Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha wadanka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xalay booqasho ku tegay caasimadda wadanka Jabuuti ee Jabuuti, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Booqahada Emmanuel Macron ee Jabuuti ayaa qayb ka ah safar 4 maalmood ah oo uu ku marayo wadamada Itoobiya iyo Kenya ee bariga Qaaradan afrika. booqashadiisa ayaa imaanayso iyadoo ay sii kordh saamaynta wadanka shiinihu uu ku leeyahay wadamada Qaarada Afirka. Dalka Jabuuti ayaa ku yaal Marin biyood muhiin ah oo u dhexeeya Canalka Sues, Badda Cas iyo badda gacanka Cadmeed. Jabuuti waxaa ku yaal Saldhiga milteri ee ugu taariikhda dheer ee Faransiisku ku leeyahay Adduunka. Sidoo kale dalka jabuuti waxaa ku yaal saldhigyo miltari oo ay leeyihiin wadamada Maraykanka, Jarmalka, Jaban iyo dalka shiinaha. Source
  2. Jabuuti (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xalay gaaray Jabuuti , iyadoona si weyn loogu soo dhaweeyay dalkaasi. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle ayaa si maamuus leh ugu soo dhaweeyay gigida diyaaradaha Jabuuti, waxaana kadib loo galbiyay Qasriga madaxtooyada. Booqashada uu Macron ku tagay dalka Jabuuti ayaa aheyd mid horay loo sii shaaciyay, isagoona kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda dalkaasi. Labada dowladood ayaa ka wada hadli doona xiriirkooda iyo amniga, gaar ahaan arrimo ku aadan saldhigga milatari ee uu Faransiiska ku leeyahay dalkan ku yaalla bariga geeska Afrika ee Jabuuti. Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada madaxweyne ay kulankooda ku soo hadal qaadi doonaan arrimo quseeyo xaaladda Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynaha Faransiiska ayaa la sheegay in ay socdaalkan uu ku sii mari doono dalal dhowr ah oo dhac geeska Africa, sida Kenya, Ethiopia, Uganda iyo kuwa kale, balse lama shaacin in dalalkaasi ay ku jirto Soomaaliya. Faransiiska iyo Jabuuti waxaa ka dhexeeya xiriir fog, iyaga oo wadaaga iskaashi dhinaca milatariga ah, waana markii ugu horreysay uu madaxweyne Macron booqdo dalkaasi. View the full article
  3. (SLT-Washington)-Maamulka Duulimaadyada Dawladda ee Maraykanka ayaa u sheegay shirkadaha diyaaradaha in ay rumeysan yihiin in diyaaradda nooca Boeing 737 Max 8 ay tahay diyaarad la isku haleyn karo ka dib markii laba diyaaradood oo noocaasi ah ay burbureen muddo lix bilood gudahood ah. Diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa ayaa axaddii la soo dhaafay burburtay lix daqiiqo oo kaliya markii ay hawada ku jirtay, waxaana shilkaasi ku dhintay 157 qof oo saarnayd. Shilkaasi waxaa ka sii horreeyay shil kale oo ay ku dhinteen 189 qof oo rakaab ahayd oo saarnaa diyaaradda Lion Air 737 Max 8 oo burburtay bishii Oktoobar ee sanadkii hore. Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa ku baaqay in diyaaradda in nooca Boeing 737 Max 8 la hakiyo isticmaalkeeda ilaa iyo inta baaritaan buuxa laga sameynayo. Balse xalay ayuu maamulka duulimaadyada ee magaciisa loo soo gaabiyo FAA ayaa soo saaray warbixin uu ku shaacinayo in diyaaraddaasi tahay mid ammaan ah oo la isticmaali karayo Shiinaha, Indonesia, iyo Itoobiya ayaa isniintii dalbaday in shirkadahooda diyaaradaha ay joojiyaan isticmaalka diyaaraddaasi. Shirkadaha diyaaradaha ee waddamada Argentina, Mexico iyo Brazil ayaa sidoo kale hakiyay isticmaalka diyaaraddaasi Boeing 737 Max 8. Hase yeeshee shirkado kale ayaa sii waday duulimaadyada diyaaraddan 737 Max 8 kadib markii shirkadda Boeing ay sheegtay in ay ammaan tahay. Saamiyada shirkadda Boeing ayaa shalay oo Isniin ahayd hoos u dhacay 12.9% kadib markii uu shilku dhacay. Wasiirka gaadiidka Mareykanka Elaine Chao ayaa sheegay in la qaadi doono tallaabo deg deg ah oo macquul ah haddii diyaaraddaasi lagu arko wax cillad ah oo sababaya in ay mar kastaa burburto. Shirkadda samaysa diyaaradda Boeing ee dalka Maraykanka ayaa wajahaysay su’aalo badan oo la xiriira heerka badqabka diyaaradda nooceedu yahay 737 kadib shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya Source
  4. Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa ku sugan ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, iyadoo xalay uu ku hoyday magaaladaasi. Wararka ay Goobjoog ka heleyso Kismaayo waxa ay sheegayaan in Kheyre xalay uu la kulmay madaxda Jubbaland, saakayna ay soconayaan kulamo kale oo gaar gaar ah. Waxyaabaha ugu badan ee Labada dhinac ka wadahadlayaan waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka DFS iyo maamulka Jubbaland, sidoo kalena waxaa laga hadlayaa xallinta tabashooyinka jiray. Ammaanka guud ee magaalada Kismaayo aad ayaa loo adkeeyey, iyadoo ciidamada ammaanka lagu arkayo waddooyinka magaaladaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Kampala (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda. Madaxweynaha ayaa ku biiraya Madaxda dalalka Uganda, Koonfur Afrika, Tanzania iyo Kenya, wakiillo ka socda hay’adaha iyo bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo ergooyin kor u dhaafaysa ilaa kun oo ka qeyb galaya shir-madaxeed looga hadlayo sidii loo heli lahaa Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo, isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo, kaas oo maanta ka furmaya Magaalada Kampala. Madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doona qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb gashay shirka ayaa waxa uu kala hadli doonaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaas, iyo sidii Soomaaliya loogu gacan siin lahaa geeddi socodka dowlad-dhisidda iyo dadaallada lagu la cirib tirayo argagaxisada. Safarkan shaqo waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi). View the full article
  6. Awdheegle (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa laga fuliyay deegaanada Mubaarak iyo Daaru-Salaam oo 7 KM galbeed ka xiga degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Ilo deegaanka ayaa Shabelle u xaqiijiyay in gantaalada qaar ay ku dhaceen meelo ay daganaayeen dad shacab ah, sida guryo iyo goobo ganacsi oo u yaallay halkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymahani, iyadoona la sheegay in ay ku dhaawacmeen Hooyo iyo ilmo yar oo ay dhashay. Sidoo kale waxaa duqeyntan la sheegay in uu barbar socday dagaal toos ah oo ciidamada Bangarafta Soomaaliya ay ku qaadeen deegaanadaasi. Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan waxa ay sheegeen in ay ka hortageen, islamarkaana ay khasaaro gaarsiyeen ciidankii soo qaaday. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo ku aadan dhacdadan. Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa Sh/ Hoose ka dhacayay weeraro iyo duqeymo ka dhan ah Al Shabaab oo ku xoogan gobokaasi. View the full article
  7. Jowhar (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaal uu dhexmaray kooxda Macaawiisleey iyo ururka Al Shabaab. Dagaalka ayaa ka dhacay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana lagu waramayaa inay khasaaro kala gaartay dhinacyada dagaalamay. Dagaalka xoogiisa ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee duleedka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana lagu waramayaa in khasaaro uu ka dhashay dagaalka. Kooxda Macaawiishleey ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar ku qaaday saldhigyo ciidamada Al Shabaab ku leeyihiin deegaano hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana dagaalka uu socday ku dhawaad 30 daqiiqo, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Labada dhinac wax faahfaahin ah kama aysan bixin, laakiin dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac gaaray dhinacyada dagaalamay. Sidoo kale mid kamid ah xubnaha kooxda Macaawiisleey ayaa sheegay inay Al Shabaab ka dileen xubno saraakiil ahaa, kuwaasi oo ku sugnaa saldhiga la weeraray. Cabsi xoogan ayaa ka taagan deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Cadale ee gobolka, waxaana dadka deegaanka ay ka baqayaan in markale lagu dul dagaalamo. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-12032019.mp3 View the full article
  9. Afgooye (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaanka Daarusalaam ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada DANAB oo taageera ka helaya ciidamada Mareykanka ay weerar ku qaadeen saldhiga Al Shabaab ku leeyihiin deegaanka Daarusalaam. Deegaanka Weerarka uu ka dhacay ayaa qiyaas ahaan 7 KM u jira degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ciidamada oo wata diyaaradaha dagaalka ay u degteen dhulka, iyaga oo kadib ay halkaasi kula dagaalameen Al Shabaab. Ma jiro war kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya iyo taliska ciidamada Mareykanka, balse Al Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalka ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee gobolka SHabeelaha Hoose. Al Shabaab ayaa sheegay in ciidamadooda ay fashiliyeen weerarka ciidamada ay damacsanaayeen, waxaana ay sheegeen in weerar dhabogal ah iyo qaraxyo ay la eegteen ciidamada isbaheysanayay. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa weerarka ka dib duqeymo ka fuliyay deegaanka Daarusalaam ee duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida Al Shabaab ay sheegeen, waxaa duqeynta ku dhaawacmay 2 ruux. Sanadkii 2017 sidan oo kale ciidamada isbaheysanaya ayaa weeraray deegaanka Daarusalaam ee gobolka Shabeelaha Hoose. La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com
  10. Mid ka mida Madaxda Ciidamada AIMSOM oo la shaaciyey inuu ku geeriyooday Diyaaradii Burburtay ee Ethiopia Airlines Xukuumadda Uganda ayaa xaqiijisay maanta dhimashada taliye ku xigeenkii booliska AMISOM ee k a hawlgala Somalia, Christine Alalo taasoo ka mid ahayd rakaabkii la socday diyaaradda Ethiopian Airlines ee ku bur-burtay gudaha dalka Itoobiya. Inkstoo Taliska booliiska Uganda uu xalay beeniyay warkan oo markii ugu horreysay lagu shaaciyay baraha bulshadu ay ku xidhiidho, ayaa haddana mar dambe waxaa taliska booliiska Uganda uu xaqiijiyay geerida Christine Alalo. Sidoo kale, Christine Alalo ayaa waxay ahayd taliye ku xigeenka ciidammada booliiska AMISOM ee ka socda dalal dhawr ah, kuwaasoo ciidamada booliiska Somalia gacan ka siiya dhanka tababarrada iyo qalabeynta. Dhanka kale, Afhayeenka booliiska Uganda, Fred Enanga ayaa wuxuu xalay beeniyay geerida gabadhaas, balse wuxuu xaqiijiyay mar danbe inay ku geeriyootay shilka diyaaradeed. Rakaabkii la socday diyaaradda Itoobiya laga leeyahay oo safarkeedu ahaa Addis Ababa iyo Nairobi oo ah xarumaha Kenya iyo Itoobiya ayaa dhamaan la sheegay inay ku geeriyoodeen, kuwaasoo tiradoodu ahayd 149 qof oo ah rakaab iyo sideed shaqaalihii diyaaradda ahaa. Soomaalidii ku dhintay shilkan diyaaradeed ayaa tiradooda lagu sheegay in ay dhan tahay sagaal qof oo dhammaantood watay baasaboorro ajnabi ah marka laga reebo mid ka mid ah shaqaalaha xafiiska RW Khayre oo isagu watay baasaboorka Soomaaliga. Ugu dambeyn, Shilkan diyaaradeed ayaa waxaa kaloo ku geeriyooday qaar ka mid ah hay’adaha QM ee fadhigeedo yahay Nairobi, kuwaasoo qaarkood ay u dhasheen dalka Kenya oo ahaa dalkii ay tiradii ugu baydn ku waayay shilkaas diyaaradeed. Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli socda dagaalka ay taageerayaasha iyo dadka ku beesha ah madaxweyne Farmaajo ka wadaan baraha bulshada ee ka dhanka ah ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo ay ku eedeynayaan inuu madaxweynaha qiyaamay. Weerarkii ugu dambeeyey ayaa shalay galab dib u billowday kadib hadal afka kasoo dafay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo Kheyre ugu yeeray madaxweyne, intuu uu ka oran lahaa ra’iisul wasaare. Hoos ka dhageyso codka Axmed Madoobe. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/54499200_297354177612580_5752560410351894528_n.mp3Taageerayaasha madaxweynaha ee weerarka ku haya Kheyre ayaa hadalkaas ku macneeyey inuu caddeyn u yahay in Kheyre uu yahay musharax madaxweyne, islamarkaana hadalka Axmed Madoobe uusan ahayn wax afka uu ka dafay, balse ah qeyb ka mid ah qorshaha Kheyre uu ku tagay Kismaayo. Taageerayaashan oo u badan dad ay hagayaan shaqsiyaad danahooda ka waayey Kheyre, iyo kuwa qabyaalad darteed u cabsanaya in Farmaajo kursiga uu waayo, ayaa Kheyre ka dalbaday inuu is-casilo, maadaama uusan daacad u ahayn madaxweynaha, sida ay hadalka u dhigeen. Ra’iisul wasaare Kheyre oo ay inta badan u arkaan nin ka fir-fircoon madaxweynaha kana awood badan, ayay sidoo kale ku eedeeyeen in isbahaysi uu la samaysanayo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Kabul (Caasimada Online) – Aas-aasaha ururka Taliban Mullah Cumar ayaa sanado badan ku noolaa meel masaafo kooban oo socod ah un u jirta saldhigyada ciidamada Mareykanka, sida lagu sheegay buug cusub, taasi oo soo jeedeineysa guul-darro ceeb ah oo asiibtay sirdoonka Mareykanka. Hogaamiyayaasha Mareykanka iyo Afghanistan ayaa rumeysnaa in Mullah oo la’aa hal il uu u cararay dalka Pakistan ugu dmabeynna ku dhintay. Si kastaba, buug cusub oo taariikhdiisa laga qoray ayaa shaaca ka qaaday inuu ku noolaa meel saddex mile un u jirta saldhigga ciidamada Mareykanka ee gobolka Zabul, halkaasi oo uu ku dhintay sanadii 2013. Buugga “Raadinta Cadowga” oo uu qoray suxufiga reer Holland ee Bette Dam ayaa sheegay in Mullah uu u noolaa sida wadaad suufi oo kali ah oo kale, uuna diidi jiray in lasoo booqdo. Dam ayaa shan sano diyaarinayey buuugga, wuxuuna wareystay Jabbari Omari oo ah ilaaliyihii shaqsiga ee Mullah, kaasi oo qariyey islamarkaana ilaalinayey kadib markii Taliban xukunka laga tuuray. Kadib weerarkii 9/11 oo horseedeay in ciidamada Mareykanka ay xukunka ka tuuraan Taliban, Mullah ayaa la sheegay in la geeyey islamarkaana uu ku noolaa dhisme ku yaalla magaalada Qalat ee gobolka Zabul, isaga oo marti u ahaa qoys halkaas degan, balse aan aqoon cidda uu ahaa. Ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay in laba mar ay baaritaan ku sameeyeen xaafadda uu deganaa hase yeeshee aysan u suurta-gelin inay gacanta ku dhigaan. Isha: VOA/AFP
  13. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kampala halkaas oo uu maanta ka furmayo shir looga hadlayo isu soo dhawaanshaha dalalka qaaradda ee kobcinta dhaqaalaha, isdhexgalka, shaqo abuurka dhallinyarada iyo nabadda. Madaxweynaha ayaa ku biiraya Madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Koonfur Afrika Mudane Mudane Yoweri Museveni iyo Mudane Cyril Ramaphosa, Madaxweyne K/Xigeennada Kenya iyo Tanzania Mudane William Ruto, Marwo Saamiya Xasan Suluhu, Wasiirro ka socda dalalka Masar iyo Marooko, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, Bangiyada Qaaradda, ganacsato iyo ergo kor u dhaafaysa kun qof. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo gaarat Kampala appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha mareykanka Donald Trump ayaa raadinaya qorshe yareynayo hawl-gallada ka dhanka ah kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku sugan dalal badan oo ay ka mid yahiin Siiriya, Afghanistaan iyo Galbeedka Africa, balse taas badalkeeda waxey dowladiisa xoojineysaa dagaalka ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab ee ka hawlgasha Somalia xiriir dhawna la leh ururka Al-Qaeda. Waxaa lasoo warinayaa in dowladda Mareykanka ay tiro badan oo dagaalyahanada Al Shabaab ku dishay weeraro iyo duqeymo xoogan oo ay ka geysatay Soomaaliya afartii bilood ee ugu dambeysay sanadkii 2018, 326 dagaal yahan ayaa lagu dilay duqeymo cirka ah 47 weerar oo la qaaday sida ay shaaca ka qaaday wasaaradda Gaashaandhigga dalka Mareykanka. Taliska Africa ee mareykanka wuxuu ka dhawaajiyay in labadii bilood ee lasoo dhaafay sanadka cusub lagu dilay 225 dagaal yahan, waxaana Soomaaliya laga fuliyay 24 duqeymo oo aan ka liidan kuwii sanadkii hore. Goobo bartilmaameed ahaa ayey duqeymo goos-goos ah ku beegsadeen dabayaaqadii bishii Febaraayo, waana kaliya saddex weerar, dhimashada la shaaciyay waxey Taliska Mareykanka ee Africa ku sheegeen iney kaliya yahiin kuwa dagaalyahanada Alshabaab, inkastoo aysan jirin xaqiijin rasmi ee ku aadan waxyaalada shacabka hadana mar walba kooxdaan waxey sheegaan in weeraradooda lagu dilo shacab. Sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha aan dowliga aheyn waxaa ka dhashay duqeymaha cirka ee taliska Mareykanka Africa ka geystaan Soomaaliya xaalado xun oo dhanka beni’aadanimada ah, waxaana lasoo wariyay in shacabka ay mar walba ka cararaan dagaalada ka dhanka Ah Alshabaab iyo sidoo kale cimilada. “Waa iney dadka mar walba ka feejignaadaan dagaallada socda” ayey tiri Brittany Brown, oo ah xubin ka tirsan golaha amaanka qaranka ee ku shaqada leh siyaasadda Soomaaliya, sidoo kalana waa shaqsi shaqada ku jiray ilaa dowladii Obama. Sidoo kalana waxey haweeneydaan xubin muuqata ka tahaykooxda ICG oo ah mid mar walba ku hawlan xal u helista goobaha ay xasaradaha ka jiraan isla markaana colaadda ka jirto. Sidoo kale iyadoo hadalkeeda sii wadata waxey cadeysay in dagaalka ka dhanka ah kooxahan ay yahiin kuwa aan aad looga fakarin, sidoo kalana waxey ka digtay iney sii xoogeysan doonaan hadii aan laga fariisan duqeymaha iyo dagalada lagula jiro kooxdaan ee gobolada dalka qaarkood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Ceerigaabo (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya Gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in deegaano ka tirsan Gobolkaas ay fariisin cusub ka sameysteen Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliland. Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay shalay fariisin ka sameysteen deegaanka Yube ee gobolka Sanaag, waxaana dad halkaasi ku sugan ay sheegeen in ciidankaas ay wataan ku dhowaad 40 Gaadiidka dagaalka ah. Degaanka ay ciidamada Soomaaliland fariisinka ka sameysteen ayaa waxaa Sabtidiii todobaadkaan booqasho ku tagay Taliyaha Saddexaad ee Ciidanka Somaliland, isla markaana shalay Ciidamo cusub la geeyey. Deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa horay uga taagneyd xiisad u dhaxeysay maamulka Puntland iyo Soomaaliland oo dhowr mar ku dagaalamay Gobolka Sool, waxaana ciidamadan cusub ee fariisinka ka sameysatay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag walaac ka muujiyey dadka deegaanka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  16. Kampala (Caasimada Online) – Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsan arrimaha Afrika, Tibor Nagey ayaa ka hadlay khilaafka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada. Nagey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganada, ayaa waxaa wax laga weydiiyey qorshaha maamulka Madaxweyne Trump ee ku aadan dagaalka Al-Shabaab, waxa uu tilmaamay markii uu ka degay xilka Danjirihii Maraykanka ee Ethiopia sanandkii 2002-dii inay Somalia ka jirtay amni-xumo, isla marrkaana ay Koox Xag-jir ah ku sugnaayeen Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu intaasi ku daray in 20-sanno kadib uu ku soo laabtay Diplomaasiyadda Afrika inay weli xaalladda Somalia tahay mid xun , isla markaana ay Alshabaab soo caan baxeen, waa sida uu hadalka u dhigay. Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Afrika, Tibor Nagey waxa uu u mahad celiyey dalalka Uganda, Jabuuti, Kenya iyo Burundi oo uu sheegay inay taageero ka geysteen sidii ay u faragelin lahaayeen Xaalladda Somalia. “Waxaan xiriir aad u shaqeynaya la leenahay Dowladda Muqdisho, si loo dedejiyo dhismaha Ciiddan Soomaaliyeed, oo awood u yeelan kara inay ka guuleystaan Alshabaab” ayuu yiri Tibor Nagey. Waxa uu intaasi ku daray in dhamaadka maalinta ay tahay inay Dadka Soomaalida soo gebagebeeyaan Dagaalka, isagoo rajo buuxda ka bixiyey inuusan jiri doonin qof Maraykan oo halkan u soo fariista inuu ka hadlo Arrimaha Somalia marka la gaaro 20-sanno kadib. Dhinaca kale, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Afrika, Tibor Nagey mar wax laga weydiiyey sida ay Dowladda Maraykanka u heshiisiin doonto Kala-duwanaanshaha Soomaalida si loo gaaro hadafka Guud ee Deganaanshaha Somalia waxa uu sheegay inay tahay su’aal adag iyo nasiib-xumo inuusan bixin karin jawaabta, balse, waxa ugu wanaagsan ee shaqaynaya ayaa ah in laga guuleysto Alshabaab iyo Dib-u-dhiska Somalia. Waxa uu intaasi ku daray in su’aasha had iyo jeer taagan tahay caqabadaha Nidaamka lagu saleeyey Beelaha iyo in loo qeybiyo Dowlado xubno ka ah Federalka, wuxuuna Diplomaasigaasi isweydiiyey Siyaasadda ugu wanaagsan ee ay Dowladda Dhexe uga wada shaqeyn karto guud ahaan Somalia ama waxa ay Siyaasadda aad ugu wanaagsan tahay in loo shaqeeyo Dowlad Federal ah? Caasimada Online Xafiiska Kampala caasimada@live.com
  17. Diyaaradii Ethopian airline ee axadii ku burburtay meelaan ka fogayn Adis ababa iyadoo kusii jeeda Nairobi ayaa hada la xaqiijiyey in la helay Sanduuqii madoobaa [...] Source
  18. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasha ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-11032019.mp3 View the full article
  19. Taageerayaasha madaxweyne Farmaajo ayaa su’aalo ka keenay, walaacna ka muujiyey safarka ra’iisul wasaare Kheyre uu ku tegay magaalada Kismaayo, ayaga oo dareemay isbaheysi siyaasadeed cusub oo abuurmaya. Walaacooda ayaa salka ku haya laba qodob 1 – Kheyre oo isbahaysi la sameysanaya Axmed Madoobe, isaga oo wada olole siyaasadeed oo uu madaxweynenimo ku doonayo, taasi oo ay dareemayaan inaysan sax ahayn maadaama uu la shaqeeyo madaxweynaha. 2 – Inuu sharciyad siinayo Axmed Madoobe oo waqtiga kasii dhammaanayo, xilli ay jiraan warar sheegaya in xukuumadda ogolaatay in laba sano oo kale uu sii joogo. Waxaa xusid mudan in loolan uu ka dhexeeyo beesha Axmed Madoobe iyo tan madaxweynaha, kaasi oo ku salaysan maamula Jubaland, islamarkaana taageerayaasha madaxweynaha ee walaacsan ee u badan yihiin xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo shacabka ku beesha ah. Inkasta oo labada tuhunba aan caddeyn loo hayan, haddana isbahaysi dhex-maray Kheyre iyo Axmed Madoobe, waa mid macno badan u samaynaya labadaba, ayna aad suurta-gal u tahay. Muxuu yahay ujeedka guud ee labada nin? Kheyre waxa uu doonayaa inuu dalka madaxweyne ka noqdo, sidaas darteedna wuxuu u baahan yahay taageerada maamul goboleeyada, si gaar ahna maamulka Jubaland oo marka laga soo tago Puntland, ah kan labaad ee ugu saameynta badan. Axmed Madoobe waxa uu doonayaa inuusan dagaal siyaasadeed kaga iman dowladda federaalka ah, uuna kursiga iska sii haysto waqtigii ay doontaba ha la ekaatee. Axmed Madoobe sidoo kale wax rajo ah kama qabo, kumana jiro hami ah inuu dalka madaxweyne ka noqdo. Waxaa u daran oo kaliya Jubaland Sidee isku fahmi karaan? Kheyre, wuxuu Axmed Madoobe siin karaa taageerada dowladda iyo inaan kursigiisa lagu qabsan. Wuxuu sidoo kale u ballan-qaadi karaa in qof isaga ka socda uu siiyo ra’iisul wasaare haddii madaxweyne la doorto ama xilal wasiiro iyo safiiro muhiim ah, haddii ra’iisul wasaaraha uu ku qanciyo maamul goboleed kale sida Puntland, maadaama ay ka saameyn badan tahay Puntland. Axmed Madoobe, wuxuu xaqiijin karaa in xildhibaanada baarlamanka federaalka ee lagu soo dooranayo Jubaland, ay noqdaan kuwa isaga dacaad u ah oo codadkooda siiya qofka isaga uu amro. Sidaas darteed, wuxuu kaalin wanaagsan ka qaadan karaa in Kheyre ay u rumowdo riyadiisa madaxweyne. Qorshahaas ma socdaa? Anigu ma lihi, Axmed Madoobe iyo Kheyre ayaa qorshahaas wada, waxaanse cabirayaa sida ay macquul u tahay inay is-fahmaan iyo in walaaca ay qabaan taageerayaasha madaxweynaha uu noqon karo mid loo qiil dayi karo. Marka aan eego xaaladda siyaasadda ee hadda dalka ka taagan Axmed Madoobe iyo Kheyre waa labada nin ee sida ugu dhow u bahoobi kara, sabbatoo ah danahooda siyaasadeed iskama hor-imanayaan halisna iskuma ahan. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay safarka madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasi oo uu caawa marti ugu yahay madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni. Qoraal uu Mahad Salaad soo dhigay facebook, hoos ka aqriso. Madaxweyne Farmaajo oo caawa marti u ah Madaxweyne labo jeer u gafay dalka iyo dadka Soomaaliyeed! Warbaahinta dalka Uganda, gaar ahaan Baraha Bulshada ayaa lagu faafiyay maalmihii lasoo dhaafay askari u dhashay dalkaasi oo dharbaaxaya haweenay da’ah oo Ugandees ah, isagoo ka hadlaya arinkaas ayuuna yiri Madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni: “Askari in uu dumar dharbaaxo ama ku qayliyo qof reer Uganda ah waa wax aan laga aqbali karin, waana gaf weyn oo bulshadda ceeb ku ah, askarta aan laheyn asluubta wanaagsan oo aan bulshadda la dhaqmi karin, waxaan u direynaa Soomaaliya oo ah meesha dhaqan xumadda siddaan oo kale ah looga baahan yahay. Haddii aad careysan tahay waxaad i weydiisan kartaa dal ku galka (fiisaha) Soomaaliya, maxaa yeelay halkaasi ayaa looga baahan yahay gardarada” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni. Waa markii labaad oo Madaxweynaha Uganda usoo qaato Soomaaliya tusaaleyn xun, iyadoo la wada xusuusto bil ka hor in uu ku tilmaamay Soomaaliya dal aan laheyn dowlad! Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Farmaajo, in Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu raali gelin buuxda ka bixiyo hadalada gafka iyo tusaalaha xun ah ee uu ku tilmaamay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ka baxsan anshaxa diblomaasiyadda iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad