Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Muqdisho)Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Dowlada Qatar ay lacago aad u badan u ogoshahay hadii Senator Muuse Suudi uu ka guurayo dhulka Mariino ee ciidanka Badda Soomaaliya. Somalia warlord Muse Sudi Yalahow (C), a member of the anti-terrorism alliance takes part in a demonstration against the Islamic Courts Union in Qobdro stadium, north of the Somalia capital Mogadishu, June 8, 2006. Warlords defeated by Islamists militia in the battle for Mogadishu are advancing back towards the Somalia capital from their stronghold of Jowhar, residents said on Thursday. REUTERS/Shebelle Media. (SOMALIA) Sarkaal u dhow Muuse Suudi ayaa inoo sheegay inuu iska diiday xaajiga lacagahaasi, isagoo ku adkeysanaya inay sharci ku degan yihiin dhulkaasi. Dowlada Qatar ayaa Lacago Malaayiin Dollar ah ku wareejisay Dowlada Soomaaliya si dhulkaasi ay kaga dhisato xarumo diblumaasi oo ay ku yeelaneyso Soomaaliya, balse xiisad ka dhalatay arrintan ayaan wali xal dhab ah laga gaarin maadaama Labada dhinacba ay ku goodiyeen inay awood isticmaali doonaan. Dowlada Qatar ayaa gadaal ka riixeysa arrintan,iyadoo Dowlada Soomaaliya dhankeeda ay ka go’an tahay lacagaha laga qaaday Qatar in la celin balse dhulkaasi sidii looga saari karo Muuse Suudi iyo Shaqsiyaadka ku jira looga saaro. Muuse oo waagisii hore looga bartay hogaamiye kooxeed leh ciidammo abaabulan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegaya in ciidamo hubeysan oo isaga ka amar qaata ay ku sugan yihiin dhulka uu degan yahay, iyadoo Shacabka degan agagaarkiisa ay walwal iyo cabsi ku joogaan halka qaarkood ay iskaga carareen. Waxaa socda dadaalo gaba gabo maraya oo lagu doonayo in xiisadan lagu damiyo, iyadoo Muuse Suudi uu diiday lacago lagu wareejiyo iyo dhul kale oo loogu bedelo xerada marino oo sanado badan uu degan yahay. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa 11kii bishii Maarso sheegay in xaruntii Ex- Marino ee ciidammadii badda ee Soomaaliya laga dhigi doono aag diblomaasi, sidaasi darteedna dadka deggan halkaasi ay baneeeyaan. Source
  2. Aqoonyahan Cabdi Good Abees ayaa sheegay in sirdoonka dalka Jabuuti ay ugu soo hanjabeen inay dilayaan, waxaanu sheegay haddii wax dhibaato ah ay soo gaadhaan in dadka reer Somaliland ay sirdoonka Jabuuti u raaci doonaan arintaas. Cabdi Goodd ayaa sheegay in sirdoonka Jabuuti ay ku haystaan sababta uu u dhaliilay Ismaacil Cumar Geele waxaanu sheegay in uu ka hadli doono arimaha haatan laga cabsi galinaayo. Cabdi Good Abees ayaa dhawaan dhaliilo hawada u mariyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, maalmihii ay taagnayd xiisadii Ganacsade Axmed Cismaan Geele. Mr. Good oo shalay waraysi siiyay Telefishanka Star, ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Saaka [shalay] 8:32 saacada Hargeysa iyo 11:58 saacada Hargeysa ( shalay) waxa lay soo kala diray laba farriimood oo Whatsapp- ka laygu soo diray, oo runtii Jabuuti layga soo diray oo laygu hanjabaayo in ninkaasi uu helay xogo sirdoon oo Hargeysa laygu dilaayo, ama Gaadhi lay jiidhsiinaayo ama xabad inta laygu dhufto magtayda la dulsaaraayo cidkalena aanay idilayn ee ay I dilayaan dadka reer Somaliland oo ilaa shaaqiyaduhu ay u yihiin shaqaale oo lacagtayada ku shaqeeya Ama Ismaacil Cumar Geele la shaqeeya Idiris Cumar Geele ayaad gaadhay ayuu ku leeyahay, markaas Ismaacil Cumar Geele kama hadho dadka ee waa uu dilaa.” Cabdi Good oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Cumar Xasan Al-Bashiir waxa helay waad arkaysaa inuu inqilaab ku qabsaday oo kii ka qaadayna laga sii qabsaday aniguna digtaytar ayaan sheegay hantida reer Jabuuti ee maqana waan sheegay qoyska ku amar ku taagleeyana waan sheegay intaas midna been maaha oo adduunka oo dhan ayaa qirsan, maxaad uga hadashay Ismaacil Cumar Geele ayaa uu sirdoonkiisii iigu soo dirayaa oo uu leeyahay Hargyesa ku dil, waar dhagaxyo soo daadi waxba ha la hadhine anigu Hargeysa ayaan joogaa oo Somaliland ayaan joogaa nin sidaas ku cabsada ma ihi nafta alle ayaa qaada oo marbay baxdaa naabaalo intaad igu soo hogaamiso bal madaxa igaga dhufo nin sidaas ku cabsada ma ihi, waa digtaytar Ismaacil Cumar Geele aniga ayaana taas aaaminsan oo aaminsan in qoyskiisu uu meesha ka shaqeeyo, waxaana kuu cadaynaaya hanjabaadan.” Waxa uu Sheegay haddii uu dhinto in loo haysto sirdoonka Jabuuti“ nin Sidaas ku baqda oo la iibsado ma ihi, maanta hadaan duray u dhinto waan garanayaa ciddi ay reer Somaliland godobtayda u raacayaan, hadduu duray I dilo ama iskay aan u dhinto.” Waxa uu ka hadlay halka laga raacay“ Maxaad Ina Cismaan Geele Arab Ugu hiilisay miyaanu ahayn nin ka soo cararay, sida kaas loo eryanaayo ayaa anigana la doonaya maxaad uga hadashay, waar ina Cismaan Geele godabtiisu anigay ii taalaa waanan ka hadlayaa, hadduu dulmiga wadano waan qabanayaa hadduu dulman yahayna waan u hadlayaa, imikana ina Cismaan Geele Arab inta Hargyesa laga kaxeeyo Jabuuti lama gaynmaayo, maxkamadaa sharcigu waxay ku leeyihiin bangiyadu waa halkeeda laakiin maxaad ugu hadashay waar imikaan u hadlayaa,caqliguu jabuuti ku hayayna waa uu hayaa lacagtiina waa uu hayaa, halkanba kanbaniyo waa uu ka samaysanayaa aniguna waan hadli intay saantaydu qoyantahay, qaranka Jabuuti ayaa la dhacay ayaan idhiye ma wax kale ayaan idhi, maamulka Ina Cumar Geelaan wax ka sheegee ma jabuutibaan wax ka sheegay.” Source Geeska Qaran News
  3. Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo kamid ah Wafdiga Ra’iisul wasaaraha XFS ee magaalada Washington ku sugan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay inay ka soo baxdo dhamaan shuruudihii laga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya. “Waxaan ku guuleysanay inaan ka soo baxno dhamaan shuruudihii nalaga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya, kaliya waxa aan sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan deeq bixiyayaasha caalmka oo ku qancay habka aan wax u maamulnay, iyo hufnaanta Maaliyadda Dalka”ayuu yiri Wasiir Bayle Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya gaartay heerkii ugu sareeyay ee Kalsoonida Beesha Caalamka. Dhanka kale Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shirarkii malmahan ka socday magaalada Washington ka sheegay in isbedelo la taaban karo laga gaaray dhinacyada horumarinta maamulka iyo maaliyadda,amniga iyo arrimo badan oo horumarinta dhaqaalaha dalka ku saabsan. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  4. Sidee looga hortagi karaa dilalka ay Askartu u gaysato Bajaajleyda magaalada Muqdisho? Hordhac Qormada waxaan ku falanqeyn doonaa xaalka amni ee magaalada muqdisho gaar ahaan dilalka ay gaystaan ciidamada boolisku , dilalkan oo u muuqda is fahan waa iyo wada-shaqeyn la,aanta booliska iyo bulshada si kastaba ha noqotee waxaan qormadan ku iftiimin doonaa xalka looga hortagi karo dilalka ay boolisku u geystaan shacbiga magaalada kuwaas oo meesha ka saari karta kalsoonida iyo wada-shaqeynta wayda hada ah . Sidee looga hortagi karaa dilalka ay askartu u gaysao bajaajleyda magaalada muqdisho? Hordhac Waxaa soo badanaya dilalka ay boolisku u geystaan shacbiga gaar ahaan bajaajleyda waliba xiliyada ay dawladu shaaciso hawlada lagula dagaalamayo kooxda nabad-diidka ee Alshabaab . Si kastaba ha noqotee hawlgalada aan midho dhalka ahayn ee dawlada fadaralku samayso ayaa galaafta badi dhalinyada bajaajleyda. Sobabaha Loo Aanayn karo dilalka ay ciidanku u gaystaan wadayaasha bajaajta Sida badi la qabo waxaa sabab u ah arimo dhawr ah kuwaas oo salka ku haya gaabis ama fahan yari dhex taal laamaha amniga iyo bulshada waxaana ka mid ah Barnaamij isdhexgal oo booliska iyo bulshada oo aan jirin Istaratajiyad ama qorshe amni oo qoran oo aan jirin marka laga reebo hawl galada Madaxda hay,addaha amni oo aan haysan kibrad ku filan oo dhanka amniga ah Xalka lagaga hortagi karo dilalka iyo Isfahan waaga dhex mara booliska iyo bulshada Si xal waara loogu helo ayaa noqonaysa in ay jirto qorshe ama istaratijad amni oo qoran taas oo qayaxan lehna masuuliyad iyo isla xisaabtan dhanka hay,addaha amniga sidoo kale in la hirgaliyo ama loo qabto booliska toobaro lagu barayo qaabka ugu wanaagsan ee shacabka loola dhaqmo iyo iyadoo la hirgaliyo barnaamijka isdhexgalka booliska iyo bulshada ( Community Policing ) Dhamaad Contact Abdirahman Ya’Qub Hassan Security Analyzer Jacobhassam@gmail.com Qaran News
  5. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, iscasilay bishii hore (31.03.2019). Wareegto uu soo saaray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi maanta ayuu kaga aqbalay iscasilaadda waxaanu xilkaasi u magacaabay Cumar Cabdillaahi Bade. Madaxweynaha ayaa xilkasnimo iyo daacadnimo ku ammaanay wasiirka shaqada ka tagay. wasiirka hore ayaa marar xanuunsaday laakiin, ma cadda in uu arrintaasi darteed shaqada uga tagay iyo inkale. Source
  6. Xildhibaanada baarlamaanka Soomalaiya ayaa maanta su,aalu kulul waxa ay waydiiyeen sii hayaha xilka Taliyaha ciidamada NISA Fahad Yaasiin Xaaji Dahir oo maanta hortagay Xildhibaanada baarlamaanka [...] Source
  7. Wararka ka imaanayaa tuulada Xariiro oo hoostagta degmada isku-shuban ee gobolka Bari ayaa sheegay in duhurnimadii maanta halkaasi ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed. Duqeynta ayaa lala beegsaday gaari nooca raaxada ah oo aan ilaa iyo hadda la aqoonsan shakhsiyaadka saarnaa balse dadka degaankaasi ku sheegeen laba ruux. Qof ku sugan nawaaxiga tuulada Xariiro oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in mudda duqeyntu ku socotay gaariga ilaa uu ka shiilmay oo gebi ahaanba bas-beelay, isagoo xusay in laba qof saarnaayeen gaariga, laakiin jirkood gubtay oo aan la kala garan. Diyaaradaha duqeynta geystay iyo shakhsiyaadka la beegsaday ayaan midna weli Puntland Post faahfaahin ka helin. Dhinaca kale, dowladda Puntland ayaan iyana war ka soo saarin duqeynta halkaasi ka dhacday. Wixii ka soo kordha kala soco: Puntland post The post Duqeyn ka dhacday gobolka Bari ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdismad Maxamed Gallan ayaa sheegay in duqeyn maanta ka dhacday Tuulada Xiriiro oo 3KM u jirta Degmada Isku Shuban ee Gobolka Bari lagu dilay madax ka tirsan Kooxda Daacish. Galan ayaa sheegay in duhurnimadii Maanta oo Axad ah duqeyntaas lala eegtay gaari uu watay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqob iyo ku xigeenkiisa oo la socday. Waxa uu intaa ku daray in gaari nuuca raaxada ah oo uu watay ku xigeenka Daacish in lagu burburiyay duqeynta. Ma sheegin cidda geysatay ama fulisay, balse maalmihii dambe Mareykanka ayaa kordhiyay Howlgalada duqeynta ah ee uu ka geysto Deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish. Dadka tuulada Xiriiro ayaa xaqiijiyay in ay maqleen dhawaqa duqeynta, inkasta oo ay sheegeen in aysan garaneen cidda lala eegtay. Ma jiro war kasoo baxay Kooxda Daacish oo ay kaga hadlayaan duqeyntaan Maamulka Puntland uu sheegay in looga dilay Gudoomiye ku xigeenkooda iyo kusii xigeenkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Diyaaradaha dagaalka ayaa duqayn kagaystay maanta inta udhaxaysa deegaanada Xumbays iyo Xiriiro ee Puntland . Duqaynta ayaa la sheegay in lala beegsaday xubno katirsanaa Ururka [...] Source
  10. Hargaysa (Somalilandtoday)- Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta Hadhimo sharafeed ku maamuusay Odoyaasha dhaqanka ee Barriga Sanaag. Odayaasha Dhaqanka oo Hargaysa U Yimi Martiqaad ay ka heleen Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo Todobaadkanba Ku Sugnaa Caasimada hargaysa ayaa Maanta Waxaa Hadhimo sharafeed Hotel Maansoor ugu Sameeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed. Hadhimo sharafeedkan ayaa ka sokow odoyaasha dhaqanka ee bariga sanaag waxaa kasoo qayb galay wasiiro hore xildhibaano iyo marti sharaf kale . Waxaana halkaasi hadalo soo dhaweyn ah kasoo jeediyey wasiirka arrimaha Gudaha , ex wasiir cali warancade, ex wasiir Cadimi iyo sulaadiin si diiran usoo dhaweeyey madax dhaqameedka. Dhinaca kale waxaa odoyaasha dhaqanka ee Beriga Sanaag u Hadhay laba oday oo ka mahad naqay qadada uu ku sharfay wasiirka arrimaha Gudaha JSL. Source
  11. (SLT-Tripoli)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka socda nawaaxiga magaalada Tripoli ay ku dhinteen 121 qof halka ay ku dhaawacmeen 561 kale, tan iyo inti uu Tripoli weerarka ku qaaday janaraal Khalifa Haftar horraanti bishaan. Bayaan maanta laga soo saaray xafiiska QM ugu qaabilsan caafimaadka ee loo soo gaabiyo WHO, ayaa lagu sheegay in hey’adda ay dawo iyo shaqaalo dheeraad ah ay u direyso Tripoli, hase yeeshee waxay cambaareeysay weeraro loo geystay shaqaalaheeda iyo gaadiida ay leedahay inti uu socday dagaal duleedka caasimadda ka dhacay afarti bishaan April. Xafiiska arrimaha bani’aadannimada ee QM ayaa sheegay in dagaalka Tripoli ay ilaa iyo hadda ku barakacaeen dad gaaray 13 kun oo ruux, halka ku dhawaad 1000 ruux la dajiyay goobo caam ah. Maleeshiyada jeneral Haftar oo inta badan gacanta ku haya bariga Libya, ayaa iska dhaga tiray baaqyo caalami ah oo ka dhalbaday inuusan weerarin dowladda ay beesha caalamka aqoonsantahay. Xaaladda Libya ayaa cakirneyd tan iyo sannadki 2011-ki, xilligaas oo awooda xoog looga tuuray general Moamer Kadhafi, kaddibna la dilay. Source
  12. Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Je. Muxiidiin Axmed Muuse ayaa maanta magacaabay taliyaha ciidamada Booliska ee kaantaroolka Bosaaso. Xilkan ayaa waxaa loo magacaabay xidigle Axmed Ciise [...] Source
  13. Dowladda Puntland ayaa maanta oo Axada gebi ahaanba mamnuucday soo dejinta, dhoofinta iyo ka ganacsiga hubka noocyadiisa kala duwan iyo agabka ciidamada. Dikreeto ka soo baxday xafiiska wasiirka Amniga, Cabdisamad Maxamed Gallan oo laga tix-raacay dikreeto madaxweyne ayaa lagu sheegay in guud ahaan Puntland laga mamnuucay soo dejinta, dhoofinta iyo ka ganacsiga hubka noocyadiisa kala duwan iyo agabka ciidamada. Isla dikreeta waxaa lagu mamnuucay in gaadiidka iyo dadka hubaysan aysan geli Karin garoomada diyaaradaha Puntland iyo dekedda magaalada Boosaaso, marka laga reebo mas’uuliyiinta dowladda oo keliyah. Halkan la akhriso PUNTLAND POST The post Puntland oo laga mamnuucay noocyada kala duwan ee hubka iyo agabka ciidamada appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir gudoomiyey shirka Amniga Puntland oo ka qabsoomay xarunta Qasriga Madaxtooyada Puntland ee [...] Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin ayaa ka carooday su’aallo shaqsi ah oo kulankii baarlamanka ee maanta uu ku weydiiyey Xildhibaan Zakariye Gaashaan. Su’aasha xildhibaan Zakariye ayaa la xiriirtay xil ka qaadistii lagu sameeyey taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla iyo eedeymaha Fahad loo jeediyo. Fahad ayaa ku jawaabay in su’aalaha noocan ah ay qalad iyo gef ku yihiin magaca hay’adda qaranka ee NISA, wuxuuna ka dalbaday guddoonka inuu xildhibaanka raalli gelin ka bixiyo, haddii kale uu qaadanayo xaqa qaanuuniga ah uu leeyahay. “Aad ayey ii dhibaysaa in nin xildhibaan ah uu hadalkan ku hadlay, oo xitaa qof kale uu kasoo xigtay oo aysan ahayn wax uu isaga baaritaan ku sameeyey” ayuu yiri Fahad. Waxa uu sheegay in su’aasha xildhibaan Zakariye ay xurmo darro ku tahay hay’adda nabad-sugidda, islamarkaana golaha baarlamanka uusan u qalmin in su’aal noocan oo kale ah la isku dhex-weydiiyo. Hoos ka dhageyso Fahad oo ka jawaabaya arrintan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Roobkii gu’ga ayaa maanta ka curtay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxaana Roob lagu qabowsasay uu ka da’ay magaalada Ceerigaabo iyo deegaamada ku hareeraysan. Roob gu’ga ayaa hore uga curtay deegaano ka mid ah gobollada galbeedka Somaliland sida Boorama, Gabiley iyo Wajaale. Waxa guud ahaan Somaliland maanta laga tukaday salaad roob doon ah iyada la sheegayo in deegaano badan oo dalka ka mid ah ay ka taagan tahay biyo la’aan baahsani oo meelaha qaar ay dad ku dhinteen. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa isku shaandhayn uu sameeyay maanta waxa uu xilka kaga qaaday wasiirkii Wasiirkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon ayaa sababta xil ka qaadistiisa waxa loo aanaynayaa kulan ballaadhan oo uu dhawaan magaalada ku qabtay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ku qayb-galay, sida ay ilo xog-ogaal ahi u sheegeen Somalilandtoday. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu si weyn uga cadhooday kulankaasi iyada oo uu maanta bartilmaameed ka dhigtay wasiirkii kaliya ahaa ee ka tirsan xukuumaddiisa ee ka qayb-galay kulankaasi Prof. Axmed Ismaaciil Samater ayaa kulan kaasi waxa uu ka dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isaga oo soo bandhigay tallooyin uu siiyay wakhtiga ololaha oo uu cidla kaga tagay Muuse Biixi markii uu ku guulaystay tallada dalka ee loo doortay Madaxweynaha Somaliland. Ibraahim Shirwac Looddoon Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa waxa la sheegaan in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar uu door muhiim ah ku lahaa magacaabistiisa iyo in loo magacaabo wasaaradda uu wasiirka ka ahaa. Si kastaba ha ahaate wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon ayaa waxa lagu tilmaamaa in uu ahaa mas’uuliyiinta aan inta si toos ka ah ugu dhex jirin arrimaha siyaasadda balse ku kooban wasaaraddiisa iyo shaqada uu qaranka u hayo. Source
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarunta Dambi Baarista ee CID ayaa waxaa ka taagan dhibaato xoog leh oo ku saabsan Waraaqaha ay dadka uga soo baahdaan gaar ahaan Waraaqda caddeyneyso inuusan qofka dambi ka gelin dalka Soomaaliya (Criminal Record). Xarunta CID ayaa markii hore lacagta ku qaadi jirtay Xarunta waxayna dadka ku qasbanaayeen inay lacagta u bixiyaan si Kaash ah lamana ogoleyn in Akoon lagu shubo iyo in lacagta lagu tuuro Aaladaha lacagta la isugu tuuro ee Soomaaliya. Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhawaan amar kusoo rogtay Xarunta Dambi Baarista ee CID waxayna shaacisay in wixii hadda ka dambeeyo ay lacagtaas aruurin doonaan Wakiilo ka socdo Wasaardda isla markaasna Wasaaradda Maaliyadda looga sameeyey Akoon u gaar ah oo hadda lagu shubo lacagaha kasoo xaroodo Xaruntaas. Tan iyo markaas waxaa dayacmatay shaqadii ka socotay CID ee dadka loogu adeegayey gaar ahaan waraaqaha Dambi La’aanta maadaama ay Meesha ka baxday lacagihii sida musuq maasuqa ah loo qaadan jiray. Waxay bilabeen Saraakiishii howshaas qaabilsaneyd inay dayacaan shaqadii loo hayey Bulshada waxaana Xarunta CID ku arkeysaa dadkii Waraaqaha soo doontay oo lagu aruuriyey Xarunta Wasaaradda Beeraha oo ku dhagan Xarunta Dambi Baarista ee CID waxayna dadkaas halkaas ku sugnaadaan wax ku dhow 10 Saacadood iyadoo aan qaarkood wax shaqo ah loo qaban halka kuwa kalana ay helaan wixii ay soo doonteen kadib saacado xad dhaaf ah, waxaana meeshaas si dhaqso ah looga wadaa kaliya dadka Laaluushka laga qaado halka kuwa kalana loo sheego inaysan meeshooda kasoo dhaqaaqi karin. Sababta sidaas loo yeelayo ayaa ah in Saraakiisha howshaas qaabilsan iyo Shaqaalahaba laga joojiyey Lacagihii musuq maasuqa ahaa oo ay halkaas ka heli jireen. Inta badan dadka Waraaqaha loo fududeeyo ayaa laaluush ahaan u bixiyo lacag ka badan midda sharciga ah oo ay Wasaaradda Maaliyadda uga qaado Gudaha Xarunta Dambi Baarista ee CID si ay kaliya uga badbaadaan ciqaabta adag ee ka taagan helista Documentiyadaas. Hooyo kamid ah dadweynaha Waraaqaha uga soo baahday Xarunta CID oo wadatay dhallaan yar oo umusha lagula jiro oo ay Caasimadda Online kula kulantay Xarunta Dambi Baarista ayaa sheegtay inay halkaas ku sugneyd muddo 8 Saacadood ah isla markaasna ay isku kor rafaadeyn iyada iyo cunugii yaraa oo ay dhabta ku wadatay. Hooyadaan ayaa ugu dambeyntii isaga tagtay Xarunta iyadoo aan helin waraaqdii ay soo doonatay maadaama ay Shaqaalaha iyo Saraakiisha CID xoogga saaraan inay Waraaqaha u sameeyaan kaliya kuwa ay Laaluushka ka heliyaan oo lagu siiyo waqtiga ugu fudud oo u dhaxeyso 30 – 45 Daqiiqo. Arrinta hooyadaan lagu sameeyey ayaa ah mid ka baxsan xuquuqda Bini’aadanimada iyo midda Islaanimada maadaama ay mudneyd in lagu tixgeliyo Cunugga yar iyo xaaladda ay ku jirto oo ah mid u baahan in la ilaaliyo, balse waxaa muuqato in Xarunta Dambi Baarista Booliska Soomaaliyeed ay ilaalinta hooyadaan kala weynaatay Laaluushka yar ee laga helayo Dadka kale. Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey Shacabka ugu ballan qaaday inay la dagaalameyso musuq maasuqa iyo Laaluushka balse waxaa muuqato inaysan arrintaas ka hirgelin inta badan hey’adaha Dowladda weliba si gaar ah Xarunta Dambi Baarista oo saldhig u ah Booliska Soomaaliyeed oo u taagan ilaalinta Sharciga iyo Dadweynaha Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo kamid ah Wafdiga Ra’iisul wasaaraha XFS ee magaalada Washington ku sugan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay inay ka soo baxdo dhamaan shuruudihii laga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya. “Waxaan ku guuleysanay inaan ka soo baxno dhamaan shuruudihii nalaga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya, kaliya waxa aan sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan deeq bixiyayaasha caalmka oo ku qancay habka aan wax u maamulnay, iyo hufnaanta Maaliyadda Dalka”ayuu yiri Wasiir Bayle Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya gaartay heerkii ugu sareeyay ee Kalsoonida Beesha Caalamka. Dhanka kale Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shirarkii malmahan ka socday magaalada Washington ka sheegay in isbedelo la taaban karo laga gaaray dhinacyada horumarinta maamulka iyo maaliyadda,amniga iyo arrimo badan oo horumarinta dhaqaalaha dalka ku saabsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Guddoomiyaha tuulada Dalsan ee gobolka Nugaal oo dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in laba ruux dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari oo barqanimadii maanta ka dhacay laamiga u dhexeeya tuulooyinka Dalsan iyo Xaaji Khayr ee gobolka Nugaal. Guddoomiyaha oo lagu magacaabo, Siciid Maxamed Siciid ayaa sheegay in gaariga shilka galay uu siday 5 ruux oo ka kooban 4 qof oo walaalo ah iyo hooyadood oo ay ka keeneen degmada Carmo ee gobolka Bari, halkaasoo lagu soo kabay, kadib markii ay jabtay. Qoyskan ayaa shilka galay, xilli ay ku socdeen magaalada Garoowe, kadib markii uu laamiga kala baxay gaari nooca raaxada ah oo ay wateen, waxaana halkaasi ku dhaawacmay hooyadii carruurta dhashay iyo hal gabar, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha Dalsan. Saddexdii qof oo kale ayaa ka badbaaday shilka, waxaana hooyadii da’da ahayd iyo gabadhii oo dhaawacyo culus qaba loola soo cararay isbitaalka magaalada Garoowe oo haatan lagu dabiibayo. PUNTLAND POST The post Dhaawacyo culus oo la keenay Garoowe kadib markii gaari la dhacay appeared first on Puntland Post.