-
Content Count
215,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Puntland ayaa si cad u diidday, xeerka lagu sheegay kan doorashooyinka dalka oo ay maanta meel-mariyeen golaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay, wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland, ayaa lagu sheegay in Puntland ay si cad uga horjeeddo, ansixinta xeerka doorashooyinka dalka ay meel-mariyeen golaha xukuumadda Soomaaliya, maadaama sida ay Puntland sheegtay aan laga heshiin. Sidoo kale, war-saxaafadeedka waxaa lagu caddeeyay in Puntland ka soo horjeeddo , diyaarinta iyo wax ka beddelka xeerka batroolka dalka oo xukuumadda Federaalka wax ka beddel ku samaysay iyadoo aan laga wada-tashan , sida ay Puntland sheegtay. Dowladda Puntland ayaa uga digtay xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay isku gaar yeesho, talada iyo go’aannada masiiriga ah ee dalka, sida geeddi-socodka iyo dhammaystirka Dastuurka, hannaanka xasilinta iyo amniga dalka, qeybsiga awoodaha& khayraadka iyo habka doorashooyinka. Puntland waxay sheegtay in haddii aan qodobadaasi la tix-gelin ay ka dhalan doonto, kala fogaansho iyo khilaaf keeni kara dib u dhac ku yimaada dhammaystirka geeddi-socodka dhismaha dowlad Federaal ah oo la isla ogolyahay. Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ka hortimid xeerka lagu sheegay kan doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Maanta aniga iyo wiil aan shaqo wadaag nahay (Camera Man) oo hor mareyna illinka hore ee Villa Somalia, kana nimid jihada Zayidka, ayaa la kulannay dhacdo maankenna gali weysay, aadna noo xanuujisay. Waxey aheyd xilli aan shaqo ka nimid, waxaan saarneen gaari, ciidanka ayaa nagu wargeliyay in jidku xiranyahay mar aan foodda kusii heyno Zayidka, gaariga inta iska fasaxnay ayaan lugaheenna isticmaalnay si aan u gaarno goobteenna shaqada. Xilligu waxuu ahaa mid kulul oo saacadda ayaa kusii siqeysay 12:30Pm (Duhurnimo), mar aan kusii dhownahay illinka hore ee Villa Somalia waxay dhagaheenna mar qura maqleen sawaxanka Hooyooyin bannaan baxaya, goobta waxaa buuxay ciidan, markaa ku dhawaannay dibad bixii ayey hooyooyinka naga codsadeen in aan muqaal ka duubno, waxey noo sheegeen in ay yihiin Hooyooyin ay ka geeriyoodeen ciidamada xoogga oo heysta ilmo agoon ah muddo lix bil ahna aan mushaar qaadan. Aad ayaan u calool xumaaday, qaarkood illin ayaa kusoo istaageysay marka ay nala hadlayeen, qaar ayaa dhabarka ku sitay ilmo yar yar, cad-ceedda ayaana aheyd mid aad u kulul. Ayagoo warkii noo wado ayaa meesha waxaa soo maray madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, Hooyooyinkii ayaa isku gadaamay gaarigii madaxweynaha, ciidankii dhoobnaa goobta ayaa kusoo yaacay oo xoog uga hor-wareejiyay, sidaas ayuu ku gudbay waddadii. Anigoo aad ula fajacsan dhibka ay sheeganayaan hooyooyinkaan, qudheydana illin igusoo istaagtay ayey indhaheygu sii qabanayeen gawaaridii galbineysay madaxweyne Farmaajo oo sii mirqaya. Waxa kaliya aan u awoodnay waxey aheyd in Cameradda aan wadanay aan kaga duubno muuqaal muujinaya dareenkooda, codkeygana ku saacido, balse taa waxaa ka biya diiday ciidankii goobta joogay, waxaana ugu dambeyn naga qancay hooyooyinkii oo indhahooda ku arkay in aanan u meel mari karin codsigooda. Markaan tagay goobteydii shaqada salkana dhulka la helay ayaa mar qura ilmeeyay, anigoo soo xasuusanayay dhibka heystay hooyooyinkaas xambaarsanaa ilmaha agoonta ah, qofka kaliya ee wax u qaban karay ay masuuliyadda ka saarneedna uu hortooda ku dhaqaaqay. Waxaan go’aansaday in aan qoraal ku cabbiro dareenka goobta, sida ay wax u dhaceen, waxey indhaheygu qabteen iyo sida aan u caawin waayay hooyooyinkaas. Mudane madaxweyne masuuliyadda aad qaadday Aakhiro ayaa wax lagaa weydiin doonaa, falkaan aan maanta arkayna ma ahan mid dhiirrigelinaya ciidanka xoogga, agoonta isheydu qabaneysay ee qorraxda dhoobneedna cuqubadooda ilaaheey Soomaali uma qabto. W/Q: Farxiyo Muraad
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya sababihii keenay Iscasilaadda Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Sheekh Daahir Maxamuud Geelle waxaana Caasimada Online ay ogaatay in Iscasilaadda Wasiir Geelle ay sababeen 4 qodob oo waa wayn taas oo sababtay in Wasiirka shaqada ka tago. Caasimada Online ayaa ogaatay khilaafka Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre uu soo jiitamayay muddo dhowr bilood ah islamarkaana ay ugu adkeyd maalmihii ugu dambeeyay. Qodobada ugu waa wayn ee sababay Iscasilaadda Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya Sheekh Daahir Maxamuud Geelle ayaa lagu soo koobay qodobada kala ah. Muran ka dhashay talo soo jeedin uu shirka Golaha Wasiirada ka dhax sheegay Daahir Maxamuud Geelle, taas oo ay aheyd in Weerarka iyo Collaadinta laga joojiyo Maamul Gobaleedyada Soomaaliya dowladana ay dhawaysato tabashadoodana la dhameeyo. In caburinta iyo go’doominta laga qaado Siyaasiinta Mucaaradka ku ah Dowladda Soomaaliya lana siiyo fursad ay ku qabsadaan shirar maadaama dalka uu qaatay nidmaanka Axzaabta. Sidoo kale Geelle ayaa dalbaday in talooyinka doorashada ku saabsan laga qayb geliyo Xisbiyada iyo Maamul Gobaleedyada balse waxaa ka dhashay doodo kulul arintaasi. Amar ka soo baxay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo lagu faray Wasiir Geelle inuu xilka ka qaado Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure kadib Markii Idaacaddiisa ay baahisay war aan sax aheyn Wasiir Geelle-ne uu diidanaa amarkaas uu ku tilmaamay mid aan sax aheyn. Wasiirka ayaa qabay aragti aheyd in Abwaan Guure uu iska wareejiyay Maamulka Idaacadda qaladna ay tahay in Xilka looga qaado war ay baahisay Idaacad uusan maamul ka aheyn balse lagu amray inuu fuliyo shaqadaasi. Sheekh Daahir Maxamuud Geelle ayaa u arkay inuu galay qalad wayn hadii lagu amray Xil ka qaadista Abwaan Guure wax kalane ay imaan doonaan sidaas darteedna uusan sugin amar kale oo qalad ah ama uusan jecleysan. Sheekh Daahir Maxamuud Geelle oo ah Siyaasi aqoonyahaan ah ayaa la sheegay inuu yahay qunyar socod aan la jaan qaadi karin hogaanka Dowladda Soomaaliya ee maanta talada haaya islamarkaana ay ahayd wax la sii ogaa in uu mar uun iska casili doono hadii aan xilka laga qaadin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa qoraal dheer kaga hadlay Sharciga doorashooyinka qaranka oo golaha wasiirada ay meel mariyeen isaga oo soo bandhigay waxa sharciga ku qoran. Wuxuu sheegay in qodobada qaar ee ku jira sharcigaasi ay si cad u sheegayaan Shakiga ah in dib u dhac ku imaanayo doorashada soo socota, waxaana uu madaxda dalka u sheegay in looga baahan inay si cad u dalbadaan waqti kordhin, iyadoo aysan meelo kale soo marin. Qoraalkiisa ayaa u qornaa Sidan:- Qodobka 56aad ee sharciga doorashooyinka ee la sheegay in maanta Xukuumadu ansixiyey wuxuu ka hadlayaa Dib-u dhaca doorashooyinka, waxaana lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Baarlamaanka muddada loo kordhiyo, haddii ay doorashadu qabsoomi waydo. Qodobku wuxuu dhigayaa “Haddii ay suurtagali weydo doorashooyinka guud ee xubnaha baarlamaanka dalku in ay qabsoomaan duruufo adag oo jira awgeed, xubnaha Baarlamaanka xilka haya ayaa sii haynaya xilka Sharci-dajinta inta duruufahaas adag laga gudbaayo doorashaduna ka qabsoomayso, duruufaha adagna waxaa ka mid noqon kara in aanay doorashadu farsamo ahaan qabsoomi karin.” “Sidaa awgeed marka duruufaha adag dhacaan, Guddiga Doorashooyinku waxaa ay la tashanayaan Madaxda Dowladda Federaalka ah oo uu ugu horeeyo Madaxweynuhu waxaayna Baarlamaanka u gudbinayaan qoraal xambaarsan duruufaha adag iyo asbaabta kelliftay in doorashooyinka dib loo dhigo.” Waa sii wadeenoo waxay dhaheen “Intaas ka dib, Guddiga Doorashooyinku waxaa uu ku dhawaaqayaa in ay doorashadii dib u dhacday, Muddada cusub ee doorashooyinka baaqday ku dhici karaan, waxaa cayimaya Guddiga kadib marka uu qiimayn ku sameeyo xaaladda iyo muddada duruuftaas lagaga bixi karo” Waxaaba ka sii daran Madaxweynihiina in loo kodhiyey muddadii oo wuxuu qodobku leeyahay “Haddaba, Muddada xil-haynta ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku waxa ay la kordhaysaa muddada cusub ee Goleyaasha Sharci-dejinta maaddaama ay doorashadu xilligeedii ku qabsoomi wayday.” Oo sharcigii doorashooyinka oo intaa oo muddo ah loo fadhiyey ma in muddo kordhin (extension) loo sameeyo Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ayuu ku soo dhamaaday. Oo waxaas oo dhib ah iyadoon la marin “War ha na loo kordhiyo maa iska tiraahdaan” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Emir of Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani on Tuesday received the heads of delegations participating in the the 16th Ministerial Meeting of the Asia Cooperation Dialogue (ACD) in Doha. The delegations included officials from Saudi and Bahrain, the first official visit by the two Gulf countries’ officials to Qatar since they launched a blockade on the small state in early June 2017. Kuwaiti Assistant Foreign Minister for Asian Affairs, Ali Sulaiman Al-Saeed, welcomed Saudi and Bahrain’s participation, stressing on the importance of holding the ACD meeting in Qatar to enhance cooperation between Asian countries and finding solutions to the problems facing the dialogue process to resolve the blockade. Remarking on his country’s efforts to help resolve the Gulf crisis, Al-Saeed said: “Kuwait is exerting efforts at the highest levels. His Highness the Emir, Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, has made efforts that are known to everyone. However, the issue requires positive dealing with our initiatives.” Prior to his meeting with the heads of the delegations, Al Thani said on Twitter that the ACD “will lay new foundations to benefit from the diversity and great potential of the continent in promoting integration and positive competition among members of this important system Middle East Monitor Qaran News
-
Magaalada Garowe waxaa ka socda Abaabulkii u dambeeyey Gogosha uu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani uu u dhigay Hogaamiyayaasha Soomaaliya. Waxaa la diyaariyey guud ahaan goobihii [...] Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay Arimaha Amniga ee Jubbaland isagoo sheegay in xaalada Jubbaland mar walba la saadalinayay in xalkeeda iyo nabadgalyadeedu dheeranayso. Waxa uu sheegay in sababta ay tahay kala duwanaanshaha qabaa’ilka deegaanka balse dadaaladii iyo dib u heshiisintii la sameeyay ay wax badan ka tartay wadajirka iyo isku duubnida Bulshada taas oo ilaa hada loo baahan yahay joogtaynteeda si aan dib loogu noqon. Axmed Madoobe ayaa sheegay in looga soo duulay Muqdisho, islamarkaana ay socdaan xaalado Amniga lid ku ah iyo qulqulatooyin laga soo abaabulayo magaalada Muqdisho, taas oo cida ku lugta leh ay masuuliyadeeda iyo waxa ka yimaada qaadayso. Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay Jubaland ka waddo arrimo ammaanka lidi ku ah oo laga soo abaabulayo Magaalada Muqdisho oo la doonaayo in dadka Shacabka ah dhibaato loo geysto. Madaxweynaha Jubbaland ayaa u muuqda in uu banaanka soo dhigay inuu xoogeystay Khilaafka kala dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said Thursday it has launched a training program on human rights for Somali security forces to enhance their compliance with international human rights law. Source: Hiiraan Online
-
NIGERIAN TROOPS huddle around their captain for a briefing. Several rest their rifle muzzles in the sandy ground, which could block and damage them. During the assault on a terrorist training camp, many forget their training, firing wildly and running off their line of advance. After capturing it, they mill about and ignore the booms of incoming artillery. Finally they are brought up short by an angry Scotsman, who shouts: “Ibrahim, you’re dead!” Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)- Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ay weheliyaan xubno qoyskiisa ah ayaa hebeen saddexaad guure kaga soo baxay Magaalada Boorama, kadib markii uu maqlay dilka loo geystay laba sarkaal oo ciidanka Qaranka ka tirsan ee kasoo jeeday Awdal , kuwaas oo ay dablay hubaysin ku disshay Degeeno ku dhow degmada Yagoori. Badhasaabka Awdal oo isagu kasoo jeeda deeganada lagu laayey labadaa sarkaal ayaa la sheegay in ay sababaha uu uga soo boqoolay ay tahay cabsi soo wajahday, waxaana ka sheegay inuu hadda ku sugan yahay magaalada Hargeysa ilaa haddda . Siyaasi Cabdinaasi Buuni oo ka hadlay arrintaasi ayaa ku tilmaamay inay tahay nasiib darro weyn , waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan:“Waxa ayaan darro ah Badhasaabkii gobolka Awdal markuu maqlay dhac-dadaasi foosha xun ee dhacday inuu isaguna gobolkii kasoo anba baxo waa su’aal is weydiin leh waa su’aal masuuliyad daradeeda leh , ayuu matelayey Qaran ayuu matelayey, Qaran ayey u dhinteen ragga la laayey isna qaran ayuu matelayaa gobol Somaliland ah oo kamid ah goboladii ugu Taariikhda wanaagsanayd ayuu Badhasaab nasiib wanaagiisa ka ahaa waxa la gudboonay inuu bulshadii iyo ehelkii laga tegay ee soo yaacay markii ay maqleen waalidadoodii in lagu laayeye cid ladaasi Bariga Taliyayaashii intuu soo abaabuluu soo qaaduu gawaadhi kusoo kaxeeyo Madaxweynihii Qaranka u muukeeni oo muu odhanin waa kan dadkii eheladii ee Madaxweyne ka tacsiyadee , gobolkii kumuu noqon oo bulshadii iyo fariin umuudirin ilayn waa xidhiidhiyihii Dowladii iyo gobolkii , halkan ayuu ku soo nastay oo uu yimi , waxaasi masuuliyad mahaa Madaxweyne .” Dhanka kalene Siyaasi Buuni ayaa tusaale usoo qaatay sidii ay Dowladii hore u mareeyeen mashaqooyin kala duwan oo dhacay,isagoo sidoo kalene soo qaatay dhac-dii gobolka Awdal iyo Ex Badhasaab Ramaax “Waxa lagu yaqanaa Madaxweyne Xukuumaddii kaa horeeyey oo Xukuumaddii Riyaale ay kamid ahayd dhac-dooyinkii foosha xumaa eek a dhacay wadada sidii Dowlad-nimada lahayd ee ay Dowladuna uga waajibaad qaadatay , shacbiguna ay u hoggaansameen , dhacdo taas lamid ah ayaa jirtay oo badhasaabkii Awda Ramaax lagu soo weeraray gurigiisii lagu dilay laba askari iyadoo maydkoodu yaalo ayuu subaxnumadii shaqo tegay .” Geesta Kalene Siyaasi Cabdinaasi Buuni ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu xilka ka qaado Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali , isagoo ku eedeeyey inuu dayacay masuuliyadii uu Qaranka u yahay “Waxaanu Madaxweyneha leenahay ninka masuuliyda daradaa sameeyey talaabo deg deg ah ayaa Madaxeeyne lagaaga baahan-yahay in aad ka qaado maanta Masuulka gobolka Awdal kuu matalayey ee ahayd adiga iyo shacbigaa inuu biriishkii isku kiin xidhayey ahaa ee nabad gelyada ka turjumayey ee astaanta Qaranka ahaa inuu halkan kusoo nasto saddex cisho ka hor markii uu dhac-dada maqlay, taasi masuuliyada maaha .” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI wuxu qado-sharaf u sameeyey labada Aqoonyahan ee Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeydh. Kulankan oo madaxda Xisbigu ka soo qeyb-gashay ayey kaga wada-hadleen xaaladda dalka iyaga oo isla soo hadal qaadey helidda Somaliland la wada lee yahay oo labada dhinac ba sheegeen in ay tahay midda Somaliland ku badbaadeyso. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Sucuudiga u fadhiya Dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat oo booqasho ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankaasi waxa lagaga wada hadlay sidii dawladda sucuuudigu gacan uga geysan lahayd gurmadka abaaraha soo foodsaray qaar ka mid ah gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo safiirku balan qaaday inay ka dawlad ahaan ay qayb muhiima ka qaadan doonaan. Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay ganacsiga iyo dhoofka xoolaha sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen labada dal, iyadoo kulankaas lagu soo qaaday sidii xayiraada xoolaha saaran laga qaadi lahaa, shuruudaha dawladda sucuudigu qabtana looga jawaabi lahaa. Sidoo kale waxa kulanka lagu lafo-guray arrimo badan oo salka ku haya xidhiidhka labada dal gaar ahaan dhinaca amniga, xoojinta xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac, isu socodka muwaadiniinta labada dal iyo arrimaha xajka iyo diinta. Ugu danbayn safiirku waxa uu dalka ku sugnaan doonaa maalmo kooban isagoo kulamo la qaadan doona qaar ka mida wasaaraddaha, horumarinta Maaliyada, xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, iyo ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat oo booqasho ku yimid Somaliland. Kulankaasi ayaa waxa lagaga wada hadlay sidii dawladda sucuuudigu gacan uga geysan lahayd gurmadka abaaraha soo foodsaray qaar ka mid ah gobolada Somaliland, isagoo safiirku balan qaaday inay ka dawlad ahaan ay qayb muhiima ka qaadan doonaan. Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay ganacsiga iyo dhoofka xoolaha sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen labada dhinac, iyadoo kulankaas lagu soo qaaday sidii xayiraada xoolaha saaran laga qaadi lahaa, shuruudaha dawladda sucuudigu qabtana looga jawaabi lahaa. Sidoo kale waxa kulanka lagu lafo-guray arrimo badan oo salka ku haya xiriirka labada dhinac gaar ahaan dhinaca amniga, xoojinta xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac, isu socodka muwaadiniinta labada dal iyo arrimaha xajka iyo diinta. Safiirka ayaa waxa uu Somaliland ku sugnaan doonaa maalmo kooban isagoo kulamo la qaadan doona qaar ka mida wasaaraddaha, horumarinta Maaliyada, xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, iyo ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska. Waxaana madaxweyne Biixi ku wehlinayay kulankan maanta Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ay weheliyaan xubno qoyskiisa ah ayaa hebeen saddexaad guure kaga soo baxay Magaalada Boorama, kadib markii uu maqlay dilka loo geystay laba sarkaal oo ciidanka Qaranka ka tirsan ee kasoo jeeday Awdal , kuwaas oo ay dablay hubaysin ku disshay Degeeno ku dhow degmada Yagoori. Badhasaabka Awdal oo isagu kasoo jeeda deeganada lagu laayey labadaa sarkaal ayaa la sheegay in ay sababaha uu uga soo boqoolay ay tahay cabsi soo wajahday, waxaana ka sheegay inuu hadda ku sugan yahay magaalada Hargeysa ilaa haddda . Siyaasi Cabdinaasi Buuni oo ka hadlay arrintaasi ayaa ku tilmaamay inay tahay nasiib darro weyn , waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan:“Waxa ayaan darro ah Badhasaabkii gobolka Awdal markuu maqlay dhac-dadaasi foosha xun ee dhacday inuu isaguna gobolkii kasoo anba baxo waa su’aal is weydiin leh waa su’aal masuuliyad daradeeda leh , ayuu matelayey Qaran ayuu matelayey, Qaran ayey u dhinteen ragga la laayey isna qaran ayuu matelayaa gobol Somaliland ah oo kamid ah goboladii ugu Taariikhda wanaagsanayd ayuu Badhasaab nasiib wanaagiisa ka ahaa waxa la gudboonay inuu bulshadii iyo ehelkii laga tegay ee soo yaacay markii ay maqleen waalidadoodii in lagu laayeye cid ladaasi Bariga Taliyayaashii intuu soo abaabuluu soo qaaduu gawaadhi kusoo kaxeeyo Madaxweynihii Qaranka u muukeeni oo muu odhanin waa kan dadkii eheladii ee Madaxweyne ka tacsiyadee , gobolkii kumuu noqon oo bulshadii iyo fariin umuudirin ilayn waa xidhiidhiyihii Dowladii iyo gobolkii , halkan ayuu ku soo nastay oo uu yimi , waxaasi masuuliyad mahaa Madaxweyne .” Dhanka kalene Siyaasi Buuni ayaa tusaale usoo qaatay sidii ay Dowladii hore u mareeyeen mashaqooyin kala duwan oo dhacay,isagoo sidoo kalene soo qaatay dhac-dii gobolka Awdal iyo Ex Badhasaab Ramaax “Waxa lagu yaqanaa Madaxweyne Xukuumaddii kaa horeeyey oo Xukuumaddii Riyaale ay kamid ahayd dhac-dooyinkii foosha xumaa eek a dhacay wadada sidii Dowlad-nimada lahayd ee ay Dowladuna uga waajibaad qaadatay , shacbiguna ay u hoggaansameen , dhacdo taas lamid ah ayaa jirtay oo badhasaabkii Awda Ramaax lagu soo weeraray gurigiisii lagu dilay laba askari iyadoo maydkoodu yaalo ayuu subaxnumadii shaqo tegay .” Geesta Kalene Siyaasi Cabdinaasi Buuni ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu xilka ka qaado Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali , isagoo ku eedeeyey inuu dayacay masuuliyadii uu Qaranka u yahay “Waxaanu Madaxweyneha leenahay ninka masuuliyda daradaa sameeyey talaabo deg deg ah ayaa Madaxeeyne lagaaga baahan-yahay in aad ka qaado maanta Masuulka gobolka Awdal kuu matalayey ee ahayd adiga iyo shacbigaa inuu biriishkii isku kiin xidhayey ahaa ee nabad gelyada ka turjumayey ee astaanta Qaranka ahaa inuu halkan kusoo nasto saddex cisho ka hor markii uu dhac-dada maqlay, taasi masuuliyada maaha .” Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa markii u horeysay ka hadlay dilkii loo geystay labo sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Somaliland. Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sheegay in Xukuumadu ay ka qaadeyso talaabo adag Dableydii dhowaan dishay Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku-xigeenkii Booliiska Degmadaasi. Wasiirka oo hadal ka jeedinayey deegaankii lagu aasayey labada Sarkaal ee la dilay ayaa waxa uu ka sheegay inay Odayaasha ay isku deegaanka yihiin raggii dilka geystay inay waajib ku tahay inay gacan ka geystaan soo qabashadooda, haddii ay ku gacan-saydhaana bedelkooda iyaga loo xiri doono. “Odayaasha Beeshan (Gar-adag) waa waajib saaran inay hawshan dhinacooda ka qabtaan, Gacan ku dhiiglaha kii naga qariya ayuun baanu ku xidhaynaa” ayuu yiri Wasiirku. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiir Kaahin “Tuugu ehel malaha, Gacan ku-dhiigluhuna ehel malaha. Xukuumadda ayay waajibkeeda tahay inay arrinkaa si adag uga qabato, mana suurto-galayso inaanu si sahlan idiin nidhaahno waxbaanu qabanaynaa oo aanu qaban wayno. Dilka loo geystay Saraakiisha wuxuu dhaawac ku yahay Qarankeena”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Shirweynaha wada-tashiga, jihaynta qorshayaasha iyo baahiyaha Haweenka Puntland oo mudda afar maalmood ah ka socday magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa maanta soo xirmay. Shirkan oo ay qaban-qaabisay wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska dowladda Puntland, ayaa waxa ka soo qeyb galay in ka badan 200 oo haween ah, kuwaasoo ka kooban xubno ka tirsan Haweenka Puntland ku metela Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kuwa ka tirsan golayaasha dowladda Puntland, wasiiradii hore ee wasaaradda Haweenka Puntland, Haween ka socday sagaalka gobol ee Puntland, Haweenka dhaqaatiirta ah, kuwa ganacsatada ah, qareennada, beeraleyda iyo xoola-dhaqatada. Wasiirka horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska Puntland, Aamino Cismaan Xaaji jaamac oo ka hadlaysay xiritaanka shirkan, ayaa sheegtay in mudadii uu shirku socday si weyn looga hadlay caqabadaha kala duwan ee haysta Haweenka, ka hortagga tacaddiyada loo geysto iyo ilaalinta xuquuqdooda , gaar ahaanna Haweenka ku nool degaannada fog-fog iyo dhulka miyiga ah. Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegtay in nuxurka shirka ka soo baxay uu sal u noqon doono, jihaynta qorshah shanta sano ee wasaaradda Haweenka Puntland iyo dhammaan qorshayaasha hay’adaha kale ee dowladda eek u shaqo leh arrimaha Haweenka. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi deni oo shirka soo xiray ayaa dhankiisa xaqiijiyay in xukuumaddu ay sidooda u dhaqan-gelin doonto qodobada ka soo baxay shirkan, isagoo ballan-qaaday in uu shirka golaha wasiirada horgeyn doono, si loogu rogo go’aan xukuumadeed. Ugu dambeyntii, shirka ayaa waxa ka soo baxay baaq ku jihaysan kordhinta doorka Haweenka ee dhinacyada siyaasadda, arrimaha bulshada, dhaqaalaha, ganacsiga iyo ka hortagga tacaddiyada loo geyso Haweenka. Halkaan ka daawo baaqa oo Caasho Geelle Diiriye akhrinayso PUNTLAND POST The post Shirweynaha Haweenka Puntland oo Garoowe ku soo xirmay appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiye Cirro Oo Farriin Adag U Diray Xukuumadda KULMIYE Iyo Laamaha Amaanka “Waxaannu Xukuumadda Uga Digayaa Xukun Milateri Oo Aan Golayaashu Xalaalayn Inay Shacabka Ku Fuliso “Dr Cirro Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa labada Gole ee Baarlamaanka ku boggaadiyey go’aankii diidmada ahaa ee ay ka qateen xukunka Milateri ee ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku soo rogtay gobolka Sanaag, taasi oo ay labada gole ka codsatay inay u codeeyeen, balse labada gole ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen maanta cod aqlabiyad ah ku diiday dalabka Xukuumadda iyo xaalada deg deg ah ee ay ku soo rogtay Gobolka Sanaag. Siddoo kale Guddoomiye Cirro ayaa digniin adag u diray xukuumadda iyo laamaha amniga oo uu sheegay inay waxay golayaashu diideen dhaqan-geliyaan , isagoo sidaa ku sheegay Saxaafadeed uu ku qabtay Hoyga uu ka degan yahay magaaladda Hargeysa,waxaanu haddalkiisu u dhigaan sidan “Waxaan warbaahinta u hor imi in aan Boggaadiyo Baarlamaanka Somaliland labadiisa aqalba Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada oo maanta qaatay tallaabo taariikhiya , tallaabadaas oo ah inay diideen inay ansixiyaan maanta xukunkii milateri ama xukunkii deg deg ahaa ee lagu soo rogay gobolka Sanaag, baarlamaanka waxaan ku boggaadinayaa in tallaabadaasi ay ahayd mid ay sharciyada ugu hiiliyeen mid ay shacbiga ugu hiiliyeen.” Waxaanu intaasi ku sii daray Guddoomiye Cirro “Waxaannu shacabku xasuus-naan doonnaa tallaabadda taariikhigga ah ee aad qaadeen, waxaad u hiiliseen dhammaan shacabka reer Somaliland, waayo xukunka degdeg ahi kuma koobnaadeen gobolka Sanaag oo goboladda kale ayaa ku xigi lahaa oo Awdal baa ku xigi lahayd. Marka maanta shacabka aad la dareen noqoteen waan idinku boggaadinayaa, Waxaad u hiiliseen dhammaanba dadkii ku noola gobolka Sanaag ee degmooyinkiisa lagu soo rogayay xukunka milateri ee kala ahaa, Gar-adag, Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo.”Ayuu yidhi Cirro Dhanka kalena Guddoomiye Cirro ayaa Xukumadda Madaxweyne Biixi uga digtay inay xukun Milateri oo aanay xaalaalayn golayaasha Guurtida iyo Wakiilladu inay dul dhigto shacbiga,”Waxaannu xukuumadda uga digaynaa xukun milateri oo golayaashu xalaalayn oon sharci ahayn inay shacabka ku fuliso, waxaan kale oo shacabka reer Somaliland gobolkasta oo ay joognaa ugu baaqayna in ay ilaashaddan xasiloonidooda iyo nabadgel-yadoodda. Ciidamadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaannu ugu baaqaynaa inay sharciga u hoggaansamaan inay shacabkoodda u tudhaan iyo inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo xasiloonni –darro iyo amni-darro ka dhallin karta dalka.” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Abuukaate Zakariye Yuusuf oo wareysi siiyey Idaacadda BBC-da qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa xusay in Golaha Wasiirada ay u baahan yihin in la hor geeyo Baarlamaanka. Abuukaataha ayaa ku dooday in sharciga uu qabo haddii Golaha Wasiirada ee la hor geeyey Baarlamaanka isla markaasna la ansixiyey la badalo in ka badan laba meelood ay waajib tahay in kalsooni cusub looga raadiyo Baarlamaanka Soomaaliya. ” Sharciga wuxuu qabaa in marka hore si wadajir ah Golaha Wasiirada loo horgeeyo Baarlamanka Soomaaliya , markii ay helaan ogolaanshaha Golaha Shacabka sidaas ayey ku shaqo galayaan, haddii markaas ka dib laba meelood meel ay baxaan ama la badalo wasiiradii hore loo ansixiyey, Caqliga iyo sharciga intaba waxay tahay in mar kale Golaha Shacabka la horgeeyo si ay u helaan kalsooni” Ayuu yiri Abuukaate Zakariye Yuusuf. Wasiiradii uu soo magacaabay Ra’isulwasaare Xasan Kheyre ayaa waxaa siyaabo kala duwan Liiska uga baxay oo xilkii baneeyey Wasiiro gaarayo illaa 10 oo kala ah: 1) Daahir Geelle, Wasiirkii Warfaafinta. 2) Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debadda. 3) Cabdi Faarax Saciid (Juxa) Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta. 4) Cabdicasiis Laftagareen, Wasiirkii hore ee Warshadaha 5) Axmed Mursal, Wasiirkoo hore ee Gaanshaandhigga. 6) Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, Wasiirkii hore ee Waxbarashada. 7) Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, Wasiirkii hore ee Dastuurka oo dhawaan dhintay Allaha u naxariistee 8) Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga 9) Cabdifataax Geesey oo ahaa Wasiirkii hore ee Howlaha Guud. 10) Cabaas Siraaji (Allaha u naxariistee) Wasiirkii hore ee Howlaha Guud. 11) Maryqan Qaasim, Wasiirkii hore ee Gargaarka. Abuukaate Zakariye ayaa sheegay in Xildhibaanada mucaaradka ah aysan ku baraarugsaneyn arrintaas balse ay kaliya yihiin mucaarad aan diyaar u aheyn inay wax saxaan. Wuxuu sheegay in Baarlamaankii iyo Golihii Wasiirada ay noqdeen kuwa isku mid oo aysan jirin maskax diyaar u ah inay soo jeediso sharcigaan lagu xadgudbayo. Wuxuu Maxkamadaha ugu baaqan inay arrintaan soo farageliyaan isla markaasna ay ku dadaalaan in la saxo sharciga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
