Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somali government has fired the director in the Ministry of Foreign Affairs Abdulahi Dool, for calling for diplomatic ties with Israel. Mr Dool had tweeted “I support the diplomatic ties between Israel and Somalia. It is long overdue. Establishing diplomatic relations does not harm anyone but promote peace and corporation”. But the tweet was soon pulled down, with Mr Dool twitting after “views reflected are my own”. Recently, the government recalled it’s ambassador to the UN Human Rights Council after she abstained to vote on a resolution condemning the Israeli occupation of Golan Heights. Ambassador Faduna Abdullahi Mohamed was summoned to Mogadishu by the Foreign Affairs Ministry. Somalia was among 5 countries that abstained from voting which came one day after US President Donald Trump said the United States would recognize Israeli sovereignty on the Golan. Israel annexed the Golan in 1981 after capturing it from Syria in 1967. Trump’s comments make the US the first country to recognize that annexation. Source: Dalsan Radio
  2. Muqdisho (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres oo magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia uga qeyb galayay meertada 30-aad ee shir madaxeedka ururka Jaamacadda Carabta ayaa bogaadiyay horumarada ka soconaya gudaha Soomaaliya. Mr Guterres oo Khudbad dheer ka jeediyay shirka ayaa ugu horeyn ku dheeraaday ka hadalka muhiimadda ay leedahay iskaashi dhexmara Qaramada Midoobay iyo dalalka ku mideysan ururka Jaamacadda Carabta. Sidoo kale, waxa uu xusay in Qaramada Midoobay ay marqaati cad ka tahay sida dalalka Carbeed ay magangalyo u siiyaan qaxootiga ka yimaada dalalka dariska. Antonio Guterres ayaa inta uu ku guda jiray khudbadiisa soo hadal qaaday xaaladda Soomaliya, waxaana uu amaan u jeediyay dedaalada ay wado dowladda ee ku aadan horumarinta qaranka. “Waa muhiim in la taageero dedaalada horumarka dhaqaalaha ee Soomaaliya, sidoo waxaa lama huraan ah maal galin lagu sameysto gudaha Soomaaliya, si ay uga soo kabato burburka dhaqaale ee soo gaaray,” ayuu yiri. Hadalka Guterres ayaa ku soo beegmaya xili la filayo in uu xoghayaha guud ee Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa oo soo magacaabo wakiilka UN-ka ee bedali lahaa Nicolas Heysom, kaasi oo dalka laga eryay. View the full article
  3. (SLT-Dararweyne)-Ciidamada Somaliland ayaa qabtay nin laga shakiyay kaas oo galay goobta lagu Tababaraayo dhalinyarada loo Carbinaayo barnaamijka shaqo Qaran ee deegaanka Dararweyne ku sugan. Ninka ayaa gashaday Dirayska ciidamada oo ay ku xardhan tahay derajada Kabtan. Waxa uu watay gaadhi mark 110 ah, waxana Salaan siiyay ciidamada iyo dhalinyarada goobta ku sugnaa. Qaar ka mid ah ciidamada ayaa ka shakiyay ninkan waxana la waydiiyay qaybta uu ka tirsan yahay isagoo sheegtay ciidamada madaxtooyada balse waxa uu garan waayay su’aalo laga waydiiyay. Aakhirkii waxa la ogaaday in uu Derajada iyo Dirayskaba nin ka soo xaday, xabsiga ayaana loo taxaabay. Weli lama sheegin ujeedka ninkan, baadhitaan ayaana socda. Source
  4. Boosaaso (SMN) – Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaliya Donald Yamamoto ayaa kulan la qaatay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni. Kulanka labada masuul ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxayna labada dhinac kawada hadleen amaanka,dhaqaalaha iyo arrimaha bin’aadanimada. Sidoo kale kulanka madaxweyne Deni uu la qaatay danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland. Inta uu kulanka socday danjire Yamamoto iyo madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni ayaa isla soo qaaday taageerada xukuumadda Washington ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan Puntland. Si kastaba ha’ahaatee, kulanka ayaa looga hadlay horumarinta amaanka deegaanada maamulka Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo inta badan ay ka dhacaan falal amni darro. Safarka uu danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ku tagay magaalada Boosaaso ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee nuuciisa uu ku bixiyo deegaanada maamulka Puntland tan iyo markii safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay ka shaqa bilawday gudaha wadanka. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-31032019.mp3 View the full article
  6. (SLT-Hargeysa)-Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Technology-da Somaliland ayaa uga digtay shirkadaha ,Hay’addaha iyo shakhsiyaadka aan fasax u haysan ee Isticmaala Raadiyaha gacanta (walk talk), Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Somaliland mudane C/laahi Abokor Cismaan ayaa xadhiga ka jaray xafiis ay wasaaraddu ku yeelanayso magaalada Boorama. Xadhig ka jarka ka dib waxa uu wasiirku kulan la yeehsy shaqaalaha wasaarada ee magaalad Boorama, halkaasi oo uu warbixin kaga dhageystay isuduwaha wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka ee gobolka Awdal Kulmiye Cabdi, Guddoomiyaha gobolka Awdal C/raxmaan Axmed Cali iyo maayirka magaalda Boorama Saleebaan Xasan Xaddi. isuduwaha wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka ee gobolka Awdal Kulmiye Cabdi oo kulankaasi ka hadlay ayaa ka warramay muhiimada uu xafiiskani u leeyahay qaranka, wuxuuna sheegay in xafiiskani bixin doono liisamada gaadiidka ee gobolka. Dhankoodana, Guddoomiyaha gobolka Awdal C/raxmaan Axmed Cali iyo maayirka magaalda Boorama Saleebaan Xasan Xaddi oo halkaasi ka hadlay ayaa uga mahadceliyey wasiirka hirgelinta xafiiskan, waxayna tilmaameen in uu wax weyn ka tari doono baahiyaha bulshada magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal. Gabagabadii waxa uu wasiirku masuuliyiinta wasaaradda ee gobolka ku wareejiyey gaadhi Seeraf ah oo qayb ka qaadan doona horumarinta hawlaha xafiiska. Source
  8. Waxaa Mudooyinkii U Danbeeyay iyo bilowga xukuumada socod baradka ah ee madaxwayne Muuse Biixi Cabdi dhaqdhaqaaqooda aad loo dareemayay hanti dhawrka guud ee qaranka oo mudo dheer ahayd haayad fadhiid ah balse waqtigan xaadirka ah baadhitaano badan ka fuliyay qaar ka mid ah Wasaaradaha dalka iyo Xafiisyada dawladaha hoose qaarkood. Wallow ay bulshada reer Somaliland ku diirsadeen baadhitaanada lagula dagaalamayo musuq maasuqa iyadoo dhawaan eedo musuq maasuq loo xidhxidhay masuuliyiin ka tirsan xukuumada, walow talaabadaasi qaabkii loo maamulay ay kasoo baxeen aragtiyo kala duwan oo dareeno kala duwan ka bixinayaan shacabka reer Somaliland talaabada ay qaaday xukuumadu oo iyadu leh fulinta eedaha uu soo jeediyo hanti dhawrku! Iyadoo arimuhu sidaasi yihiin waxaa tamid in la xidho laba masuul oo ka mid ah wasaarada warfaafinta oo kala ah agaasimihii guud ee dhawaan iscasilay iyo agaasimaha maamulka iyo lacagta, balse markiiba lasiidaayay agaasimihii guud halka agaasimihii maamulka uu kusii xidhnaa xabsiga mudo todobaad ah, Xadhiga uu ku kaliyaystay agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta ayaa keenay iswaydiimo faro badan oo dareeno culus ku kula abuuray shacabka reer somaliland gudo iyo dibadba, Ujeedadii uu u socoday hanti dhawrka guud ee qaranku maxaa badalay! Saamayn inteeg leeg ayay ku leedahay xukuumadu oo iyadu ah fulinta hawlaha qaranku? Waxyaabaha bulshada reer Somaliland ka yaabiyay waxaa kamida ah markii xadhigii iyo baadhitaanadii kusoo ururinteen agaasimaha maamulka oo isagu aan ahayn masuul uu magacaabo madaxwaynuhu balse wixii talaabo ee uu qaado uu ku fulayo amarka wasiirka wasaarada iyo agaasimaha guud. Marka aynu eegno ficilka iyo tacadiga lagula kacay Agaasimaha maamulka iyo lacagta wasaarada warfaafinta waxay ina tusaysaa in la majaro habaabiyay hawlihi hantidhawrka taasina waxay shacabka reer Somaliland u cadaynaysaa in xukuumada xisbiga kulmiye haday tahay xukuumadii siilaanyo iyo tan madaxwayne Biixi ay marwalba taargad ka dhigteen Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta oo isagu xilka kala mid ah dhamaan Agaasimayaasha maamulka iyo lacagta ee wasaaradaha iyo haayadaha dawlada oo mudo dheer iyagu xilalkaa haya. Hadii aan udhaadhaco ujeedada maqaalkaygan waxaan leeyahay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxaad dhawr jeer hadalkaaga kusoo dartay in dalku kala qaybsan yahay oo saamayn ay ku yeelatay doorashadii madaxtooyadu ee adiga aad kusoo baxday tartankeedii Mudane madaxwayne agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafintu wuxuu kasoo jeedaa gobolka Awdal gaar ahaan deegaanka degmada Dilla oo iyadu lahayd musharax madaxwayne kuxigeen ee xisbiga Wadani oo ah xisbigii aad doorashada kaga guulaysatay, hadaba ficilka ku kooban agaasime Xasan miyaan la odhan Karin wuxuu daba socdaa ka aar goosashada beelihii aan kuu codayn, ama waxaad haysaa jidkii Kulmiye ku caanka ahaa! Mudane madaxwayne waxaan kugula talin lahaa anigoo hadalkaagii la xidhiidhay kala qaybsanaanta bulshada iyo xanaftii ay reebtay doorashadu raacaya , ficilada socda wakhtigan iyo xadhiga ku gaarka ah Agaasimaha waaxeedka waxaan ku odhan lahaa hasii kala fogayn Somaliland iyo gobolka Awdal kana fiirso ficilka iyo falalka kasoo fulaya xukuumada oo muuuqda kuwo sii kala fogaynaya Somaliland iyo gobolka Awdal Mudane madaxwayne gobolka Gabiley ee aad kasoo jeedo waxaan ku odhan lahaa dhaxal uga tag oo hadii aad wax kale uqaban waydo ka shaqee wixii iyaga iyo reer Awdal isku soo dhawaynaya iyadoo lawada og yahay utuntii uu kala dhex dhigay kulmiye Gabiley iyo Dilla in aad dawayso ogowna waxkasta oo aad gasho in reer Gabileyna kula leeyihiin maadama ay tahay gobolkii sida wayn lagaaga doortay, Gabileyna hadii ay shalay ka aamustay dhacdooyinkii la ogaa ee kulmiye u horseeday maanta waxaan filayaa in aanay noqonayn daawade ficilada xukuumadaha kulmiye ku beegsanayaan agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta iyo caadaysiga falalka aan soomaliland danta u ahayn ee kulmiye ku sii kala fogaynayo inan iyo abtigii waxaana lagaaga fadhiyaa cadaalad iyo sinaan aad kumaamusho Somaliland balse aan ahayn kala qaadasho kursi iyo kala fogaynta shacabka reer Somaliland, ee walaalaha siiba gabiley iyo boorama. QALINKII; FARXAAN MAXAMED BARKHAD HARGAYSA SOMALILAND Source
  9. Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan kula qaatay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo. Kulanka uu Madaxweynaha Puntland la qaatay safiirka maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Cabdisemed Maxamed Galan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa ka warbixiyey kulanka. “Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31 Maarso 2019 booqasho ku yimid Boosaaso safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Ambassador Yamamoto isaga oo la kulmay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda”. “kulankaas oo looga wada-hadlay arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bani aadan-tinimada, waxaa si qoto dheer looga wada-hadlay loogana falanqooday taageerada dalka maraykanku siiyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee la xiriira taageerada dhanka amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka, shirkaas waxaa uu ku soo dhamaaday is afgarad iyo jawi wanaagsan.
  10. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa Madaxweynaha Somaliya Farmaajo ugu baaqay inuu ka fiirsado oo uu ka feejignaado “hadallada qaranimada Somaliland lidiga ku ah ee uu ku hadlo.” Wasiir Faratoon ayaa wax gaf ah ku tilmaamay ereyga uu madaxweyne Farmaajo mar walba u adeegsado inuu dawladnimada Somaliland ku sheego ee ah “maamul.” “Farmaajo khalad bay ku ahayd inuu dawladnimada Somaliland maamul ku sheego, Somaliland waa qaran leh, Madaxweyne la doortay, oo waliba Shacabka reer Somaliland si xor iyo xalaal ah u doorteen, waxaana dalkan ka Madaxweyne ah Muddane Muuse Biixi Cabdi, oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland” ayuu yiri Faratoon. Waxa uu intaas ku daray “Farmaajo cid gaar ahi ayaa doortay oo lama mid ahn Muuse, ee hore waxaa loo yidhi tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara, ee Farmaajo intii Somaliland ku soo meeraysanayo waa inuu wax ka qabtaa halka uu maamulo, Somaliland dhabihii horumarka, guusha iyo ictiraafka ayey haysaa, ee midnimo dambe oo Somaliya la midawdo sinaba suurtagal ku noqon mayso, ee Farmaajo waa inuu ka fiirsada hadalada ka soo yeedhaya.” Hadalladan cusub ee Faratoon ugu jawaabay Farmaajo ayaa sii kala fogeyn kara labada dhinac, xilli la isku dayayo inay wada-hadallo kale isugu yimaadaan, kuwaas oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  11. Mudanayaasha golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadda sagaal-biloodka ee sannadkan 2019 ay ku shaqeyn doonto xukuumadda Puntland Fadhiga Baarlamanka oo ay soo xaadireen 40 mudane ayaa 38 kamid ah ogolaatay miisaaniyadda oo dhan $54,000,450 (konton iyo afar malyan taasoo uu todobaadkii hore soo gudbiyay wasiirka Maaliyadda. Hal xildhibaan ayaa diiday mid kalena waa ka aamusay waxaana guddoomiyaha Baarlamanka Cabdixakiin Dhoobo uu ku dhawaaqay in ay ansax tahay miisaaniyadda. Halkan ka daawo sida ay u dhacday ansixinta PUNTLAND POST The post Full: Sidee u dhacday ansixinta miisaaniyadda Puntland? appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan kula qaatay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafti balaadhan [...] Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Daah furay mashruuca waddooyinka xaafadaha (dhagaxa inter log) oo laga hirgelinayo 17 Degmo ee Gobolka Banaadir. Daah furka mashruucan ayaa ka bilowday Degmada Xamar-Jajab, gaar ahaan waaxda Gaheyr, iyadoo ujeedku yahay in guud ahaan xaafadaha Caasimadda laga hirgeliyo si kor loogu qaado nadaafadda iyo bilicda Caasimadda. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in tallabadani ay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Maamulka Gobalka Banaadir uu ugu talagalay in 17-ka Degmo looga hirgeliyo dhismaha waddooyinka Xaafadaha, isla-markaana Xamarjabjab ay maanta nasiib u yeelatay in lagu bilaabo barnaamijkaan. Eng. Yarisow ayaa ku booriyay dadweynaha Caasimadda in ay u istaagaan dib u dhiska dalkooda, si loo soo celiyo bilicdii ay Caasimaddu caanka ku ahayd, isagoo uga mahadceliyey Dawladdaha iyo Hay’adaha gacanta ka geysanaya hirgelinta mashruucan. Sidoo kale, munaasabadda dhagax-dhigga waddada waxaa hadallo ka jeediyay Guddomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobalka, Xaghayaha Guud ee Maamulka iyo Guddoomiyaha Degmada X/Jajab, iyagoo xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dhismaha waddadaan bulshada ku nool Dagmada Xamar-jabjab.
  14. Safiirka iyo madaxweynaha Safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa maanta booqday, magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Kulanka labada mas’uul oo warbaahintu dibadda ka joogtay, ayaa looga hadlay taageerada Maraynkanku siiyo Soomaaliya, gaar ahaanna Puntland ee dhinacyada, amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo arrimaha banii’aadanimada. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxman Dhabancad oo kulankaasi ka warbixiyay ayaa sheegay in qodobadii laga hadlay la isku afgartay,islamarkaana kulanka ku soo dhammaaday jawi wanaagsan. Booqashada safiirka Maraykanku ku tegay magaalada Boosaaso oo aan la sii shaacin ayaa qaadatay saacado kooban waxaana markiiba uu dib ugu noqday magaalada Muqdisho. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Safiirka Maraykanka oo booqday magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  15. Jowhar (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlayay xaaladaha amni ee deegaanada maamulkaasi ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in laga taageero sugida nabad galyada gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe. Maxamed Cabdi Waare ayaa tibaaxay in ay isku xiran yihiin amniga Shabeelooyinka iyo Banaadir, sidaa daraateedna loo baahan yahay in loo istaago hab mideysan oo la’isaga kaashan karo sugida amniga guud ee gobolladaasi. Sidoo kale waxa intaasi ku daray in marar badan DFS uu kala hadlay qorshe la xariira sida wax looga qaban karo ammaanka, islamarkaana uu rajo ka qabo in la fuliyo. Hadalka ka soo yeeray madaxweynaha HirShabelle ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe falal ammaan dari ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah deegaanada dowlad goboleedyada dalka. View the full article
  16. Ayaanle Faarax Cali Shire Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa magacaabay agaasimaha qaybta maamulka ee xafiiska madaxweyne ku xigeenka. Mudane Karaash ayaa madaxa qaybta maamulka ee xafiiskiisa u magacaabay, sarkaal lagu magacaabo, Ayaanle Faarax Cali Shire, sida ku cad dikreeto galabta ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka. Ayaanle ayaa hore uga tirsanaa bahda waxbarashada degaannada Puntland waxaana uu macallin ka soo noqday qaar kamid ah jaamacadaha gaarka loo leeyahay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo magacaabay agaasime cusub appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay suurta-galnimada xiriir dhex-mara Soomaaliya iyo Israel, kadib shaqo ka eryid lagu sameeyay agaasimihii xafiiska Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo Cabdullahi Axmed Dool. Shaqo ka eryidda Cabdullahi ayaa ka dhalatay markii qoraal uu ku qoray bartiisa Twitter-ka uu ku taliyay in xiriir diblomaasiyadeed ay yeeshaan Soomaaliya iyo Israel. Cabdullahi oo barta Twitter-ka kala kulmay eedeyn badan ayaa sheegay in Falastiiniyiinta ay iyaga cadow isku yihiin,waxaana uu tusaale u soo qaatay go’doonka GAZA ee ay Xamaas Maamusho. Intaas kaddib ayey soo baxday in Cabdullahi Axmed Dool laga eryay shaqadii agaasimaha xafiiska Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Agaasimaha Xiriirka ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Axmed Maxamed ayaa isaguna bartiisa Twitter-ka ku sheegay in qof Soomaali ah oo ku talinaya in xiriir lala yeesho Israel uusan u shaqeyn Karin Dowladda Soomaaliya. Cabdinuur ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Israel aysan marnaba xiriir yeelan karin inta Israel ay haysato dhul muslimiin iyo inta ay xasuuqeyso shacabka Falastiin #Israel inta ay dhul dad #Muslimiin ah iyo magaalo barakeysan xoog ku haysato iyo inta ay xabsiga dusha ka furan ku hayso reer #Falastiin wax xiriir ah nama dhex mari karo, qof walba oo fikirkaas qabana kama shaqeyn karo, umana shaqeyn karo Dowladda Federaalka Soomaaliya. https://t.co/0NzdgcMseE — Abdinur (@AbdinurMA) March 31, 2019
  18. The Mayor of Mogadishu who also doubles up as the Governor of Banadir region, Engineer Abdulrahman Omar Osman has declared a new security strategy to curb the increasing al-Shabaab attacks in the Somali capital. “There are ongoing efforts by the leadership in the country to improve the security situation in the country,” Engineer Yarisow said, adding “to achieve that the security agencies with support from the members of the public are involved in an operation.” Speaking during a press briefing in his office on Saturday evening, the mayor called upon the residents of Mogadishu to bear the challenges of roads closure during the security operations pledging to provide public transport. Abdulrahman Yarisow who did not disclose the timeline of the operation promised to share the developments with the members of the public via the media. The new security measures in Somali capital by the government follows after major reshuffle was made at the Somali National Army chain of command. Similar changes were made to Somali police force last week. All the above changes which scheduled to bring new security tactic in the country comes after simultaneous al-Shabaab explosive attacks rocked Mogadishu in the past week. More than 18 people were killed and scores others wounded when a car laden with explosives parked in front of a busy restaurant along Maka Al-Mukarama road went off on Thursday last week. View the full article
  19. Gudoomiyaha beeralayda Puntland Cabdi Casiis Garaad oo waraysi gaar ah siiyay Warsidaha Puntlandi.com ayaa ka warbixiyay mashruuca horumarinta Timirta ka baxda beeraha Puntland oo uu [...] Source
  20. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdilaahi Deni oo safar shaqo ku jooga magaalada Bosaaso ayaa waxa uu lakulmay qaar kamid ah Isimada dhaqanka ee Puntland. Madaxweynaha [...] Source
  21. Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Daah furay mashruuca waddooyinka xaafadaha (dhagaxa inter log) oo laga hirgelinayo 17 Degmo ee Gobolka Banaadir. Daah furka mashruucan ayaa ka bilowday Degmada Xamar-JaJab, gaar ahaan waaxda Gaheyr, iyadoo ujeedku yahay in guud ahaan xaafadaha Caasimadda laga hirgeliyo si kor loogu qaado nadaafadda iyo bilicda Caasimadda. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in tallabadani ay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Maamulka Gobalka Banaadir uu ugu talagalay in 17-ka Degmo looga hirgeliyo dhismaha waddooyinka Xaafadaha, isla-markaana Xamarjabjab ay maanta nasiib u yeelatay in lagu bilaabo barnaamijkaan. Eng. Yarisow ayaa ku booriyay dadweynaha Caasimadda in ay u istaagaan dib u dhiska dalkooda, si loo soo celiyo bilicdii ay Caasimaddu caanka ku ahayd, isagoo uga mahadceliyey Dawladdaha iyo Hay’adaha gacanta ka geysanaya hirgelinta mashruucan. Sidoo kale, munaasabadda dhagax-dhigga waddada waxaa hadallo ka jeediyay Guddomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobalka, Xaghayaha Guud ee Maamulka iyo Guddoomiyaha Degmada X/Jajab, iyagoo xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dhismaha waddadaan bulshada ku nool Dagmada Xamar-jabjab. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  22. Tokyo (SMN) – Dowladda Japan ayaa shaaca ka qaaday in ay wax badan ka qabatay Waxbarashada caruurta ay waxyeelada ka soo gaartay abaarihii iyo fatahaadihii ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya. Sarkaal ka tirsan waaxda gargaarka dibadda ee Japan ayaa sheegay in Lacag badan ay ku bixiyeen Waxbarashada caruur lagu qiyaasay 8,500 oo ay saameeyeen musiibooyiinkaasi, kuwaas oo aaday Dugsiyada Waxbarasho. Sidoo kale sarkaalka ayaa intaasi in ay wax ka qabteen helitaanka biyo nadiif ah iyo fayadhowrka, iyagoo kaashanaya sanduuqa badbaada caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF. Japan ayaa xustay mashaariicda ay ku fuliyeen Soomaaliya labadii sano ee la soo dhaafay in ay ka faa’iideysteen kumanaan caruur oo badankood ku nool koofurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ka mid meelaha ay ka dhaceen musiibooyinka bani’aadanimo. Safiirka Japan ee Soomaaliya ayaa xusay in labadii sanno ee la soo dhaafay ay Soomaaliya ku bixiyeen 3 milyan dollar oo wax loogu qabtay badbaadada caruurta ay waxyeelada ka soo gaartay abaarihii ku dhuftay dalka. Ugu dambeyn Japan ayaa sheegtay in sii wadi doonto taageerada dhinaca gargaarka ee ay siiso Soomaaliya oo ka mid ah dallalka ay la dageen colaaha iyo musiibooyinka kale. View the full article
  23. Burco:(SL-T) Daawo:Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Burco Oo Ka Hadlay Siday U Arkaan Isku-shaandhaynta Uu Madaxwayne Muuse Biixi Xukuumadiisa Ku Sameyay. https://www.youtube.com/watch?v=-zykgFhKptE Source