-
Content Count
215,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT- Minneapolis)-Maamulka magaalada Minneapolis ayaa la sheegay inay qoyskaasi siin doonaan lacag magdhow ah oo dhan 20-million oo Dollar, waxayna tallabadani oo baxday 3 maalmood kadib, markii askari Soomaali Maraykan lagu magacaabo Maxamed Nuur ay Maxkamadi ku heshay Talaadadii la soo dhaafay dilka haweeneydaasi oo la oran jirey Justine Damond. Bixinta magdhowgaasi ayaa lala gaaray qoyska Haweeneydii la dilay oo iyadu haysatay dhalashadda Maraykanka iyo tan dalka Australia. Waxaa la rumeysan yahay inuu Maxamed Nuur yahay Askarigii ugu horreeyey ee ka tirsan Boliska Gobalka Minnesta ee lagu helo fal dil, xilli uu gudanayey waajibaadkiisa shaqo. Toogashadda haweeneydaasi ayaa la sheegay inuu dhacay bishii July 15-dii ee sannadkii 2017-kii, xilli ay iyada u yeeratay Boliska si ay ugu soo gurmadaan cabsi la soo gudboonaatay. Hore qoyskeeda waxay u codsadeen lacag magdhow oo dhan 50 million oo Dollar oo ah xadgudubkii iyada lagu dilay, balse waxaa haatan la isku raacay in Qoyskaasi la siiyo lacag dhna 20-million oo Dollar. Source
-
Laascaano (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka ee maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigtay masuul ka tirsan maamulka Puntland, kaasi oo ku sugnaa magaalada Laascaano ee gobolka Sool. Guddoomiyihii Puntland ee gobolka Sool ayaa lagu qabtay magaalada Laascaano ee gobolka Sool, waxaana xabsiga la dhigay isaga iyo xubno kale oo ku sugnaa magaalada Laascaano. Abukar Cabdi Geelle oo xilligii Madaxweyne Cabdiwali Gaas soo noqday Gudoomiyaha gobolka Sool ee Puntland, ayaa ciidamada Somaliland ay xabsiga dhigeen, waxaana lagu eedeeyay arimo dhowr ah. Mas’uuliyiinta gobolka Sool ee Somaliland ayaa ku eedeeyay Abuukar in uu magaalada Laascaanood ka waday ol’ole ka dhan ah Somaliland oo lagu taageerayo xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Maamulka gobolka Sool ee Somaliland waxa ay sheegeen in dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono Abuukar, islamarkaana ay soo bandhigi doonaan Cadaymo ay ku hayaan oo ku aadan qalqalgalinta Amniga Magaalada. ABuukar ayaa sanadkii 2018 iska casilay xilka guddoomiyaha gobolka Sool, waxaana kadib uu ku laabtay magaalada Laascaano ee gobolka Sool. Ma jiro wax war ah oo kasoo dhanka maamulka Puntland, oo ku aadan masuulkaasi lagu xiray magaalada Laascaano. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
-
(SLT-Ankara)-Hay’addaha ammaanka ee dalka Turkiga waxay sheegeen inay Hawlgal ku soo qabteen iugu yaraan 550 Muhaajiriin ku sugnaa Gobalka Edrine ee Waqooyi galbeed ee dalkaasi. Sida laga soo xigtay Ilo dhanka ammaanka ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Jendermariiga iyo kuwa ilaaladda Xuduudaha waxay qaadeen Hawlgal ay ka fuliyeen Degmooyinka Ipsala, Merik, Kesan Iyo Uzunkobru oo ka tirsan Gobalka Edrine. Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolui ayaa sheegtay in Muhaajiriinta lagu soo xiray Hawlgalladaasi ayaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Morooko, Syria, Iraq, Iran, Pakistan, Afganistan iyo Bangaladesh. Muhaajiriintaasi la xiray ayaa la sheegay in la qabtay, xilli ay doonayeen inay tahriib ahaan ugu sii gudbaan dalalka Europe. Ilaa 268,000 ooTahriibayaal ah ayaa lagu qabtay Turkiga Tan iyo sannadkii 2018-kii, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga. Source
-
(SLT-Siti)-Wararka ka imaanaya Gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in 11 qof oo shacab ah la dilay, halka tiro kalena la dhaawacay, kaddib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen dadkaas. Wasiirka Warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdillaahi Maxamed Mowliid ayaa sheegay in dilkan ay geysteen dhalinyaro hubeysan oo ka soo jeeda Qowmiyadda Cafarta oo ka mid ah dadka degan Gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida. Falkan ayaa salka ku ku haya dhul la isku heysto oo muddooyinkii u dambeeyay soo jiitamayay, waxaana Wasiirku sheegay in si sharci ah loogu kala bixi doono dhulkaas cidii yeelata lagu wareejin doono. Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiirka in wax laga qaban doono arrimahan oo ku soo noq-noqday deegaanka, isla markaana xiisadaha la xidhiidha dhulalka la isku heysto laga gaari doono xal. Sanadihii u dambeeyay ayaa waxaa jiray xiisado u dhaxeeyay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaana xiisadahaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaadhay Source
-
(SLT-Pyongyang)-Dawladda Kuuriyadda Koonfureed ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in Kuuriyada Woqooyi ay tijaabisay tiro gantaalada nooca riddada gaaban ah. Arrintan ayaa u muuqata talaabadii u dambeysay ee Kuuriyada Woqooyi ay qaaddo ka dib markii uu burburay wadahadalkii nuclearka ee Maraykanka iyo iyada u dhexeeyey. Madaxa shaqaalaha ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in K. Woqooyi ay tuurtay gantaalo xiriir ah oo ay ka soo gantay magaalada bariga dalkaas ku taalla ee Wonsan, in yar ka dib 9 aroornimo ee xiliga dalkaas. Faahfaahin kale oo dheeraad ah lagama bixin gantaalada, hase yeeshee, gantaalada riddada dhawi xadgudub kuma aha cunaqabateynadii caalamiga ah ee saarnaa barnaamijka gantaalada ee Kuuriyada Woqooyi. Dawladda Kuuriyada Wqooyi ayaanan ka hadlin tijaabadan. Source
-
Magaalada Garoowe ee caasimadda u ah dowlad goboleedka Puntland ayaa la filayaa in uu ka biowdo shirka wadatashiga dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah. Shirkan uu todobaadkii hore ku baaqey madaxweynaha Puntland Saciid waxaa ajiibey dhammaan qeybaha ay khuseyso. Waxaana Garoowe horay u gaarey ra’isul wasaaraha dowladda federaalka ah Xasan Cali Kheyre, madaxda maamullada Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle. Waxaa la filayaa iney maanta gaaraan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf. Ajendaha shirka waxaa ka mid ah in la dejiyo Roadmap la xiriira 2020 sida: Arrimaha dastuurka, Axsaabta, doorashooyinka dhacaya qaabta , goorta iyo goobta, waxaa kale oo ku jira in laga heshiiyo arrimaha siyaasadda, amniga iyo qeybsiga kheyraadka. Ilo shirka ku sugan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in su’aalo badan la iska weydiin-doono sida loo helayo hab loo dhan yahay, oo dalka lagu hoggaamiyo sanadka iyo barka ka haray waqtiga hey’adaha federaalka ah. Arrimaha Shirka….B-Y, Kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan hore Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo kamid ahaa xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya haatana ah siyaasi Soomaaliyeed ayaa ka hadlay shirka maanta ka furmaya magaalada Garoowe. Cabdi Barre ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid dowlada Soomaaliya ay ku dooneeyso in ay waqti kordhin ku sameeysato. Dowlada Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay ku fashilantay in ay heshiis wada shaqeeyneed la yelatayd maamul Goboleedyada dalka ka jira. Siyaasiga Cabdi Barre Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in shirar hore oo sidaan oo kale ah u dhacay aanay ka soo bixin wax rajo ah isaga oo sheegay in kana uu la midyahay kuwii hore oo dhacay. Beesha caalamka ayaa ku cadaadineeso dowlada Soomaaliya in siyaasad ku dhisan isfahan ay la yeelato madaxda maamul goboleedyada. Maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland waxaa ka furmaya shir u dhaxeeya dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada. Hoos ka Dhageeyso Codka Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Cabdi Barre ” umaleeyn maayo in shirka Garoowe ay natiijo ka soo baxeeyso” appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku wajahan magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shir u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada oo maanta ka furmaya magaaladaasi. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo ka qeyb galaya shirkani ayaa haatan ku sugan magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal. Arrimaha laga wada hadlayo waxaa ka mid ah khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada dalka, amniga, doorashooyinka iyo qodobo kale. Shirka waxaa marti galinaya Madaxweynaha Puntland Madane Siciid Cabdulahi Deni, kaas oo xalay kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. View the full article
-
Garowe (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garowe ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee maamulkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu hordhac u ahaa shirka maanta ka furmaya Garowe . Labad mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo la xariira shirkaasi iyo mad madowga siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la kulmay Islaan Ciise islaan Maxamed, kadib markii xalay uu ku booqday hoygiisa. Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo shirka, kaas oo ay marti galineyso Puntland. View the full article
-
Maxaas (SMN) – Ugu yaraan 6 ruux ayaa Geeriyootay oo afar ka mid ah ay Caruur ahaayeen, kadib markii rasaas la huwiyay Gaari nuuca raaxada oo marayay deegaan lagu magacaabo Kabteedan oo u dhow degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay shaqaaqadaasi tiro intaasi ka badan, sida xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Gaarigan ayaa waxaa saarnaa illaa saddex Qoys oo Ehel ah, kuwaas oo u safrayay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Kooxihii geystay falkan oo illaa hadda aan la aqoon ayaa markii dambana gubay Gaarigii ay la socdeen dadkaasi. Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Hiiraan, balse maalmihii dambe waxaa gobolkani ka taagnaa xiisad u dhexeysa Beelo wada daga halkaasi. View the full article
-
Boosaaso (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay lagu weeraray Guri uu ka dagan yahay magaalada Boosaaso Sarkaal ka tirsan Ciidamada maamulka Puntland oo magaciisa lagu soo gaabiyay Qadaafe. Sarkaalkan ayaa waxaa la sheegay in Puntland uu u qaabilsan yahay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Buuraleyda gobolka Bari. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyay in wax khasaare nafeed ah uusan ka dhalan qaraxaasi, marka laga reebo burbur soo gaaray dhismaha Guriga Sarkaalka. Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay weerarkaasi. Baaritaanadan oo soo gaaray illaa saakay ayaa waxa aan weli jirin wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga ee dowlada goboleedka Puntland. Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid dagan, iyadoona Ciidamada ammaanku ay ku jireen feejignaan dheeri ah. View the full article
-
Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-cusmaan ayaa 16-kii bishii april sheegay in lasoo gabagabeeyay kiis kufsi ku saabsan oo lagu wareejiyay. Waxa uu sheegay in ay baaris dheer ku sameeyeen kiiska kufsi iyo dil Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaan Aadan oo ahayd gabar 12-jir. Xeer ilaaliyaha guud ayaa intaa ku daray in macluumaadkooda ay ku wareejin doonaan Hay’adda Dambi baarista Puntland, si ugu soo diyaariso galdacweed dhameystiran. Aw Cusmaan ayaa dalbaday in aan cadaaladda horgeynteeda lagala gamban dambiilayaasha ka dambeeya kiiskaan oo ah mid ugub ku ah dhulka Soomaalida. Maanta ayay wararku sheegayaan in la guda galayo maxkamadeynta ragga loo heysto kiiska kufsiga iyo dilkii xigay ee loo geystay Caaisho Ilyaas Aadan oo ahayd gabar 12-sano jir. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dano gaar ah oo siyaasadeed ay ka dambeeyaan kiisaska kufsiga ah oo kusoo beegmay kolkii uu xafiiska la wareegay. Guddi katirsan Puntland ayuu sheegay in uu u xilsaaray, si ay usoo ogaadaan sababta iyo shaqsiyaadka ku lugta leh, si cadaaladda loo horgeeyo. Qoyska Caaisho Ilyaas ayaa dhamaadkii bishii April ka barakacay Magaalada Gaalkacyo, sababo la xiriira hanjabaad ay sheegeen in ay kala kulmeen qoysaska dadka u xiran kiiskoo waxaa dhacayay dibadbaxyo looga soo horjeedo oo lagu dalbanayay in ay cadaaladda helaan qoysaska dadkooda la waxyeeleeyay. Puntland Post The post Dadkii ka dambeeyay Kufsi iyo dilkii Caaisha oo la maxkmadeeynayo appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in saacado kadib uu gaaro magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Waxaa magaalada kaga sii horeeyay ra’iisul wasaaraha dalka iyo wafdi ka socda madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasi oo magaalada Kulamo gaar gaar ah kula qaatay madaxda maamul goboleedyada. Amaanka magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka magaalada ilaa garoonka diyaaradaha magaalada Garowe, waxaana la sugayaa wafdiga madaxweynaha. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu ka furo magaalada Garowe shirka u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada oo tabashooyin badan qaba. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa shalay gaaray Garowe, waxaana xalay halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay Madaxda maamul goboleedyadda ee ku sugan Garowe, kulamadaasi oo looga hadlayay sidii shirkaan waxyaabaha kasoo baxa ay kaga duwanaan lahaayeen shirarkii hore. Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad cusub ka dhalatay sharci doorasho oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ee dowladda Federalka Soomaaliya, kaasi oo inta badan dowlad goboleedyada ay diideen qodobada qaar oo sharcigaasi ku jiro. La soco waxii kasoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Koox ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada ayaa qorsheyneysa inay ka hirgeliso dalkaas Madxaf lagu keydiyo taariikhda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edmonton. Qaban-qaabiyaasha iyo muwaaddiniinta asalkoodu yahay Soomaalida ee arrintaan isku xilqaamay ayaa rajeynaya in Madxafku uu gacan ka geysan doono in la baro dadka Soomaaliyeed ee jooga magaalada Edmonton dhaqankooda gaar ahaan dhallinyarada magaaladaas ku sugan ee aan waligood arkin Soomaaliya. Qaban-qaabiyaasha ayaa aaminsan in Madxafkaan oo ah kii ugu horreeyey oo Soomaali ka hirgeliso dalka Canada uu wax badan ka qaban-doono dhaqanka iyo dhaxalka dadka Soomaaliyeed. “Xaqiiqdu waxay tahay inaan ogoonno cidda aan nahay, Waxa aan haysan jirnnay iyo waxa innaga lumay,” Sidaana waxaa tiri agaasime Naciima Hayle.” Madxafku ma laha taariikh la furayo laakiin madaxa dhaqanka bulshada Jibril Ibrahim ayaa sheegay inay rajeynayaan qabashada daahfurka Madxafka xilliga xagaaga. Waxaa xaruntiisa laga dhigi doonaa dhismaha Bosco Foundation ee deegaanka Balwin halkaasoo bulshada Soomaaliyeed ay xarun ku leedahay. “Waxaan dooneynaa ineynaan u isticmaalin meeshaan oo kaliya dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Alberta laakiin sidoo kale waxaa jira carruur badan oo ku dhashay Alberta kuna barbaaray halkaan kuwaasoo aan waxba ka ogeyn taariikhda iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ibrahim. Haddii aadan aqoon meeshii aad ka timid ma taqaanid meesha aad u socoto.” Dadka Soomaaliyeed ee dalka Canada ku sugan waxay leeyihiin taariikh iyadoo badankood ay dalkaas ku yimaadeen qaxootinnimo kaddib dagaalladii sokeeye ee dalka ka qarxay 1991dii, tiro dad Soomaaliyeed ah ayaa Canada yimid sannadihii 1960 iyo 1970 iyagoo ah arday ay soo dirtay dowladdii Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland kulamo gaar gaar ah kula qaatay madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo ra’iisul wasaaraha dalka. Kulamadaasi ayaa looga hadlayay shirka maanta ka furmayo magaalada Garowe iyo ogaanshaha tabashooyinka ay qabaan madaxda maamul goboleedyada oo horey loogu soo gudbiyay dowladda Soomaaliya. Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in kulamo gaar ah ay dhexmareen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ra’iisul wasaare Kheyre, waxaana kulankaasi uu qaatay saacado badan. Kadib waxaa kulamo gaar ahaa yeeshay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle oo kusugan magaalada Garowe, waxaana maanta la filayaa inuu ku biiro madaxweynaha Galmudug. Shirka maanta ka furmayo magaalada Garowe ayaa la qorsheynayay inuu furmo Labadii Bishaan May, balse dib u dhac ayaa ku yimid, waxaana uu saacadaha soo socdo ka furmayaa magaalada Garowe. Ujeedada Shirarka gaar gaarka ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Garowe ayaa lagu sheegay in lagu gorfeeyay sidii loo dhaqan gelin lahaa waxyaabaha kasoo baxa shirka maanta dhacaya. Waxaa ra’iisul wasaaraha dalka loo gudbiyay in laga doonayo dhaqan gelinta shirka maanta iyo waxyaabaha kasoo baxa, maadaama dowladda Soomaaliya marar badan aysan dhaqan gelin waxyaabihii kasoo baxay shirarkii hore. La soco waxyaabaha kasoo kordha shirka maanta ka furmaya magaalada Garowe. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Qaraxa ayaa dhacay wakhti dambe oo ku beegan 1:00am ee xalay xilligaasi oo aan magaalada looga baran in qaraxyo ka dhacaan islamarkaana dadka badankoodu ay hurdeen. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miino nooca boodada loo yaqaan ah oo lagu aasay kadinka guriga taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee aagga Galgala G/sare Cabdiraxmaan Qadaafi. Taliyaha ayaa sida la xaqiijiyay ka badbaaday qaraxa lamana soo werin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxaasi balse gurigiisa ayaa burbur ka soo gaaray. Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee aagga Galgala iyo ku xigeenkiisa ayaa magaalada Boosaaso ka deggan laba guri oo isku-dheggan kuwaasi oo uu xalay saameeyay qaraxa. Laamaha amniga dowladda Puntland ee gobolka Bari ayaan dhankooda weli ka hadlin qaraxa ka dhacay magaalada Boosaaso. PUNTLAND POST The post Faahfaahin: Taliye ka tirsan Puntland oo ka badbaaday qarax gurigiisa lala eegtay appeared first on Puntland Post.
-
Somali journalists joined their colleagues across the globe in marking the World Press Freedom Day on Friday by calling on the country's lawmakers to approve the current media law to help guide their operations. Source: Hiiraan Online
-
Camlica Mosque, which has a combination of Ottoman and Seljuk architectural style, can accommodate 63,000 worshippers. Source: Hiiraan Online
-
jibouti's Ministry of National Education awarded the international school of Turkey's Maarif Foundation as best school of this education term. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka dalbaday in uu la shaqeeyo Dowladda uu hogaamiyo isagoo ka dalbaday in hal qodob oo kaliya uu hada ka baajiyo ama ka xaliyo. Caasimada Online ayaa ogaatay in Farmaajo uu Sheekh Shariif Sheekh uu ka dalbaday in uu ka baajiyo mooshin xilka looga qaadayo Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo si qarsoodi ah u diyaariyeen Xildhibaano ka badan 110 Xildhibaan oo mucaarad ah. Farmaajo ayaa Shariif u sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sameyn doonto Isbadalo dhanka Siyaasadda iyo amaanka ah maadaama uu waqti haayo, sidoo kalane ay wajahayso dhibaatooyin dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo dibadda ah, sidaas darteedna uu ka dalbanayo inuu Shariif uu hor istaag ku sameeyo mooshinka Kheyre ka dhanka ah oo ay abaabulayaan Xildhibaano Mucaarad ah. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in uu isku dayi doono baajinta Mooshinkaas inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, waxaana heer gabo gaba ah maraya kulamadii uu la qaatay Xildhibaanada Mooshinka wada. Shariif ayaa markaas kadib la kulmay Xildhibaano ka badan 60 Xildhibaan, kuwaas oo hormuud u ah Mooshinka waxaana la sheegayaa in ay isku afgarteen baajinta Mooshinkaasi. Xildhibaanadan ayaa qaarkood ku jira xisbiga Himilo Qaran ee Shariif. Xildhibaanada uu la kulmay Sheekh Shariif ayaa waxa uu u sheegay in waqtiga oo gaba-gaba ah iyo shaqooyin badan oo yaala in laga baaqsado Mooshinka ay wadaan oo ay xaq u leeyihiin balse aysan sabab u noqon eedeyn uga timaada shacabka Soomaaliyeed hadii ay ridaan Raysal Wasaaraha oo ay horyaalaan shaqooyin badan. Xildhibanadaan ayaa qaatay Talada Shariifka oo aheyd in Mooshinka laga baajiyo islamarkaana uusan waxba qaban karin Raysal Wasaare kale oo hada la keeno sidaas darteedna Xukuumadda la daayo. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadcliyay Shariif Sheekh Axmed dadaalkii uu sameeyay. Arintaan ayaa u muuqata in halkaasi uu ku dhamaaday Mooshinkii la damacsanaa in Xilka looga qaado Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, waxayna Dowladda fursad u siin doontaa sii wadashaqada shaqada hortaala. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa xalay qaraxyo lagu weeraray guryo ay magaalada Bosaaso ka degan yihiin labba sarkaal oo katirsan ciidamada Puntland, kana hawlgala buuraha gal-gala. qaraxyadan oo laga maqlay inta bgadan magaalada ayaan geysan wax khasaare nafeeda hase ahaate waxay burbur xoogan u geysteen guryihii lala beegsaday. Labadan qarax ayaa dhacay xili ay dadku hurdeen, waxayna kusoo aadayaan iyadoo Dawlada puntland waayadii u danbeeyey xooga saaraysay xaqiijinta amaanka magaalada Bosaaso, waxaana magaaladaas mudo billo ah ku sugan taliyaha ciidamada booliska Puntland General Muxiyadiin Axmed Aw-Musse. Puntland post The post Qaraxyo aan khasaara nafeed geysan oo ka dhacay Bosaaso appeared first on Puntland Post.
