Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ayaanle Faarax Cali Shire Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa magacaabay agaasimaha qaybta maamulka ee xafiiska madaxweyne ku xigeenka. Mudane Karaash ayaa madaxa qaybta maamulka ee xafiiskiisa u magacaabay, sarkaal lagu magacaabo, Ayaanle Faarax Cali Shire, sida ku cad dikreeto galabta ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka. Ayaanle ayaa hore uga tirsanaa bahda waxbarashada degaannada Puntland waxaana uu macallin ka soo noqday qaar kamid ah jaamacadaha gaarka loo leeyahay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo magacaabay agaasime cusub appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay suurta-galnimada xiriir dhex-mara Soomaaliya iyo Israel, kadib shaqo ka eryid lagu sameeyay agaasimihii xafiiska Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo Cabdullahi Axmed Dool. Shaqo ka eryidda Cabdullahi ayaa ka dhalatay markii qoraal uu ku qoray bartiisa Twitter-ka uu ku taliyay in xiriir diblomaasiyadeed ay yeeshaan Soomaaliya iyo Israel. Cabdullahi oo barta Twitter-ka kala kulmay eedeyn badan ayaa sheegay in Falastiiniyiinta ay iyaga cadow isku yihiin,waxaana uu tusaale u soo qaatay go’doonka GAZA ee ay Xamaas Maamusho. Intaas kaddib ayey soo baxday in Cabdullahi Axmed Dool laga eryay shaqadii agaasimaha xafiiska Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Agaasimaha Xiriirka ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Axmed Maxamed ayaa isaguna bartiisa Twitter-ka ku sheegay in qof Soomaali ah oo ku talinaya in xiriir lala yeesho Israel uusan u shaqeyn Karin Dowladda Soomaaliya. Cabdinuur ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Israel aysan marnaba xiriir yeelan karin inta Israel ay haysato dhul muslimiin iyo inta ay xasuuqeyso shacabka Falastiin #Israel inta ay dhul dad #Muslimiin ah iyo magaalo barakeysan xoog ku haysato iyo inta ay xabsiga dusha ka furan ku hayso reer #Falastiin wax xiriir ah nama dhex mari karo, qof walba oo fikirkaas qabana kama shaqeyn karo, umana shaqeyn karo Dowladda Federaalka Soomaaliya. https://t.co/0NzdgcMseE — Abdinur (@AbdinurMA) March 31, 2019
  3. The Mayor of Mogadishu who also doubles up as the Governor of Banadir region, Engineer Abdulrahman Omar Osman has declared a new security strategy to curb the increasing al-Shabaab attacks in the Somali capital. “There are ongoing efforts by the leadership in the country to improve the security situation in the country,” Engineer Yarisow said, adding “to achieve that the security agencies with support from the members of the public are involved in an operation.” Speaking during a press briefing in his office on Saturday evening, the mayor called upon the residents of Mogadishu to bear the challenges of roads closure during the security operations pledging to provide public transport. Abdulrahman Yarisow who did not disclose the timeline of the operation promised to share the developments with the members of the public via the media. The new security measures in Somali capital by the government follows after major reshuffle was made at the Somali National Army chain of command. Similar changes were made to Somali police force last week. All the above changes which scheduled to bring new security tactic in the country comes after simultaneous al-Shabaab explosive attacks rocked Mogadishu in the past week. More than 18 people were killed and scores others wounded when a car laden with explosives parked in front of a busy restaurant along Maka Al-Mukarama road went off on Thursday last week. View the full article
  4. Gudoomiyaha beeralayda Puntland Cabdi Casiis Garaad oo waraysi gaar ah siiyay Warsidaha Puntlandi.com ayaa ka warbixiyay mashruuca horumarinta Timirta ka baxda beeraha Puntland oo uu [...] Source
  5. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdilaahi Deni oo safar shaqo ku jooga magaalada Bosaaso ayaa waxa uu lakulmay qaar kamid ah Isimada dhaqanka ee Puntland. Madaxweynaha [...] Source
  6. Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Daah furay mashruuca waddooyinka xaafadaha (dhagaxa inter log) oo laga hirgelinayo 17 Degmo ee Gobolka Banaadir. Daah furka mashruucan ayaa ka bilowday Degmada Xamar-JaJab, gaar ahaan waaxda Gaheyr, iyadoo ujeedku yahay in guud ahaan xaafadaha Caasimadda laga hirgeliyo si kor loogu qaado nadaafadda iyo bilicda Caasimadda. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in tallabadani ay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Maamulka Gobalka Banaadir uu ugu talagalay in 17-ka Degmo looga hirgeliyo dhismaha waddooyinka Xaafadaha, isla-markaana Xamarjabjab ay maanta nasiib u yeelatay in lagu bilaabo barnaamijkaan. Eng. Yarisow ayaa ku booriyay dadweynaha Caasimadda in ay u istaagaan dib u dhiska dalkooda, si loo soo celiyo bilicdii ay Caasimaddu caanka ku ahayd, isagoo uga mahadceliyey Dawladdaha iyo Hay’adaha gacanta ka geysanaya hirgelinta mashruucan. Sidoo kale, munaasabadda dhagax-dhigga waddada waxaa hadallo ka jeediyay Guddomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobalka, Xaghayaha Guud ee Maamulka iyo Guddoomiyaha Degmada X/Jajab, iyagoo xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dhismaha waddadaan bulshada ku nool Dagmada Xamar-jabjab. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  7. Tokyo (SMN) – Dowladda Japan ayaa shaaca ka qaaday in ay wax badan ka qabatay Waxbarashada caruurta ay waxyeelada ka soo gaartay abaarihii iyo fatahaadihii ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya. Sarkaal ka tirsan waaxda gargaarka dibadda ee Japan ayaa sheegay in Lacag badan ay ku bixiyeen Waxbarashada caruur lagu qiyaasay 8,500 oo ay saameeyeen musiibooyiinkaasi, kuwaas oo aaday Dugsiyada Waxbarasho. Sidoo kale sarkaalka ayaa intaasi in ay wax ka qabteen helitaanka biyo nadiif ah iyo fayadhowrka, iyagoo kaashanaya sanduuqa badbaada caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF. Japan ayaa xustay mashaariicda ay ku fuliyeen Soomaaliya labadii sano ee la soo dhaafay in ay ka faa’iideysteen kumanaan caruur oo badankood ku nool koofurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ka mid meelaha ay ka dhaceen musiibooyinka bani’aadanimo. Safiirka Japan ee Soomaaliya ayaa xusay in labadii sanno ee la soo dhaafay ay Soomaaliya ku bixiyeen 3 milyan dollar oo wax loogu qabtay badbaadada caruurta ay waxyeelada ka soo gaartay abaarihii ku dhuftay dalka. Ugu dambeyn Japan ayaa sheegtay in sii wadi doonto taageerada dhinaca gargaarka ee ay siiso Soomaaliya oo ka mid ah dallalka ay la dageen colaaha iyo musiibooyinka kale. View the full article
  8. Burco:(SL-T) Daawo:Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Burco Oo Ka Hadlay Siday U Arkaan Isku-shaandhaynta Uu Madaxwayne Muuse Biixi Xukuumadiisa Ku Sameyay. https://www.youtube.com/watch?v=-zykgFhKptE Source
  9. Garissa (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal Ciidamada milatariga Kenya saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen deegaano dhaca xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Howgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadu ay ku soo qab qabteen illaa 17 ruux oo isugu jira dad reer Miyi ah iyo Ganacsato. Sagaal ka mid ah dadka loo soo qabtay ayaa lagu soo warramayaa in loo gudbiyay dhanka magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bare Kenya, halka lixda kalena haatan lagu hayo saldhig ku yaalla xeryaha Dhadhaab ee dalkaasi. Ciidamada Kenya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al Shabaab ka waday xadka Soomaaliya, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga. Arrimahan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya, xilli dhawaan milatariga Kenya ay baneeyeen saldhigyo ay ku lahaayeen gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka jira jawi colaadeed, cabsi iyo walaac xoog leh oo dhinaca amaanka ku aadan kadib markii ay kordhayn weerarada Al-Shabaab. Muddo 6 maalmood ah oo ay Al-Shabaab Muqdisho ka fuliyeen Qaraxyada iyo weeraro toos ah ayaa dadka ku beertay Jawi cabsi ah, waxaana kadib cabsidaasi ku soo biirtay hanjabaad ay howlgal ay Dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday waxayna dadka ka fekarayaan sida uu xaal noqon doono. Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in howlgal laba nuuc ah laga sameyn doono magaalada Muqdisho, wadooyinkana la xiri doono, arintaas ayaa abuurtay in ay dadka u diyaar garoobaan xirnaanshiyaha magaalada, waxaana maanta suuqyada Muqdisho lagu arkayaa dadweyne u diyaar garoobaya sidii ay uga kaaftoomi lahaayeen xirnaanshiyaha magaalada. Dadweynaha Muqdisho ayaa kuu sheegayaa in magaalada ay ka jirto halis, waxaana maalmahan waqti hore la xirayay goobaha ganacsi, sidoo kale hoteelada ayaa in badan oo kamid ah haawanaya oo aan joogin wax dad ah, si lamid ah goobaha Dalxiiska ayaadnan ku arkayn dadkii tirada badnaa ee markii hore imaan jiray. Wixii ka dambeeya 5:30 Pm magaalada Muqdisho, gaar ahaan maqaayadaha, hoteelada, goobaha fadhi ku dirirka, waa goobo aysan qofna joogin iyo meelaha qaar oo aad ku arkeysid dad aad uga yar kuwii hore, halka markii hore habeenkii ilaa saq dhexe ay caadi aheyd magaalada Muqdisho. Internet-ka ayaa aad loogu wadagayaa fariimo digniino ah iyo wargelin, waalidiinta ayaa isku dayaya in ay magaalada ka baajiyaan dhalinyarada waxayna arimahaan Shacabka Muqdisho soo xasuusiyeen xiligii colaadaha iyo xaaladihii adkaa oo ay soo martay magaalada Muqdisho inkastoo aysan hada xaaladaasi u dhowayn. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa laga dhowrayaa sida ay uga fal celiso walaaca amni ee ka jira magaalada Muqdisho iyadoo aad Muqdisho saacadihii ugu dambeeyay lagu soo kordhiyay Ciidamo ka badan kuwii hore. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Wasiirka wasaarada maaliyada ee dowladda Puntland Shire Xasan Abgaal ayaa maanta baarlamaanka Puntland waxa uu horgeeyay Miisaaniyada sagaalka bilood ee soo socota. Wasiirka ayaa Xildhibaanada [...] Source
  12. Kismaayo (SMN) – Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay illaa 4 nin oo ay ku eedeeyeen basaasnimo ku toogtay deegaanka Kamsuuma ee G/ Jubbada Hoose. Fagaaraha lagu toogtay raggaasi ayaa waxaa goob joog ahaa boqolaal dadweyne ah iyo xubno ka tirsan Al Shabaab. Afarta nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray: 1-Aweys Ismaaciil Aadan oo 25 sano jir ahaa ayaa la sheegay in uu la shaqeynayay sirdoonka Soomaaliya, una xil saarnaa gudbinta lambarada saraakiisha Al Shabaab, si loo duqeeyo, isaga oo qaadan jiray lacag 50 Dollar ah. 2-Cilmi Warsame Cumar oo 22 sano jir ahaa waxa ay Al Shabaab sheegeen in uu la shaqeyn jiray hay’adda lagu magacaabo PSU oo laga leeyahay UK, islamarkaana uu u qaabilsanaa in uu sawirro ka soo qaado deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale Al Shabaab ayaa intaasi ku daray in ninkani loo xilsaaray in uu diyaarado ku hago saldhigyadooda, isaga oo qadan jiray lacag dhan 270 oo Dollar. 3-Cumar Cabdullahi Cabdi oo 28 sano jir ahaa ayey Al Shabaab ku eedeeyeen in uu la shaqeynayay Ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan, gaar ahaan Jalalaqsi iyo Baladweyne, shaqadiisuna la sheegay in ay aheyd in uu diyaarado ku hago xubnaha Al Shabaab, isaga oo qaatay lacag dhan 477 Dollar. 4-Maxamuud Abuukar Xaaji oo 25 sano jir ah aya isna lagu eedeeyay la shaqeynta sirdoonka Soomaaliya ee PS-ta, islamarkaana basaasayay saraakiisha Al Shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dhawaan ayey aheyd markii Al Shabaab sidan oo kale shan qof oo lagu eedeeyay basaasnimo ay ku toogteen gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa waxa uu hoggaaminayaa wafdiga Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya shir madaxeedka Carbeed ee caadiga ah meertadiisa soddonaad oo maanta ka furmaya Caasimadda Tunis ee dalka Tunisia oo ay ka qeybgalayaan Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda Wadamada Carbeed. Shir madaxeedka Carbeed ayaa looga hadlayaa dhowr arrimood oo ay ku jiraan arrinta Falastiin, dhibaatooyinka Yemen, Suuriya, Liibiya iyo sidoo kale taageeridda Soomaaliya. Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed waxa ay soo gabagabeeyeen kulankooda gogol xaarka ah ee Shir madaxeedka shalay oo Sabti ahayd (30 Maarso) iyagoo isla qaatay adkaynta madax banaanida Suuriya ee dhulka buuralayda Goolan, halkaasi oo Wasiir Axmed Cawad uu ka sheegay in Soomaaliya si dhammeystiran u xushmeyneyso midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya. Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa carabka ku adkeeyay in Goolan ay tahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato sida uu qabo Qaanuunka Caalamiga, baaq aqoonsi oo ka soo yeerana dowlad kastana aanu waxba ka bedeleyn xaaladda. View the full article
  14. More details are coming out of a heavy gunfight between Somali government forces backed by AU peacekeepers and Al-Shabaab militants erupted in the outskirts of Qoryoley town. The battle broke out following an ambush attack on a military checkpoint near the district by heavily armed Al-Shabaab fighters, according to local residents. The fighting has raged on for several hours and both sides exchanged heavy and small weapons that caused casualties, but, the exact number of the losses remained unclear. This was the latest in a series of attacks against Somali and AU military bases in the Lower Shabelle region by the Al-Qaeda-linked militant group Al-Shabab. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, waxaa shaqadii laga ceyriyey C/llaahi Axmed Dool oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Wasiirka Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad. Go’aankaan oo kasoo baxay Wasiirka ayaa la sheegay inay sababta shaqada looga ceyriyey tahay hadalkii uu dhawaan ku taageeray in xiriir lala sameysto Maamulka Israa’iil ee xoogga ku heysto dhulka Falastiin. C/llaahi Axmed Dool oo ah agaasimiha shaqada laga ceyriyey ayaa Twitterka ku soo qoray Qoraal uu ku taageerayo inay Soomaaliya xiriir la yeelato Israel. Dool waxa uu Twitter-kiisa ku qoray inaysan diplomaasiyad ahaan wax dhibaato ah la lahayn inay Soomaaliya xiriir Diplomaasiyadeed la yeelato Israel. Wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inay Soomaaliya dan weyn ugu jirto inay soo dhaweysato Israa’iil. Sidoo kale Dool ayaa qoraalkiisa Twitter-ka ku sheegay inay Shacabka Reer Falastiin yihiin dad khasaaray, gaar ahaan Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Xamaas oo uu ku tilmaamay inay afduubteen dadkooda ku nool Magaalada Barakeysan ee Qasa. Qoraalka uu Agaasimaha soo dhigay Twitter-ka ayaa waxay dad badan oo Soomaaliyeed kaga falceliyeen inuu hadalkaan yahay mid doqonimo ah isla markaasna aysan marnaba macquul aheyn inay Soomaaliya raali ka noqoto xiriir Diplomaasiyadeed lala yeesho Israel oo xoog ku heysato dhulal badan oo ay leeyihiin Muslmiinta. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor cadaadis xoog leh iyo cambaareyn kala kulantay markii ay ka aamustay qaraarkii uu Trump ku sheegay inuu Israa’iil u aqoonsaday dhulkii ay 1967 xoogga kaga qabsatay Siiriya inkastoo markii dambe ay Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya sheegtay inaysan marnaba ogolaan doonin in dhulkaas loo sharciyeeyo Israa’iil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Al-Shabab said it has executed four men accused of spying for the British, Djibouti and Somali intelligence agencies. Al-Shabab announced the killings on its Andalus radio station on Sunday, saying they were carried out by a firing squad in a public square in Kamsuma, a town in the Lower Jubba region. The group’s spokesman said its recent spate of attacks on hotels in the capital, Mogadishu, has been part of its drive against Somali intelligence agents and other government officials who he said were staying at the hotels. “We don’t attack every hotel in Mogadishu, but those specific ones (hotels) attacked by Mujahideen fighters have got specific features meriting them for attacks,” said Sheikh Ali Mohamud Rage, on the rebels’ radio station. “A standard public hotel that civilians stay in is not protected by blast walls and soldiers. These apostates have got no distinct offices, and most of those men were killed at hotels they use as their offices,” he said, apparently referring to Somali government officials. Mogadishu has seen series of attacks by al-Shabab in recent weeks, highlighting challenges facing the Somali government, which said recently that it is considering imposing a state of emergency in Mogadishu to try to contain the attacks. Rage also said that the recent withdrawal of Kenyan forces, who are part of the multinational African Union forces in Somalia, from villages were made as result of increased attacks and deaths and budget constraints faced by the Kenyan government. Al-Shabab, which is al-Qaida’s East Africa affiliate, has fought for years to impose a strict version of Islam in the Horn of Africa nation. Despite losing territory in recent years, the extremist group continues to carry out deadly attacks in many parts of the country, especially in Mogadishu. A truck bomb there in October 2017 killed more than 500 people. View the full article
  17. Waxaan ku wargalinaynaa akhristayaasha in maalmihii lasoo dhaafay aan howlo dib u habeyn ah ku wadnay Website-ka, sidaas awgeed waan ka cududaaranaynaa mudadii aan kala [...] Source
  18. Warar lagu kalsoon yahay ayaa Puntlandi u xaqiijiyey in siyaasiyiin ku sugan Muqdisho ay isku dayeen in Madaxweyne Axmed Madoobe Xabsi la dhigo xili uu [...] Source
  19. Xawalaada amal ee Denmark ayaa lacag gaaraysa 5000 USD (Shan kun oo dollar) ugu deeqday dhismaha wadada Wadaagsin ee Gobolka Mudug, lacagtaan oo lagu wareejiyey [...] Source
  20. Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa goor dhoweyd ansixiyay miisaaniyadda sagaalka bilood ee sannadkaan ka harsan ay ku shaqeyn doonto xukuumadda Puntland. Kulanka 24aad ee Kalfadhiga 43aad oo saaka ay soo xaadireen 40 mudane ayaa lagu ansixiyay miisaaniyadda oo dhan $$54,000,450 (konton iyo afar malyan, afar boqol iyo konton dollar) taasoo uu todobaadkii hore soo gudbiyay wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Cabdi. 38 mudane ayaa u codeeyay miisaaniyadda hal xildhibaan ayaa diiday mid kalena waa ka aamusay sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo). Warbixinta kala soco Puntland Post The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay miisaaniyadda dowladda appeared first on Puntland Post.
  21. Jabuuti (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay khilaafka iyo dacwadda u dhaxeysa Dowladda Jabuuti iyo Sharikadda Dekadaha Dubai. Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in DPWorld iyo Jabuuti ay heshiis galeen markii ugu horreysay kaddibna ay dhameysteen qodobadii ay ku heshiiyeen. Mr Geelle ayaa sheegay in markii Jabuuti iyo DPWorld heshiiyeen deymihii la galay la wada bixiyay, markii ay Jabuuti damacday in heshiiskaas dib u eegis lagu sameeyana ay diideen sidaasna dalka looga saaray. Waxaa uu sheegay in Sharikaddan markii hore la dhihi jiray Dubai Ports Adduunkana ay Jabuuti bartay, haddana ku fideen meelo badan oo ka mid ah dekadaha Caalamka. Mr Geelle ayaa intaas ku daray in Dekadaha Imaaraadka ay ka hooseeyaan kuwa Bariga Afrika sidaas darteedna DPWorld ay diideyso in kuwa Afrika ay horumaraan sidaasna heshiisyo ugula wareegeyso dekadaha geeska afrika si kuwooda aysan u shaqo gabin. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  22. Waxaa Mudooyinkii U Danbeeyay iyo bilowga xukuumada socod baradka ah ee madaxwayne Muuse Biixi Cabdi dhaqdhaqaaqooda aad loo dareemayay hanti dhawrka guud ee qaranka oo mudo dheer ahaa haayad fadhiid ah balse waqtigan xaadirka ah baadhitaano badan ka fuliyay qaar ka mid ah Wasaaradaha dalka iyo Xafiisyada dawladaha hoose qaarkood . Wallow ay bulshada reer Somaliland ku diirsadeen baadhitaanada lagula dagaalamayo musuq maasuqa iyadoo dhawaan eedo musuq maasuq loo xidhxidhay masuuliyiin ka tirsan xukuumada, walow talaabadaasi qaabkii loo maamulay ay kasoo baxeen aragtiyo kala duwan oo dareeno kala duwan ka bixinayaan shacabka reer Somaliland talaabada ay qaaday xukuumadu oo iyadu leh fulinta eedaha uu soo jeediyo hanti dhawrku! Iyadoo arimuhu sidaasi yihiin waxaa tamid in la xidho laba masuul oo ka mid ah wasaarada warfaafinta oo kala ah agaasimihii guud ee dhawaan iscasilay iyo agaasimaha maamulka iyo lacagta, balse markiiba lasiidaayay agaasimihii guud halka agaasimihii maamulka uu kusii xidhnaa xabsiga mudo todobaad ah, Xadhiga uu ku kaliyaystay agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta ayaa keenay iswaydiimo faro badan oo dareeno culus ku kula abuuray shacabka reer somaliland gudo iyo dibadba, Ujeedadii uu u socoday hanti dhawrka guud ee qaranku maxaa badalay! Saamayn inteeg leeg ayay ku leedahay xukuumadu oo iyadu ah fulinta hawlaha qaranku? Waxyaabaha bulshada reer Somaliland ka yaabiyay waxaa kamida ah markii xadhigii iyo baadhitaanadii kusoo ururinteen agaasimaha maamulka oo isagu aan ahayn masuul uu magacaabo madaxwaynuhu balse wixii talaabo ee uu qaado uu ku fulayo amarka wasiirka wasaarada iyo agaasimaha guud. Marka aynu eegno ficilka iyo tacadiga lagula kacay Agaasimaha maamulka iyo lacagta wasaarada warfaafinta waxay ina tusaysaa in la majaro habaabiyay hawlihi hantidhawrka taasina waxay shacabka reer Somaliland u cadaynaysaa in xukuumada xisbiga kulmiye haday tahay xukuumadii siilaanyo iyo tan madaxwayne Biixi ay marwalba taargad ka dhigteen Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta oo isagu xilka kala mid ah dhamaan Agaasimayaasha maamulka iyo lacagta ee wasaaradaha iyo haayadaha dawlada oo mudo dheer iyagu xilalkaa haya. Hadii aan udhaadhaco ujeedada maqaalkaygan waxaan leeyahay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxaad dhawr jeer hadalkaaga kusoo dartay in dalku kala qaybsan yahay oo saamayn ay ku yeelatay doorashadii madaxtooyadu ee adiga aad kusoo baxday tartankeedii Mudane madaxwayne agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafintu wuxuu kasoo jeedaa gobolka Awdal gaar ahaan deegaanka degmada Dilla oo iyadu lahayd musharax madaxwayne kuxigeen ee xisbiga Wadani oo ah xisbigii aad doorashada kaga guulaysatay, hadaba ficilka ku kooban agaasime Xasan miyaan la odhan Karin wuxuu daba socdaa ka aar goosashada beelihii aan kuu codayn, ama waxaad haysaa jidkii Kulmiye ku caanka ahaa! Mudane madaxwayne waxaan kugula talin lahaa anigoo hadalkaagii la xidhiidhay kala qaybsanaanta bulshada iyo xanaftii ay reebtay doorashadu raacaya , ficilada socda wakhtigan iyo xadhiga ku gaarka ah Agaasimaha waaxeedka waxaan ku odhan lahaa hasii kala fogayn Somaliland iyo gobolka Awdal kana fiirso ficilka iyo falalka kasoo fulaya xukuumada oo muuuqda kuwo sii kala fogaynaya Somaliland iyo gobolka Awdal Mudane madaxwayne gobolka Gabiley ee aad kasoo jeedo waxaan ku odhan lahaa dhaxal uga tag oo hadii aad wax kale uqaban waydo ka shaqee wixii iyaga iyo reer Awdal isku soo dhawaynaya iyadoo lawada og yahay utuntii uu kala dhex dhigay kulmiye Gabiley iyo Dilla in aad dawayso ogowna waxkasta oo aad gasho in reer Gabileyna kula leeyihiin maadama ay tahay gobolkii sida wayn lagaaga doortay, Gabileyna hadii ay shalay ka aamustay dhacdooyinkii la ogaa ee kulmiye u horseeday maanta waxaan filayaa in aanay noqonayn daawade ficilada xukuumadaha kulmiye ku beegsanayaan agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta iyo caadaysiga falalka aan soomaliland danta u ahayn ee kulmiye ku sii kala fogaynayo inan iyo abtigii waxaana lagaaga fadhiyaa cadaalad iyo sinaan aad kumaamusho Somaliland balse aan ahayn kala qaadasho kursi iyo kala fogaynta shacabka reer Somaliland, ee walaalaha siiba gabiley iyo boorama. QALINKII; FARXAAN MAXAMED BARKHAD HARGAYSA SOMALILAND wajalenews@gmail.com . Qaran News