-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Washington)Dibadbaxyo ayaa ka dhacay magaalada Pennsylvania ee dalka Mareykanka kaddib markii la sii daayay askari caddaan ah oo si ula kac ah u toogtay wiil madow ah oo dhalinyaro ah. Michael Rosfeld, oo 30 sano jir ah, ayaa bishii June ee sanadkii hore saddex jeer dhabarka ka toogtay Antwon Rose oo 17 sano jir ahaa, isagoo ka baxsanayay booliiska. Askarigaas ayaa sanadkii hore lagu xukumay dil, balse garsoorka ayaa Jimcihii ku waayay wax ,denbi ah Boqollaal dibad baxayaal ah ayaa magaalada Pittsburgh isugu yimid isla markaana xiray waddooyinka. Aabbaha Rose, Antwon Rose Sr, ayaa khudbad u jeediyay dibad baxayaasha wuxuuna ku baaqay dibadbax aan rabshado wadan. Dilka Antwon Rose ayaa ka mid ah kiisas badan oo ku saabsan rag madow ah oo ku dhintay gacanta saraakiil booliis caddaan ah oo Mareykanka u dhashay. Maxaa ku dhacay Antwon Rose? Saraakiisha ayaa istaajiyay gaariga Rose, iyadoo ay sababtu tahay inuu u ekaa gaari laga shakisan yahay, sida uu booliisku sheegay. Rose ayaa xilligaas ka mid ahaa rakaabka gaariga saarnaa. Markii darwalka la istaajiyay laguna amray inuu gaariga ka soo dego, Rose iyo qof kale oo rakaab ahaa ayaa cararay. Rose ayaa dhowr jeer laga toogtay dhabarka, gacanta, wajiga iyo caloosha. Dhaawacyo soo gaaray ayuuna markii dambe u geeriyooday. Saraakiisha xilligaas ma aysqn wadan kaamirooyin, balse muuqaal uu duubay qof waddada marayay ayaa aad la iskula dhex maray, waxayna taasi horseedday maalmo dibadbaxyo ah oo ka dhacay Pittsburgh. Source
-
Inta uu dhab u kala qaybiyey oo xukuumad dhinac ka raran u dhisay ayuu haddana Somaliland mid ah ku dhololayaa! Hadda waa markuu qolana si toos ah ugu sedburiyey weliba xigto ahaan, qolana si dadban uga fogeeyey awooddii talo-goyneed ee waddanka dhinac kasta. Meeday midnimada uu ka hadlayaa. Meeday kalsoonidii bulshada dhexdeedu? Meeday kalsoonidii lagu qabi lahaa dawladnimadu? Ma dadka caqliyadooda ayuu caayayaa? Mise waxa uu dadkiiba ka soo qaaday inta yar ee u badan xigaalka iyo xididnimada ugu xubeeraysa ee xilalka iyo xoolaha u xidhan? “Heshiiskii uu saxeexay madaxweynihii hore ee isla Kulmiye ahaa ayaa fulintiisa yeelanaya” Prof Cali Khaliif Galaydh inuu maanta Hargeysa kaga dhex calaacalaa saw wax weyn iftiimin mayso? Hadda waa heshiiskii ka dhashay wada hadalladii muhiimka u ahaa Somaliland mid ah ee tacabka badani galay ee maamulka Somaliland iyo Khaatumo. Cali Khaliif waa uu og yahay oo garanayaa cidda fulinteeda lahayd ama leh, dhabarkaa se loo jeediyey, haddana midnimo bulsheed ayaa uunsiga loo shidayaa! Kaaf iyo kala dheeri saw na aha? Waa ka hadal-tiro waxaas oo tororog ahi iyo afka baarkiisa. Hore ayaynu u nidhi ninka in midaysnayd kala qaybiyaa isuma keeni karo in kala duwanayd. Marka laga yimaaddo ee meel la iska dhigo xanaftii doorashada, Muuse Biixi Cabdi waxa uu qof ahaan ku kala qaybiyey xukuumaddii uu soo dhisay intii awel horeba Somalilandnimada ku wada socotey, intii hore u diiddabaydna maxaa laga fili karaa? Kab ninka aad ka tolanayso kabihiisaa la eegaa, saw ma ahayn? Ninka intii is oggolayd ee gogosha ku wada fadhidey ku kala kiciyey ma ka sugi karnaa in uu in kala duwanayd gogol loo gudboon yahay ku wada fadhiisiyo? Calaacal timo ka soo baxeen, saw ma aha? Habar baa iska haw hawlee heellada inoo tuma kama taggana khudbaddiisu iyo indhosarcaadin aan nuxur badani ka hoosayn, waayo wixii kaleba waa hal bacaad lagu lisay haddii aanay bulshadu wada lahaansho dawladeed oo ay ku qanacsan tahay inteeda badani aanu jirin oo kii mindida daabkeeda hayeyna qurub qurub u jarjarayo, una kala qaybiyey. “Gudboonaantu way daalisaa ruuxi meel guran!” Source
-
Xubnaha cusub oo la dhaarinayo Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa galabta shaacisay, liiska xildhibaannada cusub ee golaha degaanka degmada Gaalkacyo. Liiskan ayaa ka kooban 31 xubnood oo 6 kamid ah haween yihiin, waxaana dhammaantood isla galabta loo dhaariyay xilkooda, sida waafaqsan dastuurka Puntland. Qoraalka lagu shaaciyay liiska cusub ee golaha degaanka Gaalkacyo, oo uu ku saxiixanyahay wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ayaa laga tixraacay dikreetadii madaxweyne Deni uu ku amray in la dhiso gollaasi. Halkaan ka akhriso PUNTLAND PODT Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Liiska cusub ee golaha degaanka Gaalkacyo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU, March 24 (Xinhua) — The Somali government has vowed to step up efforts against terrorism and urged the international community to support Mogadishu in its stabilization efforts. Prime Minister Hassan Ali Khaire convened an emergency meeting on Saturday evening with envoys from the African Union, Britain, the European Union and the United States after 11 people were killed and 15 others injured in a terrorist attack, the ministry of information said in a statement on Sunday. “The Somali government leader’s first priority is to ensure the safety and security in Somalia,” the statement said. It said the meeting revised military support and strategies in countering terrorism and threats posed by al-Shabab. The meeting also discussed strategies of recapturing al-Shabab strongholds. During the meeting, the statement said, Khaire promised to wipe out the terrorist groups. The foreign envoys supported the security strategy and the efforts aimed at eliminating al-Shabab terrorists, the statement said. Al-Qaida allied al-Shabab, which is fighting to topple the internationally-backed government, has claimed responsibility for recent attacks. The group stages frequent attacks on Somali troops and African Union peacekeeping forces, and on hotels and other public places. Source: Xinhua
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxay Shalay martigelisay illa Shan Qarax oo midkii ugu khasaaraha yaraa ay ku dhinteen illaa 2 qof halka kuwii ugu khasaaraha badnaa ay ahaayeen labadii lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha. Shanta qarax laba kamid ah waa kuwa Wasaaradda lagu weeraray, midka Sedexaad oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay Agagaarka Masjidka Biyamaalow oo ku yaal meel u dhow Isgoyska Howl-Wadaag. Qaraxa Afaraad ayaa ka dhacay Jidka Warshadaha, waxaana lagu aasay Koontarool ay ciidamada Dowladda ku baaraan Gawaarida, waxaana sida la xaqiijiyey ku dhintay Laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska halka dad kalana ay ku dhaawacmeyn. Qaraxa Shanaad ayaa ka dhacay Isgoyska Ex-Control Balcad, waxaana ku dhintay laba qof oo Gaari la saarnaa Xildhibaan ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo dhaawac fudud uu kasoo gaaray Qaraxaas. Qaraxyadaan ayaa Shalay Magaalada Muqdisho ka dhigay mid kacsan Amni ahaan, waxaana inta badan la iska xiray Goobihii Gancsiyada, Xurimihii Wasaaradaha Dowladda, maadaama ay jirto Cabsi ku aadan weeraro kale oo ay Al-Shabaab ka geystaan Magaalada dhexdeeda. Hadal heynta ugu badan ee Magaalada Muqdisho ayaa noqotay Qaraxyada iyo weerarkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, waxayna dadka Muqdisho dareemayaan inaan loo soo jeedin wax ka qabashada Amniga faraha kasii baxayo ee Caasimadda. Muqdisho iyo Siyaasadda Muqdisho waxay u baahan tahay inay hesho xal Siyaasadeed oo sababi karo in Magaalada si nabad ah loogu noolaado isla markaasna ay dadka Magaalada ogaadaan in lacagtii Canshuurta aheyd ee laga qaaday ay shaqeeneyso si ay usii laba jibaaraan bixinta Canshuurta. Dadka Muqdisho qeybaha kala duwan oo ay ugu horeeyaan Ganacstada waxaa laga qaadaa bil kasta lacag Malaayiin Dollar ah oo ay dowladda Soomaaliya ku sheegtay in dadka loogu adeegi doono balse aysan taas muuqan. Siyaasiyiinta kasoo jeedo Magaalada Muqdisho ayaa aaminsan in la dulminayo Magaalada, maadaama Canshuurta laga qaado lagu bixiyo meelo aysan dan ugu jirin Muqdisho sida Doorashooyinka ka dhaco Gobolada oo Malaayiin Dollar lagu bixiyo sidii ay kursig u qabsan lahaayeen Mushirixiinta ay wadato Dowladda Nabad iyo Nolol. Muqdisho waa Magaalada ugu badan oo ay Dowladda ka hesho lacagaha, haddana waa Magaalada ugu badan oo ay ka dhacaan falalka Amni darro, wuxuuna qofka Muqdisho joogo ee haddana bixiyo Canshuurta dareemaa inuu ku nool yahay meel ay noloshiisu halis ku jirto 99%. Muqdisho waa Meesha ugu badan oo ay ku sugan yihiin Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyada, Siyaasiyiinta, Ganacstada iyo Shacabka ugu badan ee Soomaaliyeed oo hal meel ku nool maadaama lagu qiyaaso dadka Muqdisho wax ka badan 3 Malyan saas oo ay tahay Muqdisho waa Magaalada Kaalinta koowaad aduunyada ugu jirto dhanka Qaraxyada iyo Dhimashada. Muqdisho waxau baahan tahay Xasilooni Siyaasadeed iyo in laga fakaro Istaraatiijiyaddii lagu soo celin lahaa sumcaddii ay ku laheyd Geeska Africa. Muqdisho iyo Amniga Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Ku xigeenka Guddoomiyaha Gobolka ee dhanka Amniga Tuulax ayaa bil kasta qasnadda Gobolka Banaadir ka bixiyo kumaan kun oo Dollar oo lagu sheegay inay tahay sugidda Amniga Muqdisho. Lacagaha uu Tuulax bil kasta ka qaado Qasnadda Gobolka Banaadir ee lagu sheego inay ku baxdo Laamaha Amniga ayaa kala ah: $22,100 (Labaatann iyo Laba Kun iyo Boqol Dollar) oo lagu qaado Magaca Booliiska 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir , waxaana la qaadaa Bil Kasta. $5,100: (Shan Kun iyo Boqol Dollar) oo lagu qaado Magaca Nabad Sugidda 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir, waxaana la qaadaa Bil Kasta. $13,50 ( Seddex iyo Toban Kun iyo Konton Dollar) oo lagu qaado inay ku baxdo gaafmeerka 17 Degmo, Waxaana si joogto ah bil kasta looga bixiyaa Qasnadda Gobolka Banaadir. Lacagtaas waxaa sii dheer budget-ka Wasaaradda Amniga ee loogu talagalay Amniga Muqdisho, saas oo ay tahay Muqdisho weli waxay saldhig u tahay Qaraxyada iyo weerarada Al-Shabaab. Sida ay Caasimadda Online ogaatay lacagaha loogu talagalay Amniga Muqdisho waxaa akoono gaar ah ku shubto madaxda Wasaaradda Amniga iyo Gobolka Banaadir waxayna qaarkood Muqdisho ka iibsadeyn Boosas Malaayiin Dollar laga bixiyey. Haddii loo soo jeesto Sugidda Amniga Muqdisho, daacadna ay ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa kaliya lagu sugi karaa Lacagaha kasoo xaroodo Dekadda Muqdisho, maadaama lacagaha ugu badan dowladda laga soo xareeyo Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho. Ugu dambeyntii Muqdisho waxay u baahan tahay badbaado Amni iyo mid siyaasadeed, haddii kale waxay gaari doontaa waqti la amaano waqtiga hadda aan joogno oo loo arki doono inay xaaladda hadda taagan tahay mid wanaagsan!!!. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magacaabay Guddiga madaxa banaan Xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland. Guddigan ayaa ka kooban 7 Xubnood, waxaana Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe lagu sheegay in Guddiga la Magacaabay markii la arkay baahida loo qabo guddi madax banaan oo masuuliyad gaar ah iska saara maamulka xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa soo bandhigtay adeegyo cusub oo ay soo kordhisay, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho. Adeegyadan oo ah kuwa casri ah, una baahan tahay bulshada Soomaaliyeed ayaa ah kuwa la xariiraan dhanka Internet-ka WAR SAXAAFADEED BANDHIGA ADEEGYADDA CASRIGA AH EE SOMTEL Shirkada isgaarsiinta casriga ah ee Somtel Somalia waxay macaamiisheeda usoo bandhigeysaa adeegyo cusub oo casri ah. Adeegyada cusub waxay ka kooban yihiin Mobile Internet & Mobile money transfer 1. Adeega Internet-kaA. Adeegga 4G LTE Advance ama 4G+: Waa adeeg xawaarihiisu ka sareeyo adeegii hore ee 4G ga, qiimihiisuna Jaban yahay. B. Adeega 3G, H+: Waa adeeg Macaamiisha u sahlaya in ay smart phone kasta oo ay wataan ku Isticmaalaan internetka somtel. C. Xirmooyinka kaafiye: Waxay macaamiishu ka helayaan Internet iyo ku hadal aad u qiimo Jaban iyagoo isticmaalaaya adeega Muraad ee eDahab. 2. Adeega Lawadaag: Macaamil- ku wuxuu la isticmaali karaa lacagta ku hadalka ee ugu jirta saaxiibkiis. 3. Adeega Mobile Money Transfer A. Adeega Dahabi: Macaamil ku wuxuu Account-kiisa Dahabshiil ka maamulan karaa mobile kiisa isagoo isticmaalaya edahabkiisa. B. Adeega xawaalada Mobile ka: Macaamil ku wuxuu lacag u diri karaa aduunka oo dhan isagoo isticmaalaya edahab kiisa Uma baahna in uu tago xafiisyada xawaalada. Somtel waa shirkadii ugu horeysay ee keentay adeega 4G LTE Advance ama 4G+ Dunida tagtay la jaanqaad oo Isticmaal simcard-ka Somtel Faahfaahin dheeri ah 151/152 /215000. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa u yeertay Faadumo C/llaahi Maxamuud (Faadumo Insaaniya) oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey Ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva. Warqad uu qoray Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa loogu yeeray Safiiradda in muddo todobaad gudahood dalka ku soo gasho. Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kaddib markii Safiiradda ay ka aamustay go’aankii Trump looga soo horjeeday ee ahaa inay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights. Lama oga in go’aanka Safiirada uga aamustay qaraarkaas in lala ogaa iyo in kale, ha yeeshee waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya ay ka carootay in Safiirada ka aamusto go’aankaas. Balse Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Siyaasi ka hadlo arrimaha SIyaasadda dalka ayaa sheegay inaysan dhici karin in Safiir uu qaato go’aan Caalami ah. “Ma jiro safiir go’aan qadiyad caalami ah ka qaadan kara iyada/ isaga oo aan la tashan Madaxda sare ee dalka. Waa la ogyahay cida go’aanka qaadatay iyo cida ku cadaadisay intaba” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo qoraal kusoo qoray Facebookiisa. ” Madaxweynuhu waa in uu si geesinimo leh masuuliyada u qaadato oo uu san Safiirka madaxfurasho ka dhigan, wasaaraduna warqado shacabka ku jahwareerin” ayuu sii raaciyey. ” Safiiradu waa in ay cadayso in go’aanku amar dawlad ahaa ee aysan aqbalin in maalmo Muqdisho la keeno, ka dibna shaqadeeda lagu celiyo, iyaduna eeda qaadato” ayuu kusoo daray. Cabdiraxmaan ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu horey uga aamusay go’aankii lagu canbaareeyey in Qudus ay tahay Caasimada Israel ” Sidan oo kale ayuu Madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyey Safiirka Soomaaliya Qaramada Midoobay u fadhiya in uu ka aamuso go’aankii lagu canbaareeyey in Qudus ay tahay Caasimada Israel. Hadii uu Madaxweynuhu ku qanacsan yahay in ay aamusnaanta go’aanadan dani ku jirto, ha yeesho geesinimo uu masuuliyada go’aanka ku qaato. Laakiin ma dhici karto, laga soo bilaabo dhiibistii Qalbidhagax in la yiraahdo Madaxweynuhu ma ogayn”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
London (SMN) – Booliska London ayaa xaqiijiyay geerida wiil Soomaali ah oo da’diisu lagu sheegay 17 jir, kaas oo dhawaan lagu dilay galbeedka magaaladaasi. Weerarka lagu dilay wiilkaasi Soomaaliga ah ayaa la sheegay in habeenkii Jimcaha aheyd uu ka dhacay xaafadda Syon Park, sida ay xaqiijiyeen Booliisku. Qaar ka mid ah dadka agdhawaa goobta ayaa sheegay in Marxuumka labo ruux oo watay Toorey ay ku dileen halkaasi. Waxaana dhaawac halis oo soo gaaray wiilkaasi uu markii dambe ugu geeriyootay isbitaalka . Allaha unaxariistee Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/rashiid Maxamuud, kaas oo isaga iyo qoyskiisu qaxootinimo ku galay dalka Ingiriiska. Ugu dambeyn Booliska London ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ay doonayaan in ay ku soo qabtaan kooxihii ka dambeeyay dilkaasi. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Barqadii maanta ayaa hilbo iyo xubno bani-aadam oo hor leh laga helay goobihii shalay ay weerarka arxan-darrada ka fuliyeen Al-Shabaab ee xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u sheegayn qaar kamid ah dadkii halkaasi tagay. Gacmo bini-aadam, hilbo iyo qaybo kale oo xubnaha bani-aadam ah ayaa laga helay dhismooyin ku bur-buray weerarkii Al-Shabaab ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, sidoo kale xubnaha qaar ayaa laga helay xaafado ka agdhow goobtii la wareeray. Qaraxyadii iyo dagaalkii tooska ahaa ee shalay lagu qaaday dhismooyinka Wasaaradaha Howlaha Guud iyo dib u dhiska iyo Wasaaradda shaqada iyo arimaha Bulshada ayaa waxaa ku dhintay 15 qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 25 qof, sida ay xaqiijiyeen hey’adaha caafimaadka. Dadka dhintay ayaa u badnaa shacab oo isugu jiray shaqaale Dowladeed iyo dadweyne marayay wadada weerarka ka dhacay. Sidoo kale dadka ku dhintay waxaa ku jira Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya iyo Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Marooko (SMN) – Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqsho rasmi ah ku tagay dalka Marooko,Booqashadan oo qaadan doonta muddo laba maalmood ah waxaa wasiir Cawad ku wehlinaya xubno diblomaasiyiin ah oo heerkoodu sareeyo, Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya mudada ay joogaan dalka Marooko,waxay wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaan masuuliyiinta dalkaasi. Wasiirka arimaha dibadda ee Marooko Nasser Bourita wuxuu dhankiisa sheegay in labada dal ka wada hadlayaan xoojinta xiriirka laba dal ee soo jireenka aha iyo qaabkii loo sii horumarin lahaa,dhidibadana loogu aasi lahaa iskaashi dhinacyo badan leh oo u adeeggaya danaha labada dal ee walaalaha ah. View the full article
-
Ankara (SMN) – Dowladda turkiga ayaa si xoogan u cambaareysay weeraradii qaraxyadaa ahaa ee shalay ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, kaas oo sababay khasaarooyin isagu jiro dhimasho iyo dhaawac. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in ay si weyn ugu xun yihiin weerarada qaraxyada loo adeegsaday ee lagu qaaday dhismaha wasaaradda shaqada iyo tan howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya. “Waxaan ka tacsiyeyneynaa dadkii shalay lagu dilay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho,waxaana eebbe ugu baryeynaa in naxariistii Jano uu ka waraabiyo intii ku dhimatay weerarkaasi”waxaa sidaa yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa sheegtay in mar walba ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo xustay in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya Dhinaca kale dalka Qatar ayaa cambaareeyay weerarkii qaraxyadaa ah ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan toban ruux, tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Wasaarada arrimaha dibadda ee Qatar ayaa weerarkaasi ku tilmaantay mid arxan darro ah, islamarkaan lagu waxyeelaynayo ammaanka Soomaaliya. Qaraxyadii shalay ka dhacayM/ Muqdish ayaa waxaa masuuliyaddiisa Al Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Allaha u naxariistee waxaa maanta M/ Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay Marxuum Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya. Waxaa aaska ka qeyb galay wasiiro, xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, saraakiil ciidan, ehellada Marxuumka iyo dad shacab ah. Marxuumka ayaa waxaa lagu aasay Qabuuro ku yaalla isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. Wasiirada cadaalada, Gaashaandhigga, iyo Boostada oo la hadlay Shabelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid wasiirkaasi. Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa ka mid ahaa dadkii shalay ku dhintay weerarkii xooganaa ee lagu qaadayadhismo way wada daganaayen wasaarada shaqada iyo arrimaha iyo tan howlaha guud oo ku yaalla degmada Shangaani ee gobolka Banaadir View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-24032019.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi Cabdi ayaa sheegay in Caalamka intiisa badan ay garwaaqsadeyn in la joogo waqtigii loo kala bixi lahaa Soomaaliya iyo Somaliland. Biixi ayaa hadalkaan Maanta ka sheegay khudbadiisa sanadlaha ah ee uu ka hor jeediyey Kulankii Wakiilada Maamulkaas uu ku yeeshay Magaalada Hargeysa. Biixi ayaa khudbadiisa kaga hadlay arrimaha Siyaasada, horumarada iyo waxyaabaha u qabsoomay, wuxuuna aad ugu dheeraaday wada hadaladad u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Maamulkiisa. Muuse ayaa sheegay inay dhawr jeer lasoo xiriireen Dowladaha Switzerland iyo Swedan si ay uga wada hadlaan khilaafka waqtiga badan soo qaatay ee u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Soomaaliland, wuxuuna sheegay inay arrintaas aqbaleyn. “Waxa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Soomaaliya. Annagu Xukuumad ahaan waxaannu qaadanay siyaasadda ah in mushkiladda loo galo si nabad ah oo lagu dhammeeyo wada- hadal iyo nabad-gelyo. Mar walba waxaannu ka fogaanaynaa wixii keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh, maadaama Somaliland ay waayo-arag u tahay riiqda colaadaha” ayuu yiri Muuse Biixi oo u muuqday inuu doonayo qancinta Golaha Wakiilada oo dhagta u taagayey wada hadalada labada dhinac ” Siyaasaddaasi nabadeed ee aynu qaadanay waxay keentay in wufuud caalami ah oo badani innoo yimaadaan oo arrintaa ku hawlani. Sidoo kale, aynu martiqaadyo ka helnay dawladaha aynu saaxiibka nahay” ayuu sii raaciyey. Hadalka Muuse Biixi uu Maanta ka hor jeediyey Golaha Wakiilada ayaa kusoo aadayo xilli uu Muuse Biixi dhawaan sheegay inay labada dhinac wada hadal yeelan doonaan si arrimaha taagan looga heshiiyo, balse wuxuu dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inaysan diyaar u aheyn in miiska wadahadalka la fadhiisto. Si kastaba waxaa dhowr mar uu fashil ku yimid wadahadalo la doonayay in ay dhex maraan Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland, hayeeshee dhawaan la rajeynayo inay wadahadaladaas qabsoomaan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey u ballan qaaday inay dowladiisa la fadhiisan doonto Maamulka Somaliland isla markaasna wax kasta lagu dhameyn doono wadahadal iyadoo aan marnaba laga gudbeyn midnimada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muuse Biixi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal u jeediyay labada Gole ee Baarlamaanka ayaa ka hadlay wada hadalka dowladda federaalka iyo Somaliland iyo xiisada gobolka Sanaag. Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladda Turkiga oo garwadeen ka ah wada hadalada dowladda federaalka iyo Somaliland ay kula taliyeen in wada-hadalku noqdo mid ay goob-joog ka noqdaan dhammaan dawladaha iyo urrurada caalamiga ah ee wada-hadalka u diyaarka ah. “Dawladda Turkiga ayaanu in badan wada hadalnay, iyada oo doonaysa in ay kalideed inna dhex-dhexaadiso innaga iyo Soomaaliya, hase yeeshee, annaga oo dareensan 7 sanno oo Turkigu arrintaa ku jiray in aanay wax midho ah dhallin, waxaannu ku talinnay in arrinta wada-hadalku ay noqoto mid ay goob-joog ka wada noqdaan dhammaan dawladaha iyo urrurada caalamiga ah ee arrinta wada-hadalka u diyaarka ah” ayuu yiri Muuse Biixi. Sidoo kale Muuse Biixi Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ay la soo xiriireen dawladaha Sweden iyo Switzerland, kuwaas oo mid walba dalbatay in ay marti-galiyaan wada hadalka dowladda federaalka iyo Somaliand, ayna ka aqbaleen. “Waxa si toos ah noola soo xiriiiray dawladaha Sweden iyo Switzerland oo mid walba gaarkeeda diyaar ugu tahay in arrinta wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ay marti-geliso. Somaliland way aqbashay labadaa marti-qaadba” ayuu mar kale yiri Muuse Biixi. Dhanka kale Muuse Biixi ayaa ka hadlay xiisada dhawaan ka soo cusboonaatay gobolka Sanaag ee u dhaxeysa Puntland iyo maamulkiisa , wuxuuna ku baaqay in laga fogaado wixii nabad-gelyada iyo xasilloonida wax u dhimaya. “Soomaaliya waxaynu xad ka leenahay Puntland, waxaanu u haynaa walaalnimo, iskaashi iyo nabad-gelyo, waxaase maalmahan dambe soo kordhaya ciidamo maamulkaasi ah oo ka soo gudbaya xadka inoo dhexeeya, falal nabad-gelyo darro ahna ka sameynaya gudaha Somaliland. Soomaaliya waxaanu ugu baaqaynaa in ay ka fogaadaan wixii nabad-gelyada iyo xasilloonida gobolka wax yeelaya. Waxaannu ka digaynaa haddii waanadayada la weelayn waayo, in Somaliland ay waajib ku tahay in ay ilaaliso nabadda iyo hantida muwaadiniinta Somaliland” ayuu yiri Muuse Biixi. Puntland ayaa horey u sheegtay in Somaliland ay duullaan ku soo qaaday deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ee Puntland si ay u curyaamiso dagaalka ay Puntland argagixisada kaga sifeynayso buuraleyda gobolada Bari iyo Sanaag, waxayna intaas ku dartay in marwalba ay dulqaad muujinayso iyadoo xeerinaysa xasiloonida gobolka iyo deris wanaaga kana hortegaysa daadinta dhiiga dadka walaalaha, balse mar dambe aysan u dulqaadan doonin daan-daansiga iyo weerarrada joogtada ah ee kaga imaanaya dhinaca Sonaliland. Sidoo kale Puntland ayaa dhawaan dalbatay in lag qeyb galiyo wada hadalka dowladda federaalka iyo Somaliand oo la rajeynayo in uu dhawaan bilaamo. Puntland iyo Somaliland oo ah labo maamul oo deris ah ayaa ku muransan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo mid walba dastuurka ugu qoran, waxaana marar badan dhexmaray dagaalo dhiig ku daatay. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo ka hadlay xiisada Sanaag iyo wada hadalka federaalka iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Xaawo Cabdullaahi Ciise oo ku nool magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, ayaa cabasho ka muujisay habka ay maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal u xukmisay, muran la xiriira lahaansha-dhul oo u dhexeeya haweeneydan iyo dad kale. Xaawo oo maanta warbaahinta kula hadashay Garoowe, ayaa sheegtay in ay dacwad geysatay maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal, kadib markii dad kale ku habsadeen hanti-dhul oo ay leedahay,balse maxkamaddu ay hantidaas u xukuntay dhankii kale iyadana xabsi la dhigay. Haweeneydan oo lug naafa ka ah, ayaa sheegtay in ay caddaalad-darro ku samaysay maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal,waxaana ay codsi u dirtay mas’uuliyiinta Puntland ee madaxweynuhu u horreeyo in ay kiiskan wax kala qabtaan. halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post US’ ama SAXIIX: Haweeney ka cabanaysa maxkamadda darajada koowaad ee Garoowe appeared first on Puntland Post.