay bixin doonto” maadaama oo gabadheedu ay jawi dagan ku jirtayna ay go’aansatay in ay gudaha la gasho. Kjaersgaard ayaa markaas fariin dirtay si xildhibaanadda loogu sheego in ay canuga saarto, intaas ka dibna Kjaersgaard ayaa warbaahinta Ritzau u sheegtay “in xarunta xildhibaannada loogu talo galay mudaneyaasha balse aan loogu talo galin carruurr”. Afhayeen u hadlay ayaa warbaahinta BT ee Denmark ka soo baxday u sheegay in gudoomiyuhu ay raacaysay xeerka, canuguna uu carqaladaynayay kulanka. Denmark ayaa ka mid ah dalalka ugu wanaagsan fasax yada la siiyo waalidka si ay carruurta wakhti ula qaataan dumarka dhalay ayaa loo ogol yahay 18 toddobaad oo fasax ah, labada waalidna waxaa loo sii ogol yahay 32 bilood oo labada waalid ay siday rabaan ay u qaybsan karaan. Abildgaard ayaa sheegtay in ay go’aansatay in ay shaqada ku laabato si ay dimuqraadiyadda ugu adeegto. Qof ayaa Facebook ku soo qoray haddii xildhibaannadu ay matalaan hooyooyinka, aabeyaasha iyo carruurta waa in loo fasaxaa hooyooyinka iyo carruurta. Ma aha markii koobaad ee ay ciwaannada qabsato war ku saabsan siyaasi canugiisa la yimaada. Ra’iisulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa canugeeda la tagtay markii ay ka qayb gashay shirkeedii u horreeyay ee Qaramada Midoobay, waxayna noqotay hoggaamiyihii u horreeyay ee canug la taga kulanka Golaha Loo dhan yahay Qaramada Midoobay. Source
  20. Caabudwaaq (SMN) – Madaxda sare ee maamulka Galmudug ayaa maanta wafdi dhex dhexaadin ah u diray deegaanka Xeraale ee waqooyiga goboka Galgaduud oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen labo maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi. Wafdigan oo isugu jira xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Galmudug ayaa waxa ay kulamo ka bilaabi doonaan deegaanka Xeraale six al looga gaaro colaadaasi. Sidoo kale waxaa la filayaa in xabad joojin rasmi ah ay kala dhex dhigaan beelaha haatan ku dagaalamaya deegaankaasi. Wasiirka dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug Saalax Maxamed oo wareysi siiyay Shabelle ayaa ka warbixiyay dadaallada nabadeed ee ay wadaan. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-mahad-.mp3 View the full article
  21. Leaders in Somalia are questioning the recent abandonment of a military base in the country by Kenya Defence Forces (KDF) soldiers, saying the move will expose the country to Al-Shabaab threats. The leaders say Kenyan troops started withdrawing from Somalia after moving out of Busar, KDF’s command center in the northern sector of Jubaland, a town that was liberated in the first 100 days of their entry into Somalia. On Tuesday morning, a contingent of troops made the final withdrawal from Busar. “Our people spotted the troops heading towards the Somali border. They destroyed their military base before leaving,” a senior politician from Gedo, who requested not to be named for fear of reprisals by both KDF and Somali security forces, told the Nation. Busar is in Gedo region, where KDF recorded their greatest loss in history during the El Adde attack, in which about 200 soldiers died. Aw Hirsi, the Minister for Planning and International Cooperation in Jubaland, told the Nation that the withdrawal had left the people uncertain as to whether the departure of the Kenyans could secure the region lasting peace and tranquillity, or whether it could further land their weary souls into the hands of Al-Shabaab militants. The KDF operated bases in Bardera, Busar and El Adde, all of which it has since abandoned. It also had forward operating bases FOBs in Taraka and Fafadun, from which it also withdrew. The Kenyan troops withdrew from Bardera in September 2017, and it fell back into the hands of Al-Shabaab. The departure came just five days after it abandoned its base in Bardera. On Tuesday, Department of Defence Spokesperson Bogita Ongeri and KDF spokesperson Paul Njoroge declined to respond to the Nation’s queries on what necessitated the movement of KDF troops towards the border. A senior official in the Department of Defence, who cannot be named because he is not authorized to speak to the press, said that the move is classified and that they are awaiting a brief from the military intelligence before making any public statements. The withdrawal comes after top Amisom commanders met in Mogadishu on February 16 and agreed on how to execute the mission’s new Concept of Operations (Conops), a document that provides a framework for implementing the AU troops’ gradual transition and final exit from Somalia. The meeting was attended by Lieut-Gen Tigabu Yilma Wondimhunegn, the Amisom Force Commander, and his deputy Maj-Gen Charles Tai Gituai, a Kenyan in charge of Amisom’s operations and plans. According to Mr Simon Mulongo, the Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission, the Somalia Transition Plan will include the phased and conditions-based troops’ withdrawal and handing over of priority locations in Mogadishu to the Somali Security Forces, the degrading of Al-Shabaab, and supporting the Somali National Security Forces to take full charge of the country’s national security. Hirsi blamed the Somali government for not being keen on following the Conops strategy. Experts in military and diplomatic circles advanced various reasons for the withdrawal of the troops from Gedo. The first, they said, was logistical since it had become impossible to move troops and supplies in the vast area due to dwindling funding for Amisom operations. “The decision for the drawdown in terms of Amisom troop numbers was supposed to be in 2017, but the Somali government has been asking for extensions due to fears that it might not be able to hold back the militants. The funding for the operations has also been dwindling,” Mr Edward Wanyonyi, a graduate of war studies from King’s College, London, said. The second reason the experts advanced was political, and they cited the recent diplomatic spat between Kenya and Somalia over their maritime border and the oil blocks in the disputed area. “By Kenya withdrawing from their positions, Al Shabaab could fill up the void and in turn upset Somalia as a way of getting back at them,” said Mr John Kariuki, a geopolitics expert. View the full article