Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somaliland: Trade Delegation In Malaysia To Discuss Commercial Links A high level trade delegation led by the Somaliland Minister of Trade and Industry, Hassan Mohamed Sa’ad, which includes the Governor of the Somaliland Central Bank, Ali Ibrahim Jama, the Deputy Minister for Foreign Affairs, Liban Yusuf Gahnug and the Chair of the Somaliland Chamber of Commerce, Jamal Aidid Ibrahim, are currently on a working visit to Malaysia to discuss strengthening the trade and commercial links between Somaliland and Malaysia. The delegation which has met with both Malaysian government officials and members of the business community have been engaged in talks about the exportation of Somaliland livestock to the Malaysian market. Malaysia is a centre for the Halal meat industry, and a private Malaysian meat processing factory currently operates in Somaliland. The Somaliland delegation have been on a diplomatic offensive to restore the image of the “Somali” peoples in the region which has suffered from the negative images of piracy, smuggling, terrorism and other malfeasance. The delegation stressed the difference between Somaliland and it’s neighbour in the region. The democratic and business orientated credo of Somaliland had been greatly stressed to the Malaysian officials. The Governor of the Somaliland Central Bank is also expected to meet with his Malaysian counterparts in the coming days. Qaran News
  2. Isbeddel Keen:- W/Q Rakad Mxd Sultan Haddii aad Nolosha Isbeddel ka doonneysid Waxaan dadku Raadin raadi, waxaan laga fikirayn ka fikir, waxaan la aqoon ka fikir, wax caqligal ah se la awoodi karo ka fikir, ka dibna Qiimee, Dhinacyo badan ka rogrog, qorshee wakhti kama dambays ahna u sammee, ka dibna ku dhaqaaq. Waxkastoo Adduunka Yaalla rag baa u fikiray adigu i fikir siday u fikireen ka dibna Gaadh oo dhaaf halkay Gaadheen. Waxa loo ordayaa waa wax cusub soo kordhi iyo wax la qalday Toosi taasna waxa waxa maanta lagu kala horreeyo. Haddii hankaagu yahay Heer iyo Horumar Markasta Yeelo wax aad jeceshay oo aad rabtid innaad ka guul gaadhid, waxaasina ha noqdaan wax Baahi loo qabo, waxna ka taraya nolosha caadiga ee socota ee casriga ah. Halganka Noloshu qofba Meel buu saaraa, qofna wuu sarraysiiysa qofna waa Hooseysiiyaa Haddii Alle meel fiican ku gaadhsiiyay Hoos u eeg kuwa Nolosha Hoose haysta, Caawi, wacyi gali, Nolosha ugu saxsanna u Tilmaan si ay kuugu daydaan una hoga tusaalee. Haddii Aad naftaada un ka fikirtid Heerkaad gaadhid maaha mid dhammaystiran si uu u dhammaystirmo Dadka Hareerahaaga Daadsan ka fikir sidii aad Nolosha uga caawin lahayd ee aad intay kaa dareemayaan ugu caawin lahayd. Nolosha Khayrkeeda iyo wanaageeda Wehel ka dhigo, xaggeeda xuna Albaab adag ku tiiri kuna Quful. Markasta iyo Meelkasta Alle Talo Saaro kuna Kalsoonow Natiijadda Alle dhehna Alxamdullilaah si Alle kuugu farxo. Mahadsanid. Rakad Mxd Sultan. Dhiirrigaliye Nololeed. Qaran News
  3. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-07032019.mp3 View the full article
  4. Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska ugu caansan dalka Kenya ee Daily Nation ayaa maanta warbixin ka qoray waxyaabihii dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta oo shalay ku kulmay magaalada Nairobi. Daily Nation waxa uu qoray in wax heshiis ah aan lagu gaarin kulankii labada dhinac ee uu dhex-dhexaadiyey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Warbixinta Daily Nation ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan waxba ka jirin warka kasoo baxay Villa Somalia ee ah in la isku raacay in dib loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, lana soo celiyo safiirada la kala qaatay “Inkasta oo Muqdisho ay sheegeyso in safiirada labada dal ay howlahooda dib u billaabi doonaan dhowaan kadib markii wada-tashihorey loogu kala diray, Kenya iyo Somalia weli waxay isku khilaafsan yihiin habka loo xalinayo muranka” ayaa lagu yiri warbiixnta wargeyska. Waxaa taas caddeyn u ah, ayuu qoray wargeyska, xaqiiqda ah in Kenya aysan wax war ah kasoo saarin kulanka, islamarkaana uusan jirin war-murtiyeed si wadajir ah loo soo saaray. Warbixinta ayaa sheegtay in kulanka uu ku dhammaaday is-marin waa, ayada oo labada madaxweyne mid walba uu ku adkeystay mowqifkiisa. Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in dhul-badeedka lagu muransan yahay ay go’aan ka gaarto maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, halka Kenya ay dalbatay in meel ka baxsan maxkamadda xal lagu gaaro, labada dalna ay isku raacaan xuduud cusub oo ay ka wada-hadleen. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  5. Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, sagaal kalena waxaa kasoo gaaray dhaawacyo kala duwan, kaddib qarax gaari oo maanta ka dhacay meel ku dhaw mid ka mid ah koontaroollada laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho. Goobjoogayaal iyo saraakiil amni ayaa laga soo xigtay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jireen shacab iyo ciidammo, waxaana gaariga qarxay la dhigay meel dibadda ka ah maqaayad ku taalla meel ku dhaw Tiyaatartkii Muqdisho. “Shan qof ayaa dhintay, sagaal kalena way dhaawacmeen, khasaare culus ayaana ka dhalatay qaraxa,” ayuu yiri milkiilaha maqaayadda uu horteeda ka dhacay Qaraxa oo ahaa mid dhawaqiisa laga maqlay inta badan gobolka Banaadir. Dhanka kale, Maamulka Gaadiidka Gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho ka shaqeeya ayaa sheegay inay qaadeen dhaawacyada sagaal qof oo qaarkood ay xaaladoodu aad u daran tahay, sidoo kalena ay qaadeen maydadka dhawr qof oo ka mid ah dadkii ay ku naf-waayay qaraxan. Kooxda Al-shabaab ayaa war ay baahisay ku sheegtay inay weerarkaan ka ahayd mas’uuul, iyagoo sheegay inay lix sarkaal oo ciidamada dowladda ku dileen weerarkaan, kuwo kalena ay dhaawacyo ugu geysteen. Dadkii ka badbaaday weerarkan ayaa sheegay in gaariga qarxay goobta la soo dhigay, isla markaana ruuxii waday aan la ogeyn halka uu aaday, ayna mar qura xaaladdu isbedeshay markii uu qaraxu dhacay. Ugu dambeyn, Qaraxan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Toddobaadkii hore ay Al-shabaab ka geysatay Muqdisho Qarax gaari iyo weerar toos ah oo ay la beegsatay Hoteello ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama, kuwasoo ay ku naf-waayeen in ka badan 30-qof ayna ku dhaawacmeen 140-qof oo kale. PUNTLAND POST The post FAAHFAAHIN: Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Al-shabaab oo Mas’uuliyaddiisa sheegatay appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT-Oslmted)-Booliska magaalada Olmsted ee ka tirsabn Gobalka Minnesota ee dalkaasi ayaa sheegay inay heleen maydka Nin Soomaali ah oo ay dhaawacyo rasaaseed ka muuqdeen. Booliska ma sheegin magaca Marxuumka, balse waxay tilmaameen inuu da’da Labaataanka ku jiray. Maamulayaasha Deegaanka waxay sheegeen inay ka war sugayaan inay xaqiijin ka helaan Waaxda Dembi-baarista Gobalka Minnesotaiyo Xafiiska Minnesota ugu qaabilsan Baaritaanka Daawada si ay u caddeeyaan qaabka loo dilay Marxuumkaasi. Boliska waxay sheegeen in maydka Marxuumka laga helay gaari dhexdiisa, mana jirin dad kale ama gaadiid kale oo ku sugnaa Deegaanka laga helay Marxuumka. Kevin Torgerson oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Olmested ayaa wax laga weydiiyey inuu dilkaasi ahaa fal is-dilid ah waxa uu ka gaabsaday arrintaasi , isago oshaki buuxa ka muujiyey geerida Marxuumkaasi. Si kastaba ha ahaatee, haddii geerida Marxuumkaasi la sheegay inu u ahaa Fal Is-dil ah, waxa uu noqon doonaa dilkii ugu horreeyey ee ka dhacay sannadkan. Source
  7. (SLT-Washington)-Xildhibaanada Taageersan Xukuumadda Benjamin Netanyahu ee ka tirsan Xisbiga Dimuquraadiga Maraykanka oo ay Ilhaan Cumar kamid tahay ayaa waday olole ay doonayeen in Golaha Wakiilada cod u qaado qaraar lagu cambaareenayo Xildhibaanada asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen Yahuud-naceyb. Weerarkan cusub oo bilowday horaantii asbuucan ayaa waxaa soo abaabulay qaar kamid ah hogaanka Xisbiga Dimuquraadiga oo ay ku jirto Guddoomiyahooda Ms.Nancy Pelosi iyo koox Xildhibaano Yahuud ah oo ku tilmaamay hadalada Xildhibaanada Ilhan kuwo salka ku haya yahuud-naceyb, kooxdan xildhibaanada ah ee cadaadiska saaray Ilhan markii 2aad ayaa ah kuwa daacada u ah kooxda u ololeysa Israel ee loo yaqaan AIPAC oo ay horey u cambaareysay Ilhan Omar. Qaraarka ay soo diyaariyeen Xildhibaanadan oo ay doonayeen in codka loo qaado Arbacadii shalay ayaa fashilay kadib markii uu buuq weyn ka dhex dhashay isla xisbiga Dimuquraadiga oo ay xildhibaano badan la safteen Ilhan iyadoo shirkii xisbigaasii keenay in lagu kala kaco. Ilhan Omar oo diiday in siyaasiyan-la-aamusiyo ayaa Sabtidii lasoo dhaafay shir ay ka qeyb gashay ku sheegtay in ay khalad tahay in Xildhibaanada Maraykanka ay daacad u ahaadaan labo wadan hadii ay doonayaan inay kamid ahaadaan guddiyada Baarlamaanka ee awoodaleh, hadalkaasi oo loo micneeyey inay ulla jeeday wadanka labaad Israel oo ay daacad u yihiin Xildhibaano badan oo Maraykan ah. Xildhibaanada u badan dhalinyarada ee ku cusub Baarlamaanka oo iyagu hada taageero xoogan ku dhexleh shacabka Maraykanka ayaa la saftay Ilhan Omar, arrintaasi oo keentay in dib loo dhigo qaraarkii taageerayaasha Israel horkeeni lahaayeen Baarlamaanka. Murashaxiin Madaxweyne iyo Siyaasiyiin Taageeray Ilhan Omar Waxaa sidoo kale si buuxda u taageeray Ilhan Omar qaar badan oo kamid ah Yahuuda Maraykanka oo sheegay in Ilhan aysan necbeen Yahuuda balse ay xaq tahay inay cambaareyso xukuumada xagjirka ah ee Israel ee uu hogaamiyo Benjamin Netanyahu oo ay sheegeen inuusan metelin Yahuuda. Senator Bernie Sanders Senator Bernie Sanders oo ah murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Dimuquraadiga ka dhex tartamaya ahna siyaasiga xiligan ugu taageerada badan Maraykanka ayaa sheegay inuu garab taagan yahay isla markaana uu difaaci doono Ilhan Omar. Senator Sanders ayaa qudhiisa ah nin Yahuud ah. Kooxda Kudlada xildhibaanada Madowga Maraykanka ee kamid ah Dimuquraadiga ayaa taageero la garab istaagay Ilhan Omar. Senatorada Kamala Harris oo ah haweenaydii ugu horeysay ee Madowga Maraykanka oo u tartameysa Xilka Madaxweynaha ayaa iyaduna sheegtay inay taageersan tahay Ilhan. Murashaxiinta Madaxweynaha ee taageeray Ilhan ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Elizabeth Warren iyo Tulsi Gabbard oo ka tirsan Golaha Wakiilada & Senate-ka. Waji-gabaxii Nancy Pelosi Kooxda ay hogaamineysay Nancy Pelosi oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayey lama filaan ku noqotay taageerada Ilhan Omar ku dhexleedahay Dimuquraadiga ayaa sheegay inay wax ka bedali doonaan qaraarkii ay doonayeen in loo codeeyo isla markaana sheegay inay ka saareen qoraalkaasi cambaareynta Ilhan Omar, waxayna sheegeen in qaraarkaasi kusoo koobi doonaan cambaareynta hadala Muslim & Yahuud-Naceybka ah. Ololaha Xagjirka, Trump & Israel Ilhan Omar ayey horey weerar ugu hayeen xisbi xaakimka oo uu hogaaminayo Donald Trump oo si toos ah marar badan u sheegay in Ilhan laga saaro guddiga Golaha Wakiilada u qaabilsan Siyaasada Arrimaha Dibada, dhinaca kale Ilhan ayaa weeraradan siyaasadeed ku heshay taageerayaal badan oo ah shacabka Maraykanka oo qaarkood cadaadis saaray xildhibaanada gobaladooda laga soo doorto inay garab istaagaan Xildhibaanada Soomaaliga ah. Jariirada New York Times ayaa iyaduna qortay warbixin dheer oo muujineysa in kooxda Israel u ololeysa ee AIPAC asbuucyadii lasoo dhaafay olole xoogan ugu jireen inay ku cadaadiyaan hogaanka xisbiga Dimuquraadiga iyo waliba kuwa Jamhuuriga inay weeraraan Ilhan Omar. Xildhibaanada ku xiran Israel oo horey awood badan ugu lahaan jiray Baarlamaanka Maraykanka ayaa si weyn uga cabsi qaba Xildhibaanada cusub ee Dimuquraadiga iyo ololaha Ilhan ee ka dhanka ah xukuumada Israel maadaama xildhibaanadaasi ay hada kamid tahay Guddiga Kongareeska ee Siyaasada Arrimaha Dibada. Hay’ada danbi-baarista Maraykanka ee FBI ayaa hada wada baaritaano ku aadan kooxo iyo shaqsiyaad la sheegay inay Ilhan Omar ugu hanjabeen dil kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin taageerayaasha Trump. Source
  8. Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska Dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe Ku qabatay kulan wada tashi ah oo looga hadlayey caqabadaha haweenka haysta islamarkaana loogu Gogol xaarayey xuska maalinta caalamiga ah ee haweenka adduunka ee ku beegan 8-da Maarso sannad walba. Kulankan ay soo agaasintay wasaaradda haweenka Puntland oo kaashanaysa mashruuca TIS PLUS ee ay maal-gelisay hay’adda USAID ayaa waxa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta wasaaradda ee dhammaan sagaalka gobol ee Puntland, xubno ka socday ururweynaha haweenka Puntland ee sagaalka gobol qaar kamid ah gabdhaha ku jira golayaasha degaanka degmooyinka Puntland iyo marti sharaf kale. Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska Dowladda Puntland Maxamed Cabdirisaaq oo sharraxaad ka bixiyay kulanka ayaa sheegay in ujeedka u weyn ee shirkan loo aabtay yahay in laga wada-tashado caqabadaha hor-taagan haween weynaha Puntland. Guddoomiyaha ururka haweenka Puntland ee gobola Nugaal Faadumo Axmed Nuur Beergaal ayaa dhankeeda kulanka ka sheegtay in shirkan muhiin u yahay soo bandhigidda xogta rasmiga ah ee cagabadaha haysta haweenka Puntland iyo xal u helistooda maadaama si qoto dheer looga wada-tashanayo. Dhammaan mas’uuliyiintii iyo haweenkii kala duwanaa ee ka hadlay shirka ayaa cod midaysan ku soo dhoweeyay in laga wada-tashado caqabadaha haweenka iyagoo wasaaradda ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jirto u qareemidda iyo ilaalinta xuquuqda haweenka Puntland. Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska Dowladda Puntland marwo Aamina Cismaan Xaaji Jaamac eoo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay in ay wasaaradda ka go’antahay in ay codkooda dhegaysto haweenka Puntland ee ku nool degaannada kala duwan si loo ogaado cid kasta iyo caqabadaha u gaarka. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in shirka looga golleeyahay in haweenka Puntland lagala tashado caqabadaha ka haysta dhinacyada kala duwan habka looga gudbi karo si loogu daro qorshaha horumarinta 5-ta sano ee xukuumadda Puntland ay haatan dejinayso. PUNTLAND POST The post Garoowe: Wasaaradda haweenka Puntland oo qabatay kulan loogu gogol xaarayo 8-da Maarso appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (SMN) – Maxkamada ciidamada qalabka sidda e Soomaaliya ayaa waxaa maanta lasoo taagay labo eedaysane. Eedaysanayaasha ayaa kala ah; Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Barrow Aadaan. Canshuur iyo Maxamed ayaa lagu eedeeyay in ay wax ka ogaaayeen weeraro iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho. Weerarada la sheegay in ay ku lug lahaayeen ayaa ka kala dhacay; Tiyaartaka qaranka, Hotel Saxafi, Daljirka Daahsoon iyo xarunta degmada Howlwadaag. Sidoo kale, labada eedaysane ayaa wajahaya dacwad ku aadan dilal qorsheysan oo ka dhacay magaaladda caasimada ah. Xasan Cali Nuu [Shuute], gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka ayaa ka dalbaday xeer-ilaalinta in ay keento caddeymaha ay u haysto kiisaskaan. Ugu dambeyntii, Shuute oo soo xiray fadhigii lagu dhageystay eedaymaha ka dhanka ah raggaan ayaa sheegay in fadhiga labaad dib laga soo sheegi doono. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-07032019.mp3 View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Ehelada laba nin oo maxkamadda nacfaanka gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay muddo 8 sanno ah iyo ganaax lacageed oo badan ayaa si dareen leh uga hadlay xukunkaas, waxaanay farta ku fiiqeen cidda ay u xidhan yihiin, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dalalka xubnaha ka ah QM u gudbisay warbixin ku saabsan xiisadda Soomaaliya iyo Kenya ee badda, islamarkaana jawaab u ah beenta ay Kenya faafineyso. Qoraalka Ergada Joogtada ah ee Soomaaliya ee QM, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa dalalka caalamka loogu sheegay in Kenya ay dalalka caalamka u gubineyso been ku saabsan hab-dhaqanka Soomaaliya ee dhul-badeedka lagu muransan yahay. Qoraalka Soomaaliya ayaa jawaab u ah wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, oo warbixin ku saabsan “muranka badda” ee kala dhaxeeysa Soomaaliya, kuna xoojineyso dooddeeda u gudbisay qaar ka mid ah dalalka xubnaha QM iyo Golaha Ammaanka Midowga Afrika. “Kenya waxa ay si aan sax ahayn u sheegtay in Soomaaliya ay iibineyso xirmooyin shidaal oo ku yaalla dhul-badeedka lagu muransan yahay. Kenya waxa ay sheegashadan aan saxda ahayn dalalka iyo ururada caalamiga ah u gudbisay 22-kii febraayo” ayaa lagu yiiri qoraalka. “Soomaaliya waxay Kenya u gudbisay 25-kii febraayo waraaq ay ugu xaqiijineyso inaysan iibin islamarkaana iibin doonin wax xirmooyin shidaal ah oo ku yaalla dhul-badeedka lagu muransan yahay” ayaa lagu yiri qoraalka. “Kiiska Soomaaliya iyo Kenya ee muranka badda wuxuu hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, waxaana mar kale la dhageysan doonaa September 2019, ayada oo go’aankana la filayo sanadda 2020 gudaheed. Soomaaliya waxay Kenya u xaqiijisay inay u hoggaansami doonto go’aanka maxkamadda” Hoos ka arag qoraalka
  13. BELWEYNTA West Burco Clan UK OO BAAQ CAMBAREYN AH DIRAY Waxaa shalay ka BELWEYNTA West Burco Clan UK OO BAAQ CAMBAREYN AH DIRAY garsoorka Somaliland xaajo ugub ah oo sharciyada Islaamka iyo ta Gaaladaba ku cusub. Taas oo lagu xukumay dulmi laba nin oo isku reer ah oo wax dambi ah oo ay gaysteen jirin. Labadaa nin oo la kala yidhaa; Abwaan Bashe Hassan iyo Macalin Abdilqadir Nour, wuxuu cadeeyay qareenkii u hadlaayay in maxkamaddu hore dambi ugu wayday oo la sii daayay. Hadana mar labaad la soo qabtay oo la xidhay. Waxay hore u xidhnaayeen muddo sagaal bilood ah. Shalayna maxkamaddu waxay ku xukuntay midkiiba 8 sannadood oo xadhig ciqaabeed ah iyo $625,000.00. Waa xaajo dadkii ka fajicisay oo aan hore loo arag. Xukuumadii Kali taliska ahayd ee Mohamed Siyaad Barre ee xadhiga, cagajuglaynta, iyo xoritul qawlka la dagaalamaysay oo kale ayay maanta xukuumadeenii cagta saartay. Waxay is leeyihiin dadka ku cabsi galiya, laakiin dadka way kicinayaan. Mar haday dadku kacaana cid joojin doonta la arki maayo. In badan ayaanu ka dignay in sharci darrada iyo cagajuglaynta laga daayo dadka oo aan cid gaar ah la bar tilmaameedsan. War ragow kibirka waa lagu kufaa taa ha la ogaado. Kumanaan Caare ayaa soo bixi doona hadii la joojin waayo sharci darrada. Ma waydiisan doono in la soo daayo, laakiin Muse diiriyow dadka diiri oo kici. Waxaanu cambaaraynaynaa annaga oo ah Garxajiska degan dalka Ingiriiska, xadhigaa sharci darada iyo kibirka ah ee lagu xukumay Abwaan Bashe iyo Macalin Abdilqadir. Eng. Abdillahi Hassan Amay Ali Hassan Dualeh Abdirahman Jama Ahmed (Shotaley) Abdilqadir Iidan Abdirashid Magaalo Eng. AbdiAziz Ali Adagude Abdirahman Ali AbdiQani Mohamed Jama Abdirahman Muse (Cirro) Abdi Yusuf Adam AbdiKarim Yasin Sh. Dalmar Abdillahi Osman Abdillahi Abdi Jama AbdiQani Saeed Adam Abdirahman Yusuf Awale Abdirahman Adam (Hadana) Abdirahman Mohamed Ahmed Abdisalam Suulcayn AbdiWali Yalas Abshir Moalin Muj. Adam Mohamoud Farah (Sikawi) Ahmed Yusuf Bilqasab Ahmed Harir Ahmed Hashi Gulaid Ahmed Abdi Indhagamun Ahmed Yusuf Jama Ahmed-Nasir Ahmed Qalax Ahmed Sh. Omer Hussein Ahmed Sheel Ahmed Ismail Ali Bihi Ali Farah Dheere Aniis Mohamed Ismail Asad Dahir Awale Bacaw Awil Muse Ali Suudi Barre Bile Jama Barre Dayax Abdillahi Bashe Abdillahi Qulumbe Caawiye Jama Abdirashid Darwish Deeq Abdillahi Haabiil Deeq Mohamoud Prof. Essa Hussein Faisal Mohamed Farah Egal Farhan Muhumed Fuad Shibin Abdikarim Jama Dagaal Hamze Jibril Botan Hamze Ahmed-Salaan Eng. Hassan Hussein Jama Hassan Baroud Hassan Haroun Hassan Ahmed Hussein H. Jama (Hussein Ithnin) Ibrahim H. Deria Ibrahim Jalafe Mohamed Yusuf Diirqadhaadh Nasir Hassan Farah Jamal Muse Ismail Ismail Ali Ismail Cambashe Jacfar Ismail Botan Khadar Abdi Khadar Elmi Dalamiye Khadar Adam Koodbuur Khadar Soofe Hirad Mohamed Ali Bashe Mohamed Aw Yusuf Mohamed Carab Mohamed Abdillahi Essa (Mohamed Dheere) Mohamed Dheeg Mohamed-Nageeb Ibrahim Mohamed Abdillahi Egeh (Sunni) Mohamed Sulaiman Mohamed Yusuf Amay Mohamoud Casayr Mohamoud Dheere Mohamoud Awil (Hamle) Mohamoud Sh. Abdillahi Mubarik Omer Ibrahim Muj. Ahmed Ali Abdi (Oday) Mustafa Abdillahi Ismail Mustafa Ismail Ahmed (Kenadi) Mustafa Qorane Omer Ali Wais Omer Salaan Rashid Haibe Rashid Aw Nour Hassan Rashid Ibrahim Hersi Sa’ad Qawdhan Saeed Ali Adam Saeed Suldan Abdilqadir Sulaiman Sanyare Yoolac Mohamed Yusuf Shire 100)Taysiir Askar 101) Yasin Sulaiman Mohamed Qaran News
  14. (SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 30-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee xarunta madaxtooyada, waxana lagaga dooday, laguna ansixiyey siyaasado iyo xeerar qaranka faa’iido badan u leh. Kal-gadhigan oo uu shirguddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayey xubnaha golaha wasiirradu ku ansixiyeen xeerka garyaqaanka guud ee qaranka, kaas oo qeexaya xilka iyo waajibaadka xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka oo ka kooban diyaarinta qaybo-qoraallada xukuumaddu curiso, la-talinta sharci ee dhammaan hay’adaha xukuumadda, metelaadda dacwadaha medinga ah ee dhammaan hay’adaha dawladda iyo inuu faafinta rasmiga ah kusoo saaro gebi ahaanba xeerarka ansaxay ee qaranka. Sidoo kale, golaha wasiirrada waxa loo qaybiyey nuqullada siyaasadda shaqaalaha rayidka ah ee wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska iyo wax-ka-beddelka xeerka shaqaalaha rayidka ah Xeer/No/31/2004. Dhinac kale, golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa warbixinno lagaga dhegaystay wasiirrada wasaaradaha macdanta iyo Tamarta iyo horumarinta biyaha, iyaga oo golaha hortooda kusoo bandhigay qorsheyaasha horumarineed ee wasaaradahoodu ku hawlannaayeen sannadkii dhammaaday iyo sannadkan soconayaba, isaga oo wasiirka Macdanta iyo Tamartu golaha ka hor jeediyey ahmiyadda ay shidaal soo saaristu qaranka u leedahay iyo sida ay wasaarad ahaan ugu hawllan yihiin inay dalka gaadhsiiyaan koronto ku filan oo laga dhalinayo Tamarta qorraxda. Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in qaranka laga haqab-tiro biyo ku filan, isaga oo xusay in muddadii uu wasaaradda joogayna uu horumariyey gebi ahaanba ceelashii iyo dhaamamkii aynnu hore u haysannay, islamarkaana ay soo kordhiyeen ceelal faro badan, iyada oo diiradda la saarayo meelaha ay biyo la’aantu ka jirto, taasina ay safka hore kaga jirtey barnaamijkii ololaha xisbiga KULMIYE iyo siyaasadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku wajahan helitaanka biyo nadiif ah oo gaadha dhammaanba shacab weynaha reer Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Injineer Faysal Cali Waraabe, ayaa beesha caalamka ka codsadey in ay soo faro-geliso siyaasadda Somaliland oo muddooyinki dambe la isku mari la’aa arrimo khuseeya Doorashooyinka oo ay ku kala aragti duwan yihiin Xisbiyada dalku. Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Wargeyska Waaberi, ayaa sheegaya in guddoomiye Faysal uu beesha caalamka ka codsadey in ay faro-gelin ku soo sameyso arrimo ah muranku ka taagan yahay isla mar ahaantaana xal loo helo muranka ka taagan arrimaha Doorashooyinka. Wararku waxa ay sheegayaan in Faysal uu warkan ka sheegay kulan maalin ka hor magaalada Hargeysa ku dhex-maray diblomaasiyiin ka socdey wadamada EU da oo kulamo la qaatay saddexda Xisbi qaran ee Somaliland, waxaana uu u sheegay in saddexda Xisbi ee dalka ka jiraa ay isku fahmi la’ yihin arrimaha muranku ka taagan yahay ee ay ugu horreyso kala dirista xubnaha komishanka Doorashooyinka Somaliland. Dhinaca beesha caalamka ayaan wax jawaab ah ka soo bixin codsiga Faysal Cali Waraabe, waxaana weli taagan muranka dhinacyada ee Doorashooyinka Somaliland. Source
  16. (SLT-Hargeysa)0Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir oo ka mid ah cuqaasha gobalka Hargeysa ayaa si adag uga hadlay xukun ay maxkamadda rafcaanka gobolka Maroodijeex ku riday laba muwaadin oo reer Somaliland ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa waxa si weyn looga dareemay hadal hayn ku saabsan in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xukuumaddiisa ku samaynayo isku shaandhayn sal balaadhan. Xogaha sida baaxadda leh ugu faafay bulshada dhexdeeda iyo Baraha Bulshada ayaa sidoo kale lagu hadal hayay wasiirro cusub oo saaxadda soo galaya iyo kuwo xilka laga qaadayo. Lama xaqiijin karto in Madaxweyne Biixi soo wado isku shaandhayn golihiisa wasiirrada ah laakiin, waxa muuqata in bulshadu si weyn u tabayso isbedel lagu sameeyo xukuumadda Madaxweyne Biixi iyada oo rajadu tahay in wasiirro miisaan leh lagu soo daro kuwaas oo dadku si weyn u hadal hayaan siyaasiyiin hore xilal wasiir uga soo qabtay xukuumaddii hore laakiin, lama oga in madaxweynuhu kuwaasi u diran doono shaqada Qaranka. Wasiirrada madaxweyne Biixi ayaa tan iyo bilawgii wajahayay dhalliil ku saabsan waayo aragnimo la’aan dhanka siyaasadda ah iyo in aanay ahayn wasiirro madaxweynaha xujo ama dood la geli kara marka laga hadlayo arrimaha Qaranka. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Xisbiyada Somaliland ayaa weli kala taaggan Mawqifkooda kala fog ee arrimaha doorashooyinka waxaana soconaya wakhtiga oo ku sii siqaya xilliga loo muddeeyay doorashada Golaha Wakiillada loo muddeeyay dhammaadka 2019. Waxa aan waxba laga qaban caqabadaha waaweyn ee hor taaggan qabsoomidda doorashooyinka kuwaas oo ay ka mid yihiin muranka Komishanka, xal u helidda khilaafka saami qaybsiga Wakiillada, dib u furidda diwaangelinta, sii daynta dhaqaalaha doorashada ee beesha caalamka iyo arrimo kale kuwaas oo culayskooda leh. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg oo ka mid ah xubno Golaha Guurtida ka tirsan oo doonayay in la kordhiyo wakhtiga muddada loo kordhinayay Wakiillada si loo helo wakhti fiican oo doorashada loogu diyaar garoobo ayaa shalay sheegay in ay iska cadday in mar kale la kordhin doono wakhtiga doorashada. Waxa uu sheegay in wixii maalintaas u muuqday maantana taaggan yihiin lana gaadhi doono wakhtiga doorashada iyada oo aan waxba la qaban Karin “Maalintaa marka ay gaadho ayuun baa la odhan doonaa Golaha Guurtidow kordhi laba sano oo kale qabsoomi weydee halkaa maanta ay taagan tahay qabyada oo taagan, saw maalintii dhaweyd lama odhan yey soo gelin todobaadaa nin oo dadka beenta aan ka dayno, Komishankii ayaa noo warramay oo yidhi intay saddex-da Xisbi col yihiin ay kala jeed-jeedaan gaaladu wax-ba na siinmayso,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg. Xisbiyada Somaliland oo u muuqda kuwo madaxa u buuxinaya beesha caalamka ee danaysa doorashooyinka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay yeeshay kulamo aanay waxba ka soo bixin. Sida uu sheegay Musharrax xigeenka UCID waxay kulamadaasi daarnaayeen sidii ay dhinacyadu isugu soo dhawaan lahaayeen. Wefti ka socday Midawga Yurub oo arrimaha doorashada danaynayay ayaa hoggaanka Saddexda Xisbi la yeeshay kulamo gaargaar. Xisbiyada ayaa mawqifyadooda kala fog hor dhigay weftiga reer Yurub. Guddoomiyaha ku Meelgaadhka ah ee WADDANI Cabdiqaadir Jirde ayaa sheegay in ay weftiga Yurub u gudbiyeen mawqifkooda ah in la kala diro Komishanka“Anagu waxaanu u sheegnay in aanu doorashada diyaar u nahay Komishankana aanu doorashada qabanayn oo saacaddiiba ka dhacday oo waa tan Guurtidu ka saartay marka si Komishanka cusub wakhti loogu helo in Komishankani kala tago iyo in la kordhiyo Komishanka oo labadii xisbi ee anaga iyo UCID ba aanu isku raacnay qoladana la qaadatay taana qaabka loo kordhinayo iyo sida loo qaybsanayo waa laga wada hadli doona laakiin, labada qodob ba waanu aqbalay; in Komishanka dhakhso loo kala diro inta aanu wakhtigu ka dhammaan si qolada cusub ee soo socota wakhti u hesho ay doorashada ku qabato,” ayuu yidhi Cabdiqaadir Jirde. Musharrax xigeenka xisbiga UCID Maxamed Cabdi Abyan waxa uu sheegay in weftiga Yurub u sheegeen in ay ku hawlan yihiin isu soo dhaweynta WADDANI iyo KULMIYE oo mawqifyo kala fog taaggan waxaanu tilmaamay in wakhtigu soconayo “Wakhtigu aad buu inooga dheeraynaya doorashadiina wakhtigeedii wuu ina haya, marka arrintaas ayaanu aad uga hadalnay oo ay naga waraysteen halka aanu ka taaggan nahay aad baanay u ammaaneen hawsha aanu qabanay,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Abyan. Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga KULMIYE ayaa isna sheegay waxa ay u bandhigeen weftiga Reer Yurub “Waxannu ka wada hadalnay laba qodob oo kala ah doorashooyinka gelayaasha deegaanka deegaanka iyo wakiillada ee aannu doonayno inay dhacdo dabayaaqada sannadkan 2019-ka, waxana ay wax naga weydiiyeen halka aannu ka taagannahay inay doorashadu dhacdo, waxana aannu u sheegnay mawqifkayagii ahaa inaanay doorashadu sannadkan 2019-ka dhaafin,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Axmed Cabdi Dheere. Tan iyo markii golaha guurtidu doorashada u cayintay dhammaadka 2019 oo ahayd wakhti xisbiyada oo dhan isku waafaqsan yihiin waxaan jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo ay samaynayso xukuumadda talada hayso oo ku wajahan qabsoomidda doorashada. Waxa kale oo ay u muuqata in xilliyada ay imanayaan wufuud reer Galbeed ah la abaabulo kulamo ay xisbiyadu yeeshaan si xukuumaddu ugu dooddo in laga wada hadlayo khilaafka asxaabta u dhexeeya ee dhanka doorashooyinka laakiin, wakhtiga ayaa u socda si xawaare leh. Source
  19. Toddobaadkan gudahiisa waxa dalka Jabuuti ka qabsoomay shir-weyne looggu dabbaal-degaayey 40-sanno guuradii ka soo wareegtay Xisbiga talada haya ee dalkaasi ee loo yaqaano RPP kaas oo ah Xisbiga ay ka dhisan tahay Xukumadda uu ka arrimiyo Madaxweynaha keligii taliska ah ee dalkaasi Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Xisbiga RPP ee ka arrimiya dalka Jabuuti ayaa looggu dabbaal-degay in 40-sanno uu ka arriminaayey dalka Jabuuti halka Madaxweyne Geelle na uu xilka dalkaasi hayey muddo 20-sanno ah, waxaana soo baxaysay in mar walba xisbiyada kale ee ka dhisan dalkaasi ay sheegaan in awood loo adeegsado wakhtiyada doorashada isla mar ahaantaana ay adag tahay in ay ku guuleystaan talada dalka iyo kuraasta kale ee muhiimka ka ah dalkaasi. Sida baraha bulshada iyo warbaahinta ba lagu baahiyey, waxa soo baxday in mar kaliya ay shirkaas ka soo dhex-muuqdaan xubnaha ugu sar-sarreeya Xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbigaasi Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo sida la sheegay uu Madaxweyne Geelle iyo Xukuumaddiisu ba ay ku soo marti-qaadeen ka soo qeyb-galka shirkaasi. Xisbiyada WADDANI iyo UCID, ayaa gebi ahaan ba aan lagu soo casuumin shirkaasi, waxaana arrintani ay u muuqataa mid Xukuumadda Geelle ay ku soo kala dhaweysanayso Xisbiyada ka jira gudaha Somaliland isla mar ahaantaaan ay keliya saaxiib dhow la tahay Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE. Xisbiga Kulmiye ayaa sidoo kale xisbiga talada Jabuuti haya ku casuumay shirkiisii Golaha Dhexe ee Boorama ka qabsoomay dhawaan waxaana la xasuusta in madaxweyne Biixi xafladdii caleemo saarkiisa ka sheegay in si weyn la isu weydiiyay sida balaadhan ee Jabuuti uga soo qayb gashay caleemo saarkiisa taas oo uu kaga jawaabay kaftan uu ku ku yidhi ‘ Waa huuno huuno loo doortay’. Arrintan ayaa tuhunno badan ka dhex abuurtay gudaha Somaliland maaddaama oo weli ay dalka ka taagan yihiin siyaasado lagu kala qeyb-san yahay iyo xanaf ka dhalatay Doorashooyinkii dalka ka qabsoomay daba-yaaqaddii 2017. Dowladda Jabuuti ee uu ka taliyo Madaxweyne Geelle, ayaa ka mid ahayd wadamo hore loo la xidhiidhiyey tuhunno sheegayey in faro-gelin toos ah ay ku sameeyeen Doorashaddii ka dhacday dalka isla mar ahaantaana ay la safnaayeen Madaxweyne Biixi wakhtigii Doorashada 2017. Hadda ba, casuumadda khaaska ah ee Madaxweyne Geelle u sameeyey Xisbiga KULMIYE ma noqon kartaa mid caddeyn u ah tuhunada ay qabaan qeybo ka mid ah shacabku ee la xidhiidha in ay dowladda Jabuuti ay hore uga soo qeyb-qaadatay tuhunada la la xidhiidhinaayo ee ah in ay soo faro-gelisay Doorashadii ka dhacday Somaliland. Marar kala duwan oo hore oo Xukuumadda Jabuuti lagu eedeyey in ay soo faro-gelisay Doorashadii dalka ka dhacday, waxaana wakhtiyadii Doorashada ay Warbaahinta Somaliland qortay in Marwada Madaxweynaha Jabuuti ay muddo toddobaad ah olole siyaasaddeed oo ay ugu daneynaysay Xisbiga KULMIYE ay ka waday magaalada Boorama ee gobalka Awdal, Waxaana wararkaasi ay sheegeen in Marwo Khadra iyo guddoomiyaha shirkadda Internet ka ee Somcable Ganacsade Maxamed Aw-Siciid ba ay lacago tiro badan ku qeybinaayeen magaalada Boorama. Illaa hadda ma cadda sababta Madaxweyne Geelle uu u kala xigsanaayo Xisbiyada ka jira Somaliland balse waxa inta badan loo aaneeyaa in Marwada Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Somaliland ay ka soo wada jeedaan isku qoys ka. Balse faro-gelinta siyaasadda Somaliland ee Xukuumadda Madaxweyne Geelle ayaa sababi karta in ay saameyn ku yeelato siyaasadda mustaqbal ee dowladda Jabuuti maadaama kolba uu Xisbi gaar ah ka arrimiyo Somaliland. Source
  20. Muqdisho (PP) ─ Ergada dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhida QM, ayaa qoraal ashtako ah u gudbisay Golaha joogtada ah ee Qaramada Midoobay kaasoo ay ku beeniyeen sheegashada dowladda Kenya ay sheeganayso inay Soomaaliya xaraasheyso badda ay labada dowladood ku muransan yihiin u gudbisay. Qoraalka ay ergada u gudbisay Soomaaliya ayaa ku taariikheysnayd 05-ta bishan Maarso oo ku beegneyd maalintii uu Madaxweyne Farmaajo Addis Ababa ku tagay safarka uu uga sii gudbay dalka Kenya oo uuu wada-hadallo gaar ah kula yeeshay madaxweyanha Kenya, Uhuru Kenyatta. “Marna dowladda Soomaaliya kama suurowdo inay iibiso ama xaraashto dhul-badeed aysan lahayn, waxayna dowladda Soomaaliya sugeysaa natiijada kasoo baxda dacwada hor-taalla Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, taasoo lagu wado inay go’aan ka gaarto sanadka soo socda ee 2020-ka,” ayaa lagu yiri qoraalkan. Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa waxaa taalla dacwad ay gudbisay dowladda Soomaaliya kaasoo ay ku diidan tahay badda ay Kenya sheeganayso taasoo wax heshiis ah ay ka gaari waayeen labada dowladood. Sidoo kale, Qoraalkan ayaa ergadu waxay ku sheegeen in dowladda Soomaaliya ay u xaqiijisay dowladda Kenya 25-kii Feb, 2019-ka in Xukuumadda Soomaaliya aysan iib-geyn ama xaraashin dhul-badeedka ay dacwaddiisu taallo ICJ ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya. Dhanka kale, Inkstoo dowladda Soomaaliya ay qoraalkan u gudbiyay Guddiga Joogtada ah ee QM, ayaa haddana wararku waxay sheegayaan in Farmaajo uu aqbalay in wada-hadal laga galo khilaafka badda ee u dhexeeya labada dal. Ugu dambeyn, dowalddii Xasan Sheekh Maxamuud oo dacwadda badda u gusbisay maxkamadda ICJ, ayaa horay u diidday inaanay doonayn inay la gasho wadahadallo lagu xalliyo muranka dowladda Kenya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo Qaramada Midoobay u gudbisay Warqad ay kaga cabanayso Dowladda Kenya appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay Wadatashiga Qorshaha horumarinta Qaranka ee sagaalaad oo lagu qabtay Xarunta D/Hoose ee Muqdisho, si maamulka Gobolka Banaadir ugu darsardo wixii talo iyo tusaale ah. Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa sheegaay in maamulka Gobolka Banaadir uu ahmiyad gaar ah siinayo qorshaha horumarinta Qaranka, bacdamaa bulshada Caasimaddu ay waligood u taagnaayeen midniada, wadajirka iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed. Duqa Muqdisho ayaa balan-qaaday ka maamul ahaan in kaalintooda ay ka qaadanayaan sidii uu qorshahani u noqon lahaa mid taabagal ah, kuna dhisan aragtida iyo baahida bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, sida ay uga go’an tahay in qorshahan lagu saleeyo rayiga qeybaha bulshada ee kala duwan, iyadoo wadatashiyadan lagu soo qabtay gobolada dalka. Ugu dambeyn, Qorshaha Horumarinta Qaranka ayaa arrimaha ugu waaweyn ee uu diiradda saarayo waxaa ka mid ah dhimista fakhriga, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dawliga , hirgelinta nidaam siyaasadeed loo dhan yahay xoojinta sharciga, garsoorka iyo amniga. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Gob. Banaadir oo Daah-furay Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka appeared first on Puntland Post.
  22. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Rafcaanka ee Magaaladda Hargaysa ayaa Saaka Xoriyadoodii U Soo Calisay Labaatan Dhalinyaro Darbi Jiif ah oo hore maxkamadda gobolka hargaysi ugu riday xukun dhan lix bilood oo dhaqan calin ah. Xisbiga Waddani ayaa Dhalinyaradani Bishii hore u qaaday Rafcaan waxaana saaka qareenadii u doodayay ku guulaysteen in ay Xoriyadooda u soo celiyaan labaatanka dhalinyaradda ah oo hore wasaaradda shaqo galinta cabasho ay ula tageen ku mutaystay xabsi dhan lix bilood. Garyaqaan mubaarig oo ka mid ahaa Qareenadda u doodayay ayaa hadhwanaagnews u xaqiijiyay in dhamaan ooda laga qaaday saakana ay maxkamadda rafcaanku ku dhawaaqday inaanay wax dambi ah layahn dhalinyaradaasi cabashadda ay la hortageen wasaaradda xabsiga loogu badalay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. (SLT-Hargeysa)0Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay xaalada caafimaad ee Sheekh Aadan Sune, waxaanu sheegay inuu u baahan yahay in caafimaadkiisa iyo daweeyntiisa xil la iska saaro. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Ilayn waxba laguma hayste In la daweeyo, oo naftiisa la badbaadiyo oo la qalo xaq buu u leeyahay Sheekh Aadan Sune,kolay sida aan filayna hadda dhakhtarka ayaa la keenayaa oo waa la qalayaa,qof dhakhtar iyo qalitaan u baahana maaha in dib loogu celiyo jeelka, ee haddii la qalayaba dhakhtarka waa lagu ilaalinayaaya, maaha Sheekhu qof ka baxsanaya.” Wuxuu xildhibaan Nacnac ku baaqay in xil la iska saaro daawaynta Sheekh Aadan-sune oo uu ku dhacay bog dilaac, kaas oo baadhis loogu sameeyay mid ka mid ah cisbitaalada Hargeysa ka dib lagu celiyay jeelka Hargeysa. Source