Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,337
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Dagaalyahannada ururka Hamas ee maamula magaalada Gaza ayaa Axadda maanta ah gantaallo kale ku ganay dhinaca Israil, iyadoo ciidanka Israel-na ay ku jawaabeen duqeymo cirka ah. Duqeymaha ay tan iyo Sabtidi shalay is weydaarsanayaan labada dhinac ahaa ka dhigan inuu burburay heshiiskii xabad joojinta ee u dhaxeeyay xamas iyo Israel. Waxaana hadda laga cabsi qabaa in dagaalka labada dhinac uu sii xoogeysto. Ra’isulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa maanta sheegay inuu ciidankiisa ku amray in ay sii wadaan duqeymaha dhinaca cirka iyo dhulka ah ee ay ku beegsanayaan Xamas. Waxaa kale oo uu amray in taangiyada Israel la geeyo xadka magaalada Gaza si ay u duqeeyaan Gaza. Maamulka magaalada Gaza ayaa ku warramay in duqeymaha cirka ah ee ay Israil ka wadday Gaza Sabtidi ilaa Axada maanta ah ay ku dhinteen ilaa iyo lix Falastiiniyiin ah oo lab aka mid ah yihiin xoogaga ka dagaalama Gaza. Israil ayaa dhankeeda ku eedeyay ururka Hamas, dhimashada hooyo uur laheyd iyo canugeeda yar. Magaalada Ashkelon ee ku taalla xadka Gaza, nin oday ah ayaa ku dhintay madfac ay soo tuureen dagaalyahannada Gaza. Millatariga Israil wuxuu sheegay in tan iyo Sabtidii ay maleeshiyada ururka Islamic Jihad ay magaalada Gaza kaga soo tuureen in ka badan 450 gantaal, waxay sheegeen in 150 ka mid ah madaafiicdaasi uu ka hor tagay nidaamkooda difaaca cirka. Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay keydka Al Shabaab ee miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa, sida ay sheegeen taliska ciidamada Booliska. Ciidamada amaanka oo howlgalka ka sameeyay magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay inay kusoo qabteen keyd Al Shabaab ku lahaayeen degmada iyo deegaano hoostaga. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiyo Xuseen oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in ciidamada ay qabteen 12 qaraxyada waaweyn ee loo dhigo gaadiidka Tangiga iyo sunta qaraxyada laga sameeyo. Waxay sheegtay in Al Shabaab ay doonayeen in hubkaasi ay adeegsadaan inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan, islamarkaana ay ku waxyeeley lahaayeen shacabka gobolada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Sidoo kale waxay sheegtay in ciidamada amaanka ay qabteen labo ruux oo ka tirsan Al Shabaab oo ku eedeysan inay degmada Waaberi ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada Minishiibiyada gobolka. Labo ruux oo kale oo siyaabooyin kala duwan dilal uga geystay degmada Kaaraan ayay sidoo kale sheegtay in ciidamada booliska ay gacanta kusoo dhigeen. Hoos ka dhageyso codka Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Taliska-Booliska-Soomaliya-Ayaa-Sheegay-iney-Gacanta-ku-dhigeen-keyd-walxaha.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Badi dalalka Carabka ayaa la filayaa in maalinta koowaad ee ay soomayaan bisha barakaysan ee Ramadan, oo la filayo inuu soo muuqdo dayaxa cusub, ayaa la filayaa inay noqoto May 6 oo ku beegan maalinta Isniinta. Maxkamada Sare ee dalka Sucuudiga ayaa ugu baaqday dhamaan Muslimiinta inay eegaan bilasha dayaca, isla markaana cidii aragta ay ku soo wargaliso, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee SPA. Dalalka Qatar, Indonesia, Lebanon, Suuriya, Masar, Marocco, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn iyo dalal kale oo muslimiin ah ayaa saadaalinaya in bisha barakaysan ee Ramadaan ay bilaabmayso maalinta Isniinta. Halka Muslimiin farabadan oo ku nool Yurub iyo Maraykanka ay filayaan in ramadaan ay bilaabanto Axad. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay Xaaladda deg-degga ah ee lagu Gobolka Sanaag, ka dib markii lagu dilay laba Sarkaal oo ka mid ahaa Ciidamamda Asluubta iyo Booliska. Xildhibaan Axmed Dirir oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa inqilaab ku sheegay Xaaladda deg-degga ah ee lagu rogay degmooyinka Gar-adag, Ceel Af-weyn iyo Ceerigaabo, waxaanu sheegay in aanu inqilaab u baahnayn in Goleyaasha laga ansixiyo. Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Saraakiisha Ciidanka ee la bartilmaameedsanayo maaha wax ugub ah ee hore ayay u dhacday, tan waxa ka horreeyay Taliyihii Qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil Marxuum Casayr, Dawladdu way dedaashay way soo qabatay Nimankii dilka geystay, Maxkamaddaa la geeyay waana la xukumay, nasiib-darrose illaa Maanta wax fulin ah lama samaynin oo go’aankii Maxkamadda lama raacin, haddii taa la raaci lahaa (la fulin lahaa) kumay dhiiradiin Maanta kuwa dilka geystay oo mabay hawaysteen inay Ciidan dambe soo hadal-qaadaan, laakiin taasaa keentay oo dhiirigelisay in la laayo saraakiisha.” Mudane Dirir waxa kale oo uu sheegay “Somaliland kama jirto xaalad nabadgalyo-darro, laakiin waxa ka jirta fulin la’aan, haddii waxa Maxkamaduhu jideeyeen la fulin waayo, nabadgalyada ayaa xumaanaysa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xaaladda deg-degga ahi nabadgalyada inay xumayso mooyaane waxba ka tari mayso, waxay innagu celinaysaa halkii Somaliland maraysay 1988-kii. Inay Ciidamadu xukunka Gobolka la wareegaan waa inqilaab, inqilaabna Ansixin uma baahna, markaa in Goleyaasha la keeno ma ahayn..” Source
  5. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynihii Hore Ee Dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo ayaa maanta Booqasho Ku Yimid Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo oo imikana ah Guddoomiyaha hay’adda Brenthurst Foundation oo ka shaqaysa horumarinta dhaqaalaha Afrika iyo hirgelinta nidaamyada caalamiga oo xarunteedu tahay dalka South Africa oo waddanka ku yimid marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Somaliland. Ugu horayn Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu uga mahadnaqay booqashada uu ku yimid Somaliland, waxaanu warbixin guud ka siiyey Marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland iyo wakhtigan halka ay marayso. Waxaanu madaxweynuhu u sheegay Olusegun Obasanjo, in shacbiga Somaliland xasuusan yahay guddidii xaqiiqo raadiska midawga Afrika u soo diray 2005-tii Somaliland oo uu ahaa gudoomiyihii midawga Afrika ee xiligaas, si ay uga sameeyaan warbixinno la xidhiidha qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland, maanta oo uu ku sugan yahay Somaliland-na ay guud ahaan indhaha Somaliland muddo 28 sano ah ay soo eegayeen madaxda, siyaasiyiinta iyo odayaasha Afrika ee uu ka midka yahay, kana dhursugayaan sidii ay Afrika uga heli lahaayeen waxa ay ka mudan yihiin oo ah aqoonsi ay ka helaan afrika inteeda kale iyo beesha caalamka. Madaxweyne Olusegun Obasanjo oo xukunka dalkiisa hayey intii u dhaxaysay 1999-2007-kii, islamarkaana Midowga Afrika hoggaaminayey intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2006, ayaa safarkiisani waxa uu qaadan doonaa muddo laba maalmood ah, isagoo booqan doona xafiisyo kala duwan oo dawladdu leedahay. Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la qaatay madaxweynihyihii hore ee dalka Neyjeeriya Olusegun Obasanjo, ayaa waxa ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali waraabe), wasiirrada arrimaha gudaha, iyo hawlaha guud, wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, wakiilka Somaliland u qaabilsan midawga Afrika, maayarka caasimada Somaliland iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada.
  6. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo furay shirka Dejinta Qorshaha, hirgelinta siyaasadda iyo horumarinta dhallinyarada Puntland, kaas oo Garoowe ka socon doona muddo labo cisho [...] Source
  7. Masaafada oo ah dhaqan Soomaalida lagu yaqaana ayaa hadan waxaa ku kala aragti duwan culimada Soomaaliyeed oo qaba in ay xaaraan tahay in gabar waalidkeed [...] Source
  8. Deegaano badan oo kamid ah Puntland ayaa waxaa laga soo sheegayaa abaar baahsan oo saamaysay dadka iyo duunyada. meelaha ay abaarta iyo biyo la,aanta ay [...] Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta Go’aan kasoo saartay Dacwad loo heystay Saraakiil katirsan Dakadda Muqdisho iyo Ganacsade. Maxkamada ayaa xukuntay inaysan wax danbi ah galin kadib markii ay ku guul dareysteen Xafiiska Xeer ilaalinta in ay Maxkamadda horkeenaan cadeymo ku filan in lagu helo eeda ay usoo jeediyeen muwaadiniintaas. Eedeysanayaasha dambiga lagu waayay ayaa waxay kala yihiin Axmed Cabdullaahi Samow, Gaashaanle Maxamed Maxamuud Xuseen, Cali Cilmi Geele,Ciise Faarax Camalow iyo Cali Dhuxulow, kuwaas oo Maxkamada Gobolka Banaadir ay horay ugu riday xukun saddex sano ah ka dib markii lagu eedeeyay isdaba marin dhanka canshuuraha. Sidoo kale, Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa amartay 5-Eedeysane in xuriyadooda dib loogu celiyo halka ay 2-Eedeysane oo maqanayaal ah ku celisay Dacwadoodo Maxkamadda Darajada 1-aad maadaama aan loo marin Habraaca Dacwadaha Dadka maqan sida soo qabasho ama Baafintii IWM. Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa aqriyay Go’aaanka Maxkamadda.
  10. A rookie Ottawa police officer is suspended from duty after being arrested Friday morning and charged with sexual assault and forcible confinement. Source: Hiiraan Online
  11. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Ismaaciil Yare ayaa eedaymo culus u soo jeediyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Ramadan, which begins on May 6 in most countries this year, is the holiest month in the Islamic calendar. It involves abstaining from eating, drinking, smoking and sexual relations from dawn to sunset... Source: Hiiraan Online
  13. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid ayaa eedaymo u jeediyay xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda Somaliland, Halkan hoose ka SAAWO Source
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Maanta magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ka furmay shir u dhaxeeya madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedyada waxaana looga hadlayaa Xaaladda Soomaaliya. Shirka ayaa xoogga lagu saarayaa Amaanka, Siyaasadda iyo dhaqaalaha waxaana sidoo kale la doonayaa in lagu xaliyo tabashooyinka Maamul Gobaleedyada ay ka qabaan hogaanka Soomaaliya. Caasimada Online oo la hadashay xubno badan oo katirsan Wafdiga Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha ayaa ogaatay in rajo wayn aan laga qabin dhaqan galka waxyaabihii lagu heshiiyo. Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaan aad ugu dhow Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Kheyre isku afgarteen in la dhageesto cabashada maamul Gobaleedyada balse aan la dhaqan gelin loona qabto ballan qaadyo sidii hore u dhacday oo kale. Xubnahaan ayaa sidoo kale noo sheegay in waxa ay doonayaan Maamul Gobaleedyada iyo dowladda rabitaankeeda aysan isu dhawayn, sidoo kalane aysan dhanka Dowladda ka suurta gelin rabitaanka Maamul Gobaleedyada in ay fuliso. Qodobada ugu wayn ee la isku haayo waa Sharciga doorashada iyo qoondada dhaqaalaha ee Maamul Gobaleedyada oo aysan bixin dowladda Soomaaliya bilooyinkii la soo dhaafay labadana waa lagama taabtaan Kheyrre iyo Farmaajo. Sidoo kale waxyaabaha la isku haayo waa madaxbanaanida doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland taasna aysan ka suurta geli karin Dowladda Soomaaliya. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Ciise oo katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkaas uu yahay waqti lumis dowladda Soomaaliyana aysan dhaqan gelin doonin waxyaabihii ka soo baxa shirka. Lama oga sida ay wax noqon doonaan balse ma muuqato rajo wayn oo laga qabo Shirkaas. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  15. Wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda Harriett Baldwin ayaa ugu baaqday saddexda xisbi qaran ee Somaliland inay muujiyaan isu tanaasulid lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo inay doorashooyinka wakiilada iyo deegaanku qabsoomaan December 19, 2019. Wasiir Harriet, oo qoraal ka soo daba saartay su’aalo ku saabsan dimuqraadiyadda iyo xorriyatul qawlka Somaliland oo toddobaadkii hore lagu weydiiyay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa waxay tidhi “Kaalmada Ingiriiska waxay qayb muhiim ah ka qaadataa taageerada geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland oo ay ku jiraan horumarinta la xisaabtanka garsoorka iyo dhismaha amniga guud, xoojinta awooda farsmo ee guddiga doorashada iyo dhismaha isfahamka dawladda iyo saxaafadda oo loo marayo xeer saxaafadeed oo cusub.” Wasiir Harriet oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi “Hase yeeshee, waxa weli jira caqabado badan oo aanu wada hadal kala leenahay dawladda Somaliland. Tusaale Iyada oo uu weli jiro faquuqa dumarka iyo beelaha laga tirada badan yahay, sida oo kalena uu sii socdo xadhiga aan loo meeldayeyn ee lagu hayo warfidiyeenka. Waxa aanu sida oo kale walaac ka qabnaa in aan wax horumar ah laga samaynin u diyaargarowga doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee 2019 ka, oo ay ka mid tahay meel marinta sharciyadda doorashooyinka baarlamaanka.” Wasiirul dawlaha Ingiriisku waxay hadalkeeda ku soo gunaanaday “Waxa aanu ugu baaqnay saddexda xisbi siyaasadeed in ay muujiyaan in ay weli ku jiraan ballankii ahaa dimuqraadiyadaynta, isu tanaasulidda lagama maarmaanka ahna isu sameeyaan si geeddiga si dhab ah hore loogu sii wado, loona xaqiijiyo in doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda oo ah 12 ka December 2019.” Source Geeska Qaran News
  16. Even as federal forces were late last week deployed to contain ethnic violence in northern Ethiopia, there are reports of heated exchanges brewing between two regions in the country’s east. Source: Hiiraan Online
  17. WASHINGTON DC - 57 individuals and organizations were recognized on Friday during a ceremony at FBI Headquarters in Washington, D.C. where the Director’s Community Leadership Awards (DCLA) Source: Hiiraan Online
  18. (SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in sifo sharci-darro ah lagu xidhay guddoomiyiha garabka dhalinyarada Waddani ismarkaana dhibaato xooggan loo gaystay markii la soo qabanayay. Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sidoo kale waxa ka hadlay muranka doorashooyinka iyo tallaabadii xisbiyadda KULMIYE iyo UCID ku gaadheen heshiiska, dhacdadii ka dhacday gobolka Sanaag ee lagu dilay labada taliye, Halkan hoose ka DAAWO Source