-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (SMN) – Waxaa maanta lagu wadaa in maxkamad la horkeeno wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo oo shalay xabsi Guri looga dhigay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Wasiir Barwaaqo ayaa waxa loo heystaa eedeymo la xariira musuq-maasuq, sida uu warbaahinta u sheegay hanti dhowrka guud ee Somaliland. Ciidamo ka tirsan kuwa maamulkaasi ayaa shalay soo xiray wasiirkan, si wax looga weydiiyo eedeymaha loo heysto. Waxaa haatan wasaaradda warafafinta Somaliland ku sime ka ah Maxamed Muuse Abees oo ah wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi. View the full article
-
London (SMN) – Cabdullahi Nuur Xaashi oo ka mid ahaa sirdoonka dowladdii hore ee Soomaaliya haatana ku sugan dalka Ingiriiska ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay xoojiso hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka. Mr Cabdullahi Nuur ayaa sheegay xoojinta iyo dib u soo nooleynta awooda Ciidankii hore ee sirdoonka ee uu dalka lahaa ay u horseedi doonto Caasimaddu in ay noqoto mid amni ah. Muddooyinkii dambe DFS ayaa waday dadaallo ku aadan ka hortaga falalka lidiga ku ah nabad galyada dalka, gaar ahaan M/Muqdisho View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-24032019.mp3 View the full article
-
Waxaa saaka lagu wadaa in magaalada Muqdishu ay ka dhacdo duugta wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Saqar Ibraahim Cabdalla. Wasiirka ayaa ka mid ahaa dadkii shalay ku dhintay mid ka mid ah qaraxyada lala beegsaday wasaaraddiisa. Sida jadwalku yahay, saacadda 8:00 subaxnimo ayaa lagula tukanayaa janaasada maydka marxuumka masjidka shuahadada ee madaxtooyada, kadibna waxaa lagu aasaayaa qubuuraha isbitaalka Madiina. Tiro 5 ka badan ayaa ku dhimatay halka dhaawacyada ay 10 ka badan yihiin qaraxyo sabtidii lala eegtay xarunta Wasaaradda shaqada iyo Shaqaalaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee amniga xukuumaddii Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamuud kana tirsan xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka hadlay xaaladaha dhanka amaanka ee magaalada Muqdisho. Xildhibaan C/risaaq ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in iyadoo la hayo xogo dhanka amaanka ah qaraxyadaasi ka dhacaan magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in xogtaasi amaan horey loo hayay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hay’adaha amaanka ee kusugan dalka oo qeyb kayihiin kuwa ajaaniibta ay dhawaan soo saareen digniin la xiriirta weerarkii Al Shabaaba y ka fuliyeen magaalada Muqdisho. Sido kale wuxuu sheegay in Al Shabaab wali ay wadaan qatar dhanka amaanka ah, islamarkaana laga warhayo inay maalmaha soo socdo ay fuliyaan weeraro kale oo halistooda leh. “Sirdoonka warbixinta lagu helayo ayaa ah in Al Shabaab ay qorsheynayaan weeraro kale, kaliya kuma ekeyn doonaan weeraradii shalay dhacay, maalmaha soo socdo waxaa la bixiyay Digniin kale oo weeraro ah, qolooyinka ajaaniibta iyo hay’adaha amniga wey bixiyeen qatar kale oo dhanka Al Shabaab ka imaan karta”. “Waxaa Al Shabaab la ogsoon yahay marka la ogaado xogta ah halkey weerari rabaan, in Al Shabaab ay wareejiyaan halka ay rabaan inay weeraraan, shacabka Muqdisho iyagana waxaa looga baahan yahay inay fejignaan galaan”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq. Kadib weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa is badal lagu sameeyay taliyaasha ciidamada booliska ee degmooyinka gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Marka (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Guutada 14-ka Octoobar ayaa sii daayey sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab kaas oo laga qabtay magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Sarkaalka la sii daayay ayaa la sheegay in sii deysmadiisa ay ka dambeeyeen oo ay fududeeyeen 5 Askari oo ka tirsan Guutada 14-ka Octoobar oo Marka ku sugan. Dood ka dhalatay arintaan ayaa shalay iyo maanta ka taagan degmadaasi, waxaana jimcihii mar ka dhacay dagaal gudaha kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Milateriga. Saraakiil katirsan Guutada 14-ka Octoober ayaa Caasimada Online u sheegay in shalay uu marka gaaray Taliyaha Guutada 14-ka Octoober, waxaana la soo xiray 5 Askari oo la aaminsan yahay in ay sii daayeen Sarkaalkaasi Shabaabka ah, sidoo kalane ay ka dambeeyeen dilka 2 ka mid ah Ciidamada Guutada 14-ka October oo ku dhintay isku dhacyo halkaasi ka dhacay. Illaa iyo hadda lama yaqaan sababta ay ciidamada usii daayeen sarkaalka. Hase yeeshee mararka qaar waxaa dhacda in askarta dowladda ay lacag dhaafsadaan arrimahan oo kale, ama ay kusii daayaan hab qabiil. Caasimada Online Xafiiska Marka Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay guddiga doorashooyinka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe ayaa magacaabay guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha ee maamulkaasi. Wareegta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu magacaabay guddigaan. Guddigaan doorashooyinka ayaa waxa ay ka koobanyihiin 7 xubnood. Hoos ka aqriso magacaabista guddigaan Puntland Post The post Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay guddiga doorashooyinka appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shababa ayaa war kasoo saartay weerarkii ay shalay maleeshiyada kooxdaas ku qaadeen xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliya, oo ku taalla degmada Shangaani ee Muqdisho. Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab, Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in Al-Shabaab ay laba sabab dartood u beegsadeen xarunta wasaaradda, Abu Muscab ayaa sheegay in xarunta ay ka socdeen laba shaqo oo sida uu sheegay qalad ah. Tan koowaad, ayuu ku sheegay, inay tahay qorista ciidamo la dagaalamada kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale ciidan kale oo ah sirdoon dharcad oo basaasa culumaa’udiinka magaalada Muqdisho iyo dadka fikrad ahaan kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Abu Muscab ayaa sababta labaad ku sheegay in wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ay qoreyso dad dib u dhis ku sameeya xarunta tiyaatarka qaranka, ayada oo loo marayo barnaamijka is-xilqaan, taasi oo sida uu sheegay kasoo horjeedda shareecada islaamka. Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dileen 15 qof, islamarkaana ay ku dhaawaceen 26 kale, kuwaas oo ay ka mid yihiin dad xilal sare hayey. Al-Shabaab ayaa kumanaan shacab ah ku laysay magaalada Muqdisho sanadihii tagay, kuwaasi oo ku dhintay qaraxyo iyo weeraro qorsheysan, waxaana kooxdan mar walba ay qiil u sameysaa gumaadka shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sagal Ashour, oo madax ka ah haya’adda la-dagaalanka xagjirnimada ee SAVE (Somalis Against Violent Extremism), ayaa sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu burburiyey dhammaan wixii horumar siyaasadeed iyo amni ee ay sameeyeen Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif. “Waxaan si dhab ah u sheegi karnaa in dowladda hadda jirta ay Soomaaliya dib u celisay 10 sano” ayay tiri Sagal oo qoraal soo dhigtay barteeda twitter. Sagal ayaa sheegtay inuu jiro dareeno guud oo la qabo oo ah in Al-Shabaab ay qabsan doono dhulal cusub, islamarkaana ay sababi doonto xasilooni-darro horleh. “Dhammaam lacagtii ay usoo dhidideen canshuur bixiyayaasha ee Midowga Yurub ay siiyeen Soomaaliya, waxaa lagu khasaariyey musuq-maasuq iyo iimaan-darri, halka Soomaalidii saboolka ahayd ay macluulayaan islamarkaana argagaixsada ay haystaan maal-gelin wanaagsan” ayey tiri Sagal. “Dhammaan intan oo sano, weli ma aynan helin wax horumar siyaasadeed iyo mid amni ah.” Hadalka Sagal ayaa yimid saacado kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliya, halkaasi oo wasiirku xigeenka wasaaradda iyo shacab badan ay ku dhinteen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Isbadal lagu sameeyay saraakiisha Booliska Gobolka Banaadir
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Taliska Booliska Soomaaliya ayaa isbadal ku sameeyay saraakiisha Booliska Gobolka Banaadir iyo taliyaasha saldhigyada degmooyinka Muqdisho. Hoos ka Aqriso isbadalka. Maxamed Jeego oo hore u ahaa taliye ku-xigeenkii Nabadsugida G/Banaadir ayaa loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Booliska Gobolka Banaadir. C/fataax Mire oo ahaa Taliyihii degmada Hodan ayaa loo dalacsiiyey Taliyaha qeybta Waliyo Cadde ee booliska, iyadoo Kuxigeenkiisana loo magacaabay Shuceyb Abdi. Yaasiin Nur Khayre: ayaa loo magacaabay Taliye Ku xigeenka Qeybta bartamaha. Bashiir Cabdi Siyaad, ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Hodan. Najiib Carab ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Boondheere. Liibaan Shidane, ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Kaaraan. Xuseen Cadceed ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Wardhiigley Ismaaciil Muuse Yuusuf: ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska Dharkeynley. Axmed Taree, ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Kaxda Axmed Khadar: ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Xamarweyne. Maxamed C/qaadir: ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Waaberi, waxaana Kuxigeen looga dhigay Taliso Abtidoon. Puntland Post The post Isbadal lagu sameeyay saraakiisha Booliska Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaan waxa soo baxay natiijada Tira-koob ay si wadajir ciidamada dowladda ugu sameeyeen Wasaaradaha gaashaandhigga, Maaliyadda, Taliska ciidanka xoogga dalka, xafiisyada madaxweynaha iyo Raisalwasaaraha, iyada oo dhinaca kalana ay taagantahay cabasho guud oo kasoo baxday qaar kamid ah ciidamada kujira furimaha fogfog taas oo ku salaysan in aan Mushaarka iyo sahayda ciidanka XDS. Haddaba xog-uruurin iyo falanqeyn aan ka samayna khuburo kala duwan ee dhinaca maaliyada, maamulka, siyaasada iyo waaya-aragga ciidanka ayaa muujisay jiritaanka 10 caqabad oo ah sababaha ugu waaweyn ee dib u dhigaya guul kasta oo laga gaari lahaa qorshaha tirakoobka ciidanka, caqabadahaasi waxa ay salka ku hayaan dhinacyada dhaqaalaha, Siyaasadda, Maamulka, Dowladgoboleedyada, Istiraatiijiyadda ciidanka XDS, Is aaminaadda Qabaailka iyo howlgalka guddiga Ammaanka Qaranka. Danaha Dhaqaale ee danleyda kala-duwan Ganacsato, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin kamid ah nidaamka dowladda ayaa dano dhaqaale oo ballaaran waxa ay ku haysteen muddo dheer fududeynta saadka, sahayda iyo cuntada ciidanka, Dhianacyadaas kala duwan ayaa mar walba oo uu yimaado qorshe lagu sugayo xogta iyo tirada askariga waxaa ay sameeyaan iska caabbin ay ku ilaashanayaan danahooda ganacsi si aysan u gelin gacanta iyo jaangoynta dowladda, waxa ay adeegsadaan hadba cidda awoodda in ay culeys saarto qorshada diiwaangelinta ciidanka oo xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh ay kudhici weysay balse ay suuragelisay tirakoobka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda. Mucaaradka Iyaga oo kafiirinaya dhinaca suuqooda siyaasadeed siyaasiyiinta mucaaradku marka aan laga talo-gelin howlaha qaranka kadhexeeya ayna ogyihiin in qorshaha diiwaangelinta ciidanku tusaale ahaan uu dhalliil leeyahay waxa ay sameeyaan cadaadis siyaasadeed oo ay kusoo bandhigayaan ceebaha iyo gaabisyada jira, taasina waxa ay kicisaa dad badan oo aan xog fiican kahaysan waxa socda iyo sababaha kadambeeya, sidaas oo kalana waxa ay calwiyaan kalsoonida lagu qabi karo qorshayaasha dowladda, taasina waxa ay hor istaagtaa oo ay xawaaraha kayerysaa wixii horumar ah oo hirgeli lahaa, waxa ay markasta soo bandhigaan dhalliilaha tiro-koobka kaliya iyo fasirkooda taas oo ay ku sameeyaan cadaadis siyaasadeed, tallaabadaasina waxa ay kicisaa dad badan oo aan xog fiican kahaysan waxa socda iyo sababaha kadambeeya Deg-degga xukuumadda ee dhamaystirka tirakoobka Qorshaha diiwaangelinta ciidanku waxa uu u baahan yahay waqti iyo farsamo dheer waxaana muuqata in xukuumaddu dooneyso in ay waqtigii loo baahna mid kayar kana kooban ay ku qabato howsha diiwaangelinta ciidanka iyada oo la tixgelinaya duruufaha ciidanka, wada-shaqeynta maamul goboleedyada, saameynta Amni iyo gaabisyada farsamo ee jirta waxaa lagudboon xukuumadda in ay u hergeliso tirakoobka qaab tallaabo-tallaabo ah ayna siiso mudo ku filan qaybaha iyo xarumaha ciidanka laga diiwaangelinayo. Awoodda kooxda diiwangelinta Askari katirsan Ciidanka XDS oo la diiwaangelinayo Kooxda diiwangelintu waxa ay wajaheysaa culeys weyn oo dhinacyo badan leh sida Nabadgelyada, dhaqaalaha, Gaadiidka, qalabka, aqoonta, Shaqaalaha, Cilmibaaritsa iyo kala xirnaanshaha wadooyinka oo dib u dhac balaaran u keenay in si degdeg ah loo gaaro farimaha iyo jiidaha hore ee ciidanka XDS oo ku baahsan dalka oo dhan Handadaadda saraakiisha Taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka laga billaabo taliska sare iyo taliyeyaashu horumuhu waxa ay handadaad ku sameeyaan madaxda kasareysa sida wasaaradaha ku lugta leh diiwaangelinta iyaga oo u sheega in ciidanku furimaha kasoo baxayo haddii diiwaangelin xilligan lagu xiro mushaar bixinta taas waxa si cad u muujiyey hadal uu RW Xasan Cali Kheye November-2018 ku sheegayey in madaxda ciidanka qaarkood ay hor istaagayaan tirakoobka ciidanka iyaga oo ka fiirinaya dano kala duwan. Cadaadiska Beesha Caalamka Deeqbixiyeyaasha Soomaaliya ka taageera dhinaca nabadgelyada & dowladaha ciidamada ku kaalmeeya Soomaaliya ayaa waxa ay dowladda ku saaraan cadaadis ku saabsan tayada howlgelada ciidanka XDS, aqoonsiga tirada, ciidanka ka goosta XDS iyo qorshaha la wareegida amniga dalka kadib bixintaanka AMISOM taas oo ku qasbeysa xukuumadda in ay degdeg uga lib keento ugu yaraan tirokoobka ciidanka. Shakiga Qabaa’ilka iyo Maamul-Goboleedyada Qabaa’ilka qaar oo ka shakisan isbedel kasta oo lagu sameeyo awoodda iyo ciidanka jira iyaga oo ka baqaya in miisaankoodii iyo saamiga ciidanka wax iska bedelaan una arkaya qorshe kasta oo diiwaangelin in laga leeyahay ujeedo lid ku ah qabiil iyo beel gaar ah, sidaas awgeed waxa suuragal ah in aad maqasho beel hebel ayaa ku badan ciidan oo waxa loo danleeyahay in laga saaro si loogu soo daro beelo kale, farriimahaas waxa ugu badan ee fidiya waa siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo ganacsato dhaqaale kasameeya ciidanka XDS Dhinaca kale Dowlad-goboleedyada qaar oo u arka in si gaar ah loo beegsado deeganadooda iyaga oo isku dhererinaya kuwo kale oo ay ku andacoodaan in si isku-mid ah oo siman loo hirgeliyo qorshaha diiwaangelinta ciidanka Dowlad goboleedyo oo dhan. Maqnaanshaha kulamada guddiga Amniga Qaranka Maqnaashaha shirarkii Guddiga Amniga qaranka oo muddo dheer qaadatay kaddib khilaafka macnelaawaha ah ee dhexmaray goboleedyada iyo dowlada dhexe ayaa sababay gaabis galay, madasha Amniga qaranku waxa ay muhiim u tahay ugu muhiim u tahay lafagurka nabadgelyada dalka isla fahamka hergelinta qorshe kasta oo saameyn toos ah ku yeelanaya amniga dalka Isqancinta iyo wada-xiriirka, waxa kale oo ay xal u tahay kahortegidda dhammaan dacaayadaha iyo mala-waalka kusaabsan Amiga Dalka. Maqnaanshaha Qarashka howlgelinta ciidanka Waxaa maqan Qarashka howlgelinta oo aan gaarin Qeybaha ciidanka, Ururadda iyo talisyada Ciidanka XDS marka laga reebo taliska dhexe, Qarashka howlgelinta waxaa loogu talo galay in ay ku maareeyaan howlaha kala duwan ee ciidanka sida arrimaha loojiystikada, dayactirka, dhismayaasha iyo howlaha guud, taasina waxa ay keentay in mararka qaar in la gacantogaaleeyo saadka iyo ka beensheegida tirada ciidanka si lacagaha dheeriga ah ka sokow musuq loogu socodsiiyo howlaha ciidanka. Is aamin la’aanta Musuqa Is aamin la’aanta ka dhalatay Musuqa raashiinka iyo tirada ciidanka oo baahday ayaa sababtay in saraakiisha iyo quburada kale ee maamul, maaliyad iyo siyaasad ay ka gaabsadaan in ay wax talo ah ka dhiibtaan caqabadaha Qorshaha diiwaangelinta si aan loogu calaamadeyn in ay musuqa qeyb ka yihiin, halka ay u muuqato in talo kasta oo saxitaan loo aqoonsanayo mid qeyb ah sii socoshada musuqa.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xukun ku riday rag la sheegay inay ka tirsanaayeen kooxda Daacish ee dagaalka ka wada Soomaaliya. Xuseen Cali Maxamed Muudey oo magiciisa looga yaqaanay Daacish uu yahay Suheyb iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali oo magiciisa afgarashadu yahay QUDAAMA ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Ururka Daacish. Raggan oo watqiyo kala duwan gacanta lagu dhigay ayay Maxkamadda Ciidanka sheegtay in ay isku aqoonsadeen halkii ay ka socotay Maxkamadeyntooda kana wada tirsanaayeen Ururka Daacish. Waxaa ay ka soo wada dagaallameen Af Urur iyo Calmiskaat oo ka wada tirsan Gobolka Bari ee Puntland,halkaas oo ay ka mid ahaayeen Ciidamada Daacish. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa ku xukuntay min lix Sano oo Xabsi ah,waxaana xukunkaasi ku dhawaaqay xasan Cali Nuur Shuute. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur SHuute ayaa sheegay in xukunka lagu riday raggan uu leeyahay Racfaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qaraxyada iyo weerarada shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxay runtii maalin kale oo laga filan karay kooxda al-Shabaab inay kusoo qaado xarumaha dowladda u tahay jawaab si cad loogu sheegay sida liidata oo ay ku gabay sugidda amniga. Caasimadda Online ayaa maalin kahor baahisay halis ay tilmaamayeen khubarada amniga inay kusoo foolan tahay shacabka ku nool gobalka Banadir. Hadalkoodii u muuqday tibaax aan la tix-raaci Karin wuxuu ugu danbeyntii kusoo dhammaaday sidii la filayay. Al-Shabaab ayaa wax u muuqday farriin hor leh oo la xiriirta dayacsanaanta laamaha amniga kusoo dirtay weeraradii shalay. Weerarada iyo qaraxyada ay maalin gudaheed ka fuliyaan al-Shabaab, majirin maalin lamid ah shalay oo kale sidii ay iskugu soo aadiyeen qorshahooda. Saadaashii ay bixinayeen khubaradu – oo ilaa xad aan gaarsiinin inay iftiimiyaan awoodda kooxdani u leedahay inay dharaar qura shan qaraxyo iyo weerar iskugu jira ay ka geysan karaan xarumaha dowladda amaba ay la bartilmaameedsan karaan shaqaalaheeda. Tirada dhaawacyada iyo dadkii ku dhintay weerarkii shalay, wuxuu caddeyn u yahay inaan la isku haleyn Karin ballamaha qaawan iyo qorshe xumida liidata ee lagu wajahayo sugidda amniga, sida uu yiri Goodir Ali oo ah geyfane naqdiya waxa loogu yeero argagaxisada. Goodir oo dhacdooyinkan si hoose ula socday ayaa dowladda ku tilmaamay mid u diyaarsan kaliya bixinta jawaabo ku siman canbaareyn iyo caga-jugleyn. “Waxa kaliya ee laga dhowri karay ayaa ah inaysan lumin awoodda ciidamadii ay shalay u bilowday mushaharka,” ayuu yiri. “Taasina hadda jawaabteeda waxay ka heshay bixin la’aanta xuquuqda ciidamada qaranka oo waa kaa maaro loo la’yahay sugidda amniga.” Faallada Goodir ayaa daba socta kaddib weeraro iyo qaraxyo kala duwan oo shalay ruxay caasimadda kuwaas oo in badan lala bartilmaameedsaday xarumaha dowladda iyo shaqaalaheeda. Mowduuca ku saabsan xuquuqda ciidamada gadooday oo aan sidii loo baahnaa looga jawaab celin, hadda maku filan tahay dowladdu inay kaalintooda halgan ee sugidda amniga ay si dhab ah u qiimeyso marba haddii dharaar cad ay dhacayaan qaraxyo iyo weeraro u abaabulan sidii loo qorsheeyey?! Waa su’aal jawaab celinteedu aanay kaliya ku dhalan Karin in codbaahiyaha lala horyimaado dhaliil iyo balan-furyo cad, balse si dhab ah u saameynaysa shacabka caasimadda kuwaas oo daryanka madfac iyo hugunka qaraxyada ku waayaya naf iyo maal; nolol iyo xasilooni. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Somalia oo deg deg ugu yeedhay safiirkeeda Geneva ka dib Fadeexad soo wajahday Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa muddo todobaad ku amartay inay dalka ku soo gasho Faadumo C/llaahi Maxamuud Insaniya oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva. Qoraal ka soo baxay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu amray, waxayna wararku sheegayaan inay arrintan ka danbeysay kadib markii ay gashay khalad taariikh ah oo ceeb ku ah diblomaasiyadda Soomaaliya. Safiirka ayaa ka aamustay qaraar lagu cambaareeyey haysashada Israel ee dhulka Golan Heights ee Suuriya, kaasi oo ay ku qabsatay Dagaalkii Lixda Maalmood ee sanaddii 1967-kii, iyadoo go’aankaasi ay taageereen dalalka Reer Yurub. Waxaa hadda soo baxday warar sheegaya in go’aankaas uu ku gaar ahaa safiiradda oo aysan dowladda la ogeyn Codeynta qaraarka ayaa timid maalin kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Golan Heights uu u aqoonsanayo dhul Israel. Israel ayaa dhulka ku darsatay dhulalka badan ee ay ka haysato Bariga Dhexe sanadii 1981-kii Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid noqotay shan dal oo ka aamusay, kuwaas oo kala ah; Cameroon, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Fiji, Rwanda iyo Somalia. Dad badan ayaa filayey in maadaama Soomaaliya ay tahay dal Islaam ah ay taageerto qaraarka, hase yeeshee si la mid ah dalalka Carbeed ee sanadihii dhowaa ka hadhay qadiyadda Falastiin iyo Bariga, Soomaaliya ayaa u muuqata inay wadaddaas martay. Akhriso Amarka loogu yeedhay Safiiradda Qaran News
-
Waxa la ydhi madaxwayne Biixi wuxuu soo wadaa isku shaan-dhayn, hadaan talo muwaadin ku darsado waxa aan odhan lahaa wax ka badal qaar kamida qaab dhismeedka wasaaradaha dalka; TALO NO:- 1- Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga. Mudane waxa aad isku dartay laba wasaaradood oo culus markaasay isla fadhiisteen, waliba maanta uu daqaalaha dalku iyaga ku tiir san yahay, waxa aan odhan karaa waa ceelasha PATROL ka ee dalku leeyahay, waxa aan kugula talin lahaa inaad kala qaado kana dhigto sadex wasaaradood is loo gaadho horumar lataaban karo. 1- Wasaarada Xanaanada Xoolaha 2- Wasaarada Xoola dhoofinta 3- Wasaarada Horumarinta Kaluumaysiga TALO NO:- 2- Labada wasaaradood ee Arimaha dibada iyo Maalgashiga isku dar oo midee hal wasaarad kaliya kadhi, dhaqaalaha ku baxaya Wasaarada Maalgashigu ha kabo Wasaarada Arimaha dibada ; 4- Wasaarada Arimaha Dibada iyo Maalgashiga TALO NO:- 3- Wasaadadii Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka eed baabiisay soo celi Tusaale; markaad fadhiisato miiska wada hadalada Somaliland iyo Somalia ama aad la xaajoonayso beesha caalamka iyo ICAO UN CIVIL AVIATION eed ka hadasho sidii ay Somaliland ula soo noqon lahayd maamulka hawada, Markiiba Dunidu waxay is odhanaysaa dawlada baabiisay Wasaradeedii Duulista Hawada diyaar uma aha oo cilmi iyo aqoon uma laha maamulka hawo. 5- Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka. Intaa u qaado talo mucaarad oo gardaro ah. Alaa mahad leh Amb Ahmed Safiina Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa magacaabay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland. Guddiga la magacaabay ayaa waxaa uu ka kooban yahay todobo(7)xubnood oo kala ah; 1 – Xamse Cabdi Barre 2 – Axmed Cumar Maxamed 3 – Samsam Macalin Faarax Abuukar 4 – Mursal Siyaad Maxamed 5 – Ibraahim Aadan Ibraahim 6 – Maxamed Cusmaan Yuusuf 7 Axmed Maxamed Yuusuf
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee aan xilka ka aheyn Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxyadii iyo weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tilmaamay inaan lagu sii jiri karin tacsi iyo silicaan loona baahan yahay in la keeno xal looga baxo dhibaatada dalka ka taagan. Cabdirxmaan ayaa sheegay inaysan caqli gal aheyn in lagu dhex noolaado Fashilka Dowladda iyo falka argagexiso ee Shabaab sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu dalbaday in haddii aysan hoggaanka dalka talo aheyn ay talada keenaan Siyaasiyiinta kale si dalka loo badbaadiyo sida uu hadalka u dhigay . Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Facebook soo dhigay Cabdiraxmaan Allaha u naxariisto masuuliyiintii iyo dadkii rayadka ahaa ee maanta lagu dilay qaraxyadii iyo weeraradii ay argagaxisadu ku qaadeen goobo kala duwan oo Muqdisho ka mid ah. Suuragal ma ah in silican lagu sii socdo, maan galna maaha in lagu dhex baaba’o fashilka dawlada iyo falka argagexiso ee Shabaab. Talo qaran oo dalka iyo dadka lagu samata bixiyo ayaa loo baahan yahay. Hoggaanka dawlada hadii uusan talo la haynin, inteena kale waa in aynu talo la imaanaa. Caasimada Online Xafiiska Marka Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa waxay kulan la yeeshen Golaha guurtida Somaliland, kuwaasi oo ugudbiyay Cabasho xaga wada-shaqeyn la’aanta ah oo ay ka tirsanayeen Golayaasha qaranka, Axsaabta qaranka iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kuwasi oo ka gaabiyey sidii loo dar-dar gelin lahaa doorashada. Markii uu soo idlaaday kulankan ayaa waxa warbaahinta ugu horeyntii la hadlay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa sheegay inay si fiican isku fahmeen Golaha oo ay ugudbiyeen xogta halka ay marinayaan arrimaha doorashoyinka, waxa kale oo uu sheegay inay isku af-garteen in doorashado dhacdo xiligey mudeeyen. Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo isagu kulankaasi gar-wadeen ka ahaa ayaa waxa uu sheegay inay Guddiga Doorashooyinku usheegen inaysan dhaceyn doorashadu wakhtigii loo asteeyay, waxa uuna yidhi: “Waxay soo kordhiyeen oo aan aheyn Doorashadii qabsoomi meyso majirin, eediina waxay saareen Labada Golle iyo Axsaabta iyo Madaxweynaha, Waxna wey ka jiraan”. Geesta kale, Xildhibaan Maxamuud M.Yaasiin Dheeg oo katirsan mudanayaasha Gollaha Guurtida Somaliland ayaa waxa uu isagna ka dhawaajiyey in la gaadhay wakhtigii Guddiga Doorashooyinka is casili lahaayen, maadama oo ay cadeeyen inaysan dalka ka qabsoomeyn doorasho. Isku soo wada-duubo Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa iyagu weli kusii adkeysanaya inay doorashadu qabsoomeyso, iyaga oo gollahana u gudbiyey inaysan qabsoomeyn doorashu ilaa ay ka heshiiyan Axsaabta qaranku, kuwaasi oo isku fahmi la’ hanaanka loo galayo doorashada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xoghayaha Arrimaha carabta iyo dowladaha islaamka ee xisbiga Waddani Axmed Safiina ayaa ka hadlay caqabadaha hortaagan waxqabadka wasiirada Somaliland, isagoo farta ku fiiqay in Madaxweyne Muuse Biixi yahay caqabada ugu weyn ee hor-taagan wax-qabadka laga filayey xukuumada. “Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Xildiid anigoo ixtiraam u haya shakhsiyadaada gaarka ah ileen madaxwayne ayaad noo tahaye, hadana waxa aan odhan karaa intii madaxwayne dalka soo martay waxa aad tahay madaxwaynihii u maamul ka liitay una cadaalad xumaa. Shantii sano ee dalka laguu dhaariyay sanad iyo badh way tagtay, sanadka u dambeeyaa waa olole, labada sano ee kuu hadhay marka jimcayaasha laga reebo waa iska bilo kooban. Wasiirada iyo masuuliyiinta xukuumadaada xakamaha aad kuhayso ka sii dalka ha u shaqeeyaane, bulshada dalka iyo shacabka maqal oo hagaaji kolay dhawaan adoo cod doonaya waad hor imane. Ugu dambayn waari mayside war hakaa hadho.” ayuu ku yidhi qoraal uu soo saaray Xoghaye Axmed Safiina. Si kastaba, Madaxweyne Biixi ayaa waxa lagu eedeeya inta badan inuu wasiiradiisa fara-gelin ba’an ku hayo wasaaradahooga, kuna noqday caqabad ka hortaagan hirgelinta wax-qabadka laga sugayo xukuumadiisa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegay in kulan xasaasi ah uu caawa ka socda halkaas. Kulankan ayaa u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisul wasaare Kheyre, wasiirka amniga Ducaale, taliyaha booliska Bashiir Ameeriko, iyo sii-hayaha taliyaha NISA ahna ku-xigeenka Fahad Yaasiin. Kulankan ayaa yimid saacado kadib markii la beddelay hoggaanka talisyada booliska gobolka Banaadir, taasi oo ka dambeysay weerar qorsheysan iyo qaraxyo dhowr ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Xogta naga soo gaareysa kulankaas ayaa sheegeysa in dood ay ka dhalatay magacaabista taliyayaashan oo uu sameeyey guddoomiyaha booliska gobolka Banaadir, Saadaq John. Wararka ayaa sheegaya in magacaabistan uu ka hor-yimid taliyaha booliska Jeneral Bashiir Ameeriko, oo aan lagala tashin, islamarkaana un ka ogaaday warbaahinta. Taliyaha booliska dalka ayaa leh awoodda magacaabista taliyayaasha degmooyinka, ayada oo taliyaha booliska heer goboleed uu leeyahay soo jeedin. Bashiir Ameeriko ayaa sidoo kale diidan shaqsiyaadka loo magacaabay xilalkan, oo badankood horey uga tirsanaa nabad-sugidda, isaga oo rumeysan inaysan aqoon xeerarka booliska. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale la sheegay inuusan ka war-hayn arrintan. Saadaq John ayaa waxa ay aad isugu dhow yihiin ra’iisul wasaaraha. Ka sokow doodad ka taagan magacaabista iyo heerka loo maray, waxaa sidoo kale kulanka looga hadlayaa in loo baahan yahay is-beddel ka weyn taliye boolis degmo oo la beddelo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa caawa isbedel ku sameysay Taliyayaasha Saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo qaar kamid ah xilalkii laga qaaday, halka kuwana la isku beelay. Arrintan waxa ay timid saacado kooban kadib weerarkii Shabaab ee degmada Shangaani, halakas oo ay ku qabsadeen dhismaha Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya, waloow markii dnabe laga saaray. Halkan Ka Aqriso Taliyayaasha Cusub: Maxamed Jeego oo hore u ahaa Taliye Kuxigeenkii Nabadsugida gobolka Banaadir, waxaa hada loo magacaabay Taliye Ku Xigeenka Booliska qaybta guud ee Gobolka Banaadir. Cabdi Fitaax Mire oo ahaa Taliyihii degmada Hodan, waxaa loo magacaabay Taliyaha qeybta Waliyo Cadde ee booliska, iyadoo Kuxigeen looga dhigay Shuceyb Abdi. Yaasiin Nur Khayre, waxaa loo magacaabay Taliye Ku xigeenka qeybta bartamaha . Bashiir Cabdi SIyaad, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga booliska degmada Hodan. Najiib Carab, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Boondheere. Liibaan Shidane, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Kaaraan. Xuseen Cadceed oo si KMG-ah u hayay xilka Taliyaha Saldhiga Warta-Nabada tan iyo markii la dilay Taliyihii hore macalin Daahir, ayaa Caawa si rasmi ah xilkaasi loogu magacaabay. Ismaaciil Muuse Yuusuf, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska Dharkiinley. Axmed Taree, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Kaxda Axmed Khadar, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Xamar weyne. Maxamed C/qaadir, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Waaberi, waxaana Kuxigeen looga dhigay gabar lagu magacaabo Taliso Abtidoon.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-23032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa ka soo baxaysa qaabkii uu u dhacay weerarkii cuslaa ee maanta Al-Shabaab ku qaadeen dhismooyin ay daganaayeen 2 wasaaradood oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xarunta Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir. Ragga weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay xarunta ka weerareen Al-Baabka ku yaala dhabarka dambe ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo ka soo horjeeda xarunta Fisha Taraafika ee degmada Shangaani. Sidoo kale qorrax ka soo bax waxaa ka xiga dhismaha Safaaradii Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho taas oo ay ka guurayn sanadkii hore kadib markii ay isku dhaceen dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka. Gaadiidka weerarka fuliyay ayaa la sheegay in ay ka yimaadayn dhinaca Xamar-wayne waxayna ku soo jiheesnaayeen qorrax ka soo bax sida ay sheegayn dadkii halkaasi ku sugnaa. Xarunta ay Al-Shabaab maanta weerarayn afarta gees waxaa kaga yaala baro control oo muhiim u ah dhismooyin badan oo halkaasi ku yaala kuwaas oo kala, Laba bar kontarool oo ku taala wadadada ka timaada Xeebta liido iyo labada kale oo ku yaala dhinaca Fisha Taraafiko iyo Jubba oo ay kala joogaan Booliis iyo Nabad Sugid waxaana la yaab ah sida ay ku soo gudbayn Ciidankaasi. Dhismiyaasha la weeraray kaliya maahan Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Shaqada iyo Shaqalaaha balse waxaa ku dhaggan Wasaaradda Caafimaadka, Dhismaha Fisha Taraafiko, Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir, Dhismaha Baarlamaanka Aqalka Sare iyo Taliska ugu wayn hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Magaalada Muqdisho maalintii ma jirto wax baaritaan ah oo lagu sameeyo gaadiidka iyo dadweynaha marka laga reebo dhowr meelood oo ah meelo muhiim ah, oo ay ku yeelaan xarumaha DF-ka Soomaaliya. In Alshabaab ay weeraraan xarumahaan waxay ka dhigantahay in DF-ka dadaalkeeda uu aad u liito, sidoo kalane Al-Shabaab ay u fududahay in ay weeraraan goobaha muhiimka ah ee xarumaha Dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com