-
Content Count
211,224 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan DFS ayaa maanta ka qayb galay janaasada iyo aaska Qaran ee Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, jimcihii geeriyooday. Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka xukuumadda federaalka Soomaalya, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa lagu aasay Qabuuraha Isbitaal madiina Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Marxuumka Allaha uga baryay in uu u naxariisto, ayaa caddeeyay in uu xukuumaddiisa uu ka baxay mid kamid ah wasiirradii ugu kartida badnaa isaga oo ku sifeeyay Wasiir Cabdiraxaan Xoosh in uu ahaa halyaay qaran oo ay ku wayntahay Soomaalinimada, daacad ah, howl kar ah, ka maran musuq-maasuq, shaqo badannada geliyay qabya-tirka dastuurka iyo qoriddii dastuurka KMG ee hadda lagu shaqeeyo. Marxuum Xoosh oo dhashay 1956, ayaa waxbarashadiisa heer jaamaadeedna ku qaatay dalka Canada, ayaa xubin kasoo noqday baarlamaankii 9-aad, waxa uuna sidoo kale laba jeer noqday wasiirka Arrimaha Dastuurka, isaga oo hogaaminayay qoristii iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee la ansixiyay August 2012-kii. Halkan hoose ka Daawo Sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Garoonka diyaaradaha ee magaaladda caasimada ah ee Muqdisho waxaa laga soo dejiyay meydka marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta ka qayb galay janaasada iyo aaska Qaran ee Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, jimcihii geeriyooday. Calanka Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu dahaaray isla markiiba laga soo saarey gudaha diyaaradda. Intaasi kadib, cutubyo kamid ah ciidamada qaranka ayaa meydka siiyay salaam sharafeed kahor inta aan Salaada Janaazada lagula tukan gudaha madaarka, waxaana salaadda hoggaaminayey Sheekh Kenyaawi. Mas’uuliyiin uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, ku xigeenkiisa iyo xubno kamid ah qoyska Marxuumka ayaa ka qeybgalay Salaada. Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka xukuumadda federaalka Soomaalya, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa lagu aasay Qabuuraha Isbitaal madiina. Marxuum Xoosh oo dhashay 1956, ayaa waxbarashadiisa heer jaamaadeedna ku qaatay dalka Canada, ayaa xubin kasoo noqday baarlamaankii 9-aad, waxa uuna sidoo kale laba jeer noqday wasiirka Arrimaha Dastuurka, isaga oo hogaaminayay qoristii iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee la ansixiyay August 2012-kii.
-
Dhuusomareeb (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa maanta gacanta ku dhigay rag Burcad oo la sheegay in saacadihii la soo dhaafay gawaari Xamuul ah ay ka Afduubteen duleedka magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Raggan oo gaarayay illaa 4 Qof ayaa waxa ay ciidamadu ku soo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen agagaaraha magaaladaasi. Qaar ka mid ah saraakiisha Galmudug ayaa sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay qorshe looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca deegaanada maamulkaasi. Muddooyinkii dambe waxaa falal lidi ku ah amniga ay ku soo badanayeen qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Agaasimaha guud ee wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa sheegayAllaha u naxariistee in wasiirkii Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil uu ku guuleystay inta uusan geeriyoon waxyaabo fara badan oo la xariira dhameystirka Dastuurka KMG ah ee dalka. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in meel wanaagsan uu u marayay Dastuurka oo uu ku rajo weynaa in dhameystirkiisa. Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ku dhintay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho. View the full article
-
Waxaa maanta oo Axad ah magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ku kulmay xildhibaannada baarlamaanka maamulka Jubbaland. Kulankan ayaa ahaa midkii 67-aad ee Kalfadhiga Afaraad, waxaana soo xaadiray 43 mudane, iyadoo looga hadlay xeerka biyaha Jubbaland oo horey usoo meelmariyeen golaha wasiirada ee maamulkaasi. Xildhibaannada ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey xeerkan, waxaana hadda uu xeerkan u gudbay dhanka madaxweynaha Jubbaland. Source: goobjoog.com
-
Shilalka Gaadiidka ee dalka ka dhacaa waxa ay inoola mid Noqdeen dhibaatooyinka Caadiga ah ee sida maalinlaha ah u dhaca, Shilkastoo dhaca wax cashar ah ama waayo-aragnimo ah kama qaadano, Waynu aragnaa, inta dhimatana samir iyo Iimaan baa la dhahaa inta dhaawaca ahna Dadkooda ayaa la tacaala oo ma Hellaan Dhakhtaro Bilaasha oo shilalka gaadiidka u xil saaran, ma jirto Xusuus iyo Xabaalo iyo cid si gaara loogu xusuusan karo oo lagu qoray innay shil gaadhi ku dhinteen si ay cashar innoogu noqoto maxaa yeellay waxa aynu ognahay oo aynu aragnay, Maqalnay, in Haldooro, Culimo, Abwaano, aqoonyahano, shacab, masuuliyiin dawladeed, arday, oo intuba rag iyo haweenba leh ay naftooda ku waayeen shil gaadhi, ama ay ku laxaad beelleen, oo ku hanti beelleen. Markasta oo gaadiidku bato waa markasta oo shilku bato, markaa waa in la hellaa wacyi joogtaa, Shuruucdii waddo marista oo la adkeeyay lana fuliyey, Goobo iyo Cisbitaalo ku haboon in lagu dabiibo dadka Shilalka gaadiidka ku waxyeelooba, Calaamadihii waddooyinka oo dhammeystiran, Ciidamo ku tababaran shaqadan iyo Bulsho aqbasha Shuruucda iyo Nidaamka waddo marista taasi waa xalka ugu wayn ee lagu yarayn karo shilalka gaadiidka ee joogtada u socda. In Shil dhaco waa Qadar Alle se haddana dhibkasta oo dhacda waa in cashar iyo waayo-aragnimo laga dhaxlaa, si go’aamo looga qaato shilalka Joogtadda ah. Waxa isku darsamay Darawal xumo, magaalooyinka qaarkood oo waddooyin xun, iyo Ciidamadda Nabad gelyadda oo Wakhtiyadda Qaarkood aan si saxa uga hawl galin Goobaha ku haboon, waddooyinka Qaarkood oo aan la isku waydaaran karayn, Dayac ka yimaada xagga Wadayaasha, gaadiidka oo qaarkood wakhti badan shaqeeyeen oo Burbureen iyo Calaamadaha Gaadiidka kala haga oo aad u yar ama aan Meelo badanba ka jirin. Isku soo duubboo Shilalku waa ay sii badanayaan waxaanna aynu u baahan nahay in aynu Qorshe iyo Ka hor tag adag ka yeellano haddii kale waxa aynu noqon dad intay Gawaadhi helleen kadibna ka dhaxlay Dhimasho, dhaawac, khasaare maaliyadeed iyo Dhibaato kale ee bulshaddu dareemayso. Inta Gaadiid jiro Shilna waa dhacayaa se inta gaadiid jiro waa in ka hortagiisuna jiraa oo markasta Lagu xisaabtamaa Xal u helida dhibkan. Dadkeenna aqoonta leh ee jecel innay Dhibkan ka hor tagaan si aqoomaysan waxaan ka ballanqaadayaa in aan ana ka caawiyo Cilmi baadhisyo badan oo aan ka sammeeyay oo xalkooda wata. Haddii aad darawal tahay fadlan markasta isku day Badbaadinta bulshadda oo ka fikir Sidii aad xawaare degan ugu waddi lahayd dadka ku saaraan kuna xisaabtan haddii Gaadhi ama wax iska socdaa kaa hor yimaadaan innaad gaadhigaaga maareyn kartid. Dhammaan intii Maanta shilkan wax ku noqotay Alle ha cafiyo oo caafimaad sareecanna Alle ha siiyo. Waxaanan soo jeedin lahaa in shirkadaha Gaadiidka ee socdaalada la xadido xawaaraha ay ku soconayaan inta ay safarka ku jiraan kii ka badiyana la ganaaxo Liisanka lagala noqdo. Anigu waxaan aaminsan ahay in haddii sharciyadda iyo dastuurkeenna lagaga shaqaysiino in wax badani saxmi lahaayeen oo hagaagi lahaayeen shilalka gaadiidkana Sharci adag looga sammayn lahaa haddii kii hore u baahdo wax ka beddel. Aynu wacyi galinta badino oo iskeen isku abaabulno sidii aynu uga hor tagi lahayn dhibkan. Farxaanmxd@gmail.com Berbera Facebook:- Rakad Mxd Sultan Qaran News
-
Kampala (SMN) – Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay in ciidamadiisa ku sugan uu la bixi doono, haddii Qaramada Midoobay ay ku adkeysato dhimista ciidamada AMISOM. Mr Museveni ayaa xusay in Soomaaliya ay ka joogaan 6,400 oo askari, waxaana hore golaha ammaanka ee QM uu ku wargeliyay in dhamaan ciidamadaasi uu la baxayo. Madaxweynaha Uganda ayaa hadalkaasi dhawaan ka jeediyey shir ay isagu yimaadeen wasiiro ka socday dalalka harooyooyinka waaweyn oo ka dhacay magaalada Kambala “Al Shabaab waxaa weli ay halis weyn ku yihiin ammaanka Soomaaliya,waxaana gacanta ku hayaan deegaano badan”sidaasi waxaa yiri Yuweri Museveni madaxweynaha Uganda. Museveni ayaa noqonaya madaxweynihii labaad ee dalalka ciidamada ay joogaan Soomaaliya uu ku goodiya in ciidamadiisa qeybta ka howlgalka AMISOM uu kala baxaya gudaha Soomaaliya. Horay ayaa waxaa hadalkan oo kale ku hanjabay madaxweynaha dalka Burundi Bayer Nkurunziza oo sheegay in ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaaliya, kadib markii lagu amray in uu Soomaaliya ka saaro 1,000 askari oo ka tirsan ciidamadiisa. Golaha ammaanka ee QM ayaa sannadkii 2017 soo saaray qaraar gabi ahaanba Soomaaliya looga saarayo ciidamada AMISOM sannadka 2020, xilligaasoo ammaanka dalka ay la wareegayaan ciidamada Soomaaliya. View the full article
-
Wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in lagu dhex dilay Iskuulka Mujammac mid ka mid ah ardayda dhiganeysa iskuulkaasi. Ardaygan waxaa dilay arday kale oo la sheegay in shalay uu gacan ka hadal dhex maray, hase ahaatee uu maanta soo qaatay Mindi islamarkaana ku dhuftay xilli fasalka lagu jiray, ardayga la dilayna uu ku mashquulsanaa qorista duruusta. Ardayga dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar Macallin, waxaana la qabtay ardagii gacan ku dhiiglaha ahaa xilli uu isku dayey inuu halkaasi ka baxsado. Macallimiinta iyo maamulka Iskuulka ayaa sheegay in arrintan ay naxdin ku noqotay maadaama aanay fileyn in fal sidaas oo kale ah ka dhici karo fasalkooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines ayaa maanta burburtay, Lix daqiiqo kadib markii ay ka kacday garoon ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Afhayeen u hadlay Ethiopian Airlines ayaa sheegay in diyaaraddan ay ku wajahneyd magaalada nairobi ee dalka Kenya, waxaana saarnaa 157 qof oo 8 ka mid ah ahaayeen shaqaalaha diyaaradda. Lama oga waxa keenay in diyaaraddan ay burburto, waxaana warbaahinta qaar ay sheegayaan in dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda ay dhinteen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Prime Minister of Somalia, Hassan Ali Khaire is expected to pay his first visit to Kismayo, a port city in Southern Somalia in the coming few hours. Jubbaland State is in final preparation for the welcoming of the country’s PM, who is currently in Mogadishu the state funeral of the late constitution minister, Abdi Hosh Jibril. The security of Kismayo has been extremely tightened ahead of the PM’s arrival, with state troops deployed across the main streets. The relations between Jubbaland and the central government has been at a low point in the past years following a fall out over the resources sharing and other national issues. View the full article
-
Baladweyne (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya arday barqanimadii maanta lagu dhex dilay iskuul ku yaalla xaafadda Kooshin magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Marxuumka geeriyooday oo magaciisa lagu soo koobay Cumar ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay Arday kale oo ay wada dhiganayeen iskuulka hoose dhexe iyo sare ee Mujamac Baladweyne. Dilkan oo loo adeegsaday Toorey ayaa ka dhacay gudaha Iskuulka, kadib markii ay wada murmeen labada Arday, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo. Sidoo kale waxa uu dhaawac soo gaaray Shuceyb Xasan oo ahaa Ardaygii falka dilka ah geystay, kaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka guud ee M/Baladweyne. Illaa iyo hadda ma jiro warar faah faahsan oo uu maamulka Dugsiga iyo kan degmada Baladweyne ay ka bixiyeen dhacdadaasi. Arrintan ayaa walaac iyo wal-wal xoogan ku reebtay waalidiinta, Ardayda, macalimiinta iyo maamulka Mujamac, maadaama fal dil ah uu ka dhacay Iskuulkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-10032019.mp3 View the full article
-
Allaha unaxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho Aas qaran loogu sameeyay wasiirkii dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriill . Aaska wasiirka ayaa waxaa ka soo qayb [...] Source
-
A joint team from the United Nations and the African Union (AU) is in Somalia to review progress made in implementing the transition plan whose key objective is the transfer of security responsibility from the AU peacekeeping mission to security forces, the AU mission said on Friday. The delegation led by Francis Okello, chief of plans and operations Unit in the AU’s Peace Operations Support Division, will evaluate steps taken by AMISOM in implementing tasks under the transition plan as mandated by the UN and AU councils. “There were some mandates issued by the two councils (UN and AU) to be undertaken by this Mission. The joint review will definitely be looking at those mandates and also focus on the Somalia Transition Plan,” Okello said in a statement issued by the AU mission. A UN Resolution authorized the reduction of uniformed AMISOM personnel by 1,000 by end of February. The resolution also mandated AMISOM to maintain a minimum of 1,040 police personnel including five formed police units. During the week-long visit, the delegation will meet with the AMISOM senior leadership, officials from the government, the UN, representatives of international partners, diplomats from AMISOM troop contributing countries and the European Union. The delegation will also hold discussions and analyze Somalia’s political and security situation as the country prepares for one-person, one-vote elections in 2020-2021 period. Vincent Pasquini, Team Leader of the UN delegates said the review would look into issues of transition planning, electoral preparations and the operating environment in Somalia. During the joint review meeting held in May 2018 Somalia reiterated its commitment to assume security responsibility as stipulated in the transition plan. It urged the review team not to judge the country by its past but by achievements so far made in stabilizing the country. View the full article
-
A court in Kuwait has sentenced a Somali woman to four years imprisonment after she was convicted of a murder case. The woman whose name was publicly mentioned was said to have stabbed her brother to death. According to Al-Anba daily, the prosecutors submitted their evidence against the woman. The woman killed the victim in September last year after a dispute sparked between the two. The prosecution said the man was rushed to the hospital and later was declared dead upon. The defence lawyers said their client had pleaded that she did kill the victim deliberately and was in defence position during sprawl. The court declared the verdict on Saturday and the convict was offered a chance to appeal. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Diyaarad sida Meydka Marxuum C/raxmaan Xoosh Jibiil ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, aas Qaran oo lagu maamuusayo marxuumka ayaa hadda ka socoto magaalada Muqdisho. Salaadda Janaasada ayaa lagula tukaday marxuumka garoonka Aadan Cadde, waxaana ka qayb galay Guddoomiya Aqalka Sare Guddoomiayaha ku-xeegnka labadaad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul wasaaraha XFS,guddigii loo xilsaaray Qaban-qaabada aaska qaran ee marxuum Xoosh oo kala ah Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, waxbarashada, Warfaafinta, Kalluumeysiga iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha Dastuurka, Mas’uuliyiin kale qaar kamid ah Culumaa’diinka Soomaaliyeed, ehelada marxuumka iyo dadwayne farabadan. Waxaa maydka marxuumka lagu aasayaa qabuuraha ku yaalla dhabarka dambe Isbitaal Madiina.Marxuum C/raxmaan Xoosh wuxuu ahaa shaqsi karti badan kuna sifoobay dal jacayl,isagoo aqoontii uu bartay uga faa’ideeyay dalkiisa iyo dadkiisa. Taariikh nololleedkaMarxuum EX. Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil Marxuum Cabdiraxmaan XooshJabriil wuxuu ku dhashay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, 25-kii bishii Juun ee sannadkii 1956-dii Waxbarashadiisii dugsiyada hoose, dhexe iyo sareba wuxuu ku soo qaatay magaalada Jowhar ,kadibna wuxuu magaalada si uu u guto tababarkii Xalane iyo Shaqadii Qaranka,Bartamihii todobaatameeyadii wuxuu aaday dalka Boqortooyada Sacuudi Careebiya halkaasi oo uu dhowr sano ka shaqaynayay, wuxuuna uga sii gudbay dalka Kanada, Marxuum Xoosh wuxuu shahaahada heerka koowaad ee cilmiga bulshada ka qaatay Jaamacad ku taalla Kanada, kadibna wuxuu shahaadadiisa masterka ka diyaariyay Culuumta sharciga, wabarashadiisii kadib isla dalka Kanada ayuu ka bilaabay Shaqooyin la xiriira dhinaca sharciga isago can ku ahaa gacan qabashada dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi qaxootinimada ku taga. Sannadkii 2011-kii ayuu dalka dib ugu soo laabtay,isla sanandkaas waxaa loo magacaabay Wasiirkii Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta ee Dowladdii KMG ahayd, xilkaas waxa uu hayay ilaa sannadkii 2012-kii wuxuuna gacan libaax ka qaatay ka gudbidda Axdi Qarameedkii lagu shaqeynayay, waxaana wasaaraddii Dastuurka ee uu madaxda ka ahaa marxuum wasiir Xoosh ku guuleystay in la sameeyo Dastuurka KMG ee hadda ka shaqeeya.dalka. Marxuum Xoosh Sannadkii 2012-kii waxa uu noqday xildhibaan ka tirsan Barlamaankii 9-aad ee Soomaaliya, horaantii sannadkii 2017-ka ayaa marke Ra’iisul wasaare Khayre u magacaabay wasiirka Arrimaha Dastuurka, wuxuuna labadii sanno ee la soo dhaafay Dastuurka dalka uu soo gaarsiiyey heer gabogabo ah, si mustaqbalka dhow afti dadweyne loogu qaado. 8-dii Maarso 2019-ka ayuu ku geeriyooday waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta,sabab la xiriirta ka qaybgalka arooska Gabadhiisa oo halkaasi ka dhacayay, waxaana habeennimadii Jimcaha ku soo booday xanuun deg deg ah kaasi oo isbitaalka ugu geeriyooday.isla 8-da Maarso R’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa guddi heer Qaran ah u magacaabay qabanqaabada aaska qaran ee Wasiirkii hore ee Dastuurka XFS Marxuum Cabdiraxmaan Xoosha Jabriil.(INAA LILLAAHI WA INNAA ILLEYHI RAAJUCUUN). View the full article
-
Egypt and Somalia are strengthening security coordination because of what they deem are common threats. The two countries signed on March 1 a memorandum of understanding on security cooperation, a document that allows for concentrated security coordination between Cairo and Mogadishu. During a meeting in Cairo with Somali Internal Security Minister Abukar Islow Duale, Egyptian Interior Minister Mahmoud Tawfiq said increased intelligence cooperation between the two countries would weaken terrorist groups in both territories. Egypt also said it would share counterterrorism expertise with Somalia, train security personnel and exchange intelligence with Somali officials. There is concern that unrest in the Horn of Africa could threaten navigation in the southern entrance of the Red Sea, possibly affecting access to Egypt’s Suez Canal. “Somalia is a very important state in the Horn of Africa’s strategic security equation,” said Khaled Okasha, a member of the Supreme Anti-Terrorism Council, which advises the Egyptian presidency. “This is why security coordination with it is a matter of utmost importance.” Despite efforts by the government in Mogadishu, African Union troops deployed in the country and occasional air strikes by the United States, al-Qaeda-aligned al-Shabab remains a major terrorist threat in Somalia and its environs. Attacks by al-Shabab, including one March 1 near a hotel in Mogadishu, signal the need for improved counterterrorism actions in the country. Apart from threatening Somalia, al-Shabab is also a concern for neighbouring countries, especially Kenya. Egypt is fighting both the Islamic State (ISIS) and al-Qaeda-aligned groups in its territory, with many fearing that battle-hardened jihadists fleeing Syria could move into Africa. Egypt’s concern, security analysts say, is that terrorist groups in other African countries, including Somalia and Nigeria, will join militants in North Africa, particularly Libya, in a broad strategy to foment unrest in Africa. “Al-Shabab has already started staging attacks in Somalia’s neighbouring countries,” Okasha said. “Egyptian authorities are closely monitoring these developments.” Egypt, which holds the rotating presidency of the African Union, has pledged to lead the continent into greater security and an effective counterterrorism strategy. Apart from establishing a command centre for counterterrorism operations in its new administrative capital on the outskirts of Cairo, Egypt is organising joint training with other African militaries to share counterterrorism tactics. Some terrorist groups active in Africa, including ISIS-affiliated Boko Haram in Nigeria, have been providing others active in Libya with recruits through Libya’s southern border with Chad and Sudan. This has become an increasing threat for Egypt, whose border with Libya has become a hotspot for smuggling of arms and militants into Egypt’s Western Desert. This also makes security cooperation with those countries a priority for Cairo, security analysts said. “Egypt has a lot to offer to help these countries modernise their security agencies,” said MP Kamal Amer, chairman of the Egyptian parliament’s Defence and National Security Committee. “Apart from having valuable counterterrorism expertise to share, Egypt can increase economic cooperation with those countries to help them towards stability.” This was at the heart of talks between Egyptian Foreign Minister Sameh Shoukry and Somali Minister for Foreign Affairs Ahmed Isse Awad in Cairo four days after Egypt and Somalia signed the memorandum of understanding on security cooperation. Egypt, Shoukry said, would continue to back the Somali economy and push development in the Horn of Africa country. “Somalia’s security is an essential part of Egypt’s national security,” he said. A meeting of Egyptian and Somali businessmen is being planned to bolster trade and investment cooperation between Egypt and Somalia. Security conditions in Somalia, analysts said, have a direct bearing on the situation in the southern entrance of the Suez Canal, a vital international maritime passageway and an important source of revenue for Egypt. Egypt has a naval presence near the Bab el Mandeb Strait and has agreed with Sudan to increase maritime cooperation to improve security in the Red Sea region. Nevertheless, stronger cooperation with Somalia will be in the country’s best interests and a step aimed at protecting the Suez Canal from unrest in the Horn of Africa. “Sorry to say, Somalia has become a fertile soil for terrorists and pirates,” said retired Egyptian diplomat Mohamed al-Shazly. “The Suez Canal is a national security issue for Egypt.” View the full article
-
Shirkadda duullimaadyada Ethiopian Airlines ayaa sheegtay in ay burburtay diyaarad ay leedahay Axaddii saaka kadib markii ay duushay Addis Ababa iyadoo socotay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa sidday 149 rakaab ah iyo 8 shaqaala waxaana ay ku burburtay nawaaxiga degmada Bishoftu oo qiyaastii 62 km koonfur bari ka xigta magaalada Addis Ababa sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay shirkadda Ethiopian Airlines. Diyaarada ayaa burburtay saaka markii saacadu ahayd 8: 38 AM, waxayna markaas hawada ku jirtay 6 daqiido oo kaliya. Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa isna qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka u tacsiyeeyay dadkii eheladoodu ku dhinteen shilkaasi. The Office of the PM, on behalf of the Government and people of Ethiopia, would like to express it’s deepest condolences to the families of those that have lost their loved ones on Ethiopian Airlines Boeing 737 on regular scheduled flight to Nairobi, Kenya this morning. — Office of the Prime Minister – Ethiopia (@PMEthiopia) March 10, 2019 PUNTLAND POST The post Diyaarad ay leedahay Ethiopian Airlines oo burburtay appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose, iyo sidoo kale deegaanno ku dhow degmadaasi. Sida lagu daabacay warbaahinta dowladda, waxay ciidanka xoogga dalka Al-shabaab ka qabsadeen hub badan, kadib 9-kii bishan ay ciidanka weerar ku qaadeen xaafad ka tirsan degmada Qoryooley. Hubkan ayaa la sheegay in Al-shabaab ay dhigteen guri ku yaalla xaafaddaasi, islamarkaana uu dhowr nuuc isugu jiro. Sidoo kale, lama sheegin in howlgalkan ay ciidanka DFS ku qabsadeen hubka sidoo kale ay dad kusoo qabteen iyo in kale. Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal wararkan sheegaya in hub ay lahaayeen lagu qabtay degmada Qoryooley ee Sh/hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Adis Ababa (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya burburka diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopia Airline oo ku wajahneyd magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Diyaaradda ayaa ka duushay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxaana la sheegayaa inay dhinteen rakaab badan oo diyaaradaasi saarnaa. Nooca diyaaradda Ethiopian Airline ee burburtay ayaa la sheegay inay aheyd Boeing 737 , waxaana saarnaa rakaab gaaraya 157 qof, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia. Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ethiopia , ayaa qoral laga soo saaray waxaa loogu tacsiyeey ehelada ku waayay kuwii ay jeclaayeen. Lix daqiiqo kadib markii diyaaradda ay ka duushay garoonka Bole International ee magaalada Addis Ababa ayaa la sheegay inay burburtay. Caasimada Online Xafiiska Ethiopia Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Wafdi isku dhaf ah oo ka socday Qaramada Midoobay Midoobay iyo Midowga Africa ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho,si ay u hubiyaan qaabka uu u socdo qorshaha kala guurka AMISOM ee Soomaaliya oo hadafka laga leeyahay uu yahay in ammaanka dalka guud ahaan ay la wareegaan ciidanka dowladda Soomaaliya. Wafdiga soo gaaray Muqdisho ayaa qiimeyn doona tallaabooyinka ay qaadeen AMISOM ee ku aadan qorshaha kala guurka,sida lagu cadeeyay qaraar sanadkii la soo dhaafay uu soo saaray golaha ammaanka ee QM iyo golaha nabadda iyo amdaanka ee Ururka Midowga Africa. General Francis Okello oo hoggaaminayay socdaalka wafdiga ayaa sheegay in xubanaha ka socday labada gole ee QM iyo Midowga Africa u jeedadooda ay tahay in dib u eegis ku sameeyaan, sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku hirgali karo qorshaha kala guurka AMISOM iyo sida ciidamada dowladda ay ugu diyaar garoobeen hanashada ammaanka dalka. Wafdigan ayaa booqashadooda Soomaaliya waxay qaadan doontaa muddo todobaad ah,waxayna inta ay joogaan ay la kulmi doonaan hoggaanka AMISOM ee oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay kamid tahay caqabadaha uu xilligan wajahayo howgalka Midowga Africa ee Soomaaliya. QM ayaa bishii December ee sanadkii tagay soo saartay qaraar qeexaya in sanad weliba kun askari laga dhimo howgalka AMISOM, iyadoona bishii la soo dhaafay 1000 askari oo u dhashay Burundi oo qeyb ka ahaa howlgalka AMISOM ay dib ugu laabteen dalkooda. View the full article
-
Kampala (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa markale ku goodiyay in dhamaan ciidamada kaga sugan Soomaaliya uu la baxayo haddii midowga Africa isku dayaan inay yareeyaan ciidamada Uganda ee Somalia jooga. Madaxeynaha Uganda wuxuu sheegay in isaga uu ku wargeliyay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay in dhamaan ciidamada ka jooga Soomaaliya oo ka badan 6,400 oo askari uu la baxayo haddii la isku dayo in la dhimo ciidamada Uganda. Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii madaxweynaha Burundi uu ku hanjabay in ciidamada ka joogo Soomaaliya uu guud ahaan la baxayo haddii aan la joojin tirada ciidamada Burundi kaliya ee ka baxaya Soomaaliya. Museveni ayaa yiri: “waxaa ay noo soo jeediyeen Golaha amaanka in tirada ciidankeenna aan dhinno, laakiin waxaan u sheegay in aan dhimayo, laakiin aan soo saareyn hal Askari ilaa aan dhamaantood soo saaro”. Musaveni ayaa sheegay in ciidamada ku sugan Soomaaliya ay dalkooda ku xiran tahay inay sii wada joogaan ama inay ka wada baxaan ciidamada AMISOM ee Howlgalka ka wada Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007. Waxaa uu Madaxweyne Museveni intaas raaciyay in Muqdisho looga baahanyahay lacag Ciidan lagu qorto laakiin aysan taas muhiim ahayn, maaddaama sida uu sheegay lacagta dib laga heli karo. Uganda waxaa hanjabaada kaga horeyay Burundi, waxaana la og yahay in dhamaan dalalka AMISOM dhaqaalo badan uu kasoo galo howlgalka ay u joogaan Soomaaliya, taasi oo keeneysa inaysan ka bixin dalka, islamarkaana aysan qaban shaqo la taaban karo. Caasimada Online Xafiiska Uganda Caasimada@live.com
-
Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in arday wada dhigta iskuul ku yaala magaalada ay isku dhex dileen iskuul ku yaala magaalada Beledweyne. Ardayda ayaa la sheegay inay dhiganayeen iskuulka Mujamac ee magaalada Beledweyne, waxaana geriyooday mid kamid ah ardayda halka ruuxa kale la sheegay inuu dhaawac soo gaaray. Ardayda ayaa isku adeegsaday Aalada Tooreyda, waxaana isbitaalka magaalada Beledweyne la dhigay ruuxa dhaawaca uu soo gaaray, sida maamulka iskuulka ay xaqiijiyeen. Ilaa iyo hadda lama sababta keentay inay labadaan arday isku weeraraan Toorey iyagoona waxkabaran jiray Iskuulka lagu magacaabo Mujamac ee ku yaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Maamulka Iskuulka ayaa sheegay in labada arkay ay muddo badan murmayeen, waxaana loo malaynayaa inay horey xurguf u dhex taalay, taasi oo keentay inay Toorey isku adeegsadaan. Waxaa socda baaritaanka dhacdadaan, waxaana ciidamada amaanka la sheegay inay gaareen iskuulka ay dhacdada ka dhacday, waxaana aad loo hadal hayaa dhacdada ka dhacday Iskuulka Mujamac. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com