Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxammed Kaahin iyo Xusuus hore. Waa Khamiis,18/03/2004 wax aan ka degay Garoonka Magaalada Hargaysa halkaas oo aan fasax gaaban ku gaadhay. Jimce, 19/03/2019 waxaa dhacday arrin Dhiilo ah. Koox dablay Argagixiso ah ayaa Deegaanka Dhubato waxay Jidgooyo ugu galeen Nin Jarmal ah iyo Gabadh Kiiniyaan ah oo ka ahaa Shaqaale Haayada Jarmalka ee GTZ iyaga oo ku sii jeeday magaalada Berbera. Gaadhigii ay wateen Ninkii Jarmalka ahaa Xoog buu ku dhaafiyay Kooxda Argagixisada ahayd hase yeeshee Rasaastii ay ku rideen waxaa ku naf wayday Gabadhii Kiiniyaanka ahayd halka Ninkii Jarmalka ahaana dhaawac fududi soo gaadhay. Wakhtigaa waxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa Ismaaciil Cismaan Aadan (Ismaaciil Yare), Taliyaha Booliiskuna wuxuu ahaa AHN General Maxammed Cige oo ahaa Sarkaal khibrad badan u lahaa shaqada Booliiska. Waxaa dhacday markii arrinkan dhiilada lihi dhacay Xisbiga Kulmiye oo wakhtigaa mucaarad ahaa islamarkaasna Talo ka yaqaanay ku jiqsii iyo mucaaradnimo Macangagnimo ah ayaa sidii caadada u ahayd Xukuumada ku eedeeyay in Amnigii faraha ka baxay, in Xukuumadu ku fashilantay Amniga Dalka iyo Hadaladii iyo Ficiladii qarandumiska ahaa ee ay Hadh iyo Habeen la daba taagnaan jireen Xukuumadii Rayaale. Ismaaciil Yare oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha oo Amniga Dalku hoos imanayay ayaa u jawaabay Kulmiye islamarkaasna Kulmiye si adag u duray. Subaxdii ku xigtay wax aan tegay Hudheel la odhan jiray Ming Sing halkaas oo aan Nin aanu ehel nahay kula kulmayay. Aniga iyo Ninkii oo halkii ka shaahayna isna waraysanayna waxaa daf na soo yidhi, Nin Shaadhka Badhamadu si akhlaaq daran ugu furan yihiin, Dhaqan xayraan iyo Yafyafnimo ka muuqato oo Afka ka xumbaynaya. Wuxuu soo abaaray Ninkii ila fadhiyay, isaga oo duryamayana wuu na salaamay. Hadal badan oo Aflagaado, Dhaar iyo Haaraan isugu jiray meeshii ka shub. Ninkii ila fadhiyay buu isagoo weliba dhaaranaya ku yidhi “East Burco Clan haddaanu nahay Hargaysa haddaanu ka guuraynaa, Nin nagaga hadhi maayo”. Ninkii baa ku yidhi ‘oo Maxaa dhacay eed uga guuraysaan Hargaysa’. Kuye “Ismaaciil Yare ayaa yidhi East Burco Clan ayaa Falka Argagaxiso ka dambaysay markaa Magaalada waanu uga guuraynaa”. Qaaqdaasu hayaa, Qawlalada ayuu ka xumbaynayaa, Dibnaha gargariiraya, indhaha cascas, hadalkiisu wuu iska wada hor iyo daba imanayaa, caadifad darteed buu mararka qaarkood shigshigayaa. Waad yaabaysaa mooraal xumida iyo rajo la’aanta ka muuqatay. Ninkii baa ku yidhi waar bal Shaydaanka iska naar, Ismaaciil Yare na anigaa la balansanoo la hadli doonee. Anigu Ninka gartay inuu East Burco Clan yahay, inuu Kulmiye yahayna markiiba gartay laakiin intaas dhaafin maayo garashadiisa. Ninkii aan la fadhiyay ayaa igu yidhi intaanu naga dhaqaaqin Ninkan miyaad garanaysaa markaas baan ugu jawaab celiyay maya. Wuxuu ii sheegay inuu Mujaahid Maxammed Kaahin yahay. Naftaydaan hoos ugula shawray“Wadhi, ma Kan baa Maxammed Kaahin ka la sheegaana”. Nasiib wanaag Kooxdii Argagixisada ahayd waxaa baxsadkoodii lagu qabtay Tuulada Dhoqoshay oo markaasi maqalkeeda aniga iigu horaysay. Waxaana runtii hawlgal balaadhan sameeyay Ciidanka Booliiska iyagoo kaashanaya shacabka ku noolaa Deegaanadii loo tuhmayay inay sii dhexmarayeen. Tuulada Doqoshay iyo shacabka degani hawlgalkaas oo ay gacan wayn ka gaysteen waxaa Xukuumadii Daahir Rayaale ku abaalmarisay Mashaariic horumarineed oo ay ka mid ahaayeen Dhismaha Dugsi, Xarun Caafimaad (MCH), Xarun Booliis iyo weliba lacag Kaash ah oo dhamayd $20,000 taas oo loo qaybiyay Dadkii Deegaanka Doqoshay oo la siiyay $12,000 iyo intii kale oo loo qaybiyay Ciidamadii Booliis iyo Militariga ee Hawlgalkaas ka qayb qaatay. Muddo ka dibna waxaaban arkay isagoo Madaxweyne Daahir Rayaale u hanjebaya oo ku leh “Dhenged baan Madaxtooyada kaaga soo saari doonaa”. Ninkaas aragiisa Qabyaalad iyo cunfi baan ku xasuustaa. Arrinkan waxaan ku soo xasuustay iyadoo hadda 15 sanno laga joogo waxaan Maanta 04/05/2019 daawaday Shir Jaraaid oo uu qabtay kuna saabsan labadii Sarkaal ee lagu dilay Deegaanka Galbeedka Sanaag kana soo jeeday Gobolka Awdal kuwaasoo loo dilay Aano Qabiil. Maxammed Kaahin isagoo Kursigii Wasiirka Arrimaha Gudaha ku fadhiya Maanta islamarkaasna masuul ka ah Amniga Qaranka wixii uu ku hadlay ee iska hor iyo dabo imanayay, ee Qabyaalad lahaa, ee Hanjebaad lahaa, ee Catoow iyo Cadho lahaa waad maqlayseen. Xataa markaad u fiirsato Afsomaliga uu ku hadlayay ayaa shaki leh, tusaale ahaan Wuxuu yidhi markuu ka hadlayay dhacdadii foosha xumayd ee Saraakiisha lagu dilay, bal hadda idinku macneeya. “Arrinkani Nabadgelyo darrada iyo Xasilooni darrada ayuu dhaawac ku yahay”. Markaad hadalkan oo isaga Afkiisa kasoo baxay u fiirsato Waxaad iswaydiinaysaa waxa Nabadgelyo darrada iyo Xasiloonida darrada dhaawaca ku ihi soo wax wanaagsan maaha marka Nabadgelyo iyo Xasilooni la rabo. Jawaabtu dabcan waa haa. Markaa taloow muxuu uga jeedaa, idinkaan idiin dhaafay falanqaynta hadalkaas. Waxa kale oo hadaladiisa ka mid ahaa:- “Gudoomiye Cirro aniga iyo reerkayga ayuu u jeeday”. Miyaad maqlayseen meel u Cabdiraxmaan Cirro reer East Burco Clan la yidhaahdo ku soo hadal qaaday?. Gudoomiye Cirro isaga ayuu ku cannaantay in aanu xilkiisa gudan, labada Sarkaalna la badbaadin kari lahaa haddii loo gurman lahaa iyadoo xaalkooda Xukuumadu la socotay. Haddii aan isaga warkooda lasoo gaadhsiin Cirro waxba kama khuseeyaan Waayo mar walba isaga oo ah Wasiirkii Amniga ayaa u qoolan, hadduu Damiir Qaranimadan uu ka hadlayo leeyahay, dhaawac baa Qaranka soo gaadhaye ha is casilo. Gudoomiye Cirro iyo Xisbiga Waddani waxaan u soo jeedinayaa inay u jawaabaan, hadalka uu isagu ku hadlay oo aan midh lagu darin ayaa Madaafiic lagu garaaco ugu filan. Maxammed Aw Yuusuf guun51@hotmail.com Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wax kayar 48 saac magaalada Muqdisho waxay gashay xaalad cabsi iyo qal qal ah oo ay wajahayaan Shacabka iyo Wariyayaasha waxayna dhibaatooyinkaan ka imaanayaan Booliiska Soomaaliya. Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii Isbadal lagu sameeyay Ciidamada Booliiska ee ka shaqeeya Isgoysyada Muqdisho, waxaana la dhigay Ciidamo cusub oo si xun dadka kula dhaqma. Jirdil iyo hanjabaad ayaa ah waxa ugu yar oo ay Ciidamadaan ku sameeyaan shacabka, halka qaar kood-na rasaas ku furaan dadka Shacabka iyo qal qal xoog leh oo ay ku beeraan dadka iyo degaanka. Ciidamada Booliiska ayaa maanta falkii ugu dambeeyay oo jirdil ah u geestay Wariyaal katirsan Radio Kulmiye oo lagu magacaabo Farxaan Maxamed Xuseen iyo Cameraman Maxamed Cabduqaadir Jiinow oo ka tirsan qaybta maamulka ee Radio Kulmiye. Ciidamadaan ayaa sidoo kale shalay Jirdil iyo hanjabaad u geestay Xuseen Cabdulle Maxamed oo ka tirsan Radio Kulmiye mana jirto ilaa hada cid wax ka qabatay tacadiyada Booliiska. Boqolaal shacab ah oo kamid ah bulshada ku nool magaalada Muqdisho ayaa wajahaya Qatar aad u daran oo ka imaanaysa Booliiska Soomaaliya. Masuuliyiinta amniga ilaa hada ma jirto tilaabo ay qaadeen oo arintaan lagu xalinayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir, ayaa maanta go’aan ka gaartay dacwad loo haystay saraakiil ka tirsan Dakadda Muqdisho iyo ganacsade, kaddib markii la hor-keenay maxkamada gobolka Banaadir. Maxkamada ayaa saraakiil ka tirsan dekadda Muqdisho iyo ganacsade horay loogu xukumay xabsiyo kala duwan waxay sheegtay inaanay wax dambi ah galin, kaddib markii xafiiska Xeer-ilaalinta uu maxkamadda hor-horkeeni waayay cadeymo ku filan dambiyada lagu soo eedeeyay xubnahaan. Eedeysanayaasha dambiga lagu waayay ayaa waxay kala ahaayeen; Axmed C/llaahi Samow, Col. Maxamed Maxamuud Xuseen, Cali Cilmi Geelle,Ciise Faarax Camalow iyo Cali Dhuxulow, kuwaasoo maxkamadda gobolka Banaadir ay horay ugu riday xukun min saddex sano oo xabsi ah kaddib markii lagu eedeeyay is-daba-marin dhanka canshuuraha ah. Sidoo kale, Maxkamada ayaa shanta eedeysane amartay in xuriyadooda dib loogu celiyo halka ay laba eedeysane oo maqan ay dacwadoodo ku celisay maxkamadda darajada koowaad, maadaama aan loo marin hab-raaca dacwadaha dadka maqan, sida soo qabasho ama baafin. Gudoomiyaha maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir, garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa akhriyay go’aaanka maxkamadda, iyadoo hay’adaha ay khuseyso arrintaan lagu amaray inay xorriyadooda dib ugu celiyaan shanta xubnood ee dambiga lagu waayay. Ugu dambeyn, Eedeysanayaashan dambiga lagu waayay ayaan warbaahinta la hadlin, waxaana ay muddo sannad ku dhaw ku jireen xabsiga dhexe ee Xamar, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ay ka qaadan doonaan muddadii lagu hayay xabsiga. PUNTLAND POST The post Maxkamad go’aan ka gaartay eedeysanayaal loo haystay dacwooyin Musuq-maasuq appeared first on Puntland Post.
  4. MOGADISHU (MENA) - Somali President Mohamed Farmaajo lauded Somali-Egyptian relations, asserting the importance of the historical ties binding both countries. Source: Hiiraan Online
  5. (SLT-Washington)-Gabadha ka tirsan xildhibaannada aqalka koongareeska Mareykanka ee xisbiga Dimuqraaddiga, Ilhaan Cumar ayaa jawaab kulul u dirtay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence kadib markii uu dhaliilay hadal ay ka tidhi xiisadaha Venezuela. Ilhaan ayaa barteeda Twitter-ka kusoo qortay falcelinteeda ku aaddan Mr Pence waxayna ku cambaareysay inuu iyada u weeraray si shakhsi ahaan ah. “Haweenka midabka horay way u maqleen arrintan. intii uu dhihi lahaa ‘fikirkaas waan kasoo horjeednaa’ wuxuu yidhi ‘Ma taqaanno waxa ay ka hadleyso. Waa inay na dareensiiyaan inaan tabaryar nahay. Nidaamka noocan ah wuxuu u maleynayaa in isbaddalka cimilada uu yahay ficil uu Shiinaha sameeyay”, sidaas ayey Twitter-ka kusoo qortay Ilhaan. Ilhaan Cumar ayaa wajaheysa dhaleeceyn kadib markii cabasho ka muujisay habdhaqanka Mareykanka ee ku aaddan Venezuela. Galinkii hore ee isla maalintaas, Pence ayaa Ilhaan ku eedeeyay inaysan waxba ka ogeyn “waxa ay ka hadleyso”, ka dib markii ay shaacisay hadallo u muuqday inay mas’uuliyadda xiisadaha Venezuela dusha ka saareyso maamulka Trump, maadaama sida ay sheegtay ay si qallafsan ula dhaqmeen waddankaas ayna cunaqabateyno saareen. Mr Pence ayaa dhankiisa mas’uuliyadda dhibaatada dalkaas ku eedeeyay madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa horay u sameyn jiray ciwaannada warbaahinta, iyagoo marar badan hawada isu mariyay hadallo kul kulul oo ay isku eedeynayaan. Ilhaan ayaa sheegtay in dagaalka u dhaxeeya iyada iyo Mr Trump uu horseeday inay nafteeda khatar gasho, waxayna madaxweynaha ku dhaliishay inuu dhiirri galiyay dadka halista ku ah iyada. Hore ayaa Ilhaan loogu eedeeyay inay jeedisay hadallo ‘Yuhuud naceyb ah’ Bishii Fabraayo Ilhaan Cumar, oo ah gabadh muslimad ah oo Minnesota laga soo doorto waxaa lagu eedeeyey ‘in Hadallo Yuhuud Neceyb ah ay ku dhawaaqday’, iyada oo hadalladeeda ula jeedday iney cadaadis ku saarto siyaasadda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee ku aaddanTaageeridda Israa’iil. Jimcihii waxaa magaalada New York lagu qabtay oo dacwad lagu soo oogay nin isku dayay inuu dilo ama waxyeello u geysto Ilhaan Cumar. Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka waxay sheegtay ninkaasi oo lagu magacaabo Patrick Carlineo oo 55 jir ah oo ka soo jeeda New York inuu wajihi doono ilaa iyo toban sano oo xarig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan $250,000 oo doolar. Sida uu sheegay dambi baaraha kiiska gacanta ku haya, Carlineo wuxuu 21-kii bishii maarso la soo hadlay mid ka mid ah xirfadlayaasha la shaqeeya Ilhaan Cumar uuna ku yidhi: ‘Ma waxaad u shaqeeysaa Ikhwaanul Muslimiin? Maxaad Ilhaan ula shaqeeyneysaa, Ilhaan waa argagixiso xabbad ayaan madaxa kaga dhufanayaa.’ Khudbadda madaxweyne Trump uu Sabtidii jeediyey wuxuu ku sheegay inuu xisbiga Dimuqraadiga ku taamayo guusha doorashada 2020-ka, iney Israa’iiliiyintu ka baxaan, iyada oo hadalka Trump loo fasirtay inuu Doorashada xilligaasi dhaceysa uu taageero uga helo Yahuudda, maadaamaa mar labaad uu madaxweynanimo isu soo taagayo. Madaxweyne Trump wuxuu horay u qaaday tillaabbooyin ay ka mid yihiin in Safaaradda Mareykanka uu Quddus u soo wareejiyey iyo aqoonsashada uu bishii hore u aqoonsaday iney Isra’iil leedahay Buuraha Golan ee ay ku qabsatay dagaalki 1967-kii. ‘Waxaad hesheen waxa aad dooneyseen,’ ayuu yiri Trump xilligi uu furayey Safaaraddiisa Quddus, wuxuuna intaa ku daray ‘si ka duwan Madaxweynayaasha Mareykanka inuu ballanta uu qaaday uu oofiyey.’ Sida ay tilmaameyso warbixin ay soo saartay xaruunta cilmi baarista ee Pew, dhawr iyo tobanki sano oo ugu dambeeyey waxay Yuhuudda door muhiim ah ku lahayd doorashooyinka Mareykanka ka dhacayey. Source
  6. MANDERA, Kenya (Xinhua) -- Al-Shabab militants on Saturday night attacked a Kenyan village in the border town of Mandera and escaped with food and a gun, a police officer confirmed on Sunday. Source: Hiiraan Online
  7. (SLT-Hargeysa)-Dagaalyahannada ururka Hamas ee maamula magaalada Gaza ayaa Axadda maanta ah gantaallo kale ku ganay dhinaca Israil, iyadoo ciidanka Israel-na ay ku jawaabeen duqeymo cirka ah. Duqeymaha ay tan iyo Sabtidi shalay is weydaarsanayaan labada dhinac ahaa ka dhigan inuu burburay heshiiskii xabad joojinta ee u dhaxeeyay xamas iyo Israel. Waxaana hadda laga cabsi qabaa in dagaalka labada dhinac uu sii xoogeysto. Ra’isulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa maanta sheegay inuu ciidankiisa ku amray in ay sii wadaan duqeymaha dhinaca cirka iyo dhulka ah ee ay ku beegsanayaan Xamas. Waxaa kale oo uu amray in taangiyada Israel la geeyo xadka magaalada Gaza si ay u duqeeyaan Gaza. Maamulka magaalada Gaza ayaa ku warramay in duqeymaha cirka ah ee ay Israil ka wadday Gaza Sabtidi ilaa Axada maanta ah ay ku dhinteen ilaa iyo lix Falastiiniyiin ah oo lab aka mid ah yihiin xoogaga ka dagaalama Gaza. Israil ayaa dhankeeda ku eedeyay ururka Hamas, dhimashada hooyo uur laheyd iyo canugeeda yar. Magaalada Ashkelon ee ku taalla xadka Gaza, nin oday ah ayaa ku dhintay madfac ay soo tuureen dagaalyahannada Gaza. Millatariga Israil wuxuu sheegay in tan iyo Sabtidii ay maleeshiyada ururka Islamic Jihad ay magaalada Gaza kaga soo tuureen in ka badan 450 gantaal, waxay sheegeen in 150 ka mid ah madaafiicdaasi uu ka hor tagay nidaamkooda difaaca cirka. Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay keydka Al Shabaab ee miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa, sida ay sheegeen taliska ciidamada Booliska. Ciidamada amaanka oo howlgalka ka sameeyay magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay inay kusoo qabteen keyd Al Shabaab ku lahaayeen degmada iyo deegaano hoostaga. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiyo Xuseen oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in ciidamada ay qabteen 12 qaraxyada waaweyn ee loo dhigo gaadiidka Tangiga iyo sunta qaraxyada laga sameeyo. Waxay sheegtay in Al Shabaab ay doonayeen in hubkaasi ay adeegsadaan inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan, islamarkaana ay ku waxyeeley lahaayeen shacabka gobolada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Sidoo kale waxay sheegtay in ciidamada amaanka ay qabteen labo ruux oo ka tirsan Al Shabaab oo ku eedeysan inay degmada Waaberi ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada Minishiibiyada gobolka. Labo ruux oo kale oo siyaabooyin kala duwan dilal uga geystay degmada Kaaraan ayay sidoo kale sheegtay in ciidamada booliska ay gacanta kusoo dhigeen. Hoos ka dhageyso codka Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Taliska-Booliska-Soomaliya-Ayaa-Sheegay-iney-Gacanta-ku-dhigeen-keyd-walxaha.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Badi dalalka Carabka ayaa la filayaa in maalinta koowaad ee ay soomayaan bisha barakaysan ee Ramadan, oo la filayo inuu soo muuqdo dayaxa cusub, ayaa la filayaa inay noqoto May 6 oo ku beegan maalinta Isniinta. Maxkamada Sare ee dalka Sucuudiga ayaa ugu baaqday dhamaan Muslimiinta inay eegaan bilasha dayaca, isla markaana cidii aragta ay ku soo wargaliso, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee SPA. Dalalka Qatar, Indonesia, Lebanon, Suuriya, Masar, Marocco, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn iyo dalal kale oo muslimiin ah ayaa saadaalinaya in bisha barakaysan ee Ramadaan ay bilaabmayso maalinta Isniinta. Halka Muslimiin farabadan oo ku nool Yurub iyo Maraykanka ay filayaan in ramadaan ay bilaabanto Axad. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay Xaaladda deg-degga ah ee lagu Gobolka Sanaag, ka dib markii lagu dilay laba Sarkaal oo ka mid ahaa Ciidamamda Asluubta iyo Booliska. Xildhibaan Axmed Dirir oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa inqilaab ku sheegay Xaaladda deg-degga ah ee lagu rogay degmooyinka Gar-adag, Ceel Af-weyn iyo Ceerigaabo, waxaanu sheegay in aanu inqilaab u baahnayn in Goleyaasha laga ansixiyo. Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Saraakiisha Ciidanka ee la bartilmaameedsanayo maaha wax ugub ah ee hore ayay u dhacday, tan waxa ka horreeyay Taliyihii Qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil Marxuum Casayr, Dawladdu way dedaashay way soo qabatay Nimankii dilka geystay, Maxkamaddaa la geeyay waana la xukumay, nasiib-darrose illaa Maanta wax fulin ah lama samaynin oo go’aankii Maxkamadda lama raacin, haddii taa la raaci lahaa (la fulin lahaa) kumay dhiiradiin Maanta kuwa dilka geystay oo mabay hawaysteen inay Ciidan dambe soo hadal-qaadaan, laakiin taasaa keentay oo dhiirigelisay in la laayo saraakiisha.” Mudane Dirir waxa kale oo uu sheegay “Somaliland kama jirto xaalad nabadgalyo-darro, laakiin waxa ka jirta fulin la’aan, haddii waxa Maxkamaduhu jideeyeen la fulin waayo, nabadgalyada ayaa xumaanaysa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xaaladda deg-degga ahi nabadgalyada inay xumayso mooyaane waxba ka tari mayso, waxay innagu celinaysaa halkii Somaliland maraysay 1988-kii. Inay Ciidamadu xukunka Gobolka la wareegaan waa inqilaab, inqilaabna Ansixin uma baahna, markaa in Goleyaasha la keeno ma ahayn..” Source
  11. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynihii Hore Ee Dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo ayaa maanta Booqasho Ku Yimid Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo oo imikana ah Guddoomiyaha hay’adda Brenthurst Foundation oo ka shaqaysa horumarinta dhaqaalaha Afrika iyo hirgelinta nidaamyada caalamiga oo xarunteedu tahay dalka South Africa oo waddanka ku yimid marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Somaliland. Ugu horayn Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu uga mahadnaqay booqashada uu ku yimid Somaliland, waxaanu warbixin guud ka siiyey Marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland iyo wakhtigan halka ay marayso. Waxaanu madaxweynuhu u sheegay Olusegun Obasanjo, in shacbiga Somaliland xasuusan yahay guddidii xaqiiqo raadiska midawga Afrika u soo diray 2005-tii Somaliland oo uu ahaa gudoomiyihii midawga Afrika ee xiligaas, si ay uga sameeyaan warbixinno la xidhiidha qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland, maanta oo uu ku sugan yahay Somaliland-na ay guud ahaan indhaha Somaliland muddo 28 sano ah ay soo eegayeen madaxda, siyaasiyiinta iyo odayaasha Afrika ee uu ka midka yahay, kana dhursugayaan sidii ay Afrika uga heli lahaayeen waxa ay ka mudan yihiin oo ah aqoonsi ay ka helaan afrika inteeda kale iyo beesha caalamka. Madaxweyne Olusegun Obasanjo oo xukunka dalkiisa hayey intii u dhaxaysay 1999-2007-kii, islamarkaana Midowga Afrika hoggaaminayey intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2006, ayaa safarkiisani waxa uu qaadan doonaa muddo laba maalmood ah, isagoo booqan doona xafiisyo kala duwan oo dawladdu leedahay. Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la qaatay madaxweynihyihii hore ee dalka Neyjeeriya Olusegun Obasanjo, ayaa waxa ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali waraabe), wasiirrada arrimaha gudaha, iyo hawlaha guud, wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, wakiilka Somaliland u qaabilsan midawga Afrika, maayarka caasimada Somaliland iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada.
  12. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo furay shirka Dejinta Qorshaha, hirgelinta siyaasadda iyo horumarinta dhallinyarada Puntland, kaas oo Garoowe ka socon doona muddo labo cisho [...] Source
  13. Masaafada oo ah dhaqan Soomaalida lagu yaqaana ayaa hadan waxaa ku kala aragti duwan culimada Soomaaliyeed oo qaba in ay xaaraan tahay in gabar waalidkeed [...] Source
  14. Deegaano badan oo kamid ah Puntland ayaa waxaa laga soo sheegayaa abaar baahsan oo saamaysay dadka iyo duunyada. meelaha ay abaarta iyo biyo la,aanta ay [...] Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta Go’aan kasoo saartay Dacwad loo heystay Saraakiil katirsan Dakadda Muqdisho iyo Ganacsade. Maxkamada ayaa xukuntay inaysan wax danbi ah galin kadib markii ay ku guul dareysteen Xafiiska Xeer ilaalinta in ay Maxkamadda horkeenaan cadeymo ku filan in lagu helo eeda ay usoo jeediyeen muwaadiniintaas. Eedeysanayaasha dambiga lagu waayay ayaa waxay kala yihiin Axmed Cabdullaahi Samow, Gaashaanle Maxamed Maxamuud Xuseen, Cali Cilmi Geele,Ciise Faarax Camalow iyo Cali Dhuxulow, kuwaas oo Maxkamada Gobolka Banaadir ay horay ugu riday xukun saddex sano ah ka dib markii lagu eedeeyay isdaba marin dhanka canshuuraha. Sidoo kale, Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa amartay 5-Eedeysane in xuriyadooda dib loogu celiyo halka ay 2-Eedeysane oo maqanayaal ah ku celisay Dacwadoodo Maxkamadda Darajada 1-aad maadaama aan loo marin Habraaca Dacwadaha Dadka maqan sida soo qabasho ama Baafintii IWM. Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa aqriyay Go’aaanka Maxkamadda.
  16. A rookie Ottawa police officer is suspended from duty after being arrested Friday morning and charged with sexual assault and forcible confinement. Source: Hiiraan Online
  17. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Ismaaciil Yare ayaa eedaymo culus u soo jeediyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Ramadan, which begins on May 6 in most countries this year, is the holiest month in the Islamic calendar. It involves abstaining from eating, drinking, smoking and sexual relations from dawn to sunset... Source: Hiiraan Online
  19. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid ayaa eedaymo u jeediyay xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda Somaliland, Halkan hoose ka SAAWO Source
  20. Garoowe (Caasimada Online) – Maanta magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ka furmay shir u dhaxeeya madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedyada waxaana looga hadlayaa Xaaladda Soomaaliya. Shirka ayaa xoogga lagu saarayaa Amaanka, Siyaasadda iyo dhaqaalaha waxaana sidoo kale la doonayaa in lagu xaliyo tabashooyinka Maamul Gobaleedyada ay ka qabaan hogaanka Soomaaliya. Caasimada Online oo la hadashay xubno badan oo katirsan Wafdiga Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha ayaa ogaatay in rajo wayn aan laga qabin dhaqan galka waxyaabihii lagu heshiiyo. Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaan aad ugu dhow Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Kheyre isku afgarteen in la dhageesto cabashada maamul Gobaleedyada balse aan la dhaqan gelin loona qabto ballan qaadyo sidii hore u dhacday oo kale. Xubnahaan ayaa sidoo kale noo sheegay in waxa ay doonayaan Maamul Gobaleedyada iyo dowladda rabitaankeeda aysan isu dhawayn, sidoo kalane aysan dhanka Dowladda ka suurta gelin rabitaanka Maamul Gobaleedyada in ay fuliso. Qodobada ugu wayn ee la isku haayo waa Sharciga doorashada iyo qoondada dhaqaalaha ee Maamul Gobaleedyada oo aysan bixin dowladda Soomaaliya bilooyinkii la soo dhaafay labadana waa lagama taabtaan Kheyrre iyo Farmaajo. Sidoo kale waxyaabaha la isku haayo waa madaxbanaanida doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland taasna aysan ka suurta geli karin Dowladda Soomaaliya. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Ciise oo katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkaas uu yahay waqti lumis dowladda Soomaaliyana aysan dhaqan gelin doonin waxyaabihii ka soo baxa shirka. Lama oga sida ay wax noqon doonaan balse ma muuqato rajo wayn oo laga qabo Shirkaas. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com