Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Nairobi)-Maxkamadda sare ee Kenya ayaa amartay in madaxweynihii hore Daniel Arap Moi uu bixiyo ku dhawaad 10 milyan oo dollar isaga oo siinaya qoys uu si sharci darro ah ugala wareegay 53 aykar muddo haatan laga joogo 36 sano ka hor, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Wargeyska gaarka loo leeyahay ee Daily Nation ayaa sheegay in 21 Sabtembar 1983 uu madaxweynahan hore amray in saraakiishu ay magaciisa ku diiwaan galiyaan dhul uu lahaa Noah Kipngeny Chelugui Wargeyska ayaa sheegay Moi uu 24 sanno ka dib dhulkaas ka sii iibiyay qoyska Jaswant Rai. Telefishinka Citizen TV ayaa ku warramay in xaakimkii maxkamaddu uu sheegay in dhulka loola wareegay “si sharci darro ah” isla markaasna “aysan u qalmin in dastuurka uu difaaco dhulkaas”. Xukunkan waxaa ridday Maxkamadda sare ee Eldoret, waxayna sheegtay in ficilka madaxweynuhu uu sharci darro ahaa waxayna amartay in madaxweynihii hore iyo shirkadda Rai Plywood (K) oo lala xiriiriyay qoyska Rai ay qoyska Chelugui siiyaan lacag ku dhaw 10 milyan oo doolar oo lagu sheegay qiimaha uu dhulkaasi hadda joogo. Xaaska ninkii dhulkan lahaan jiray oo 85 jir ah iyo wiil uu dhalay ayaa dacweeyay Moi, Rai Plywood iyo shirkado kale. Source
  2. Berbera, Bosaso and Mogadishu, March 2019, Berbera, Bosaso and Mogadishu – Over 100 young men and women secured employment during job fairs organized by UN-Habitat’s Youth Employment Somalia (YES) programme in Somalia’s capital Mogadishu, Berbera in Somaliland and Bosaso in Puntland. Source: Hiiraan Online
  3. MOGADISHU (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and Somali National Army (SNA) wrapped up a five-day training in Mogadishu to enhance their abilities to reach out to communities in the liberated areas. Source: Hiiraan Online
  4. Somaliland is opening its doors for more business institutions and development organizations to venture into the country. Source: Hiiraan Online
  5. Operations against al Shabaab in Somalia will escalate to a final push according to a communique from AMISOM, the AU mission in the east African country. Source: Hiiraan Online
  6. MOGADISHU (Xinhua) -- Somali National Army (SNA) on Thursday killed seven al-Shabab militants in clashes in Somalia's southern region of Gedo, officials said on Friday. Source: Hiiraan Online
  7. ISIOLO, Kenya (Reuters) - A youth recruited while watching football. A Catholic school graduate. Girls desperate for cash and jobs. Source: Hiiraan Online
  8. Four member states of the Inter Governmental Authority on Development (IGAD) have signed a Memorandum of Understanding (MoU) agreeing to implement Djibouti-Addis Ababa-Juba-Kampala infrastructure development project. Source: Hiiraan Online
  9. Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa markii u horeysay waxa uu ka sheegay in aaney jirin Somaliland la-wada laheyn, isagoona sheegay in loo baahanyahay Somaliland la wada leeyahay. Jamaal ayaa waxa kale oo uu taageero u muujiyey Prof Cali Khaliif Galeyr oo isagu muddooyinkii udambeeyay waday olole uu ku rabo in lagu sameeyo Somaliland la wada leeyahay. Siyaasi Jamaal, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay oo loo baahanyahay in la hirgeliyo heshiiskii uu Prof Galeyr la galay Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Jamaal ayaa waxa uu arrimahaas kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhignaa sidan: “‘Karis xun iyana wax ku la'” prof Cali Khaliif Galaydh waa runtii Oo weli Somaliland la wada leeyahay inay sameysanto ayaan aniga iyo dadka badankooduba ku raacsan nahay. Si aftahanimo leh Oo macquulana wuu uga jawaabay suaalihii la weydiiyey isaga iyo prof Samatarba. Heshiiskii uu Madaxweyne Ahmed Siilaanyo la galay in la hirgeliyo waa muhiim. Laakiin inkaar baa kaga dhacday siyaasiyiinta Somaliland inay heshiisyada ay galaan inay hirgeliyaan. Umaba arkaan axdi xaashi lagu qoray Oo dad ka markhaati yihiin Oo aakhiro la weydiin doono. Ma Caqli xumo ayeey ka tahay, Ma khiyaamo ayeey ka tahay. Aakhirkana iyaguun bay dhaawacda Oo kolka danbe beentooda lagu bartaa. Intee ayeey beentu si socon kartaa. Hadaanay jireyn Somaliland la wada leeyahay, iyana wax ku la’ waana sababta aanay u jirin siyaasad cad Oo jiho leh Oo ay siyaasadeena arrimaha dibaddu raacdo. Waa siyaasad ku sheeg iska gole ka fuul ah iyo kolba nin cad Oo laysla soo sawiro. Bal car waa kuwaase labada shakhsi ha ka faa’iideystaan prof Cali Khaliif iyo prof Axmed Ismaaciil Samatar, dawladii Siilaanyo ayaaba labadooda isku dayday inay soo dhaweyso. Kolka siyaasadda arrimaha gudaha laga shaqeeyo ee ay ifayso ee dadka walaalaha ah ee wada nool laysku soo dhaweeyo ee wax la wada yeesho ayaa siyaasadda arimaha dibadana laga shaqayn karaa. Dal ehelu caqliga iyo ehelu cilmiga neceb meel gaadhi maayo. Karis xun iyana wax ku la”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  10. Peace in Somalia seems as elusive as ever. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the Somali National Armed Forces continue to battle insurgents throughout the East African country as American warplanes launch airstrikes against.... Source: Hiiraan Online
  11. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Maanta Magalada Baydhabo waxa uu kula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka deegaanada Koonfur Galbeed. Kulanka oo uu ku wehlinayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa waxaa ay uga hadleen arrimo uu ka mid yahay xariga Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo weli u xiran dowladda Soomaaliya. Odayaasha ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa ay u gudbiyeen cabasho ku aadan in muqtaar Roobow uu mudo dhowr bilood ah xiran yahay, iyada oo aan wax maxkamad ah la geyn. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Oayaasha Dhaqanka uu kulanka la qaatay wax auu u balan qaaday in dowladda uu kala hadli doono sidii loo siideyn lahaa Muqtaar Roobow oo horay uga mid ahaan jiray hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab balse dowladda isku-soo dhiibay. Dowladda Soomaaliya ayuu weli u xiran yahay Muqtaar Roobow,waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu siidaayo, iyada oo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ay dalbadeen in mudo 15 Cisho gudahood lagu siidaayo.
  12. Waxa ay dawladdii iyo qarannimadii ka yeelayaan dukaan yar oo uu reer leeyahay. Waa dhab in aanu reer yari dawlad lahaan karin, dhisi karin, difaacina karin, se ay dumin karo marka ay inta badan ka xigsadaan. Hergo reer ma aha ee qudhun-quuteyaal bahalnimo iyo budhcadnimadu hub ay ku qadhaabtaan u tahay. Reernimada iyagaa u arka buul ay ku dhuuntaan. Reerku se dembi taas kuma leh, waxa se eedi raaci doontaa marka taas ka indho garsadaan, ka aamuusaan ama u dhegooleeyaan inta badan ee dawladnimada la iska xeginayo, illaawaanna maalintii ay inta badan u baaahnaayeen. Heego Muusaa sameeyey, isaga ayaanay burburinayaan. Waa run kale iyana oo aan laga aamusi karin. Muuse Biixi waxa uu dhisay xukuumad dhinac ka raran oo si muuqata u burinaysa wax wada lahaanshihii iyo wada-jirkii Somaliland. Heego difaaceedu waa intan. Wax kale ma aha ee sedbursigaas baan u macdaar noqday ay biil ku qaataan, difaac iyo heeganna ay ugu jiraan sidii guuto faran dagaal ku jirta. Sannad iyo badh ayay xukuumaddiisu u muuqday shan jir marka la eego caddalad darradiisa, marka la eego maamul xumaantiisa, marka la eego sumcaddiisa, marka la eego sharci jebintiisa, marka la eego dhul boobkiisa caa’iladaysan, marka eego himilo la’aantiisa, marka la eego rejo abuur la’aantiisa iwm. 28 sannadood ka dib waa taas maanta Somaliland kala madluunsan ee kalsoonidii bulshada dhexdeedu burburtay, waa taas kalsoonidii dawladnimada lagu qabi lahaa sii dhimanaysa. Waa taas Somaliland baallaha ka soo rifmaysa, dhexdiina uu xarku ka galay. Waa taas 18-kii May noqotay isir kala qaybineed oo loo kala yeelanayo sidii dawladnimada loo kala xigsadey. Waxaas oo dhan waxa ka daran Heegada Muuse masruufo ee uu hantidii dadka saboolka ah sir iyo caadba ugu naasnuujiyo, ugu qaraabo-kiilo. Haddii asd doonaysaan in Muuse la dhallilin nooga saara madaxtooyada oo xaafadihiinna geeyo bal in ay cidi wax ka sheegto. Kursiga iyo xilja ayaannu la hadlaynaa ee adeerkiin uma soconno. Car bal aannu la hadalno haddii aad xaafaddihiinna geysaan. Kama se aamusi doonno inta uu talada noo hayo ee maamul xumaanta ku socda. Hadda xaalkiisu waa nin qaawani biyo iskama dhawro. Heego waxa ay noqotay daabka gudin lagu dulbaaxsado oo haddii xukuumadda loo garsheegto ama la dhalliilo fagax soo odhan, oo siidhiga isugu qaylodhaansanaya m, iskuna gudbaya la garnaqsiga ama dhalliisha xukuumadda. Waa kuwaas difaaca soo wada gelaya ee u haysta in Somaliland iyagu leeyihiin, dawladnimadeeda dadka Somaliland xigaan ee ay qofka ay doonaan Somalilandnimada ka saaraya. Maqaalkan felcelintiisa uun ila qiimeeya, Heego waxa aad ku ogaal aflagaaddo aan mawduuca wax shuqul ah ku lahayn iyo weedho madhan oo saaran hawo been ah, nacayb iyo cuqdad nafsaani ah oo isku wada eg sidii qof qudha ahi leeyahayna is wada canjilaya. Wax weyn baan soo fool leh. Professorrada Cali Khaliif Galaydh iyo Axmed Ismaaciil Samatar doodahoodii waxa ay noqdeen maan-fur wanaagsan. Doodo badan bay dhali doonaan. Runtii cabbudhsanayd ayaa dhaayo-furatay. Waa taas Heego xammili weydey ee dulqaadkii iyo xaqdhawrkii ka dhoofeen, waayo runta iyo Heego kastaa waa col oo waa ay isku shaashoobaan, gogolna kuma fadhiistaan. Heego ma yeelan karto dawladnimada ay isa siisay. Kama xigi doonto bulshada qaranka Somaliland. Muuse laguma raaci doono dawlad dhinac si weyn uga raran iyo is maroorin meel-iska-tuurnimo. Laba mid bay noqon oo ama waxa ay u hoggaansami sharciga iyo aqlabiyadda, waana ta qaranka iyo iyagaba u danta ah, ama waxa ay noqon in jiho kale la qaado oo wax la iska weydiiyo in Somaliland sidan ma sii ahaan kartp ee aan raadinno wax intaas ka xeeldheer oo la dugsan karo. Waxa aan ka mid ahay inta aan sidan ku sii kalsamaan karin. Uma arko wax qiime badan leh in 18-ka berri loo dabbaaldego. Marka hore ma aan jeclayn sida miyir la’aanta ah ee maalintaas loo xuso, haddana waa ba Ramadaan. Haddana dareenkaygu kama horjeedo dareenka bulshadayda oo waxa aan u rejaynayaa nabad, degganaan iyo farxad in ay u dabbaaldegaan. Heego maalmihii qaar badan baa dambeeya ee is daba qabta weli toobaddu waa ay idiin furantaye. Talo adigaa ku noole iyadu kugu ma noola. Maxamed Bashe Xaaji Xasan Qaran News
  13. Eritreans are unable to access social media networks from yesteday, the BBC’s Tigrinya Service reports. People have thus been forced to turn to Virtual Private Networks, VPN, to exchange messages. In Eritrea, the internet cannot be accessed via mobile phones, the report added. The government is said to have taken the measure to avert an intended protest as the country gears up for its 26th Independence Day celebrations on May 24. Asmara has yet to officially respond to the development. Communication like media is strictly under government control in the country considered to be a one-party state. President Isaias Afwerki is the sole president since 1993, there is no opposition in the country. Eritrea has serially been accused of violently crashing on dissent and muzzling the media which is currently non-existent. Internet World statistics indicate that Eritrea has by far the lowest internet penetration on the continent. As at 2018, it had only 71,000 internet users, estimated to be 1.3% of the population. Daily News Qaran News
  14. Somali Islamist insurgents are making their own explosives, according to a confidential U.N. report seen by Reuters, as they mount more frequent and deadly attacks. Source: Hiiraan Online
  15. New York (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa u gudubtay heer qaraxyada ku sameystaan gacmahooda, sida ay shaaca ka qaaday warbixin ay diyaariyeen guddi khuburo ah oo ka tirsan QM. “Markii ugu horreysay taariikhda, taxliil lagu sameeyey sheybaar ayaa tilmaamaysa in is-beddel weyn uu ku yimid habkii ay Shabaab u sameyn jireen bambooyinka, waxay ka gudbeen inay isku haleeyaan miinooyinka militariga una wareegaan kuwa lagu sameeyo guryaha” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga khuburada QM. “Akhbaaraadka aan helnay ayaa soo jeedinaya xiriir weyn oo ka dhaxeeya horumarka ay Al-Shabaab ka gaareen in qaraxyada ku sameystaan gacmahooda iyo sare u kaca dhowaan ku yimid qaraxyada waa weyn ee Muqdisho” ayay tiri warbixinta. Daraasadda ay sameeyeen guddiga QM ayaa waxaa saldhig u ahaa 20 qarax oo waa weyn oo Muqdisho ka dhacay tan iyo bishii July ee 2018. Lama shaacin cidda taxliisha sameysay, hase yeeshee document-ga guddiga ayaa waxaa ka muuqda oo lagu xusay hay’adda minooyinka ee QM ee U.N. Mine Action Service, hay’adda FBI-da Mareykanka iyo hay’ado kale. Al-Shabaab ayaa markii hore isku haleyn jirtay miinooyinka milatari oo ay dib uga farsameeyaan miinooyinka iyo hoobiyayaasha ay ka qabsdaaan ciidamada dowladda iyo Amisom, balse waxay hadda gaareen heer ay si buuxda ayaga u sameeyaan qaraxyada. Tani waxay u sahashay inay sare u qaadaan weerarada Muqdisho, oo uu ka mid yahay weerarkii dhimashada badnaa ee October 2017 ee Zoobe. Khubrada ayaa muddo rumeysnaa in laga yaabo in Al-Shabaab ay mararka qaar adeegsdaana miinooyin ay ayaga sameeyaan, balse wax caddeyn ah looma hayn ka hor taxliishan. Warbixinta ayaa sheegtay in waxaayabaha Al-Shabaab ay isku daraan ee ay ka sameeyaan bambooyinka ay ka mid yihiin kiimikooyinka nitroglycerine oo lagu qasay ammonium nitrate ama potassium nitrate iyo dhuxul. Farsamadan cusub ee Al-Shabaab ay billowday ayaa adkeyn doonto in qaraxyadooda laga hortago ama la xakameeyo, sida ay warbixinta sheegtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Eng Faysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id kaga hadlay xaaladda dalka ka taaggan iyo xadhigga Xildhibaan Dhakool ayaa sheegay in xildhibaankaasi khalad weyn sameeyay xadhiggiisuna yahay mid sharci ah “Xildhibaan Dhakool haddii aan la xidhin shacbiga dili lahaa,” sidaas ayaa ka mid ah hadalka Eng Faysal Cali Waraabe, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Jabuuti)-Dalalka Jabuuti, Itoobiya, Uganda iyo Koonfurta Suudaan ayaa gaadhay heshiiskii u horreyay oo ay ku doonayaan inay ku dhistaan khad isku xidha caasimadohooda. Shir laba maalmood socday ayaa lagu soo afjarayay kormeerka lagu sameeyay hirgelinta khadka. Dhinacyada ay khuseysay waxay ka doodeen waxyaabihii lagu soo jeediyay kormeerka iyo xalka dhismaha oo ay fulin doonto shirkad deggan fadhigeedu yahay Nairobi, inkastoo dowladda Kenya aysan qeyb ka ahayn. Shirka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayay dhinacyada ku saxiixdeen heshiiska fulinta, waxaana goobjoog ka ahayd IGAD, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana ee Itoobiya. Baadhitaanka hordhaca ah ayaa muujinaya in dhaqaale xoog leh laga heli doono khadka isku xidhka ah ka dib marka la hirgeliyo. Waxaana hadda laga fikirayaa sidii loogu gudbi lahaa qeybta fulinta mashruuca. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Ujeedada Wefti ka Socda Jabuuti oo Hargaysa Soo Gaadhay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha diinta dowladda federalka ee Soomaaliya ayaa soo saartay tirada dadka Soomaalida ee Xujeyda ah,wasaaradda ayaana sheegtay in sanadkaan 1440 Hijriya ay gaarayaan dadka Soomaalida ah ee xajinaya 11.500 oo qof. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay qiimaha sanadkaan dadka Soomaaliyeed ay ku xajinayaan, waxa ayna Xustay in qof waliba oo Xaaji ah uu bixinayo 3.600$ halka dadka Vip da ahna ay bixinayaan lacag gaaraysa 5000$. Halkaan hoose Guji si aad u aqriso warbixinta oo dhameys tiran Halkaan ka aqriso Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-310/052019, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Cafis Guud Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad; Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149aad; Markaan Tixgeliyey: In Xuska 18 May Awgeed Cafis Loo Fidiyo Maxaabiista Dembiyada Fudud Ku Xukuman; Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso; Waxaan Go’aansaday; 1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 517 (Shan Boqol Toddoba iyo Toban) maxbuus. 2) Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyadda ay ku xukunnaayeen maxaabiistaasi, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. 3) Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan. Source
  21. Kismaayo (PP) ─ Wararka ka imaanaya deegaanka Diif ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxa ay sheegayaan inuu halkaas ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Kenya, kuwa Jubbaland yo xoogagga Al-shabaab. Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar dhawr jiho ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaankaas. Kooxda Al-shabaab ayaa warar ay ku daabaceen Internet-ka waxay ku shegeen inay la wareegeen deegaanka Diif oo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa Jubbaland. Sidoo kale, Al-shabaab ayaa waxay sheegeen inay salhigggaas hub badan ka qaateen, isla markaana ay la wareegeen deegaanka Diif, laakiinse ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Jubbaland iyo cidamada ka socda Kenya eek a tirsan AMISOM. “Xoogaggeennu waxay la wareegeen saldhiggii ay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ku lahaayeen Diif oo ku dhaw xadka Somalia iyo Kenya, halkaas waxaan ku qabsannay hub fara badan,” ayuu yiri Sarkaal u hadlay Kooxa Al-shabaab. Dhanka kale, Sarkaalka ayaa sheegay in dagaalkaas ay khasaarooyin aad u badan ku gaarsiiyeen ciidamada isbahaysanayay, balse ma sheegin khasaare dhankooda kasoo gaarya dagaalka. Ugu damben, Inta badna deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka oo ay ku sugan yihiin ciidamada DF iyo kuwa Kenya ayaa waxaa mararka qaar ku qaada weerarro xoogagga Al-shabaab oo dagaal kula jira dowladda Somalia iyo ciidamada caawinaya ee ka socda Midowga Afrika. PUNTLAND POST The post Ururka Al-shabaab oo sheegay in uu gacanta ku dhigay Saldhig ku yaalla Jubbada Hoose appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Somalia ayaa ku dhawaaqday hawl-gallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, kaasoo laga fulinayo deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose oo qaybo ka mid ah ay maamusho Al-shabaab. Hawl-galkan waxaa ku dhawaaqay wasiirka gaashaandhigga Somalia, Xasan Cali Maxamed oo sheegay in dagaalkaan uu noqonayo mid ka duwan kuwii horay u dhexmaray ciidamada DF oo kaashanaya AMISOM iyo Al-shabaab. Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in hawl-galkan ay fulin doonaan ciidanka dowladda Somalia oo keliya, si ay Al-shabaab uga saaraan labadaas gobol, isla markaana ay hoggaamin doonaan wasiirada, amniga, gaashaandhigga iyo cadaaladda. “Qorshayaasha dowladda ugu muhiiman waxaa ka mid ah in ciidamdeenna dagaal galaan, waayo waxaan bedelnay qorshihii hore ee ahaa in ciiidanka DF ay la hawl-galaan kuwa AMISOM, dagaalkaanna waxaa galaya ciidanka DF oo keliya,” ayuu yiri wasiirka. Wasiirka oo sii hadlayay ayaa xusay inay xoogga saari doonaan gobolka Shabeellaha hoose, halkaasoo uu sheegay inay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab, ayna doonayaan inay ka saaraan. “Dgaaalkeenna waa mid ku wajahan labada Shabeelle, balse qorshaheenna ugu weyn waa gobolka Shabeellaha hoose, halkasoo ay kooxdu qaybo badan oo ka mid ah ka xukunto,” ayuu hadalkiisa ku daray. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa labadii sano oo ay jirtay waxay dhawar jeer shaacisay in ay qaadayso dagaal ka dhan ah kooxda Al-shabaab, balse hadalkaas uusan weli dhaqan-gelin. PUNTLAND POST The post DF oo sheegtay inay ciidamadeedu billaabeen hawl-gallo ka dhan ah Kooxda Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  23. Laascaanood(SMN):– Wafuud ay hogaaminayaan Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Maamulka Gooni isku taaga ah ee Somaliland ayaa maanta gaarey Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Ujeedada Socdaalkooda Saraakiishan ka tirsan Somaliland waxaa lagu sheegay in ay xalinayan Xiisad xalay ka dhacdey Magaaladasi oo ah Dagal u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan Maamulka. Qasaaraha halkaasi ka dhashey iyo sababta kicisay xiisada, inkastoo aan la shaacin ayaa hadana Maamulka Somaliland waxa uu wadaa waan waan ku aadan arintaasi xili Maalinta Bari ah lagu wado deeganada Soomaaliland in looga Dabaaldago 18may oo ah Maalintii ay ku dhawaaqeen Hogaanka Maamulkasi gooni isku taaga. Saraakiisha Gaarey laascaano ayaa Magaaladaasi ka bilaabay kulamo gaar gaar ah oo ay ugu kuurgalayaan xiisada. Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay wali taagan tahay xiisada u dhaxeysa Maamuladda Somaliland iyo Puntland oo ay Ciidamadoodu isku hor fadhiyaan Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Labadaani degmo oo ku wada jira Group-ka B ee is araga labaad ayaa caawa ku madlan tartan aqooneedka faca weyne ee Idaacadda Shabelle. Dharkenley ayaa tartankii hore soo badisay, kadib markii ay isku dhaceen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale Xamar Weyne ayaa horay guul uga soo gaartay dhiggeeda degmada Warta Nabadda Ex Wardhiigley ee M/Muqdisho Tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan isu diyaarinaya ka qeyb galka barnaajimka caawa. Xalay oo ay wada baratameen degmooyinka Howlwadaag iyo Kaxda ayaa waxa ay guushu raacday tartamayaasha Howlwadaag oo la yamid dar dar xoogan. Degmooyinkan ayaa u dambeeyay Group-ka A ee is araga labaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa iska kaashanaya shirkadaha Beco iyo Coca-Cola View the full article