-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Xubno ka socday Midawga Yurub ayaa kulamo la xidhiidha doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka waxa ay la yeesheen xisbiyada mucaaradka ah Ucid iyo Waddani. Xisbiyada mucaaradka ah ayaa sheegay inay kala hadleen waftigan ka socday midawga Yurub sidii ay doorashadu u qabsoomi lahayd, arimaha gobalka ka socda iyo wadahadalada la doonayo inay dib u bilaabaan Somaliland iyo Somaliya. Waxaanay arimahan ku sheegeen iyaga oo la hadlaayay HCTV. Mr. Thomas Kircher oo hogaaminayay waftiga EU-da ayaa dhankiisa sheegay inay Somaliland diyaar u yihiin inay doorashooyinkan ka taageeraan hadii xisbiyadu ay soo gaadhaan go’aano ay isku raaceen. Ugu horayntii Maxamed Cabdi Abyan oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga Ucid ayaa halkaas waxa uu ka sheegay”Waxa nugu muhiimsanaa saddex qodob qodobka inagu taagan ee ah doorashada waanu u sheegnay in anagu Ucid ahaan aanu mudaba isku jiidaynay labada xisbi Waddani iyo Kulmiye oo meelo aad u kala durugsan ka taagnaa ilaa xadna aanu isku soo dhawaynay kulamo aan loo kala kicina aanu ku jirnay, maanta ( shalay ) oo ugu danbaysay laba jeer ayaanu la kulanay madaxweynaha, shalay ( doraad) sadexda xisbi kulan ayaanu ku lahayn madaxtooyada, maqribkana waxaanu la balansanahay Kulmiye, waxay wax naga waydiiyeen isbadalka ka dhacaaya gobalka iyo saamaynta uu ku leeyahay Somaliland, waxaanu ka wada hadalnay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo hada la rabo in la bilaabo, waxaanuna u sheegnay in wadahadaladaas loo baahan yahay inay hogaamiyaan koox beesha caalamka ah.” Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde ayaa dhankiisa kulankaas kadib waxa uu ku warbixiyay”Waxay doonayeen inay ogaadaan sidaan wax u qabsan karno ee aynu doorashada u soo dhawayn karno mawqifkayagana waan u cadaynay xisbiyadii kalena waa ay la kulmeen, madaxweynuuna waa uu u dhiman yahay, sharaxaad kale gali mayno ee waxii ay nala ahayd waanu u sheegnay iyaguna waxii ay la hayd si saraaxad leh ayay u hadleen waxii ay doonayeen ee wanaagsanaa sidii ay u gaadhi lahaayeen, anagu waxaanu u sheegnay in doorashada aanu diyaar u nahay, komishankana aanu doorashada qabanayn saacadiibaa ka dhacday oo waatan guurtidu ka saartay, si wakhti loogu helo komishanka cusub in komishankani uu kala tago iyo in komishanka la kordhiyo oo aanu anaga iyo Ucidba isku raacnay qoladana ay la qaadatay, sida loo kordhinaayo iyo sida loo wada qaybsanaayo waa laga wadahadli doonaa.” Mr. Thomas Kircher oo hogaaminayay waftigan ka socday midawga Yurub ayaa ku sheegay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay u codeen la kulanka dhinacyada siyaasada ee Somaliland “Waxyaabaha ugu muhiimsan ee socdaalkayaga waxa uu ahaa inaanu la kulano dhinacyada siyaasada ee Somaliland si looga baxo is mari waaga siyaasadeed, waxaanu ku dhiiri galinay xisbiyada inay isla gaadhaan xal siyaasadeed si ay gudida doorashadu hawshooda u gutaan, diiwaangalinta codbixiyayaashana loo bilaabo kadibna ay doorashadu u qabsoonto, ka hor dhamaadka sanadka.” Mr. Thomas ayaa sheegay in EU ay diyaar u tahay inay bixiso dhaqaalaha doorashada ay ku taageeri jirtay hadii dhinacyada siyaasadu ay gaadhaan heshiis mida“Waxaan filayaa hadii la helo heshiis siyaasadeed oo ay xisbiyadu gaadhaan Midawga Yurub waxa uu bixinayaa taageerada doorashada, waxa ka horaysa in xisbiyada siyaasada ee Somaliland ay la yimaadaan waxay heshiis ku yihiin dhinacyada oo dhan.” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah wasiiradii hore ee maamulka HirShabeelle ayaa warqad dacwad ah ka gudbiyay Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare kadib markii ay sheegayn in ay waayeen xuquuqdii ay lahaayeen mudo ka badan hal sano. Wasiiradaan oo gaaraya ilaa 11 Xubnood ayaa xilka haayey mudo ku siman 14 bilood waxayna qabsadeen qareen u dooda kaas warqad la wadaagay Maxamed Cabdi Waare. Warqadda uu diray qareenka wasiirada cabashada qaba oo soo gaartay Caasimada Online ayaa Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaa looga dalbaday in ay ka soo jawaabaan cabasha islamarkaana ay bixiyaan xuquuqda oo maqan mudo sanad ka badan. Mushaar, Gunnooyin iyo lacago kale ayaa la sheegay in Wasiirada ay ka maqantahay. Qaarkood ayaa sheegay in lagu leeyahay lacago deyn ah oo ay galeen mudadii ay xilka haayeen hadana loo heesto deentaasi. Sidoo kale wasiiradaan waxay qabaan walaac dhinaca amniga ah maadaama ay galeen dakano ayey dalbadeen in la siiyo xaquuqdooda. Ma jirto ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku aadan arintaan soo cusboonaatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Business Daily Africa ee kasoo baxa Nairobi, ayaa qoray in Kenya ay ku guul-darreysatay in Soomaaliyaay heshiis kala gaarto muranka xuduudda badda ee labada dal ka dhex-oogan. Wada-hadallo uu dhex-dhexaadiyey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta shalay ku dhex-maray magaalada Nairobi. Si kastaba, wargeyska Business Daily Africa, oo soo xiganaya diblomaasi Soomaali ah ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku adkeysatay in ay sugi doonto go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ. Wargeyska waxa uu sidoo kale qoray in Soomaaliya ay diiday soo jeedin ka timid Kenya oo ahayd in labada dal ay ka wada-hadlaan sameynta qariirad xuduud oo cusub oo labada dhinac ay isku raaci karaan, haddii Soomaaliya ay ka laabtao kiiska maxkamadda. Dowladda Kenya, ayaa illaa iyo hadda ka hadal faah-faahinta kulankii Nairobi, waxaana yaab lahayd inuusan jirin war-murtiyeed wada jir ah oo wada-hadallada laga soo saaray. Madaxa warfaafinta Villa Somalia, Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay isku raaceen in xiriirka diblomaasi dib loo soo celiyo. “Waxay sidoo kale isku raaceen in safiirada labada dal ay ku kala laabtaan Muqdisho iyo Nairobi” ayuu yiri Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ayaa la filayaa inay heshiis ku kala saxiixdaan magaalada Kismaayo, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online. Wafti uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xasan Cali kheyre ayaa la filayaa in berri ay tagaan magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu kula kulmayo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe. Dowladda iyo Jubaland ayaa dhowaanahan waxaa u socday wada-hadallo hoose oo badankood ka dhacay magaalada Nairobi, waxaana la sheegay in inta badan ay is-afgarteen islamarkaana heshiis rasmi ah lagu gaari karo safarka Kheyre ee Kismaayo. Wafdi hordhac u ah ra”iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulkan Jubbaland. Sidoo kale, ciidamo khaas ah oo la socday diyaaradda kuwaas oo qeyb ka qaadanaya sugidda amniga ra’iisul wasaaraha ayaa maanta gaaray Kismaayo.
-
Wasiirka cusub ee ciyaaraha iyo dhalinyarada Maamulka Koonfur Glabeed Cali Dhuux Maxamed ayaa la wareegay xafiiyada shaqada wasaarada ciyaaraha oo xarun u ah magaalada Baydhabo magacaabistiisa waxaa soo dhaweeyay bahada isboortiga deegaanka iyo saaxiibadiisa,iyagoo u raajeeyay in la yimaado wax qabad wanaagsan oo guul u horseeda dhalinyarada. Wasiirkii hore ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Cabdullahi Cumar Faarax ayaa u mahad celiyay dadkii kala soo shaqeeyay wasaarada mudadii afarta sano ee lasoo dhaafay,isagoo intaa ku daray in uu diyaar u yahay la shaqeynta wasiir Cali Dhuux Maxamed oo isaga badalay. Hami iyo hadaf aan ka lee yahay horomarinta isboortiga iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed ayuu xilka igu aaminay madaxweyne Cabdi Casis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) waxaanse ku dadalaay in aan la imaandoono qoryaashal kor loogu qaadayo ciyaaraha deegaana waxaa sidaas Goobjoog usheegay wasiir Cali Dhuux oo dhawaan la wareegay xafiisyada shaqada wasaarda ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed. Koonfur Galbeed waxa ay ka mid tahay gobolada ugu wax soosaarka badan dhinaca ciyaaryahanada kubbadda cagta tiro badan oo kasoo baxday waxa ay guul iyo sharaf u soo hooyeen Soomaaliya afartii sano lasoo dhaafay uu xafiiska joogay wasiir Cabdullahi Fanax waxa uu ka warbixiyay wixii u qabsoomay iyo meesha ay iminka taagantahay wasaarada ciyaaraha. Saaxiibada iyo bahda ciyaaraha Koonfur Galbeed ayaa aad u soo dhaweeyay wasiir Cali Dhuux,iyagoo sheegay in shaqsigii ugu haboonaa wasaarada loo magacaabay ayna ka sugayaan in la yimaado wax qabad guul u horseeda dhalinyarada. Si kastaba dhawaan ayay aheyd markii Maamul Goboleedyada Hirshabeele,Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa yeesheyn wasiiro cusub oo dhinaca ciyaaraha iyo dhalinyarada waxaana bulshada deegaanadooda ay ka sugayaan in la yimaadaan horomarinta iyo ko u qaadida ciyaaraha. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (SMN)- Dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa bilaabay mashruuc balaaran oo lagu dhisayo wadada isku xirta magaalooyinka Berbera iyo Togwajaale Madaxweynaha maamulka Somaliland Muusi Biixi oo ka hadlayey munaasabada daah furka mashruucaasi ayaa sheegay in dhismaha wadadaasi ay muhiim u tahay xiriirka ganacsi ee Itoobiya Somaliland Madaxweyne Biixi ayaa hadalkiisa intaa ku daray in Somaliland ay Malaayiin Dollar oo faa,iido ah ka hesho ganacsiga kala dhaxeeyo dowladda Itoobiya. Wadada isku xirta magaalooyinka Togwajaale iyo Berbera oo gaareysa 72 KM ayaa lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo mudo 18 bilood gudahood ah. Madaxweynaha ismaamulka Somalida Mustafe Cagjar ayaa sheegay in dhismaha wadadaasi ay qayb weyn ka qaadaneyso kobaca dhaqaale ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Mashruuca lagu dhisayo wadadaasi oo ay ku kacayso 400 oo Milyan oo Dollar ayaa waxaa maalgelinaysa dowladda Imaaraadka Carabta Ra,iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa wada qorshe lagu xoojinayo dalalka bariga Afrika si sare loogu qaado kobaca dhaqaalaha ee gobalka. View the full article
-
Galmudug (SMN)-Maxamed Xaashi Cabdi madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa kulamo gooni gooni ah kawada degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Kulamada uu wado madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa looga hadlayaa dib u heshiisiinta iyo wada noolaanshaha dadka shacabka ah ee ku sugan woqooyiga gobolka Galgaduud. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in uu doonayo in uu ka qeyb qaato sidii loo adkeyn lahaa dib u heshiisiinta iyo amaanka dadka ku nool deegaanada dhaca woqooyi gobolka Galgaduud oo dhawaan ay uu dagaal dhexmaray. Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay xiisad ka dhacday deegaanka Balanballe oo dhexmartay beelo walaalo ah,waxaana uu ku baaqay madaxweyne ku xigeenka Galmudug in arintaasi xal lagu soo dabaalo. Dhanka kale magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa ka soconaya kulamo gaargaar ah oo wado madaxa xukuumada Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan. Kulamada Dhuusamareeb ka soconaya ayaa looga hadlayaa sidii dib u heshiisiin looga sameyn laha guud ahaan maamulkaasi Galmudug iyo sidii loo qaban lahaa deegaanada ka maqan gacanta maamaulkaasi. View the full article
-
Baardheere (SMN)- Howlgal balaaran oo lagu xaqiijinayo amaanka iyo ka hor tagista jidgooyooyinka ay dhigtaan maleeshiyaadka hubeysan ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya waxay ka wadaan daafaha iyo wadooyinka soo gala degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Howgalkan oo wali soconaya ayaa ciidamada amaanka waxay ku baadi goobayaan maleeshiyaad dadka shacabka ah dhaca u geysta xiliyada ay ku safrayaan wadooyinka soo gobolka Gedo. Saraakiisha hogaaminaya howgalkaasi looga hortagayo jidgooyooyinka laguna xaqiijinayo amaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in faahfaahinta howgalka ay wadaan dib ay ka sheegi doonaan. Ma jirto cid ilaa haatan lagu soo qabtay howgaladaasi,sidoo kale maamulka degmada Baardheere ayaan ka hadlin howgalada ay wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya ee halkaasi ku sugan. View the full article
-
Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodi-jeex, Somaliland ayaa maanta xukuntay in xorriyaddooda loo celiyo 20 caruurta darbi jiif ah, kuwaasi oo horey loogu xukumay 6 bilood oo xabsi ah. Mubaarik Cabdi Ismaaciil oo ah qareenkii u doodayey carruurtan ayaa Goobjoog u sheegay in wax dambi ah carruurtan lagu waayey maadaama markii la xukumayey lagu eedeeyey iney cabsanaayeen, islamarkaana xilliga ay wasaaradda shaqada u cabanayeen aanay wax maandooriyaha isticmaaleyn. Waxa uu sheegay Mubaarak in xukumay siideyntooda maadaama aanay wax dambi ah lahayn. Garabka dhallinyarada xisbiga wadani oo iyagu qabtay qareenkii carruutan u doodayey ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin go’aankan maanta kasoo baxay maxkamadda. Waxay sheegeen iney ogaayeen xarrigaasi inuu sharci darro yahay sidaasi darteedna ay racfaan u qaadeen dhallinyaradan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/KHAALID-FOODHAADHI.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (SMN)- Wafdi hor dhac u ah ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose. Xubnahan oo u badan wasiiro ayaa garoonka diyaardaha Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland. Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in uu gaaro magaalada Kismaayo. Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa la kulmi doona mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland,balse lama oga waxyaabaha ay kawada hadli doonaan,inkastoo uusan fiicneyn xiriirka mas’uuliyiinta Jubbaland iyo dowladda dhexe. Wafdiga hor dhaca u ah safarka ra’iisal wasaare Kheyre ee Kismaayo ayaa imaanaya xili uu maalin ka hor dalka dib ugu soo laabtay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo shir caalami ah uga soo qeyb galey magaalada Geneva ee caasimada dalka Switzerland. View the full article
-
Qatar Airways is set to start direct flights from Doha to Mogadishu in July to rejuvenate the already growing international carrier market in Somalia. Akbar Al Baker, the CEO of Qatar Airways has announced that the move will boost trade with Somalia and also caters for the demand of the route. He said six other destinations are upcoming in additions to its rapidly-growing global network, at the ITB Berlin, the world’s largest international travel and tourism trade show. At a press conference attended by nearly 200 members of the media, Mr. Al Baker revealed an array of forthcoming global destinations the airline will launch in 2019, including Lisbon, Portugal; Malta; Rabat, Morocco; Langkawi, Malaysia; Davao, Philippines; Izmir, Turkey; and Mogadishu, Somalia. “We are very pleased to reveal our new Economy Class experience here at ITB, proving that our commitment to providing the very finest experience extends to all of our passengers, not only those in Premium class. Our new Economy Class seat, with its redesigned recline system and additional leg room, will ensure that our passengers in Economy Class arrive at their destinations feeling rested and refreshed. We invite all visitors to ITB to visit our stand so that they can experience this unique product for themselves,” Al Baker said. “We are also tremendously excited to be adding seven new destinations to our rapidly expanding global route network later this year, and to be able to connect our passengers to anywhere in the world they wish to go.” The move comes a time when Ethiopian and Kenyan national carriers took same decision to restart directs to Somalia. After more than three decades, Ethiopian Airlines plane landed in Mogadishu last year. Somalia and Ethiopia halted all flights halted in the 1970s after the two countries engaged in a deadly war over a border dispute. Kenya Airways has also restarted its direct Nairobi – Mogadishu flights. The airlines postponed the launch of its direct flight earlier over clearance issue. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay bar koontarool oo ku talla agagaarka isgoyska Xaawa Taako. Goob joogayaal la hadlay Shabelle ayaa xaqiijiyay in qaraxa ay afar ruux ku geeriyoodeen tira intaasi ka badana uu dhaawac ka soo gaaray. Qaraxa ayaa ka dhacay meel dhowr talaabo u jirta bar koontarool oo ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya kau leeyihiin afaafka hore ee isgoyska xaawa taako ee magaalada Muqdisho. Al-shabab ayaa barahooda internet-ka ku sheegay in ay ka danbeeyeen weerarkaasi,isla markaana ay ku dileen askar ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya View the full article
-
The government of Somalia and Ethiopia have launched a US $400m road project that will link Ethiopia’s border town of Togochale to Berbera Port in Somalia. Speaking during the launch ceremony, Somaliland’s President Muse Bihi Abdi said the road will provide access for landlocked Ethiopia to an additional seaport and significantly boost trade between the two countries. It is estimated Somaliland imports to Ethiopia is worth over the US $800m annually. The 72 kilometer-road is an ambitious and strategic road project that will also enable Somaliland to benefit greatly from the winds of change blowing across the Horn of Africa. The agreement calls for infrastructure investment to upgrade the existing Berbera Port and to build a new adjacent Container Port. It is projected to take 18 months to be complete. For his part, Mustafa Mohammed Omar, the regional deputy President of Ethiopia’s Somali Region said the Berbera-Togochale corridor was instrumental in facilitating import-export trade for Ethiopia’s growing economy. The road projects is being funded by the Abu Dhabi Fund for Development. The two countries had earlier in 2018 signed a joint venture agreement for the Berbera seaport while Dubai held 51% of shares. The Dubai Ports World launched the construction work of the Berbera port and signed a 30-year concession agreement to administer the port which is located on the southern coast of the Gulf of Aden. The expansion will lead to the capacity of the port increase by 50%. Meanwhile, Ethiopia has been playing a unique role in the realization of infrastructural driven economic integration and deploying peace enforcing missions in various hot spots of the continent. The country took a wise step to end hostilities and pursue an economic and political partnership that is heralding a new era of good neighborliness in the Horn of Africa and beyond. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa sheegay in wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga laga doonayo in ay ka shaqeysiiyaan barahooda internetka, isla markaana ay adeegsadaan emailo laga sameeyay xafiisyada ay maamulaan oo leh astaanta .gov.so ee u gaarka ah isticmaalka hay’addaha dowlada ee federaalka ah. Wasiir Cabdi Cashuur Xasan oo arrimahan ka hadlayay ayaa sheegay in Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ay ka caawineyso wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee federaaliga ah sidii ay u sameysan lahaayeen baro internet oo ay dadweynaha ugu soo bandhigaan howlaha dowladda iyo wacyigelinta. Isaga oo ka hadlayay arrimaha emailada, wuxuu wasiirku ku adkeeyay wasaaradaha iyo hay’adaha kale in ay adeegsadaan astaanta (.gov.so) si loo muujiyo muuqaalka iyo haybadda dawladnimo, looga hortago xiriirrada been-abuurka ah, isla markaana xafiisyada looga tago dhaxal, halkii mas’uulku cinwaankiisa gaarka ah kula tagi lahaa xiriirrada shaqo, taas oo dib-u-dhac u keeni karta howlaha xafiisyada. “Dhammaan wasiirrada, wasiiru-dawlayaasha, ku-xigeennada, agaasimeyaasha guud iyo agaasime waaxeedyada waxaa loo sameeyay emailo ku saleysan xafiisyadooda, sidaas darted waxaa laga codsanayaa inay hawlahooda u adeegsadaan emailadaas, oo aan la isticmaalin email gaar ah, cinwaannadaasna lagu wareejin doono cidda xafiiska ay ku wareejinayaan,” ayuu yiri wasiirku. Marka laga reebo isticmaalka, wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda waxaa laga doonayaa in cinwaannada loo isticmaalo warqadaha sumadeysan (letterheads), war saxaafadeedyada, boorarka xayeysiinta, ogeysiisyada warbaahinta, xayeysiinta shaqooyinka, kaarka business Card-ka, iyo dhammaan howlaha rasmiga ah ee dowladda in lagu isticmaalo emailada leh astaanta dawladda. Ra’iisul wasaaraha dalka, Md. Xasan Cali Kheyre, oo kulanka ka hadlay ayaa ku adkeeyay wasaaradaha in ay isticmaalaan cinwaannada dawladda, lana joojiyo isticmaalka kuwa gaarka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Qarax xooggan ayaa maanta waxa uu ka dhacay nawaaxiga Taallada Xaawa Taako ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa ku qarxay meel ku dhow Koontarool ay ciidamada dowladda ku baaraan gaadiidka oo halkaasi ku yaallay. Afar qof ayaa la xaqiijiyey in qaraxaasi ku dhinteen iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah. Dadka waxyeellada soo gaartay ayaa u badan shacab halkaasi ku sugnaa, waxaana halka qaraxa uu ka dhacay ku yaallay maqaayado iyo sidoo kale goobo kale oo shacabka tagaan. Xaaladda guud hadda waa ay deggan tahay, waxaana dadkii dhaawacmay loo qaaday isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe noqday mid faraha kasii baxay, waxaana magaalada kusoo batay qaraxyada iyo dilalka qorsheysan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Muqdisho waxaa goor dhawayd ka dhacay qarax Isiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa. Qaraxa [...] Source
-
A huge car bomb explosion has rocked the Somali capital, Mogadishu on Thursday, causing an unspecified number of casualties. A witness confirmed to Radio Shabelle that a vehicle packed with explosives was detonated at a security checkpoint located few meters away from the presidential palace. A source said the blast has resulted from an explosives-laden car parked outside the National Theatre, where Somali military protects the presidential palace. Ambulances and emergency responders rushed to the scene and taken the wounded victims to hospitals in the capital. No group has claimed credit for the explosion, but, the militant group al-Shabab has waged an insurgency for more than 10 years, targeting government and AU troops. Somali security officials are yet to comment on the incident which was the latest in a series of attacks in the seaside city, which houses the UN-backed Federal government. View the full article
-
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada dowladda federaalka Soomaaliya Cabdishashuur Xasan ayaa sheegay in wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga laga doonayo in ay ka shaqeysiiyaan barahooda internetka, isla markaana ay adeegsadaan emailo laga sameeyay xafiisyada ay maamulaan oo leh astaanta .gov.so ee u gaarka ah isticmaalka hay’addaha dowlada ee federaalka ah. Wasiir Cabdishashuur Xasan oo arrimahan ka hadlayay ayaa sheegay in Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ay ka caawineyso wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee federaaliga ah sidii ay u sameysan lahaayeen baro internet oo ay dadweynaha ugu soo bandhigaan howlaha dowladda iyo wacyigelinta. Isaga oo ka hadlayay arrimaha emailada, wuxuu wasiirku ku adkeeyay wasaaradaha iyo hay’adaha kale in ay adeegsadaan astaanta (.gov.so) si loo muujiyo muuqaalka iyo haybadda dawladnimo, looga hortago xiriirrada been-abuurka ah, isla markaana xafiisyada looga tago dhaxal, halkii mas’uulku cinwaankiisa gaarka ah kula tagi lahaa xiriirrada shaqo, taas oo dib-u-dhac u keeni karta howlaha xafiisyada. “Dhammaan wasiirrada, wasiiru-dawlayaasha, ku-xigeennada, agaasimeyaasha guud iyo agaasime waaxeedyada waxaa loo sameeyay emailo ku saleysan xafiisyadooda, sidaas darted waxaa laga codsanayaa inay hawlahooda u adeegsadaan emailadaas, oo aan la isticmaalin email gaar ah, cinwaannadaasna lagu wareejin doono cidda xafiiska ay ku wareejinayaan,” ayuu yiri wasiirku. “Marka laga reebo isticmaalka, wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda waxaa laga doonayaa in cinwaannada loo isticmaalo warqadaha sumadeysan (letterheads), war saxaafadeedyada, boorarka xayeysiinta, ogeysiisyada warbaahinta, xayeysiinta shaqooyinka, kaarka business Card-ka, iyo dhammaan howlaha rasmiga ah ee dowladda in lagu isticmaalo emailada leh astaanta dawladda” ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada . Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku adkeeyay wasaaradaha in ay isticmaalaan cinwaannada dawladda, lana joojiyo isticmaalka kuwa gaarka ah. PUNTLAND POST The post Wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga ah oo amar la faray appeared first on Puntland Post.