Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dharkenley (SMN) -Kooxo hugeysan ayaa maanta Qof shacab ahaa ku dilay xaafadda Xoosh degmada Dharkenley ee gobollka Banadir. Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Erdhow, iyadoona raggii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta isaga baxsadeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuumka uuu ka mid ahaa Ergadii wax ka soo dooratay Xildhibaanada BFS ee ka soo jeed Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ciidamadda ammaanka oo gaaray meesha ay wax ka dhaceen ayaa baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Waa dilkii 2-aad oo 24 saac gudahood ka dhacaya Dharkenley, iyadoona xalay degmadaasi lagu dilay nin lagu magacabi jiray Maxamed Cali Nuur. View the full article
  2. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa markii u horaysay ka hadlay mawqifkiisa khilaafka soo kala dhexgalay ganacsade Axmed Geelle Arab iyo dawladda Jabuuti iyo sidii xukuumadda Somaliland uga falcelisay waxaanu dhalliilay sidii xukuumaddu uga dareen celisay. Dr Waxa uu yidhi “Xisbigu dee ashkhaas maaha ee waa xisbi, arrinta Axmed Cismaan Geellena waxaan kala mawqif ahay tii xisbiga. Arrinta xisbigu wuu ka hadlay mawqifka uu xisbigu jeediyayna 100% waan taageersanahay waayo xisbigaan ka mid ahay anigu kolba cidda joogtana metelaysa xisbiga,” ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro. Waxa uu intaasi raaciyay in xukuumaddu sidii ugu foosha xumayd u maamushay arrinta ganacsade Ina Geelle Arab “Xukuumaddu sidii ugu foosha xumayd bay arrinta u maamushay. Waxa looga baahna si caddaalad ah in ay u maamusho oo muwaadiniinteeda iyo cidda aan muwaadiniinta ahaynba loo xaqsooro. Sida aan ka dhegaysanayay qalabka warbaahinta Axmed Cismaan Geelle $20 Milyan baa loo sheeganayay oo ma dafirin ee wuxuu yidhi waa nalagu leeyahay isna waxa ka maqan $128 milyan xilkeedu in loo soo celiyo Axmed Cismaan Geelle lacagtaas xukuumaddu saaran yahay waayo dastuurku wuxuu qoraya muwaadinka nabadgalyadiisa iyo xoolihiisaba waxa ka masuul ah oo xil ka saaran yahay Xukumadda hase ahaatee xukuumaddu mawqifka ay ka qaadatay waad ogaydeen oo waxayba ku sheegeen tuug imikana odayaal baa arrinta ku jira waanan ku taageersanahay waxaan rajaynaya odayaashaasi in ay xal ka gaadhaan arrintaas,” ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro. Source
  3. Nairobi (SMN) – Saraakiisha Kenya ayaa ballan qaaday in tallaabo adag oo ay ka qaadi doonaan xubnaha ka tirsan dadweynaha ee taageerada siiya dagaalyahannada Al Shabaab ee weerarada ka fuliya deegaanada ku yaalla xuduuda. Maxamed Birik, oo ah guddoomiyaha gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa sheegay in shakhsiyaadka lagu helo in ay siiyaan taageero Al Shabaab ay la kulmi doonaan xabsi iyo ganaax. Birik wuxuu shaaca ka qaaday in saraakiisha ammaanka ee ku sugan Keynta Boni ay qabteen raashiin iyo saanad kale oo loo waday Al Shabaab. Sarkaal ka tirsan xukuumadda ayaa sheegay in ciidamada dalka Kenya ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan weerarro argagixiso oo la doonayay in dalkaasi laga fuliyo, kuwaas oo uu sheegay in laga soo abaabulay gudaha Soomaaliya. Waxa uu ku booriyay xubnaha dadweynaha in ay sameeyaan feejignaan sare oo ay soo sheegaan wixii ay ka shaakiyaan iyo qofkii iyaga dhexdooda ka maleegaya weerar. Xukuumadda Kenya ayaa waxay tan iyo sanadkii hore ka qortay gobolka Waqooyi Bari Ciidamo Boolis ah, si ay uga kortagaan weerarada uga yimaada dhinaca Soomaaliya. View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shir jaraa’id oo suxufiyiintu si furan su’aalo ugu waydiiyeen ku qabtay xafiiskiisa waxaanu kaga hadlay arrimaha doorashooyinka, dhibaatooyinka bulshada Sicir Bararka iyo hoos u dhaca doollarka, tacadiyada xukuumaddu ku hayso bulshada iyo arrimo kale. Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa uu gaashaanka u daruuray dadaallada labada xisbi ee Kulmiye iyo UCID ku doonayaan in ay qabtaan doorasho xisbiga WADDANI ka maqan yahay waxaanu wasiirka arrimaha gudaha ku eedeeyay in uu dabada ka riixayo arrin halis ku ah ammaanka Somaliland iyo wada jirka Umadda. “Waxa la yaab leh in ninka (Wasiirka arrimaha gudaha) leh doorasho laba xisbi ah baan Somaliland ka qabanaya ee qoriga dabka leh kula wareegaya ee maalin ba doonaya in uu meel ku dhejiya uu yahay wasiirkii ka masuulka ahaa amniga Qaranka. Arrintaasi sharcina maaha caqlina maaha sinabana ugama suuro geli karto Somaliland. Shacbigu waa yaabban yahay Beesha Caalamkuna way yaabban tahay. Waxaanu ka digayna arrintaas sii wadideeda. Waxa ka war qabtaan in labada xisbi Komishanka ku meeraysanayaan, in Komishankii madaxweynuhu u yeedhayaan, in ay baarlamaanka u tagayaan, arrintaasi waanu ka degayna waxaanu u aragna in ay tahay dab Somaliland lagu dhejinayo,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro. Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa uu sheegay in madaxweynuhu doortay in uu qayb ka mid ah bulshada madaxweyne u noqday “Waxa la yaab leh in Madaxweynihii aynu Qarankan u dooranay in uu hoggaamiyo oo dalka mideeyo uu ka door biday in uu bulshada qayb ka mid ah madaxweyne u noqdo. Haddii madaxweynihii Qaranku in uu Qarankan madaxweyne u noqdo ka door biday in uu Kulmiye iyo UCID madaxweyne u noqdo dalka intiisa kale madaxweyne la’aan mayso. Haddii Madaxweynuhu ka door biday oo ay waajibkiisa ahayd in uu dalkan doorasho Qaran u qabto oo axsaabtu u siman tahay oo uu go’aansaday in uu Kulmiye iyo UCID doorasho u qabto inta kalena doorasho la’aan mayso,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro Waxa kale oo uu farriin u diray bulshada Somaliland iyo Taageerayaasha xisbiga “Waxaan u sheegaya shacbiga iyo umadda reer Somaliland in haddii xukuumaddii iyo labadii xisbi yidhaahdeen shacbiga kala badh baanu ka tashanayna in aanay inta kalena talo la’aan doonin. Waxaan u sheegaya oo aan faraya dhammaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, haddii ay joogaan gobol, haddii ay joogaan degmo in aanay marnaba aqbalin diwaangelin iyo doorasho laba xisbi wataan, farriintaas ayaan gaadhsiinaya dhammaan taageerayaasha WADDANI,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Qoryooley (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay Ciidamada dowladda iyo kuwa Cadaan ah ay ku qaadeen deegaanka Doonburaale oo qiyaastii 20 KM dhinaca koonfureed ka xiga degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose. Ciidamada huwanta oo watay diyaarado dagaal ayaa la sheegay in ku taateen gudaha deegaankaasi oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Ciidamadu ay gubeen Maqaaxi ku taalla halkaasi, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen Milkilihii goobtaasi ganacsi. Sidoo kale Ciidamada aya dab qabad siiyay illaa saddex Mooto oo la sheegay in ay lahaayeen dad dacwad sugayaal ah oo ku sugnaa xarumo Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Doonburaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamadani ay horay u soo kaxeysteen nin Al Shabaab ugu xirnaa deegaankaasi. Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkan, waxaana la Sheegay in Al Shabaab ay si nabdoon u baneeyeen halkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo Milatari laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Sooomaaliya. View the full article
  6. Burco:(SL-)Cuqaasha Iyo Waxgaradka Degmada Qoryaale Oo Sida Fiinta Uga Qayliyay Gudi Beeleed Faro Galin Ku Haysa Maamulka Degmadaasi Source
  7. Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta dib ugu soo laabtay Magaalada Gaalkacyo kadib safar qaatay mudo oo ugu maqnaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Madaxweynaha Galmudug oo ka warbixiyay safarkiisa ayaa sheegay in uu Magaalada Nairobi uu kula kulmay madaxda beesha caalamka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood waxa uu sheegay in ay isla garteen madaxda beesha caalamka in Galmudug la siiyo taageero buuxda hadii aay ahaan laheed dhanka dhaqaalaha iyo amnigaba sida uu sheegay Madaxweyne Xaaf. Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sidoo kale Madaxda Dowlada Federaalka ugu baaqay in aay dadka iyo dadka u naxaan waxa uu sheegay in dhawaan shir Garoowe lagu qaban doono ayna ka qeyb gali doonaan waxa uu intaas ku daray in dalku uu u baahanyahay badbaado waxa uu alle uga baryay umada soomaaliyeed in ilaah roob siiyo madaama dalka ay abaar ba’ani ka jirto. Dhawaan ayey aheyd markii Maamul Goboleedyada ay Beesha caalamka la qaateen kulamo xasaasi ah oo isugu jiray kuwo guud iyo mid gaar oo la xiriira taageerada Beesha Caalamka, siyaasadda iyo khilaafka xilligan ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hakad geliyay wada shaqeyntii labada dhinac. Ilo wareedyo muhiim ah oo ku sugan Nairobi ayaa xaqiijiyay in Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay kala hadleen Wakiilada Beesha Caalamka labo qodob oo kala ah. In macaamil gaar ah lala yeesho maamul goboleedyada, halkii taageerada loo soo marsiin lahaa dowladda Federaalka iyo in la sameeyo Road Map doorasho, maadaama ay sheegeen in aysan Xukuumadda weli diyaarin nooca doorashada. Waxaa kaloo Madaxda Maamul Goboleedyada ee ku sugan Nairobi u caddeeyeen Wakiilada Beesha Caalamka in aysan helin casuumaad kulankii la iclaamiyay ee dhici lahaa 19 April Shirka Amniga Qaranka, waxaana ay tilmaameen in ujeedadu aheyd in Ra’iisul Wasaaraha la shir tago Mareykanka in xiriirka maamulada iyo dowladda dhexe uu wanaagsan yahay. Dowladda Federaalka ayaa laga sugayaa in ugu dambeyn bisha June soo bandhigto hannaanka doorashada Soomaaliya, iyadoo la sheegayo in dowladdu ay qorsheyneyso muddo kororsi. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Shirgudoonka labada gole baarlamaan ee Wakiilada iyo Guurtida ayaa waxaa ay kulan deg deg maalinta Khamiista ah isku yeedheen xildhibaanada labadaasi aqal Halkan hoose ka akhriso: Source
  9. Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ku jees jeesay Boqorka Sacuudiga Salman, waxaana arrintaan si weyn looga hadal hayaa Baraha Bulshada. Donald Trump ayaa sheegay inuu Shan Boqol oo Milyan oo si aan dhib laheyn uga qaatay Boqorka Sacuudiga kadib markii uu u diray Taleefoon. Trump ayaa Boqorka Sacuudiga qadka Taleefoonka uga sheegay inay Mareykanka sanad kasta ku bixiyaan ilaalinta Sacuudiga illaa 4.5 bilyan oo doolar hadda wixii ka dambeeyana uusan sii wadi karin. Trump oo ka hadlayay isu soo baxa hal ku dhigiisu yahay “Make America Great Again” ayaa sheegay in Sacuudiga ay yihiin xulafo wanaagsan oo dhaqaale badan soo geliyay shirkadaha Mareykanka, isagoo sheegay inuusan marnaba xiriirka u jarin doonin dalkaas. Wuxuu sheegay inay jiraan dad badan oo Mareykanka kula talinayo in xiriirka loo jaro balse wuxuu Trump sheegay inay Sacuudiga tahay Saaxiib lacag badan leh oo aan xiriirka loo jari karin. “Waxa kaliya ee ay heystaan waa lacag caddaan ah, waxay naga iibsadaan waxyaaba badan, horayna waxay nooga iibsadeen 450 bilyan oo doolar”, sidaas waxa yiri Donald Trump. Trump oo ka sheekeenayo wixii dhex maray isaga iyo Boqorka Sacuudiga ayaa yiri: ” Boqor Salmaan waxaa ku iri 4.5 Bilyan oo lacagta Mareykanka ah ayaa sanad kasta kugu ilaalinaa, taas masii wadi karno wixii hadda ka dambeeyo, sababatoo ah waa waali, markaan sidaas iri Boqor Salman wuu xanaaqay, wuxuu igu yiri sidaan cadaalad maahan, anigana waxaa ugu jawaabay waa caddaalad, hadaladaas kulul kadib wuxuu Boqorka igu yiri waxaan ku siinayaa 500 oo Milyan oo Dollar, waxaana ugu jawaabay lacagtaas way yar tahay waxaan u baahanay intaas ka badan” ayuu yiri Trump oo u khudbeenayey dadweyne farabadan. Trump oo u muuqday inuu ku faanayo lacagta tirada badan ee uu ka helay Sacuudiga ayaa sheegay inay ugu dambeyntii isaga iyo Boqorka heshiiyeen uuna ka qaatay lacagtii Shanta Boqol ee Malyan aheyd. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay inay Sacuudiga ka qaadi karaan lacag intaas ka badan maadaama uu sheegay inuu intaas oo lacag ah oo kaga helay hal wicitaan oo kaliya haddii uu Cadaadis saarana uu ka heli karo lacag xad dhaaf ah. Trump ayaa tan iyo markii uu xilka Madaxweynimo ee Mareykanka qabtay wuxuu caadi ka dhigtay inuu ceebeysto Madaxda Dalka Sacuudiga oo iyaga ah kuwa ka dambeeyo reer Galbeedka iyo Dowladaha waaweyn ee aan Islaamka aheyn halka kuwa Islaamka ahna ay cadaadis xoog leh saaraan. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
  10. Madaxweynaha Somaliland ayaa ka tacsiyeeyey labadii askari ee lagu dilay gobolka Sanaag, arrintan ayaa timid kadib markii 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada asluubta lagu dilay Bancade. Saraakiisha la dilay ayaa kala ah: 1 Gaashaanle sare Cabdullaahi Axmed Tahllan oo taliyihii saldhiga Gar-ad ee ciidanka Asluunta 2 Labo Xidigle Nuur Ow Cali Nuux oo ah taliye ku xigeenkii saldhiga deegaanka Gar-ad ee gobalka Sanaag. Labadan taliye ayaa wararku sheegayaan in la diilay ayagoo deegaanka si dhuumaalaysi ah uga baxsanaya, ka dib markii Mudaaharaad ciidanka looga soo hor jeedo uu ka dhacay deegaanka ka dib markii qof deegaanka ah uu dhintay xabsiga. Labada taliye ayaana sheegaya in dileen ciidamo maleeshiyo beeleed ah kuwaas oo ku dilay inta u dhaxaysa deegaanka Bancade. Goobjoog.News Source: goobjoog.com
  11. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa goordhoweyd oo maanta ah ka hadlay dilkii shalay loo geystay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Somaliland. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay xaalka doorashooyinka Somaliland, isagoona dhaliilay hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi. Ciro oo goordhoweyd warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa xisbiga Waddani ayaa ka dhawaajiyey in madaxweyne Muuse Biixi uu ku guul-dareystay inuu si hufan u wada hogaamiyo shacabka reer Somaliland, wuxuuna yiri: “Xukuumada kulmiye waxa ay ku mashquulsantahay dhul-boob iyo kala qaybinta bulshada, meeqaamkii Dawladnimo hoos buu u dhacay waxaynu weynay dalal badan oo Somaliland saaxiib dhaw la’aheyd, taasina waxa sababay dawladihii kala dambeeyay ee Kulmiye. Dalka waxa ka jira Sixir barar-baahsan oo ay sababtay Sarifka oo hoos u dhacay iyo maceeshada oo halkeediiya qofkastaana wuxuu waayay 20% boqolkii doolarba”. Wuxuuna intaas kusii daray “Madaxweynihii aynu u dooranay in qarankan hoggaamiyo wuxuu doorbiday in uu qayb kamida hoggaamiyo, oo uu doortay Kulmiye iyo Ucid uu madaxweyne u noqdo, Dadka inta kalena ma madaxweyne la’aanayaan. Haddii uu go’aansaday Madaxweyne Muuse in uu laba xisbi Doorasho u qabtay anaguna ma doorasha la’aan doono, dhamaan taageerayaasha xisbiga Waddani waxaan ugu baaqayaa in aanay qaadan kaadh Diwaangalineed oo Kulmiye iyo Ucid wadaan”. “Cabudhinta saxaafada waxa ka dhalan doono kacdoon shacbi, socona mayso in kolba mid la xidho loona hanjabo waxaana hadda Albaabada loolaabay Joornaalkii Foore”. “Intaan la gaadhin wadahadalada Somaliya iyo Somaliland waxa ka horaysa in aynu gudaheena hagaajino, waxa ka horaysa in aynu dhisno shuruucda dalkan, waxa ka horaysa in aynu shacabka midayno galnana doorasho loo dhanyahay” ayuu yiri Guddoomiye Ciro. Ugu dambeyntiina Guddoomiye Ciro waxa uu ka tacsiyadeeyay Saraakiishii lagu dilay Gobolka Sanaag “Waxaan tacsi u dirayaa marka hore labadii sarkaal ee shalay danbiilayaashu ku dileen deeganka Gar Adag. Lakiin waxaan ka xumahay in saraakiishaas la dilay muddo 5 cisho ah ay gurmad ka dalbanayeen wasiir Maxamed Kaahin oo ku mashquul sanaa qabashada Doorasho laba xisbi ah”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  12. Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Puntland ayaa ku dhawaaqday fasax maalin ah, iyadoo lagu weynaynayo maalinta shaqaalaha aduunka oo ku beeganka kowda bisha May. Warqad xafiiska [...] Source
  13. Maxkamada gobolka Banaadir ayaa goordhow xukun dil ah ku riday saddex eedeysane oo loo heysto in ay dileen kadibna gubeen Axmad Mukhtar Saalax (Axmad Dowlo). Eedeysanayaasha dilka lagu xukumay ayaa kala ah: Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed, waxaa sidoo kale ay amartay in la sii daayo 4 kale. Guddoomiyaha Maxkamada ayaa sidoo kale sheegay in xukunka uu racfaan u furanyahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukunno dil ah ku ridday saddex ka mid ah dadkii ku eedeysnaa dilkii marxuum Axmed Dowlo loogu geystay Muqdisho sannadkii lasoo dhaafay, iyadoo maxkamaddu ay fasaxday afar ruux oo kale oo iyaguna ku eedeysnaa dilkan. Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax [Dowlo] ayaa la dilay 20-kii September 2018-kii, kaddib markii ay garaash uu ku laahaa degmada Yaaqshiid ay ku weerareen ehellada gabar uu guursaday wiil uu adeer u yahay, iyadoo loo qab-qabatay dilkii toddoba ruux, kuwasoo saddex ka mid ah lagu xukumay dil toogasho. Dabiilayaasha la xukumay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin; Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed C/lle iyo Aweys Iidow Maxamed, iyadoo goobta laga sheegay inuu u furan yahay rafcaan ay xukunkood ka qaataan muddo bil gudaheeed ah. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Muuse Macallin Maxamed oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in afar eedeysane oo kale iyaga lagu waayay dambiyadii lagu soo oogay , isagoo amar ku bixiyay in dib loogu soo celiyo xorriyadooda. Sidoo kale, Xukunka eedeysanayaashan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay xabsiyada dalka ku jiraan dad badan oo xukunno dil ah ku xukuman, kuwaas oo aan weli xukunnada lagu fulin, waxaana dadkan ku jira askar dilal kala duwan u geystay dad shacab ah iyo askar kale. Dowladda Federaalka ah ee uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa lagu eedeeyaa in aysan fulin xukunnada dilka ah ee ay maxkamadaha dalku ridaan, waxaana taas loo aaneynayaa cadaadiyo kaga imaanaya dalal caalamka ah oo kasoo horjeeda xukunnada dilka toogasho ah. Ugu dambeyn, Dacwadda la xiriirta dilka Marxuum Axmed Dowlo ayaa soo jiitamaysay muddo sanad ku dhaw, iyadoo dhawr jeer ay maxkamada Gobolka Banaadir dib u celisay dacwadda si loogu helo xaqiiqooyin lagu kalsoonaan karo. PUNTLAND POST The post Maxkamad xukuntay Dadkii lagu soo eedeeyay Dilkii iyo Gubiddii Marxuum Axmed Dowlo appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (SMN) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay saddex qof oo loo heysto dilkii arxan darrada ahaa ee loo geystay Allaha U naxariistee Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo). Saddexda qof ee la xukumay ayaa kala ah Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed. Sidoo kale maxakamdda ayaa sii deysay illaa afar eedeysane, kadib markii ay sheegtay in lagu waayay wax dambi ah. Muuse Macalin Maxamed Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xukunkan uu racfaan ka furan yahay. Kiiska dilka ah ee Marxuum Axmed Dowlo ayaa 20/09/2018-kii ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho. View the full article
  16. Heavily armed Al-Shabaab militants have launched a daring attack against a military base manned by Jubbaland state forces in a town near Somalia’s porous border with Kenya. Local residents said the attack in Dhoobley town began with bomb blast followed by gunfight erupted between the attackers and the regional troops which lasted for several minutes. At least one Jubbaland state soldier was confirmed dead while six others sustained injures in battle, according to the villagers, who spoke to Radio Shabelle by phone condition of anonymity. Those wounded in the attack include the commander of state forces in Tabta area, which is a border town that has been beset by continued raids from Al-Shabaab in the past. The local troops carried out a massive sweep operation on Tuesday morning in response to the overnight assault and rounded up several people suspected to be Al-Shabaab sympathizers. View the full article
  17. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa goordhow xukun dil ah ku ridday Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed oo dil iyo gubis degmada Yaaqahiid ugu geystay 20/09/2018, Axmed Mukhtaar Saalax ( Dowlo). Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macallin Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunkaasi lagu riday eedeeysanayaashaasi. Gudoomiyaha ayaa sheegay in racfaan uu u furanyahay dadkaasi xukunka lagu riday. Puntland Post The post xukun dil ah oo lagu riday dad dil iyo gubid isugu daray marxuum Axmed dowlo appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga kiiskii Dilka ahaa ee bishii September ee sanadkii hore 2018 loogu geystay degmada Yaaqshiid Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo). Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed oo Dil degmada Yaaqahiid ee Gobolka Banaadir ugu geystay 20/09/2018, Axmed Mukhtaar Saalax ( Dowlo) ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay ku riday xukun dil Toogasho ah. Eedeysanayaasha lagu xukumay dilka ayaa waxay kala yihiin Xuseen Iidow Maxamed, Asli Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed. Sidoo kale Maxkamadda ayaa sii deysay afar qof oo kale oo iyaguna ku eedeysnaa Falka dilka ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macallin Maxamed,isla markaana sheegay in xukunka uu racfaan ka furan yahay. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macalin ayaa sheegay in xukunkan uu racfaan ka furan yahay. Dhacdadii dilka aheyd ee bishii September ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa aheyd midii ugu hadal heynta badan, iyadoo bulshada si adag uga fal celisay, markii ninka la dilay Axmed Dowlo uu u guuriyay wiil uu adeer u yahay gabar, waxaana muranka ka dhashay guurkaas uu sababay in Axmed Dowlo loo dilo arrimo ku saabsan heyb sooc. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin dheer ka qoray musuq maasuq iyo eedeymo cusub oo uu u jeedinayo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Warbixinta ayuu kaga hadlay Qoraalkii kasoo baxay Hanti dhowrka Qaranka iyo hanaanka aan wanaagsaneyn ee loo qaado Canshuurta laga qaado shacabka Muqdisho. Waxaana Qoraalka Xildhibaanka uu u qornaa Sidan:- BADWAYNTA MAAMUL-XUMADA & WAX ISDABAMARINTA EE UU DHEX-DABAALANAYO GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BENAADIR! GUDDOOMIYE CABDIRAXMAAN YARIISOW XAQ MA U LEEYAHAY IN UU SIDAAN UGU TAKRIFALO CANSHUURTA & DHAQAALAHA MUQDISHO LAGA URUURIYO, HADDANA UU DIIDO IN LA XISAABIYO?! Dadka caasimadda ku nool iyo kuwo booqashada ku yimaadaba waxey is -weydiiyaan su’aalo waa weyn: Maxaa ka qaldan caasimada Muqdisho? Maxaa magaalada Muqdisho oo ah caasimadii dalka ka dhigay magaalo qashin qub u eg, wadooyinkeedu ay habeenkii yihiin mugdi, qaarkoodna ay weli burbursan yihiin, caruurta da’da waxbarashada gaartay ee danyarta ah ee ku nool magaaladan aysan 80% haysan iskuullo ay waxbarasho u tagaan, sidoo kale ma lahan Muqdisho isbitaallo maamulka gobolku uu gacanta ku hayo oo adeegyo caafimaad u fidiya hooyada iyo dhallaanka, dhallinyarada reer Muqdisho waa kuwo aan shaqo heysan hadana maalin kasta uu Guddoomiye Yariisow ka sheego xafladaha lagu baabi’iyo canshuurta dadka in uu shaqo siinayo dhallinyarada, Muqdisho waa magaalo deris la ah qaraxyo iyo Khasaare joogto ah oo ka dhasha qaraxyadaas. Dadkeedu ma helaan biyo nadiif ah iyo koronto raqiis ah, ayadoo intaas ay dheer tahay in dadka Muqdisho laga qaado canshuuro aan sal sharci ah lahayn oo Baarlamaanka Soomaaliyeed meel mariyey. Haddaba su’aasha sharcigaa waa xagee lagu bixiyey malaayiinta doollar ee uu maamulo guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane C/raxmaan yariisow? Jawaabahaas iyo kuwo kale oo madaxa daalinaya waxaa bixinaya xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka. Dokumintiyada Lifaaqa ah ee xafiiska hanti-dhowrka qaranka ka soo baxey 17/11/2018, waa baaris dastuuri ah oo uu sameeyey xafiiska hanti-dhowrka guud ee qaranka lixdii bilood ee u horeysay sannadkii 2018 (Jan – June 2018), waxaa la baaray qeybaha dawladda hoose ay ka kooban tahay sida: Dakhliga, Miisaaniyadda, Kharashaadka, Habka iibka, Shaqaalaha, Qaab-dhismeedka, Heshiisyada Mashaariicda & Habtida Guurtada iyo Maguurtada. Natiijadii baarista xafiiska hantidhowrka waxaa lagu ogaaday: 1. Canshuur kooxihii uruurinayey ay sii canshuurayaan ayagoo inta anaay xarayn ka hor khidmad ka sii goosanaya, sida ku cad page1, taasoo xadgudub ku ah sharci Lambar 317 ee soo baxey 17/12/1962. 2. In aysan dawladda hoose lahayn habraac tarriifo sharci ah, kuwa jirana ay yihiin kuwo gacan ku rimis ah, iyadoo ay la yaab lahayd in waaxda caafimaadka dawladda hoose ee Muqdisho ay tariifo la’aan dakhli iska qabato gaar ahaan maraakiibta raashinka iyo dadka loo sameeyo kaarka aqoonsiga. 3. Habka lacag qabashada Dawladda hoose waxaa lagu tilmaamay mid aad u liita, mana jiro nidaam guud oo loo maro lacag qabashada iyo keydinta dokumintiyada lagu qabtay dakhliga, taasoo baalmarsan sharciga maamulka iyo maaliyadda dalka Sharci Lambar 317 qodobkiisa 160-aad faqradiisan 2-aad. 4. In aysan dawladda hoose lahayn wax halbeeg ah oo lagu cabiro dakhliga sanadlaha ee soo gala, ayadoo aan looga soo uruurin cansuuraha si dheelitiran degmooyinka G. Banaadir, halka degmoooyinka qaar xoogga la saaro, kuwa kalena sidii la rabay aan looga soo uruurin. 5. In dawladda hoose aysan lahayn miisaaniyad sannadeed qorshaysan, saldhigna looga dhigay dakhliga guud ee dawladda hoose u soo xarooda, taasoo keentay in qaab jaantaa-rogan ah loo bixiyo kharashaadka. In ay jiraan hey’ado & shakhsiyaad ka baxsan dawladda hoose oo si joogto ah ah loo siiyo lacago ah canshuurtii shacabka Muqdisho laga qaaday!. 6. Muddo 6 bilood ah dawladda hoose waxey kharash-garaysay adduun gaaraya $16, 556.504.75 (Toban & lix malyan shan Boqol konton iyo lix kun iyo shan Boqol & afar, iyo sentiyaal). Kharashaadkaasi ma lahayn caddeymo ku filan isla markaana laguma samayn wax xisaabcelin ah. 7. Magaca khasniga guud waxaa bankiga dhexe looga soo bixiyey lacag gaaraysa $5,972,085.82 (Shan Malyan, sagaal Boqol & todobaatan iyo laba kun, iyo sideetan shan iyo sentiyaal) ayadoo aysan jirin wax caddaymo ah oo muujinaya in dadka la siinayey lacagahaas la gaarsiiyey!! iyadoo qaabka lacagahaan lagu bixiyo aysan ahayn kuwo la waafaqsan lana jaanqaadi kara hannaanka Maaliyadda ee dalka. 8. Habka iibka dawladda hoose in uu yahay mid aad u liita, qandaraasyada la siiyey shirkado hawlo u qabtay dawlladda hoosena aysan ahayn kuwo loo maray hab iib & tartan furan, arrinkaasoo dhiiragalinaya musuqa, naasnuujinta, maamul xumada & xatooyo xoolo dadweyne, kana soo horjeeddo sharci lambar 22 ee soo baxay 09/08/2016. 9. Shaqaalaha gobolka Banaadir oo gaaraya 1,585 shaqaale, waxaa gunnada ay qaataan qaarkood si aysan raalli ka ahayn oo qasab ah looga jaraa tan iyo 2014 lacago baad ah oo gaaraysa 30%, ayadoo xafiiska hantidhowrku uu ku tilmaamay sharcidarro. Dhanka kale waxaa jira dad loogu magac-daray la taliyaal qaata gunno kuwaasoo aan lahayn tixraac waajibaad iyo heshiis shaqo oo lala galay (eex & naasnuujin). 9. Waaxda kormeerka & Baarista dawladda Hoose ma ahan mid xooggan si hufanna u gudan karta waajibaadkii loo igmaday. 10. Dawladda hoose ma lahan Qaabdhismeed diyaarsan oo qoran kaasoo ka turjumaya baahida iyo shaqada baaxadda leh ee hortaalla, ayadoo keentay isku dhexyaac dhinaca shaqada ah. 11. Dawladda hoose waxey heshiiyo maxalli ah iyo kuwo caalami ah ay gashay sanadkii 2018, ayadoo aan lahayn xafiis qaabilsan heshiisyadaas, dhanka kalena aan 12. Heshiisyadaas laga soo diiwaangalin xafiiska Hantidhowrka guud ee qaranka taasoo xadgudub ku ah sharciga maamulka & maaliyadda Sharci lambar 2 ee soo baxay 27/12/1971 qodobkiisa 33-aad. 14. Dawladda hoose ma lahan hab wanaagsan oo lagu maamulo hantida guurtada ah & maguurtada, ayadoo keydkii & diiwaangalinta hantidu uusan ku jirin gacanta dawladda hoose. 15. Ayadoo dhaqaalo malaayiin ah uu soo galey dawladda hoose ayna muuqato in la bixin karo deymaha shaqada lagu galay ayaa haddana waxaa jirta deymo lagu leeyahay kuwaasoo kor u dhaafaya hal malyan dollar. Gabagabadii, canshuurtii G. Banaadir, Haddii dadkii bixiyey aan wax horumar ah loogu samyanin, dhallinyarada gobolkaan oo xaq u lahaa in lagu shaqaalaysiiyo ay shaqo la’aan yihiin, Guddoomiyaha Yariisow jileeciisa iyo guulwadayntiisa ay lacagahaasi noqdeen kuwa loo adeegsado burburinta dawlad goboleedyada, burburinta barlamaanka, ku masruufidda dad qaaqalayaal ah oo hoteelada Muqdisho deggan, xaflado tumasho ah, kooxo kumanaan gaaraya oo baraha bulshada laga shaqaalaysiiyey, fatwooyinka wadaado soo saaristeeda qaar lagu bixiyey, odoyaal iyo siyaasiyiin fashilmay mushaar aysan xaq u lahayn loogu qoray, iyo ceeb intaas ka badan. Illaa iyo qatigee ayuu gobolka Banaadir canshuurtiisu ay noqonaysaa mid aan adeegyadii awgood dadka looga qaaday aan lagu qaban? Guddoomiye Yariisow, haddii muddo lix bilood ah oo la xisaabshay uu sidaas u waji eg yahay, mudadii sanadka ahayd ee ka bilaabanaysay July 2018 illaa hadda waxaa la qiyaasi karaa in uu dhex-dabaalanayo badweyn fadeexooyin ah oo keenay in uu diido in la xisaabiyo, balse haddii uu ku adkaysto diidmadaas aan qiilka lahayn, oo xataa wasaaradda arrimaha guduhu ay amar ku siisay in uu u hogaansamo isla xisaabtanka, wadada kaliya ee furan waa in loo maxkamadeeyo ku takrifalka canshuurta dadka Muqdisho ama shacabka Muqdisho ay noqdaan kuwa maxkamadeeya Yariisowga dusha laga saaray? Madaxweyne Farmaajo ballanqaadkiisii ahaa la dagaalanka musuqmaasuqa ma wuxuu ku soo gabagaboobay in uu gabbaad siiyo in sidaan canshuurta Banaadir loogu takrifalo, isla markaana la diido isla xisaabtankii dastuuriga ahaa? Waxaa madaxweynaha laga sugayaa in uu baalka ka soo bixiyo Yariisow si loola xisaabtamo? G. Banaadir Mas’uuliyad weyn & Maal badan ayaa yaalla, lagumana hogaamin karo maskax yariis ah, guulwadeyn iyo waxqabad eber ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Madaxweyne Farmaajo iyo Raysla Wasaare Kheyre ayaa aqbalay casuumada shirkii wadatashiga ahaa ee uu gogashiisa fidiyay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, si xal looga [...] Source
  21. Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta oo Talaado ah lagu soo gaba-gabeynayaa Caasimadda Muqdisho Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay qaban-qaabisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maalgeliyayna Ururka Iskaashiga Islaamka. Shirkan oo shalay uu furay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Waxaa ka qeybgalay 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka OIC, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shalay hadalkiisa diiradda ku saarray dhex dhexaadnimada diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed ee ka beermay nabadda iyo deganaanshaha, isagoo tilmaamay in rabshadda, argagaxisada iyo isqarxinta aanay ahayn wax laga yaqaan Soomaaliya, balse ay tahay aragti wax burburin oo dibadda laga soo minguuriyay. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi oo isna shirkan ka hadlay ayaa sheegay in shir noocaan ah oo ku qabsooma Muqdisho ay tahay guul taariikheed oo dhiirrigelinaysa nabadda iyo dadaallada lagu doonayo in looga takhaluso rabshadda, xagjirnimada iyo argagaxisada. Wasiiru dowlaha Diinta iyo Awqaafta, Mudane Cabdishakuur Xasan Ashkir iyo Mudane Danjire Askar Mussinov oo ah Madaxa Wafdiga Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxa ay shirka ka jeediyeen laba khudbadood, iyadoo shirku galay dhowr fadhi oo furan oo toos looga baahiyay telefishannada iyo warbaahinta bulshada. Shirkan oo maanta la soo gaba-gabeynayo ayaa laga soo saari doono Qodobo ku aadan Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada taas oo Soomaaliya iyo Gobolka intiisa kalaba muhiim u ah. View the full article
  22. Dharkenley (SMN) – Wararka naga soo gaaraya degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay Qof rayid ahaa lagu dilay gudaha degmadaasi. Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Dabaqeenka, iyadoona ay geysteen kooxo ku hubeysnaa Bastoolado. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Nuur, kaas oo la sheegay in uu ahaa Farsamaqaan dhinaca Korontada. Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay Marxumkaasi. Raggii ka dambeeyay dilkani aya sidoo kale lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen. Mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan dhacdadaasi. View the full article
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Saacadihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka socday kulamo kala duwan oo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed uu la qaadanayay masuuliyiinta dowladda. Sheikh Shariif ayaa xalay la kulmay guddoonada baarlamaanka labada aqal ee dalka, waxaana kulamadaasi ay qeyb ka ahaayeen kulamo maalmahaan uu ka waday magaalada Muqdisho. Kulanka koowaad ayaa dhex maray guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka iyo madaxweyne Shariif Sheikh Axmed waxaana la sheegay in looga hadlayay sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya labada aqal. Kadib waxaa Shariif Sheikh Axmed uu la kulmay guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana kulamadiisa ku wehlinayay xubno ka tirsan xisbiga HIMILO Qaran. Sheikh Shariif ayaa shalay kulan la qaaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo kala hadlay arimaha amaanka iyo sidii loo wanaajin lahaa xiriirka xumaaday ee dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada. Wuxuu magaalada Muqdisho ka wadaa dadaalo ku aadan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka, waxaana uu sidoo kale qeyb ka yahay qorshaha hergelinta shirka la filayo inuu ka dhaco magaalada Garowe. Kulamada uu la qaatay xubnaha labada aqal ee baarlamaanka ayaa waxaa uu xal ugu raadinayaa khilaafka baarlamaanka iyo xal u gaarista is qabqabsiyada ka dhashay dhameystirka Dastuurka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com