-
Content Count
212,125 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Asmara)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea. Waftiga Madaxweynaha waxaa Garoonka diyaaradaha ee Asmara ku qaabilay Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afawerki. Madaxweyne Farmaajo safarkiisa Asmara waxaa ku wehliya xubno uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre iyo xubno kale oo ka mid ah dowladda Soomaaliya. Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Magaalada Qaahira kaga qeybgalay shir uu marti geliyay Madaxweynaha Masar lagagana hadlayay qalalaasaha Liibiya iyo Suudaan. Source
-
Waxaa goordhow furmay kulanka guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo arrimo badan looga hadlayo. Kulanka waxaa shir guddoominaya guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey). Halkan Ka Akhriso Jaendaha: Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu soo gaaro Magaalada Muqdisho. Sheekh Shariif Shiikh Axmed ayaa lagu wadaa inuu Berri oo ay taariikhdu tahay 25 April uu soo gaaro Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Diyaar garow lagu soo dhoweynayo Shariifka ayaa ka socota magaalada Muqdisho, iyadoo soo dhoweynta uu diyaarinayo Xisbiga Himilo Qaran. Wararka ayaa sheegaya in ujeedada safarka Sheekh Shariif ee Muqdisho uu yahay Shirweyne uu Xisbiga Himilo Qaran ku qabanayo Muqdisho, kaasoo lagu dhisayo xubnaha Golaha Fulinta Xisbigaas. Shir uu leeyahay Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida uu ka dhaco magaalada Muqdisho. Kulankaas ayaa waxaa looga dhawaaqi doonaa xubnaha Golaha Fulinta Xisbigaas, waxaana lagu casuumay dad aad u farabadan. Sheekh Shariif oo looga adkaaday doorashadii 2017 ayaa isu diyaarinaya in markii saddexaad uu diyaar garow xoog leh u galo Tartanka doorashada soo socota ee 2020/21. Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa laga yaabaa inuu noqdo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kaasoo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Sheekh Shariif ayaa musharax u noqon doono Xisbiga Himilo Qaran. Xisbiga Himilo Qaran ayaa u muuqdo inuu kamid noqon doono xisbiyada ugu adagee dalka ka jiro inkastoo aan weli go’aan laga gaarin nooca ay noqon doonto Doorashada ka dhici doonto Soomaaliya iyadoo weliba shaki weyn laga qabo inay dowladda hadda jirto isku daydo inay sameysato waqti kororsi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyey dalka kadib safar uu muddo ugu maqnaa dalka dibadiisa. Guddoomiye Cirro ayaa si adag uga hadlay heshiiskii ay shalay arrimaha doorashooyinka ka gaadheen xisbiyada KULMIYE iyo UCID waxaana uu sheegay in labadaas xisbi ay anbadeen isla markaana aanay suurto gal marnaba noqon doonin in masiirka Somaliland laba xisbi ka go’aan gaadhaan. Sidoo kale Guddoomiye Cirro waxaa uu si kulul uga hadley dadka laga qaadey dhulka laga dhisaayo madaxtooyada cusub iyo dhibaatooyin xun oo xukuumadu ku hayso saxaafadda madaxa-bannaan ee ka hawl-gasha Somaliland. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Kooxaha kubbadda cagta Muqdisho City Club iyo L.L.P Jeenyo ayaa wada dheelay kulamoodii 10-aad horyaalka Soomaaliya iyo gudd ahaa ciyaartii 47aad xili ciyaareedka 2018-2019. Qeybta 1aad labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar ku dheehan weerar iyo weerar celis,balse waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan waxaana garoonk si weyn usoo camiray taageerayaasha labada dhinac. Qeybta labaad markii la isku soo laabtay kooxda Muqdisho City Club ayaa heshay labo gool waxaana u dhaliyay laacib ssimpoa oo (No.23) goolka 3aad Waxaa M.C.C u ansixiyay Maxamed Cabdirisaaq Jaayna Waxaana bandhigii goolasha soo qatimay laacibka reer Kenya Marcelo Odhimabo wuxuuna kulanka kusoo idlaaday 4-0 oo ay guusha ku qaateen xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho City Club. Maxaa Laga Bartay Kulanka -Mogadishu City ayaa gaartay guushii ugu horeesay wareega 2aad horyaalka Soomaaliya olalaha 2018-2019. –Feysal Axmed Xasan ayaa kulankii ugu horeeyay kasoo muuqday horyaalka Soomaaliya tan iyo markii uu bishii October 2018 caasimada Muqdisho u yimid ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulsho. -Gool haye Saciid Aweys Cali ayaa kusoo laabtay kooxdiis Muqdisho ka dib dhaaawac soo gaaray bishii Janaayo 2019. -Garsoore Maxamed Nuur Muxidiin (Maxamed Soomaali) ayaa labo kaar casaan siiyay xidigaha kala ah Feysal Axmed iyo Liibaan Muqtaar oo kawada tirsan safafka Muqdisho City iyo Jeenyo ka dib qalad ay wada galeen. -Kooxda Jeenyo waa guul daradii 9aad oo kasoo gaarta horyaalka Soomaaliya olalahan,kaliya waxa ay badisay wajiga 1aad hal kulan oo qura waxayna ka adkaatay isla kooxda dowladda hoose ee Mogadisho City Club. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankkii Dhexmaray Kooxaha Muqdisho City Club VS Jeenyo W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
At least one soldier was reported to have been killed and 5 others wounded in a grenade attack on a Somali military training camp in Jowhar, which serves as Middle Shabelle regional capital on Tuesday night. Following the explosion, Somali security forces launched a search operation across town’s villages and subsequently arrested several suspects on suspicion of the attack. The local authorities did not comment on the incident. There was no immediate claim of responsibility for the attack, but, police pointed the finger of the blame at Al-Shabaab which frequently carries out bombings in the country. Jowhar, which is located some 90 kilometers away from Mogadishu, the Somali capital has been relatively calm with no attacks reported. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Qatar iyo dawladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay soo kala dhex gashay xurguf diblomaasiyadeed oo aan weli banaanka u soo bixin. Xurguftan ayaa ka dhalatay ka dib markii ay shirkadda Talyaaniga ah ee ENI qodis shidaal ka bilowday dhul badeedka ay Kenya iyo Soomaaliya isku hayaan, iyadoo ay Kenya shirkadan Talyaaniga ah ogolaansho u siisay inay dhulkan muranku ka taaganyahay ka bilowdo qodis. Shirkadda Qatar petroleum ayaa saami ku leh shirkadan Talyaaniga ah, waxaanay saamiyada Qatar ee shirkadani u badantahay hawlgalo shidaal baadhis ah oo ay shirkadan Talyaaniga ka wado dalal ka tirsan qaaradda Afrika. Dawladda Soomaaliya ayaa wakhti hore ku eedaysay shirkadan Talyaaniga ah ee ENI inay Kenya ka iibsatay aagag shidaal oo ku yaala dhul badeedka ay ku muransanyihiin Soomaaliya iyo Kenya. Dawladda Soomaaliya ayaa u aragta dawladda Qatar inay muranka xuduudka badda ee Kenya iyo Soomaaliya ay la safatay Kenya maadaama oo ay shirkadda ENI ee ay Qatar saamiga ku leedahay ka bilowday dhulka lagu muransanyahay qodis. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa khilaafka wadamada gacanka Carabta wuxuu la saftay dawladda Qatar, waxaanu ka diiday isbahaysiga Sucuudiga ee UAE ay ka mid tahay inuu xidhiidhka u jaro dawladda Qatar. Hase yeeshee sannado ka dib hadda waxa muuqata inay Qatar iyo Farmaajo kala durkayaan, waxaanu Farmaajo toddobaadkan socdaal ku tagay dalka Sucuudiga, iyadoo uu Sucuudiguna Jimcihii Muqdisho u diray Wasiir-dowlaha Sacuudiga ugu qaabilsan Arrimaha Afrika, Axmed Bin C/casiis Qadaani oo Farmaajo soo gaadhsiiyay casuumad uu u soo diray boqorka Sucuudiga oo ku saabsan ka qayb galka shir dalalka kaabiga ku haya badda cas iyo gacanka Carabta oo qabsan doona shirweyne. Source
-
Garoowe, April 24, 2019, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna ku-simaha Madaxweynha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray Hirgelinta iyo fulinta xeerka kofsiga, iyada oo la tixraacayo go’aankii kasoo baxay shirkii Golaha Xukuumadda ee Khamiistii oo taarikhdu ahayd April, 17, 2019. Xeerka kufsiga fulintiisa iyo maarayntiisa ayaa waxaa horay loogu magacaabay Wasiiradda Wasaaraddaha Haweenka, Cadaaladda, Caafimaadka, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Danbi Baarista, Guddoomiyaha Guddiga Xuuqda Aadanaha iyo Guddiga Sare ee Garsoorka. Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo tixraacaya Qodobka 37-aad ee lagu aas-aasay Guddiga gaarka ah ee fullinta iyo Maraynta arrimaha la xiriira danbiyada kufsiga si waafaqsan sharciga ayaa waxaa guddigaas lagu xoojiyey Hay’addaha Dowladda ee kala ah Madaxtooyada iyo Wasaaraddaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha. Ugu dambeyntii Guddigan uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna ku-simaha Madaxweynha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa ay u xilsaaaran yihiin qodobada hoos ku qoron 1. Hubinta iyo dabagalka fulinta xukumada kufsiga, 2. Maareynta iyo u kuurgelidda arrimaha ku saabsan kufsiga, 3. Baarista haddii ay jiraan waxyaalo dhiiri gelinaya ama cid ka danbeysa soo noqnoqoshada ficilka kufsiga dilku la socdo, 4. Dib u eegista iyo ka talo bixinta awoodaha iyo hanaanka shaqo ee Hay’addaha ku shaqada leh arrimaha kufsiga. _DHAMMAAD_ The post Faafin: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Amray Hirgelinta Iyo Fulinta Xeerka Kufsiga. appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Xaalada Caafimaad ee Wariye maalintii Axadda Ciidanka Booliska Somaliland Dhaawac u geysteen ayaa ka soo raynaysa, inkasta oo ay Saraakiisha Caafimaadku natiijooyin is-khilaafsan ka soo saareen heerka dhaawaca uu ka qabo Qaarka dambe ee Miskaha. Wariye Khadar Macalin Deeq oo ah Tafaftiraha Telefishanka Bulshotv iyo soo saareyaasha Wargeyska Madaxbanaan ee Saxansaxo, ayaa maalintii saddexaad yaalla Cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Gargaar, kaddib markii uu dhaawac u geystay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan laanta Nabad-gelyada Waddooyinka oo Wariyaha iyo Suxufiyiin kale oo howlo shaqo u socda gacan ka hadal ugu geystay Magaalada Hargeysa. Wariyaha ayaa dhaawac culusi ka soo gaadhay qaarka dambe oo ah Miskaha iyo Lugaha, waxaanay ugu Dhakhaatiirtu sheegeen in aanay Lafuhu jabin, balse uu jug culus qabo. Suxufigan ayaa dhaawacmay, kaddib markii Ciidan kuwa Nabad-gelyada Waddooyinka ah oo uu hogaaminayo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Cabdi Madoobe, ay jidh-dil iyo xadhig isugu dareen Koox Wariyeyaal ah oo uu la socday Suxufiga dhaawacmay, kaddib markii ay is-maandhaafeen mid kamida Askarta iyo Wariye Sawir qaade ah oo ka tirsan Bulshotv. Ismaan-dhaafka Askariga iyo Suxufiga ayaa ka dhashay Gaadiid wada hareereheeda yaallay oo ay Askartu Taayirrada ka banjarisay barxada Baabuurta la dhigo ee Hudheelka Imperial oo ay inta badan Wariyeyaashu ku kulmaan xilliyada Shaqada War doonka “waxaan ku idhi Gaadhi ha banjarin ee Qofkii lahaa maad raadisay, kaddibna wuxuu iigu jawaabay Cay iyo Aflagaado, markaan ku idhi ha I caayina gacanta ayuu I saaray”sidaas waxa Gobanimonews u sheegay Suxufi Xasan Barre oo ay isaga laftiisa Askartu Jidh-dil u geysatay. “Inkasta oo aan nabar muuqdaa igu oolin, haddana si xun ayey ii garaaceen oo juggo badan ayey ii geysteen” ayuu raaciyey Xasan oo ay Askartu ku goobatay ka hor intaanay Wariyaha kale ee Dhaawacin. Suxufiga la dhaawacay, ayaa la sheegay in uu isku dayey in uu dejiyo xaalada dhex martay Askarta iyo Sawir qaadaha la garaacay, kaddibna Sarkaalka Ciidanka hogaaminayey oo magaciisa lagu sheegay Cabdimadoobe ayaa si xoog ah ugu tuuray meel ay Dhagaxaan yaallaan oo ka dambeysay, taasoo sababtay in uu si barraad la’ Dhulka ugu dhaco “ Anigoo gaadhiga ka soo degay ayuu si xoog ah ii tuuray, kaddibna waxaan ku dhacay Dhagaxaan iga dambeysay, oo aan si xun uga kala dhacay” ayuu yidhi Khadar Macalin oo uu Wariye ka tirsan Gobanimonews ku booqday Cisbitaalka Gargaar oo goor dambe oo Axaddii ah la dhigay. Laba kamida Ciidanka Waxyeellada u geystay Wariyeyaasha ayaa xabsiga loo taxaabay goor dambe oo Axaddii ah. Muuqaal ka soo muuqday Qalabka Warbaahinta, ayaa muujiyey Askarta oo si arxan-darro ah u garaacaya Mid kamida Suxufiyiinta iyo Wariyaha la dhaawacay oo uu Askari kale kala tuurayo, waxaana ku buuqsanaa Dadweyne tiro badan oo isku dayey inay kala dhex galaan, balse sida ka muuqata Video-ga oo lagu duubay Telefoon Askarta oo Dirayska u gaarka ah ku lebisan, ayaa Xoog ku muquuniyey dadka. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Wasiirka Gaadidka Cabdillaahi Abokor, oo uu sheegay inuu ku dhaqaaqayo talaabooyin ka baxsan sharciga iyo awoodiisa wasiirnimo. Cabdi Haybe Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay Madaxtooyada cusub, xalaada Gobolada dalka, Biyo la’aanta, Maceeshada, qiimaha sarifka iyo Saldhiga Milatari ee Berbera, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay isagoo ka hadlaya Wasiirka Gaadiidka “Meel Baabuurta lagu tijaabiyo ama lagu eego Adduunka oo dhan wey jirtaa, laakiin nin qandaraas laguma siiyo, oo heshiis gaar ah lagulama galo, Liisamadana waxaa la siiyey Ragga geerashayada haysta, oo Baabuurta eega, laakiin Wasiirka Gaadiidku kolba waxyaabo lala yaabo ayuu soo saarayaa, waxaanad mooda inuu cid gaar ah kula sharaakoobay, ta kale waxaan arkaayey iyadoo la leeyahay Baabuurta xawaaradahooda ayaa la eegayaa oo Mishiino Baabuurta lagu tijaabiyo ayaanu keenayaa ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidku,waxaanu sheegay in gaanaxa oo yar la kordihyo, oo dib loogu noqonayo, ganaaxana waxaa iska leh waa Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka (Tarafikada), ganaaxuna waligiiba wuu jiray, laakiin ganaaxa uu Wasiirka Gaadiidku gaarka u sameeysanayo waa qayrul sharci, marka sharciga la sameeyana cidda wax ganaaxda waa Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka, oo Ciidanka ayaa boqolkiiba badh la siinaya, inta kalena Dawladda ayaa iska leh, laakiin Wasiirka Gaadiidku wuxuu sharci gaar ah u sameeysanayo maaha, ninkan uu la yahay heshiis baan la galay, oo qandaraas baan kula galay inuu baabuurta eego, wax la aqbalayo maaha, Geerashayada ayaa qandaraasyada la siiyaa, oo loo qaybiya, laakiin maaha in qof kaliya la yidhaa adiga ayaa qandaraaska qaadaya, waa qayrul sharci, iyo xaaran, Wasiirka Gaadiidku awood ka baxsan awoodiisa wasiirnimo ayuu isticmaalayaa ee cago dhigo,ayaanu leenahay, Maamul iyo xilal Wasiirnimo hore waanu soo marnay, ee Wasiiradda Muuse Biixi waa in la baraa maamulka, sharciga iyo siday wax ahaan jireen”. Mar uu ka hadlaayey Madaxtooyada cusub ayaa yidhi “Waxa lagu leeyahay intaas oo malyan ayaa Madaxtooyo cusub lagu dhisayaa, yaa Madaxtooyo u baahan, ninkan miskiinka ah ee laga qaaday hantidiisi, iyo Dhulkiisiba, waa ceeb, oo Madaxweynaha waa ku ceeb, Madaxtooyo cusub oo loo baahan yahayna ma jirto, intaynu aqoonsi helaynana Madaxtooyadan ayaa inagu filan, maaha in dadka muwaadiniinta ah la boobo, muwaadinkaas la dhacayaana waa muwaadin xalaal ah ee in wixiisa la boobo maaha, in gidaar afar km ah in la soo wareejisto looma baahna, dadkii oo haraadan in Madaxtooyo cusub la dhisaa waa xaaran”. Source
-
Madaxweynaha Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Asmara kadib lugtiisa caasimadda Masar ee Qaahira. Farmaajo waxaa soo dhoweeyey dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki, waxaana u bilowdey wada hadal dhinacyo badan, oo khuseeya xiriirka labada dal. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Qaajira uga soo qeyb galay shir looga hadlayey arrimaha Suudaan, waxaa halkaasi tagay dalal ay ku jireen Djibouti. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Asmara (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey magaaladda Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, kadib markii uu ka soo qeyb galay shir ka dhacay shalay magaaladda Qaahir oo looga hadlay dhibaatooyinka ka taagan dalalka Sudan iyo Libya. Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo ay wehlinayaan wasiirka waxbarashada iyo saraakiil kale uu ku soo dhaweeyay Garoonka Madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki. Labada Madaxweyne ayaa kulan ku leh xarunta Madaxtooyadda magaaladda Asmara, waxaana la sheegay in ay ka wada hadlayaan xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea iyo isbedellada ka socda gobolka Geeska Africa. Waa safarkii labaad oo Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Eritrea tan iyo bishii July ee sanadkii tagey, xilligaasi oo si rasmi ah dib loogu soo nooleeyay xiriirka labada dal oo sidoo kale ku heshiiyay in ay safaaradahooda dib uga furtaan Asmara iyo Muqdisho. Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa 4 bilood kadib booqashadii Farmaajo ee Asmara ku yimid Muqdisho si uu u xoojiyo cilaaqaadka dib loo cusbooneysiiyay ee dalkiisa iyo Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmajo” arrived in Asmara for a working visit in early morning hours today. President Farmajo who was accompanied by the Minister of Education and other senior officials was accorded warm welcome by President Isaias on arrival at Asmara International Airport, according to Yemane Gebremeskel, Eritrea’s Minister of Information. Farmajo travelled to Asmara for the first time in July, where he and President Isaias agreed to establish diplomatic relations, exchange ambassadors, and promote bilateral trade. Eritrean President Isaias Afwerki visited Somalia four months ago to cement the renewed ties. Scroll down for pictures: View the full article
-
Qaahira (Caasimada online)-Madaxweynihii hore ee dalka C/Qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo mucaaradka dowladda ee shirka ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wuxuu weeraray siyaasiyiinta uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo kaliya doonaya inay helaan kursiga dalka, balse aysan dooneyn inay wax u qabtaan shacabka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu fariin u dirayo dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan danaha dalka islamarkaana ay u adeegaan dalka, maadaama Soomaalida ay dhalinyaro u badan yihiin. Madaxweyne C/Qaasim ayaa yiri “Siyaasi Maahan Kan Kursiga lee doonaya, dhalinyarada Soomaaliyeed horay waan ula hadlay haddana waan la hadlayaa dadka iyo dalka haloo adeego”. “Sidaa aan uga xumahay dhibaatada dalka heysata iyo baabi’inta dadka lagu hayo ayaan ka wada hadalnay aniga iyo madaxweyne Farmaajo”ayuu yiri C/Qaasim Salaad Xasan. Kulan gaar ah oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka dhacay magaalada Qaahira, waxaana uu sidoo kale fariin uu u diray ururka Al Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya. Hoos ka daawo Muuqaalka Madaxweyne Hore C/Qaasim Salaad Xasan Caasimada Online Xafiiska Masar Caasimada@live.com
-
Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) said on Tuesday evening that a senior al-Shabab official has surrendered to the government forces. According to NISA, Aden Abdi, known as Aden Obe, defected from the extremist group and surrendered to the government forces on Tuesday. “Adan Obe, a senior official of al-Shabab extremists who has been in the group for long time contacted NISA and asked to facilitate his surrender,” said NISA. Ali Ya’qub Nur, a senior military officer of government forces in Bardhere in the country’s southern region of Gedo, told journalists that NISA contacted them and asked to cooperate with Abdi for him to surrender to the government forces. “Aden Obe who has been a member of al-Shabab informed us that he was in conflict with the group and willing to join government forces,” said Nur, adding that the senior official was accompanied by one of his special guards and both are in the hand of government forces. Somali forces backed by the African Union Mission in Somalia (AMISOM) intensified operations on al-Shabab militants in central and southern Somalia conducting consecutive offensives to flush the militants out of these regions. View the full article
-
Boosaaso (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland. Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Gaari Hilux ah oo uu lahaa guddoomiyaha maamulka gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo). Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxani ku dhaawacmay illaa saddex Askari oo ka mid ahaa Ciidanka ilaalada guddoomiyaha. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga uu dhacayay qaraxa uusan gaariga la socon guddoomiye Yuusuf Dhedo. Illaa iyo hadda wax hadal kama soo bixin dhanka Puntland, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi. Inta badan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulisa gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo la sheegay in lala eegtay gaari uu leeyahay guddoomiyaha gobolka Bari. Qaraxa ayaa lala eegtay gaariga guddoomiye Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo, waxaana la sheegay inay waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah ilaalada guddoomiyaha, sida wararka aan ku heleyno. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in guddoomiye Dhedo uu gaariga ka dagay daqiiqado kahor inta aan qaraxa lala eegan, waxaana la sheegay in ilaaladiisa uu saameeyay qaraxa. Waxyeelo kale ayaa gaartay dad shacab ahaa oo goobta ku sugnaa, waxaana goobta la sheegay inay tahay meel mashquul badan, oo lagi iibiyo taleefanada gacanta. Laamaha amaanka ayaa qaraxa kadib baaritaano ka bilaabay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana qaraxa uu u badan yahay inuu ahaa mid gaariga lagu xiray. Guddiga amniga ee gobolka Bari ayaan wali wax war ah kasoo saarin qaraxa, waxaana la sheegay inuu kusoo aaday maalmo uun ka dib markii qarax lala eegtay ciidamada amaanka xili ay baaritaano ku gudo jireen. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Djibouti waxaa todobaadkii hore ka dhacay shir lagu soo bandhigay wax ka bedelka sharciga 2008, kaas oo ay sameeyeen koox ka socotay wasaaradda batroolka iyo macdanta. Sharcigan cusub ee wax laga badalayo waa mid ka duwan kii ay golaha wasiirrada ansixiyeen 2017, horyaalladana baarlamaanka federaalka ah! Arinta kale ee meesha lagu soo qaaday ayaa ahayd in Soma Oil and Gas la siiyay 12 xirmo (blocks), taasoo dhinaca wasaaradda ay ku doodeen in heshiiskii horey loogu saxiixay dawladdii Xasan Sheekh, oo arrintan oo iyadana shaki badan ku jiro. Waxaa Djibouti tagay ka socotay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo ka koobnayd illaa iyo afar qof oo uu hogaaminayay wasiirkooda iyo Guddiga Khayraadka Baarlaamanka ee aqalka hoose oo ayana ka koobnaa 12 qof , la-taliyeyaal dhanka sharciga ah iyo saddex qof oo kalkaaliyayaashooda ah. Haddaba kulankaas intaynaan u gelin waxaa muhiim ah inaan isweydiino su’aalahan: Maxaa keenay in guddiga iyo Wasaaradda qayb ka mid ah isula soo safraan Djbouti ayaga oo ku kulmi karay waddanka gudihiisa, goobahooda shaqada iyo meelo kale oo magaalada Muqdishu ama maamulada kale ka tirsan? Maxaa keenay in hadda la yiraahdo sharciga Batroolka 2008 ayaa la bedelayaa, ayadoo la ogyahay in uu horey u yaallay sharci wax looga bedelay Golaha wasiiradana u ansixiyeen baarlamaankana akhrintii koowaad maray oo la yiraahdo sharciga shidaalka 2017? Yaa bixiyay qarashka ku baxayay safarka Djbouti ? Maxaa loogala tashan waayay maamulada waddanka ka jira maadaama Soomaaliya ay qaadatay federal meelaha shidaalka ku jiraana ay wada hoostagaan maamuladaas kala duwan? Su’aalahaas jawaabahooda intaynaan u gelin, bal aan marka hore isweydiino waxa dhacay safarkii Djbouti lagu tegay: Ka dib 7dii febraayo 2019 – xaraashkii ka dhacay London, wasaaradda ayaa qashay jaha-wareer, waxaana la badalay agaasimeyaal badan, waxaa hadda la isku hayaa wax ka bedelka heshiiska qaybsiga wax soosaarka ee shirkadaha iyo Soomaaliya (PSA) ayadoo kii hore u diyaarsanaa layska tuurey, waxaa la gudbiyay sharcigii 2008 kaasoo bedelkiisana horey ay u ansixiyeen golihii Wasiirada iyo ayadoo loo gudbiyay Golaha Baarlammaanka iyo midda ugu xasaasiyadda badan oo ahayd xulashada xirmooyinka shidaalka (block delineation) oo laga dhigay 15 blocks (xirmo) kuwaasoo ilaa iyo 7 ka mid ah ay ahaayeen kuwii Soma Oil and Gas oo hadda la baxday (coastline) lagu soo daray. Sharciga uu wasiirka Batroolka garab marayo, waxaa horay u ansixiyey golaha wasiirrada, waxaana loo gudbiyey baarlamaanka, iyada oo ay ku baxdey lacag aad u fara badan, loona soo kireeyay lawyaro iyo khibradlayaal ajaaniib ah. Sharcigaas waxaa sidoo kale lala wadaagay Financial Governance Committee (FGC) oo ayagana kusoo daray commentgooda asagoo dhamaystiranna lagu wareejiyay Wasiirka haddda jooga (Cabdirashid). Ugu dambeyntii, haddii sharcigii 2017-ka la ansxiyey lagu dhaqmayo ama haddii ay tahay midkan cusub ee uu wato wasiirka Batroolka, waxaa haboon in lala socod siiyo hey’adaha ay khuseyso sida dowlad goboleedyada iyo baarlamaanka federaalka ah, waxaa kale oo baarlamaanka looga fadhiyaa inuu wasiirka Batroolka weydiiyo sababta uu uga tagay sharcigii Batroolka ee golaha wasiirrada ansixiyeen, lana hor keenay baarlamaanka? Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Yemen (Caasimada Online)-Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen ku sugan ayaa lagu eedeeyay inay door weyn ku leeyihiin dagaalada ka soconaya dalka Yemen, waxaana la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Dowladda Yemen ayaa ku eedeysay qaxootiga Soomaaliyeed inay dagaalka qeyb ka noqdeen, islamarkaana ay ka tirsan yihiin kooxda Xuutiyiinta. Taliyaha Ciidanka Dowladda Yemen Jeneraal Khaalid Al Qamli ayaa sheegay in dagaalka sii socda ee dalka Yemen ay qeyb ka yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in mar hore laga adkaan lahaa kooxda Xuutiyiinta balse Soomaali iyo Oromada ay qeyb ka yihiin dhamaan la’aanta dagaalada Yemen. Waxaa uu Jeneraalku sheegay in Ciidamadiisa ay u baahanyihiin in ay helaan taageero caalami ah oo laga siiyo si uu Badaha uga hortago Tahriibayaasha una diido in ay galaan Yemen. Waxaa kale oo uu sheegay in ay dowladda Yemen u baahantahay Agab Milatari maaddaama Kooxda Xuutiyiinta ah ay taageero toos ah ka heysato Dowladda Iraan. Bishii la soo dhaafay Dowladda Yemen ayaa sheegtay in 30 Qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen dagaalka u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo dowladda,waxaana ay Soomaalida la safnaayeen Jabhadda XUutiyiinta ah sida ay sheegtay Dowladda Yemen. Caasimada Online Xafiiska Yemen Caasimada@live.com
-
Faahfaahin ayaa haatan ka soo baxaysa qarax goor dhoweyd lala eegtay xaajeed HILUX ah oo maraysay jidka hotel Jubba ee magaalada Boosaaso. Sarkaal ka tirsan laamaha amniga magaalada Boosaaso ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in qaraxa oo jidka ku sii aasnaa lala eegtay gaariga guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) balse guddoomiyuhu uusan la socon gaariga xilliga qaraxu haleelay. 3 askari oo ka tirsan ilaalada guddoomiyaha gobolka Bari ayaa ku dhaawacmay qaraxa waxaana loola cararay isbitaalka magaalada Bosoosaaso sida uu xaqiijiyay sarkaalkan. Laamaha amniga gobolka Bari ayaa haatan baaritaanno ka wada goobta qaraxaasi ka dhacay iyadoo aan ilaa iyo hadda cidna loo qaban qarax. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Gaariga guddoomiyaha gobolka bari oo qarax la kacay appeared first on Puntland Post.
-
Qarax ayaa hadda ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari gaar ahaanna nawaaxiga hotel Jubba sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan magaalada. Qaraxa ayaa lala beegsaday Xaajeed nooca loo yaqaan HILUX oo maraysay jidka hotel Jubba ee magaalada Boosaaso inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn cidda wadatay gaarigaasi. Goobjoogayaal aga’gaarkaasi ku sugan ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in ay arkeen burburka gaariga xaajeedda balse aysan ka war hayn cidda saaaran iyo khasaaraha gaaray midna. Ciidamada amniga magaalada Boosaaso ayaa hadda la sheegayaa in ay gaareen goobta qaraxu ka dhacay waxaana halkaasi ka socota rasaas teel-teel ah iyadoo ciidanku ay kala eryayaan dad ku soo xoomay goobta. Faahfaahinta Puntland Post The post Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.