-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxa Maanta aan Ka Helay Kaydka Sawiradayda, Labadan Sawir, Waa Aabo Oo Muddo 5 Sanno Ku Dhawaad Xanuun U Jiifa Guriga uu Ka Degan Yahay Hargeisa Alle Ha Caafiyo, Waxa uu Ku Dhashay Deegaanka Baargo(Koonfurta Hargeisa) Hilaadii 1938-1940 Kii. Waxa uu Shaqada Ciidamada Galay Wakhtiyadii Gumaysiga, Isagoo Ka Mid Noqday Ciidamadii Ingiriisku Qoranayey ee La Odhan Jiray Somali Scout, Waxa uu Markiiba Ka Hawl Galay Gobalada Sool iyo Sanaag, iyadoo Ingiriisku is Waydaarin Jiray Deegamada ay Ka Hawl Galayeen. Waxa Uu Tabaro Aqooneed Ingiriisku Ugu Diray Kenya,1955 ilaa 1957 Halkaas oo uu Ku Soo Qaatay Koorasyo Ay Ka mid ahaayeen Finger Print Investigation, First Aid iyo Law.ga. Markii uu ku soo Noqday Wadanka, Waxa uu Kaga Hawl Galay Shaqadii U Horaysay Saldhiga New Hargeisa,Oo uu Baadhe Ka Noqday,1957 Ku Xigeena uu u Noq day C/qaadir Aw Xuseen Mire Oo hadda Nool ahna Xildhibaan Guurtida ah. Baadhitaanadii U Sameeyay Kuwa Ugu Caansan ee Uu Aabo Ila Wadaagay Waxa ka Mid ah Xaaji Cabdikariim Xuseen Cabdi Waraabe Oo Ragg ay Ehel Yihiin Nabar Madaxa Uga Gaysteen Waa 1960 Gii Xoriyadda Wax Yar Ka Hor, Halkaasi Oo Uu Aabo Si Caddaalad Ku Dhisan Tahay U Kala Saaray Labadii Nin ee Dambiilaha Ahaa, isagoo u Adeegsaday Xirfadiisii Dambi Baadhiseed. Waxa kale Oo Uu Ka Hawl Galay Cisbitaalka Hargeisa, Halkaas Uu Mudadii Uu Joogay Ka Ahaa Nurse/Kaaliye Dhakhtar. Markii Kacaanku Ka Hana Qaaday Wadanka, Waxa uu Madax Ka Noqday Minashiibiyadii Dowlada Hoose Qaybta Zayladda Xoolaha iyo Bacad layaasha ilaa BurBurkii Kacaanka. 1990 Ayay Dowladii Maxamed Siyaad Barre Ku Xidhay Aabo iyo Saraakiil kale Saldhiga Dhexe iyadoo Loo Haysto Wiilal Ay Dhaleen Oo Jabhadii SNM Ku Biiray. Nasiib Darro Odayaashii Kale Saqdhexe ayaa Lagala Baxay Shookiigii iyadoo Badhka LA Soo Taagay, Aabo Se Kabtan Xidhe ayaa Haabeenkaa Gaar u Saaray. Habeenkii Labaad Ayuu Aabo Go’aan Saday in uu Baxsado Shul Ama Shall isagoo Pistooladiisii iyo Oxogaa Lacag ah Shaadhkii Dirayska Hoos Kagaga Toshay, Markaa Aabo Derajadiisu Waxay Ahayd 3 Xidigood Oo Cad Cad Ama Gucun Dhooyin.Tix Galin Awgeed Iyo Derajadaa Ayuu Kaga Soo Baxsaday Ilaa Firxadkii Uu Xarshin Noogu Yimid Anagoo Geeri Ku Tirinaynay. Markii Dalka LA Soo Galay 1993-1994 Dowladii Tuur Iyo InacCigaal, Waxa Uu Markale Hogaanka Taliyaha Rugta Baanka Dhexe ka Noqday, Waxay Ahayd Maalinkii Shaqo Ugu Dambeeyay 11/02/2015 oo Xanuun Haleelay ilaa Hadda Ayuu Jiifaa. (Allxamdullihi) Markii Derajada LA Qaybiyay Nasiib Darro Waxa Uu Kow Ka Noqday Saraakiishii Laga Musuq Maasuqay e Eberka LA Siiyay(0). Dedaal Dheer Ka Dib Oo Uu kaw Ka Ahaa General Fadal,Saleebaan Cumar Ku Joog iyo Saraakiil Kale Oo Badan Waxa Uu Aabo Helay Tii uu Xaqqa Uu U Lahaa isagoo Markaa Jiifa. Goobta Shaqadda: Waxa Uu Heegan Ku Ahaan Jiray inta Ugu Badan Wakhtigiisa Habeen iyo Maalinimo, Isagoo Gaadhka La Wadaagi Jiray Ciidankiisa Heeganka Ku Jira Oo Shaqada Waxa uu Soo Gali Jiray 4.00 Am Subax Nimo Si Uu U Nasiyo Askarigii Habeenkaa Soo Jeeday. Waana Ta Keentay in Uu Soo Saaro Askari Dhisan Oo Akhlaaq leh oo Ku Fiican Ilaalinta Goobaha Maaliyadeed, Tusaale, Dahabshiil Askarta ilaalisa, Baddi Waa Ciidan Uu Aabo Ku Soo Tababaray Feejignaan iyo Amaano. Hal Aan Ka Bartay:- Waxa Uu Igu Booriyay in aanan Waligay Qof Bini Aadam Ah Gacanta Hoos Dhigan, Kana Qaadan Wax is Daba Marin ah, Taasi oo Keeni Karta in Uu Qofkaasi I Maamulo oo San Ka Tago Caddaaladda iyo Xaqqa. Waxa aan Ka Bartay Ad Adayg, Xilkasnimo, Wakhtiga ilaalintiisa iyo Xejinta Sirta Dowladda, Weligii Hawlgal Shaqo Oo Uu u Baxayo ilamuu Wadaagin, Waxa Uu Odhan Jiray Waa Hawl Ciidan/ Police. Intii Uu Shaqada(Baanka) Ku Jiray Alle Waa Ku Asturay, Abbal Baddana Way U Hayeen, Una Hayn Doonaan Masuuliyiintii Soo Martay iyo Kuwa Hadda Joogaba. Ali Ibrahim Ahmed H A Arwo Derajadiisu Waa Gaashan, Tii Markaa LA Siiyay. Waxaan Mahad Balaadhan iyo Abaal Alle Ka Sakow Aanu U Haynaa Taliyaha Ciidanka Police Ka JSL General Cabdullaahi Fadal Iimaan Oo Si Guud iyo Gaar Ahaaneedba Uga Warhaya Oo IGA Waraysta iyo Saraakiisha Kale e Ciidanka Guud Ahaanba. Aabo Waligii Ma Caban. Umana Dhalan Baryo. Wabillaahi Towfiiq. W/Q Maxamed Ibraahim Aadan Source
-
Somaliland: Wadahadaladdii Somaliland iyo Soomaaliya Oo Baaqday Wadahadaladdii Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamulka federaalka ee Soomaaliya oo la filayey in ay mar labaad dib u bilaabmaan ayaan haddana baaqday. Ilo ku dhow-dhow qorshaha wadahadaladda, oo ay qaabilaso dawladda Turkigu, ayaa sheegay in ay sababta baaqitaanku noqotay markii ay waddamada Ingiriiska, Mareykanka iyo Sweden ay ka xanaaqeen wafdiga ay maamulka federaalka ee Muqdisho uu soo dirtay shirkan. Waftigaas oo ka kooban dhallinyaro aan miisaan ku lahayn arrimaha dibloomasiga iyo siyaadahaba. Dhinaca Somaliland oo uu wefdigeedu hoggaaminayo, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalimiga, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, “Faratoon”, ayaa iyagu gaadhay dalka Turkiga. Si kastaba ha noqotee waxay arrintani aad u shaacinasaa in ayna maamulka federaalka ee Muqdisho daa’cad u aheyn in uu wadahadal dhexmaro iyaga iyo Somaliland. Ururka Qaramada Midoobay ayaa dhawaan u magacaabay wakiil cusub geeska bariga Afrika oo dhan. Wakiilkaa, Parfait Onanga-Anyanga oo u dhashay dalka Gabon ayaa la filayaa in uu dhawaan soo gaadho dalalka geeska bariga Afrika. Qaran News
-
A remote-controlled landmine struck a military convoy carrying African Union troops in southern Somalia on Saturday, witnesses said. The attack took place on the outskirts of Balad town in Middle Shabelle region after an improvised explosive device ripped through the armoured vehicles ferrying the peacemakers. The were no immediate reports of the casualties from the IED attack on the Burundian soldiers of AMISOM contingent. The Al-Qaeda-linked militant group, Al-Shabaab has claimed responsibility for the bombing through a statement, saying one vehicle was destroyed in the attack. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doona Warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-16032019-Sax.mp3 View the full article
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa ku dhowaaqay inaysan doorasho ka dhaceynin deegaanada maamulkaasi, islamarkaana seddex sano kadib ay doorashooyinkaasi dhici doonaan. Madaxa xukuumadda Galmudug oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Dhuusomareeb ayaa jeediyay hadal caddeynaya in doorashada la filayay ay ka dhaceyso deegaanada maamulka Galmudug aysan dhici doonin waqti dhow. Sheekh Maxamed Shaakir, ayaa sheegay in muddo xileedka madaxda Galmudug uu ka bilowday markii ay heshiis ku kala saxiixdeen madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay masuuliyiinta dowladda goobjoog ka ahaayeen. Hadalkan ayaa khilaafsan kan ay qabaan siyaasiyiinta iyo musharaxiinta Galmudug oo ah in waqtiga Xaaf uu ku dhamaanayo 4 sano oo laga soo billaabo markii uu xukunka kala wareegay Cabdikariin Guuleed, taasi oo hadda bilo yar un ay ka hareen. Kulan ay golaha wasiirada Galmudug ka qeyb galeen, oo Sheekh Shaakir uu go’aankan uga dhawaaqay, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne Xaaf. Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Galmudug mideynteeda laga soo bilaabay meel fog, islamarkaana hadda ay mareyso meeshii ugu wanaagsan, islamarkaana loo baahan yahay in lagu ixtiraam dastuurka maamulka Galmudug. Hadalka Sheekh Shaakir ayaa dagaal siyaasadeed xooggan ka billaabi doona Galmudug, ayada oo beelo badan iyo siyaasiyiin badan ay doonayaan inay doorasho dhacdo. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Shaakir.mp3Caasimada online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Famous Somali musician, Hassan Adan Samatar arrived in the Somali capital, Mogadishu on Saturday after 30 years. Samatar was part of high profile Somali figures that accompanied Djibouti President, Ismail Omar Gelle visit’s to Somalia. He left Somalia in 1988 two years before civil strife broke out in the country. He spent his time in Canada and later in Djibouti. Adan Samatar was part of renowned Somali armed forces band- Waberi – that was known for its theatrical entertainment. He was also accompanied by another well-known figure in Somali music, Ahmed Ali Igal. View the full article
-
By Eric Holthaus Freshman Congresswoman Ilhan Omar is championing one of the boldest climate policies in America. The Minnesota representative grew up in Somalia before immigrating to the United States as a refugee, so she was able to see firsthand the consequences of drought and make deep connections between climate change and all aspects of human society. “I’m one who is urging my colleagues to really take this opportunity to not just issue resolutions and talking points, but for us to actually put a real bill on the table and to allow us to have a real conversation on this issue,” Omar recently told Minnesota Public Radio. But Omar is not the only environmental influencer in her family — her daughter Isra Hirsi, 16, is one of the three youth leaders planning the U.S. component of Friday’s International Youth Climate Strike, in which young people will walk out of class in order to call for urgent climate action. I had a chance to talk with Isra about how her efforts are already making a huge impact, and how her passion for the environment has influenced her family. Update: In response to this piece, Omar wrote on Twitter: “Proud mom here! I hope other Members of Congress will join me in this strike. We need to listen to the wisdom of our kids!” This interview has been edited for clarity and length. Q. What’s it been like for you getting this all together? A. It’s been a lot. There’s just a lot going on. Every 10 seconds there’s something else that pops up that you wouldn’t expect. It’s been crazy. There are so many people involved and so many things you have to do. It’s been really stressful. It definitely does interfere with school. I respond to texts and messages during the school day, and then I come home at four and that’s when I start doing all my calls. I have calls every single night. It’s kind of go-time. It’s all over the place. It’s a lot of work, more than I expected. Q. How have you influenced your family by taking this on? Have you been able to teach them things about why you feel so strongly about this? A. My parents are already kind of on top of it, a little bit less so my siblings. But my little sister is really young and so she kind of gets it. I told her that she should go to the strikes and she’s was like, “yeah I want to go.” So my dad is going to take her to the capital. She’s really interested. My parents definitely understand and are up with everything. Q. How old is your sister? A. She’s 6. Q. Are you going to be speaking at the strike at the capital? A. I’m going to D.C. Q. Oh cool. With your mom? A. Yeah. Q. She just announced she’s going to be attending. (Editor’s note: so far, Omar is the only member of Congress who has confirmed she will be attending this Friday’s nationwide school strike for climate change) A. Yeah, she’ll be speaking too. Q. How do you feel about that? A. I mean, I kind of got her to. It’s good. I kind of wanted to get people there. We invited some other people like [Alexandria Ocasio-Cortez] and Bernie Sanders and we’re just hoping they all come. Q. How was that conversation with your mom to get her to speak there? A. It was just a matter of, she wanted to go — she was probably speaking about it that weekend, and she said, “I’ll be in D.C., I’ll go speak.” So I’m going to fly out from Minneapolis and then fly back with her, so it’s just perfect. Q. How has your family influenced you? You said both of your parents “get it.” Where do you feel most of your inspiration is coming from? A. I wouldn’t say it would be my parents. I would say more of the spaces that I’m in. Learning more about climate change and what it does, all of the different things that impact it. I learned about things like Line 3, and wildfires in California. There are so many things that got me realizing how important this is. It’s important to talk about what climate change does to marginalized communities, what it could do to your community. I think that’s a really great way to get more people involved. Q. And watching the whole national conversation over the past few months. A. Especially Sunrise. They’re very big now. Reading about the Green New Deal, it’s inspiring. Learning about all these things is kind of interesting. And Sunrise has helped put women of color at the forefront. Q. Why do you think it’s important to have women of color leading the climate change movement? A. People of color are disproportionately affected by climate change and that kind of just gets ignored. People are living with these things right now. Accessibility, when it comes to fighting for climate change, also gets ignored. Every interview I have, they’re like, “Are you striking every Friday?” And I’m like, no, I can’t. There’s no way. People say, “Oh you’re not vegetarian!” And I say, “Well, my family is not from this country. They grew up as meat-eaters, I can’t control those things.” It’s important for people to step back and realize that they’re not the only people. Environmental racism is a really big thing. The environmental movement is still predominantly white, how do we change that conversation? Having women of color leading is one way to do that. Q. How is your school reacting? Is your school supporting you? A. I recently sent an email to my teachers explaining the climate strikes and what I was doing. A lot of them brushed past it and were kind of ignoring it. Some were really interested. It’s also awareness for them to understand that students won’t be in school on Friday and this is definitely a conversation we should be having. My peers and I are going around to science classes and talking about the climate strike and all the teachers are letting us. Some teachers are even giving kids extra credit if they go to the marches. Q. There are some high schools that are actively supporting kids who go. Has your principal made any sort of announcement? A. The problem isn’t my principal; it’s my district. They’ll definitely count it as unexcused. But my school is really supportive. A lot of the students are also apolitical, they don’t care. It’s not really a question of the teachers or the principal, it’s more like will the high school students actually attend. Q. But if they see role models, if they see you up there … A. That’s true, but last year I tried to get 1,000 kids from my high school to go to something and I only got 200. Q. That’s pretty good. A. Well, there are 2,000 kids at my school. We’re in the middle of Minneapolis, we’re super close to the light rail, we can easily go over to the state capitol building. Q. So, what’s your strategy? Do you double down on the kids that get it? A. Yeah, we’re really just focused on the students who actually care. We go into those classes and get the teachers to talk to those students who are actually interested. It’s easier. It’s still worth it to get the kids who care. The climate strikes are a great way for young people to get involved pretty easily. It’s also a way for politicians to understand that young people really care. These strikes are happening all over the world. Getting young people out, going to state capitols, going to city halls, going to the nation’s capital and talking about these things, that says something. That’s what we’re trying to do: Change the conversation not only about things like the Green New Deal but so much more. Obviously, one strike isn’t going to change everything, but this isn’t the last strike. The article is republished from Grist
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi imaanshihiisa – aad looga dareemay xirnaanshaha waddooyinka caasimadda – balse horay loo sii shaaciyay ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Adan Adde. Wafdiga oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxay iskugu jiraan xildhibaanno, wasiirro iyo ganacsatada Jabuuti. Waxaana lagu wadaa in inta uu joogo caasimadda Muqdisho uu xariga ka jaro safaaradda Jabuuti ay ku leedahay dalka. Imaanshiyaha Geelle wuxuu ifin karaa sida rajada leh oo uu soo kabsanayo xiriirkii dhawaan ku sigtay inuu liifadda gaabsado oo labada dal soo kala dhex galay. Wuxuuna u muuqdaa mid sida farriin qanacsanaan laga dareemi karo. Kasokow xiriirka soo jireenka iyo sokeeyanimada labada dal ka dhaxaysa, Jabuuti waxay qeyb ka tahay ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM oo gaar loogu yeero Hiil Walaal. Waxaana si laga mahad-celin leh ay qeyb lama-huraan ah kaga jiraan howl-galka socda. Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay oo cutubyo kamid ah AMISOM ay iskaga baxayeen qeybo kamid ah Shabeellada Dhexe, joogitaanka Hiil Walaal ee Hirshabelle wuxuu dhabtii u muuqdaa kuwa sida dhabta ah la iskugu halleyn karo. Maadaama Burundi iyo Uganda oo qeybta ugu badan ka ah ay kaliya ku ekaan karaan xeryahooda, waa ciidamada Jabuuti kuwa is-dhexgal dhab ah la sameyn kara shacbiga. Sidaas darteed, booqashada Geelle oo sidoo kale la tilmaamay inuu ku tagi doono gobalka hiiraan, wuxuu si niyad-qaboojis ah kula kulmi doonaa ciidamada dalkiisa ka socda oo sal-dhigyadooda ugu weyn ka sameystay gudaha Hirshabelle. Dad badan waxay qabaan in Geelle uu fursad ka dhex arkayo joogitaanka ciidamadiisa ee Soomaaliya kuwaas oo u muuqda cutubyo si gaar ah loogu tiirsanaaday howlgalkooda. Waxaana tani ay abuuri kartaa in hoggaanka AMISOM hadda kaddib si gaar ah loo hoos geeyo dowladda Jabuuti. Farriinta kale oo safarkiisa laga fahmi karo ayaa ah furitaanka safaaradda dalkiisa oo ah midda labaad ee ugu weyn oo – taniyo burburkii dowladdii Siyaad – aanay suura-gelin inay ku dhiirradaan. Waliba iyada oo la ogsoon yahay in Jabuuti kaalin ballaaran ku laheyd geeddi-socodka dhismaha dowladnimada Somaaliya halkaas oo sannadkii 2000 Shirkii Carta MD loogu doortay mudane Abdiqaasim Salaad. Xukuumadda hadda ayaa u muuqata mid u dabaal-dageysa guusha ah furashada Jabuuti ee safaaraddeeda. Wallow aan la dafiri Karin doorkii dhexdhexaadineed oo MD Farmaajo ka qaatay labada dal ee Jabuuti iyo Eretreeya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah ee u taagan daadinta dhiigga shacabka iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in imaatinkoodu ka tarjumayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal isaga oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay inuu Soomaaliya ugu garab galo la dagaalanka argagaxisada. Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan nabadgelyada dalka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, taasi oo ka tarjumaysa sida ay Dowladda Jabuuti daacadda uga tahay garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed. “Waa maalin taariikhi ah oo xaqiiqatan ka tarjumaysa xiriirka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah. Waa inaan xoojinno iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga. Arrinta ugu muhiimsan waa iskaashiga arrimaha amniga iyo la dagaallanka qolooyinkan argagaxisada ah. Waxaan aad iyo aad runtii kaaga mahadcelinayaa hoggaankaaga oo aad qayb uga tahay la dagaallanka argagaxisada.” Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa sheegay inuu farriin walaaltinimo, hambalyo iyo dhiirrigelin uga sido shacabka reer Jabuuti, isaga oo hoosta ka xarriiqay in labada waddan ay wadaagaan xiriir walaaltinimo oo soojireen ah, dowladdiisana ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ku taageerto sidii ay ula soo noqon lahayd maqaamkii iyo sharaftii ay ku lahayd caalamka. “Dadweyneheennu waxa ay jecel yihiin inaan iskaashiga sii biirinno (kordhinno), waxa uu jecel yahay inaan wadaagno dhib iyo dheefba, waxa uu jecel yahay inaan isku duubnaanno, annaguna waxaan fulinaynaa waxa uu dadweyneheennu leeyahay. Wehel baad noo tihiin, annaguna wehel baan idiin nahay.” Wafdiga qaybta ka ah safarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo La-taliyayaal ayaa maanta iyo berri kulamo wadatashi ah la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya si ay uga wada xaajoodaan adkeynta iyo sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac. View the full article
-
Wanla- Weyn (Caasimadda Online) – Faah Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay degaanka Yaaqbari ee Gobalka Shabeelaha Hoose sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta amniga ee degmada. Sarkaalaan oo qaabilsanaa degmada Wanlla-Wayn ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in ay dileen dadka degaanka waxaana degaanka Yaaqbari-wayne ka taagan xiisad arintaasi ka dhalatay oo u dhaxeysa Al-shabaab iyo dadka degaanka. Dadka Yaaqbari Weyne ayaa meydka Sarkaalka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Gar-Gaduud usoo qaatay Wanl-Weyn, waxaana halkaas isugu soo baxay dadweyne badan. Sarkaalka Al-Shabaab laga dilay ayaa xukumi jiray dhammaan 40-ka Tuulo ee hoos timaado Degmada Wanlaweyn. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo katirsan Golaha Shacabka ee BFS ayaa xaqiijiyay in dadweyne ku nool degmada Wanlla-Wayn ay dileen Sarkaan oo ka tirsanaa Al-shabaab. Xildhibaan Jeesow ayaa soo dhoweeyay arintaan waxa uuna ku baaqay in Ciidamada ay isgarab taagan shacabka degmadaasi. Ururka Al-Shabaab ayaa dhawr jeer iska caabin xoog leh kala kulmay dadka shacabka kadib markii ay u dulqaadan waayeen cadaadiska ay Al-Shabaab saarayaan iyo lacagaha badan ee laga dalbanayo. Meelo badan oo ka tirsan Soomaaliya ayey dad shacab ah dagaal kula galaan Ururka Al-Shabaab, Cabdalla Biroole oo 40Km qiyaas ahaan u jirto Magaalada Kismaayo ayaa ah meeshii dhibaatada ugu badneyd loogu geystay Al-Shabaab kadib markii ay isku dhaceyn dad shacab ah oo weliba hal beel ah kuwaas oo ku guuleystay inay Al-Shabaab ku qasbaan wadahadal ay uga baxaan Tuuladaas oo hadda gacanta ugu jirto dad shacab ah. Sidoo kalana waxaa Shabaab lagu qasbay inay bixiyaan Diyada dadkii ay laayeen iyo Geel ay dadka shacabka ah ka dhaceyn. Dhanka kale Shabeelada Dhexe gaar ahaan Cadale waxaa weli ka taagan xiisad u dhaxeyso dadka deegaanka oo loo yaqaan Macawiisleyda iyo ciidamo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana dagaaladaas ka dhashay khasaro soo gaaray dhinacyada dagaalamay. Al-Shabaab ayaa dagaal kula jirto ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana mararka qaar ay dagaalamaan dad shacab ah oo aan ku qanacsaneyn qaabka awoodda ku dhisan oo ay meelo ay joogaan ku maamulaan. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay aqbashay lacago ay shirkadda DP World ku kordhisay alaabaha laga soo dejiyo dekedda Berbera. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), wasiirka wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland, ayaa sheegay in ay DP World u ogolaadeen in lacagaha tafaariiqda ah ee ay ka qaaddo alaabaha kasoo degaya dekedda ay ku qaadato qiimaha suuqa, halka markii hore ay ku qaadan jirtay qiimaha baanka dhexe ee Somaliland. Wasiir Saajin wuxuu ganacstada dekedda Berbera alaabaha kala soo dega ku amray in ay si degdeg ah ugala baxaan alaabtooda, kuwaasi oo uu sheegay in iyagoo ka xun arrintan ay diideen in ay alaabaha kala baxaan dekedda. Wasiirka ayaa yidhi; Waxaan amar ku siinayaa ganacsatada alaabteeda kala bixi la’ boodhka iyagoo ku andacoonaya arrintan in ay si degdeg ah ugala baxaan, haddii ay ugula bixi waayaana waxay muteysan doonnaan ganaax” Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in imaatinkoodu ka tarjumayo xidhiidhka walaaltinimo ee labada dal isaga oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay inuu Soomaaliya ugu garab galo la dagaalanka Al-shabaab. “Waa maalin taariikhi ah oo xaqiiqatan ka tarjumaysa xiriirka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah. Waa inaan xoojinno iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga. Arrinta ugu muhiimsan waa iskaashiga arrimaha amniga iyo la dagaallanka qolooyinkan argagaxisada ah. Waxaan aad iyo aad runtii kaaga mahadcelinayaa hoggaankaaga oo aad qayb uga tahay la dagaallanka argagaxisada.” Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa sheegay inuu farriin walaaltinimo, hambalyo iyo dhiirrigelin uga sido shacabka reer Jabuuti, isaga oo hoosta ka xarriiqay in labada waddan ay wadaagaan xiriir walaaltinimo oo soojireen ah, dowladdiisana ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ku taageerto sidii ay ula soo noqon lahayd maqaamkii iyo sharaftii ay ku lahayd caalamka. “Dadweyneheennu waxa ay jecel yihiin inaan iskaashiga sii biirinno (kordhinno), waxa uu jecel yahay inaan wadaagno dhib iyo dheefba, waxa uu jecel yahay inaan isku duubnaanno, annaguna waxaan fulinaynaa waxa uu dadweyneheennu leeyahay. Wehel baad noo tihiin, annaguna wehel baan idiin nahay.” Wafdiga qaybta ka ah safarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo La-taliyayaal ayaa maanta iyo berri kulamo wadatashi ah la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya si ay uga wada xaajoodaan adkeynta iyo sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war-saxafaadeed kasoo saartay wada-hadallo magaalada Muqdisho ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah ee u taagan daadinta dhiigga shacabka iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in imaatinkoodu ka tarjumayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal isaga oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay inuu Soomaaliya ugu garab galo la dagaalanka argagaxisada. Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan nabadgelyada dalka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, taasi oo ka tarjumaysa sida ay Dowladda Jabuuti daacadda uga tahay garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed. “Waa maalin taariikhi ah oo xaqiiqatan ka tarjumaysa xiriirka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah. Waa inaan xoojinno iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga. Arrinta ugu muhiimsan waa iskaashiga arrimaha amniga iyo la dagaallanka qolooyinkan argagaxisada ah. Waxaan aad iyo aad runtii kaaga mahadcelinayaa hoggaankaaga oo aad qayb uga tahay la dagaallanka argagaxisada.” Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa sheegay inuu farriin walaaltinimo, hambalyo iyo dhiirrigelin uga sido shacabka reer Jabuuti, isaga oo hoosta ka xarriiqay in labada waddan ay wadaagaan xiriir walaaltinimo oo soojireen ah, dowladdiisana ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ku taageerto sidii ay ula soo noqon lahayd maqaamkii iyo sharaftii ay ku lahayd caalamka. “Dadweyneheennu waxa ay jecel yihiin inaan iskaashiga sii biirinno (kordhinno), waxa uu jecel yahay inaan wadaagno dhib iyo dheefba, waxa uu jecel yahay inaan isku duubnaanno, annaguna waxaan fulinaynaa waxa uu dadweyneheennu leeyahay. Wehel baad noo tihiin, annaguna wehel baan idiin nahay.” Wafdiga qaybta ka ah safarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo La-taliyayaal ayaa maanta iyo berri kulamo wadatashi ah la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya si ay uga wada xaajoodaan adkeynta iyo sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac. DHAMMAAD
-
Xog:Xafiis Xidhiidh Sirdoon oo Xukumada Farmaajo uga furnaa Hargeysa oo Banjaray,Lana fashiliyey!. Sida ilo-wareedyo xogogaal ahi u soo dusiyeen warfidiyeenka Qarannews waxaa Saldhiga dhexe ee Hargeysa ku xidhan muddo laba Todobaada ku dhawaada Naasir Saleebaan oo ah xidhiidhiyaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha & Hayadaha Caalamiga ah ee ku shaqada leh Amniga sida Sirdoonka caalamiga ah ee Dalalka UK & Maraykanka ee ka hawlgala Gudaha Somaliland.Naasir ayaa Waxaa xidhay oo uu Gacantooda ku jiraa Ciidamada Amniga Somaliland,Dhawr jeer ayaanu maxkamad ka soo hor muuqday,Ha yeeshee dib ayaa loo ceshay. Naasir Saleebaan ayaa waxa ayaa la shaqo geliyey xilligii xukumadii Siilanyo Talada Somaliland haysay,Yeelkeede Naasir intii Xukumadii Siilanyo dalka ka talinaysay ayaa la xidhay ka dib markii lagu helay Khiyaamo & inuu fojar-gareeyay,Sifooyin Khaldana u adeegsaday Saxeexii Wasiirka Arimaha Gudaha Xilligaa oo uu Wasaarada Warancade Wasiir ka ahaa,Balse waxa xogguhu tibaxayaan in lagu sii daayey Naasir Qaab beelaysan maadaba Siilanyo oo Talada Dalka hayey Adeer dhaw u yahay. Naasir Saleebaan wuxuu xafiis hawluhu u igman yahay ku fushado ka dhex samaystay ama ku dhex leeyahay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland,wuxuuna si dhaw & si toosaba ula shaqeeya Wasiirka Wasaarada & Hayadaha Sirdoonka Caalamiga ah Labadaba.Sidoo kale wuxuu Naasir wada shaqeyn dhaw la leeyahay Sirdoonka iyo Safaarada Turkigu ku leeyahay Hargeysa,Isagoo jila ama ula shaqeysta sidii qaab Mukhalas fiisayaasha dadka u soo saara ama u fududeeya, halkaas oo uu ka urursado ama ka helo Qadar Lacaga oo Buuran. Geesta kalena Naasir wuxuu Arimaha Amniga kala shaqeyn jiray Shirkadii fashilantay ee shidaal baadhista Genel Energy ee Dalka ka carartay, isagoo metelaayey inuu ka socdo Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland,Wuxuuna gebi ahaanba la wareegay Gaadiidkii & Agab kale ee ay Genel Energy ka tagtay oo uu badhkood xaraashay Badhna Gobollada Dhexe & Garoowe u diray & badh uu Hanti uu leeyahay ka dhigtay. Naasir ayaa sida xoggaha Warfidiyeenka Qarannews helay sheegayaan wuxu hadda u xidhan yahay ama loo haystaa Kiisas Culculus,Sida Khiyaamo Qaran & Bixin Sir Qaran oo muhiima oo uu u gudbiyey Sirdoonada uu la shaqeeyo & Somali xidhiidh wada shaqeyneed ka dhexeeyo oo ku sugan Muqdisho & Meelo kaleba.Waxayna Arintani xoojinaysaa ama marag u tahay Tuhuno jira & Hadallo Madaxweyne Farmaajo ka sanqadhiyey dhawr jeer ee ahaa in Unugyo & Hawl-wadeen toos ula shaqeeya Hargeysa & Gudaha Somaliland u joogaan.Taas oo laga dheehan karo ama laga dhex akhriyi karo in Naasir wada shaqeyn joogto ah la yeeshay xafiisyada sirdoonka Somalia,Farmaajo & Kheyraba,Siin jireyna Xoggo xasaasiya & Warbixino ku saabsan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Wasaarada Arimaha Gudaha & Somalilandba ka socda,Ku darsoo Masuulkii Xilkan uu hayo hadda Naasir uga horeeyay Maanta waa Madaxa Xidhiidhka Hayadaha Sirdoonka Caalamiga & Sirdoonka Somalia,Fadhigiisuna waa Muqdisho. Sidoo kale kiisaska loo haysto Naasir ayaa waxaa kaloo mid ahaa isagoo ku maxaafsada Saxeexa & Magaca wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland oo uu Gaadiid,Lacag iyo Agabyo kala duwan kaga helo Hayadaha Sirdoonka Caalamiga,Gaadiidkaa & qalabkaasna la sheegay inuu dib u sii iibiyo,Macaash buurana ka helo. Taa ka sakow Tibaaxo kale ayaa waxay iftiiminayaan inuu Naasir Horjooge & Xidhiidhiyaba u yahay Shebekad Dhalinyaro isku xidhan oo dalka Gudihiisa ku sugan oo wadashaqeyn joogto ah la leh Xafiisyada Madaxda Somalia. Isku soo wada duuboo inuu Naasir Galaangal u yeesho Sirraha Qaranka,xoggaha Xasaasiga ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha & Saxeexyada ee uu Foojar-gareebayaba waxa la sheegayaa inuu u fududeeyay oo wada shaqeyn khusuusiya ka dhexeyso Agaasimaha Guud ee Maamulka Wasaarada Arimaha Gudaha ee Somaliland Cabdi Guray. Filasho wacan:Warbixino & Xoggo kale oo xasaasiya oo qadiyadan la xidhiidha. Qaran News
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo ku dhowaad 30 sano ka hor ay ugu dambeysay. Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal, iyo sidoo kale fanaanka reer Jabuuti ee Cawaale Aadan, ayaa ka mid ahaa waftiga madaxweynaha Jabuuti ee maanta soo gaaray caasimadda Soomaaliya. Axmed Cali Cigaal iyo Xasan Aadan waa Fanaaniin Qaran oo ka mid ahaa Hoboladda Waaberi, waxay codkooda halaasiga ah magac iyo maamuus uga kasbadeen bulshadda Soomaaliyeed. Markii la ogaaday in ay dalka yimaadeen waxaa Baraha Bulshadda qabsaday sawirkooda, iyadoo dadkuna ay aad usoo dhaweeyeen in fanaaniintu muqdisho ku soo laabtaan. Sidoo kale fanaanka reer Jabuuti ee Cawaale aadan ayaa ka mid ah fananiinta maanta yimid Muqdisho. Wefdiga Madaxweyne Geelle ayaa waxaa kamid ah Wasiirro, Xildhibaano iyo Fanaaniin, waxaana Qorshuhu uu yahay in Madaxweynaha Jabuuti uu furay Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya oo ku taala Degmada C/casiis ee gobolka Banaadir. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi la socda Madaxweynaha ay dhankooda kulamo la qaadan doonaan madaxda Dalka, kaasi oo looga hadli doono xiriirka iyo Iskaashiga labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa. Halkaan hoose ka daawo wareysiga fanaaniinta Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com