Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Dastuurka Somaliland Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Uu Safar Ku Tagay Israa’iil, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo darawalkiisii ayaa isu soo dhiibay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 14-ka Oktoober ee ka howl gasha gobolka Shabeellada hoose. Ibraahim Maxamed Bitow, oo ahaa horjoogihii maleeshiyada Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu ka soo tago Al-Shabaab, ka dib markii sida uu sheegay uu garowsaday inay gaar marsan yihiin Xaqa iyo Islaamnimada ayna xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed. Bitow ayaa sheegay in dagaallo badan oo ay isaga hor yimaadeen Ciidanka xoogga dalka, ay kooxdu kala kulantay jab aad u xooggan, taas oo keentay in ay u adkeysan waayaan dagaalka oo ay kaymaha ku dhuumaaleystaan. “Waxaan hoggaaminayay maleeshiyaad tiraradoodku ka badan tahay 100, oo dagaallo badan la galay ciidanka Dowladda, waxaana naloo geystay jab aad u xooggan” ayuu yiri Ibraahim Maxamed Bittow, horjoogihii maleeshiyada Al-Shabaab ee gobolka Shabellada Hoose. Bitow oo sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab 9-kii sano ee la soo dhaafay ayaa tilmaamay in kooxdu sii liiceyso, ayna la kulmeyso guul darrooyin is daba joog ah. Horjoogahan ka soo goostay Al-Shabaab, ayaa dowladda Soomaaliyeed uga mahad celiyay soo dhoweynta wanaagsan, waxa uuna ugu baaqay dhallinyarada u dagaallanta kooxda Shabaab in ay ka soo tagaan maleeshiyadan oo uu sheegay in ay baal marsan tahay Islaamnimada. Bitow ayaa cafis weydiistay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna codsaday in lagu garab siiyo sidii uu qeyb uga noqon lahaa la dagaallanka Alshabaab oo uu tilmaamay in ay yihiin cadow naxariis daran. “Waxaan dowladda ka codsanayaa in ay ii kaashato la dagaallanka A-Shabaab, oo aan si fiican u isu naqaan, si dhibkooda ummadda looga dulqaado” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ibraahim Maxamed oo ahaa horjoogihii maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ee gobolka Shabeellada Hoose. Dhinaca kale Aadan Geeddi oo loo yaqaanno Aadan Dheere oo ahaa darawalka Ibraahim Bitow, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay duufsadeen isagoo 11 jir ah, ayna ka faa’iideysteen carruurnimadiisa. Aadan ayaa sheegay in hadda oo garaadkiisu ku filnaaday ay u cuntami weysay in uu ka sii mid ahaado kooxdan oo uu sheegay in ay dhib badan ku hayso shacabka, ayna diinta ka saareyso ciddii aan iyada la dhacsaneyn. Ibraaahim Maxamed iyo Aadan Dheere, ayaa tilmaamay in ay jiraan boqollaal maleeshiyada Al-Shabaab ah oo ay ka go’an tahay in ay isaga soo tagaan kooxdan argagixisada, waxa ayna dowladda ugu baaqeen in ay dhallinyaradaas ku caawiso sidii ay isu soo dhiibi lahaayeen.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir Gudoominaya Shir deg deg ah oo hadda ka socda hoolka Shirarka ee Golaha Wasiiradda. Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa Xaadda amniga ee Magaalada Muqdisho oo muddooyinkii dambe ay ka dhaceeyn qaraxyo iyo dilal qorsheysan,waxaana goobjoog ka ah inta badan Golaha Wasiiradda Xukuumadda. Shirkaan ayaa looga hadlaya Xaaladda dalka, waxaana suurtagal ah in lagu Magacaabo taliyeyaal Ciidan sidda ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Warar hoose aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka sidoo kale looga hadlo sidii wax looga qaban lahaa xaalada amniga ee dalka,waxaana shir Guddoomiyaha Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheryre. Kulankaan ayaa waxaa kusoo aadayaa iyadoo todobobaadkii ugu dambeeyay amniga Magaalada Muqdisho uu ahaa mid faraha ka baxay,isla markaana aad loo dhaliilay amniga Caasimadda. Sidoo kale Kulankaan ayaa wuxuu kusoo aaday xilli Maanta Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka uu ugu hanjabay Golaha Wasiirada inay mooshin ka keeni doonaan, haddii ay soo xaadiri waayaan kulanka soo socda ee Baarlamaanka. Mr Jeesow ayaa sheegay in aan la aqbali doonin Wasiiro Xildhibaano ah inay ka maqnaadaan fadhiga Baarlamaanka, isagoo ugu goodiyay inay ridi doonaan. “Waxaa balan ku qaadeynaa haddii fadhigan fadhiga ku xigo imaan waayaan Golaha Wasiirada, Wallaahi baan ku dhaartay anaa horkacayo, Mooshin ayaa ka keenyenaa, kuligood waa rideynaa, Ra’iisul wasaaraha ha ogaado”ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. What is required to get AMISOM out of Somalia? Does that question sound strange to you? But, why do you contemplate keeping these foreign troops in a sovereign country for more than a short period of time? Who is keeping them in the country, is it us or them, who is responsible for keeping them here? Why do you unknowingly compel our East African queens to seek alternative love and marriage against their inner cultural feelings? The answer to these questions is fundamentally very simple. Stop fighting among themselves. If you do, AMISOM have no reason to stay in Somalia. Period. They will get out within days, which means we were keeping them here in the first place and that is because of our own stupidity to figure out that simple solution to most of our existential threats. Alshabab and other extremist elements hold the primary responsibility to keep AMISOM here. They say they are fighting for AMISOM expulsion, but their actions keep AMISOM needed in Mogadishu. Is that difficult to figure out? Likewise, AMISOM is very much interested in insuring and helping Alshabab keep fighting to justify their stay in Somalia. It is simple business consideration. It is an unofficial, mutually beneficial and transactional business. How else would you describe this undeclared mutual business relationship? Freeze this undocumented business contract and AMISOM would find its troops outside the gate. Once that happens, there will be no need for their presence within the borders of Somalia. You would say, it is easier said than done. Ask Alshabab to stop the urban warfare and bomb blasts in towns and see what would happen to AMISOM and Ethiopian presence in parts of the country. If you don’t want these foreign troops out, then carry on what you have been doing. The status quo pays you and AMISOM handsomely. Then why do you hypocritically blame and complain about the presence of foreign soldiers in the country to falsely justify your unpatriotic and distorted political position and wrong-headed course of action. By Ismail Haji Warsame Former Chief of Staff Puntland State of Somalia The post How to send AMISOM home appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaano Saadaq John ayaa lagu wareejiyay ku dhawaad 10 Askari oo katirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo hubkii ay watayn kuwaas oo weeraray xarunta Telefishinka Universal ee magaalada Muqdisho. Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Askartaan Booliiska ah kadib markii ay soo eryeen Ciidamada ilaalada Telefishinka Universal kadibna ku soo dhacay rugta kontaroolka tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho. Saadaq John ayaa si deg deg ah u yimid goobta ay wax ka dhaceen kadibna waxaa loo gacan geliyay raggii la qabtay iyo hubkoodii iyadoo la sheegayo in la baari doono sababta ay weerarka ugu qaadeen xarunta Universal Tv. Raga weerarka qaaday ayaa ka hor inta aysan dagaalka la gelin waxay dalbadeen in ay galaan xarunta TV-ga kadibna waxaa u soo baxay Agaasimaha Tv-ga, isagoo ka dalbaday in ay u sheegaan Taliyaha soo diray si loola hadlo, balse markii uu la soo baxay Mobilka ayey dharbaaxsho ku dhufteen iyadoo markaasi uu bilaawday dagaalka dhaxmaray Ciidamada Ilaalada Tv-ga iyo Booliiskii soo weeraray. Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay ka socdeen qaybta Canshuuraha ee Ciidamada Booliiska Soomaaliya balse uu jiro shaki ah in aysan ka tirsaneen Ciidamada Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (SMN)- Isbedel ayaa lagu sameeyey qaab dhismeedka Ciidanka Xoogga Dalka, taasi oo loogu talo galay dar dar-gelinta howlaha Ciidanka Xoogga. waxaana Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka. Sidoo kale Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Raage, ayaa isna loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta, halka General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta. Isbedalkan lagu sameeyey qeybo kamid ah Hogaanka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale Admiral Guuto Cabaas Amiin Cali loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya. View the full article
  7. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magacaabay ilaa 14 mas’uul oo isugu jira wasiirro, wasiirro-ku xigeenno, agaasimayaal, guddoomiyaal iyo wakiilo Somaliland u fadhiisanaya dalalka debadda. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Biixi, ayaa wasiirro cusub loogu magacaabay wasaaradaha, Warfaafinta, Gaashandhiga iyo Caddaaladda, waxaa sidoo kale wasiirro- ku xigeenno cusub loo magacaabay, caafimaadka, Warfaafinta iyo Arrimaha dibadda. Mudane Biixi ayaa sidoo kale agaasimayaal guud u magacaabay wasaaradaha, Dastuurka, Biyaha, Warfaafinta iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, halka uu guddoomiye cusub u magacaabay hay’adda Shaqaalaha dowladda. Dhinaca kale, Muuse Biixi ayaa magacaabay guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer iyo laba wakiil oo Somaliland u kala fadhiisan doona dalalka Ken iyo Imaaraadka Carabta. Shaxdan hoose ka eeg PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay 14 mas’uul cusub appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Hargeysa)-Majaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa waxa uu sheegay in nabada Somaliland ay u furi tahay doorashooyinki haddii la qaban waayana ay nabadu gilgilmi doonto, Halkan Hoose ka DAAWO Source
  9. Hargeysa (SMN) – Kadib wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilalkii looga qaaday wasiiro, agaasimeyaal iyo wakiilo ka tirsanaa maamulkaasi. Wareegtadan ayaa lagu shaaciyay in xilalkii looga qaaday Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo) oo ahaa wasiirkii Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle oo ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda Gaashaandhigga, iyo Maxamed Muuse Abees oo ahaa wasiir ku-xigeenkii hore ee Warfaafinta Somaliland. Qaar ka mid ah xubanahani ayaa horay loogu eedeeyay in ay ku kaceen falal la xariira Musuq-maasuq. Dhanka kale isla wareegtadani ayaa lagu macaabay wasiiro cusub, kuwaas oo kala ah: Cabdiqani Maxamuud Caateeye wasiirka gaashaandhigga, Maxamed Muuse Diiriye Wacays wasiirka wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka, Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax wasiirka wasaaradda cadaaladda, LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka. Sidoo kale wareegtada ka soo baxay xafiiska madaxweyne Biixi ayaa waxaa xilalkii looga qaaday agaasimeyaasha wasaaradaha Gaashaandhigga, dhallinyarada, xiriirka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, iyadoona kuwa cusub loo magacaabay wasaaradahaasi. Malamihii la soo dhaafay Somaliland waxaa ka socday isbedal dhinaca maamulka ah oo uu wadan madaxweyne haatan talada haya ee Muuse Biixi Cabdi. View the full article
  10. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa sheegtay in ay soo qabteen laba Libaax oo dhal ah isla markaasina sifo sharci-darro ah dalka lagaga saarayay. Mas’uuliyiin u hadlay wasaaraddaasi waxay sheegeen in Libaaxyadan dhasha ah iyo mid ka mid ah dadkii wattay ka soo qabteen deegaanka Aleybaday oo ku yaalla galbeedka magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Afgooye (Caasimada Online) – Alle ha u naxariistee Injineer Diini Barre oo caan ka ahaa ku degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa lagu dilay gudaha degmadaasi, waxaana dilkiisa fuliyey dhalinyaro bastoolado ku hubeysan. Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay Xaafadda 21-ka Octoobar, waxa uuna ku sugnaa maqaayad markii uu dilkiisa dhacay sida ay noo xaqiijiyeen dadka degaanka. Marxuumka la dilay ayaa ahaa Injineer dhisa Guryaha, waxa uu sidoo kale Afgooye ka ahaa oday dhaqameed ka qayb qaata xalinta dagaalada iyo isku dhacyada sida ay noo sheegayn dadka degaanka. Dilkiisa ayaa naxdin ku noqday Shacabka Afgooye, waxaana lagu eedeeyay Al-shabaab in ay ka dambeeyeen dilka. Shacabka Afgooye ayaa sheegay in amni darro xoog leh ay ka jirto degmada Afgooye oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay dilal ka dhacayn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Sheekh Cabdiraxmaan Dheere Oo Ka Jawaabay Dacwad Uu Ka Gudbiyay Garyaqaan Guuleed Dafac Iyo Eedaymo Uu U Jeediyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Gaalkacyo (SMN) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa kulamo ka wada halkaasi. Kulamadan oo ah kuwa is daba joog ayaa ah waxa uu la qaatay qeybaha bulashada iyo saraakiisha amniga ee magaaladaasi. Intooda badan kulamadan ayaa diirada lagu saaray xoojinta amniga iyo sidoo kale arrimaha dib u heshiisiinta deegaanada dowlad goboleedka Galmudug. Halkan hoose ka dhageyos Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/war-cali-gaab-xaaf-iyo-maanta.mp3 View the full article
  14. Isbaddelkaan oo lagu sameeyay qeybo ka mid ah hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa loogu talo galay dar dar-gelinta Howlaha Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka. Sidoo kale Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Raage, ayaa isna loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta, halka General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta. Isbedalkan lagu sameeyey qeybo kamid ah Hogaanka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale Admiral Guuto Cabaas Amiin Cali loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Northwood (SMN) – Spain ayaa dalka Ingiriiska kala wareegtay hoggaanka la dagaalanka burcadbadeeda Midowga Yurub ee Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan labada dhinac. Qorshaha la wareegista ee Spain ayaa yimid, kadib markii Ingiriiska uu bilaabay qorshaha uu kaga baxayo xubinimada Ururka Midowga Yurub Admiral Antonio Mortorell oo u dhashay Spain ayaa taliyaha howlgalka Atlanta kala wareegay General Charlie stricland, kadib munaasabad ka dhacday koofurta Spain. Taliyaha cusub ee lagu wareejiyay howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya ayaa ballan qaaday in uu sii wadi doono qorshaha looga hortagayo kooxdaasi. Barnaamijka la dagaalanka burcadbadeeda ee Midowga Yurub ayaa la sameeyay sanadkii 2008 , xilligaas oo ay korortay tirada Maraakiibta lagu afduubo xeebaha Soomaaliya. Golaha Midowga Yurub ayaa horay u shaaciyey in xarunta la dagaalanka burcadbadeeda oo ku taala Ingiriiska loo wareejinayo magaalada Northwood ee dalka Spain. Howlgalka Atlanta ayaa waxaa dhawaan loo sameeyay mudo kordhin hal sano ah oo ku eg 2020-ka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Ururka Midowga Yurub. View the full article
  16. Jowhar (SMN) – Kulankan oo ay wada qaateen madaxweynaha HirShabelle iyo golaha wasiirada maamulkaasi ayaa waxaa looga hadlay qorshaha guud ee xasilinta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Intii uu socday kulankani oo ka dhacay magaalada Jowhar ayaa la’isla gartay in wax laga qabto arrimaha amniga, dhaqaalaha oiyo tayeynta Ciidamada. Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo madasha ka jeediyay hadal dhinacyo badan taabanaya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay, sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin haatan ka jira deegaanada maamulkiisa. Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan dib loo furayo waddooyinka qaar ee ay go’doomiyeen Al Shabaab, waxaana uu shacabka labada gobol ugu baaqay in ay ku gacan siiyaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli weli Al Shabaab ay ku xoogan yihiin deegaano ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Somaliya,waxaa isbedel lagu sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga dalka Somaliya, taasi oo qayb ka ah hanaanka dib u habeynta Ciidanka. Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, ayaa loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka. Abaanduulihii hore ee Ciidamada Xogga Dalka General Odowaa Raage, ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta. General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire ayaa loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta. Sidoo kale Admiral Cabaas Amiin Cali ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda. Qaab dhismeedkan cusub ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay is bedelka iyo dib u habeynta Ciidamada xoogga dalka oo muddooyinkii u dambeeyay ku socday tirakoob iyo qorshayaal kale. Is bedelkan cusub ee lagu sameeyay hoggaanka Ciidamada ayaa la ogeyn waxa uu soo kordhin doono, iyadoo qeybo ka mid ah Ciidamada ay ka cabanayaan mushaar la’aan iyo in aanan la siinan saanad iyo agabkii ay u baahnaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Labada suxufi ee la jirdilay Cagmadhige iyo Dooxo Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo socdaal ku maraya gobollada Bari iyo Karkaar, ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada, xubno ka tirsan golayaasha dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa madaxweynaha ku soo dhoweeyay magaalada Boosaaso, halkaasoo uu hadal kooban uga jeediyay dadkii soo dhoweeyyay, isagoo u mahadceliyay. Dhinaca kale, askar ka tirsan ciidanka madaxtooyada oo la socday madaxweyne Deni, ayaa jirdil u geystay qaar kamid ah suxufiyiinta gobolka Bari oo halkaasi u tegay, in ay soo duuban warka imaanshaha madaxweynaha. Laba suxufi oo lagu kala magacaabo; Maxamuud Jamaal Maxamed (Dooxo) iyo Maxamed Axmed Salaad (Cagmadhige), ayaa jirdil iyo dharbaaxooyin daran kala kulmay,askar ka tirsan ilaalada madaxtooyada oo ku sugnaa fagaaraha soo dhoweynta. Suxufiyiintan oo warbaahinta Puntland Post la hadlay, ayaa sheegay in ay nabarro ka qabaan saableeyda iyo xabadka oo lagala dhacay qori-dabadiis iyo jilib, islamarkaana indhaha lagu caseeyay dharbaaxooyin kulul. Halkaan ka daawo muuqaalka jirdilka PUNTLAND POST P The post Ilaalada Siciid Deni oo jir dilay suxufiyiin appeared first on Puntland Post.
  19. New York (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku xigeenka howl alka UNSOM ee Soomaaliya u magacaabay George Conway oo u dhashay dalka Canada. Mr Conway ayaa sidoo kale noqonaya xiriiriyaha arrimaha gargaarka bani’aadinimo ee Soomaaliya, kaas oo bedalaya Peter De Clecq oo dhawaan shaqada ka tagay. Mas’uulka cusub ee loo magacaabay ku xigeenka wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa horay ugu tirsanaa barnaamijka horumarinta mashaariicda Qaramada Midoobay ee UNDP. Antonia guterres ayaa ma’uulka u u magacaabay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya u sheegay in ay hortaalo shaqo adag, loona baahan yahay in uu sameeyo dadaalo dheeraad ah. Magacaabiista Mr Conway ayaa imaaneysa, iyadoo dhawaan golaha ammaanka uu muddo kordhin hal sano ah u sameeyay xafiiska siyaasada UNSOM. View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa waxa uu sheegay in somaliland uu maanta sharcigu hooseeyo waxaanu sheegaya in golleyaasha deegaan uu wakhtigii ka dhammaaday, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Paris (SMN) – Agaasime ku xigeenka Hay”adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Cabdifitaax Shaawey iyo sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Paris Axmed Maxamed Xaaji Cali ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay adeegga bixinta Baasaboorka oo laga hirgaliyay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Faransiiska. G/Sare Shaawey oo ku sugan magaalada Paris ee casimadda dalkaasi ayaa safaro shaqo ku mari doona qaar kamid ah dalalka Yurub, isaga oo xarumo cusub oo laga bixiyo Baasaboorka ka dhaqan-galin-doona dalal kale oo ka tirsan Qaaraddaasi. Ujeedada socdaalka wafdiga uu hoggaaminayo Agaasime ku xigeenka Hay”adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ah baahinta adeegyada Baasaboor-bixinta si looga jawaab-celiyo baahiyaha ay qabaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalalka yurub Muddooyinkii la soo dhaafay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waday qorshayaal lagu hormarinayo, lagun casriyeynayo Baasaboorka Soomaaliga ah. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-30032019.mp3 View the full article