-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Switzerkand)-Dowladda Switzerkand ayaa xaqiijisay inay Ninkaasi oo Khadiib ka ahaa Masaajid ku yaalla dalka Switzerland la soo masaafuriyey. Masaafurintaasi ninkaasi ayaa la sheegay in lagala kulmay culays, kadib markii uu hore ugu adkeystay inuu yahay Muwaadin u dhashay dalka Ethiopia, balse Hay’addaha Socdaalka iyo Ammaanka ee dalkaasi, waxay soo xaqiijiyeen inuu yahay Muwaadin Soomaali ah. Warbaahinta Switzerland ee Swiss info channel waxay maanta ka soo xigatay Hay’adda Socdaalka dalkaasi in la masaafuriyey Ninkaasi oo aan magaciisa iyo sawirkiisa la shaacinin, kadib, markii lagu helay inuu ka dambeeyey qalalaaso ka dhacay dalkaasi sannadkii 2017-kii. Maxkamad ku taalla dalkaasi waxay 2 sanno ka hor amar ku bixisay in Khadiibkaasi la masaafuriyo, kadib, markii lagu helay inuu Khudbado aan sharci ahayn ka jeediyey Masjidka Al-nuur oo ku yaalla magaalladda magaalladda 6-aad ee ugu weyn dalkaasi ee Winterthur ee ku taalla W/Glabeed dalkaasi. Maxkamaddu waxay kaloo ka mamnuucday Khadiibka aanu dib u soo gelin Karin dalka Switzerland muddo muddo 10-sanno ah, waxayna Maxkamaddu amartay in albaabadda loo laabo Masjidka Al-nuur oo ay ku tilmaameen in Dhallinyarada lagu baro waxa ay Reer Galbeedka ugu yeedhaan Xag-jirnimada. Source
-
Baladweyne (Shabelle Media Network):– Munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay Xisbiga MidQaran oo kamida xisbiyada siyaasadeed ee ka jira Dalka Ayaan Manta lagu qabtay magaaladda Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan, Waxaana munaasabada ka qeyb galay Odayaal dhaqameedyo, aqoonyahano, Siyaasiin, ururada Haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaaladda Baladweyn ee Caasimada Gobolka Hiiraan. Dadkii madasha ka hadlay ayaa soo dhaweyay Xisbiga MidQaran oo kamida Xisbiyada siyaasadeed ee dhawaan la meel mariyay waxa aay shegeen in xisbigaan uu xisbiyada kale uga duwanyahay in hogaanka Xisbiga Dr Abdinur Sheikh Mohamed uu yahay aqoonyahan iyo siyaasi si dhow ula socda xaalada soomaaliya waxbadana dalka ka badali karo hadii uu xisbigaan guleeysto, sidoo kale dadkii munaasabada ka hadlay waxa aay shegeen in Dr Abdinur Sheikh Mohamed uu wax badan ka shaqeynayay arimaha waxbarashada soomaaliya, waxa uu waqti badan galiyay in nidaamka waxbarasho ee soomaaliya uu fariisto, isagoo lagu xusuusto xiligii uu ahaaa Wasiirka Waxbarashada soomaaliya iyo in uu Wax badan ka badalay nidamkii waxbarasho ee dalka ee xiligaasi. Nabadoon Shuuriye Xuseen Xayoow oo kamida nabadoonadii munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Xisbiga MidQaran” Waan soo dhaweynayaa Xisbiga MidQaran Waxaan u rajeynayaa in uu wax badan kusoo kordhiyo dalka, waan ku kalsoonahay hogaanka Xisbiga oo ah nin waaya-araga aqoonyahan ah wadankana samata bixin Kara ” sidaasi Waxaa yiri ” nabadoon Shuuriye Xayoow” Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlay Xaawo Axmed Maxamed oo ku hadleysay Magaca Haweenka Gobolka iyadoo bogaadisay Xisbiga MidQaran iyadoo hogaanka Xisbiga kula dar-daarantay in aay xoojiyaan howlaha Xisbiga si soomaaliya aay uga gudubto nidaamka hadda aay wax ku qeysato oo aay sheegtay in soomaalida aay daashatay. Wasiir Xuxigeenka Dastuurka Maamulka Hirshabelle ahna Xildhibaan ka tirsan Maamulkaasi Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo kamid ahaa mas’uuliyintii kulanka lagu Casuumay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo in soomaaliya aay u guurto nidaamka xisbiyada waxa uu bogaadiyay hogaanka sare ee Xisbiga MidQaran Dr Abdinur Sheikh Mohamed, Isaga oo sheegay in Madaxda Xisbiga MidQaran aay xisbiyada kale uga duwanyihiin in aay yihiin aqoonyahano xaalada dalka la socda wax badana usoo joogay isagoo xusay in Madaxda Xisbiga aay yihiin kuwii samata bixin soomaaliya. soomaaliya ayaa u Muuqata mid u gureeysa nidaamka xisbiyada, iyadoo siyaasada soomaaliya muddo dheer lagu jaan goynayay nidaamka wax ku qeybsiga 4.5, dadka arimaha siyaasada falaqeeya ayaa bogaadiyay oo soo dhaweyay in siyaasada soomaaliya aay u guurto nidaamka xisbiyada iyagoo dhaliilay nidaamka wax ku jan-goynta qabiilka ee 4.5. Dowladda soomaaliya dhawaan waxa aay meel marisay nidaamka xisbiyada siyaasadeed ee dalka, Xisbiga MidQaran waxa uu kamid yahay xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ee la ansixiyay. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo kamid ah salaaadiinta ugu miisaanka weyn gobolka Awdal ayaa si adag uga hadlay dil dhawaan gobolka Sanaag loogu gaystay saraakiil ka tirsanaa ciidammada Somaliland, waxaanu Suldaanku sheegay in dilkaasi uu ahaa mid qorshaysan, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa maanta kusoo biiray axsaabta siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya. Guddiga doorashooyinka ayaa maanta shahaado siiyay dhowr xisbi waxaana si gaar ah dadka usoo jiitay xisbi uu hogaaminaayo duqii hore ee Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed, kaas oo ay sidoo kale ku jiraan siyaasiyiin badan oo horey xilal muhiim ah dalka uga soo qabtay. Xisbiga Awoodda Shacabka (People’s Power Party) waxaa sidoo kale ku jira siyaasiyiin hore, aqoonyahano, ganacsato iyo dad badan oo qiimo kuleh bulshada dhexdeeda . Thabit Cabdi ayaa la sheegay inuu arrimaha xisbigaan ku mashquulsanaa tan iyo bishii Janaayo ee 2018. Gudoomiye kuxigeenkii hore ee gobalka Banaadir Cabdulaahi Cilmi Xaaji Ereg, oo hadana ah gudoomiyaha KMG ah ee Xisbiga Awooda Shacabka ayaa maanta ka gudoomay guddiga doorashooyinka Qaranka shahaadada xisbiga. “Waxaan uga mahadcelinaya guddiga doorashooyinka Qaranka sida wacan ee ay howshaan u hageen, waxaan rajo badan ka qabnaa in loolanka siyaasadda ee Soomaaliya uu noqon doono Xisbiyo ku tartama adeega shacab, wax badan oo ku saabsan xisbiga Awoodda Shacabka waxaad dhamaantiin ku ogaan doonta munaasabada ugu soo horeysa ee Xisbiga ayuu yiri Xaaji Ereg, gudoomiyaha KMG ah ee Xisbiga Awoodda Shacabka. Dad badan ayaa aaminsan inuu xisbigaan heli doono rabitaan bulsho oo xoogan iyadoo laga cabir qaadanayo adeegyadii uu Thabit Cabdi u qabtay shacabka, mudadii uu hayay xilka gudoomiyaha gobalka Banaadir iyo sida ay wali shacab badan u jecel yihiin. Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa intooda badan isha ku haya in laga guuro hanaanka qabiilka ee 4.5, iyadoo loo gudbaayo in lagu tartamo nidaamka xisbiyada badan. Beesha Caalamka ayaa sidoo kale xoog iyo xoolo ku bixineysa in saamileyda siyaasada ee Soomaaliya, iney arrintaan ka dhabeeyaan. Dhamaad
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya tuugo cusub oo magaalada ka dillaacay kuwaas oo dhac u gaysaneyso shacabka oo maalmihii ugu dambeysay dhibaato ku hayay Xaafado ka mid ah degmooyinka Muqdisho. Tuugadan ayaa dhac ka gaysta magaalada xilliyadii habeenkii iyo maliinkiiba, waxayna shacabka ka dhacaan telefoonada halka qaar kamid ah ay waddooyinka u fariistaan shacabka. Qaar kamid shacabka Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay in tuugada ay soo bateen maalmihii u dambeysay, isla markaasna inta badan ay dhac u gaystaan habeenkii. Dhibaatada ugu badan ayaa waxaa ay ka taagan tahay degmooyinka Wartanabadda iyo Howlwadaag, waxaana maalin cad dadka laga dhacaa Computer-da iyo Teleefanada gacanta. Shacabka Muqdisho ayaa ku ammaanay Ciidanka Booliska bilo ka hor tilaabo ka dhan aheyd Kooxaha Burcadda ah oo laga bilaabay degmooyin ka mid ah Muqdisho, taasoo keenay in gacanta lagu dhiggo tuugo badan. Soo laabashadda Kooxaha burcadda ah ayaa cabsi badan ku abuurtay Shacabka, waxaana ay ugu baaqeen Hay’addaha Ammaanka in Xaafaddaha Muqdisho lagu soo celiyo Ciidankii Booliska ahaa ee ku sugnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Wararka aanu hadda ka helayno deegaanada Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Somaliland ay gacanta kusoo dhigeen qaar kamid raggii diley labadii sarkaal ee dhowaan lagu dilay deegaano ka tirsan gobolkaasi. Warar xogogaala ayaa sheegaya in howlgalo ay fuliyeen Ciidamadu ay kusoo qabteen ku dhawaad 8-nin oo ku eedeysan dilkaasi, kuwaasi oo ku dhuumaleysanayey buurta Buur-dhaab ee gobolka Saraar. Ciidamada Boolisku ayaa waxa kale oo ay gacanta kusoo dhigeen 4-gaari oo ay wateen raggan la soo qabtay, iyaga oo weli baadi-goob ugu jira ragg kale oo firxada oo iyaguna ku eedeysan dilkaasi. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Ciidamada Booliska Somaliland oo ku aadan howl-galadan ay ku soo qab-qabteen dableydii ka dambeysay dilkii labada sarkaal. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xarunta Xuquuqal Insaaku waxaay walaac ka qabtaa falka xoog ah ee lagaga saaray qoysas dhul ay degenaayeen oo la sheegay in loo qoondeeyey in laga dhiso madaxtooyo cusub. 17ka April 2019, booliiska iyo ciidanku waxaay si xoog ah uga saareen qoysaska dhulkan oo ku yaal koonfurta galbeed ee Hargeysa. Fiidyow la duubay xiligii dadka la saarayay iyo warysiyo ay qaaday Xaruntu waxaay u cadeeyeen in Booliisku isticmaalay xoog aan daruuri ahayn markii uu dadka saarayay islamarkaana uu xidhay dad deganaa dhulka. Booliisku ma haysan waaran maxkamadeed. Dhulka doodu ka jirto waxa dayr ku wareejiyay ciiidanka militariga iyada oo loo diyaariyay in madaxtooyo laga dhiso, sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadu. Dadka la xidhay markii danbe waa la sii daayay dhamaantood. Warbixino caafimaad iyo waraysiyo ay qaaday Xaruntu waxaay ku ogaatay in dadka dhulka deganaa qaarkood dhaawac soo gaadhay markii laga saarayay. Maxamed Cali Bile, Agaasimaha Madaxtooyadu, wuxuu sheegay in dawladdu awood u leedahay inay la wareegto hanti gaar loo leeyahay hadii ay u baahato dawladdu. Wuxuu qiray in dhulku ahaa mid dad shacab ahi leeyihiin. “Dawwladdu muran kama qabto in dhulka shacab lahaa iyo inaan wax mag dhow ah la bixin,” ayay tidhi Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud, gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka. Qodobka 31aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu ilaalinayaa xaqa lahaanshaha hanti gaar ah. Dastuurku wuxuu sheegayaa hantida gaar loo leeyahay “lalama wareegi karo dan guud awgeed mooyaane, iyadoo markaana Ia bixinayo cawil-celin munaasib ah.” Dastuurku wuxuu waajib ka dhigayaa in la asnxiyo xeer “xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la wareegidda hanti gaar-ahaaneed.” “Hada ma jiro xeerkaasi, wax magdhow ahna lama siin dadka dhulka leh. Dawladdu hanaan ay u raacday dhul la weerigistaas ma jiro. Ciidan ayaa goobta la keenay iyana dayr ayay ku wareejiyeen dhul wayn oo 4 KM ah. Xoog ayaa lagaga saaray dadkii lahaa,” ayay ku dartay Yaasmin. “Falka caynkan oo kale ahi hore inooma soo marin. Qoysas ayaa dhulkooda debedda looga turay. Dhisidda qasri madaxtooyo maaha arin daruuri ah. In qoysasku helaan hoy ayaa ka mudan. Waxaayna dadkani u haystaan dhulka dhukumentiyo sharci ah oo lahaanshohooda sugaya. Dawladda waxa ku waajib ah inay sharciga raacdo,” ayay ku dartay. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysa dawladda inay ixtiraamto xuquuqda lahaanshaha gaar ahaaneed ayna u ogolaato dadka dhulka lihi inay dib ugu soo noqdaan dhulkooda. Yasmin Omar H Mahmoud. Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Email: hrcsomaliland@gmail.com Source
-
Muqdisho (SMN ) – Illaa saddex Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana 27-kii bishii hore lagu soo doortay magaalada Baydhbo ee xarunta gobolka Baay ayaa manta lagu dhaariyay xarunta golaha shacabka ee M/ Muqdisho. Xildhibaanada la dhaariyay ayaa kala ah:- Cali Sheekh C/llaahi (Cali Afgooye), Nuur Siidow Baaba Xasan iyo Cali Cadow Maxamed. Intaasi kadib Mudanayaasha golaha shacabka ayaa waxaa loo qeybiyay wax ka bedalka sharciga Batroolka, si au u soo marsiiyaan Akhrinta labaad. Ugu dmabeyn Xildhibaanada ayaa guda galay u codeynta illaa 8 Musharrax oo isu soo taagay buuxinta labo xubnood oo ka banaan guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xilli maalma qura ay ka harsan tahay bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa diyaar garow xoogan laga dareemayaa suuqyada magaalada Muqdisho. Maxamed Axmed Maxamuud oo ka mid ah ganacsatada ku dhaqan Caasimadda ayaa Shabelle uga warbixiyay, sida ay dadku isugu diyaarinayaan Bisha Ramadaan. Ganasadahani ayaa sheegay in Suuqu uu yahay mid saxmad badan, islamarkaana si wanaagsan ay u dukaameysanayaan macaashiisha. Dhanka kale Maxamed Axmed Maxamuud ayaa xusay in isbedal dhinaca qiimaha ah laga dareemayo raashiinka, bagaashka iyo Timirta. Waxaana uu sababeeyay sare u kacani u diyaar garowga bilashada bisha Barakeysan ee Ramadaan. Ramadaan oo ah bil ku weyn Ummadaha Islaamka ayaa dadka Muslimiinta ahi waxa ay isugu hamblyeynayaan bilashada bisha qeyrka badan ee Ramadaan. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta min 7 maalmood oo Rumaan ah ( xabsi ku sii hayn) u jartay saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo Maxamed Sidiiq Dhamme. Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa waxana loo wareejiyay Xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa. Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr ayaa oo ka mid ahaa dadkii maxkamadda ku sugnaa ayaa ka warbixiyay qaabkii ay wax u dhaceen waxaanu ku yidhi qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook: Source
-
Garowe (SMN) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaan magaalada Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirka Garowe ee u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa maamul gioboleedyada dalka. Dadweynahani oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in loo baahan yahay Midnimo, isu tanaasul iyo wax wada qabsi. Sidoo kale waxa ay ku baaqeen in laga gudbo Mad Madowga haatan jira ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa la filaya in saacadaha nagu soo aadan ay shir wadatashi ah ku yeeshaan magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal. Halkan Hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Codad-dadweyne.mp3 View the full article
-
Garowe (SMN) – Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta dib u dhigtay dhageysiga dacwad loo heystay rag ku eedeysan Kufsihii iyo Dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Maanta oo loo ballansanaa in dacwaddaasi lagu qaado goob fagaare ah oo ay ku suganaayeen boqolaal dadweyne ah ayaa Qareenada difaacayay raggaasi waxa ay maxkamadda ka codsadeen in la siiyo waqti kale, si ay u soo dhameystiraan xogaha ay isku difaaci karaan.. Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee G/Nugaal ayaa dhankiisa sheegay in dhageysiga dacwaddan markale la’iskuugu soo laaban doono Sabtida soo socota. Dhawaan ayey aheyd markii magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay Kufsigii iyo Dilkii Caa’isho Ilyaas Aadan oo aheyd 12 jir. Waxayna maxkamadeytan ku soo beegmeysaa, xilli Ehellada gabadhaasi yar ay isaga guureen magaalada Gaalkacyo, iyagoo miciin biday in ay deegaameystaan magaalooyin ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-040519.mp3-web.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa ku sheegaya in dagaallo xooggan ay ka dhacayaan qeybo kamid ah gobollada ay degaan Amxaarada, kuwaas oo u dhexeeya qowmiyado dega wadankaas. Dagaallo dhacay maalintii shalay oo Jimco ahayd ayaa dhaliyay dhimashada tobanaan ruux oo kamid ah dhinacda qowmiyadaha ku dagaallamaya Itoobiya , dagalkaas oo xoogiisa ka socda deegaannada ay degaan Amxaarada. Masuul katirsan maamulka gobolka Binishanquul ee wadanka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday iney socdaan baaritaanno lagu raadinayo meydadka iyo dhaawacda dad lagu xasuuqey deegaanno hoosyimaada magaalada madaxda gobolka. Isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters ayuu shaaca ka qaaday masuulakn in waxyeellada dhimashada iyo dhaawaca ay gaareyso ugu yaraan 80 ruux, ayna jiraan dad farakutiris ah oo badbaaday kadib markii ay isku soo xireen iskuul maxalli ah. Kooxaha weerarka soo qaaday oo katirsan qowmiyadda Amxaarada ayaa sidoo kale dab ku daaray guryo ay degnaayeen dad shacab ah, taas oo aan la ogeyn kahsaaraha ka dhashey. Dalka Itoobiya ayaa waxaa kusii xoogeysanaya weerarada iyo dagaallada u dhexeeya qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega ah, kuwaas oo uu dagaalkkooda sii kordhay wixii ka dambeeyay markii uu talada dalkaas la wareegay Abiy Axmed. Dhinaca kale ciidamada Itoobiya ayaa ku dhowaad 12 qof oo shacab Soomaaliyeed ah ku dilay deegaan katirsan gobolka Shiniile ee dhulka Soomaaligalbeed, wararka ka imaanaya Shiniile ayaa sheegaya in Itoobiyaanu ay rasaas ku fureen dad isugusoo baxay degmada Afdem ee gobolka Shiniile. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareeykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu la hadlay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin islamarkaana ay wada qaateen muddo saacad ku dhow, waxyaabihii ay wada hadleen wuxuu sheegay in ay ka mid ahayd qiyaanadda Ruushka. “Waxaan la yeeshay Putin wada sheekeeysi dheer oo aad u wanaagsan” ayuu bartiisa Twitter-ka. Madaxweyne Trump ayaa caayay wariye weeydiiyay haddii uu Putin uga digay in uu faragaliyo doorashadda Mareykanka ka dhici doonta Sanadka 2020. “Waad edeb darantahay, waxaasna kama aanan wada hadlin” ayuu yiri Trump. Waa markii ugu horeeysay ee Madaxweynaha Mareeykanka uu uu la hadlo dhiggiisa Ruushka tan iyo markii uu dambi la’aan ku tilmaamay Baarihii gaarka Rupert Mueller oo baaray haddii Trump iyo ruushku ay wada xiriireen ka hor Doorashaddii dhacday Sanadkii 2016kii. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Friday said the successful capture of the strategic town of Bariire from al-Shabab earlier this week is crucial for the stability of the country. Francisco Madeira, the special representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia, said the town was serving as a key transit point for al-Shabab extremists who frequently crossed over from Bay and Middle Jubba into Lower Shabelle to terrorize communities. “The liberation of Bariire from the grip of the terrorists is another major milestone for the Somali National Army and AMISOM in our joint efforts to free the people of Somalia from the control of al-Shabab and restore lasting peace, stability and security in the country,” said Madeira in a statement issued in Mogadishu. The AU troops in a joint military operation with the Somali National Army launched an offensive and liberated Bariire from al-Shabab on Monday. The agricultural-rich Bariire, which lies about 60 km west of Somali capital, Mogadishu, is one of the strategic areas located in Lower Shabelle region along River Shabelle. The liberation of Bariire comes exactly a month after AMISOM troops, in another joint operation with the Somali National Army, captured the bridge town of Sabiid and Anole in Lower Shabelle region on April 1. The military offensive to liberate Sabiid and Bariire is part of the implementation of the revised AMISOM Concept of Operations 2018-2021 and the Somalia Transition Plan. “The capture and holding of the two towns (Sabiid and Bariire) are concrete steps in the process of the gradual handover of security responsibilities from AMISOM to the Somali Security Forces in accordance with the Transition Plan,” Madeira said in a statement issued in Mogadishu. Madeira lauded the allied forces for the bravery and professionalism in liberating the two towns and their visible efforts to protect and safeguard civilians and their properties. View the full article
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku wajahan magaalada Garowe ee xarunta u ah Maamulka Puntland, halkaasoo uu ka furmayo shirka wadatashiga ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya wafdiga ugu dambeeya ee maanta tagi doona Garowe, kaddib markii ay shalay gaareen Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Maamul goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle. Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka socota Garowe, waxaana shalay illaa saaka gaaray magaalada wafdi horu dhac u ah Madaxweynaha oo isugu jira Saraakiil ciidan, howlwadeeno iyo Ilaalo. Waxaa maalmihii u dambeeyay soo baxayay warar sheegaya in Madaxda dowladda Federaalka ay cadaadis kala kulmayeen Beesha Caalamka, taasoo ah sidii shirka Garowe ay uga qeyb geli lahaayeen. Wararka ay Caasimadda Online ka heleyso Magaalada Garoowe ayaa sheegayo inaysan jirin soo dhaweyn aad u weyn oo loo sameenayo madaxweynaha, taasoo qeyb ka ah khilaafka taagan. Madaxweyne Deni ayaa diiday in Farmaajo loo sameeyo soo dhaweyn reer sare oo lamid ah middii loo sameeyey Safaradii uu ku tagay deegaanada Puntland markii uu Madaxweyne ka ahaa Cabdiweli Gaas. Todobadii Bishii January sanadkii 2018 ayey aheyd markii Madaxweyne Farmaajo soo dhaweyn aan caadi aheyn loogu sameeyey Deegaanada Puntland, waxaana xilligaas Sawirada Farmaajo lagu hardhay inta badan Magaalooyinka ugu waaweyn Puntland. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa xilligaas madaxweyne Farmaajo u diyaariyey shacab badan oo isugu soo baxay jidadka Magaalooyinka waaweyn ee Deeganada Puntland, waxayna shacabkaas jidadka taagnaayeen saacado aad u badan. Hadda Xaaladdu waa ay ka duwan tahay sidii horey looga bartay Garoowe. Gudaha magaalada kama muuqdaan sawirrada Farmaajo, mana muuqata astaan muujineysa soo dhaweyn la mid ah kuwii uu horaan kala kulmi jiray halkaasi, gaar ahaan shacab lulaya calamo oo taagan waddooyinka. Sida wararka sheegayaan waxaa Farmaajo kaliya soo dhaweyn doono Ra’isulwasaare Kheyre iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo halkaas ku sugan mana jiri doonto shacab badan oo la isugu keeni doono jidadka. Shirka Wadatashiga ee ka furmaya Garowe ayaa ku soo aaday, iyadoo uu khilaaf ka dhashay sharcigii doorashooyinka oo ay Khamiistii ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya, waxaana sharcigaas ka hor-yimid saddex maamul goboleed. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Xiriirka kubbadda cagta Galmudug ayaa sheegay in uu socdo qorshaha horomarinta guud ahaan isboortiga deegaanada Galmudug si dhalinyarada ku nool maamulkaas ay uga gudbaan caqbadaha ka haysta helitaanka qalabka iyo garoomada casriga ee lagu ciyaaro kubbadda cagta. Waxaa iminka socda qorshaha horomarinta iyo dhismayaasha garoomada kala duwan ee kubbadda cagta waxaana ugu horeeya garoonka faca weyn ee Cabdullahi Ciise ee ku yaalo degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. “Garoonka kubbadda cagta Cabdullahi Ciise waa mid ka mid ah garoomada ugu waaweyn maamulka Galmudug waxaa rajaynaa in gudaha sanadkan xariga laga jaro,isagoo loo dhisidoono qab casri ah”waxaa sidaas ugu waramay Goobjoog Cabdifataax Cabdullahi Warsame oo ah guddomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug. Tartamo kala duwan ayuu marti geliyay garoonka Cabdullahi Ciise waxaana ugu dambeeyay tartankii kubbadda cagta degmooyinka,balse iminka dhalinyarada Mudug ayaa rajaynaya in arkaan garoomada Galmudug oo loo dhisay qaab casri lana saaray cowska macmilka. “Garoonka Cabdullahi Ciise waxa uu noqonayaa garoon ay si weyn ugu faanaan bulshada Galmudug anaga ka maamul ahaan waxaa ku dadaalaynaa in albaabada u garaacno siyaasiinta iyo dadka deegaanka kasoo jeedo Siidii ay uguq eyb qaadan la hayeen horomarinta ciyaaraha iyodhilnyarada maamulka Galmudug “waxaa Goobjoog u sheegay Bashiir Maxamed Aw Cali oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug. Guddi loo xil saaray dhismaha garoonka kubbadda cagta Cabdullahi Ciise ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay sawirro muujinaya qaab loo doonaya in loo dhiso garoonka waxaana si weyn ugu Halkaan Ka Daawo Falnaqeyn Kooban Oo Ku Saabsan Halka Uu Marayo Graoonka Cabdullahi Ciise W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
