-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN ) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha M/ Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Guri ku yaalla xaafadda Nasrudiin ee degmadaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan lagu diyaarinayay Gurigaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa gaaray halkaasi, kuwaas oo gabi ahaan la wareegay hoyga uu qaraxu ka dhacay. Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa gacanta ku dhigay tiro dad ah oo looga shakisan yahay qaraxaasi. Xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tagay meesha ay wax ka dhaceen, balse kama aysan hadlin qaraxaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona ciidamada ammaanku weli baaritaano dheeraad ah ay ka wadaan halkaasi. View the full article
-
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay guddi heer wasiirro ah oo Aas Qaran u diyaariya wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil oo shalay ku geeriyooday Dubai. Xubnaha Guddiga ayaa kala ah. 1-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Fuuleed 2-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Ciise Cawad 3-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow 4-Wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre 5-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle 6-Wasiirka Kalluumeysiga Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame 7-Wasiir ku xigeenka Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay uga tacsiyeeyey geeridii ku timid wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Onlijne)-Taliyihii hore ee ciidamada NISA Cabdulaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Dalsan TV ayaa si adag u weeraray dowladda madaxweyne Farmaajo. Sambaloolshe ayaa ugu horeyn ka hadlay arimaha badda Soomaaliya iyo safarkii madaxweyne Farmaao uu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo safarkaasi ku tilmaamay mid madaxweynaha la hogaaminayay. Wuxuu sheegay in Safarkaasi uu ahaa mid aysan fileyn dhamaan shacabka Soomaaliyeed in laga qarin doono waxyaabaha kasoo baxay kulankii gaarka ahaa ee ka dhacay magaalada Nairobi. Wuxuu soo hadal qaaday xaaladaha dhanka amaanka ee dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in markuu xilka hayay uu wax badan ka shaqeeyay, balse markii xilka laga qaaday lagu wargeliyay xil gudasho la’aan haddana aysan jirin cid la xisaabtanta dadka hay’adaha amaanka ka shaqeeya. Mar uu ka hadlayay siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya wuxuu sheegay in guulo badan oo la gaaray aysan jirin, islamarkaana wadamo badan oo saaxiibo la ahaa Soomaaliya hadda la lumiyay. Sambaloolshe ayaa isaga oo isbarbardhig ku sameynaya dowladda Farmaajo iyo maamulkii Xasan Sheikh, wuxuu sheegay in dowladii Xasan Sheikh dhamaan waxyaabihii ay wanaajisay in lasii dumiyay, sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka daawo Wareysiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qarax Miino ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhabarka dambe guri ay deganaayeen dad rayid ah oo ku yaalla xaafadda warshadda taraqa iyo sigaarka ee wadada Warshadaha, magaalada Muqdisho. Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo uu geystay qaraxan, hase ahaatee waxa uu dumiyey oo kaliya qeyb ka mid ah gurigii uu ka ag dhacay. Ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ayaa wada baaritaanno qaraxan, waxaana la sheegayaa in la xiray dad halkaasi ka dhow. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-090319.mp3 View the full article
-
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay guddi heer wasiirro ah oo Aas Qaran u sameeynaya allaha u naxariistee wasiir Cabdi xoosh. Xubnaha Guddiga ayaa kala ah. 1-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Fuuleed 2-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Ciise Cawad 3-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow 4-Wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre 5-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle 6-Wasiirka Kalluumeysiga Mudane C/raxmaan Cabdi Xaashi 7-Wasiir ku xigeenka Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay uga tacsiyeeyey geeridii ku timid wasiirkii Dastuurka Soomaaliya. Puntland Post The post Ra’isilwasaare Kheyre oo guddi u magaacay aaska wasiirkii dastuurka appeared first on Puntland Post.
-
Hargeisa-(Qaran-news)-Sida ilo wareedyo u dhuundaloola Qasriga iyo Qoyska Madaxtooyada Somaliland u xaqiijiyeen warfidiyeenka Qarannews, Muuse Biixi iyo wefti uu hogaaminaayo ayaa maanta u baqooli doona Dalka UAE. Xoggaha Warfidiyeenka Qarannews helay waxay kaloo tibaaxayaan in ujeedada safarkiisa Muuse Biicixi daaran tahay inuu soo saxeexo Heshiiska Saldhiga ciidamada Berbera DalkaUAE ka dhisanaayo oo gebogebo ah,lana filaayo inuu ku dhamaado muddo Sadex bilood gudahooda. Muuse Biixi Ayaan waxba kala socon Qodobada Heshiiska Saldhiga Milateri ee UAE ka dhisanayso Berbera oo Xukumadii Siilanyo gashay,Ku darsoo Golayaasha Qaranka iyo Shacabka ayaa laga qariyey Mucda Heshiiska ama wixii lays dhaafsaday. Geesta kalena waxaa jira xoggo isa soo taraya oo warfidiyeenka Qarannews ku soo shubmaaya oo sheegaya in Muuse Biixi UAE Kula yeelan doono Farmaajo Kulan xasaasiya oo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed gadhwadeen ka yahay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska warbixinada sirdoonka qora ee Africa Intelligence ayaa qoray in madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre ay isku khilaafeen go’aankii Farmaajo ku tagay magaalada Nairobi ee uu kula kulmay Uhuru Kenyatta. Wargeyska ayaa sheegay in Kheyre uu madaxweynaha u caddeeyey fikirkiisa ah inuu kasoo horjeedo kulankan oo ujeedkiisu ahaa in lagu qaboojiyo xiisadda diblomaasiyeed ee Kenya iyo Soomaaliya. Warbixintan ayaa sheegtay in Xasan Cali Kheyre uu doonayey in Kenya aan loo muujin wax dabac ah, oo Soomaaliya ay muujiso inaan la handadi karin. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka walaacsanaa dhex-dhexaadinta ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo in xiisadda labada dal lagu dhammeeyo hanaan diblomaasiyeed. Sida warbixinbta ay tiri, Farmaajo ayaa waxaa taageeerayey oo cadaadis kaga imanayey siyaasitiinta beesha Daarood ee ku jira dowladda Kenya, oo uu ka mid yahay guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale, kuwaas oo doonaya inu xiisadda labada dal wada-hadal lagu dhamneeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee Nairobi ayaa qoray warbixin muujineysa in ra’iisul wasaaraha, Itoobiya Abiy Ahmed uu u muuqday inuu ku mowqif ahaa Soomaaliya, marka ay noqoto habka loo xalinayo xiisadda Soomaaliya iyo Kenya. Warbixinta wargeyska ayaa sheegtay in intii ay socdeen wada-hadallada madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, uu Abiy, oo goobjoog ka ahaa soo jeediyey in labada dal ay si madax banaan uga hadlaan arirnta badda, balse ay ka heshiiyaan arrimaha kale ee diblomaasiyeed. Sida warbixinta ay tiri, Abiy Ahmed ayaa rumeysnaa in haddii muranka badda dartiis ay u istaagto wada-shaqeyntii labada dhinac, taasi ay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelan karto amniga Soomaaliya, oo aanay dan ugu jirin saddex dalba. Wuxuu qabay in labada dal soo celiyaan xiriirkooda, kadibna si madax banaan uga wada-hadalaan muranka badda. Mowqifka ayaan sidoo kale waafaqsanaa kan Farmaajo, oo ahaa in arrinta badda loo daayo maxkamadda caalamiga ah, labada dalna ay ka wada-hadlaan arrimaha kale. Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in dhul-badeedka lagu muransan yahay ay go’aan ka gaarto maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, halka Kenya ay dalbatay in meel ka baxsan maxkamadda xal lagu gaaro, labada dalna ay isku raacaan xuduud cusub oo ay ka wada-hadleen. Arrintan ayaa hoggaamisay inaan wax heshiis ah lagu gaarin kulankii Nairobi, xiriirka labada dalna weli uu sidiisa u xun yahay, inkasta oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in safiiradii la kala qaatay dib loo soo celinayo, taasi oo Kenya weli aysan xaqiijin. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, Jeneral Thomas Waldhauser ayaa ku dhowaaqay in dhimista ciidamada Mareykanka ee Afrika aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin Soomaaliya. Jeneral Waldhauser oo la hadlayey congress-ka ayaa sheegay in howl-gallada Soomaaliya iyo Libya ee ka hor-tagga argagixisanimada ay muhiim u yihiin Mareykanka, islamarkaana ahaayeen kuwa miro dhal ah. “Waan ka fogaan doonnaa inaan wax dhimis ah ku sameyno ciidamada Soomaaliya iyo Libya, sababtoo ah dagaal ka hor-tagga argagixisanimada ee halkaas waa mid aad wax ku ool u ah” ayuu yiri madaxa AFRICOM. Mareykanka ayaa sanadkan oo kaliya Soomaaliya ka fuliyey 24 weerar oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana lagu dilay 236 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab. Sanadii 2018 waxaa duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya lagu dilay 338 mintidiin ah. Mareykanka ayaa la rumeysan yahay in Soomaaliya ay ka joogaan ku dhowaan 500 oo askari, oo isugu jira ciidamada howl-gallada gaarka ah fuliya iyo saraakiil tababarka ka caawiya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom. Inta badan ciidamada Mareykanka ayaa waxa saldhigoodu yahay xarunta Xalane, iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo garoonka Balli-Doogle ee gobolka Shabeellada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweyne Farmaajo wuxuu siyaasadda Soomaaliya kusoobiiray dhamaadkii Sanadkii 2010, Isagoo xilligaas noqday Raiisul Wasaarihii 14aad ee Dalkeena. Intuu Farmaajo ahaa RW wuxuu dalka kusoo siyaadiyey Firfircooni, karti iyo dal jacayl aanan horay looga baran siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Laakiin Madaxweyne Farmaajo asbuucaan wuxuu sameeyey siyaasad qar iska tuurid ah, taasoo dad badan kutilmaameen in ay tahay mid dhaawacidoonta maqaamkii uu ku dhex lahaa bulshadda Soomaaliyeed, sidoo kalena dhib u keenidoonta hankiinsa iyo mustaqbalkiisa siyaasadeeda. Habdhaqanka Kenya Kenya waxay Soomaaliya ula dhaqantay si qadarin la’aan iyo yasid ay kujirto, waxay soocayrisay danjirihii Soomaaliya, waxayna sidoo kale Soomaaliya ugu hanjabtay cunaqabatayn. Ujeedada ay kenya ka lahayd Arimahaas waxay ahaayeen in ay Soomaaliya ku cadaadiso in ay soofariisato Miiska wada hadalka si muranka badda loogu xaliyo wada hadal dibloomaasiyeed, sababta kenya u doonayso wada hadalka waxa weeye in kenya ay aad uga baqsan tahay in ay ku guuldaraysato dacwadda horteeda Maxkamadda Aduunka. Maxkamaddaan horay waxay u qabatay dacwado lamid ah tan Soomaaliya iyo Kenya, markastana waxaa dacwadda kuguulaystay kooxda la imaaday dooda Soomaaliya oo kale. Habdhaqanka Kenya maahan mid cusub, waa mid ay horay u tijaabisay taasoo ay wax kaga dheeftay: Madaxweynaha Kenya ee Uhurru kenyatta ee hadda xilka haya waxaa sanadkii 2008 lagu eedeeyey in uu kaqaybqaatay Xasuuq ka dhacay dalka Kenya. Balse, sidda la xasuusto Kenya waxay lasoobaxday kaarkaan ah in dalkeeda cadow lagu yahay, waxay eedayn iyo handadaad isagu dartay cidkasta oo kiiska Uhurru dabada ka riixaysey, waxayna Maxkamadda Aduunka ku eedaysey in ay beegsanayso oo keliya Madaxweynayaasha qaaradda Afrika, sidoo kalena waxay ka codsatay dalalka qaaradda Afrika in ay caawiyaan, kuwaasoo ajiibay codsigaas. Taasi waxay keentay in Kiiskii Uhurru ee horyaalay Maxkamadda Aduunka uu burburo. Kenya waxay dib ula soobaxday kaarkaas si ay Soomaaliya ugu cadaadiso in kiiska Maxkamadda lagala laabto, si arinka wada hadal loogu dhameeyo. Liidashadii Dawladda Soomaaliya Waa run in siyaasadda u baahan tahay taxadar iyo hab masuuliyad kudhisan, Balse Xukuumadda Farmaajo waxay u dhaqantay si ka hoosaysa maqaamka dawladeed. Xitaa jawaabaheeda ee ku aadana eedaymaha iyo cajuglaynta Dawladda Kenya ma ahayn kuwo lagu qanco, waxaa ka muuqatay isliidid badan. Madaxweynayaashii ka horeeyey Farmaajo ee Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed waxay ahaayeen kuwo si adag ula dhaqma dawladda Kenya. Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed, oo dawladiisa ahayd mid ka tabardaran tan Farmaajo uu hadda hogaamiyo, wuxuu si adag ula hadli jirey Kenya markay Soomaaliya ku xadgudubto, Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlin markay Kenya ciidameeda soogelisay dalka Soomaaliya ayaa wuxuu dhahay: “Ciidamada Kenya in ay Soomaaliya iska soogalaan raali kama nihin”. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu kenya u dhigay cashar wanaagsan. Isagoo kadiiday wadahadalkasta ee kusaabsan Muranka Badda ee ay doonaysey, wuxuuna la tiigsaday Maxkamadda Aduunka. waxaana xusid mudan in xitaa Madaxweyne Xasan Sheekh kuqasbay Kenya in ay raaligelin kabixiso khalad ay Soomaaliya ka gashay: Xiligii Madaxweyne Xasan Sheekh la doortay ee uu sugayey caleema saarida waxaa dhacday in Qarax ka dhacday meel u dhow guri uu deganaa Madaxweyne Xasan sheekh oo xiligaas la kulmayey wafdi ay kamid ahaayeen Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arimaha dibadda ee Kenya. Waxaa dhacday in Masuuliyiinta Kenya qaarkood ay eeda qaraxa dusha ka saaraan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, balse Dawladda Soomaaliya arinkaas waa ay ka carootay, taasna waxay keentay in Kenya raaligelin arinkaas ka bixiso. Markiii Madaxeyne Farmaajo kusoobiiray Siyaasadda wuxuu ahaa mid dadku ay jeclaayeen dal jacaylkiisa iyo hadaladdiisa aanan ka leexleexashadda lahayn, balse Dad badan baa la yaaban sababta ay Xukuumadda Farmaajo u aamusan tahay oo aysan xitaa u oranin dhowr erey oo caradeeda muujin lahaa. Si qaldan oo Khilaafka loo xaliyey Inkastoo ay wanaagsan tahay in khilaaf la dhameeyo, balse qaabka Madaxewyne Farmaajo u maray si khilaafka looxaliyo ma uusan ahayn mid wanaagsan. Waxaana ka buuxay dhowr qaladaad: Libin inadhaaftay: Madaxweyne Farmaajo ma ahayn in uu Raiisul Wasaaraha Itoobiya u raaco kenya: Mida aanan la qarinkarin waxa weeye in libinta Xalinta khilaafkaan uu qaatay Rasiil Wasaaraha Itoobiya, kaasoo hadda u sharaxan Abaalmarin Nabada (Nopel peace Prize) ee Aduunka. Madaxweyne Farmaajo waxay ahayd in uu libintaas qaato, taasna wuxuu kugaari karay iyadoo wadahadalka laga bilaabo Muqdisho. Sida aan kor kusoo sheegay Wasiiradda Arimaha dibada ee Kenya waxay rabtay, diyaarna u ahayd in ay Muqdisho booqato si Soomaaliya wadahadal loola furo. waxayna ahayd in Xukuumadda Farmaajo, Wasiiradaas si wanaagsan ula dhaqanto kana dhigato barobogaando dibloomaasiyeed si Caalamka u tusiso in inkastoo Kenya ay u dhaqantay si caruurnimo oo Safiirkeena soocayrisay, hadana Soomaaliya aysan xumaan xumaan kugudayn oo oo ay tahay mid Nabad u taagan. Khalad bay ahayd in Madaxweynaha Farmaajo booqdo Kenya: maadama ay kenya soo cayrisay Safiirka Soomaaliya ma aysan ahayn in Madaxweyne Soomaaliya uu booqdo kenya. Waxay ahayd in Markii uu la kulmay Raiisul Wasaaraha itoobiya u sheego in Wasiiradda Arimaha dibadda ee labadda dal ee Kenya iyo Soomaaliya ay kulmaan si ay uga hadlaan arimaha khilaafka dhaliyey, hadhowna Madaxweynayaashu u kulmaan kadib markii ay wasiiraddu wax isla gartaan. Khalad bay ahayd in Khilaafka si degdeg loo xalliyo: Maadama ay kenya ahayd midda wadahalka doonaysey, siddoo kalena qaabka xun u dhaqantay, Dawladda Soomaaliya waxay ahayd in ay caradeeda muujiso oo Kenya wadahadalka ku adkayso si Kenya khaladkeeda u dareento. Taasna Dawladda Soomaaliya si fudud bay kusamayn kartay: waxa keliya oo looga baahnaa waxay ahayd in ay Kenya u aamusto ilaa waqti oo aysan ku degdegin wada hadal. Mana aysan ahayn in Soomaaliya muujiso in ay baahi u qabto in xiriirka si fudud lagu sooceliyo. Mugdiga kuxeeran wada-hadaladda Soomaaliya iyo Kenya Inkastoo ay Dawladda Soomaaliya sheegtay in aanan laga wadahadlin wax kusaabsan Arimaha badda, balse warar ka soobaxay Xafiiska Raiisul Wasaaraha Itoobiya baa ina tusinaya in ay macquul tahay in arimaha badda laga wadahadlay. Dad badan oo Soomaaliyeed bay tani walwal iyo walbahaar kuriday. Sida lawada ogsoonyahay Muranka badda waxaa keenay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kuwaasoo saxiisay Heshiis aysan aqoon u lahayn: kenya haddii aanan Sanadkii 2009 loo saxiixeen heshiiskii is-afgaradka ahaa, marna aysan haysateen dood ay muran kubilowdo. Sidaas awgeed, shacabka Soomaaliyeed waxay ka walwelayaan in Siyaasiyiinta ay mar labaad kudhacaan khalad labaad oo ay sidaas khatar kugeliyaan qayb kamid ah Soomaaliya. Hadaba, Xukuumadda Farmaajo waxaa habboon in ay ka fiirsato Talaabooyinka ay qaadidoonto, waxaana habboon in ay shacabka ka saarto mugdiga kaga jira wadda hadalkii Soomaaliya iyo Kenya. Shuayb Xaaji Ciise hornpost.net Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Dhowr bilood waqti hadda laga joogo ayaan qoray qormo ‘kooban’ oo aan ku muujinayey sida Dowladda Soomaaliya (tii Xasan Sheekh Maxamuud iyo tan hadda ee Farmaajo) ay lacago laaluush ah u siiyaan diblomaasiyiin iyo saraakiil ajnabi ah. Hase yeeshee qaar badan oo ah Soomaalida kuwa aan wax badan la socon iyo kuwo taageero qabyaaladeysan ku duula, ayaa dood ka keenay, iyagoo wax raadraac iyo baaris sameyn. HADDA waxaa war fiican ah inay soo baxday cilmi-baaris lagu daabacay Jaamacadda Macalester ee dalka Mareykanka, taasoo uu qoray Brendon J. Cannon, laguna daabacay Joornaalka arrimaa caalamiga ee Bildhaan, cinwaankeeduna yahay “Saameynta Dowladaha Shisheete iyo Doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya: Falanqeyn” “Foreign State Influence and Somalia’s 2017 Presidential Election: An Analysis” LINK: https://digitalcommons.macalester.edu/bildhaan/ DOWLADAHA LA SHEEGAY: Ethiopia, Qadar, Turkey, UK, Italy, UAE, USA. XASAN SHEEKH IYO FURSADDII UU HEYSTAY: Daraasaddan waxay xustay 6 sababood oo Xasan Sheekh Maxamuud u sahli kartay inuu markale kursiga ku soo laabto, balse aan laga faa’ideysan: 1- Mucaarad muuqda oo la hubo oo aan jirin berigaas. 2- Ololaha iyo diyaargarowga doorashada ee Xasan Sheekh oo aad u xoogganaa. 3- Adeegsiga awood xad dhaaf ah oo loo adeegsaday awoodda Dowladda oo ay ku jirtay cabsigelin iyo qasab (jujuub). 4- Taageerada dhaqaale ee Turkey siisay Xasan Sheekh; Taageero siyaasad iyo lacagba oo UK siisay Xasan Sheekh; Ethiopia oo rabtay in Xasan Sheekh soo laabto. 5- Isku dhex qasnaanta siyaasadaha dowlado badan (oo kaalin ku leh Soomaaliya) iyo awoodis la’aantooda inay keensadaan hal musharrax oo ay ku raacsan yihiin. 6- Mareykanka oo ama dhex-dhexaad ka ahaa ama aan daneyn badan u heyn arrinta Soomaaliya. SABABIHII GUUSHA FARMAAJO EE 8-DII FEBRAAYO Daraasaddan oo ka kooban 30-bog ayaa xustay qaabkii laaluushka loo siiyay xildhibaannada. Musharrax kasta oo madaxtinimmada u tartamayey wuxuu u baahnaa in ugu horrey uu helo saxiixa 20 xildhibaan, kahor intaan la aqbalin musharraxnimadiisa. Halkii xildhibaan waxaa la siiyey lacag u dhexeysa $500 illaa $1000. Markii ay soo dhowaatay doorashada waxaa codka halkii xildhibaan uu gaaray lacag u dhexeysa $50,000 – $100,000 (hadba sida ay xildhibaannada u kala saameyn badan yihiin). Xildhibaannada, inkastoo lacag fiican ay ka heleen Xasan Sheekh, haddana waxay ku dhaqmayeen siyaasad “furan” iyagoo sii raajicinayey musharixiinta kale ee lacagta badan ka heli kareen. Waana taas midda fursadda siisay Farmaajo, ayey tiri daraasadda. XASAN, FARMAAJO, FAHAD IYO QADAR Markii ugu horreysay, waxay qormadu daboolka ka qaaday isku dhicii Xasan Sheekh iyo Dowladda Qadar ee soo bilawday doorashadii 2012 ka bacdi. Xasan Sheekh wuxuu diiday soo jeedin ay wadatay Qadar, taasoo loo soo dhiibay Fahad Yaasiin, oo ahayd in Farmaajo (oo Qadar looga dhigay saaxiibkood) loo magacaabo Ra’isul wasaare Dowladdii Xasan Sheekh. Laakiin markuu Xasan Sheekh diiday inuu Farmaajo ka dhigo Ra’isul wasaarihiisa (uuna magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon) waxay Qadar goosatay inay taageerada ka jarto Xasan Sheekh. Tani waxay keentay in Fahad la siiyo maal badan, uuna ka shaqeeyo sidii Dowladdii Xasan Sheekh loogu kicin lahaa mucaarad. Fahad ayaa qortay rag kasoo carooday Xasan Sheekh, oo ay qaarkoodna isku soo dheceen sida: Xasan Cali Kheyre, Thabit Maxamed, Jamal Maxamed Xasan iyo Mustaf Dhuxulow. Fadad wuxuu ka duulayey saldhiggiisa oo ahaa Hotelka Jasiira, halkaasoo xubnaha mucaaradka uu ku quudin jiray xogta xasaasiga ah. Waxaa kaloo Jasiira ahayd goobtii laga waday ol’olaha cod iibinta ee ol’olaha Farmaajo…..Way socotaa…. Qore: Brendon J. Cannon Tarjume: Abdalle Ahmed Mumin Daabacadda oo dhan halkan u doono: https://digitalcommons.macalester.edu/bildhaan/vol18/iss1/6
-
Farmaajo Oo Abiy Axmed Weydiistay Inuu Hargeysa U Kaxeeyo Cajiib. Arrin Cajiib ah, waxaa la yidhi in uu Raisal Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, oo beryahan daa’dihinayey, Maxamed Cabdillahi Farmaajo, oo marna Nairobi u kaxee, marna Qaahira u kaxee, ku jiray, ayuu Farmaajo ka dalbaday in Hargeysa loo kaxeeyo! Cajiib. Farmaajo hadduu doonayo in uu Hargeysa yimaado, yaanu ku soo dabo dhuuman Dr. Abiy. Waa inuu aqbalo jiritaanka Somaliland, waa inuu aqoonsado Somaliland, waa inuu caddeeyo wuxuu ka yidhi xasuuqii ka dhacay Somaliland, ee ay geysatay dawladda adeerkii horboodi jiray. Waa inuu sida ragga, markuu intaas oo dhan ka soo baxo, uu codsi u diro shacabka iyo dawladda Somaliland. Waxaad moodaa in uu “abwaankii” ku mirqaamay, Garoowe, ee yidh ” Sadaatba Tel-Aviv buu ka degay” Saaqid. Masar iyo dalka Yuhuudu haysato waxaa yihiin laba dal oo madaxbanaan. Markaa runtuu sheegay, oo Somaliand iyo Soomaaliya, waa laba dal oo jaar ah oo madaxbanaan. Intuu dollarkii la siiyey la tagay buu “abwaanku” yidhi ” Ama tiirka ee geeya, ama taajka i saara”. Saxiib, cidna taaj kuma saaraso, tiirkana raggii u qalmay, aakhiraa lagula xisaabtamayaa, ee waxba ha soo lug go’in. Waxaad moodaa in uu Farmaajo midhidhkaa run mooday. Saaxiib, marka hore sida Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dadka cod ka hel. Doorasho xor iyo xalaal gal. Dawlad ku sheegu ha dhaafto Villa Soomaaliya, askartan ajnabi ee aad ku dabo dhuumanasaan iska eri, been abuuraka Somaliland iska daa. Weligaa ma gaadhi gaashaaman iyo askarta AMISON baad ku dabo dhuuman, mise, Ra’iisal Wasaare dal kale baa sida carruurta ku daa’dihin. Cajiib. Markay Somaliland leedahay wax allaale wax aan wadahadal la galno Soomaaliya ma joggaan, hadduu Farmaajo tusaale ka yahay, waxbaa ka jira. Waa Bilaahi Towfiiq Qaran News
-
The Ministry of Foreign Affairs strongly condemns the terrorist explosion which occurred in the vicinity of the Presidential Palace in capital Mogadishu of the Federal Republic Somali killing and injuring a number of people. The Ministry expressed its heartfelt condolences to the families of the victims and wishes the injured in this terrorist act speedy recovery. It also affirmed the solidarity of the Kingdom of Bahrain with the Federal Republic of Somalia against violence, extremism and terrorism of all forms. Four people were killed and nine wounded when a car bomb exploded near a restaurant in central Mogadishu yesterday, police said, as the Al-Shabaab jihadist group claimed responsibility. The blast “was caused by a car loaded with explosives, we perceive that it was parked near a restaurant along the road,” Somali police official Ibrahim Mohamed said. The restaurant was near a security checkpoint in the Somali capital, not far from the presidential palace. The road in which the blast occurred houses eateries and tea shops. “The explosion was very heavy, and we could see the smoke and dust overwhelmed the whole area, it was a car bomb,” said witness Ibrahim Farey. Another, Aisha Hassan, said several vehicles were destroyed and buildings damaged. Al-Shabaab said it had planted the bomb, claiming in a statement that its “fighters targeted one of the checkpoints of the palace apostates.” The nationalist, Islamist group, linked to Al-Qaeda, is fighting an armed insurrection in Somalia against what it sees as heretic and foreign influence. The Shabaab were chased out of Mogadishu in 2011 by the 22,000-strong African Union mission AMISOM, and have had to abandon most of their strongholds. But they still control vast rural areas and remain the key threat to peace in Somalia. President Mohamed Abdullahi Mohamed, elected in February 2017, has declared a state of war against the group. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa goor dhaw oo caawa ah waxa uu ka dhacay Degmada Hawlwadaag, gaar ahaan guri ku yaalla meel ku dhaw wadada Warshadaha halka loo yaqaano EVECO. Qaraxan oo aad u xooganaa ayaa sababay inay argagax dareemaan shacabka reer Muqdisho oo isku diyaarinayay xilliga hurdada. Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhex dhacay guri lagu diyaarinayay. Ciidamada ammaanka oo durba ku baxay falkan ayaa u suuragashay inay gacanta ku dhigaan laba nin oo la sheegay inay ka mid ahaayeen dadka guriga degan. Gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa tagay halkaasi, si ay u soo qaadaan hadii ay jiraan dad ku waxyeeloobay Qaraxan. Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan oo laga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir. Khamiistii ina dhaaftay oo ugu dambeysay Mintidiinta Al Shabaab ayaa gaari qarax lagu soo raray ku weeraray mid ka mid ah baraha Kontorool ee Madaxtooyada Somaliya, kaasi oo geystay khasaare kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somali national forces on Thursday killed a senior al-Shabab militant in an operation conducted in Beledweyne town in Somalia’s central region of Hiran, officials said on Thursday evening. Farah Ali Wasuge, commander of unit five, section 27 told the journalists that an offensive launched by Somali national forces in Beledweyne killed a senior al-Shabab official who was the mastermind of explosions in the town. “Our forces shot the official as he was preparing explosives in a road, and escaped with bullet wounds to a house in Howl-wadag village in Beledweyne. He later died in an exchange of gunfire with the security forces,” the commander said. He noted that the troops stormed into the house and found weapons and many explosive materials, arresting the militant’s wife who denied that she was aware of the weapons and the explosives that her husband kept in his special room in the house. Somali national forces backed by African Union Mission in Somalia have intensified the operations on al-Qaida affiliated group in central and southern Somalia, conducting major operations to drive the militants out of those regions. Al-Shabab was ousted from the capital Mogadishu in August 2011, but the terror group is still in control of several areas in southern Somalia and capable of conducting attacks. View the full article
-
Qaran News
-
Madaxwayne Biixi ma leeyahay karti uu ku qabto doorashooyinka Wakiiladda iyo Deegaanka 2019? Waxaan jecelahay in aan maqaalkan ku iftiimiyo kagana jawaabo su’aalsha kor ku xusan ee aan u doortay inaan ku cabiro miisaanna ku saaro bal inuu Madaxwayne Biixi leeyahay karti iyo ragganimo uu si hufan ugu qaban doono Doorashooyinka is-barkan ee Wakiiladda iyo Deegaanka. Waxay mar kale ka baaqdeen xiligoodii labadan doorasho taasi oo ku beegnayd bishan March. Sidii caadada iska ahayd marka uu madaxwayne gudan kari wayo xilkiidsa qaran ayuu Muuse na maciin ka reaadiyay Golaha Guurtida oo iyaguba dhaxal iyo wax la mida ku fadhiya aqalka Guurtida. Goorma ayaa inoogu danbaysay guurti xula? Maye ragii magaca la baxay ee Sh.Ibraahim hormoodka ka haa Cabdillahi Sh. Cali Jawhar ka daba gee waxaan la hilmaami karin Sh.Axmed Furre iyo Goodaad iyo intii la midka ahayd intooda dhimatay naxariis ayaanu eebbe ugu baryayaa intooda noolna cisso iyo sharaf inay ku noolaadaan iyadoo aanan iloobi karin inay iyagu bud dhig u ahaayeen nabadda aynu ku naaloonayno maanta oo ah ta kaliya ee la inagu majeerto. taasi oo aan wax badan aanay ku darin kuwa inoo sheegta Siyaasiyiintu marka laga reebo Madaxwayne Cigaal oo isna bud dhig u ahaa Astaamaha Qaran ee ay manta sarsariigayaan kuwii ka danbeeyay sida Madaxwane Siilaanyo oo ku kashifmay inuu qabto u qabto Doorashooyinkii Dawladaha Hoose si hufan oo dhiig ku daatay. Hadaba madaxweynaha maanta ee Biixi waxa uu ku guuldaraystay inuu ku qabto doorashooyinka Wakiiladda iyo Dawladaha hoose ee u qoondaysnaa march sanadkan ka dibna u qaylo dhaan u dirsaday Golaha Guurtida oo aan kor ku soo xusay kuwa ay yihiin, waxa kaliya ee ay ka adagyihiin waa kordhin, iska fadhi iyo magacii iyo haybaddii uu golahaasi lahaa oo ay meesha ka saareen kalsoonida Shacabku ku qabaana ay aad u yartahay. Aan soo ururiyo hadalka ee Madaxwayne Biixi oo aad moodo inuu wakhtigii kaga lumay xidhida dad wax tiriyay sida Ina Abees iyo Wargays loo laabo albaabada sida Foore oo aan ku raacsanahay ra`yigoodii ahaa inaan loo baahnayn Maanta Madaxtooyo cusub ee haddii uu karti iyo dadaal isku hubo Madaxwayne Biixi in looga baahan yahay wax qabad ka balaadhan Guri Madaxtooyo oo laga yagleelo albeedka Hargaysa sida: shaqo abuur taasi oo ay 75% dhalinyarada Somaaliland aanay wax camala haysan, caafimaadka oo la kobciyo, biyo nadiifa oo dalka loo soo saaro iyo dabcan aqoonsi buuxa oo ay Somaliland hanato.. Haddaba waxaan is waydiinayaa Madaxwayne Biixi oo ku guuldaraystay inuu ku qabto Doorashooyinka Wakiiladda iyo Deegaanka muddo dhan 15 bilood laga soo bilaabo bishii December ee 2017 oo uu Kursiga halabsady ilaa March 2018 oo isku gayn noqonaysa 15 Bilood. Mudo intaa ka yar oo ku siman ilaa 10 Bilood ma ku suurto galinkaraa arinkan. Waxa kaliya ee ilaa hadda la maqlay waa inay isku soo dhamaadeen Guddidii Komishinka oo qaar ka midi ahi kaga maqnaayeen dalka dibaddiisa iyadoo uu jid dheeri sugayo. Aan ku soo noqdo inaan ka jawaabo Su’aasha udub dhexaadka u ahayd Maqaal oo ahayd madaxwayne Biixi ma leeyahay karti uu ku qabto Doorashooyinka Wakiiladda iyo Deegaanka 2019? taasinoo jawaabtaydu tahay maya, sababaha aan kor ku xusay ayaana keenaya. Haddaba iswaydiinta xiisaha lihi waxay tahay dalku xaalad caynkee ah ayuu gali haddii ay noqoto in ay markale baaqdaan doorashooyinku, Ma Golaha Dhaxaltooyadda waa Guurtida e` ayaa sidoodii ugu dhufan doona Shaanbadda Caagga ah ee Kordhinta mise si kale ayaa loo maarayn. Allow si kastoo ay noqotaba waxaan kaa baryayaa inaanad nagu ciqaabin oo aanay dalkayaga Somaliland ka soo gaadhin waxyeelo ay sababeen siyaasiyiin ku sheeg Xilkooddii gudan waayay, ha noqdeen kuwa Kuraasta ku fadhiya ee ah Dawlad ama mid muraacid ah oo aan wax talo ah ku dhaamin oo ay kaga dhagtay uun waa in doorashadda xilligeeddii la qabtaa taasi oo uu u arko inay tahay halka kaliya ee uu ka halabsan karo fuulitaanksa Kuraasta. Qore:Cabdi Muhumed Cabdimuhumed60@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa baajiyey safar la qorsheeyey in maalinta berri ee sabtida ah uu ku tago magaalada Kismaayo, sida xafiiskiisa uu u xaqiijiyey Caasimada Online. Kheyre ayaa la sheegay inuu safarkiisa u baajiyey tacsida iyo ka qeyb-galka aas qaran oo berri Muqdisho loogu sameynayo wasiirkii dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo maanta ku geeriyooday magaalada Dubai. Safarka Kheyre ee Kismaayo ayaa hadda la qorsheeyey inuu dhaco maalinta axadda ah. Kheyre ayaa Kismaayo u tagaya wada-hadallo dowladda ay la yeelaneyso Axmed Madoobe oo wararku ay sheegayaan in la filayo in labada dhinac ay isku afgartaan kuna heshiiyaan kadib khilaaf mudddo soo jiray. Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa ku geeriyooday isbital ku yaalla magaalada Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo la dhigay kadib markii uu xanuun deg deg ah oo dhinaca wadnaha ah kusoo booday. Xoosh Jabriil ayaa maal-mihii dhowaa u joogay magaalada Dubai inuu ka qeyb-galo arooska gabadhiisa, sida ay xubno ka tirsan dowladda federaalka u xaqiijiyeen Caasimada Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Akhriso: Qaar Kamida Haweenkii Islaamka Ee Taariikhda Dunida Wax Kusoo Kordhiyay Haweenka Islaamku waxa ay kumannaan sano kahor uga tageen bulshadooda raadad togan oo muujinaya doorkoodii horumarineed ee nolosha bulshadooda. Haddaba Xadaaradihii Muslimiintu ay gaadheen qarniyadii hore waxa qeyb weyn ka ahaa haween kartidoodu ay dhaaftay inta caadiga ah kuna guulaystay in ay horumariyaan bulshadooda iyaga oo ragga la shaqaynaya. waxaana ka mid ahaa haween noqday hormoodka ummaddooda dhinacyada maamulka, Dhaqanka,Caafimaadka, Beeraha Falasafadda,Xiddigiska iyo Farshaxanka. Maanta oo ku beegan 8-da Maarso oo loo asteeyay maalinta haweenka adduunka ma aha maalin kufilan haweenka waana ay ka ballaadhanyihiin maalin loo asteeyo oo la xuso balse qoraalkeennan kooban waxa aynu kusoo qaadan doonnaa qaar kamid ah haldoorkii haweenka Islaamka soo maray ee taariikhda dunidan aynu joogno raadka kaga tagay si loogu daydo:- LABANA OF CORDOBA: Waxa ay noolayd qarnigii 10aad waxaana ay kufiicnayd Xisaabta iyada oo xallin jrtay masalooyinkii ugu adkaa xilligaas ee xisaabaadka Joometeriga iyo Aljebrada Waxaana ay qarnigii 10aad noqotay xoghayihii gaarka ahaa ee dawladdii Ummaawiyiinta u fadhiyay dalka Isbaanishka , xilkaas weynna waxa u igmaday Khaliifkii xilligaas maamulayay dawladdii Islaamiga ahayd ee Ummaawiyiinta kaasi oo ahaa Khaliif Al-Xakam-kiilabaad. FATIMA AL-FIHRI: Waxa ay qarnigii 8aad kudhalatay Magaalada Qeyrawan ee dalka Tunisia waxa aanay ku takhasustay Shareecada Islaamka gaar ahaan Culuumta Fiqiga iyo Axaadiista, Fatima waxa ay bulshadeeda u dhistay Masjid taariikhdu markay ahayd 859-kii, waana mid shaqeeya illaa maanta loona aqoonsanyahay in uu yahay goobtii ugu horraysay adduunka ee laga qaato shahaado Degree ah oo waafaqsan habka caalamiga ah ee maanta la raaco sida ay u aqoonsatay hay’adda caalamiga ee waxbarashada,Sayniska iyo dhaqanka ee (UNESCO) waana Jaamacadda hadda lagu magacaabo (The University of Al Quaraouiyine) oo kutaalla magaalada Fez ee dalka Morocco, waxaana ay ku jirtaa Buugga lagu qoro dhacdooyinka dunida ee (Guinness world record). MARIAM AL-IJLIYA AL-ASTRULABI: Waxa ay noolayd qarnigii 10-aad, iyada oo ku takhasustay culuumta xiddigiska waana gabadha hindistay ama ikhtiraacday waxa loo yaqaanno (Astrolabes) kaasi oo ah qalab si weyn ay u isticmaalaan dadka Badmareenka ah ama xiddigiyayaasha ah kaasi oo ay ku kala gartaan wakhtiga iyo Jihada , Mariam ayaa xilliga ay ikhtiraacday qalabkan Astrolabes-ka waxa ay ku sugnayd Magaalada Aleppo ee dalka Syria taasi oo hadda ku taalla waqooyiga dalkaas, Mariam waxa ay sidoo kale la shaqaysay Amiirkii Magaalada Aleppo oo lagu magacaabi jiray Sayf al-Dawla, cilmigana waxa ay ka dhaxashay Aabbaheed oo ahaa xiddigiye caan ah laguna magacaabi jiray al-ʻIjliyy al-Asturlabi. AMINA ZARA: Waxa ay ahayd boqorad awood badan oo maamuli jirtay Boqortooyadii dhul ka mid ah waqooyi galbeed Afrika intii u dhaxaysay sannadihii 1588 illaa 1589, Amina waxa ay ahayd inantii ugu weynayd ee uu dhalay Bakwa Turuku kaasi oo ahaa aas aasihii Boqortooyada Zazzau sannadkii 1536-kii waxaana ay talada boqortooyadaas ay gacanta ku haysay muddo 11 sano ah una dhaxaysay 1588-kii illaa 1589-kii, inkasta oo taariikh yahannadu ay isku khilaafsanyihiin qaabkii xukunkeeda oo qaarkood ay leeyihiin waxa ay ahayd gabadh gabadh arxan daran oo dagaal badan haddana waxa la isku raacsanyahay in ay lahayd xukun dhab ah iyo hibooyin badan oo ay ka mid ahaayeen xirfadda Injineernimada iyo xeeladaha ciidamada (military strategy) waxaana ay adeegsan jirtay awood ciidan. Ugu dambayntii waxa habboon in haweenka Islaamku ay ku daydaan haweenkii Islaamka ee bulshadooda,diintooda iyo naftoodaba wax taray sida kuwa aynu kasoo hadalnay iskana dhaafaan khiyaaliga reer galbeedka ee hanka gabadhaba kusoo koobay inay u noolaato sida ninka oo kale. W/Q: Muxiyadin Maxmamud Xusen Email: Masxaf44@gmail.com Qaran News
-
Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay guddi heer wasiirro ah oo Aas Qaran diyaariya. Xubnaha Guddiga ayaa kala ah. 1-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Fuuleed 2-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Ciise Cawad 3-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow 4-Wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre 5-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle 6-Wasiirka Kalluumeysiga Mudane C/raxmaan Cabdi Xaashi 7-Wasiir ku xigeenka Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay uga tacsiyeeyey geeridii ku timid wasiirkii Dastuurka Soomaaliya View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-08032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka (UPD) ayaa soo dhoweeyey “dedaalka loogu jiro in xal loo helo khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhexgalay Soomaaliya iyo Kenya.” Qoraal kasoo baxay xisbiga UPD, oo u muuqda inuu jawaab u yahay safarkii madaxweyne Farmaajo ee Kenya, ayaa lagu sheegay in xisbiga uu soo dhaweynayo dib usoo celinta xiriirkii labada dal. UPD ayaa ugu baaqay xukuumada in ay ka foojignaato tallaabo kasta ama heshiis kasta oo xagal daacin kara dedaalka sharci ee ay Soomaaliya ugu jirto in ay illaashato sugnaanshaha xuduudaha iyo khayraadka dalka. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaduba in ay si joogto ah uga warbixiyaan dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee ay qaybta ka ka yihiin si la mid ah sida dhigooda Kenya iyo Ethiopia ay xogta u la wadaagaan dadweynahooda. “Xisbigu wuxuu aaminsan yahay in wargelinta dadweynuhu wax weyn ka tari karto yareynta iyo saarista shakiga laga qabo in Soomaaliya wax ku weydo dedaalada siyaasadeed ee socda iyo sida loo maareyay gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay” ayaa lagu yiri qoraalka.