Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( SMN):-Cabdulaahi Goodax Barre oo ka hadlayey arrimo ku saabsan Imtixaanka Shahaadiga ah ee Wasaaradu ay qaado ayaa ugu baaqay Waalidiinta iyo Ardeyda wax ka barata Deeganada Maamulka Puntland in ay ka fiirsadaan Go’aan ay gaartay Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo ah in aysan shaqo ku lahayn Imtixaanka Shahaadiga ah ee Soomaalaiya. Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Sanadihii Lasoo dhaafey qaadaysay Imtixaanadka Shahaadiga ah ayaa waxaa ka maqnaa Ardeyda wax kabarata Puntland, Marka laga yimaado Somaliland oo iyadu sheegata Dal Madaxbanaan. Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Goodax Barre ayaa Yiri ‘’ Ardeyda Puntland iyo Waalidiintood waxaan u sheegaynaa in ay kasoo qayb galaan Imtixaanka Shahaadiga ah, hadii kale iyaga ayaa qaadanaya wixii ka yimaada Xaq ma ahan in hadhow ay isku Xaquuq noqdaan Arday Imtixaan galay iyo Ardey aan meeshaba Joogin’’. Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa ka falceliyey hadalka Wasiir Goodax, waxa ayna u muuqden kuwo ka xun sida ay Go’aanka u qaadatay Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya. View the full article
  2. Marka ( Sh.M.Network):-Guddoomiyaha Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdullaahi Waafow ayaa walaac ka muujiyay wax uu ku sheegay Go’doon ay ku jirto Magaaladaasi. Mar Waafow ayaa hoosta ka xariiqay in waddooyinka soo gala Magaalada Marka ay jareen Dhaqdhaqaaqa Al Shabaab , sidaas daraadeedna ay dowladdu wax ka qabato arrintaasi. Waxa uu xusay Guddoomiye Waafow in go’doonka saaran Magaalada Marka ay saameyn ku yeesheen dhaqdhaqaaqii Guud ee Magaaladaasi. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaalia ayaa kol hore la wareegay gacan ku heynta Magaaladaasi Marka kadib markii laga saaray dagaalamayaasha Al Shabaab ee halkaas ka arriminayay. View the full article
  3. Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa caasimada dalka Canada ee Toronto kula kulmay ciyaartooydii hore xulka qaranka ee kala ah Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtar Cuti) iyo Maxamed Xaaji wuxuuna xilidhabaanka casuumada uu ka helay bahda isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Canada. “Waad mahadsantihiin ma qiyaasi karo sida uu yahay dareenkayga bahda isboortiga Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan way ka duwanyihiin dadka kale,sababtoo ah waa saaxiibo iyo walaalo is jecel waxayna ku midaysanyihiin ka shaqeynta wanaaga iyo isku xirka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha iyo gudaha Soomaaliya”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay xilidhibaan Xasan Macalin Maxamuud. 09-Maarso 2019-Xildhibaan Xasan Macalin oo safar shaqo ku joogay magaalada London ee dalka England ayaa la kulmay wafdigii iyo mas’uuliyeentii kooxda qurbajoogta ee caasimada Muqidsho u imaaday ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada bishii October 2018, isagoo kolkaa sheegay in uu diyaar u yahay dhiiri gelinta iyo garab istaagida dhalinyarada ciyaartooyda ku koray ee qurbaha ee doonaysa in ay imaadaan wadankoda hooyo ee Soomaaliya. “Waa mid ka mid ah xildhibaanada sida wanaagsan u taageera horomarinta iyo garab siinta isboortiga waxaad la socotaa in uu kaalin mug leh ka qaatay guulihii uu laacib Feysal Axmed la gaaray xulka qaranka Soomaaliya tani wa fursad kale uu xildhibaanka ku doonayo in dhalinyaro badan oo xirfado wanaagsan ay dalka yimaadaan”waxaa Gooboog ugu waramay Cabdi Axmed Cabdulle oo ka mid ah bahda ciyaaraha UK. Xildhibaan Xasan dhalinyaradii uu taageeray sanadkii lasoo dhaafay dalkana u imdaay is-dhaxgalka bulshada xulka Soomaaliyana guulo la gaaray waxaa qeyb ka ahaa Feysal Axmed Xasan oo ka yimid Norway,isagoo xulka u dhaliyay ilaa afar gool welina uu qeyb ka yahay. “Ciyaartooyda imaanaysa Soomaaliya waxa ay fure u yihiin horomarka isboortiga waxayna booqashadooda dhaxgal u tahay iyo in is bartaan laaciibtinta gudaha iyo kuwa qurbajoogta waana wax loo baahan yahay sababtoo ah dhalinyarada imaanaysa waxa ay baranayaan dhaqanka iyo dalka ay lee yihiim” Xildhibaan Xaasan Macalin. Sida uu qorsha yahay 2019 waxaa Soomaaliya kusoo wajahan kooxo badan oo qurbajoog ah kuwaas oo u imaanaya ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho waxaana talaabadan falanqeeyaaasha gudah ay u arkaan mid guulo u horseedi karta isu soo dhawaashaha kooxaha gudaha iyo qurbajoogta. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  4. The Somali federal government has deployed security police officers to the main roads in Mogadishu to boost the public security of the city. Hundreds of police officers were today seen on the main roads of the capital Mogadishu investigating the public vehicles using the roads. The police officers were all expanded to the main controls in the town. Among the roads the government deployed soldiers is Maka Almukaramma, the main roads linking different parts of the city. This comes barely weeks ago when Al-Shabaab has targeted with car bombs in two districts headquarters in Mogadishu. View the full article
  5. At least five people from the same family were killed and six others seriously injured at an attack in a house in Kaawo Godey village of Wadajir district in Banaadir region. Sources revealed that all the casualties were civilians, including a young boy. The raid was carried out by unknown gunmen in Godey location in Wadajir district. It is unclear why the gunmen carried out the out at civilians in the area. The attackers fled the area to an unknown location using a vehicle after they executed the attack. It is said that the attackers were armed AK47 rifles. View the full article
  6. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ciidamo fara badan ayaa maanta la soo dhigay waddooyinka Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka hortagaya dibadbaxyo la sheegay in la doonayo in lagu qal qal galiyo shacabka iyo Isku socodka dadka iyo Gaadiidka. Dhinaca kale Saraakiisha Ammaanka iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digay dibadbaxyo rabshado wato oo shaqsiyaad ay ka maleegayaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Bashiir America ayaa sheegay in aysan sharci ahayn Dibadbax aan lala soo socodsiin laamaha Ammaanka oo lagu qabto Magaalada Muqdisho. Dowlado shisheeye iyo Siyaasiyiin mucaarad ah ayaa horay loogu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin dibadbaxyada la sheegay in lagu qal qal galinayo Ammaanka Magaalada Muqdisho. View the full article
  7. Garowe (Caasimada Online)-Guddoonka baarlamaanka Puntland ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal kasoo yeeray wasiirka waxbarashada xukuumada Soomaaliya oo ku saabsanaa imtixaanaadka dowladda Soomaaliya ay qaadeyso. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa sheegay in wasiir Goodax Warkaasi uu ku ahaa gaf uu u geystay shacabka Puntland, isagoo sheegay inay ka sugayaan jawaab raali gelin ah. Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Wasiir Goodax uu qalqal geliyay Waalidiinta Puntland, balse wuxuu sheegay in Shacabka ay iyaga wakiilka ka yihiin inaysan marnaba ka walwali doonin hadalka kasoo yeeray wasiirka. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa xusay in dastuurka qabyada ah ee dalka uu dhigayo in Afar qodob oo dowladda dhexe awood u leedahay mooye in waxyaabaha kale wada xaajood laga wada gali karo. “Wasiir Goodax waa nin labo xil haayo, marna waa wasiir marna waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, waxaan ka sugeynaa in hadalka uu sheegay inuu markale meel fagaaro ah inta uu soo fariisto ka sheego inuu ahaa gaf iyo qalad uu ummad dhan u geystay. “Hadalkaasi waxaan u malaynayaa in Cabdullaahi Goodax uusan munaasab u aheyn, shacabkeena anagaa wakiil ka ah, markii horaba dhaqaalaheena wax walbaa ku sameysaneynay, hanjabaadaasi marnaba ma aqbaleyno, waxaan aqbali karnana maaha” “Wasaaradda waxbarashada kaliya waxay xaq u leedahay inay ogaato ardayga xageena ka baxo inuu iskuuladeena ka baxeen kaliya inay xaqiijiso, ee hanjabaad kuma lahan wasiirka”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka. Caasimada online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  8. Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo received credentials from the new envoy of Bahrain, Juma Ahmed Alkabi and Burundian counterpart, Remy Barampama in Mogadishu on Wednesday. New Bahraini envoy to Somalia, Juma Ahmed Alkabi presented greetings letter from the king to President Farmajo. Ambassador Alkabi said his country is looking forward to establishing trade with Mogadishu particularly in the livestock and fishing export business which several Gulf states are already involved. On the other hand, the President received the new Burundian ambassador to Somalia, Remy Barampama. The two discussed implementation process of the agreement during the meeting of Somalia and Burundi leaders in Bujumbura in February. View the full article
  9. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-180419.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay isku dhiibeen, kadib markii ciidamadaasi ay mushaar la’aan ku dhacday. Al Shabaab ayaa sheegay in ciidamadii ugu badnaa oo ka tirsanaa dowladda Soomaaliya ay isku dhiibeen tan iyo markii ay soo baxday cabashada la xiriirta mushaar la’aanta ciidamada dowladda. Al Shabaab ayaa sheegay in ciidamada dowladda ee ku biiray dhankooda ay ku sugnaayeen gobolka Gedo, waxaana la sheegay inay ahaayeen ciidamo Mushaar la’aan ka cabanayay. Ku dhawaad 16 askari ayay sheegeen inay isku dhiibeen ciidamada Al Shabaab, waxaana warbixinta lagu sheegay inay ka baxeen difaacii ay ku sugnaayeen oo ku yaala degmooyinka Garbahaarey,Baardheere iyo Ceelwaaq. Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegay in shan askari oo kale oo ka tirsan ciidamada xooga dalka ay iska dhiibeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana ciidamadaasi ay ka tirsanaa kuwa gobolka Hiiraan. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray gadood ay sameynayeen ciidamada xooga dalka, kuwaasi oo ka cabanayay mushaar la’aan soo wajahday muddo afar bilood, waxaana ka dhashay arintaasi xasarad maalmo taagneyd. Marka laga yimaado sheegashada Al Shabaab ee ku aadan inay isku dhibeen ku dhawaad 20 askari ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolada Hiiraan iyo Gedo oo ku aadan in ciidamada ku biireen Al SHabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland, ayaa maanta ku amartay dhammaan macallimiinta dugsiyada Qur’aanka ee degaannada Puntland, in ay isku soo diiwaan-geliyaan mudda 10 cisha. Wasaaradda ayaa macallimiinta Qur’aanka ku wargelisay , in laga bilaabo maanta oo ku beegan 18 April 2019 ay bilaabatay diiwaan-gelinta dugsiyada Qur’aanka Kariimka,iyadoo wixii ka dambeeya 28 bishan April aan la aqoonsan doonin dugsigii aan is diiwaan-gelin. Wargelintan ayaa ku soo beegmaysa, xilli dhowaan wasiirka Caddaalada uu sheegay, in gebi ahaanba la xiri doono dugsiyada Qur’aanka iyo xarumaha kale ee ay leeyihiin firqada loo yaqaan Al-takfiir, oo uu ku eedeeyay in ay fasahaad iyo caqiido maroorsan ku faafinayan degaannada Puntland. Balse, culimo ka tirsan kooxdaasi oo maalmo ka hor warbaahinta la hadlay, ayaa dhaliilay hadalka waasiirka, iyagoo beeniyay in ay caqiido maroorsan faafinayaan.\ PUNTLAND POST The post Wasaaradda Caddaaladda Puntland oo amar ku soo rogtay dugsiyada Qur’aanka appeared first on Puntland Post.
  12. Waxaa xalay si wadar ah hal meel loogu dilay qoyska reer Abshirow, arrintaas oo fajac gelisay magaalada Muqdisho, 5 ayaa goobta lagu dilay halka 4 kale la dhaawacay. 5-ta dilay oo ilmo adeer ahaa waxaa ay joogeen guriga Xuseen Abshirow, oo ku yaalo Wadajir, ee koonfurta Muqdisho, waxaana ku jira cunug yar. Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah Cusmaan Abshirow iyo walaashiisa, waa 4 qof, waxaana lagu dhabiibayaa Cusbitaalka Daaru Shifa ee Magaalada Muqdisho. Mas’uul ka tirsan qoyska reer Abshirow oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in arrintan ay tahay aano qabiil, oo la xiriirta shabeelada hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. The Austin, Texas-based independent think tank Stratfor has ranked Artsakh among de facto independent countries in its latest study covering recognized states, states with partial recognition or no recognition at all. “One of the most basic questions for map-lovers is: ‘How many countries are there in the world?’ But anyone who just gives you a number isn’t telling the whole truth. It actually depends a lot on how you define a ‘country,’” Stratfor, which bills itself as the “world’s leading geopolitical platform” said in its report published on Monday. The study cites the United Nations’ figures, according to which there are a total of 195 sovereign states in the world, of which 193 are the organization’s member states, while the two other countries, Vatican City and Palestine, have the status of observer states. In addition to Artsakh, Strafor lists Transnistria and Somaliland in its list “de facto independent countries.” “The three places most often considered de facto independent countries despite having no recognition from U.N. members are Artsakh (Nagorno-Karabakh), Transnistria and Somaliland. And since 2014 there have been three more contenders for the list, questionable because they’re located in active war zones and have only limited government structures: The so-called “Islamic State” is almost out of the running now that it’s lost most of its territory in Syria and Iraq, but the Donetsk People’s Republic and the Lugansk People’s Republic, which claim independence from Ukraine, don’t seem to be going anywhere,” reads the report. Qaran News
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka safar aan la sii shaacin ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta. Wali madaxtooyadu wax faah faahin ah kamay soo saarin safarkan deg deg ah ee madaxweyne Biixi ugu baxay Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha Sonaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii saddexaad u safraya dalka Imaaraadka Carabta. Laba Bilood ka hor ayey aheyd markii madaxweyne Muuse Biixi uu safar uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta. Lix safar oo uu dalka dibeddiisa ugu baxay tan iyo markii uu xilka qabtay, waxaa uu saddex ka mid ah safarradaasi ku tagey dalka Imaaraadka carabta. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Dhammaadkii bishii Maarij ee la soo dhaafay waxa dalka Masar bookhasho rasmi ah ku tagay wefti uu hoggaaminayay wasiir ku xigeenkii arrimaha didbadda Liibaan Yuusuf Cismaan oo madaxweynuhu markii dambe xilkaasi ka bedelay. Weftiga Somaliland oo bookhasho rasmi ah ka helay dawladda Masar waxay kulamo la qaateen masuuliyiin sarsare oo ka mid ah wasaaradda arrimaha dibadda, wasaaradda gaashaandhigga iyo saraakiil sarsare oo militari waxaana bookhasho lagu geeyay marin biyoodka muhiimka ah ee gacanka Suways. Xukuumadda Masaaridu arrintan waxba kama odhan laakiin, warbaahinta Arab21 oo arrintan warbixin ka qortay ayaa tilmaantay in ay u muuqato in Masar Somaliland meeqaamkeeda kor u qaadayso si ay cadaadis ugu saarto Itoobiya oo ay ku muransan yihiin dhaamka biyaha Webiga Niilka. Amb Baahir Al-Duwayni oo ah xeel dheere xidhiidhka caalamiga ah ayaa warbaahinta Arab21 u sheegay in aanay bookhashada Somaliland ee Masar kaliya ku koobnayn marti qaad ka yimid wasaaradda arrimaha dibadda laakiin, ay tahay arrin ay soo dhiraan dhiriyeen waaxda Sirdoonka ama laamaha ammaanka. Waxa uu sheegay in arrintan loo arki karo cadaadis Qaahira ku doonayso in ay dawladda Itoobiya kula gaadho heshiis labada dhinac ee Addis Ababa iyo Qaahir ba qanciya. Waxa uu sheegay in kor u qaadista meeqaamka Somaliland ee Masar fursad weyn u yahay masuuliyiinta Somaliland maaddaama Masar xilligan hayso xilka hoggaamiyaha Midawga Afrika taasna ay guuldarro u noqonayso dawladda Itoobiya. Amb Baahir Al-Duwayni oo tilmaamaya in aanay arrintani siyaasad ka madhayn wuxuu sheegay in socdaalka weftiga Somaliland yimid laba todobaad kadib markii wefti sare oo Imaaraad ahi joogeen dalka Masar. Cilmi baadhe kale oo ka tirsan Machad Darsa siyaasadda Afrika oo fadhigiisu yahay Masar ayaa Arab21 u sheegay in dawladda Itoobiya la odhan karo way aqoonsan tahay Somaliland marka la eego sida ay ula macaamilayso oo ay ka mid yihiin mashaariicda wada jirka ah ee dekedda Berbera ka mid tahay sidaas awgeedna ay noqonayso Masar in ay meeqaamka Somaliland kor u qaaddo si ay ugula gorgortami karto Itoobiya. Waxa kale oo uu sheegay in ay Masar doonayso in ay dib u soo celiso saamaynteedii gobolka oo ay lumisay, islamarkaana arrimaha xilligan taaggan ee ay ka mid yihiin isbedellada ka dhacay Itoobiya oo qalalaase gudaha ah horseeday, isbedelka Sudan iyo gaabiska Dhaamka Itoobiya ku yimid ay u sahlayaan in ay culays saarto Itoobiya si ay heshiis labada dhanba maslaxad u ah uga gaadhaan xafiiltankooda. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Tobankii bishan April madaxweyne xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi ismaaciil (Saylici) oo hoggaaminayo wasiirro dhawr ah oo xukuumadda ka tirsan ayaa dhagax dhigay mashruuc lagu tilmaamay maalgashigii ugu weyna ee Somaliland laga hirgelinayo oo ah warshad sifaynaysa Saliidda Qaydhiin. Madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirro iyo masuuliyiinta gobolka iyo degmada Berbera ama gobolka Saaxil oo munaasibadda ka hadlayay waxay si weyn ugu faaneen in warshaddani tahay mashruuca ugu weyn iyaga oo qaarkood gaadhsiiyay in ay Afrikaba meelo kooban arrintan oo kale ka hirgashay. Hase ahaatee su’aalo waaweyn ayaa ka taaggan jiritaanka shrkaddan; su’aalaha taaggan ayaa kala ah in shirkadda laga leeyahay Singapore iyo in laga leeyahay Shiinaha maaddaama la sheegay in laba shirkadood oo la kala yidhaahdo Singapore New Silk Somaliland Energy CO LTD (SNSSEC) iyo China Power. Waxa kale oo la is waydiinaya in ay yihiin shirkado jira. Waxa kale oo aan la ogayn shidaalka Qaydhiin ee ay sifaynayaan midka uu yahay. Warbaahinta Somalilandchronicle oo baadhitaan xeeldheer ku samaysay jiritaanka shirkadahan ayaa warbixin dheer oo Af Ingiriisi ah oo ay arrintan ka qortay ku sheegtay in aanay jirin xog laga hayo jiritaanka shirkadahan marka laga reebo shirkad ku magac dhaw Singapore New Silk Somaliland Energy CO LTD oo magaceedu yahay Singapore New Silk Energy PTE. LTD taas oo la aasaasay sanadkii 2018 laakiin, aan la aqoon meelo ay ka soo shaqaysay. Masuul shirkadda u hadlay oo ka hadlayay munaasibadda dhagax dhigga ayaa sheegay in shirkaddani shaqadan bilawday sanadkii 2017. Waxa kale oo uu sheegay in mashruucani bilaw u yahay isku xidhnaanta Somaliland iyo Singapore laakiin, waxa jira arrimo kale oo mashruuca la xidhiidhinaya Shiinaha oo ay ka mid yihiin in mashruuca ay qayb ka tahay in 300 oo dhallinyaro ah lagu soo tababari doono Shiinaha kuwaas oo madaxweyne xigeenku sheegay in ay noqon doonaan kuwa ku jira mashruuca Shaqo Qaran. Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ka hadlay su’aalaha la iska waydiinayo mashruucan ayaa u muuqda in aanay wax aqoon ah u lahayn shirkadda iyo shidaalka la sifaynaya halka uu ka imanayo. Agaasimaha guud ee Bandhiga Dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo oo u holladay in uu madmadowga ka saaro mashruucan ayaa ku tilmaamay kii ugu weyna Somaliland oo ay daba socdaan warshado farsameeya hadhaaga shidaalka la sifeeyo iyo caagadaha sharaabka sidoo kalena ay barbar socoto shirkad weyn oo laydh oo wada hadal kula jirta shirkadaha laydhka Somaliland si laydh jaban ay u helaan warshaduhu. Mr Carwo wuxuu intaasi raaciyay shidaalka uu noqon doono kan lagu sifaynayo warshadda Berbera laga dhisayo waxaanu ka hadlay in shidaalka Itoobiya laga helay qayb ka yahay “ Waa hubaal, inagu dekeddii baynu leenahay Itoobiya deked ma leh marka haddii sifaynteenu shaqayso wayxaabaha ay lacagta intaa leeg galinayaan maaha oo kaliya in ay ku fillaato Somaliland ee waa in Somaliland wax sii dhoofiso. Had iyo jeer iskuma xidhna dawladduhu iyaga oo aan baadrool haysan ayaa halkii ay baadrool saafiya ka soo qaadan lahaayeen ayay baadrool qaydhiin soo qaataan markaas ayaa warshaddaadii dib ugu sifaynaysa si aad adigu dadkaaga shaqo ugu hesho. Inagu shidaalka oo saafi ah ayaynu keenaynay ee waxaynu keenayna shidaalka oo qaydhin oo aynu inagu dib u sifayno oo aynu dib u iibino oo waddamada jaarkeena oo dhan loo dhoofiyo shidaalkii lagu sifeeyay halkan,” Sidaas ayuu yidhi Agaasime Axmed Xasan Carwo. Hase ahaatee wasiirka maalgashida Somaliland Maxamed Axmed Cawad oo BBC-da uga warramay arrintan ayaa sheegay in shidaalka warshaddu sifayn doonta yahay kan la rajaynayo in Somaliland laga helo “Saddex shirkadood ayaa shidaal baadhis ka wada Somaliland dhammaantoodna rajo ayaa laga qabaa in ay shidaal heli doonaan,” ayuu yidhi wasiir Cawad. Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland oo meel muhiim ah ku taalla rajo laga qabo in shidaallo meelo kale laga keenay lagu sifeeyo “Maaddaama oon meel dhexe ku naallo waa meel la keeni karo shidaallada Bari iyo Galbeed ka soo baxa ka dibna lagu sifayn karo oo Afrika oo dhan halkaas laga gaadhsiin karo,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku. Wasiirku waxa aanu meesha ka saarin rajada laga qabo in Itoobiya noqoto meelaha suuqa u noqonaya warshadda laakiin, sida laga warqabo shidaalka laga helay gobolka Soomaalida Itoobiya waxa laga xidhaya dhuumaha qaada dekedda Jabuuti si halkaasi looga dhoofiyo. Somaliland ayaa marar hore soo hadal qaadday in ay uga dhawdahay dekedaha kale oo dhan laakiin, ma muuqdo qorshe arrintaasi wax lagaga bedelayo. Xukuumadda Somaliland ayaa hore heshiisyo mashaariic waaweyn ah u gashay kuwaas oo aan la garanayn meesha ay ku dambeeyeen. Waxa heshiisyada ka mid ah Bangi Shiine ah oo lala galay in uu hal Bilyan oo dollar ku maalgashanayo Somaliland laakiin, loo malaynayo in uu ahaa bangi aan jirin. Waxa kale oo jirta shirkad Ustareeliyan ah oo xukuumadda Somaliland kula heshiisay in ay samaynayso mashruuc weyn oo uumi baxa biyaha badda lagaga dhallinayo milix kaas oo ay xukuumaddu kula heshiisay in ay dhul ilaa 200km oo isku wareega ah ka hirgeliyaan muddo 25 sanno ah laakiin, ay u muuqato in aanay shirkaddaasi ahayn wax jira baadhis lagu sameeyay awgeed. Tuhunnada ka dhashay heshiisyadan awgeed waxa wasiirka maalgashiga Somaliland la waydiiyay waxa uu mashaariicda hore ee aan hirgelin kaga duwan yahay kan cusub “Walaal kuwii hore waxay ahaan jireen isfaham shirkado lala galay oo warbaahinta gaaray, balse kan waa heshiis, waana la dhagax dhigay,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Cawad. Masuuliyiinta Somaliland ee arrintan ka hadlay ayaa u muuqda kuwa aan xog badan ka hayn qorshaha mashruucan iyo cidda ay tahay shirkadda loo dhagax dhigay. Waxa ay sidoo kale su’aali ka taaggan tahay suuro galnimada shirkad aan la ogayn mashaariic hore oo ay soo fulisay sida ay u haysan karto lacagta badan ee ku baxaysa mashruucan. Shirkadda hore ugula heshiisay Somaliland soo saarista Milixda ayaa la ogaaday in aanay haysan lacag ay mashruuca ku maalgaliso haddana ay raadinayso dad saami ku yeesha oo mashruuca maalgaliya taas oo u muuqatay in ay kaliya hayaan fikradda raadinayaana cid maalgalisa. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Doorashada Guud ee Barlamaanka ayaa Axaddii todobaadkan ka qabsoontay Dalka Finland, waxaana doorashadaas ku soo baxay Xisbiga talada dalkaas haya ee SDP oo Kursi hal-dheeri ah kaga guuleystay Xisbiga cunsuriga ah ee dhinaca bidix oo lagu yaqaanno in afkaartiisu ka soo horjeeddo Dadka soo-galootiga ah, balse natiijo fiican ka gaadhay doorashada. Guddoomiyaha Xisbiga SDP, Antti Rinne, ayaa noqonaya Raysal wasaaraha cusub ee dalkaas, isagoo lagu yaqaanno siyaasad furfuran oo xisbigiisu sumcad iyo taageero badan kaga helay shacabka dalkaas. Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Finland Marwo Saamiya X Muuse oo Xubin ka ah Xisbiga SDP oo u wakiishay inay ka mid noqoto muraaqibiintii Xisbiga uga qayb-galay doorashada maalintii Axaddii ku qabsoontay dalkaas, waxa ay ka hadashay muhiimadda siyaasadeed ee Somaliland ugu jirta guusha Xisbsigeedu ka gaadhay doorashada. Danjire Saamiya Muuse waxa kale oo ay Xubin ka mid ahayd 500 ergay oo shirweynaha 45aad ee Xisbiga SDP oo cod aqlabiyad ah ugu doortay inuu siyaasaddiisa hoggaamiyo raysalwasaaraha cusub ee dalkaas Antti Rinne oo ay xidhiidh aad u dhow leeyihiin safiirka Somaliland ee dalkaas. Saamiye Muuse oo ka mid ahayd Muraaqibiinta Xisbiga SDP ee Doorashada Finland ayaa waxay tidhi, “Waxaanu ku guulaysannay doorashada Baarlamaanka Finland oo xisbigaygu ku soo baxay, waxaana noqday raysalwasaaraha cusub ee Finland guddoomiyaha xisbigayaga SDP mudane Antti Rinne. Runtiina Guul weyn bay u tahay Somaliland,” Sidaas waxa tidhi danjire Saamiya Muuse oo u warrantay warbaahinta Somalilandpost.net. “Waxa sharaf weyn ii ahayd inaan ka mid ahaa 500 qof ee ahaa ergooyinka shirweynaha 45aad ee Xisbiga SDP uu ku doortay Guddoomiyaha xisbiga mudane Antti Rinne,” ayay tidhi. Marwo Saamiya Muuse waxa ay faahfaahin ka bixiyey kulamo ay xaflad xisbigeedu ugu dabbaal-degayey guusha doorashada fursad ugu heshay inay la yeelato madaxda ugu sarreysa Xisbiga SDP, kuwaas oo ay xustay muhiimadda ay u leedahay danaha Qaran ee ay ugu xil-saaran tahay dibloomasiyadda siyaasadda dibadda Somaliland. Kulanka Saamiyada Muuse iyo Madaxda Xisbiga SDP “Waxa sharaf weyn ii ahayd xalay inaan kulan fiican wada-qaadannay mudane Tero Shemeikka oo ah xoghayaha Arrimaha Caalamiga ah ee Xisbiga SDP iyo Xogahaya Guud ee ururka Socialist International Organization oo ka soo qayb-galay Doorashada Baarlamaanka Finland oo dhacday 14-kii April,” Sidaas ayay tidhi Danjire Saamiya Muuse. Waxa kale oo ay sheegtay in iyada oo hoggaaminaysa Qurbejoogta Somaliland ee dalkaas ay kulan la qaateen mid ka mid ah Xildhibaannada guulaystay ee Xisbiga SDP, waxaanay tidhi, “Waxa xalay (habeen hore) sharaf weyn noo ahayd qurbejoogta Finland in Hussein Al-Taee oo ku guulaystay xildhibaanimada baarlamaanka Finland oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Ciraaq, oo waliba ka tirsan xisbiga SDP ahna la taliyaha Ururka Xalinta Khilaafaadka ee CMI oo ah ururka madaxweynihii hore ee Finland, Martti Ahtissaa.” “Anigoo ku hadlaya magaca Somaliland runtii waxay noo tahay guul aad u weyn oo ku timi dedaal badan iyo Juhdi badan oo aanu samaynay,” Sidaas ayay tidhi Marwo Saamiya Xaaji Muuse oo xustay inay kaalin muhiim ah ka ciyaari doonto sidii ay xisbiga ay ka tirsan tahay ee doorashada ku guulaystay ugu dhaadhicin lahayd qadiyadda Somaliland ee dhinacyada ictiraaf raadinta, siyaasadda iyo taageero dhaqaale oo dalkaasi ka geysto horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland. Source
  18. (SLT-Washington)-Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa horraantii bishii saddexaad ee sanandkan soo saartay amar ku aadan muwaaddiniinta Mareykanka ee xilalka saameynta siyaasadeed leh ka haya dalal kale. Digniinta oo ah mid shuruucda dalkaas lagu caddeynayo ayaa lagu sheegay inay dhici karto in qofkaas uu lumiyo dhalashada Mareykanka, haddii uu u tartamo xil, loona dhaariyo, taasi oo dowladda Mareykanka ay sheegtay in aanay waafaqsaneyn shuruucda dalkeeda. “Kiisaska la xidhiidha muwaaddiniinta Maraykanka ee haatan madaxweyne ka ah dalal kale, ama wasiir arrimo dibadeed ah waxa ka dhalanaya su’aalo adag oo la xidhiidha sharciyada caalamiga ah, wasaaradda arrimaha dibedda ayaa arrimahaasi si gooni gooni u eegi doonta”. Ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka. Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in digniintan aanay quseyn muwaaddiniinta u dhashay Mareykanka ee u shaqa taga dalal kale, balse aan ku lugta lahayn go’aannada siyaasadeed. “Haddii muwaaddiniin Maraykan ah loo shaqaaleysiiyo jagooyin sare oo siyaasadeed, wasaaradda arrimaha dibedda waxay weydiin doontaa muwaaddiniintaas inay doonayaan in jinsiyadda Maraykanka ay sii haystaan iyo in kale, marka ay dadka noocaas ah aqbalayaan inay jagooyin muhiim ah ka qabtaan waddamo kale. Qofku haddii uu doonayo in uu sii haysto jinsiyadda Maraykanka waa inuu sidaa u caddeeyaa wasaaradda arrimaha dibedda. Qofka haddii uu doonayo inuu ka noqdo muwaaddinimadiisa Maraykanka waa in uu raacaa tallaabooyinka laga doonayo”. Saameynta ka dhalan karto arrinta ayaa la sheegay inay taaban karto madaxda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha haddii uu damco inuu tago Mareykanka, maadaama uu heysto dhalasha Mareykan ah. “Qofka haddii uu dal kale ka hayo jagada madaxweynaha ama wasiirka arrimaha dibedda, waxay saameyn ku yeelan doontaa xasaanadda uu Maraykanka siiyo dadka haysto labada dhalasho.”Ayey sii raacisay dowladda Mareykanka. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii sano ee uu hayay xilka waxa uu ka baaqsaday in uu tago Mareykanka, waxaana jira dad ku doodaya in haddii madaxweynaha uu tago Mareykanka ay dhici karto in loo qaabilo si ka duwan madaxweyne qaran, maadaama wali uu haysto baasaboorka Mareykanka. “Saameynta ka dhalan karta way cadahay, tusaale ahaana madaxweynaha Soomaaliya waa nin Mareykanka oo dhalashda dalkaas heysta, isaga ma ahan qof la taliye ama shaqo kale haya, wuxuu noqonaya qof isu soo sharraxay xil siyaasadeed, ku guuleystay, kuna dhaartay in madaxweyne dal kale yahay, madaxweynaha xasaanad diblomaasiyadeed ma yeelan karo, haddii uu tago Mareykanka dacwad ayaa lagu soo oogi karaa, muwaaddiniinta Mareykankana maxkamad ayay soo taagi karaan madaxweynaha Soomaaliya oo haddii lagu helana la xidhi karo”. Sidaas waxaa BBC-da u sheegay Ciid Badal oo ah diblomaasi hore. Source
  19. (SLT-Burco)-Ciidanka amniga magaaladda Burco ayaa xalay xabsiga u taxaabay wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo mudaba la raadinayey. Sida wararku sheegayaan waaranka qabashada wariye Coldoona ayaa diyaar ahaa,isla markaana waxa lagu qabtay magaaladda, inkastoo isku dayey inuu ciidanka ka baxsado ugu dambayn waa la qabtay. Coldoon ayaa marar badan sheegay in lala maagan yahay in la xidho, waxaanu waayadii u dambeeyey ku sugnaa deegaana Soomaalida Itoobiya oo uu cabsi awgeed halkaasi u joogay. Sida wararka aanu ka helayno ciidanka amniga ayaa sheegaya inuu baryahan dambe hadal iyo qoraal ka dhan ah xukuumada ku weerari jirey, isla markaana bartiisa baraha bulshada uu ku leeyahay ku qori jirey taliska Muuse Biixi, taas oo xukuumaduna ay dhibsatay sababna u ah xadhigiisa sida ilo wareedka ka helayo xukuumaddu sheegayaan. Source
  20. (SLT-Washington)-Ivanka Trump ayaa xaqiijisay in ay diiday qabashada xilka madaxa bangiga aduunka ka dib markii uu aabaheed u soo bandhigay. Toddobaadkii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii Donald Trump uu u sheegay wargayska The Atlantic in uu gabadhiisa waydiiyay inay doonayso xilka ugu sareeya ee Bangiga aduunka “sababtoo ah waxa ay ku wanaagsan tahay xisaabta “.ayuu yidhi. Markii la waydiiyay ayaa waxa uu sheegay madaxwayne Trump in ay u sheegtay”in ay ku faraxsan tahay shaqada ay imika hayso ee la taliyaha aqalka cad. Ivanka Trump ayaa ku lug lahayd soo xulista madaxa bangiga aduunka oo loo soo xulay dhaqaalayahanka u dhashay Mareykanka David Malpass. Mrs Ivanka oo la hadashay wakaalada wararka ee AP xilli ay safar ku joogtay Ivory Coast, ayaa waxay sheegtay in aabaheed uu u soo bandhigay shaqadaasi “uuna su’aal ahaan u waydiiyay “, balse ay diiday codsigaasi. Waxa ay intaa ku dartay in Mr Malpass uu qaban karo “shaqo wanaagsan”. Mar wax laga waydiiyay in madaxwaynaha uu u soo bandhigay shaqooyiin kale oo muhim ah waxa ay ku jawaabtay “taasi waa mid sir ah oo inaga dhaxeysa aniga iyo isaga. Wareysigii ugu dambeeyay ee uu bixiyay Mr Trump ayuu ku sheegay in dhowr xil oo muhim ah oo uu ka mid yahay xilka danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay uu la damcay gabadhiisa sababtoo ah buu yiri “waxaan rumaysanahay in ay leedahay dublamaasiyad dabiici ah”. Balse waxa uu sheegay in looga digay in uu soo magacaabo sababtoo ah”waxay igu dhaheen waa eex, iyada oo aysan jirin wax eex ah”.. Ivanka Trump ayaa imika booqasho ku maraysa qaar ka mid ah dalalka qaarada Afrika halkaasi oo ay u ololeynayso hormarinta dumarka. Source
  21. Tan iyo shalay waxaa Muqdisho ka socdey Abaabulo iska soo horjeeda oo lagu Abaabulayay Mudaharaad iyo Ciidamadii ka hortagi lahaa Mudaharaadka. Goor dhaweyd waxaa bilowdey [...] Source
  22. (SLT-Birmingham)-Maxkamadda magaalada Brimingham ee dalkaasi waxaa la soo taagay Eedeysane lagu magacaabo Abul Khaya, kaasi oo loo haysto dilkii Marxuum la oran jirey Bile Siyaad. Eedeysanaha oo 41 jir ah ayaa la sheegay inuu Tooreey la dhacay Marxumka bishii November 3-dii ee sannadkii hore, kadib markii uu dhex maray muran Lacageed oo dhamaa 50 Giniga Ingiriiska ee Pound Marxumka ayaa la sheegay in Tooreey looga dhuftay Madaxa, isla markaana uu markii dambe uu u geeriyooday dhaawacii la gaarsiiyey. Garsooraha Maxkamadda Birimingham Crown Court, Robert Price ayaa ku dhawaaqay in Eedeysanaha dilka geystay lagu xukumay Xabsi Daa’in, waxaana laga yaabaa in la sii daayo, kadib marka uu dhamaysto xabsi gaaraya 22 sanno iyo 6 bilood Source
  23. (SLT-Berlin)-Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintay ka dib markii gaadhi Bas ah oo siday uu shil galay. Baska oo siday dalxiisayaal u dhashay dalka Jarmalka ayaa ku rogmaday Madeira. 27 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka oo ka dhacay meel u dhaw magaalada Caniço. Darawalkii waday gaadhiga Baska ayaa la sheegay in uu koontaroolku ka lumay ka dib na uu waddada ka baxay. “Ma hayo erayo aan ku cabiro waxa dhacay,ma qiyaasi karo dhibaatada dadkan soo gaartay,” waxaa sidaasi sheegay duqa deegaankaasi Filipe Sousa. Dhamaan dalxiisayaashii saarnaa gaadhiga Baska ah ayaa u dhashay dalka Jarmalka, balse waxaa ka mid noqon kara dad maxali ah. 11 ka mid dadkii ku dhintay shilkaasi ayaa ahaa rag halka 17 ay dumar ahaayeen. Baska ayaa la sheegay in uu siday 55 qof, darawalkii iyo dadkii hagayay dalxiisayaasha. Goobta uu shilka ka dhacay ayaa la xiray islamarkana dhaawacyada ayaa isbataalada loo qaaday. Source
  24. (SLT-Khartoum)-Golaha Millatariga ee haya Talada dalkaasi waxay xidheen 2 nin oo la dhashay Madaxweynihii tallada laga qaaday ee Cumar Xasan Albashiir. Afhayeenka Golahaasi, Shamsudiin Kabashi ayaa sheegay in la xidhay Cabdillaahi Xasan Albashiir iyo Cabaas Xasan Albashiir, iyadoo ay socdaan hawlgalo lagu soo qabanayo Hoggaamiyayaasha iyo dadka aadka ugu dhawaa Dowladii Albashiir. Tallaabadan ayaa timid, iyadoo ilo-wareedyo sheegeen in Cumar Xasan Albashiir loo gudbiyey Xabsiga Kobar ee ku yaalla Waqooyiga magaalladda Khartuum. Dhinaca kale, Ururka Mucaaradka ee Xirfadleyda Suudaan ee SPA ee abaabulay Dibadbaxyada ka dhaca dalkaasi waxay ku baaqeen in la dhigo Dibadbaxyo si Golaha Milliteriga loogu cadaadiyo inay Talada dalka ku wareejiyaan Dowlad Rayid ah. Dowladaha Reer Galbeedka waxay taageereen Codsiga Dibadbaxyadda ee Dowlad Rayid ah, haalka Ururka Midowga Afrika ay muddo 15 maalmood u qabteen Golaha haya talada Suudaan inay xilka ku wareejiyaan Dowlad Rayid ah. Source
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladdii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi oo kamid ah siyaasiyiinta taageera dowladda Soomaaliya ayaa si cajiib ah kaga hadlay qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho. Cali Maxamed Geedi,ayaa sheegay in Al Shabaab ay kaliya ka dambeeyaan qaraxyada ismiidaaminta ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho, balse waxii kasoo haraa inay yihiin kuwo dad kale ay abaabulaan. Wuxuu sidoo kale sheegay in qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ay wajiyo badan yihiin, isagoo taasi kala jeeday in Al Shabaab kaliya aysan ka dambeyn dilalka iyo qaraxyada ka dhacayay Muqdisho. Waxaa uu Cali Geeddi sheegay in weerarradaas aysan kaliya ka dambeyn Al-shabaab sidoo kalena ay ku lug leeyihiin dad dano gaar ah leh oo ka horjeeda dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Al-shabaab lagu yaqaanno weerarrada ismiidaaminta ah maaddaama ay iyagu dhimasha uun u soo baxaan, laakiin gaadiidka la dhigo goobaha ganacsiga ayuu sheegay in dano kale laga leeyahay. Waxaa kale oo uu sheegay in qaraxyada ka dhaca Muqdisho ee ka dhasha qaraxyada lagu xiro Gawaarida gaarka loo leeyahay ay ka dambeeyaan dano siyaasadeed oo aysan Al-shabaab shaqo ku lahayn. Hadalka Cali Geedi ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay labo qaraxyo ay ka dhaceen magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com