Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalkaasi Jamhuuriyadda Ciraaq. Qoraal uu soo saaray Xafiiska Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaruhu uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Baghdad waxa uu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq iyo madaxda kale ee dalkaasi” ayaa lagu yiri Qoraalka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Qoraalka ayaa sidoo kale intaasi raaciyay in Kulamada labada dhinac looga wada-hadli doono xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan. “Waxay wada hadli doonaan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan” ayuu sii raaciyay Qoraalkaasi. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo safar rasmi ah ugu baxay dalka Ciraaq appeared first on Puntland Post.
  2. Taliyaha guutada 9-aad Gaashanle Yuunis aadan Xasan uu wehliyo Abaandulaha guutada 9-aad Kabtaan Cilmi Aadan Isxaaq ayaa manta kulan deg deg ah oo ku saabsan dardar-gelinta howlaha hortabinta u leh Ciidamada uu la qaatay dhammaan Saraakiisha iyo Saraakiil Kuxigeenada guutada 9-aad. Kulanka uu Taliyaha guutada uu Saraakiisha la qaatay ayaa warbixino laga dhegeystay taliye ururada guutada 9-aad waxaana uu sarkaal kasta la faray In uu waajibka qaran uu ka soo baxo. Sidoo kale Inta Kulanka socday ayaa waxay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed baaq u direen dadka shacabka ah oo xilliyada munaasabka ahayn xeriyaha wareega inay ka fooojignaadaan. Guutadan ayaa ka howlgala deegaanada koofur galbeed gaar ahaan gobolka Bakool, waxayna ku jiraan howllo ka dhan ah kooxda Alshabaab, ayadoo lagu wado inuu dhowaan billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxdaas. Source: goobjoog.com
  3. Madaxweynaha Dowladda Turkiye, Raceb Tayyip Erdogan ayaa u sheegay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, in Ankara ay diyaar u tahay in ay kaalin ka qaadato dhameynta colaadda Ruushka iyo Ukraine. Hase ahaatee dalabka Erdogan ayaa waxaa ku gacan-seyray Ruushka, kaddib marki afhayeen u hadlay Putin uu sheegay in Erdogan uusan dowr dhex-dhexaadineed ka ciyaari karin soo afjaridda dagaalka 28-ka bil socda. Erdogan oo la hadlayay Putin mar ay ka wada qeybgaleyeen shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Shangahai ee (SCO) ee ka socda Kazakhstan, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in nabadeyn caddaalad ah oo ku habboon labada dhinac la sameyn karo. Laakin afhayeenka Putin, Dmitry Peskov, ayaa arrintaasi meesha ka saaray. Mar uu la hadlayay TV laga leeyahay Ruushka, ayuu sarkaalkan ku gaabsaday “Maya’ suurtaga ma ahan. Ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku aaddan sababta Ruushka uu ku diidayo in Turkiga uu dhex dhexaadiyo labada dhinac waa Kyiv iyo Mosco. Madaxweyne Erdogan ayaa dhanka kale sheegay in isaga iyo Putin ay ka wada hadleen dagaalka Gaza iyo sida ugu habboon ee loo soo gaba gabeyn karo colaadda Siiriya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Turkiga oo raba in uu dhex-dhexaadiyo Ruushka iyo Ukraine appeared first on Puntland Post.
  4. Qatar iyo Masar, ayaa markii u horreysay bilooyin kaddib sheegay inay si ‘niyadsan’ u filayaan heshiis xabbad-joojin ah oo laga gaaro Qasa. Xamaas ayaa xaqiijisay inay jiraan soo jeedin macqul ah oo ka imaan karta dhexdhexaadiyaasha , halka Israa’iil ay sheegeen inay dib u eegis ku wado Mossad , soo jeedinta la soo bandhigay. Hadda labada dhinac Xamaas iyo Israa’iil, waxay sheegayaan inuu jiro rabitaan ah in heshiis la gaaro, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in wali ay jiraan caqabado waaweyn, sida ay ku warrantay Al-jazeera. Waxa is beddelay ayaa ah in laga yaabo in Israa’iiliyiinta laftoodu ay raadinayaan in ay miiska yimaadaan sababtoo ah dadweynaha Israa’iil ayaa aad uga caraysan maamulka Netanyahu. PUNTLAND POST The post Raja laga muujiyay in ay xabbad joojin hirgeliyaan Israa’iil iyo Falastiiniyiinta appeared first on Puntland Post.
  5. Dalka Britain, waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhaceysa doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay, iyada oo si aada loo saadaalinayo in xisbiga mucaaridka ah ee Shaqaalaha uu guul weyn kasoo hoyn doono. Xisbiga tallada haya ee Muxaafidka ayaa Arbacadi shalay qirtay guuldarro ka hor inta aananba la aadin goobaha codbixinta, iyaga oo ka digay in xisbiga Shaqaalaha uu ku guuleysan doono kuraasti ugu badneyd ee baarlamaanka marki ugu horreysay taariikhda Ingiriiska. Keir Starmer oo ah mudane ka tirsan Aqalka Baarlamaanka isla markaana ah hogaamiyaha xisbiga Shaqaalaha ayaa lagu wadaa in uu noqdo ra’isulwasaaraha soo socda ee Britain. Ra’iyi ururinti u danbeeysay ee soo baxday Arbacadi shalay ayaa muujisay in xisibiga Shaqaalaha ee siyaasaddiisu tahay bidix-dhexe uu soo gaba gabeyn doono 14 sannadood oo uu xisbiga Muxaafidka talada hayay. 212 kursi ayaa la filayaa in ay ku guuleystaan mucaaridka, taasi ayaa noqon doonta tiradi ugu ballaarneyd oo uu hal xisbi ka helo doorashada baarlamaanka Biritain abid. Hogaamiyaasha labada xisbi, Starmer ra’isulwasaare Rishi Sunak ayaa shalay qabtay ololihhii ugu danbeeyay ee doorashada, ka hor inta aysan shacabka Ingiriiska maanta u dareerin sanaadiiqda codadka. Haddii laga badiyo, Sunak ayaa soo gaba gabeyn doona 20 bilood oo uu xakumayay Ingiriiska, kaddib marki uu jagada xafiiska ra’isulwasaaraha ku yimid xulashada mudanayaasha baarlamaanka ee xisbiga Muxaafidka. Source
  6. Madaxweynaha Dowladda Turkiye, Raceb Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii shalay u sheegay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, in Ankara ay diyaar u tahay in ay kaalin ka qaadato dhameynta colaadda Ruushka iyo Ukraine. Hase ahaatee dalabka Erdogan ayaa waxaa ku gacan-seydhay Ruushka, kaddib markii afhayeen u hadlay Putin uu sheegay in Erdogan aanu door dhex-dhexaadineed ka ciyaari karin soo afjaridda dagaalka socda. Erdogan oo la hadlayay Putin mar ay ka wada qeybgaleyeen shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Shangahai ee (SCO) ee ka socda Kazakhstan, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in nabadeyn caddaalad ah oo ku habboon labada dhinac la sameyn karo. Laakin afhayeenka Putin, Dmitry Peskov, ayaa arrintaasi meesha ka saaray. Mar uu la hadlayay TV laga leeyahay Ruushka, ayuu sarkaalkan ku gaabsaday “Maya’ suurtaga ma ahan. Ma bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta Ruushka uu ku diidayo in Turkiga uu dhex dhexaadiyo labada dhinac waa Kyiv iyo Mosco. Madaxweyne Erdogan ayaa dhanka kale sheegay in isaga iyo Putin ay ka wada hadleen dagaalka Gaza iyo sida ugu habboon ee loo soo gaba gabeyn karo colaadda Siiriya. Source
  7. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu baaqi ku sii ahaan doono tartanka doorashada madaxtinimada ee dalkan ka qabsoomi doonta shanta bisha Novmeber ee sannadkaan. Biden ayaa hadalkaasi ka shanqariyay xilli uu gelinkii danbe ee Arbacadi shalay khadka telefoonka ku wacay kooxda hormoodka u ah ololihiisa doorashada. Arrintan ayaa u muuqata mid uu madaxweyne Biden dib ugu xaqiijinayo Dimoqraadiyiinta Aqalka Koongareeska in uu diyaar u yahay dib u doorasho, maalmo yar kaddib marki ay qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa ay warwareen bandhigiisii dood uu Khamiisti hore la galay madaxweynihi isaga ka horreeyay Donald Trump. Laba xubnood oo magacyadooda qariyay oo og wicitaanka uu Biden wacay shalay xubnaha ololoihiisa doorashada ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay, in uu u sheegay in aabu ka tanasuleyn tartanka doorashada. Email uu goor danbe oo shalay ah u diray taageerayaashiisa ayuu Biden sidoo kale ku yidhi “Qofna ima riixayo, mana ihi qof baxaya. Tartanka waa kusii jiri doonaa ilaa dhammaadka.” Madaweyne Biden wuxuu sidoo kale Arbacadi si toos ah iyo qaabka online-ka ahba ula kulmay ilaa 24 guddoomiye iyo duqa magaalada Washington, D.C. oo dhammaantood dimoqraadi ah, si uu ugu xaqiijiyo in ay ka go’antahay musharaxnimada xisbiga. Saddex ka mid ah guddoomiyaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa taageeray madaxweyne Biden. Hase yeeshee in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Dimoqraadiga ayaa saluugsan da’da madaxweynaha. Source
  8. Dalka Canada ayaa haweeney u magacaabay taliyaha ugu sarreeya dalkaas markii ugu horreysay abid Arbacadii, taasoo ah dadaalka uu Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ku doonayo inuu haweenka ugu magacaabo shaqooyinka ugu sarreeya. Sareeye Guuto Jennie Carignan, oo mas’uul ka ah dadaallada lagu cidhibtirayo wax loogu yeedhay anshax-xumada gudaha ciidamada qalabka sida, ayaa shaqada la wareegi doonta July 18-keeda. Carignan, oo asal ahaan ah Injineer Milatari, ayaa 35-kii sanno ee ay ciidanka ka tirsanayd waxay soo maamushay ciidamada dalalka Afgaanistaan, Bosnia-Herzegovina, Ciraaq iyo Suuriy. “Mudadii ay ku jirtay shaqadeeda, tayadeeda hoggaamineed ee gaarka ah, ka go’naanta heerka sare, iyo u heellanaanta adeegga ayaa hanti weyn u ahaa ciidamadeena qalabka sida,” Trudeau ayaa ku yidhi hadal uu soo saaray. Carignan waxay xilka la wareegaysaa xilli dalka Canada uu cadaadis kala kulmayo xulafadeeda si ay sare ugu qaaddo kharashkeeda difaaca. Source
  9. Wajeer (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo maanta ciidamada milatariga dowladda Kenya iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ku dhex maray qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan ismaamulka magaalada Wajeer ee dalkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo mararayay duleedka magaalada Wajeer, waxaana kadib xigay dagaal toos ah. Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay. Saraaakiil u hadashay dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna khasaare gaarsiiyeen xubnaha Al-Shabaab. Ugu yaraan illaa 4 xubnood ayaa kooxda Al-Shabaab looga dilay dagaalka, halka ciidamada Kenya dhankooda uu ka dhintay hal askari, mid kalena uu ku dhaawacmay, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa nawaaxiga magaalada Gaarisa oo ah halka lagu dagaalamay. Kenya oo ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya ayaa weeraro kala kulanta kooxda Al-Shabaab oo badana beegsata deegaanada dhaca xadka labada waddan. Muddooyinkii u dambeeyay weerarada Al-Shabaab ee Waqooyi Bari ayaa sii kordhayay, waxaana sidoo kale gobolka ciidamo badan oo milatari ah kusoo daabushay Kenya, si ay u xaqiijiyaan amniga guud ee waddankaasi. The post Xogta dagaal culus oo maanta dhex-maray Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  10. Jigjiga (HOL) - At least three people were killed and others wounded in an inter-clan conflict between two Somali militias in the Wardheer district of the Dollo region in Ethiopia's Somali Regional State. Source: Hiiraan Online
  11. 449839102_496617559480223_3924389740509880629_n Qaran News
  12. Jowhar (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud, currently in the Middle Shabelle region for the third day, has met with traditional elders and community leaders in the Wargadhi rural area to discuss their role in anti-al-Shabab military operations. Source: Hiiraan Online
  13. Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Dr. Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid ee dalka Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay Safaaradda Sucuudiga ayaa Wasirku waxaa uu ugu horayn uga mahadceliyay taageerada dowlada Boqortooyada Sucuudigu ay ku bixiso horumarinta adeega caafimaadka, gaar ahaan bangiga dhiiga iyo xarunta lagu sifeeyo Kilyaha oo ay dad badan ka faaiidaystaan, Sidoo kale, Wasiirka ayaa safiirka ka codsaday in ay Wasaaradda Caafimaadka ay ka taageeraan horumarinta adeegyada caafimaadka dalka. Dhanka kale, Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa ballan-qaaday inay qayb wayn ka qaadan doonaan mashaariicda lagu horumarinaayo adeegga caafimaadka, waxaana uu sheegay inay ka go’antahay in kaalmadda Hay’adda Boqor Salmaan ay miisaaniyad dheeraad ah uga faa’iidayso dadka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  14. Toronto – At least seven peaceful protestors were reportedly killed in Adama – about 100 kilometers southeast of Addis Ababa – on Wednesday as government forces fired live bullets. One of the victims is said to be a pregnant woman, according to local sources. Source: Hiiraan Online
  15. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu baaqi ku sii ahaan doono tartanka doorashada madaxtinimada ee dalkan ka qabsoomi doonta shanta bisha Novmeber ee sannadkaan. Biden ayaa hadalkaasi ka shanqariyay xilli uu gelinkii danbe ee Arbacadi shalay khadka telefoonka ku wacay kooxda hormuudka u ah ololihiisa doorashada. Arrintan ayaa u muuqata mid uu madaxweyne Biden dib ugu xaqiijinayo Dimoqraadiyiinta Aqalka Koongareeska in uu diyaar u yahay dib u doorasho, maalmo yar kaddib marki ay qaar badan oo kamid ah taageerayaasha xisbigiisa ay wal-waleen bandhigiisii dood uu Khamiisti hore la galay madaxweynihi isaga ka horreeyay Donald Trump. Laba xubin oo magacyadooda qariyay oo og wicitaanka uu Biden wacay shalay xubnaha ololoihiisa doorashada ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay, in uu u sheegay in uusan ka tanazuleyn tartanka doorashada. Email uu goor danbe oo shalay ah u diray taageerayaashiisa ayuu Biden sidoo kale ku yiri “Qofna ima riixayo, mana ihi qof baxayo. Tartanka waa kusii jiri doonaa ilaa dhamaadka.” Madaweyne Biden wuxuu sidoo kale Arbacadii si toos ah iyo qaabka online-ka ahba ula kulmay ilaa 24 guddoomiye iyo duqa magaalada Washington, D.C. oo dhammaantood dimoqraadi ah, si uu ugu xaqiijiyo in ay ka go’antahay musharaxnimada xisbiga. Saddex ka mid ah guddoomiyaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa taageeray madaxweyne Biden. Hase yeeshee in badan oo kamid ah siyaasiyiinta xisbiga Dimoqraadiga ayaa saluugsan da’da madaxweynaha. The post Madaxweyne Biden oo wacad ku maray in uusan ka hari doonin… appeared first on Caasimada Online.
  16. Attacks by Iran-backed Houthi militants on the Red Sea have reinvigorated piracy networks in Somalia, with criminal groups growing in both number and force, a European naval commander said. Source: Hiiraan Online
  17. A conservative watchdog group hit “Squad” Rep. Ilhan Omar with an ethics complaint Wednesday over an event she took part in last weekend that featured former Somalia Prime Minister Hassan Ali Khaire. Source: Hiiraan Online
  18. Argentina manager Lionel Scaloni said Wednesday he will wait until the last possible moment to decide whether Lionel Messi will play in the team's Copa America quarterfinal against Ecuador. Source: Hiiraan Online
  19. Tempers remain high in the Horn of Africa seven months after a New Year's Day deal saw the self-declared republic of Somaliland agree to lease part of its coastline to its landlocked neighbour Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  20. Garsoore Maraykan ah ayaa maamulka madaxweyne Biden ka hor istaagay inuu dhaqan geliyo xeer cusub oo ka dhan ah takoorka ku salaysan aqoonsiga jinsiga ee daryeelka caafimaadka, xilli madaxweyne Biden uu caqabado wajahayo. Xeerkan oo la soo gabagabeeyey bishii May ayaa wuxuu furay tabo cusub oo ay Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee Mareykanka (HHS) ku shaqayn lahayd, ayadoo lagu waday inuu dhaqan galo Jimcaha soo socda. Garsoore Louis Guirola oo ku sugan gobolka Mississippi, ayaa amarkiisa is hor istaagga ah ku sheegay inaan mamnuucidda aqoonsiga jinsiga ee daryeelka caafimaadka waxba soo kordhinayn, maamulka Biden-na uusan awooddin inuu dhaqan-geliyo. mamnuucida federaaliga ah ee takoorka jinsiga, ayaa qayb ah sharciga daryeelka ee caymiska caafimaadka, garsooreyaasha ka soo horjeeda sharcigan cusub ayaana ku sheegay inuu dadka dakhligoodu yar yahay ku qasbi doono inay iska bixiyaan daawaynta iyo qalliimada jinsiga la xariira. Gobolo badan oo xisbiga Jamhuuriga taageersan ayaa soo saaray sharciyo mamnuucaya arrintan, oo inta badan loo yaqaan daryeelka xaqiijinta jinsiga, ee loogu talagalay da’yarta, Sharcigu wuxuu quseeyaa dadka qaata lacagaha federaalka, oo ay ku jiraan barnaamijyada Medicaid. Source: goobjoog.com
  21. Guud ahaan Dalka Britain, waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhaceysa doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay, iyada oo si aada loo saadaalinayo in xisbiga mucaaridka ah ee Shaqaalaha uu guul weyn kasoo hoyn doono. Xisbiga talada haya ee Muxaafidka ayaa Arbacadi shalay qirtay guuldarro ka hor inta aananba la aadin goobaha codbixinta, iyaga oo ka digay in xisbiga Shaqaalaha uu ku guuleysan doono kuraasti ugu badneyd ee baarlamaanka marki ugu horreysay taariikhda Ingiriiska. Keir Starmer oo ah mudane ka tirsan Aqalka Baarlamaanka isla markaana ah hogaamiyaha xisbiga Shaqaalaha ayaa lagu wadaa in uu noqdo ra’isulwasaaraha soo socda ee Britain. Ra’iyi ururinti u danbeeysay ee soo baxday Arbacadi shalay ayaa muujisay in xisibiga Shaqaalaha ee siyaasaddiisu tahay bidix-dhexe uu soo gaba gabeyn doono 14 sannadood oo uu xisbiga Muxaafidka talada hayay. 212 kursi ayaa la filayaa in ay ku guuleystaan mucaaridka, taasi ayaa noqon doonta tiradi ugu ballaarneyd oo uu hal xisbi ka helo doorashada baarlamaanka Biritain abid. Hogaamiyaasha labada xisbi, Starmer ra’isulwasaare Rishi Sunak ayaa shalay qabtay ololihhii ugu danbeeyay ee doorashada, ka hor inta aysan shacabka Ingiriiska maanta u dareerin sanaadiiqda codadka. Source: goobjoog.com
  22. Howlgal sifeyn ah oo maanta ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay in ka badan 10 Shabaab iyo horjoogayaal ah oo ka tirsanaa Shabaab, iyadoo tiro intaas ka badan lagu dhaawacay howlgalka. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in howlgalkaan uu sii socon doono. Howlgalka ayaa maanta ka dhacay deegaanka Nuur-Gare oo u dhow deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana gobolkaas ka socda howlgallo ka dhan ah Shabaab ku dhuumaaleysata deegaanada fog-fog ee Sh/Hoose. Ciidamada Xoogga Dalka ayaa shalay ku guuleystay inay Shabaab ka soo badbaadiyaan ku dhowaad 20 gaari oo madax-furasho u heysteen iyo sidoo kale waxaa jira dhagarqabayaal lagu qabtay howlgalka ka socda Sh/Hoose, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa su’aal geliyay miyir-qabka Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xilli magaalada Muqdisho shalay ka daah furay Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya. Isagoo ka hadlayey qorshaha Itoobiya ku dooneyso inayu ku qaadato dhulka iyo badda Soomaaliya ayuu sheegay in arrintaasi aysan yeeli doonin dadka Soomaaliyeed, ayna dhacday in dadka Gobollada Waqooyi ay ka horjeesteen. “Madax Soomaali ah qaar ka mida ayey ka suuroobeen wax aan la fileyn, waxaana heerkaas na gaarsiiyey inaan 3- sano hoos u soconnay, caqligeenii, hankeenii iyo qabkeenii burburayey…. laakiin haddii ay in khaldantay, qaar kale ayaa miyir qaba,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya. Mar uu si toos ah u soo qaaday Muuse Biixi ayuu sheegay inuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada cirka dowladii Soomaaliya ee Kacaanka, wuxuuna soo qaatay sheeko dhex martay nin diblomaasi ah iyo Muuse Biixi. “Diblomaasi la kulmay Muuse Biixi ayaa ii sheegay inuu mar ay kulmeen muddo saacad barkeed ah ugu faanay dagaalkii 1977, balse markii uu weydiiyay inuu xilligaas khaldanaa oo hadda uu saxsan yahay, ay dhacday inuu aad u xaqaanay Muuse Biixi… markii uu miyir qabo…” Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya wuxuu mar kale caddeeyay inaan marna la aqbali doonin damaca Itoobiya ku dooneyso inay dhul Soomaaliyeed ku qabsato. Waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ka difaacdaan dalkooda iyo hantidooda cadow walba oo isku daya in uu qaato, isaga oo xusuusiyey kaalintii ay haldoorka Soomaaliyeed ka soo qaateen difaaca dalka iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya. The post Xamza oo su’aal ka keenay miyir-qabka Muuse Biixi appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in maanta ay safar dibadeed u baxaan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Ra’iisul wasaaraha ayaa kusii jeeda magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq, kadib casuumaad uu ka helay madaxda sare ee dalkaasi Carbeed. Xamza waxaa socdaalkan ku wehlin doono xubno kamid ah golihiisa wasiirada iyo qaar kamid ah howlwadeennada xafiiskiisa, ayag oo wada-hadallo lasoo yeelan doono madaxda dowladda Ciraaq. Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadli doono arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga Soomaaliya iyo Ciraaq. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxda labada waddan ay si gaar ah wada-hadalladooda diiradda ugu saari doonaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo halis badan ku haya dalalka Ciraaq iyo Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay safaro ku bixinayay qaar kamid ah waddamada saaxibka la ah Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay booqashadii uu dhowaan ku tegay dalka dariska ah ee Kenya. Waxaa sidoo kale oo uu ubaxay safaro kale oo dibadeed, isaga oo ka qayb-galayay shirar caalami ah oo uu ku metalay dowladda federaalka aha ee Soomaaliya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan diiradda saartay horumarinta xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, ayada oo door muuqda ku leh fagaareyaasha caalamka, si ay wax ula qaybsato dalalka lamid ah ee dhiggeeda. The post XOG: Ra’iisul wasaare Xamza oo u baxayo safar dibadeed + Dalka appeared first on Caasimada Online.
  25. Mohamed Osman Jawari reminded Somali youths that the task of rebuilding the country and learning lessons from the “failed generation” lies with the Somali youngsters. Mogadishu (Comment) — I met Mohamed Osman Jawari in August 1990 when, as the Minister of Labour and Sports, he came to the former Somali Institute of Development Administration and Management (SIDAM) campus in Shangaani to deliver a speech to Cohort 1 students of the SOMTAD (Somalia Management Training and Development Project) bound for New York State University at Albany to spend the last semester there and write up their dissertations among other projects. SIDAM was affiliated with the Labour Ministry and institutionally linked with the International Labour Organisation (ILO). SOMTAD was a successor project to the California State University Fresno-taught MBA in Mogadishu that began in 1983. In this respect, Somalia blazed the trail in globalising MBA education, thanks to generous investment by USAID. Jawari reminded us of the opportunity given to us to be educated in our homeland up to the postgraduate level free of charge. He was teaching us the value of public service and the obligation to serve the nation that invested so much in us. Candid: A clip of the speech by Jawari to Somali youths several years ago. When he passed away in Mogadishu last week, I stumbled upon a speech by Jawaari. “My generation was given an opportunity and inherited institutions from founding Somali leaders, but we have nothing to bequeath to you. I am sorry,” Jawaari told an audience of Somali youths in Mogadishu several years ago. His candour touched everyone, but it was not a note of despondency. He reminded Somali youths that the task of rebuilding the country and learning lessons from the “failed generation” lies with the Somali youngsters. Jawari was appointed the Speaker of the Somali Parliament twice — in 2012 and in 2016, a remarkable record of service that speaks volumes about his role in state-building initiatives. As the former Somali Federal Finance Minister Abdullahi Sheikh Ali said in a tribute, Jawari “was a leader who was never tempted to join divisive and clannish politics.” Civil war broke out in Mogadishu in December 1990, putting an end to our plan to return from the USA to Somalia. The failure of my generation, highlighted in Jawari’s speech to Somali youths, is a cathartic and transformative message on the human spirit’s ability to overcome what a Somali political scientist described as “civic disembowelment” in reference to the collapse of the Somali state in 1991 and subsequent internecine conflicts. Jawari was lucky enough to have lived through six decades of state-building in Somalia. He was multilingual and had a sound understanding of geopolitics. Somalia lost a devoted son and patriot. “Surely to Allah we belong and to Him we will all return” — Surah Al-Baqarah (2:156). © Puntland Post, 2024 The post Jawari Has Left a Patriotic Legacy for Somali Youths appeared first on Puntland Post.