-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Axmed Ciise Cawad wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa si deg-deg ah ugu yeeray safiirka Soomaaliya u fadhiya Switzerland Faadumo Cabdullaahi Maxamuud. Wasiir cawad ayaa safiirka ku wargeliyey in muddo hal isbuuc gudaheed ay ku soo gasho magaalada Muqdisho. Qoraalkan laguma shaaacin u jeedada rasmiga ah ee loogu yeeray safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Balse tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli safiiraddu ay ka aamustay go’aankii Trump ee ahaa in ay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights ee dalka Siiriya. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ku bilowday qaraxyo oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu qaaday dhismo ay wada dagan yihiin wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo tan howlaha guud oo ku yaalla degmada Shangaani ee gobolka Banaadir. Ciidamada dowladda ayaa goor dhow soo afjaray weerarkan, iyaga oo toogtay afar ka mid ahaa raggii soo qaaday. Ugu yaraan 10 Qof ayaa ku dhintay weerarkani, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah. Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, ahaana xildhibaan ka tirsanaa BFS Saqar Ibraahim Cabdalla. Agaasimaha guud ee wasaaradda howlaha guud Axmed Maxamed Iimaan oo kana mid ahaa xubnaha la soo badbaadiyay ayaa Shabelle uga warramay, sida ay wax u dhaceen. Waxa uu sheegay agaasimuhu in dhammaan ay bad-qabaan shaqaalaha wasaaradaasi, marka laga reebo kuwo darbiyada ka booday oo dhaawacmay. Sidoo kale waxa uu xusay in ragga weerarka soo qaaday ay wateen dareeska ciidamada dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkani, sida ay ku baabiyeen barahooda Internet-ka. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahanno ka tirsanaa kuwooda ay fuliyeen weerarkaasi, inkastoo aysan shaacin khasaaraha ka dhashay. Xaaladd ayaaa haatan degan , waxaana goobta uu weerarku ka dhacay ku sugan ciidamada amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga agaasimaha wasaaradda howlaha guud. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/ok.mp3 View the full article
-
On Friday, Turkey and Somalia signed a protocol on land exchange for diplomatic representation. Turkish Foreign Minister Mevlut Cavusoglu encountered with his Somali counterpart Ahmed Isse Awad, who visited Istanbul to join an emergency meeting of the Organization of the Islamic Cooperation on the battle against hate and intolerance towards Muslims in New Zealand. After the meeting, both parties contracted the protocol on land exchange for diplomatic representation. Turkey has been the main supporter of Somalia for years and has its largest embassy in Africa in Mogadishu. View the full article
-
Five gunmen stormed into a government building in the Somali capital following a suicide car bombing at the gates on Saturday, a police officer said, in the latest attack by Islamic extremist fighters in the Horn of Africa nation. Somali security forces were fighting to neutralize the attackers and rescue public servants trapped inside the Mogadishu building, which houses the ministries of labor and works, police Capt. Mohamed Hussein said. There was no word yet on casualties. Dozens of people were believed to be inside the building at the time of the attack since Saturday is a working day in Somalia. Gunfire could be heard from inside the building as a cloud of smoke billowed from the scene, according to witnesses. Al-Shabab claimed responsibility for the ongoing attack, saying that its fighters were inside the building, which is located not far from the headquarters of the Somali intelligence agency. A similar attack targeting a busy area in Mogadishu at the end of February killed at least 24 people. That attack also began with a pair of car bombs exploding in a popular area of Mogadishu where Somalis were relaxing at restaurants. The al-Qaida-linked al-Shabab frequently carries out suicide bombings targeting public places and government offices. Hotels and restaurants are also attacked. Al-Shabab, Africa’s most active Islamic extremist group, has been fighting for years to take power and create an Islamic state in Somalia. The group continues to mount lethal attacks despite being pushed out of Mogadishu. It mostly operates from rural areas in the country’s south. African Union peacekeepers stationed in Mogadishu and elsewhere in the country have helped Somali forces to keep al-Shabab fighters at bay. The group has carried out many deadly attacks in neighboring Kenya in retaliation over Kenya’s deployment in 2011 of peacekeepers in Somalia. The U.S. military has carried out a number of deadly airstrikes in recent months against al-Shabab. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Muqdisho ayaa sheegayo in lasoo afjaray weerarkii laguy qaaday Gudaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dowladda Soomaaliya. Dableyd ka kooban 4 ilaa 5 oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Wasaaradda, waxayna ku labisnaayeen Dareeska Ciidamada Booliska Soomaaliya iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay in la toogto. Dhismaha la weeraray ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa isku dhegan, sidoo kale waxaa u dhow Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir. Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxyada. Dadka ilaa hadda sida rasmiga ah loo xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkaas ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla sidoo kalena ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Wasaaradda, Wasiirka waxaa uu ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha xilliga uu dhacayay weerarka Wasaaradaha shaqaalaha iyo howlaha guud. Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa tiradooda gaarayo ilaa 11 qof sida laga soo xigtay Baabuurta Gargaarka Deg deg ah ee Ambalaasta. Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarka sida ay ku sheegeyn war saxaafadeed xoogaa ka hor kasoo baxay. “Ciidamada Al-Shabaab ayaa howlgal ballaaran ka wada xarumaha wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo Wasaaradda Howlaha Guud, howlgal aad u xooggan ayaana socda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in lasoo afjaray weerarkii ku bilowday qaraxyada ee Maanta lagu qaaday Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasaardda Howlaha Guud. Weerarka lagu qaaday Wasaaradda oo ku bilowday laba qarax oo gaari laga soo buuxiyey ayaa waxaa kadib gudaha u galay dableyd ku hubeysan Qoryaha fudud iyo Bambooyinka Gacmaha laga tuuro. Dagaal culus iyo is rasaaseyn ka dhacday Wasaaradda dhexdeeda, ciidamada Dowladda ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan weerarkaas oo qaatay ilaa 3 Saacadood. Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay inay weerarkaas soo afjareyn isla markaasna la toogtay dhammaan dableydii weerarka soo qaaday oo ahaa Afar ku labisan Dareeska Ciidamada Booliska Soomaaliya. Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa hadda baaritaan ka wado Wasaaradda si loo xaqiijiyo amniga. Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay inay Saxaafadda usoo bandhigi doonaan meydka dableyda weerarka soo qaaday marka la xaqiijiyo Amniga Xarunta oo hadda laga wado baaritaan loo xog leh. Weli lama ogo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka lagu qaaday Wasaaradda, balse gaadiidka Gurmadka Deg deg ah ayaa sheegay inay halkaas ka qaadeyn dhaawaca dad gaarayo illaa 11 qof oo ahaa dad shacab ah. Dhismaha Wasaaradda iyo Guryaha u dhow dhow ayaa waxaa ka muuqdo burbur aad u xooggan oo dhashay qaraxyadii halkaas ka dhacay iyo rasaasta la isku dhaafsaday Gudaha Wasaaradda. Wixii kusoo kordho kala soco Caasimadda Online. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Soomaaliya ayaa waxaa si deg deg ah loogu yeedhay Faaduma Clhi Maxamuud oo ah Safiirka Soomaaliye ee Magaalada Geneva. Sidoo kale Faadumo Cabdillaahi Maxamuud ayaa ka tirsan Xarunta Qaramada Midoobey Ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva. Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kaddib markii Safiiradda ay ka aamustay go’aankii Donald Trump looga soo horjeeday ee ahaa inay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights. Source
-
Wasaarada arimaha diba Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Soomaaliya u fadhisa Soomaaliya magaalada Geneva ee Switzerland. Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya amb Axmed Ciise Cawas ayaa Faadumo cabdullaahi Maxamuud oo safiirka Soomaaliya magaalada Geneva ku amray in muddo ttodobaadgudihiisa ay dalka ugu soo laabato. Ma sheegin wasiirka sababta loogu yeeray safiirada hayeeshee warar ayaa sheegay in ay arintaan dabo socoto kaddib markii Safiiradda ay ka aamustay go’aankii Trump ee lahaanshiyaha Israa’iil leedahay Buuraha Golan Height. Puntland Post The post Dowlada Soomaaliya oo u yeertay Safiirkeeda Geneva appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel, ayaa beeniyay in wasiirka arrimaha Dibadda dalkiisu Muqdisho tegay kadib socdaalkii uu ku yimi Hargeysa. Meskel oo la hadlay HornDiplomat ayaa sheegay in wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ku sugan yahay dalkiisa oo uu shirar kaga qayb-galaayo. Qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida ayaa qoray in wasiirka arrimaha Dibadda Eritrea Muqdisho ku joogo booqasho qarsoodi ah. Source
-
By now the President should have in place a major reform package for the State’s suffocating and duplicating bureaucracy. By now the President must have shown his vision as to where he would take Puntland State. By now the President must have committed himself and his administration to a democratization process as the old clan POWER-SHARING arrangement had hit the dead-end and should be discontinued. By now the President should have inspired the people of Puntland for renewal of hope and revitalization of socio-economic life in this part of Somalia. By now the President should have cleared the confusion surrounding on how to move forward in terms of cooperation between Puntland and its international partners. By now the President should have studied the dubious P&O and DP WORLD Bosaso contract and clarified Puntland position on whether to revise the infamous contract or discard it all together. Puntlanders had never seen or shown publicly this suspicious Bosaso Port Deal with the UAE ambitious and aggressive firm, the P&O. The President needs to hire a team of highly experienced business and civil contract lawyers to look into this contract with P&O. And by the way, does President Deni have seen that contract? Nobody in Puntland, including the previous members of House of Representatives ( the Parliament), who corruptedly approved the deal, had reported seeing it.We see only slow piecemeal steps and occasional visits to various departments in Garowe, but no meaningful announcements or significant undertakings on the part of Deni Administration until to-date. If there is something you know, please share it with us. By tradition, Puntlanders are extremely patient to wait and give chance to any Puntland incoming administration, but they are anxious this time around to see bold steps and tangible results from President Deni. Too much time spent on a learning curve indicates the President is not yet ready to govern and would waste the first year of his administration as the 100 days measured in sizing up the President without achieving any major item of his election platform. Puntlanders’ eyes are on the President to deliver the goods and quickly.And one final thing: leadership doesn’t operate in the dark. It is about openess or transparency and public guideness. By Ismail Warsame Former chief of staff Puntland state of Somalia The post ROADMAP FOR PUNTLAND DENI PRESIDENCY appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo xooggan oo Goor dhowayd lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee k taalla Isgoyska Jubba ee dhinaca degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir. Qaraxyada ayaa waxaa loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana xigay rasaas xooggan oo halkaasi laga maqlay. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi rag hubeysan ay gudaha u galeen, waxaana goobta ay qaraxyada ka dhaceen ku yaalla Makhaayado iyo Xarumo kale. Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa haatan goobta kasoo daabulaya dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi. Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in uu qaraxyada ay sababeen Khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa ku sugan goobta, waxaana la xidhay dhammaan wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shan qarax ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxyada koowaad iyo labaad ayaa lagu qaaday wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, oo ay galeen Al-Shabaab. Qaraxa koowaad ayaa ahaa gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lagu dhuftay albaabka hore ee xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, taasi oo ku dhow isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halkaasi, rag hubeysan ayaa gudaha u galay xarunta wasaaradda, halkaasi oo ay kula dagaalameen ciidamada amniga sugaya, oo uga dambeyn ka adkaaday kana saaray. Daqiiqado kadib ayaa goobta waxaa ka dhacay qarax Labaad, waxaana qarxay sida la sheegay gaari ay kasoo degeen dableydii hubeysneyd ee gudaha u galay xarunta wasaaradda. Qaraxa saddexaad ayaa ka dhacay agagaarka Masaajidka Biyamaalow oo ku yaal inta u dhaxeyso Isgoysyada Bakaaraha iyo Howl-Wadaag. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel Qashin ah, waxaana la sheegay inuu ahaa mid meesha lagu duugay. Sida ay goobjoogayaal u sheegeyn Caasimadda Online qaraxaan ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 5 qof halka tiro intaas la eg ay ku dhaawacmeyn. Dadka dhibaatada kasoo gaartay Qaraxaan ayaa la sheegay inay ahaayeen dad shacab ah oo halkaas ku sugayey Gawaraada Rayidka ee loo yaqaan BL, waxayna isugu jireen arday iyo dad kasoo dukaameystay Suuqa Bakaaraha. Qarax afaraad oo ahaa miino, ayaa ka dhacay jidka Soddonka, waxaana ku geeriyooday askar ka tirsan Ciidanka dowladda. Qaraxaan ayaa la geliyay goob ay fadhiistaan ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka Booliska oo ku taalla warshaddaha gaar ahaan Eveco. Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 2 Askari oo Ciidanka dowladda ka tirsan ay ku geeriyoodeen Qaraxaasi. Qaraxa shanaad ayaa ka dhacaya Isgooyska Ex-Koontarool Afgooye, halkaasi oo gaari ay la socdeen dad rayid ah qaraxa lagu xiray. Inta la xaqiijiyay 2 qof oo Rayid ah ayaa ku dhintay, halka Xildhibaan Salaad Sheekh Xuseen, oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle uu ku dhaawacmay qaraxa. Gaari ay la socdeen ayaa la sheegay in uu qarxay, waxaana qof ka mid ah dadka ehelka la ah dadka ay waxyeellada soo gaartay xaqiijiyay dhimashada laba qof iyo dhaawac qof kale. Jawiga Magaalada ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana xiran inta badan waddooyinka Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kooxaha Horseed iyo Heegan ayaa wada ciyaaray kulamadoodii 7aad horyaalka Somalia Premier Legaue xil ciyaareedka 2018-2019. “Waxaan luminay fursad aan hogaanka ku qaban laheyn waxaan xooga saaraynaa in aan ku dadaalno labada kulan ee inooga hartay wareega 1aad waxaa sidaas kulanka ka dib Goobjoog Sports u sheegay macalinka kooxda Horseed Cabdi Wali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon). Labada koox oo xifaaltan adag ka dhaxeeyo waxaa qeybta 1aad lagu kala maray 1-0 oo ay hogaanka ku hayaan xidigaha kooxda ciidanka booliska ee Heegan waxaana u dhaliyay laacibka reer Uganda Igama. Qeybta 2aad labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar ku dheehan weerar iyo weerar celis waxaana usoo daawasho tagay taliyaha ciidan xooga dalka Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) waxayna ciyaarta kusoo dhamtaay 1-0 oo ay guusha ku qaateyn ciyaartooda Heegan. “Alx Alle ayaa mahad iska leh hamigeena waxa uu ahaa in aan guul gaarno kulankan muhiimka waan ku farax sanahay in aan soo galno kaalinta 2aad ee kala horeynta”waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay goolhayaha kooxda Heegan Mustafa Maxamed Yuusf. Maxaa Laga Bartay Kulanka -Heegan ayaa Horseed guul ka gaartay kulamadoodii 1aad tartamada kubbadda cagta gudha 2018-2019. -Xidigihii hore kooxda Gadiidka ee kala ah Mahad Nuur,Saadaam Cabdullahi Gaab,Farxaan maxamed Axmed iyo Ibraahim Budka ayaa kulanka iskaga horyimid ka dib markii ay kasoo dhaqaaqeyn 2018. -Kooxda Heegan waa todobaadkii 3aad oo xariir ah oo ay guul gaarayso horyaalka Somalia Premier Legaue,iyoo iminka xaadir ku ah kalinta 2aad waxayna lee yihiin 15-dhibcood. -Xidigaha kala ah Mahad Basey,Cali Xabad iyo Farxaan Maxamed Axmed oo ka kala tirsan labada dhinac ayaa ka mid ahaa xidigihii Soomaaliya gaarsiiyay fiinaaalka koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika 2018. -Heegan wareega 1aad waxaa u haray labo kulan waxayna wajahaysaa kooxaha Dekedda iyo Gaadiidka. -Xidigaha Horseed ayaa iska lumiyay fursad ay kula wareegi lahaayeen hogaanka horyaalka Somalia Premier League waxayna iminka u soo dhaceyn kaalinta 3aad,iyagoo leh 13-Dhibcood. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Kooxaha Heegan VS Horseed Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-SHabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda qaraxyo is xigxigay oo maanta barqadii ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Al-Shabaab waxay sheegtay in laba qarax ay labeegsatay ciidamada dowladda kadib ay ciidamadeedu ay xoog ku galeen dhismayaasha wasaaradaha shaqada shaqaalaha iyo Howllaha guud oo kuyaal meel aan ka fogeyn isgoyska Jubba ee degmada Shagaani. “Ciidamada Al-Shabaab ayaa howlgal ballaaran ka wada xarumaha wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo Wasaaradda Howlaha Guud, howlgal aad u xooggan ayaana socda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Al Shabaab. Al-Shabaab ayaa sheegtay sidoo kale inay Qaraxa labaad la beegsadeyn ciidamo doonayey inay la dagaalamaan kooxdii Shabaabka aheyd ee gudaha u galay Xarunta Wasaaradaha. Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa dhismayaasha wasaaradaha ee ay gudaha ugaleen ciidamada Al Shabaab. Weeraradan ayaa ka socda goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo waxayna imaanayaan laba maalmood kadib markii ciidamada Dowladda ay sameeyeen gadoodka dhanka Mushaaraadka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay albaabka hore ee xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, taasi oo ku dhow isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halkaasi, rag hubeysan ayaa gudaha u galay xarunta wasaaradda, waxaana ay iska caabin kala kulmeen ciidamada ammaanka ee halkaasi ku sugnaa. Daqiiqado kadib ayaa goobta waxaa ka dhacay qarax Labaad, waxaana qarxay sida la sheegay gaari ay kasoo degeen dableydii hubeysneyd ee gudaha u galay xarunta wasaaradda. Waxaa jirta khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, balse weli lama hayo tirada saxda ah ee dadka waxyeelladu halkaasi kusoo gaartay. Goobta waxaa gaaray ciidamo badan oo dowladda federaalka ah, kuwaasi oo u gurmanaya shaqaalaha wasaaradda oo howlmaalmeedkooda watay markii la weerarayey. Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa goobta kasoo qaadaya dadka ay waxyeelladu soo gaartay. Muqdisho maalmahan dambe waxaa kusoo badanayey falalka amni darrada ah, xilli dowladda federaalka ay xoojisay ammaanka guud ee magaalada, islamarkaana waddooyinka ay taagan yihiin askar gaadiidka baarta. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ka dhacay dhismaha wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo ku taala isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayaa ku bilowday gaari qarax ah oo lala eegtay dhismaha wasaaradda oo ku dhow xarunta taliska ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir, waxaana kadib la maqlay rasaas xoogan oo ka dhacday gudaha wasaaradda. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ku dhawad afar ruux oo hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha wasaaradda Qaraxa kadib, waxaana ay ka dagaalameen muddo daqiiqado ah, inkastoo wali dowladda aysan ka hadlin weerarka. Inta weerarkaasi uu socday ayaa sidoo kale waxaa la maqlay qarax xoogan oo ka dhacay isgoyska Jubba, kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid goobta lagu diyaariyay. Waxaa la arkay shaqaalo ka tirsan wasaaradda la weeraray oo jaranjaro kaga soo dagaya daaqadaha wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, waxaana jira dhimsho iyo dhaawac ka dhashay weerarkii maanta. Ciidamada amaanka ayaa xiray dhamaan waddooyinka ku hareereysan goobta weerarka uu ka dhacay, waxaana hadda muuqata in xaaladda ay degan tahay, iyadoo ay joogsadeen rasaastii laga maqlayay goobta weerarka uu ka dhacay. Maalmihii ugu dambeyay waxaa jiray hadal heyn la xiriirta weeraro amaan oo ka dhaci kara magaalada Muqdisho. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Two explosions occurred in Mogadishu, the Somali capital on Saturday morning. The first blast which was a car bombing happened near the buildings of Labour and social affairs Ministry between Jubba and Shangani junctions, according to the witnesses. Details of the casualties are still unclear. View the full article
-
Gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhawayd lagu dhuftay xaruta wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda Soomaaliya . jugta qaraxa ayaa [...] Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Xarun ay dagan yihiin laba wasaaradood oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Sida aan Wararka ku helnay qaraxa koobaad ayaa lagu weeraray xarunta Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha dowlada Soomaaliya oo kutaala degmada Shangaani una dhaw Isgooska Jubba. Rasaas ayaana laga maqlayaa halka ay qaraxyadu ka dhaceen, lamana oga wali in rasaastaasi ay tahay mid la is dhaafsanayo iyo mid kale. Qaraxa labaad ee goobta ka dhacay ayaa loo maleenayaa in uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa isna laga soo buuxiyay oo ku qarxay meel aan ka fogeyn halka qaraxuu hore uu ka dhaca. Qaraxa kaddib ayaa la sheegay in rag hubeysan ay gudaha u galeen xarunta, isla markaana la maqlayo rasaas culus. Wararka ayaa intaa ku daraya in rasaasta ay gudaha Wasaaradda ka socoto, waxaana la maqlay qarax labaad. Dhismaha la weeraray ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa waxay isla degan yihiin Wasaaradda Howlaha Guud. Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxyada. La soco wixii soo kordha Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Goordhow waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo si weyn looga maqlay guud ahaan caasimada. Qaraxyada ayaa ahaa ilaa labo qarax oo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa. Qaraxyada ayaa lagu weeraray xarunta Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo ku taala isgooyska Jubba ee Muqdisho. Sidoo kale rasaas ayaa laga maqlayaa halka ay qaraxyada ka dhaceen. Faah faahinta dib kala soco insha allah Puntland Post The post Qaraxyo iyo rasaas ka socoto Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali adag in la helo faahfaahin la xiriirta qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Qarax kale oo xooggan ayaa ka dhacay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana la ogeyn khasaaraha ay geysteen qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa koowaad oo aad u xoogan ayaa ka dhacay Jubba, waxaana qaraxa labaad laga maqlay bartamaha Isgoyska Jubba, waxaana adag in la ogaada xaaladda goobta qaraxyada ay ka dhaceen. Rasaas xoogan ayaa la maqlayaa, waxaana la ogeyn halka uu ahaa bartilmaameydka. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa koowaad ay u badan tahay in bartilmaameydkiisu ahaa xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo Howlaha Guud ama taliska qeybta Booliska ee gobolka Banaadir. Ciidamada amaanka ayaa xiray goobta qaraxyada ka dhaceen, waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo ka dhacaysa halka qaraxyada ay ka dhaceen. La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com