-
Content Count
215,317 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maamulka degmada Berdaale ee gobolka Baay ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab. Maxamed Isaaq Araxas oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in shaqsigan markii uu is soo dhiibayey uu watey qoriga AK-47,iskuna dhiibay ciidanka xoogga dalka ee halkaasi ku sugnaa. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in shaqsigan uu ahaa madaxii sirdoonka Al-shabaab u qaabilsanaa Berdaale iyo sidoo kale madaxii maaliyadda. “Sarakaal kan ka tirsanaa ALshabaab oo hada soo goostay,waxaa lagu magacaabaa Ibrahim Maxamed Adan ( Ibarhim Boolis ), waxaa uu ahaa qof wax badan dagaallo ay ina dhexmareen, Labo jago ayuu hayey, madixii sirdoonka iyo Maaliyadda Bardaale, nin aad looga yaqaano deegaannada ayuu ahaa, iyadoo la tixgelinayo baaqii madaxweynaha JFS ee ahaa cafiska waan soo dhaweynaynaa, xiriirro ayaa ina dhexmaray, kadib markii uu go’aansaday in uu kasoo baxo Al-shabaaba, isagoo arkay dhibaatada lagu hayo shacabka, taasii ayaana sabab u ahayd in uu isku soo dhiibo Dowladda” ayuu yiri guddoomiyaha. Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka midka ah Al-shabaab ee ku sugan gobolka Baay iney isku soo dhiibaan dowladda federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayeen in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan. Xiisaddan ayaa si gaar ah waxaa looga dareemayaa Magaalada Badhan iyo deegaanno kale oo ku dhow, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka. Wasiirka amniga Puntland ayaa ku sugan Badhan, waxaana dhowaan halkaasi gaaray ciidamo la sheegay iney ka goosteen dhanka Somaliland. Shacabka Badhan ayaa iska diiday Somaliland, waxaana ay sheegeen iney ka tirsan yihiin oo ay hoostagaan Puntland. Waxaa jirta cabsi ah in mar walbo dagaal uu dhacdo, iyadoo Labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo xooggan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Somalia ayaa shaacisay inay dhici doonaan shirar looga hadlayo arrimaha shidaalka dalka, kaasoo ay ka qayb-galayaan shirkado daneynaya shidaalka Somalia. Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda macdanka iyo shidaalka Somalia, Maxamuud C/qaadir Hilaal ayuu ku sheegay in shirka koowad lagu qabanayo Turkiga, isla markaana ay ka qayb-geli doonaan shirkado laga leeyahay dalkaas, kuwaasoo daneynaya shidaalka Somalia. Sidoo kale, wuxuu sheegay in shirka labaad uu ka dhacayo Mareykanka si la mid ah ayna ka qayb-geli doonaan shirkado laga leeyahay dalkaas, kuwaas oo daneynaya shidaalka Somalia. Dhanka kale, Wasiirku ma shaacin waqtiga ay shirarkaasi dhici doonaan, balse waxaa la xasuustaa khilaafkii xooganaa ee ka dhashay shirkii looga hadlayay arrimaha shidaalka ee ka qabsoomay magaalada London ee dalka Ingiriiska. Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhawaan xildhibaannada golaha shacabka ay ansixiyeen sharciga shidaalka Somalia, kaasoo golaha si dhaqso badan lagu mariyay, waxaana qorshuhu yahay in shidaalka dalka loo gacan-geliyo mid ka mid ah waddamada aadka ugu dhaw dowladda hadda jirta. Ugu dambeyn, Arrimaha shidaalka Somalia iyo habka loo wadaagayo waxaa dhawr jeer isku khilaafay maamullada dalka ka jira iyo dowladda federaalka ah, iyadoo aanay jirin wax xal ah oo weli khilaafkaas laga gaaray. PUNTLAND POST The post DF oo shaacisay in la qabanayo shirar looga hadli doono arrimaha shidaalka Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Diyaarad sidda 14 maxbuus oo laga keenay magaalada Hargeysa ayaa sida qorshaysan duhurnimada maanta ka degaysa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Maxaabiistaasi laga soo qaadayo magaalada Hargeysa ayaa hore loogu qabatay dagaalladi dhexmaray Puntland iyo Somaliland oo ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Sidoo kale diyaaradda ayaa Hargeysa u qaadaysa 3 maxbuus oo Somaliland looga qabtay Tukaraq kuwaasi oo haatan ku xiran magaalada Garoowe. Puntland ayaa dagaalladii Tukaraq ku qabatay 19 maxbuus balse waxay mar dambe sii daysay 16 kamid ah oo u dhashay gobollada SSC kadib markii dhaqan-celin loo sameeyay. Somaliland ayaa dhankeeda dagaalka ku qabatay 14 maxbuus oo dhammaantood maanta la keenayo Garoowe. Heshiiskan maxaabiis is-weydaaarsiga labada dhinac waxaa ka soo shaqeysay hay’adda Laanqeyrta Cas ee ICRC. PUNTLAND POST The post Diyaarad maxaabiis ka keenaysa Hargeysa oo ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Garow (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash ) ayaa cafis loogu fidiyay 121 Maxaabiis ah oo ku xirnaa xabsiyada kala duwan ee maamulkaasi. Maxaabiistan oo ku eedeysanaa dambiyo fudud ayey Puntland go’ansatay in sii deyso bisha barakeysan Ramadaan iyo munaasabadda Ciidul Fidriga aawgeed. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
-
Garow (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash ) ayaa cafis loogu fidiyay 121 Maxaabiis ah oo ku xirnaa xabsiyada kala duwan ee maamulkaasi. Maxaabiistan oo ku eedeysanaa dambiyo fudud ayey Puntland go’ansatay in sii deyso bisha barakeysan Ramadaan iyo munaasabadda Ciidul Fidriga aawgeed. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Duqii hore ee Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Xiisadda dhulalka dowladda ka dhalatay ee ka taagan Xaafaddo ka mid ah Muqdisho. Mudane Taabit ayaa ku baaqay in si deg-deg ah oo nabadgaliyo la socoto loo xaliyo xiisadda, isla markaana aan loo bareerin daadinta dhiiga shacabka, isagoo xusay in ax walba oo keeni kara in la daadiyo dhiigga shacabka lagu xalliyo si nabad-galyo ah. Haddaba, Qoraalka uu duqii hore ee Muqdisho kaga hadlay xiisadda Xamar ka taagan ayaa u qornayd sidan; Arrimaha dhulalka danta guud oo ay dowladdu leedahay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaan ku baaqayaa marka dowladdu usoo baahato in Guddiga loo xilsaaray ay si nabad ah, dhimrin leh u wajahaan oo marwalba wadada nabadda loo maro oo uusan dhiig ku daadan. Gaar ahaan xasaradda ka taagan soonaha jaamacaddaha ilaa iyo Ex-kontorool Afgooye oo galabta shaqaaqo ka dhacday. Waxaa lagu jiraa dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadan waana laga fiican yahay in dad shacab ah ku barakacaan dagaal dhiig ku daato, anigoo hubo in arrintaas wadahadal lagu dhameyn karo. Sidoo kale, waxaan ku baaqayaa in waanwaan wax lagu xaliyo, la iskuna turo maadama aanan sinna la isku huridoonin. Ugu dambeyn, Dhulka danta guud ee dowladdu u baahato iney ugu adeegto shacabka soomaaliyeed waxaa haboon in loo maro wado nabdoon oo aan abuurin rabshado iyo xasilooni darro, madaama qofka deganba uu yahay muwaadinka la doonaayo in loogu adeego. PUNTLAND POST The post Duqii hore ee Muqdisho oo si adag uga hadlay xiisadda dhuleed ee ka taagan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada online)-Dowladda Soomaaliya ayaa markale sheegtay in la qaban doono shir looga hadlayo arimaha Shidaalka Soomaaliya, kaasi oo noqonayo shirkii labaad, kadib shirkii horaantii sanadkaan ka dhacay dalka Ingiriiska. Shirka labaad ayaa ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Turkey, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka wasaaradda Badroolka Xukuumadda Soomaaliya oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Wasiirka ayaa sheegay in shirka ka dhacaya magaalada Istanbul ay ka qeyb galayaan Shirkado inta badan daneynaya arimaha shidaalka Soomaaliya ee ku yaala Qaaradda Aasiya. Shirka Labaad ayuu sheegay inuu ka dhici doono dalka Mareykanka, waxaana ka qeyb galayaasha inta badan ay noqon doonaan, kuwo ka diiwaan gashan dalka Mareykanka, sida uu warbixinta ku sheegay. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal, ma uusan shaacin waqtiga rasmiga ah ay shirarkaasi dhici doonaan,hayeeshee waxaa la xasuustaa khilaafkii xooganaa ee ka dhashay shirkii looga hadlayay Arrimaha shidaalka ee ka qabsoomay Magalada London ee dalka Ingiriiska. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Wareega Sama-Finalka ee tartan aqooneedka Shabelle oo xalay la qabtay ayaa waxaa ku loolamay demgooyinka Howlwadaag, Xamarweyne, Dharkenley iyo Shibis oo ka wada tirsan gobolkan Banaadir. Kulanka ugu horreeya ayaa waxaa isaga horyimid Howlwadaag iyo Xamaraweyne, waxaana ay soo bandhigeen tartan aad u qiimo badan. Howlwadaag oo la weydiiyay 7 Su’aal waxa ay ka jawaabtay 4 ka mid ah, sidoo kale waxa ay ka faa’iideysatay labo kale, sidaasina, waxa ay ku heshay 12 buundo. Degmada Xamarweyne oo iyana la weydiiyay 7 su’aal ayaa waxa ay ka jawaab celiyeen tartamayaasheeda 4 ka mid ah, sidoo kale waxa ay ka fa’iideysteen 3 kale, waxaana ay keensadeen dhibco gaaraya 14, sidaasina waxa ay ugu gudubtay wareega kama dambeysta ee tartanka, sida uu ku dhawaaqay natiijada guddoomiyaha guddiga tartanka Shabakadda Warbaahinta Shabelle Maxamed Axmed Jimcaale. Dhinaca kale waxaa isla xalay la qabtay tartan kale oo xiiso badan oo dhexmaray degmooyinka Dharkenley iyo Shibis ee gobolka Banaadir. Degmooyinkan uu dambeeyay wareega Sama-Finalka ayaa muujiyay dadaal xoogan, hayeeshee waxa ay guusha raacday degmada Dharkenley ee M/ Muqdisho. Dharkenley ayaa la timid 18 dhicood oo ay ugu gudubtay wareega Finalka ee tartanka Sanadlaha ah ee Idaacadda Shabelle, halka Shibis ay keensatay 8 buundo Tartanka bisha Ramadaan oo maraya heerkii ugu dambeeyay waxa caawa Finalka isku beegan degmooyinka Xamarweyne iyo Dharkenley, halka kaalinta 3-aad ay isla caawa u tartami doonaan degmooyinka Howlwadaag iyo Shibis ee gobolka Banaadir. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coca-Cola. Halka su’aal diyaarintuna uu yahay Adult Comercial Secondry School View the full article
-
Baran (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa ku warramaya in saaka xiisad u dhexeysa Somaliland iyo Puntland ay ka taagan tahay gobolkaasi. Xiisada ayaa la sheegay in ay ka dhalatay socdaal Wasiirka Amniga Puntland C/samad Maxamed Galan uu ku marayo qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Somalia. Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen magaalada Baran oo uu ku sugan Wasiir Galan. Sidoo kale Ciidanka Puntland ayaa halkaasi ka bilaabay dhaq dhaqaaqyo Milatari oo ay uga hortagayaan kuwa maamulka Somaliland. Xiisada u dhexeysa S/land iyo Puntland oo in muddo ah taagan, ayaa waxa isku hayaaan maamulida deegaano ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag iyo waqooyiga Somalia. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-03062019-szx.mp3 View the full article
-
Police escorting buses on the Mandera-Rhamu-Elwak road narrowly escaped death on Saturday after an explosive planted on the road missed their vehicle. Source: Hiiraan Online
-
Since the end of the Vietnam War, the US resettlement program has provided safe harbor to more than 3.4 million refugees Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska The Standard ee kasoo baxay Nairobi ayaa qoray in dowladda Kenya ay carootay ballan ay ka baxday dowladda Soomaaliya oo ahayd “inay dib u eegto” ficillada shirkadaha caalamiga ah ee daneynaya shidaalka Soomaaliya, taasina ay sabab u tahay inay kasii darto xiisadda ka dhaxeysa labada dal. Sida ku cad qoraalka, kulankii April 3 Nairobi ku dhex maraya wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma iyo dhiggeeda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise, Cawad ayaa ballan-qaaday inay dib u eegi doonaan ficillada shirkadda Spectrum Geo ee abaabushay shirkii February 7 ka dhacay London ee shidaalka Soomaaliya. Kenya ayaa Soomaaliya ka dalbatay in Spectrum Geo oo laga leeyahay dalka Norway ay ka laabato khariidad lagu soo bandhigay shirka oo muujineysay goobaha shidaalka Soomaaliya laga sahminayo, taasi oo Kenya ay aad u dhibsatay. Kenya ayaa ku dooday in xirmooyinka shidaalka ee la iib geeyey qaarkood ay ku yaallaan dhul badeedka lagu muransan yahay. Qodobkan ayaa ka mid ahaa shan qodob oo ay Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen, ayada oo qodobada kale ay ka mid ahaayeen, in safiirada la isku soo celiyo, dib loo billaabo xiriirka, iyo in Soomaaliya ay kooxda Al-Shabaab ku darto liiska qaraarka QM ee 1267, kaasi oo dhigaya in la hakiyo hantida, la saaro xayiraad socdaal iyo mid hub shaqsiyaadka iyo hay’adaha lala xiriirnayo inay xiriir la leeyahay Al-Qaacida. Hase yeeshee qoraal uu wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad u diray Kenya ayuu shaki ku geliyey qaabka Kenya ay u dhigtay heshiiska, isaga oo yiri “Dowladda Soomaaliya waxay dib u eegi doontaa ficillada shirkadda Spectrum, si ay ugu xaqiijiso Kenya, haddii ay jiraan khariidad qalad ah oo la adeegsaday oo aan waafaqsaneyn mowqifka dowladda Soomaaliya.” Hadalka Cawad ayaa nuxurkiisa yahay in Soomaaliya ay rumeysan tahay in khariidadda lagu soo bandhigay shirka London aysan ku jirin dhul-badeedka lagu muransan yahay, sidaas darteed aysan jirin wax dib loo eego, taasi oo macnaheedu yahay in mowqifka dowladda Soomaaliya iyo khariidadda ay soo bandhigtay Spectrum ay is-waafaqsan yihiin. Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale diiday in Al-Shabaab ay ku darto liiska qaraarka QM ee 1267 ayada oo ka cabsi qabta in tani loo adeegsan karto shirkadaha Soomaalida sida xawaaladaha, si lagula wareego lacagtooda. Labadan qodob ee la xiriira Al-Shabaab iyo Spectrum, oo Kenya ay rumeysan tahay inay kula heshiisay Soomaaliya balse aan la fulin, ayaa ah sababta Kenya ay toddobaadyadii dhowaa cadaadiska ugu kordhisay Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Ra’iisul-wasaaraha dowladda Ethiopia Abiy Ahmed ayaa shalay ku qaabbilay magaalada Addis-Ababa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamd Cabdullahi Farmaajo. Xafiiska Abiy Ahmed ayaa sheegay in labada mas’uul ay wada-qaateen wadahadallo laba dhinac ah, waxaana wadahadalladaas ka mid ah xoojinta iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada amniga gobolka iyo nabadda. Xiriirka labada dal u dhaxeeya ayaa dhawaanahaan sii xoogeysanayey iyadoo ay jiraan booqashooyin ay hoggaamiyaasha labada dal ku kala bixiyeen caasimadaha Muqdisho iyo Addis Ababa. Madaxweyne Farmaajo ayaa bilo ka hor booqday magaalada Addis Ababa taasoo markii dambe keentay inay isku raacaan Ra’iisul-wasaare Abiy magaalada Nairobi si uu u dhexdhexaadiyo qilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa u tagey dalka Ethiopia kulan saddex geesood ah oo u dhaxeeyey Ethiopia, Soomaaliya iyo Eritrea. Nuxurka kulankaas wuxuu ahaa in la tixgeliyo madax-bannaanida, dhaqaalaha iyo iskaashiga u dhaxeeya dowladaha. “Labada hoggaamiye iyo Marwada Koowaad ee Soomaaliya ayaa ku tallaalay dhir dhismaha,” ayaa lagu yiri war la soo dhigay baraha bulshada ee dalka Ethiopia. Geedo-tallaalka ayaa u noqotay arrin muhiim ah Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed gudaha iyo bannaanka aqalka madaxtooyada. Usbuucii hore Abiy wuxuu billaabay arrin xafiiskiisu ugu yeeray olole lagu tallaalayo afar billion oo geedo ah dhammaan dalka Ethiopia. Source: goobjoog.com
-
Sanaag (Caasimada online)-Iyadoo maanta la filayay in maamulada Somaliland iyo Puntland is dhaafsadaan maxaabiis ay ku kala qabsadeen dagaaladii ka dhacay Tukaraq ayaa waxaa xiisad saaka laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Sanaag. Xiisadda ayaa lagu waramayaa inay u dhaxeyso ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland, iyadoo dadka deegaanka ay sheegayaan inay ka baqayaan in markale lagu dul dagaalamo. Xiisadda ayaa saaka si gaar ah kaga taagan deegaanada Badhan, Damale-Xarage iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sanaag, waxaana dhaqdhaqaaqyo ciidan wada ciidamada Somaliland iyo Puntland. Magalada Badhan waxaa ku sugan wafdi uu horkacayo Wasiirka amniga Puntland Cabdi Samad Maxamed Gallan, isaga oo halkaasi shirar kula leh waxgaradka Magaalada iyo Saraakiisha Ciidamada. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xiisadda ay ka dhalatay markii labada maamul ay isku qabteen doonista ku aadan inay iyaga ay maamulaan deegaanada maanta xiisadda ay ka taagan tahay sida Badhan iyo Deegaanada hoostaga. Dhawaan waxaa Ciidamada Soomaaliland ka goostay Saraakiil iyo Ciidamo la socda,kuwaas oo u wareegay dhinaca Puntland,waxaana Soomaaliland dhinaceeda ay wadaa abaabul ay ku dooneyso inay la wareegto deegaanada Gobolka Sanaag. Xiisaddaan ayaanan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto iyo inay saameyn doonto Maxaabiis is dhaafsigii labada dhinac u dhaxeysay. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Alllah. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Deutsche Lufthansa CEO Carsten Spohr talks about the airline’s strategy and the outlook of the industry Source: Hiiraan Online
-
Top North Korean official reappears days after purge report
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
SEOUL, South Korea (AP) — A senior North Korean official who had been reported as purged over the failed nuclear summit with Washington was shown in state media on Monday enjoying a concert near leader Kim Jong Un. Source: Hiiraan Online -
Waxaa sannadihii la soo dhaafay ay isu-soo-baxyo ka socdeen Isgoyska Meskel Square, ee bartamaha magaalada Addis Ababa, meeshaas oo aan ka fogeyn xaafadda Soomaalidu u badan tahay ee Bole Mikael, kuwaas oo aan indhahayga ku soo arkay bilihii March iyo April 2016. Dibad-baxyada, waxaa dhigaayey shacabka dulman ee Oromada, oo garwaaqsaday in is-beddelkii ay dalbanayeen saddexda sano – laga soo billaabo May 2014 illaa April 2018 – uusan ahayn kan uu horkacayo Abiy Axmed Cali. Waxay doonayeen structural changes, laakiin wuxuu is-beddelkii ku soo koobmay cosmetic changes. Sheekada Oromada waxay la mid noqotay gabyaagii Soomaaliyeed, ee la yaabay sedbursiga ka dhacay Soomaaliya xilligii Maxamed Siyaad Barre, ee yiri “gaajada ka bax baan lahaa, ma haddaan galay geerashkeedii”. Oromadii u ololeysay is-beddelka sal iyo baarka ah, ayaa waxay haddeer fahmeen in lala ciyaaray chess game, oo iyagoo sii jeeda lagu geddiyey isla is-beddelkii ay iyagu dhaliyeen, kaddib markii kursiga lagu soo riixay mid la sheegta Oromonimo, laakiin aan shaqo ku lahayn Oromo. Tusaale, is-beddelka ka dhacay Itoobiya, waxaa si weyn uga faa’iiday (greatest beneficiaries) qowmiyadda Amxaarada. Abiy Axmed, oo ay Amxaaradu dhaleen, isla markaana iyaga ka qaba, wuxuu si xad-dhaaf ah ugu sedburiyey Amxaaradii. Badankood hay’adaha halbowlaha ah ee dowladda cusub ee Itoobiya, oo ay ku jirto Hay’adda Nabad-sugidda ee NIS, wuxuu Abiy Ahmed madax uga dhigay dad Amxaaro ah. Xitaa guddiyada madaxa bannaan, ma lahan mid Amxaaradu ay ka maqan tahay. Arrimahaas, waxay dhaliyeen uurkutaallo iyo in Oromadu ay dareemaan alienation. Waxay yaqiinsadeen in is-beddelkii oo dhan uu ku soo biya-shubtay wax loogu daneynayo qowmiyad gaar ah, laguna ciqaabayo qowmiyadaha kale, ee ka soo horjeeda sedbursiga iyo is-cabburiska ka jira dhismaha qarannimada Itoobiya. Oromada, waxaa ka yaabiyey in si toos ah, oo aan gabbaad lahayn, loo weeraray mabda’oodii taariikhiga ahaa ee modern Oromo nationalism. Halkii uu wax ka qaban lahaa dareenka ay cabbireen dadkiisa Oromada ah, wuxuu bilcaksi Abiy Ahmed u muuqdaa inuu ku shaqeynayo the grand principle position of Amhara, oo ah (1) in la baa bi’iyo nidaamka ethnic federalism, ee qowmiyad walba ay gaarkeeda isu xukumeyso, nidaamkaas oo Oromadu ay ku dhex heshay is-maamul u gooni ah, iyo (2) iyo siyaasadda cusub ee Mademer ee taas daba taalla, oo dhabbaha u xaaraysa in dib loogu noqdo habkii Menelik ee Amharisation-ka ahaa, ee qarnigii sagaal iyo tobnaad, oo Oromo badan lagu Amxaareeyey, ayna kaga mid noqdeen qowmiyadda Amxaarada. Kuweenna isku taxallujiya inay dersaan taariikhda, dhaqanka, siyaasadda iyo bulshooyinka Geeska Afrika, waxay ahayd wax aan qiyaasi karnay in dagaalka kama dambeysta ah uusan dhex mari doonin Oromada iyo Tigreega, balse uu dhex mari doono Amxaarada iyo Oromada. Laakiin, lama saadaalin karo, illaa iyo hadda, cidda dagaalka ku adkaan doonta ugu danbeynta. Haddii aan eegno taariikhda Itoobiya, dagaallada siyaasadeed ee Itoobiya laguma kala adkaado. Maalin waxaa adag Amxaarada, maalin-na waxaa adag Tigreega. Illaa qarnigii 12-aad, Oromadu waxay ahaayeen resource-ka ay Tigreega iyo Amxaaradu ku dul-dagaallamaan, ee laga helo xoogga iyo xamaaliga dagaalka lagu wado (manpower) Maanta, mutaqafka iyo mutacallimka Itoobiya wuxuu u badan yahay Amxaarada, Oromadu-na waxay hayaan population aan xad lahayn, laakiin waxgarad badan ma hayaan, oo indheergaratadoodii waxaa horey u laayey, ama ciqaabay, oo Itoobiya ka ceyriyey Haile Selassie, Mengistu iyo Meles Zenawi. Waxaa intaa sii dheer, Oromada iyo Amxaarada, waxay ku kala duwan yihiin: Amxaaradu waa dad kala dambeeya, oo muddada dheer ee ay xukumayeen Itoobiya waxay ka faa’iideen inay wax-bartaan, hoggaan-na ka dhigtaan kuwooda wax yaqaanna. Bilcaksi, Oromadu ma lahan kala dambeyn, waxaana soo rafaadiyey xukunnadii kala duwanaa ee isaga kala dambeeyey Itoobiya. Sidaas awgeed, waxaa ku dhacay lack of direction, waxaana mar walba talada u qabta kuwa iyaga la dulsaaro, ee looga dhigo hoggaan. Hase yeeshee, soo if-baxa kuwooda waxbartay, sida Lemma Megersa, Jawar Maxamed, Abiy Axmed, Workeneh Gebeyehu, iyo kuwo kale, ayaa albaab cusub u furay mustaqbalka Oromada. Shaki iigama jiro in Megersa, oo dhawaan loo magacaabay Wasiirka Difaaca, uu noqon lahaa kan abuura real structural changes gudaha Itoobiya, waayo wuxuu taageero xoog badan ku dhex leeyahay ummadda Oromada, balse waxaa ka soo wada horjeeda Amxaarada, Tigreega iyo wixii iyaga u sii adeega. Si kastaba, sida keliya ee kacdoonnada Oromada lagu joojin karo waa in Abiy Axmed uu xukunka ku wareejiyo Megersa, oo ah nin aan si sahlan loo loodin karin. Imaanshaha Megersa, waxay meesha ka saari doontaa damaca Amxaaradu ku doonayso inay ku soo noqoto xukunka Itoobiya, iyadoo jaranjaro ka dhiganaysa Abiy Ahmed Cali. W/Q: Maxamed Xaaji Ingiriis Maxamed Xaaji Ingiriis oo PhD Candidate Jaamacada Oxford. Wuxuu sidoo kale cilmi-baare ka yahay Jaamacadda King’s College London Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Russia has never had an African colony. It stayed out of the scramble for Africa, only engaging with African states in the 19th Century. In 1869, for instance, the Russians gave Ethiopia military support to threaten the position of the British in their quest to control the Suez Canal. They did this because Britain was one of their main European rivals. Source: Hiiraan Online
