Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waa hees cusub oo si dhab-ka-hadal ah oo dareen taareen taabasho leh uga hadlaysaa xaalaadda Somaliland iyo maamulka Muuse Biixi. Heestu waxa ay leedahay “Muusow waa aad uga sii dartay oo waxa aad noqotay “Kaddare”. Waa hal-abuurkii Daaha Cabdi Gaas, waxa cod ku qaaday kooxda Dayax. Siddeetan kun bay dhiggaa Dadkani cod ku dhaafiyeen Mujaahid dal soo dhacshiyo Wax baad dheer tahay dadkana Inay kaa dhaadhacdaa Dhalliil weeyee ogow. Kuwii dalka kula dhacshiyo Kuwii dhiigga kula shubiyo Dhiggaa waa nool yahee Waxay Muusaw dhabtii Kursiga kuugu dhaariyeen Habeen isagaan ka dhixin Ka dhoofin intuu jiroo Dhulkiyo bulshadaba yaqaan. Intaa dhiman ee hadhiyo Qabyada ha dhammaystiray Runtii kuugu dhiirradeen. Sicirka dhadhamada bulshada Cirkaa dhuuniga u baxay Wixii dhakhso celin lahaa Xal bay dhawrayaan la helo. Hooyadii codka dhiibatiyo Dhallaankii ku doortay shalay Dheefiyo iska daa cuntee Dhuuniga biyo uma helaan. Dhulkuna wuu badan yahee Dhammaan Somaliland Way dhaantay markii horee Hadday sii dheellidoo Dhan baa sadbursiimadii Halkii laga dhimi lahaa Dheeraad ugu sii dartee. Dhismaha dawladdiyo sharciga Soo dhaafi Hargaysa oo Ka dhaadhici Buurta Sheekh Ilaa Dhahar iyo Taleex Gaadhsii dhan kastaba cadliga Iyadoo isu dheellitiran Dux iyo dheef haw sinmeen Xilkiyo dhadhamada bulshadu. Intaan ku dhalliili jirey Dhammaan dawladdaydi hore Adaa dhaafiyoo ka daray Qaran News
  2. Nin aqoon yahan ah , oo gacan biyo ah , agtiisa fadhiya , oo daawanaaya nimcooyinka illaahay dunida ku manaystay , ayaa waxay indhihiisu qabteen DIBQALOOC gacankii biyaha ku dhacay oo hafanaaya oo sii qarqaaya , ninkii aqoonyahanka ahaa wuxuu go’aansaday in uu dibqalooca badbaadiyo , Gacantiisii buu isyidhi ku soo qabo dibqaloocii Dibqaloociina wuu qaniinay , gacantii buu kala soo booday , isaga oo aad u qaylinaaya xanuun awgii . Hadana wax yar ka bacdi ayuu isyidhi , waar miskiinkan sidaa haku eegine badbaadi . Gacantuu isyidhi ku soo qabo , DIBQALOOCII hadana mar kale ayuu qaniinay . Gacantii ayuu dib ula soo booday , isaga oo hadana qaylinaaya xanuun awgii . Hadana mar saddexaad ayuu isyidhi tijaabi , bal inaad badbaadiso naftan sii qarqaysa . Meel agtiisa ah waxa fadhiyay nin kale oo arkaayay waxa dhacay oo la socday , ninkii oo sare u qaylinaaya , ayaa waxa uu waydiiyay oo yidhi : waar ninyahaw waan arkaayay wixii kugu dhacay ee aad kala kulantay , hadaba miyaanad waxba ka baran wixii kugu dhacay , markii KOOBAAD ee aad gacantaada u fidisay bahaLkani wuu ku qaniinay , markii LABAADNA xanuunkii kula kulmay miyaad ilawday , Iminkana weli gacantaadii waad sii waddaa , ee miyaanad ka waantoobin . Ninkii aqoonyahanka ahaa , isaga oo aan dan ka gelin dhaliishii ninku u soo jeediyay , waxa uu halkii ka sii waday , hawshii ahayd , sidii uu u badbaadin lahaa DIBQALOOCII . Markii danbena wuu ku guuldaraystay in uu dibqaloocii badbaadiyo . Kabacdina xaggii ninkii kale fadhiyay ayuu u dhaqaaqay , waxaanu ku yidhi : Dabciga (dhaqanka) dibqaloocu waa inuu wax qaniino , ANIGANA dabcigaygu (dhaqankaygu) (dabeecadaydu) waa inaan wax badbaadiyo , LAAKIIN nasiib daro ayaa dhacday maanta , oo ddibqaloocii waan badbaadin kari waayay , isagaana dibqaloocu u sabab ahaa , markaa ninyahaw adigu waxaad ila doonaysaa , inaan dabciga (dabeecadda ) (dhaqanka ) dibqalooca aan qaato , oo kayga aan ka tago. Hadaba DIBQALOOC abaal gudkiisu waa qaniinyo , XISBIGII KULMIYENA shacabkii somaliland ee doortay iyo ciddii gacan soo sii sayba , wuu wada qaniinay , oo cid badbaadin karaysaa maanta ma jirto . Hadana xisbigii kulmiye wuxuu iminka doonayaa , in loo kordhiyo oo uu qaniinyooyinka sii badiyo . Suurto gal miyay tahay , ii kordhiya aan idin qaniinee. Suurto gal miyay tahay i doorta mar kale aan xoog idiin sii qaniinee . Abaal gudkii xisbiga kulmiye wuxuu noqday qaniinyooyin , uu dalkii iyo dadkiiba u geystay . Bal adba maxay kula tahay ? CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli @hotmail.co.uk Qaran News
  3. 30 DAQIIQO OO FAAN & BEEN AH: Ma hubo inaynu weli ku jirno Ololihii Doorashada ee Dadka Shacabka ah Xisbiga Kulmiye Beenta ugu Sheegayey si uu Codkooda u Xado. Qudbada Madaxweynuhu Shalay ka hor Akhriyey Labada Gole run ahaan waxay ahayd Qudbadii ugu LIIDATAY, ugu FAANKA Badnayd, uguna HAB-MAAMUUSKA xumeyd ee Abid uu soo jeediyo Madaxweyne Somaliland ahi “Waxaan fili waa Socod-barade’ aynu eegno kuwa Xigi doona ee Sanadaha Soo Socda”. Maxaa Khaldamay: 1) Ugu horayn Madaweynuhu wuxuu Qudbada Sanadka ka jeediyey Labada gole Hortooda, Balse wuxuu Garbaha iska Dhigay Taliyayaashii Ciidamada Qaranka, halkii ay garba joogi lahaayeen Gudoomiyayaasha Labada Gole. Maan-garanin Qorsha iyo Habmaamuuska meesha ka Socday a) Dalku Ma Dagaal buu ku jiraa?? b) Madaxweynuhu Ma Ciidamo ayuu u Qudbadaynayaa oo Dagaal-gelin buu ku jiray??? Indhaha Caalamku waa Yaabeen!!! 2) Madaxweynuhu wuxuu Qudbadaynayey 30-Daqiiqo; Qudbadiisa Bilow ilaa dhamaad Waxay ahay Faan iyo Buunbiinin Waxyaalo uu yidhi waanu qabtay, Balse aan la Arkin lana Taaban karin Badidooda “Bal Madaxweynuhu waxqabadka Wasiiradu u soo gudbiyeen dib ha ugu noqdo oo ha soo hubiyo”. 3) Madaxweynuhu Wuxuu ka Gaabsaday inuu ka hadlo waxyaalihii ugu muhiimsanaa ee Shacabku ka sugayey ee kala ahaa: a) Furfurka Bulshada ku dhacay ee Daweynta u Baahnaa b) Cabashada Saami-qaybsi ee indhaha Bulshada & Caalamkuba arkayaan c) Arimaha Cabashada Gobolada Bariga ee Furista Dastuurka d) Qabsoomida Doorashooyinka Goloyaasha ee 2da Jeer la korshiyey Mudadii Sanadka ahayd ee Muuse Madaxweynaha ahaa e) Jabhadaha Hubaysan ee Dalka ka Samaysmay f) Sicir Bararka Baahsan ee Bulshada Aafeeyey g) Cabashada Garsoorka ka dhex-jira ee Garsoore kastaa Go’aanka Jeebkiisa kala soo Baxayo h) Cabudhinta Saxaafada loo diiday inay Madaxweynaha Waraystaan i) Qorshaha cad ee Soomaalilaand ka leedahay Isbedelka Geeska ka Socda j) Waxqabadkii DPW ee isu bedeley Dayactirka Dekedeenii hore iyo Weliba Jidadkeenii Hore. Tiro laguma soo koobi karo Cabashada & Tabashada Qarankan ka dhex-jirta ee Madaxweyne Muuse Xalkooda iyo Qorshahooda laga sugayey balse uu Sacab & Mushxarad isku Dhaafiyey. Waa Nasiib Xumo inuu Madaxweynuhu iska indho-tiray Waaqiciga dhabta ah ee Dalka yaal; una dhaqmay sidii Rajiimkii Mohamed Siyaad ee Sacabka iyo Jaanta qudha Maqli jirey, Soomaalidaa ku Maahmaahda “Hal Xaaraan ahi Nirig Xalaal ah ma Dhasho”. Afhayeenka Yurub Xisbiga Waddani Qasim A Saleebaan Qaran News
  4. Wax u muuqda inay yihiin kalsooni siyaasadeed middii ugu weyneyd ayaa laga dareemay booqashada uu Axmed Madoobe kusoo gaaray magaalada Muqdisho. Kuma filneyn kaliya waddooyinka magaalada oo loo xiro imaatinkiisa. Wuxuu si lagu faani karo ula soo degay guutooyin ciidamo si fiican u qalabeysan kuwaas oo hareer socday. Laba sannadood kahor markii uu imaanayay halkan, Madoobe wuxuu u muuqday sida qof caadiga. Maanta oo kaddib laba toddobaad un wax ka yar uu magaalada Kismaayo ku qaabilay R/W Kheyre, wuxuu ugu danbeyn ku yimid balan-qaadkiisii ahaa inuu imaan doono Muqdisho. Madoobe oo goor hore lumiyay saaxiibadii garabkii taagnaa, waxaa cad inuu hadda diyaar u yahay inuu micno walba oo suura-gelin kara wada-shaqeynta dowladda dhexe uu la gaaro madaxda qaranka. Hayeeshe, taasi ma ahan mid u sahlan sida loo yiri. Dib-u-raacista taxanaha dhex yaal labada dhinac wuxuu marwalba ku dhisnaa sedbursiino. Wuxuuna Madoobe marwalba – isaga oo helaya taageerada saaxiibadii ay isla aas-aaseen Golaha Iskaashiga – aad u quudarreyn jiray inuu kaalin libaax ku yeesho siyaasadda gobalka iyo tan dibadda. Sidoo kale, isaga oo kaashanaya ciidamada Kenya ee Kismaayo dagaal ba’an kaddib al-Shabaab ku qasbay inay isaga baxaan, Madoobe wuxuu hadiyo jeer lahaa kalsooni dheeraad ah oo aanay qabin xubnihii ay iskala tirsanaayeen Golaha. Waxa Jubbaland ay kaga duwan tahay maamullada kale waa iyada oo amnigeeda uusan ganacta ugu jirin Itoobiya, balse ay gooni u ilaashato Kenya. Hadda oo Madoobe mar kale – isaga oo xanbaarsan fikir ka duwan kii uu ka qabay dowladdan sannad kahor, uu soo gaaray caasimadda, waxaa iska cad inuusan ku qanci doonin inaan la fara-gelin taliskiisa. Taasina uu ku bixin doono micno walba oo maangal ka dhigi kara si uu ku xaqiijiyo. Balse maxay noqon karaan micnayaashaas? Khubarada ayaa aaminsan in Axmed uusan dooneyn in sida saaxiibadii hore aan si toos ah iyo mid dadban intaba aan lagu dayin is-beddelka laga yaabo inay ku timaado doorashada soo socta ee ka dhacaysa Jubbaland. Taas beddelkeeda, wuxuu ku qanacsan yahay inuu si toos isaga oo isku kalsoon uu kaga qeybgalo doorashada. Hayeeshe, dhicitaanka doorashada laftigeeda ayaa laga fahmi karaa haddii Axmed isku arko xulka kusoo bixi kara doonista NabadIyoNolol. Tallaabooyinka xigi kara kaddib kulamada uu Muqdisho kula qaatay madaxweyne Farmaajo ayaana taas laga garan doonaa. Mid kale oo waxaa jirta u furan labada dhinac, taasina waxay ku imaanaysaa is-weydaarsiga fursadaha labada dhinac ay iska dhex arki karaan. In haddaba aan lagu kala dhaqaaqin is-nabdaadin balse loo dhaadhaco gunta hoose ee iskaashiga, waxay labada dhinac mid kasta gaarkiisa u siinaysa fursad uu ma labaad ku sahmiyo wixii kaga qaldamay tagtadii hore. W/Q: Cabdijabaar Xuseen Muuse Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Magaalada Qardho ee xarunta gobolka kar kaar waxaa maanta soo gaaray wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayay wasiirka Tamarta Macdanta iyo Biyaha ee Puntland Axmed [...] Source
  6. (SLT-Finland)-Wasiir ka tirsan Dowladda Finland ayaa la sheegay in shalay la cabsi-geliyey, xilli uu ka qeyb galay Dibadbax Doorasho. Booliska ayaa sheegay in nin aan la aqoonsanin uu u hanjabay Wasiirka oo isagu baxsaday iyadoo ayna dhawaacyo soo gaadhin. Booliska ma ayna carabaabin magaca Wasiirka loo hanjabay, balse, Sawir-qaade sawiro ka soo qaaday Dibadbaxaasi ayaa sheegay in Wasiirka la cabsi-geliyey ahaa Wasiirka Arrimaha dibedda ee Finland oo lagu magacaabo Timo Soini. Wasaaradda Arrimaha Dibedda wax hadal ah kama ayna bixinin arrintaasi. Afhayeenad u hadashay Wasiir Timo Soini oo ay Wakaalladda Wararka REUTERS la xidhiidhay wey ka gaabsatay inay ka hadasho dhacdadaasi. Warbaahinta iyo Booliska dalka Finland midna wax faahfaahin ah kama aysan bixinin haddii Ninka weeraray Wasiirka uu hubeysnaa, kadib hanjabaadda uu Wasiirka ku siiyey Dhacdadaasi oo ka dhacday Suuqa ku yaalla Deegaanka Korso Waqooyiga caasimadda dalkaasi ee Helsinki. Ciiddan ka tirsan kuwa Ammaanka ayaa la sheegay inay garba-duub u xireen ninka weeraray Wasiirka, kaasi oo watay shaar madow oo ay ka muuqatay Calaamadda Koox ka soo horjeeda Muhaajiriinta ku nool dalka Finland, oo la magac baxeen Ciiddankii Odlin. Source
  7. Xildhibaanada cusub ee golaha deegaanda degmada Gaalkacyo oo ka kooban 32 xubnood ayaa goor dhawayd waxa ay gudoomiye u doorteen Shaahid Maxamuud Cali oo ku [...] Source
  8. Mid kamid ah shaqaalaha Jaamacada SIMAD ee magaalada Muqdisho ayaa qarax loo dhigay maanta isgoyska Al-Baraka ee magaalada Muqdisho Ninkan qaraxa ku dhintay ayaa waxa uu [...] Source
  9. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-25032019.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia ayaa ku tagay maanta kormeer qaar ka mid ah saldhigyada ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Muqdisho. Farmaajo iyo xubnaha la socda ayaa kormeeray Wasaarada Gaashaandhiga Somalia iyo Xerada Jenaraal Gordon iyo kuwo kale, wuxuuna halkaasi kula kulmay saraakiisha ciidan. Saraakiil ka tirsan Villa Somalia ayaa warbaahinta u sheegay in waxyaabaha uu madaxweynuhu kala hadlay saraakiishuu la kulmay ay qayb ka ahaayeen cabashada ciidamada ee mushaar la’aanta afarta bilood haysatay, taasoo ay u sii dheer-tahay in laga goostay saadkii cunno. Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamadii uu soo arkay wuxuu u sheegay inay heli doonaan wax kasta oo ay xuquuq u leeyihiin, isagoo ka dalbaday inay ammaanka dalka sugaan, ayna qaadaan duullaan ka dhan ah Al-shabaab. Dhanka kale, Ciidamada Koofiyad casta loo yaqaan ee madaxtooyada gaarka ka haya ayaa saakay xiray inta badan waddooyinka Muqdisho, gaar ahaan kuwa ku dhaw xarumaha uu madaxweynuhu booqday, iyadoo muddadii ay waddooyinku xirnaayeen ay shacabku cagahooda maalayeen. Madaxtooyada Somalia wali wax war ah kama soo saarin kormeerka saakay uu madaxweyne Farmaajo ku tagay xeryaha ciidamada, iyadoo socdaalkan loo diiday iay qayb ka noqoto warbaahinta dowladda iyo madaxa bannaan ee ka hawlgala Muqdisho. Kormeerka madaxweyne Famaajo uu maanta ku maray xeryaha ciidamada ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay ciidamada dowladda sameeyeen gadood ay kaga cabanayeen mushaar iyo cunno la’aan socotay muddo afar bilood ah, inkastoo madaxda dalka ay inkireen cabashadaas. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa todobaadkii hore sheegay in dalalka Turkiga, Imaaraadka iyo Ingiriiska ay joojiyeen malaayiin doollar oo ay ku bixin jireen mushaar ahaan ciidamada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo kormeerro ku maray Xeryaha Ciidammada Dowladda appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Hargeysa)-Dad badan ayaa si adag uga falceliyay farshaxan xumo iyo dhalan gadi foolxun oo lagu sameeyay Astaantii Guud ee Qaranka Somaliland taasi oo lagu dhejiyay Miiskii Hoolka Golaha Guurtida ee uu Shalay Madaxweyne Muuse Khudbad Sannadeedka uga jeediyay labada Golle Baarlamaan. Waxay shalay si cadho leh baraha Bulshada aad loogu falanqeeyay Arintaasi kadib markii sawirada qaabka loo bahdilay lagu soo daadiyay Baraha Xidhiidhka Bulshada. Abwaanka Caanka ah ee reer Somaliland ee Xasan Daahir Weedhsame oo bartiisa Facebookga soo dhigay Sawirradda bahdilka lagu sameeyay Astaanta qaranka ayaa waxa uu soo raaciyay Qoraalkan “Miiskaa googoradda lagu sawiray haddaan sii baadho, waxaan ogaan doonaa inuu mid yar oo dhex-marayaasha amran ka mid ahi qandaraas ku qaatay. Waar nala saa’ira oo bal in yar uun na ixtiraama aan idiin ducaynee”. Dad badan oo kale ayaa ka falceliyay arintan. Source
  12. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa waxa uu magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland uu ku daah furay mashruuc qaliin loogu samaynayay dadka faruuran. [...] Source
  13. Xirnaanshaha waddooyinka xilliyada cayiman iyo jidadka qaar ee ka caagan socdaalka iyo marista gaadiidka kuwaas oo sababo jira loo xirtay, waxay gocasho iyo xusuus hore gelinaysaa shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho kuwaas oo waqtiyo adag lasoo kulmay. Mar kasta oo aad isasoo taagto goob ka caagan marista gaadiidka ama waddooyin muddo kooban la xayiro ku socdaalkooda, waxaad ogaaneysaa inay tahay marxaladda ugu fiican intii lagu guda-jiray geeddi-socodkii adkaa ee magaaladani soo martay. Markii uu dhamaaday qadkii cagaarnaa ee caasimadda Muqdisho u kala dhanbali jiray xero hoggaamiye kooxeed kasta uu ka taliyo dhowr iyo toban sano kahor, xirista waddooyinka qaar iyo mamnuucista socodka dadweynaha waxay ahayd mid si aan laga fursan karin ay ula kowsatay dowladdii ugu horreysay oo lagu soo dhiso dalka Kenya. Taniyo markii xukuumadda AUN Abdullahi Yuusuf Axmed ay si rasmi ah u sal-dhigatay caasimadda Muqdisho, wararka ugu waaweyn ee waagaas warbaahinta loogu dhageysiga badnaa waa haddii waddooyinku xiran yihiin iyo in kale. Waagii ku dilaaca jidadka oo furan, way adkeyd in gabbalku ugu dhaco iyada oo aan saacado kamid ah maalintaas waddooyinka la xirin. Mararka qaar, marista laamiyada waxay ahayd halis muuqata. Jidad badan ayaa cabsida laga qabo qaadistooda awgeed, waxaa qofkii ku dhiirrada loo marin jiray samir iyo iimaan. Kolkii ay dowladdu si buuxda ula wareegtay gacan-ku-heynta caasimadda Muqdisho kaddib dagaalo qaraar oo looga qaxay inta badan magaalada, wax u muuqda inay yihiin farriin iyo tusaalayaal ay iska dhaxlaan xukuumadaha isaga danbeynaya talada iyo maamulka dalka waa xirista waddooyinka. Labadii dowladood ee xilka kaga horreeyey dowladda hadda jirta waxay lahaayeen sifada ah xirista waddooyinka iyada oo aan muwaadiniinta loo sameynin ogeysiin ama aan loo sahlin hab fudud oo ay ku gaari karaan danahooda – jeer isla mar ahaantaana la hubsanayo inaysan waxba u dhimeynin awaamiirta ay dowladdu soo saartay. Maanta oo dowladnimadeennu kasoo gudubtay marxaladdii ku-meel-gaarka ahayd, dhaqankani wali waa sidiisii. Mana u eka mid maalin la isaga fariistay si wax la iskaga weydiiyo cawaaqibka ay ku heyso bulshada caasimadda. Sida indhahaagu maanta u qabanayaan waddo aan loo oggoleyn gaadiid rayid ah – oo kuwa ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda oo qura loo oggol yahay inay maraan – waa meertadii shalay balse ay xukuumaddu kasoo qaadatay middii ka horreysay. Lama saadaalin karo haddii dhaqanka xirista waddooyinka xilliyada qaar uu sidaan kusii socon doono iyo in kale. Haddana su’aalaha is weydiinta mudan ayaa ah sababta aan xal loogu heli karin shacbiga kala duwan ee kusoo toosa qabsashada danahooda kuwaas oo mar walba oo loo sheego in waddo xiran tahay cadceedda ugu wirwira masaafada ay ku gaari karaan hadafkooda! Mar walba oo aan ka hadleyno xirnaanshaha waddooyinka, kuma saabsana sugista amniga iyo nabadsugidda qaranka. Waxay goor walba la xiriirtaa waxa ku dhacaya dadweynaha ka badan dowladda ay ku hoos nool yihiin. Qiyaas danleyda kala duwan ee ku jira shacabka sida ardayda, waayeelka, bukaan socodka iyo dhibanaha laga yaabo inuu u baahan yahay gargaarka degdegga ah kuwaas oo haddii aysan helin marin ay ku fushadaan baahidooda wax badan oo qaali ah ay uga lumi karaan sida in qof uu u dhiman karo gurmad la’aan. Hayeeshe ma ahan dowladda dhexe oo kaliya midda looga baahnaa inay baraarug u yeelato dhibta iyo rafaadka gaaraya muwaadiniinta. Bahda saxaafaddana waxay u bateen inay codbaahiyaha ka sheegaan wararka ku saabsan in waddooyinku ay xiran yihiin. Halkii ay ahayd in warbaahintu ay banaanka soo dhigto waxa ku dhici kara guud ahaan bulshada kolka ay jidadku ka xirmaan, nasiib-darro waxay qodobada warkooda ku gabagabeeyaan ma ahan markii ugu horreysay oo ay xirmaan waddooyinka qaar ee magaalada. In dowladdu ay mar walba raali-gelin ka bixiso xirnaanshaha waddooyinka, bulshadana u sheegto sida ay uga xun tahay inay hakad gelinayso isku socodkooda, waa farriimaha saameynta leh oo muwaadiniinta ku beeri kara inay dareemaan shucuur ah inay qiimo ugu fadhiyaan dowladdooda. Waana samafalka ugu hooseysa oo lagu xoojin karo xiriirka dadka iyo dowladda. Waxayna sidoo kale muwaadinka ku beeraysaa lahaansho dalnimo. Waayo qofka kusoo tala-galay inuu gaadiid usoo raaco danihiisa ee lagu yiri lugtaada maal, haddii aan loo muujin inuusan sidaas mudneyn waxay dhaawacaysaa qalbigiisa. Waxaa jirta halheys dadka Denmark ay ku sifeeyaan dalkooda oo ay ku leeyihiin; Waddankani waa meesha lagu ilaaliyo karaamadayda, waxaana ku dhex sugan noloshayda. Balse raali-gelintu mararka qaar kuma eka ereyo dabacsan iyo hadallo naxariis leh. Waxay u baahan kartaa ficilka ugu qaalisan si heerka ugu sarreysa qanacsanaanta qofka muwaadinka ah loogu hantiyo. Waana baahi kale oo muhiimad ballaaran ugu fadhisa dadweynaha Muqdisho. Sida aragtida guud ee dadka caasimadda ku nool u badatayna, way fiicnaan laheyd in dowladdu la timaado xal lagu dhinac wado waqtiyada ay xiran yihiin waddooyinka halbowlaha u ah magaalada. Tusaale ahaan, in dowladdu keento gaadiid basas waaweyn ah oo la dhigo 52 is-goys ee magaalada Muqdisho ay ka kooban tahay kuwaas oo caasimadda isku dhinac dhaafa – iyaga oo sida rakaabka rayidka ah ee jidadku ka xiran yahay, waxay shacbiga u sahleysaa inay dhib yari usoo tiigsadaan danahooda. Xittaa adeegyada basaskani ha noqdaan kuwo lacag lagu raaco. Muhiimaddu waa inay helaan gaadiid ay usoo raacaan baahidooda. Haddii tusaalahan iyo kuwa lamidka ah ay dowladdu fiiro gaar ah u yeelato hir-gelintooda, waxay noqoneysaa tallaabo labo goor – dowladda iyo dadweynuhu – ay wada faa’iidaan. Waayo dowladda hoose waxaa usoo xeroonaya dakhli ku-meel-gaar ah, dadkuna waqtiyadaas kooban oo jidadku ka xiran yihiin kama warwarayaan haddii ciidamo lasoo dhoobo waddooyinka iyo in kale. Haddiise sugista amniga qaranka uu keensanayo inay dhib ku mutaan muwaadiniinta, dowladdeennu kuma taagnaa hadafkii uu Thomas Jeferson, oo kamid ahaa aabayaashii helay dalnimada Maraykanka ku tilmaamay inuu yahay kan ugu weyn dowladnimada oo ah: in loo raaxeeyo muwaadiniinta iyo in lagu saacido sidii ay liibaan iyo warwar la’aan farxadi ku dheehan tahay ugu noolaan lahaayeen. Qore: Zakariya Xasan Maxamed Kala xiriir: hiraal86@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  14. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa maanta dhagax dhigay Xarunta Waaxda Barwaaqo ee Degmada Warta-Nabadda. Guddoomiyaha oo munaasabadda dhagax-dhigga ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay bulshada ku dhaqan Waaxda Barwaaqo ee dib-u-dhiska lagu sameenayo, si ay ugu helaan adeegyada ay uga baahan-yihiin Dawladsa Hoose. Isagoo xusay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay daadajinta Adeegyada si loogu dhaweeyo shacabka. “Maamulkeennu waa kii shacabka, waxaana ka go’an in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud, si shacabka loogu adeego, marna nama baqdin gelineyso falalka ay geysanayaan Kooxaha argagixisada ee u taagan dhibaateynta shacabkeenna”. Eng. Yarisoe ayaa tilmaamay in guulo laga gaaray barnaamijka daadejinta Maamulka oo masuuliyiinta Gobolku ay dadaal badan geliyeen, iyadoona adeegyadii asaasiga ah ee maamul haatan la gaaarsiiyey inta badan degmooyinka Gobolka. Dhanka kale Duqa Muqdisho ayaa daah furay tababar aqoon kororsi ah oo loo qabtay Waaxda Maaliyadda iyo Dhakhliyadda Dawladda Hoose ee Xamar, taasoo ay bixinayaan Macalimiin aqoontoodu sareyso, si tayada Howlwadeenada Waaxaha Dhakhliyada kor loogu qaado. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in yoolka Maamulka Gobolka uu yahay in shaqo weliba loogu tartamo aqoon, waxuna kula dar-daarmay Howlwadeenada in ay ka faa’ideystaan fursaddan, si ay sare ugu qaadaan aqoontooda. “Waxaa naga go’an in la horumariyo aqoonta howl-wadeennada Waaxda Maaliyadda iyo Dakhliyada Dawladda Hoose, tanoo qayb ka qaadanaysa kordhinta dhakhliga, Maamul wanaagga iyo hannaan kalsooni gelinaya bulshada Caasimadda loogu adeego, loogana guuro hannaankii hore, gaar ahaan shaqaaleysiinta iyo dalacsiinta shaqaalaha cusub iyo kuwii horey u shaqaynayay”. PUNTLAND POST The post YARIISOW: Dib ayaan u dhisaynaa Goobihii Danta guud ee loogu adeegi jiray Dadka appeared first on Puntland Post.
  15. Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Je. Muxiidiin Axmed Muuse oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga dowladda Puntland kadib safar caafimaad oo [...] Source
  16. Madaxa ugu sareeya Midowga Yurub ayaa maanta socdaal kooban waxa uu ku yimid magaalada Boosaso ee xarunta ganacsiga Puntland , wuxuuna kulan la qaatay wasiirka [...] Source
  17. Saraakiisha EU NAVFOR iyo mas’uuliyiinta Puntland Saraakiil ka socotay hawgalka Midowga Yurub ee ka hortagga burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya (EU NAVFOR) oo uu hoggaaminayey sarkaalka ugu sarreeya hawgalkaasi Ricardo Hernandez ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso shir kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland. Saraakiishan oo ka soo degay markab ku sugan xeebta ayaa subaxnimadii hore ee saaka soo gaaray magaalada Boosaaso iyagoo ay dusha ka ilaalinayan diyaaradaha sahanka ee EU NAVFOR waxaana ay shir albaabadu u xiranyihiin la qaateen wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda Puntland iyo mas’uuliyiin kale. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda dowladda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan oo markii kulankaas dhammaaday saxaafadda u faahfaahiyay ayaa sheegay in ujeedka u weyn ee kulanka uu ahaa isbarasho balse ay sidoo kale ka wada hadleen qodoba ay kamid yihiin xoojinta wada shaqeynta labada dhinac ee Puntland iyo EU NAVFOR iyo in ay ka caawiyaan Puntland dhanka tababarka ciidanka iyo iskaashiga amniga badaha. Taliyaha hawlgalka EU NAVFOR Ricardo Hernandez oo u dhashay dalka Spain ayaa horraantii bishan Maarso xilka la wareegay isagoo socdaalkiisi ugu horreeyay ee gudaha Soomaaliya ku yimid Puntland gaar ahaanna magaalada Boosaaso. halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee wasiirka PUNTLAND POST The post Hawlgalka EU NAVFOR maxaa Puntland ka soo galay? appeared first on Puntland Post.
  18. Xildhibaannada golaha degaanka Gaalkacyo ayaa galabta duqa cusub ee degmadaasi u doortay Saahid Maxamuud Cali Xaaji Sayn oo kamid ahaa 2-dii murashax ee u tartamay xilkaasi. Saahid Sayn ayaa 23-cod kaga guulaystay murashixii la tartamayey Cabdiqani Diiriye Dhega-weyne oo isna helay 7-cod waxaana xumaaday 1-cod. Dhammaan 31-da xubnood ee golaha degaanka Gaalkacyo oo ay ku jiraan 2-da murashax ayaa codkooda u dhiibtay hab-qarsoodi ah. Waxaa haatan loo gudbaya doorashada guddoomiye ku xigeenka degmada oo mar dhow bilaabanaysa. PUNTLAND POST The post Saahid Sayn oo loo doortay duqa cusub ee Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  19. “Burco Iyadaa Isku Habsaantaye Bacaadka Ha Fadhido…” W/Q Muniir Axmed Cigaal Burco iyadaa isku habsaantaye Bacaadka ha fadhido.. maxay damal weyn shiteen . maxay qudhac deebiyeen . waxay dab sudheen dhirtii dhulkay midab dooriyeen bal eeg degelkii hufnaa bir iyo waxa daasad yaal bal eega dalkii xalaa waxay lafo daadiyeen “Hadraawi Waxan arkaayay Maayarka Burco Mr. Muraad oo Berbera ma jeeranaaya, kuna calaacalaya cashuuri ima soo gasho, Waxaan kaloo arkayay Xildhibaanadii Golaha Degaanka Burco oo ah kuwa ugu sii liita Golayaasha degaanada Dalka oo marka horeba khayr-ku dhammeeyay oo iyaguna shir guddoonka Golaha Wakiilada la kulmay 7-sanno kadib markii la doortay iyagoo xeerarka midaynta cashuuraha ka cabanaaya. Midi waa su’aale xaggay ku maqnaayeen 7-dii sanno intay Maanta oo xilkoodi maca korodhsiimaha aha ka dhammaaday ay gab-gab leeyihiin? Midina waa Maayar Muraadka calaacalaya ee leh 2-millyan oo Dollar ayaan sannadkii oo dhan isoo gala. Muraadow Alle haku calfo intaas tariikhda ku gashay ee ah Golihii ugu liitay ee Burco soo mara. Xeer iyo cashuuri kuma dabrine itaalkiina tayo ahaan ayaa intaas aha Marka Jamhuuriyadda Golayaasha degaanka ku khasaartay waxbaad la qabtaan xoogana way idiin dheertahay idinka, waxba Berbera oo baaxad ahaan kaayar, dhisme ahaana ka kooban iyadoo aad Mallaayin ka samayn lahayd ardiyada guryaha iyo dhismayaasha Magaalada cidna haw caban. Talladu waxay gobo ku tahay cimrigaasi wuu tagaye calaacal haku sagootiyin.. Burco waxay ahayd Degmadii ugu horraysay ee Somaliland xitaa Ingiriis dago waagi maxmiyada, badi haldoorka Somaliland halkay ka soo jeedan weeye. Magaaladii saddexaad ee Jamhuuriyaddii Burburtay ee Soomaaliya ayay ahayd Burco xitaa Kismaanyo way ka horaysay.. Xudunta xoolaha Soomaalida ayay ahayd mushkilada haysata Burco dib ayay u guurta hore uma guurto iyadaa isku maqan iskuna mashquulsan.. Kubad Hargaysa laga soo taraarixiyo ayay Rer Burco isku dhuuxaan oo dhaawacyo isku gaadhsiiyaan. Markaa Burcoy Huuno markaad muranka dhexdiina ka soo ilbaxdaan markaas ayaynu Jamhuuriyadda iyo Gobolada Galbeedka ee Qabow waa halkii Madaxweyne Muuse Biixi aynu wax la qaybsan ka raynaa . Inta ka horraysa ciyaaraha isreeb reebka aynu Iska ciyaarno cidna yaynaan u caban.. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal Qaran News
  20. Burco Iyadaa Isku Habsaantaye Bacaadka Ha Fadhido…” W/Q Muniir Axmed Cigaal “Burco Iyadaa Isku Habsaantaye Bacaadka Ha Fadhido…” W/Q Muniir Axmed CigaalBurco iyadaa isku habsaantaye Bacaadka ha fadhido.. maxay damal weyn shiteen . maxay qudhac deebiyeen . waxay dab sudheen dhirtii dhulkay midab dooriyeen bal eeg degelkii hufnaa bir iyo waxa daasad yaal bal eega dalkii xalaa waxay lafo daadiyeen “Hadraawi Waxan arkaayay Maayarka Burco Mr. Muraad oo Berbera ma jeeranaaya, kuna calaacalaya cashuuri ima soo gasho, Waxaan kaloo arkayay Xildhibaanadii Golaha Degaanka Burco oo ah kuwa ugu sii liita Golayaasha degaanada Dalka oo marka horeba khayr-ku dhammeeyay oo iyaguna shir guddoonka Golaha Wakiilada la kulmay 7-sanno kadib markii la doortay iyagoo xeerarka midaynta cashuuraha ka cabanaaya. Midi waa su’aale xaggay ku maqnaayeen 7-dii sanno intay Maanta oo xilkoodi maca korodhsiimaha aha ka dhammaaday ay gab-gab leeyihiin? Midina waa Maayar Muraadka calaacalaya ee leh 2-millyan oo Dollar ayaan sannadkii oo dhan isoo gala. Muraadow Alle haku calfo intaas tariikhda ku gashay ee ah Golihii ugu liitay ee Burco soo mara. Xeer iyo cashuuri kuma dabrine itaalkiina tayo ahaan ayaa intaas aha Marka Jamhuuriyadda Golayaasha degaanka ku khasaartay waxbaad la qabtaan xoogana way idiin dheertahay idinka, waxba Berbera oo baaxad ahaan kaayar, dhisme ahaana ka kooban iyadoo aad Mallaayin ka samayn lahayd ardiyada guryaha iyo dhismayaasha Magaalada cidna haw caban. Talladu waxay gobo ku tahay cimrigaasi wuu tagaye calaacal haku sagootiyin.. Burco waxay ahayd Degmadii ugu horraysay ee Somaliland xitaa Ingiriis dago waagi maxmiyada, badi haldoorka Somaliland halkay ka soo jeedan weeye. Magaaladii saddexaad ee Jamhuuriyaddii Burburtay ee Soomaaliya ayay ahayd Burco xitaa Kismaanyo way ka horaysay.. Xudunta xoolaha Soomaalida ayay ahayd mushkilada haysata Burco dib ayay u guurta hore uma guurto iyadaa isku maqan iskuna mashquulsan.. Kubad Hargaysa laga soo taraarixiyo ayay Rer Burco isku dhuuxaan oo dhaawacyo isku gaadhsiiyaan. Markaa Burcoy Huuno markaad muranka dhexdiina ka soo ilbaxdaan markaas ayaynu Jamhuuriyadda iyo Gobolada Galbeedka ee Qabow waa halkii Madaxweyne Muuse Biixi aynu wax la qaybsan ka raynaa . Inta ka horraysa ciyaaraha isreeb reebka aynu Iska ciyaarno cidna yaynaan u caban.. Tusan . .Muniir Axmed Cigaal Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga & Xerada Ciidamada Jeneraal Gordan ee ku taallo Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Maalmahan dambe waxaa taagnaa Ciidamo ka cabanaya Mushaar la’aan kuwaasi oo ka soo baxay furumaha dagaalka qaar ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Iyadoo arrimahaasi ay jiraan, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, waxa uu maanta tagay labadaasi Xarumood oo Saldhig u ah Ciidamada Militariga Soomaaliya. Ilo Wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha uu kala hadlay arrimaha ku aadan Ciidamada & xalkooda Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, islamarkaana Madaxweynaha uu u sheegay muhiim inay tahay qaadista dagaal ka dhan ah Shabaab. Wadooyinka ku dhaw Wasaaradda Gaashaandhigga & wadada Tarabuunka ayaa loo xiray intii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku guda jiray kormeerka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya & Xerada Ciidamada ee Jeneraal Gordan. Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in la diiwaangeliyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, diiiwaangelintaasi oo caqabado kala duwan ay ka yimaadeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Maamulka gobolka Sanaag iyo taliska ciidammada qaranka oo maanta soo dhoweeyay saraakiil ka soo goostay jabhadda kornayl Caarre iyo farriimo culus oo ay direen, Halkan hoose ka DAAWO Source