-
Content Count
213,501 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay inuu fashilmay Imtixaanka ardayda Puntland maanta ay u fariisteen. Goodax Barre oo ka hadlaayay Magaalada Jowhar ayaa sheegay imtixaankaasi inuu yahay mid fashilan sida uu hadalka dhigay. “Imtixaan waa fashilmaa, saacadaan la joogo Puntland imtixaan ay qaadeysay wuu fashilmay, wadamada deriska nala ah waa ka fashilmay.”ayuu yiri Goodax Barre Arday gaaraysa 15,800 Arday ayaa maanta u fariistay Imtixaanka Shahaadiga deeganada Puntland. Madaxweynaha Puntland oo furay Imtixaankaasi ayaa sheegay dowladda Somaliya looga baahan yahay inay wax ka barato habka nidaaminta imtixaanaadka ee Puntland. Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somaliya ayaa ku fashilantay qaadista Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dalka kadib qishka Imtixaanka oo Suuqyada lagu arkay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa maanta gebi ahaanba deegaanada Somaliland looga dabaal-degay 28-Guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay gooni uga goosatay Dalka Soomaaliya. Dabaal-degan ayaa waxa deegaanada Somaliland laga xusaa sanad kastaba hal mar, taasi oo ku beegan maanta oo kale 18-ka May. Bulshada ku nool magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa saaka aroortii waxay u dareeren fagaarayaasha lagu xusayey munaasibada 18-May, iyaga oo ku labisnaa calanka Somaliland ee saddexda midab. Munaasibadan ayaa waxa dadweynaha Hargeysa kala qeyb galay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadiisa iyo wafdiyo kala duwan oo ka socday dalalka jaarka iyo Marti-sharafta ka kala yimid dalalka Ethiopia, UK, Denmark, Ururka Midowga Yurub (EU), Qaramada Midoobay (UN). Madaxweyne Biixi ayaa halkaa salaan kaga qaatay kumanaan kamid ah Ciidammada Qalabka sida ee Somaliland oo Gaardis ku soo maray goobta ay ka dhaceysay Munaasibada xusku, isagoona ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay, uguna hambalyeey bulshada xuska 18-ka May. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayey oo maanta safar shaqo ugu ambabaxay gobolka Mudug ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal. Madaxweynaha ayaa intaanu gaadhin degmada Buurtinle waxa uu sii kormeeray Wershedda dhismaha Wadada Garoowe-Gaalkacyo iyo wershedda shirkadda Kebarco oo gacanta ku haysa dhismaha laamiga dhexmara Buurtinle oo horey si casriya, tayonaleh u dhistay wadada halbowlaha ah ee Gaalkacyo. Soo dhoweyn iyo shucuur wanaagsan oo ay shacabka reer Buurtinle weftiga Madaxweynaha ku qaabileen, waxaa uu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray waddo laami ah oo dhexmarta faras magaalaha. 1km ayaa la dhisay, 3km iyo 600 miter, ayaa Madaxweynaha Puntland balan qaaday in dowladdu dhammaystiridoonto, waxaana uu Madaxweynuhu meel fagaare ah kala hadlay shacabka degmadaasi. “Runtii waxaa sharaf weyn ii ah maanta inaan imaado degmada Buurtinle oo xudun u ah, halbowlena u ah Puntland, waan ku faraxsanahay horumarka ay gaadhay degmadu oo uu ugu horeeyo laamiga maanta aan xadhiga ka jarnay iyo mashariicda kale ee aan ka warqabo ee socota, taasi waxaa lagu gaaray dedaalka iyo wadajirka shacabka iyo maamulku ay sameeyaan” Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay maamulka degmada, cuqaasha, nabadoonada iyo waxgaradka magaalada, kulanka kadib waxa uu xadhiga ka jaray saldhig cusub oo degmada laga hirteliyey, dhismaha saldhigga waxaa iska kaashaday hay’adda SSF iyo dowladda Puntland. “Marlabaad farxad bay ii tahay in Alle isu soo keen celiyey inagoo guulaysanay, Buurtinle si gaara waxaan uga mahadcelinaynaa mudadii hadda Xukuumadda jirtey oo aan ku baaqnay TAYAYN IYO TIIGSI inay nabaddii tayaysay oo degaanka colaaddii ka jirtey ay soo afmeertay, runtii aad baan uga mahadcelinayaa, sidoo kale waxaan uga mahadcelinayaa inay dhiseen dhisme Laami oo tayaysan” ayuu yiri Madaxweynaha. “Wuxuu wax qabadku hirgelayaa marka la wadajiro, anaga ka dowladd ahaan waxaan balan qaadaynaa inaan bulshada reer Puntland gaar ahaan bulshada reer Buurtinle aan garab istaagayno dhammaan mashariicda ay wado, waxaan dhowaan ka hawlgelidoonna habaynta magaalada, idinkana waxaan idinka codsanaynaa inaad u diyaar garawdaan wax kasta oo wax idiinku hagaagayaan, wadadaas idan Alle inta ka dhiman waan dhammaystiraynaa, waxaan farayaa Kabeco inay dhammaystirto jidka halbowlaha ah ee magaalada” Ayuu sii raaciyay. Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigiisa ayaa u soo kicitimay gobolka Mudug, waxaana degmada Xarfo kusoo dhoweeyey mamulka degmada, shacabka magaaladaasi, waxgarad, oday dhaqameedyo iyo masuuliyiin kale, intaasi kadib Madaxweynaha ayaa kormeeray xerada tababarka ciidanka Abqaale iyo cisbitaalka guud ee magaalada. Weftiga Madaxweynaha ayaa caawa ku negaandoona degmada Xarfo ee gobolka Nugaal. Halkaan ka eeg sawirada soo dhoweynta PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Dowladda Puntland oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Degmada Buurtinle appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Findland) Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka jawaabay Hadalkii maanta ee Madaxweynaha Somaliland. Qoraal uu umuurtaas kaga hadlaayo ayuu ku yidhi sidan . Waxa aan guud ahaan hambalyo iyo bogaadin weyn u dirayaa shacabkayga Somaliland ee dal iyo dibadba jooga gaar ahaana ciidanka qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland munaasibadda xuska 18-ka May oo ah maalin qarankani madax bannaanidiisii la soo noqday. Walaalayaal maanta oo ah 18-ka May, waa maalin inagu weyn oo qaranku leeyahay, waa maalin gobonimo ku suntan, waa maalin mudan xurmeyn gaar ah iyo weyneyn, waa maalin aanay xisbiyada qaranku isu muuqan oo ay qaranimadu wax kast ka weyn tahay. Joogisteyda 18-ka May ma xalaalaynayso xuskeeda, maqnaanshiiyahayguna xaaraantimeyn maayo! Niyadsami ku xusa oo weyneeya maalintan weyn Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo! GUUL & GOBANNIMO. Source
-
ADDIS ABABA (APA) - A transnational security threat from terrorism has been re-emerging in the Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) region, which requires a new and determined regional approach to counteract the menace, Inter Governmental Authority on Development (IGAD's) offical has said. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta habaaray dowladda Puntland kadib markii saaka degaannada Puntland looga fariistay imtixaanka shahaadiga ah oo lagu tilmaamay kii ugu nidaamsanaa uguna horumarsanaa ee lagu qaado gudaha Soomaaliya tan iyo burburkii dalka. Wasiir Goodax oo maanta magaalada Jowhar kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, maamulayaal, macallimiin iyo qaar kamid ah ardaydii u fariistay imtixaankii fashilmay ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankaasi ka sheegay in imtixaankii Puntland ee saaka loo fariistay uu isna fashilmay sidaasi darteedna aysan la yaabin kii xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee dhowaan fashilmay. “Imtixaan waa fashilmaa, saacaddan la joogo Puntland imtixaan ay qaadaysay waa fashilmay, wadamada deriska ah waa ka fashilmaa, adduunkuu ka fashilmaa, laakiin inta aan fashil la’aanta u dhowaanay fiiriya. 104 goobood oo imtixaan lagu qaadayay, in hal keliya waxay ka yartahay 1% (boqolkiiba hal)” ayuu yiri Goodax oo kulankaasi ka hadlayay. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli saaka uu degaannada Puntland wakhti isku mid ah ka bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasallad 4aad ee dugsiyada sare, islamarkaana si jawi deggan ah lagu galay maaddooyinka u horreeyay intixaankaasi oo lagu tilmaamay kii ugu nidaamsanaa uguna horumarsanaa ee gudaha Soomaaliya lagu qaaday tan iyo burburkii dalka. Sidoo kale imtixaanka Puntland ee saaka waxaa u fariistay tiradii ugu badneyd ee imtixaan u fariisata degaannada Puntland, tiradaasi oo gaaraysa 15,892 arday. Wasiir Goodax ayaa hore gef iyo aflagaaddo ugu geystay ardayda iyo waalidiinta Puntland isagoo liiday intixaanka ay qaaddo dowladda Puntland balse maalmo kadib ayaa isagu ku fashilmay imtixaankii magaalada Xamar iyo gobollada Koonfurta iyo bartahama Soomaaliya kadib markii uu warbaahinta la soo istaagay in laga xaday imtixaankii oo aan waxba gacanta ugu jirin. PUNTLAND POST The post Goodax: Imtixaankii Puntland wuu fashilmay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladd-gobaledka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe ku daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga ee dugsiyada Sare iyo dhexe ee Puntland, kaas oo ay u farisanayaan arday dhan 15,892 arday, waxaana ay ka qabsoomayaan 106 goobood oo ku yaala dhammaan golada Puntland. Madaxweynaha waxaa furitaanka Imtixaankan ku wehlinyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Maxamed Xasan, Agaasimaha Guud Farmayeeri iyo Agaasimaha Waaxda Imtixaamadka Axmed Saahid iyo Gudoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal C/samada Sheikh Xaami iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka Puntland ay si wanaaagsan xil isaga saartay Imtixaankan diyaarintiisa, isla markaana ay salka u dhigtay qorshe adag oo ku dayasho mudan, kaas oo lagu gaarsiiyey dhammaan gobolada Puntland. “Waxaa ilaahay mahaddiis ah dhulka Puntland oo aad u ballaaran, cirif ilaa cirif oo meelaha qaybtood laga yaabo 1,000KM iyo ka badan inay isu jiraan,duruufo kala adag ku jiraan, dhulka oo aad u fog fog oo ay dhici karto meelaha qaar in doonyo lagu geeyo oo baaruurtu aysan gali karin, in kulli ay Wasaaraddu ku guulaysatay in Imtixaanada Saacadaan maanta la joogo ay kulli waqti isku mid ah ka fulayaan, runtii ilaah ayaan ugu mahadnaqaynaa, waana guul ay gaartay Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo runtii tijaabo iyo Tusaale u noqon doonta gayiga Soomaaliyeed dhammaantiis”. ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Den”. Madaxweynaha dowladda Puntland oo ka hadlaayey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka loo qaado Imtixaanaadka Puntland 20 sano ee ay jirto, waxa uu caddeeyay In Puntland ay guul ka gaartay waxkasta oo looga baahnaa imtixaanaadka, isla markaana ay diyaar u yihiin inay la wadaagaan Khibraddaas Dowladda Federaalka iyo dowladdaha Xubnaha ka ah. “Waxaana rajaynaynaa khibradaas iyo waayo aragnimadaas muddada dheer soo socotay inaan la wadaagno goobaha kale, deegaanada kale, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS inaan u gudbino khibraddaas iyo sida loo maamulo” ayuu yiri Madaxweyne Deni” Ugu dambayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle ka baryey in imtixaanku uu ku dhammaado guul, ardayduna ay la yimaadaan natiijo wanaagsan, waxaana uu u mahadceliyey Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland iyo Howl wadeenadeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender. Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xaalada Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan iyadoo gaba gabadii ay Saxaafada la hadleen. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Safiirka ay isla soo qaadeen shirkii Garowe iyo waxyaabahii la isku mari waayay iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka. Axmed Madoobe ayaa u sheegay safiirka UK in ay Dowlada Federaalku ay si hoose ugu waddo abaabul lagu khalkhal galinayo nabadgalyada Jubaland oo ay Xamar kasoo abaabulayso. Waxa uu sheegay inay jiraan shaqsiyaad lacago lagu soo siiyay qorshahaas oo hadda ka howl-galaya deegaanada Jubaland. Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in Bulshada Caalamka iyo Safiirka ay la wadaageen Khatarta ay nabadgalyada ku keeni karto masuuliyadeedana arintaas ay qaadayso Dowlada Federaalka ah. Dhana kale, Danjire Ben Fender ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo sidii la isaga kaashan lahaa dardar galinta adeegyada mucaawinada iyo kuwa kale ee ay UK ku tageerto Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in ay ka wada hadleen Arimaha Abaaraha iyo xiliyadii roobka ee daahay oo dadka ree Jubbaland saamayn ku yeeshay. Safiirku wuxuu sheegay in uu rajaynayo in abaaraha deegaanada qaar ka jira ay dadku kasoo kaban doonan. Danjirahu Ingiriiska wuxuu sheegay in ay rajaynayaan in Doorashada Jubbaland ay ku dhacdo si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah kana fog fara galin dhinac walba leh. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta soo gaba-gabeysay dhageysiga eed ka dhan ah dable Booliis Cali Maxamuud Axmed oo 8-dii bishan Isgoyska Tarabuunka ku dilay Alle ha u naxariistee Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa wade Mooto bajaaj uuna dhaawacay muwaadin kale,falkan oo ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Maxkamadda ayaa dhageysatay marqaatiyaal ay shaqo wadaag ahaayeen eedeysanaha iyo baarihii Kiiska si isku mid ah ayaana loo dhaariyay,waxaana dhammaan dhinacyada dacwadda ay weydiiyeen su’aalo habraaca sharciga ee ay tilmaamayaan. Muumin Cabdullaahi Xuseen ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha ciidanka qalabka sida ayaa tilmaamay in eedeysanaha uu kulmiyay dhammaan astaamaha tilmaamaya dil ku talagal ah. Xeer ilaaliyaha ayaa Maxkamadda weydiistay in eedeysanaha lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay ku soo eedeeyeen. Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda oo qaadatay saacado badan. “Dhageysiga la xiriira gar maqalka eedeysane Cali Maxamuud Axmed intaas ayuu ku dhammeystiran yahay,Maxkamadana ayaanna go’aan ka soo saari doonta,” ayuu yiri Guddoomiye Shuute. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Khudbaddii munaasibadda 28 guurada 18 ka May ee madaxweynaha waa aan dhegeystey. In ka badan 98% waxa ay u ekayd khudbaddii sannadlaha ahaan jirey ee madaxweynuhu kaga hadli jirey waxqabadka xukuumaddiisa iyo khudbadihii la jeedin jirey xilliyada lagu jiro ololayaasha doorashooyinka. In ka yar 2% ayuu madaxweynuhu kaga hadlay 18 ka May. Waxa ay ahayd in madaxweynuhu ka hadlo 18 May sida ay ku timi sooyaal ahaan iyo qiimaynta 28 sannadood waxa Somaliland u qabsoomay iyo waxa ka qabyada ah sababta keentay iyo sida u qorshaysan ee uu doonayo in uu qabyadaas gufaynteeda kaga qayb qaato inta uu talada hayo awood ahaan. Dhinac kale marka laga eego, in badan oo la la yaabo ayaa ku jirtey khudbaddaas oo lagu dhalliili karo madaxwrynaha oo qudha ma ahee intii wax ka diyaarinteeda talo ku lahayd. Waxa ka mid ahaa waxyaalaha la yaabka lahaa ee ii muuqday in uu madaxweynuhu yidhaahdo 31% ayay xukuumaddaydu caafimaadkii kor u qaadday, iyada cusbitaalka guud ee Hargeysa oo madaxtooyada u muuqda la dalaadhacayo dayac iyo deyn uu iska bixin kari waayey. Agaasimaha cusbitaalka ayaa la wadaagey maalin dhoweyd golaha xildhibaannada in cusbitaalku tahli waayey in uu iska bixiyo deyn $288, 000 oo ah dawo iyo mid kale oo ah $135, 000 oo koronto ah iyo in cusbitaalku la ciirciirayo nadaafad darro, dayactir la’aan, biyo la’aan iwm. Horumarka waxbarasheed waxa uu noqday oo madaxweynuhu ku sheegay buugaag arday loo qaybiyey! Saw uma ay dhaanteen in uu ka hadlo horumarka waxbarasho ee dalku ku tallaabsaday 18 May 1991 – 18 May 2019. Ta kale ee khudbadda ku jirtry ee la yaabka lihi waa un uu ka hadlay oo afkiisa la maqlay waxa aan sameeyey maamul wanaag iyo horumar caddaaladeed, isaga sameeyey xukuumad si weyn dhinac uga raran oo tayo xun oo in badan cabasho iyo saluug looga muujiyey, iyada oo xadhigga xaqdarro ee aan sharciga waafaqsanayn oodaha jabsaday, uu banyaal noqday dhul boobka madaxweynaha iyo caa’iladdiisa Hargeysa ka wadaan iyo qaraabakiilka naasnuujineed. In uu arrintaas indhaha ka laliyo ayaa ugu yaraan u asturnaan badnayn, waayo ilko dhiig leh iyo karriin ku yaalla ayay ina sii tustay oo ladh bay soo kicisay! “18 May waxa u dabbaaldegaya Somaliland oo dhan” in uu yidhaahdo waxa ka roonayd runta oo uu yidhaahdo 18 May ayaynu u dabbaaldegeynaa, waayo dhammaan Somaliland uma wada dabbaaldegsyso oo degaanno dhan ayaa dhabarka looga sii jeediyaa mar kasta, taas na in uu si mas’uuliyadi ku jirto uga hadlaa ayay ahayd oo qabyada ku daro, muujiyana sida uu u xallilayo mustaqbalka dhow si loo wada dabbaaldego. Xildhibaan baa 18 ka May u xidhan magaalads Hargeysa (xildhibaan Dhakool), isaga oo xasaanaddii xildhibaannimo huwan oo maxkamadda iyo wakiiladuba ka badheedheen qaadista dacwaddiisa oo maxkamaddu diiddey maaddaama aanay awood sharci u lahayn, guddida joogtada ah ee wakiilladuna sharci jebin xadhiggisa ku sifaysay. Arrinta kala ee af-kala-qaadka ahi waa soo qaadista magaca guddoomiyaha Waddani iyo muxuu iigu iman waayey sida Faysal!! Madaxweyne waxa aad tahay madaxweynihii shanaad ee Somaliland. Cirrona waa guddoomiyihii xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Madaxweyne Faysal kuugu filan guddoomiye xusbi mucaarad oo aad isku sawirto. Cirro waxa uu muujiyey aqoontiisii diblomaasiyadeed, Waddanina waa kaas meel walba ka dabbaaldegaya. Meelo badan oo kale oo la duri karaa waa ay ku badan yihiin khudbadda madaxweynaha, inta la yaab iigu muuqday se aan halkaas ku dhaafo, qoraalkana aan kaga baxo in waxa taas keenayaa ay tahay garashada hoosaysa ee hoggaamineed iyo rakaab xumaantiisa. Waxa na la yidhaahdaa haddii aad doonayso in aanad ogaato garashada hoggaamiye waxa la eegaa aqoonta iyo garashada inta hareerihiisa tuban ee rakaabka u ah. Sidee loo xusay 18 May iyo maxaa dhalliilo ka soo baxay abaabulkeedii? Qormo kale ayaynu ku eegi, haddii uu Alle idmo. Qaran News
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender. Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xaalada Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan iyadoo gaba gabadii ay Saxaafada la hadleen. Danjire Ben Fender ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo sidii la isaga kaashan lahaa dardar galinta adeegyada mucaawinada iyo kuwa kale ee ay UK ku tageerto Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in ay ka wada hadleen Arimaha Abaaraha iyo xiliyadii roobka ee daahay oo dadka ree Jubbaland saamayn ku yeeshay. Safiirku wuxuu sheegay in uu rajaynayo in abaaraha deegaanada qaar ka jira ay dadku kasoo kaban doonan. Danjirahu wuxuu sheegay in ay rajaynayaan in Doorashada Jubbaland ay ku dhacdo si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah kana fog faro galin dhinac walba leh. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Safiirka ay isla soo qaadeen shirkii Garowe iyo waxyaabahii la isku mari waayay dhaliilaha ay arkaana uu la wadaagay Waxaa uu intaas ku daray dagaalka Al-Shabaab iyo sidii iskaashi buuxa looga yeelan lahaa iyo gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen. waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in ay Dowlada Federaalku abaabul lagu khalkhal galinayo nabadgalyada ay Xamar kasoo abaabulayso kuwaas oo ay Jubbaland ka fulinayaan shaqsiyaad lacago lagu soo siiyay Bulshada Caalamka iyo Safiirkana ay la wadaageen Khatarta ay nabadgalyada ku keeni karto masuuliyadeedana arintaas ay qaadayso Dowlada Federaalka ah. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland iyo safiirka UK oo isla gartay qodoba muhiima appeared first on Puntland Post.
-
Borama (Caasimada Online) ―Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici oo maanta bulshada reer Awdal kala qeyb galay xuska munaasibada 18-ka May, ayaa ka hadlay Sarkaal habeen hore lagu dilay magaalada Laascaanood. Saylici ayaa sidoo kale waxa uu markii u horeysay ka hadlay labadii Sarkaal ee ka tirsanaa Ciidamada Somaliland ee iyagana dhawaan lagu dilay gobalka Sanaag, isagoona sheegay in Saraakiishaasi aysan qolo gaar ah ka dhimanin balse ay ka baxeen Somaliland, wuxuuna yiri “Saraakiishii dhimatay ee uu u dambeeyay kii lagu dilay Laascaanood Tacsi baan u dirayaa, waxayna ka dhinteen Somaliland ee qolo gaar ah kama dhimanin, qaranka Somaliland-baana ku daba jooga sidii uu u soo qaban lahaa cidii dhibtaa geysatay oo sharciga loo horkeeni lahaa”. Wuxuuna intaas kusii daray “18-ka May waa maalin qiimo gaar ah leh oo aynu Somaliland dheer nahay, Waxaynu ku dhisnay qaran, nafo ayaynu ku bad-baadinay, markaa dhallinyarada Somaliland ee ku hodmay Somaliland ee wax ku bartay ha u duceeyaan odayaasha Aabayaashood iyo awoowyaashood ahaa ee go’aankaa qaatay”. “Reer Awdal, dhallinyaradaay Maskaxda yaan la idinka xumaynin, bani-aadamka tabasho iyo cabasho way jiri, wax dhiman way jiri, laakiin way toosisanaynaa, reer Awdal iyagaa Somaliland leh, Heesta calanka iyo astaanta qarankaba reer Awdal baa ku suntan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe ku daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga ee dugsiyada Sare iyo dhexe ee Puntland, kaas oo ay u farisanayaan arday dhan 15,892 arday, waxaana ay ka qabsoomayaan 106 goobood oo ku yaala dhammaan golada Puntland. Madaxweynaha waxaa furitaanka Imtixaankan ku wehlinyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo masuuliyin kale. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Puntland ay si wanaaagsan xil isaga saartay Imtixaankan diyaarintiisa, isla markaana ay salka u dhigtay qorshe adag oo ku dayasho mudan, kaas oo lagu gaarsiiyey dhammaan gobolada Puntland. “Waxaa ilaahay mahaddiis ah dhulka Puntland oo aad u ballaaran, cirif ilaa cirif oo meelaha qaybtood laga yaabo 1,000KM iyo ka badan inay isu jiraan,duruufo kala adag ku jiraan, dhulka oo aad u fog fog oo ay dhici karto meelaha qaar in doonyo lagu geeyo oo baaruurtu aysan gali karin, in kulli ay Wasaaraddu ku guulaysatay in Imtixaanada Saacadaan maanta la joogo ay kulli waqti isku mid ah ka fulayaan, runtii ilaah ayaan ugu mahadnaqaynaa, waana guul ay gaartay Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo runtii tijaabo iyo Tusaale u noqon doonta gayiga Soomaaliyeed dhammaantiis”. ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynaha dowladda Puntland oo ka hadlaayey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka loo qaado Imtixaanaadka Puntland 20 sano ee ay jirto, waxa uu caddeeyay In Puntland ay guul ka gaartay waxkasta oo looga baahnaa imtixaanaadka, isla markaana ay diyaar u yihiin inay la wadaagaan Khibraddaas Dowladda Federaalka iyo dowladdaha Xubnaha ka ah. “Waxaana rajaynaynaa khibradaas iyo waayo aragnimadaas muddada dheer soo socotay inaan la wadaagno goobaha kale, deegaanada kale, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS inaan u gudbino khibraddaas iyo sida loo maamulo” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Ugu dambayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle ka baryey in imtixaanku uu ku dhammaado guul, ardayduna ay la yimaadaan natiijo wanaagsan, waxaana uu u mahadceliyey Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland iyo Howl wadeenadeeda. Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Furay Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda 15aad ee Kalfadhiga 5aad, waxaana Xildhibaanada lagu wargeliyay xalay inay kulanka maanta oo Sabti ah soo xaadiraan. Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa u codeynta Heshiiska Caalamiga ah ee Naafada, kaasoo ay dhowaan ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka. Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ka dooday warbixin ku saabsan khasaarihii loo geystay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Ciidamada Kenya ay burburin u geysteen xarumihii ay ku lahaayeen Jubbooyinka iyo Gedo. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay soo jeediyeen in Ciidanka dowladda Kenya dalka si deg deg ah looga saaro , Maadaama dhibaatooyin Culus ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan goobaha ay ku sugan yihiin. Xildhibaanada soo jeediyey in Ciidamada Kenya dalka laga saaro ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay si deg deg ah uga saarto dalka Ciidanka Kenya ee ku sugan degaanada maamulka jubbaland. FIqi ayaa arrintaas ku sababeeyey in Ciidamada Kenya ay burburin ku hayaan Hantida Shirkadaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Xarumaha ay ku leeyihiin Gobolka Gedo oo ah halka looga taliyo Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya. Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay kula xisaabtami doonaan dhibaatooyinka Ciidanka Kenya ay ku hayaan Shacabka. Jeesow ayaa Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay inay si deg deg ah ula timaado qorsho cad oo ku aadan dagaalka ay Dowladda Kenya kula jirto Hantida Shirkadaha Soomaaliya. Ciidamada Kenya ayaa dhawr jeer duqeeyey Xarumo ay leedahay Shirkadda Hormuud, waxayna burburisay dhawr xarun oo ugu taalay Gobolka Gedo halkaas oo lagu baab’iyey hanti aad u badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
()Sweden) Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa faqidaad ku sameeyay khudbadii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay Munaasibada 18 May. Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga ayaa u dhignaa sidan. 8-Sanno Axmed Siilaanyo oo aha Guddoomiyhii KULMIYE Madaxweyne Daahir Rayaale Munaasibad 18 May kalama qayb galin, Madaxweyne Muuse Biixi 2-sanno ayuu Hoggaamiyihii Mucaaridku aanu agtiisa fadhiisan qayladaas deg dega ah lama filayn… Xuska 18 May oo mucdiisi maanta Hargaysa laga xusay nabad ayay ku soo dhammatay Alxamdulillaah. Aniga iyo Muwaadin kastaaba halku joogay ayuu ku xusay… Waxaan midh ka odhanayaa khudbadii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee Maanta 18 May uu jeediyay.. 1 .. Madaxweyne Biixi muddada Xilka uu hayay oo hadda baarka la gashay sannad iyo sideed bilood, wuxuu ku qiray khudbadiisi kana horena Waddanka intuu Xilka hayay uga muuqatay in dhaqaale la’aani Xukuumadiisa ay hayso, isagoo sababta ugu wayn ee taasi ku timina ku sheegay dhoofkii Xoolaha Nool oo is taagay, in kasta oo Xukumadihii ka horeeyayba aanu Dhoofka Xooluhu socon. Muddada labada sanno ku dhaw waxqabad muuqda oo KOW iyo LABA la yidhaahdo oo u qabsoomay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadiisa ma soo bandhigin Madaxweynahu, marka laga reebo, Goobo Caafimaad oo hore u jiray oo la rinjiyeeyay, mashruuca shaqo Qaran oo aan wali midha dhalkiisa bulshadu dareemin waxna aan ka badalin busaaradii iyo shaqo la aantii Dhalinyaradda haysay. 2… Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi khudbadiisu waxay u muqanaysay sidii marar hore dhacay qorshe la’aan aanu qorshe u dajisan ka lahayn arrimaha maarayntoodu isaga iyo Xukuumadda uu hoggaamiyo ay u taalo. “Haddii aynu ganacsatadeena iyo dhammaanteen aynu isu tagno, hadaynu Dawladaha wax maal gashada u yeedhano, dhammaanteen hadaynu isugu tagno “ Weedhahaasi waxay kamid ahayeen halqabsigii Madaxweynaha iyadoo hoggaamiye ahaan ay ka mudnayeen waxaas waanu ka qabanay waxaana noo qorshaysan taas iyo taas aragtidaas hoggaamineed kama muuqan.. Gebo gebadii Arrimaha Doorashooyinka iyo Xisbiyada. Madaxweynaha waxa ka muuqatay nuglaansho badan oo xagga Mucaaridka ah gaar ahaan Xisbiga WADDANI oo uu jidh dubaaxshi ka muujiyay. In kasta oo madaxda Xisbiga WADDANI munasibadii 18-ka May si culus uga qayb galeen haddana wuxuu tabaayay Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxman Cirro. Xiligii Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha aha oo lagu tilmaamo xilligii Mucaaridada ugu adagi Somaliland soo martay, ma jirin munaasibas qudha oo Guddoomiyihii KULMIYE Axmed Siilaanyo kala qayb galay Madaxweyne Rayaale … Isaga iskadaayo xitaa sarakiisha Xisbiga KULMIYE kama qayb gali jirin.. Kaaga darane Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu hasta hadda Xisbigii UCID oo muxaafid max-lal ah, walow aanu Xisbi ahaan u jirin hadana magac ahaan u jira, wakhtigaas Daahir Rayaale Kaahin UCID oo sidan ka xooganayd xitaa ma wada haysan waayo Cabdiraxmaan Cirro oo Golaha Wakiilada Gudoonshe ka aha wuxuu la hayay Dhanka Isbadal doonkii Mucaaridkii wakhtigaas halka Faysal Cali Waraabe inta badan u wehel yeeli jiray Madaxweyne Daahir Rayaale , hadana marka la eego doorashooyinkii uu galay iyo siduu KULMIYE ugu babac dhigay iyo cabanaanta Muuse Biixi ee maantu waa kaaf iyo kala dheeri. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kama hadal Heshiiskii Khaatumo ee Proff Cali Khaliif Galaydh iyo Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo galeen, halku ku danbeeyay iyo wuxuu ku diidanyahay, kama hadal saami xumada Xukuumadiisa iyo in aanay bulshada dhex u ahayn oo aan ummadda Somaliland iska dhex wada arkin, iyadoo Madaxweynihii, Taliyayaashii Ciidamadda Qalabka sida, Maxkamadii Sare, Maaliyadii iyo dhammaan ilihii dhaqaalaha ee Dalka Beesha Madaxweynuhu sadbursiimo u heshay, kama hadal caqabada ugu wayn ee Doorashooyinka la sugaayo hortaagan oo ah saami qaybsigii Gobolada oo isaga laga sugaayo, kamuu hadal halkuu ku danbeeyay Xukunkii Deg Dega aha ee Gobolka Sanaag, kama hadal Xabisaada Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool iyo Dastuurka u fasaxay inuu Wali Xabsiga ka hayo, kama hadal qaybsanaanta Bulshada uu hoggaamiyo haysa iyo xalka uu amuurtaas gamuurantay u hayo.. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal.. Sweden .. Source
-
Kenya and Djibouti in partnership with the private sector plan to invest Sh6 billion to lay out Kenya’s fifth submarine cable. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay kulan-kii ugu horreeyay ku yeeshaan odayaasha dhaqanka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Gobalka Banaadir, sida ay noo sheegayn qaar kamid ah Ganacsatada. Kulankaan ayaa looga hadli doonaa xaaladda go’doonka ah oo ay ku jirto magaalada Muqdisho, waxa uuna daba joogaa kulamo kale oo ay hore u yeesheen odayaasha dhaqanka iyo waxgaardka Muqdisho. Kulamada ayaa waxaa markii hore waday oo laba goor shiray odayaasha, balse waxaa hadda kusoo biiray ganacsatada. Ganacsatada iyo odayaasha ayaa la sheegay in ay kawada hadli doonaan sidii cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed loo saari lahaa Dowladda Soomaaliya iyadoo laga jawaabayo xaaladda go’doonka ah ee Muqdisho. Dhinacyada ayaa laga yaabaa in ay ku dhawaaqaan joojinta isticmaalka Dekedda Muqdisho iyo bixinta Canshuurta dowladda. Sidoo kale odayaasha ayaa la filayaa in ay la kulmaan guddiga gaadiidlayda Gobalka Banaadir oo si lamid ah laga dalban doono in ay joojiyaan shaqada iyo bixinta Canshuurta dowladda Federaalka Soomaaliya. Hadii ay dhacdo in ganacsatada, gaadiidlayda iyo odayaasha dhaqanka ay qaataan go’aan mid ah waxay noqon doontaa xaaladda mid aan sahlaneen. Sidoo kale waxa uu go’aankaasi noqonayaa kii ugu horreeyay oo nuuciisa oo kale ah islamarkaana Muqdisho ka soo baxa waayihii dambe. Dowladda Soomaaliya oo cadaadis ballaaran saartay Shacabka Muqdisho ayaa u muuqata in markaan ay wajahayso cadaadis adag oo uga imaanayaa odayaasha matala beelaha daga Gobalka Banaadir oo u dul-qaadan waayay xaaladda aan sahlaneen ee Muqdisho ka jirto bilooyinkii la soo dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The hijab has become an optional part of the Police Scotland uniform as the force works to encourage Muslim women to join the service. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
